Faallo:Sooyaalkii Cabdillaahi Suldaan Timacadde: “Ninkii Sawdka Aarkiyo lahaa Summadihiisiiba.”

0
973

Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane. Nin qabyaalad beertoow wanaag kuuma soo baxo’e. Nin qabyaalad heensaynayaa guul ma haybsado’e.
Saddexdaa bayd waxay ka mid ahaayeen saddex maanso oo kala jaad ah oo uu Cabdilaahi Suldaan xilliyo kala fog uu tiriyey. Wuxuuna ka tiriyey duruufo kala jaad ah. Waxaa se innooga muuqata inuu carrabka ku adkaynayey dhibaatada qabyaaladdu leedahay. Anigoo soo koob koobaya maansadii ilaahay ha u naxariistee Cabdilahi Suldaan “Timacadde”,

Waxaan ku bilaabayaa kumuu ahaa Cabdilaahi Suldaan. Waxa hubaal ah in dhammaan dadka soomaaliyeed intooda badani ay magaca garanayaan, inay in kaloo badani na codkiisa maqashay. Taariikhda Cabdilahi Suldaan Maxamed iyo maansooyin-kiisaba waxaan ka soo xigtay buugga dhowaan soo baxay ee la magac baxay “Diiwaanka Maansada” Cabdilahi Suldaan. Buuggaasoo uu qoray, qoraaga caanka ah, halgamaaga caanka ah Boobe Yuusuf Ducaale.

Cabdilahi Suldaan oo ku magac dheeraa “Timacadde” wuxuu ku dhashay deegaanka Galoolley oo u dhow magaalada Gebilley sannadkii 1920-kii. Yaraantii´sii wuxuu ku soo koray magaalada Gabilley. Dhallin-yaro nimadiisii wuxuu soo maray ama deggenaa magaalooyin badan, oo ay ka mid ahaayeen Adari “Herer”, Diridhabe iyo Magaalada Jabuuti. Balse halggankiisii ugu ballaadhnaa intii uu ku jirey wuxuu deggenaa magaalada Hargeysa.

Cabdilahi Suldaan “Timacadde” wuxuu geeriyooday 1973-kii isagoo 53 jir ah. Wuxuu na ku geeriyoodey deegaankii uu ku dhashay. Magaalada Jabuuti ayaa ahayd meesha uu maansooyin-kiisii ugu horreeyey ee dhinaca gumaysi-diidka uu ka bilaabay. Goobta loo yaqaan “Balaas Raamboo” ee ku taal magaalada Jabuuti, oo berigii hore loo yaqaanay “Daar-al-akhbaar” ayuu Timacadde ka gabyi jirey. Aan ka soo qaato gabay la magac baxay “Mudmud” oo uu tiriyey 1946-kii, qiyaastii 26 jir ayuu ahaa. Bal miisaanka gabaygaa oo ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee uu Timacadde ahaa nin dhallin-yaro ah u fiirso.

Macanaa gabaygu kala leeyihiyo, jariyo miidaane
La iskuma marduufee markaan, kayga marinaayo
Masalooyin-kaygii haddaan, maayaddaw laliyo
Haddaan maago maansada inaan, mariyo luuqdeeda.
Mar haddaan mashiinkiyo furfuro, midhaha laakiinta
Mahiigaan sidiisii haddaan, maayad soo kiciyo.
Arartaa markuu hordhac ka dhigo ayuu gabaygii gelayaa. Si aan qoraalku u dheeraan aan waxyar ka soo qaato gabaygii iyo guda-galkiisii.

Malgaash kol ay ku tahay, uunka-kale waa midhkaa qudha’e
Waxan la kala moosmoosayaa, madawga weeyaane
Ha lays mudo malyuunaad ha dego, maalin gelinkeede
Nin kastaa mimilada haw dhintee, waan mudmudayaaye
Mid hadduu la tego baasaboor xerada maariiga*
Markhaatiga waxay ugu furaan, maalin kharashkeede
Marbaan ahay mahigaan curtiyo, maalkii calaymayne
Marbaan ahay masiibo aan la arag, maanta ka horow’e
Marbaan ahay mas geesaale iyo, mur iyo waabeeye
Inaan ciidda hoos mari karana uma malaysaane
Muuqaygan gaabani ragbuu, meel ka ridayaaye
Marka uu leeyahay Timacadde “Waxan lakala moos-moosayaa madawga weeyaane” wuxuu tusayaa dadkii dhegey-sanayey in aanay xor ahayn oo cid kale u taliso. Wuxuu la hadlayey dhammaan qaaradda dadka madaw ay ku nool yihiin, waa Afrika’e. Wuxuu tusaale u soo qaatay in adduunka intiisa kale ay midaysan yihiin ee Afrikaanka uun lakala qayb-qaybinayo. Maansadaa waxaynu odhan karnaa waxay u ahayd dadkii xilligaa ku noolaa magaalada Jabuuti farriin ay ka heleen wargeyskii shacbiga oo ahaa maansayahanka soomaaliyeed. Xilligaa maansadu waxay u dhigmaysey TV, Wargeys iyo radio-ba intaba qofka maansa-yahanka ah ayaa u ahaa.

