Faallo: Buugga Go’aan iyo Gobanimo ee uu Qoray Cali Cabdi Coomay

0
1523

Buugga la magacbaxay GO’AAN IYO GOBANNIMO oo uu qoray Cali Cabdi Coomay, waxa uu gacantayda soo galay bishii Ogost horraanteedii ee gu’gan 2016ka. Waxa muquuno ahaan iigu soo diray qoraaga. Waxa uu buuggu ku suntanyahay IHN, Sheekh Ibraahin Sh. Yuusuf Sh. Madar, oo ilaa aasaaskii Golaha guurtida Somaliland ahaa guddoomiyaha golahaas. Sheekhu, waxa uu geeriyooday 2004.

Marka laga hadlayo Sh.Ibraahin, waxa ay macnaheedu noqonaysaa in taariikh uu xanbaarsanyahay buuggu. Haa waa taariikh loo kala qaybin karo sooyaalkii Sh. Ibraahin iyo sooyaalkii nabadayntii iyo dhisiddii Qaranka Somaliland.

Cali Cabdi Coomay oo buuggan qoray, waxa aan hubaa in uu aad ugu baraarugsanyahay kaydinta iyo dhigaalka taariikhda Geeska Afrika. Sababtoo ah, waxa uu qoray buugaag dhawr ah oo intuba ka hadlaya taaiikhda dadka soomaalida iyo guud ahaanba Geeska Afrika.

Taariikhda soomaalidu waa meelaha u baahan in aad wax looga qoro. Gaar ahaan inta uu noolyahay qofka waxa laga qorayo ama tiirarka goobjoogga ahaa ee la inoo soo tebinayo dhacdooyinkii ay goob joogga u ahaayeen. Goobjoog keliya maaha ee ay in badan go’aamada wax ku lahaayeen. Nasiibdarro tiirarkaa odayaasha ah haddii aad is tidhaahdo wax ka qor sooyaalkooda, waxa laga yaabaa in ay kuugu jawaabaan “Ma anigoo nool baa wax la iga qorayaa”. Taas macnaheedu waa horta aan dhinto, markaasaa wax la iga qori. Waa nasiib darro, in odayaal maanta nooli aanay oggolayn in wax laga qoro. Waxaase dhici doonta in wax laga qoro la waayo ama wax qaldan laga qoro. Waxa kaloo hubaal ah in ay koobnaanayso waxa laga qorayo, sababtoo ah in wax badan oo muhiim ah oo isagu uu dareenkeeda lahaa, aanuu soo gudbin karin haddii uu godgalo. Waxa aan qoraalkan sidan ugu bilaabay, waxa aan xogogaal u ahay in badan oo tiirar taariikheed ah oo maanta nool aanay oggolayn in wax laga qoro.

Intaa ka dib, aan marka hore hambalyo u diro qoraaga buugga Cali Cabdi Coomay. Waxa uu qabtay hawl weyn oo u baahan in halkaa laga sii wado. Waxa uu dhidibada u taagay taariikhda Golaha Guurtida, oo uu ku suntanyahay Sh Ibraahin IHN. Waa buug ka kooban 193 bog. Sida jeldiga ka muuqata waa sawir kur ah oo Sh Ibraahin oo koofiyaddii iyo go’ii shaalka ahaa ee hubqaadka dhaqankeenu ka muuqdo. Buugga waxa bilawga aad kula kulmaysaa sooyaalkii nololeed ee Sheekha, ilaa aad ka soo gaadho dagaalkii 1988kii oo uu Sheekhu ka barakacay magaaladii uu ku dhashay ee awoowgii Sh Madar aasaasay. Halkaa ayuu halganka guurtinimada iyo nabadayntu ka bilaabmaysaa.

Waxa aad buugga ka helaysaa shirarkii nabadaynta kuwii ugu waaweynaa. Si mug leh waxa ugu jira shirkii beelaha Somaliland ee Boorame 1993. Waxa aad xasuusanaysaa go’aankii Somaliland ay ku diiddey in ciidanka maraykanku cag soo dhigaan carriga Somaliland 1992kii. UNISOM ayaad halacsanaysaa iyo go’aankii Guurtida. Waraaqihii guurtidu u qortay UN-ta ayaa dhinaca danbe ee buugga ku lifaaqan. Runtii waa muhiim lifaaqyada noocaas ah ee ka tarjumaya go’aanno ama dareenkii xilliyadaas Guurtidu gaadhay. Buuggu kuma koobna Sh Ibraahin iyo Guurtida ee waxa uu qoraagu innala wadaagay dhacdooyin farabadan oo soo maray dalka una badnaa dagaallo iyo shirarkii lagu nabadeeyey.

Waxa uu qoraagu isku deyey in uu helo xilligii ugu horreysay ee la aasaasay Guurtida. Waxaanuu helay xog badan oo ku saabsan ilaa siddeetamaadkii iyo yagleelkii ugu horreeyey ee Guurtida. Dhinacyada kale ee uu qoraagu xogtooda helay waa Sh Ibraahin iyo doodo dhexmaray madaxdii dalka.  Sawirro badan oo taariikhi ah ayaa ku jira buugga, oo inta badan la qaaday iyada oo guurtidu hoggaaminayso kulamadii ugu waaweynaa ee dhismihii qaranka Somaliland. Qoraagu waxa uu xoogga saaray arrimihii ugu waaweynaa ee Guurtidu saamaynta ku lahayd ama ay iyagu ka ahaayeen shirguddoonka sida: Shirkii beelaha Somaliland ee Burco Mey 1991, shirkii ka dhacay magaalada Sheekh ee lagu go’aansaday in shirweyn lagu qabto magaalada Boorame, oo isna dhacay 1993kii.Shirarkaas iyo kuwo kale oo badan waxa midkiiba laga qori karaa buug u goonni ah. Waxa kaloo Golaha Guurtida laga qori karaa buug u gaar ah ama buugaag badan oo mid kastaaba uu meel gaar ah innala wadaagi karo oo iskaabaya.

Waxa aad buugga kala soo dhexbaxaysaa go’aan adaygii iyo ku dhegenaantii Sh Ibraahin uu ku adkaystay sidii Golaha Guurtida looga dhigi lahaa mid sharci dastuuriya ku dhisan, oo aanuu noqon kolba in loo yeedho marka dhibaato dhacdo. Waxa aan qabaa dhismaha Golaha Guurtida ee Somaliland in uu yahay mid loo baahnaa. Inkastoo ay dad badani ka soo horjeesteen, iyagoo ku salaynaya in aan loo baahnayn odayaal kolba u kordhiya xukuumadda xilligeedu dhamaado. Haddaan si kale u dhigo in ay noqdaan Golaha go’aanka kama danbaysta ah leh ayaa dad badani ka biyodiidaan.

Golaha Guurtida ee uu Sh Ibraahin muddada dheer ka soo ahaa guddoomiyaha waxa uu noqday mid lagaga badbaaday muran badan oo qarka u saarnaa in dhibaato dalka ka dhacdo. Dabcan, habka uu iminka u dhisanyahay saluug badan baa jira, oo sida ay xubnuhu ku yimaaddaan maaha si habboon. Waxa kaloo dadka qaar ku doodaan in doorasho ay ku yimaadaan xubnaha Guurtidu, taasoo aan loo baahnayn, mar haddii lagu saleeyay beelo ahna sida bulshadeenu u dhisantahay. IHN Sh. Ibraahin waxa uu soo guddoominayey Golaha Guurtida xilli aad u adkaa oo leh dareen gaar ah. Go’aamadaas waxa ku wehelinayey odayaal aan kala dhicin oo maanta ay ka noolyihiin tiro aad u yar oo uu ka mid yahay Abwaan, Nabadoon, Indheergarad Xaaji Cabdiwaraabe. Oo uu Ilaahay cimri dheer iyo caafimaadba siiyey, Ilaahay ha u sii siyaadiyee aamiin.

Ugu danbayn waxa aan aad ugu hambalyeynayaa qoraa Cali Cabdi Coomey oo wakhti iyo xoogba geliyey in uu buuggan inoo soo bandhigo. Dhammaan intii ka qaybqaadatay ee ku dhiirrigelisay qoraaga waxa ay innaga mudan yihiin ammaan. Waxa aan ku guubaabin lahaa dhallinyarada iyo waayeelkaba in ay buuggaa akhriyaan si loo saxo haddii qaladaad ku jiro. Markaasaa la helaa wax dhammaystiran, balse haddii dedaalka qoraaga lagu eego indho taban, waxa ay noqonaysaa in aan qoraagiina u hollan buugaag kale kii wax dhalliilayeyna aanuu waxba qorin. Sidaa awgeed aan isku biirinno xogaha daadsan guryaha hoostooda ee aan macno yeelan doonin beri dhow.

Waxa aan ku soo afmeerayaa qoraalkan, sidii looga soo qaybgalay habeenkii la soo bandhigay ee yar iyo weynba loo soo buuxiyey goobtii qoraagu ku soo bandhigay ha loo akhriyo, oo yaan docda guriga lagu illoobin. Hawl baa gashay, maalbaa galay innooga baahan in la taageero oo loo hambalyeeyo. Hadii aad qaladaad ku aragto buugga la wadaag qoraaga adigoon ka tegayn raadraaca aad hayso.

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed M. Yuusuf