Faallayn: Buugga la Magacbaxay “Far Tasawday”

0
1003

Culimo iyo aqoonyahanno badan oo ay qaarkood shisheeye ahaayeen ayaa xilliyo hore ku dadaalay sidii loo heli lahaa far u gaar ah oo uu afkeennu yeesho laguna qoro. Culimadaas waxa ka mid ahaa, Ilaahay labadoodaba ha u naxariistee, Sh. Ibraahin Cabdalla Mayal iyo Sh. Maxamed Cabdi Makaahiil oo soo saaray far ku qornayd xarfaha afka carabiga oo ay qarnigii hore bilowgiisii afkeenna ugu talo galeen.

Buugga cusub ee bishii Julaay ee sannadkan soo baxay ee uu magaciisu yahay “Far Tasawday: Far Soomaalidii u horreysey ee reer Soomaalilayn” uuna qalinka u qaatay qoraaga caanka ah Cabdiraxmaan C. Faarax (Guri Barwaaqo) ayaa ina baraya in badan oo ka mid ah waxqabadkii iyo dadaalkii labadaa sheekh ee ku saabsanaa horumarinta Af-Soomaaliga.

Dhiganahaas ayaan toddobaadkan akhriyey, dabadeedna waxan go’aansaday, halkan laguma soo koobi karayee, in aan aqoontii iyo xogihii ku qornaa qaybo ka mid ah soo xigto aragtidaydana ka dhiibto. Meelaha qaarkood si dulmar ah ayaan u soo xiganayaa aniga oo ujeeddada guud uun xoogga saaraya oo sidii ay weedhuhu u qornayaaeen aan u qorayn. Meelaha qaarkoodna hadalkii qoraaga oo aanan waxba ka beddelin ayaan si toos ah u soo xiganayaa.

Waxa buugga ku qoran xogo ay ka mid yihiin sooyaalkii Sh. Maxamed Cabdi Makaahiil, waxqabadkiisii, qasiido inkasta oo aanay aad u muuqan uu sheekhu u tiriyey Sh. Madar, farihii kala dudduwanaa ee xilliyo kala danbeeyey la soo kala saaray iyo guddiyadii Af-Soomaaliga ee 1960-kii iyo sidii ay wax u qiimayn jireen.

Ugu horreyn, waxa uu qoraagu inoo sheegayaa arrin aanu dadka badankiisu ka warqabin oo ah in ay jirtay far Soomaali ahayd oo xilli hore la adeegsaday, taas oo uu dejiyey sheekh la odhan jiray Sh. Ibraahin Cabdalla Mayal, uuna markii danbe adeegsaday Sh. Maxamed Cabdi Makaahiil oo ka mid ahaa ardaydii uu Sh. Ibraahin wax baray.

Farta ay labadaa sheekh soo saareeni waxa ay magac ahaan caan ku noqotay “Far Makaahiil”. Sida uu qoraagu buugga ku xusay beryihii hore marka uu qof hawl waxtar leh isku xilqaamo Soomaalidu waxa ay qofkaas hawshiisa ku xidhiidhin jirtay reerka ama cidda uu ka soo jeedo, waxana jirta far kale oo uu aqoonyahan Soomaaliyeed soo saaray oo lala xidhiidhiyey reerkii uu aqoonyahankaasi ka soo jeeday.

Qoraaga oo arrintaa ka hadlaya ayaa waxa uu qoray: “Farta aan leeyahay way tasawday, run ahaantii, waa fartii u horreysey oo iyada oo dhammaystiran lagu qoray af Soomaaliga lagana adeegsaday Jamhuuriyadda Soomaalilayn. Waxa hubaal ah in dad badan oo Soomaaliyeed aanay arrintaas ka warqabin. Arrinku si kastaba ha ahaadee, sida la ii sheegay, waxay fartani caan ku ahayd magaca ‘Far Makaahiil.’ ” Waxa kale oo uu qoraagu leeyahay: “Haddaba, xilligan aan hadda ku jirno oo ay falgalka reernimadu meel xun marayso way nala adkaatay inaanu afka ku ballaadhinno arrintaas. Sidaas awgeed waxaannu ku tilmaannay inay tahay far dhammaanteen innaga tasawdey, magaca buugguna sidaas buu ku noqday ‘Far Tasawday.’ ” Waxa xusid mudan in qoraagu u mahadnaqay abwaanka caanka ah ee Axmed Aw Geeddi oo uu sheegay in markii ay wax badan ka wada hadleen magaca buuggu yeelan doono iyo saamaynta uu bulshada ku yeelan doono uu magacu maskaxdiisa ka soo maaxday. (Bogga 9-aad).

Sh. Maxamed Cabdi Makaahiil waxa uu ku dhashay magaalada Berbera, waxanu quraanka ku bartay magaalada Jigjiga. Intaa ka dib, waxa uu tegey Jaamacadda As-har (Azhar) oo dadkii ay israaceen waxaa ka mid ahaa Sh. Cali Deyr. Sh. Cali Deyr waa Sh. Cali Xaaji Ibraahin oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee Soomaalida. Sh. Cali waa sheekha dugsiga Idaacadda Hargeysa u dhow loogu magacdaray. Sh. Maxamed sannadku markii uu ahaa 1950 ayaa uu geeriyooday.

Si fiican oo qurux badan ayaa uu qoraagu bogagga 86 – 179 ugu soo qaatay waxqabadkii sheekha oo ku urursan buugga “INSHAA AL-MAKAATIBAAT AL-CASRIYA FII AL-LUQA A-SOOMAALIYA (daabacaaddii labaad) oo uu sheekhu qoray.

“Far Tasawdey” waa far ku salaysan xarfaha afka Carabiga. Sheekhu waxa uu ku dadaalay in ay fartani noqoto far dhammaystiran oo nidaamsan isla markaasna lagu kaaftoomi karo. Waxa uu farsameeyey xarfo hawl badan oo uu afkeennu leeyahay, hase ahaato ee aanu afka Carabigu lahayn. Dha-da iyo Ga-da ayaa ka mid ah xarfahaa iyaga ah.

“Far Tasawdey” waa far la adeegsaday oo shaqaysay, qoraallo kala dudduwanna lagu qoray. Qoraalladaas waxa ka mid ah waraaqo ay dad meelo kala fog joogaa ku wada xidhiidheen iyo maahmaahyo fara badan. Maahmaahyada “Far Tasawdey” ku qoran waxa ka mid ah kuwan:
Yaabay oo waxaan la yaabay wuxuu dhagax yarina u kori waayey, dhagax weynina u gaboobi waayey.
Nin adhigiisii waraabe u dhacay “orod daranow” mooyee “hore u roor” lama yidhaahdo.
Soori waa mood iyo nool. Taad cuntaa waa mood, taad bixisaana waa nool.
Xigaal kii kuu sheegta xabaalahaa la tusaa, xoolo kii kuu sheegtana hadhkaagaa la tusaa.
Tol nin ka hadhay iyo tiro neef ka hadhay midna ma dabargo’in.
“Far Tasawdey” waa far si fiican loo akhriyi karo loona fahmi karo. Waxa inoo fududaynaya nidaamka qoraagu u dhigay oo ah in bog kasta oo “Far Tasawdey” ku qoran uu ka soo horjeediyey bog kale oo ku qoran fartan aynu immika adeegsanayno oo boggaa hore haltebintiisii ah. Haddii aad markaa bilowga hore akhriska “Far Tasawdey” ku yara hak-hakato marka aad xoogaa sii waddo waad la qabsanaysaa oo waa aad dul ordaysaa.

Ugu danbayn, qoraaga buugga (Cabdiraxmaan C. Faarax “Guri Barwaaqo”) aad iyo aad baan ugu ammaanayaa hawshaa qiimaha badan ee uu qabtay. Waxa uu horteenna keenay hanti aynu lahayn oo inaga lumi gaadhay. Waxa halkaa laga garan karaa in aynu goor horeba ahayn ummad waxyaalo badan oo qiime leh nasiib u yeelatay, halyeyo hibo iyo garasho sare lehina ay ka mid ahaayeen. Maahmaahyada buugga ku qoranna waxa laga yaabaa qaar aynaan hore u maqal oo lumi lahaa oo ay “Far Tasawdey” bedbaadisay in ay ku jiri karaan.

Wax kasta oo uu qof bani’aadan ahi qabtaa goldaloolooyin waa uu yeelan karaa, oo waa arrin dabiici ah taasi. Waxa wax lagu farxo ah dhiganaha intaa le’eg in uu qoraagu ka ilaaliyey waxyaalo badan oo buugaagta waqtiyadan danbe la soo saaro lagu dhalliilo oo la xidhiidha higgaadda iyo habka wax-qorista. Bogga 140-naad oo laba jeer la daabacay mooyaane, wax kale oo dhalliila oo aan buuggaas hab-qoraalkiisa iyo higgaaddiisaba u hayaa ma jiraan. Waxaanan odhan karaa waa buug dusha sare maraya oo qof kasta oo akhriyaa uu xog iyo aqoon badan ka faa’idi doono.

W/Q: Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com
Hargeysa, Soomaalilaan.