*Maariiga (ciidanka badda) ee Jabuuti

Halyeygii soomaaliyeed “IHN” Cabdilahi Suldaan Maxamed “Timacadde” iyo maansadiisii ma guuraanka noqotay. Q-2aad

Isticmaarka canbaar iyo, ninkii ceebta u yeelayoow! Cabdillaahi suldaanoow!
Soomaaloo calan taagta saakay noogu horraysa, in sidayda tihiiniyo in kalaanan saxayne, saddex wiig iyo maalmo haddaan soor cuni waayo safrad laygama yaabo. Sadadu kay ku xidh-naydoow, sallaankii istiqlaalkoow, sayruuqii Afrikaadoow, siraadkii na iftiinshaye, soomaaloo dhan xoreeyayoow. Soomaaloo is cunaysoo isa seeggan dhammaanoo, saqda qaylo dhawaaqdiyo, sulub laysu cabbaystiyo. Ma siddeetan sabaan baan, soomaalidaay is cunaynayoo, isku aakhiro seegnay. Da’deenay ahaayeen kuwaa, loo debbaal degaye, Doqoniimo soomaali waa loogu dawgalaye, Hadduunbay u doonyey-santahay sheeyadii dilaye. Gaaladii hadday naga tagtoo, calan na guud joogo, Garaadkeedu soomaali waa kii horuu gubaye. Dad wanaaggii laga maydhay baan waani leeyahaye. Waddada toosan soomaali waa looga waakadaye. Calanyahaw walhanayaa adaan kuu werwerayaaye. Dhaqdhaqaaq ninkii lagu arkaa, loo dib dhigayaaye. Dhammaan dunida soomaali bay dhaxani haysaaye. Waxaa dhacaya soomaalidaa, qaadka dhilanaysa, dhegu uma daloolaan kuwaan dhiirri leeyahaye.

Baydad kaa aan ku bilaabay qormadan waxaad ka dhex arkaysaa yeedhmada uu Abwaanku mar kasta dadkiisa ugu yeedhayey wanaagga. Erayga soomaaliyeey, soomaalidaay, soomaali, haddii aynu is-nidhaahno maansada Timacadde ka soo dhexsaara waxay noqonaysaa tobonnaan bog. Qormadii hore waxaynu ku bilawnay sida maansada Timacadde looga dhex arkayo, qabyaalad nacayb-ka. Qormadan na waxaan ku bilaabay dhiirri gelintiisii uu markasta la hadlayey dadkiisa. Maansada Cabdilahi Suldaan waxay u badnayd gabay iyo geeraar oo labaduba ay ku yaraadeen maansada soomaaliyeed xilliyadan danbe. Gaar ahaan geeraarka oo aad arkayso inuu u fududaa Timacadde. Waxaad mooddaa inaan beryahan danbe la tirin ama uu aad u yaryahay curinta geeraarku.

Gabaygan soo socda wuxuu “IHN” Timacadde tiriyey markii dhulka soomaalidu degto uu ingiriisku ku wareejiyey Xayle Salaase 1954-kii gaar ahaan deegaanka loo yaqaanay “Deegaanka kaydka ah”. Wuxuuna yidhi:

Burhaantiisa gabay waanigaan, baadhin waayadane
Baydh-baydhku waa ceeb haddaad, arar bilawdaaye
Sida baarax geel kayga waa, loo biltiriyaaye
Waxa lagu bishlaa awgayoow, jago u baahnayde
Abidkayba baydkaan idhaa, bayl ka kululaaye
Caawana mid baalkii sitaan, soo ballaysimaye
Afartaa bustaan lagu nastiyo, berende maw yeelay
Ma bineeyey sida daarihii, Baarii lagu sheegey
Buurahaba waxaad uga dhacdaan, baadi-doon adhiye
Lax baraar ah oo kaa luntaad, bilo maqnaataane
Bilaaddadan wareegiyo arligan, baab’ah laga yeelay
Barteeniyo naftaba waa inaan, biimo gelinnaaye
Barjahay-na reebaye rag baa, booday Cumaroow’e
Baxsataye ilma-adeerayaal baydh isku ogaada.
Ilaahay haw naxariistee, Cabdillaahi Suldaan “Timacadde” wuxuu guubaabinayaa dadka soomaaliyeed gaar ahaan reer Somaliland oo uu markaa lahaa “waar ka kaca dalkeenii waa la wareejiyaye”. Wuxuu tusaale ugu soo qaatay in haddii neef adhiyi ka lumo ay baadi doontaan ama neefkuu doonaba ha noqdee, sida aanay uga hadhin ilaa ay neefkaa soo helaan ama raqdiisii ama ruuxiisii. Timacadde wuxuu dadka ku lahaa dhulkeenii waa la qaatay ee aynu nafta u hurno. Gabayga soo socda oo uu maldahay si aanuu maamulkii ingiriisku u fahmi arrinka uu ka hadlayo waxa la yidhaahdaa “Madax Geel”. Farriinta uu gabaygu xanbaarsanyahay markaad dhaafto waxaad arkaysaa miisaanka gabayga iyo farshaxannimada qotoda dheer ee abwaanku adeegsaday. Gabaygaas oo aan ka soo qaatay dhawr bayd waakan:

Nimanyahaw mirtii xalay adduun, lay mihiibsiiyey
Madax geela anigoo watoo, mudh iyo heemaal leh
Oo maqasha idhankaw-gu xidhay, Mulacle fooddiisa
Muskaan dhigay miscirirtaan tisee, muuqasho u diidey
Ma moogaanin gurigee sidaan, daadka uga moosay
Waxaan maalintii layl ceshaan, gelida meershaaba

Sarbeebtaa heerka sare ah ee aan hubo in fahamkeedu aanuu fududayn, ayuu abwaan-ku, ku dhammaynayaa gabaygiisa “Madax Geel”. Bal aynu jalleecno gabaygan kale oo isaguna ah sarbeeb, qiyaastiina uu tiriyey 1959-kii. Gabaygan oo la yidhaahdo “Murugo” wuxu tusaale u soo qaadanayaa dhawr arrimood oo uu leeyahay sidaasoo kale ayaan u murugaysnahay. Inta badan gabayaagu markuu doonayo inuu fahamkaaga hanto, oo aad dhegaysato. Wuxuu ku siinayaa tusaalayaal aad la fahmayso si uu kuu geliyo ta uu rabo. Timacadde oo doonayey in dadkiisu la fahmaan sida dareenkiisu yahay ayaa gabaygan ku soo qaadanaya tusaalayaal murugo leh.

Sida Maxamedoow nugul kaliil, maangad lagu ooday
oo mayey gu’yoo hoora iyo, maax biyo leh weydey
oo waa mawaashiye saq dhexe, Maa! ka tidhi beesha
Madoobaadayeey miyey xalay, murugtay laabtaydu

Sida Mayl kasoo baxay Hindiya, marinadii Jaawa
uu macallinkii waday xukumay, mood in laga buuxsho
Oo maalmo idil soo dhaxoo, meel marso ah gaadhin
Uu minawaar quusaa u dhigay, maynka lagu goosmo
Oo wixii makhluuqaad ku jiray, maalku kala soormay
Madoobaadayeey xalay miyey murugtay laabtaydu

Sida naag ninkeedii mudnaa, mawdku kala qaaday
Oo macangag liitaa u hadhay, yeeshay meherkeeda
Oo inay ka meermeeriyaan, magane doonaysa
madoobaadayeey xalay miyey murugtay laabtaydu

Sida Carab macdaar wacan dhigtoo, mihindisoonaayey
Oo maqayil tegey xaafad waa, lagama maarmaane
Uu tuug musmaarrada guruu, taabay maqalkiisa
Oo aan maliim lagaga tegin, mulug wuxuu heystey
Aan madhax danbiyo raasamaal, meel ka dayaneynin
Madoobaadayeey xalay miyey murugtay laabtaydu.
Tusaalahan ugu danbeeya haddaad u fiirsato wuxuu tusaale ka dhigay nin carab ah oo wixii uu tabcayey oo dhan habeen tuug ka xaday, oo aan waxba meel kale ku ogayn. Wuxuu ka dhigay inuu carabkaasi caydhoobay. Waxaad mooddaa in haddii uu soo qaadan lahaa nin soomaaliyeed oo tuug xaday, aanay la mid ahayn ninka carbeed ee dalka ku sugnaa. Oo dee! ka soomaaliyeed, malaa tollaay! ayuu odhan lahaa oo kol wax loo guro ama tuuggii loo soo helaba lamay mid ahayn nin carbeed oo qariib ku ah dalkeenna. Sidaa awgeed ayuu Abwaanku ku leeyahay bal ninkaa qiimee aan tol-na u joogin wixii uu xoolo ururinayey-na habeen keliya laga wada xaday. Sideebuu dareenkaasi noqonayaa. Weli waxaynu ku guda jirnaa dul-ka xaadis ee maynu gelin gabayadii waaweynaa ee Cabdillaahi suldaan Maxamed Timacadde, ilaahay haw naxariistee, aamiin, aamiin.
Diyaariye: Sayid Maxamed Yusuf “Dhegey”
FG: Qoraalkani waxa uu ku beegnaa beryihii uu soo baxay buugga Diiwaanka Maansada Timacadde ee uu qoray Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe)