Xeeldheerida Maansada “Hadraawi” xidhiidh waxay la leedahay, hadba xaalkii taagnaa, danyar baa xigto u ah

0
1360

Waxa aan daawaday, waraysi uu la yeeshay Tv-ga Somalichannel, Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi). Su’aalo dhawr ah oo la soo weydiiyey baa waxa ku jirtay weydiin macnaheedu ahaa: “Haddii aad tihiin hal-abuurkii soomaalida, maxaa xumaan uun u saadisaan, maxaase qabiil u kicisaan”. Dabcan su’aashu mid qeexan ma ay ahayn oo si gaar ah umuu weydiin Hadraawi, ee hal abuurka oo dhan ayuu u dhigay su’aashiisa.
Abwaan Hadraawi, si fudud ayuu ugu jawaabay oo ah: ” Kollayba dee dadka wax tiriya anigaa halkan fadhiya, anigana waxa aan tiriyey waa ay qoran yihiin waanay duuban yihiin, wixii aad qoonsato marka aad soo hesho ayaad i weydiin”.

Qoraalkan, ayaa ka dhashay su’aashaas. Dabcan, waxa aan xasuustay in badan oo sidaa wax u dhigta, oo aragtidoodu siisay in Maansadu wax dumiso. Xataa rag waaya-arag ah oo maansada aad ugu dheer, baa qodobkan ka dhigta, mid daliil u ah wixii dumiyey dalkii soomaalidu dhisatay 1960-kii. Halkaa ayaa u baahan in wax laga yidhaa. Marka la leeyahay, maansaa wax dumisay, waxa kow ka noqonaya Maxamed I Warsame “Hadraawi”.

Sidaa awgeed, waa qodob, in laga hadlaa ay waajib tahay. Maansadu, waxba ma dumiso, waxna ma dhisto, haddaanay dhego u nugul haysan. Maansada loo dhega nugul yahay waa ta taabata dhalliil jirta. Tusaale, Maamulkii Maxamed Siyaad Barre, oo ahaa maamul kelitalis ah, dad badan baa si uun u taageersanaa, aragtidoodu haba kala duwanaatee, dad badanna waa ay ka soo horjeedeen. Waxa uu ahaa nidaam ku dhisan “Car juuq dheh”. Maansada ammaanta ah, ee wax dhiska ka hadli jirtay, waxa ay ka badnayd kumaankun maanso, oo wada ahaa “Hay Siyaadoow, dad bay meeli buktaa, haddii loo baaqo oo loo sheego barwaaqo”. Waxaasoo maanso ahaa, ee lagu bixin jiray dhaqaalaha aan xisaabta lahayn, waxa laga sii dayn jiray labadii Idaacadood ee dalku lahaa (Idaacadda Hargeysa iyo Muqdisho).

Isweydii, maxay ku dhacday in Maansadaasi wax dhisi weydo, oo ay wax dumisay maansadii Hadraawi iyo Cabdi Qays, oo aan haysan Idaacad. Jawaabtu way fududahay, oo waxa sal u ah “Car juuq dheh” mar haddii dadka qaar la yidhaahdo ma hadli kartid, waxba arki kartid, ammaanta Kacaanka uun sheeg, dadku wuu cabbudhayaa, waxaanay u dheganuglaanayaan, ka tilmaamaya boogaha jira. Intaa haddaan dhaafo, aan waxyar ka soo qaato Maansada hadraawi sida ay uga tarjumaysay wixii taagnaa. Haddii cashar lagu qaadanayana, ahayd mid fahamkeeda loo baahnaa.

Aan ku horreeyo, Maansada “Heelyo”

Higlo weeye dulin badan
waana hoga kaliileed
hongorraha cadceedduu
ka hadh-galay qadhaabkii,
haylaa ka yara dhacay
hurdana wuu iskaga jirey.
Hillaac wax i tus bay tidhi
hilayguna indhaa qabey.
Intuu soo hanbaabirey
haab haabtay maradii
kuye Heeliyooy toos
iga eeg kor iyo hoos
miyaan hoolif mooyee
Hal turxaana leeyahay?

Halacsiga sarbeebta ah
iyadoon u hagar bixin
wax-ka-sheegga Haaruun
ha ka yaabin bay tidhi.

Maansada Hadraawi, waxa ay in badan kaga duwantahay maansayahanka soomaalida. Waxa uu sameeyaa hordhac, u dhigma araartii maansada, wuxuu ku siiyaa sawir, uu allifay ama uu ka soo dheegay sheeko hore. Maansada Heeliyo, u fiirso, waxa uu ku dhexgeeyey meel cidlo ah, oo Daayeer joogo. Waxa uu ka dhigay, in odaygii daayeerku hurdo ku jirey, oo maryihii uu huwanaa ka dhaceen, markuu toosayna, uu is yidhi, malaa Heeliyo waa ay ku arkaysay. Su’aashii uu weydiiyey, oo ahayd miyaad wax xun iga aragtay, waxa ay ugu jawaabtay maya. Waxa uu Hadraawi, maansadaa tiriyey isagoo dalka gudihiisa jooga, waxa uu ka dhigayaa madaxii dalku in uu yahay Cooflaha, dadkiina waa Heeliyo. Dadku marka ay gaar u sheekaysanayaan bay ceebaha iyo dhalliilaha dawladda sheegi jireen, illayn haddii kale waa la xidhayaa ama waaba la dilayaa, oo waa car juuq dheh’e!

Waxa ay Heeliyo, hoos u sii tidhi: Waatan intii ay sida qarsoon u tidhi Heeliyo, oo metalaysa dadkii.

Hab sabaale weeyaan
waana lays hunda ogyahay.
lyadoon ku hawshoon
wax-ka -sheegga Haaruun
waxay hoos u sii tidhi: –
“Nin gumeysi habayoo
isticmaar habeeyoo
la hal maalay baad tahay “.
“Hamrashada xaq-dhawrkiyo
haasaawahoodana
nin u heellan baad tahay.”

“Markay heedhe waalaha
hirwo kuu tuntumayaan
hebed minaw san baad tahay
“Halgan iyo waddaninnimo
inaad heerto mooyee
weligaa dab uma hurin
“Marka aad nin hanadiyo
hor-u-socod murmaysaan
halaq laba af-laad tahay “.

“Marka ay hufnaantiyo
qof hagaagsan joogtee
hebel kale la magac dhebo
nin hinaasiyaad tahay “.
“Garta hoga tuskeedana
hiinraac gurracanoon
waxba hubinnin baad tahay “.

Maansada Heeliyo waxa ay soo baxday 1981. Xilligaa waxyar ka hor ayaa dagaallo ka dhaceen xadka ku beegan gobolada Nugaal iyo Mudug. Dagaaladaas oo ay soo qaadday jabhaddii SSDF, ee uu hoggaamiyaha ka ahaa Ilaahay ha u naxariistee, kornayl, Cabdillaahi Yuusuf Axmed. Xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre, waxa ay go’aansatay in la baabi’iyo dadka deegaanka Nugaal iyo Mudug. Maxamed I Warsame “Hadraawi” isagoo dalka gudihiisa jooga ayuu maansadan ugu badheedhay in uu tilmaan ka bixiyo dhibaatada dadka masaakiinta ah ee soomaalida ah, een waxba galabsan, lagu hayey. Intan buu si qeexan ugu timaamay, kuna sheegay qaladka noocaas ahi in aanuu ahayn mid wax cabbudhin kara.

Hawsaryohow gurxamayaa
hodaddaabadaadiyo
halkaan kuugu tala galay
hal-xidhaale noqotee
galley iyo hadhuudh iyo
ninka halo ku dhaafsaday
hayntiisa kugu gaday
hindisana ku talo galay
inuu kugu horjoogsado
hororkiyo cadaawaha

Hiddihiisa gobannimo
halistana iskaga jiro
haybaddaada gaarka ah
ma inaad heddiisiyo
hooggiisa joogtaa?

Hadimada Garoowiyo
hanaq go’a Nugaaleed
halka aad tummaatiday
waxa kaga habboonaa
dar kaloo i hawlee
huqdaad reebtay weynaa
hibashiyo ladh kululaa.
Colka Bari harraatiyey
hubka Mudug ku talax tegey
Allaylehe hubsiiniyo
haki buu u baahnaa.

Xilligaa “Hadraawi” uu maansadaa tiriyey, waxa ay ahayd markii ugu horraysay ee xasuuq noocaas ahi dalkii Jamhuuriyaddii soomaalida ka dhacay. Kama uu aamusin Hadraawi, ee maansadaa sida cad u tilmaamaysa maamulkii markaa jiray iyo dhibaatadii loo gaystay dadkii shacbiga ahaa ayuu baqasho la’aan tilmaamay oo tibaaxay. Sannad ka dib bay ahayd maansadii ” Hargeysi ma toostay” oo tilmaamaysay, dhagaxtuurkii ka dhacay Hargeysa. Meel kasta oo wax ka dhacaan waxa uu Hadraawi xigto u ahaa danyarta, la dulminayey. Sidaa awgeed kii shalay wax dulmiyey, haddii cidi xisaabin weyday, maanta in uu yidhaahdo, waxa wax dumiyey waa Maansadii “Hadraawi”. Waxa qasab ah in laga jawaabo, oo Maansada Hadraawi, waxa ay af hayeen u ahayd bulsho la yidhi ma hadli kartid. Dadku garaadkooday qabeen, waanay kala garanayeen waxa san iyo waxa xun. Waxa ay ku dawoobayeen, maansada ay u arkaan in ay qaawinayso dhalliilihii jiray. Aan tusaale ku siiyo, riwaayaddii “Xorriyo” oo uu sameeyey Maxamuud Ciise (sangub) ayaa laga dhigay dalka meelo badan. Dadkii waxa ay ku buuxsadeen halkii iyaga buktay, waxa ku jirtay: “Xorriyooy! imisaa ku qaba? Afar. Waxa laga soo qaaday shantii guddida siyaasadda in laga hadlayo. Laakiin sida uu sheegay Sangub” waxa uu uga jeeday gumaystayaashii dalka soo maray. Bal adba!

Qoraalkan, waxa aan ku soo gebagabaynayaa, Maansada “Dibadyaal” oo aan u arko in ay ku jirto xigmad faham u baahan. Waxa uu ka warramayaa dalkii iyo sida loo dilay caddaaladdii, sida dhaqaalihii dalka jeebabka loogu gurtay iwm. Waxa uu ku bilaabayaa sidii maansada Hadraawi u gaarka ahayd sawir la yaableh! waxa uu innooga sheekaynayaa laba nin oo walaalo ah, oo midna qurba-joog ahaa ka kalena dalka joogay, laakiin la magac baxay Dibad yaal. Sheekada dhex martay ayaa aad la yaab u leh.

Wax la yidhi nin dooloo

Beryo dibada meeroo

Dani baajin weydaa
Caal waa dib ugu kacay
Degelkuu cid ku ogaa

Fadalkiyo durduradii
Wuxuu dacal ka soo galay
Dooryaanle waagii
Didibkii la oollaa
Daaqsin buu ka halacsaday
Dayr-dhaaf nin jiilaal
Shitay dogobbo waaweyn

Waxa duunka hoosiyo
Damaciisu kula faqay
Ninkaas daartay xaabada
Wax u dagamsan baa jira

U duwadey dhankiisii
Isla doonasho Illaah
Doobku waa walaakii
Waa ninkuu dad iyo maal
Dummaddiisa kaga tegey
Degdeg laysu gacan qaad
Wuxu yidhi “bal soo durug”
Hadalkana I deeqsii
Marmar baan daraaddiin
Degdeggiyo kalgacalada
Odhan jirey ma duushaa
Meel bay dalooshoo
Dal tabyaa I haysee
Duni waa ku dhaqannoo
Dareen lagama waayee
Degmadii ma nabad baa?

degmadana shil kama dhicin
dadna waa fayow yahay
dardartaan u yeellaa
imminkaan debcinayaa”

warku sii dabayl raac
laysu daaddeg toyashada
Goreygii dufka lahaa
Ma rakaatay doobtii
Shinbiraha ma didiyaa?
Lafii Daabbad qaarkood
Sow duleedka kama helin
Duf ku bexe wedkiisii
Doqonniino gurayaa
Nacasnimo daldalayaa
Dabadeeto eedyaa”.

“doonnidii la raran jirey
ma nafbaa ka daydeen
mise wuu dibboodoo
dugaag caydha baa helay?
Denbi dhaaf ha siiyee
Sawti duugti loo qalay
Ducadii adoogeen”

Wuxuu yidhi “duqeennii
Degta inagu sidi jirey
Isaguna ma dubuq yidhi?”
Dabayaaqadiisii
Intii aan duqduba hoyan
Dabra weerar nagu dhacay
Duullaan ku dhimayaa.”
Daaddeys ka xooryaa
Intaan danabadaaddii
Ubadkiyo durriyaddii
Dahrigaaga laga jaray
Subax keliya duudduub
Lagu darin xabaalaha”

Dayaxay madoobaa
Gabbalkay dam weeyaan
Da’yartii cuddoonayd
Iyagana docdoodii
Ma daleel bannaan baa?

Intaan Dahabadaadii
Duulal raacay loo tirin
Iyadana ka daba gee
Wixii aakhiraw degey”

Iyaduna ma duug baa
Maxaa loogu daw-galay?”
Kuye “waaban daalee
Sawtii Duleedow
Daandaansi keentee
Jin dagaagay maagtee
Aqalkii ka dumisee
Lagu helay danbiga culus
Sawtii la doorshee
Dalandoolli laga dhigay

Intaan xoolo dabar go’in
Dirga waayey hadalkii
Indhuhuna is daydaye
Maxaa duunyo weli nool?

Daratiyo kud weydii
Dadna waa anoo qudha”.
Duleedoo aqoonsaday
Inaan guul danbaysoo
Lagu diirsadaa hadhin
Ayaa daymo murugo ah
Dibno jiitamaayiyo
Deelqaaf ku yidhi ciil
Danab iyo warjaaf iyo
Daacuun ku kala goo!!!

Dubbihii Illaahay
Darandoorri ugu dhacay
Dam daguugan laga dhigay
Miyaad guul darraystow
Nabad iyo dardaan iyo
Igu tidhi dereen ma leh
Waxa duur-xulkaagani
Kaa daarran yahay sheeg!

Markii sheekadaasi dhexmartay, ayuu Dibedyaal dalka iyo wixii ka dhacay u sheegayaa. Waxa uu u sharxayaa sida wax kastaaba isu bedeleen, sida loo laayey dadkii, caddaaladdii loogu tuntay, wax is wada daba marsan ayuu ka hadlayaa, ninkii Dibedyaal.  Maansadu way dheertahay, ee waxa aan jeclaystay uun in aad sawir kala baxdo. Sideedaba Maansadu waxa ay kaga duwan tahay hadalka caadiga ah, iyadu way hadhaa, oo intan iyo in ka badanba dadku hadal ahaan waa ay isku odhan jireen, waxaase hadhaysa wixii tix ahaan loo tiriyey. Waxa kaloo ay Maansadu, bxisaa sawirro maskaxeed oo ku dhex mushaaxiya, dhul aanad arag ama aad arki jirtey. Waxa kaloo ay Maansadu ku siisaa hadal duuban, oo adigu sidaad u fasirato ayuun bay ku xidhantahay, in kastoo meelaha qaar la fahmi karo. Waxa ku badan Maansada Hadraawi, sarbeebta ku salaysan sheeko dhaqameed hore u jirtay ama mid uu iasaguba allifay.

Wuxuu yidhi degmadayada

Dugsi keliya baa jira
Diric keliya baa dhiga
Dersi baanu baranaa
Dulliga iyo beentiyo
Doqonniimo faankiyo
Qoqobkiyo dirsociyo
Ducadiyo yaboohdiyo
Inta laga diqoodiyo
Dawersigu ka kow yahay
Digashadu u mudan tahay

Marka qalin daraalaha
Dilla sheega la cuskado
Intixaanka loo dego
Ka dul dhiga jawaabtiyo
Doorkiyo wax-garadkaa
Inta daadataa u badan”

Dibnahaa la cunayaa
Qosolkaa la deexdaa
Adigoo il dabayaa
Dadku inaanay kaa garan
Misna lagu dedaalaa

Marka aad Duleedow
Sidaad doonto weydaad
Sidaad diiddey yeeshaa”
Si dareenka garashadu
Aanu nooga noqon duug
Dawrigaan hayin ahayn
Ma dagmaha indha qaba
Tiisa waw daboollaa
Waanu daadahaynaa
Wuxu daymo boganlaa
Dulmar bay ku gaadhaan.

Daba gala wixii dhacay
Xanta durugsan heli kara
Dooca waw gufaynaa
Deeqsiinta hadalkana
Farahaannu dirannaa
Iyagaa ka door roon
Dibno sheega godobaha
Hayska dagamsanaatee
Yeedhow dam weeyaan.
Tuducyada soo socda, waxa uu Dibedyaal kaga jawaabayaa su’aal muhiim ahayd oo uu weydiiyey walaalkii “Duleed”. Weydiintaasi waa ta aan ku soo afjarayo qoraalkan, waana halka aan odhan karo dhibaatada soomaalida ilaa maanta haysataa halkaasay ka soo jeeddaa. Sannadkii 1981kii ayuu Maxamed I Warsame, maansadan “Dibedyaal” curiyey. Waxa uu leeyahay, lagama adkaan kari waayin maamul dulmi ku dhisan, ee xeeladduu adeegsaday oo ahayd qaybi oo xukun ayaa rag kalena doonayaan in ay tabtuu yeelay yeelaan. Sidaa darteed baan looga adkaan karin ayuu Dibedyaal warka ku soo afjaray. Waana ta ilaa maanta aan cidna loo ogayn danbigay lahayd, sidaasay soomaalidu ku doonaysaa in ay hagaagto.

Wuxuu yidhi ” dulmanidaa
Misna gacan degganidaa
Aaway dawladnimadii
Iyo doorarkeeddii
Ma dad baan arlada jirin
Ma nin baa daraaddii
U daddaaba xidhantiin
Caku aaran dubatada
Iyo dooxatada baas
Dabar maad u goysaan
Xadhig maa u diirtaan
Dibso maa tidhaahdaan
Colka wadhaf ku daydaan
Nafta deeq u bixisaan”

Wuxu yidhi ” degmadayadu
Dareen way ka siman tahay
Doogna way gudboon tahay
Doorna waw midowdaa
Libna way ku dirirtaa
Xilla way daryeeshaa
Daba gelisyadiisiyo
Dad-qal way ka adag tahay

Danna way wadaagtaa
Duddadaa u kala rogan
Mana kala dab qaataan
Dadab baa ku kala xidhan
Kala durugsanaantiyo
Digadana nin baa shiday

Dawaduu ku huriyaa
Rag inay ku damiyaan
Dannigoodu farayaa
Gaas bay ku darayaan
Meel daad u baahnayd”

Waxse jira Duleedow
Dibirrooti kulul baa
Dingaraaradiisii
Xaska lagula daatee
Dakharrada la geystoo
Waa daanno culusoo
Rag iskaga danbeeyaa”

Malaa wayla durugtee
Aan soo dabbaalee
Tartan laba ku dirireen
Dahab loogu beretamey
In la seexsho dacawada
Danta laga lahaa waa
Inuu diinku guul helo

Dulmarkiyo ujeeddadu
Dadka waxay baraysaa
In dedaalku wacan yahay
Dhanna dulucda sheekada
Duur-xul baa ku yara jira
Iyo dala’si laga wado
Duqu inaanu dheerayn

Sida loogu daran yahay
Iyadoo ka diimmoon
Dayo moog habaarkaas
Awgiis ma daaree
Isna duubka hibada ah
Doomaarta cawskiyo
Daristuu ka jecel yahay.

Doqonniimo lama dhayo
Hedna lama daweyn karo
Dadka aad ka dhalatiyo
Dalka aad u dhalatiyo
Nin la yidhi danta u tali
Hadan laga dabqaatiyo
Diric iyo fariid noqo
Dibin daabyo ku ogow
Duco iyo xusuus iyo
Duug aad ka dhaxashide
Xilka daacad ugu hay
Ha dullayne gaadhsii
Meeshay daraaddeed
U galeen dagaakii
Diiftiyo kulka lahaa

Dib u dhaca ka maaree
Dumar iyo rag hawl geli
Kartidooda deeqsii
Derjow sugnaatoo
Guul baa u dagatee
Alla doori saw kaa
Darka jiidhay Maaweel!

Waxaan dooddi kaga baxay
Hdalkana ku daa idhi
Nin dab liqay Rashiidow
Dhuxul buu ka daacaa
Ma darmaanta booddee
Didday baan u jeedaa?
Ma daliilka muuqdiyo
Dhamac hoos ka darartoo
Is dallaallimaysiyo
Danbas baan aqaannaa?

Halka Deyr wakhtigu dhigo
Dib baa looga sheekayn
Kaddaraa u magac bixin
Haddii la dhexgalo Maansada “Hadraawi” waxa aad ka soo dhex tuujinaysaa, taxanihii siyaasadeed ee dalku soo maray, ilaa maanta iyo aragtida uu abwaanku ka qabay, kolba wixii dhacayey. Waa dhab oo aragtida waa lagu kala duwanaan karaa, laakiin haddii aan ku idhaahdo adigu aragtidaada xor uma tihid. Maxaa dhacaya? goor ay ahaataba, dadkaasi way qarxayaan, waana wixii dhacay. Car juuq dheh! ayaa keentay, in la qarxo. Marka quraaraddu jajabto, ma fududa sida aad isugu keeni karto. Waxa dhacay halaasay salka ku hayaan, haddii mugdi kaaga jiro, dib u raadi. Laakiin, kii isagu waxa dhacayey ka ahaa, qaybta, ee wax dilayey, cabudhinayey ee dabka kala dhex dhigayey dadka soomaaliyeed ee walaalaha ah, ogow! wuu joogaa maantana, isagoo aan cidina denbi u haysan, oo waxa uu ku guulaystay, kala qaybintii dadka. Dadka soomaalidu, dhib kasta oo dhacay, waxa soo unkamayey ama soo iftiimay in ay wax wada qabsan karaan. Waxaase dilay oo cagta mariyey maamulkii Maxamed Siyaad Barre, wax kastaana waxa ay ku aroorayaan halkay ka yimaaddeen. Waxna lagama qaban karo haddaan dhibaatadu halkay ka timi la isla garan, waa uun “Milil korkii la dhayayo”.

Xigasho: Barta hoyga Hadraawi.

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed M. Yuusuf
Iswidhan