TAXANAHA CASHARADA RAMADANTA

0
743
  1. Shuruuda waxa lagu afuro iyo waxa u banana qofka sooman

Rabi koreeye ayaa mahad oo dhami u sugnaatay innaga dhigay in aan isaga u noqono adoomo dhaba, adoonimadeenana ay ka turjumaso soonkan aan soomanahay iyo raadinta iyo baadi goobka aqoonta la xidhiidha axkaamtiisa, ammaan iyo nabad galyo korkiisa ha ahaato xabiibkeenii muxammed asxabtiisii ehelkisii iyo atbaacdiisiina korkooda ha ahaato.

Walaalayaal waxaan ka soo waranay waxyaaabaha soonka buriya, marka laga reebo dhiigaga dumarku helaan ee xaydka iyo nifaaska { caadada iyo dhiiga dhalmada} oo kal ah galmada, biyaha oo qofka toos uga yimaad, cunista iyo cabida, iyo wixii la macne ah, matag uu si u kas ah qofku isaga keeno, ku afuri maayo qofku la imaanshaha uu la yimid Arimahaasi ilaa sadex arimood la helo mooyaane

– in uu arintan ku yahay mid u aqoon badan, halkaa waxaa kaga baxay hadii uu jahli kaga sugan yahay soonkiisii waa u sax, jahligu ha ahaado mid la xidhiidha ogaal la,aan ka haysa ka mid ahaanshaha shaygani in uu ka mid yahay waxyaabaha sonka buriya, ama in xaalada ama wakhtigaa lagu jiro ogayn sida in waagii baryay oo kale sidii ku dhacday saxaabigii markii aayadii wakhtiga soonku bilaabmaya ka waramasay soo degtay u sameeyay in laba xadhig oo midna cad yahay midna madaw yahay uu barkimadiisa hoos dhigtay qisadu waa dheertahay aakhirkii waatii loo sharxay muhiimku in aanu ahayn xadhiga ee waaga dilaaciisa yahay.

– in uu xasuusan yahay, yadna waa mid kale o ka mida shuruudaha loo dhigo soonka gaar ahaan sidaan kor ku soo sheegnay. Hadii qofku wax cabo ama cuno ama wax kale sameeyo se uu is ilawsan yahay soonkiisu waa u sax wuuna sii wadanaya inta gabalku ka dhacayo, dushiisan maaha in u maalintaa dib ka qaleeyo, waxa u daliila xadiithka rasuulku leeyahay { qokfa ilaaba isaga oo sooman ee wax cuna ama biya cabba soonkiisa ha iska dhamaystirto , maxaa yeelay waxa quudiyay oo waraabiyay rabigii}.

Amarka rasuulku uu ku bixiyay in uu dhamaystirtaa waxay daliil u tahay saxnimada soonka, quudinta iyo waraabinta rabina waxay daliil u tahay in aan rabi u qabanayn,hadaba hadii ay dhacdo qofka isaga oo sooman in uu wax cuno ama cabo se uu is xasuusto marka uu xasuusto waa in uu joojiyaa, hadiii uu sii wato waxay noqonasa qof u kasay ama si ula kac ah u sameeyay.

– arinka sadexaad waa in qofku waxan uu samaynayo doorasho isaga ka timid iyo ikhtiyaar uu ku sameeya, hadiiba meesha uu yimaad qasab, aanay si kalena suurta gal u ahayn ilaa in uu la yimaad mooyaane waa uu la imanayaa mid ka mida arimaha soonka buriya soonkiisiina waa u sax, arintani waxay leedahay daliilo ku soo arooray oo aayaad iyo axaadiithba leh.

Hadii uu ninku ku khasbo ooridiisa in uu sameeyo galmo yada oo sooman, soonkeedu waa u sax oo way sii wadanasaa dusheedana wax qale ahi ma ahaanan, arinta noocaas ah in uu ninku sameeyo uma banana aan ka ahayn in gabadhiisu sooman tahay soon sunne ah, sidoo kale yadoon isaga u sheegina sooman isagiina aanu musaafir ahayn oo uu joogo, hadi qofka caloosha u galo boodh ama wax lamida sida biyo oo kale isaga oo aan isagu ugu tala galin soonkiisu waa u sax wax qalle ahna laguma laha.

Waxyaabaha qofka sooman u banaaan wax ka mida ee aan soonkiisa waxba yeelayn

Indha kuusha soonkisa waxba yeeli mayso sidoo kale dawada indhahuna waxba yeeli mayso, sidoo kale dhadhamada dhariga iyo hubsashaduna soonkiisa waxba yeeli mayso, sidoo kale urtu waxbay yeeli mayso, se wuu iska ilaalin in uu sanka la raaco urta cadarka ama waxa udgoonba, sandaarsiga iyo luqlquqasahduna soonka waxba yeelo maayaan se wuxuuna ku talax tagayn sandaarsiga marka uu sooman yahay.

Adeegsiga cadayguna maaha wax soonkiisa wax yeelaya, waxabu ka mid yahay sunnayaasha la rabo in la dhawro, waxa u banana qofka sooman samaynat wax kasta oo kulka ama haraadka haysta uu iskaga khafiifinayo sida maydhashada oo kale iyo wixii la mida.

Walaalayaal diinta ha la barto oo ha la fahmo, si aan rabi ugu caabudno aqoon, maxaa yeelay qofka aqoonta leh iyo kana an aqoonta lahayn maaha kuwo siman, qofka rabi khayr iyo wanaag uu la doonana diintuu fahamsiiyaa.

Ilaahaw diinta na fahamsii, naguna arzaaq ku dhaqmida diinta, nagana toobad aqbal, nana oofso annaga oo mu’miniin ah, naguna dar kuwa wanaagsan, noona dambi dhaaf annaga iyo waalidiintayo iyo dhamaan muslimka oo dhan.

————————————————————————————————

14- Aadaabta akhrinta Quraanka

Ilaahayba mahad leh, allaha sharcigiisa uu u duloobo ka cabudaa, waynaanta rabina uu u khushuuco ka rukuuca ee sujuuda, ammaan iyo nabad galyana korkiisa ha ahaato xabiibkenii muxammed, ehelkiisii asxaabtiisii iyo inta wanaaga ku raacdaba.

Walaalayaal qur’aanka horteena yaala ee aan akhriyanaa ee aan maqlano ee aan xifdiyanaa waa hadalkii rabigeen allaha kuwii hore iyo kuwan dambeba u ah allah waa xadhigii alle ee adkaa, waa jidkii toosnaa, waa xuskii barakada lahaa, waa nuurkii ifayay, ilaahay si dhaba ugu hadlay, tilmaan iyo sifo isaga u haboon waynidiisa iyo sharaftiisa, malakul jibriilna nabi muxammed uga waramay, si uu uga mid noqdo kuwa diga luuqada carabiga oo waadixana wuu ku soo degay, ilaahayna waxaa uu ku tilmaamay tilmaamo badan oo waawayn.

Aadbay u fara badan yihiin tilmaamaha wanaagsan ee quraanka rabi ku tilmaamay ee aan toos u guda galno aadaabta laga rabo qofka quraanka akhrinaya, waxaana ka mida

– in uu ku akhriyo qalbi soo jeeda oo u fiirfiirsada quraanka oo fahma macaanidiisa, markaas ayuu ku khushuuci quraanka, soona xaadirsan in uu ilaahay la hadlayo, maxaa yeelay quraanku waa hadalkii ilaahay

– in uu quraanka ku akhriyo isaga oo daahira, taasi waxay ka mid tahay waynaynta hadalka ilaahay, quraanka akhriyi maayo qof aan daahir ahayn, kitaabka taaban maayo ilaa uu isa soo daahirnayo.

– in aan quraanka lagu akhrin goobaha liita ama aan wacnayn sida suuliyada iyo goobaha xoolaha lagu xereeyo, sidoo kale meelaha marka la akhrinayo aan la dhagaysanayn yada waa muhiim in laga ilaaliyo sababtuna in la dhagaysan waayo ayaaba ah in quraankii la ihaaneeyay.

– aadaabta waxaa ka mida marka uu rabo in uu quraan akhriyo waa in uu rabi ka magan gala shaydaanka, si aan shaydaanku dhib ugu gaysan ama uga jeedin akhrinta quraanka.

– waxa kale oo ka mida aadabta laga rabo qofka quraanka akhrinaya in uu codkiisa ku wanaajiyo akhrinta kitaabka alle,waxa ku soo arooray axaadiith badan.

– in marka uu quraanka akhrinayo uu kala dhigdhigo oo aanu isku dhex darin, aayad aayad u akhriya sidii suubanaheenu ahaan jiray.

– aadaabta quraanka waxaa ka mida in uu sujuudo marka uu soo maro sujuudaha quraanka ku dhex yaal taasina waxay ku wacan tahay in qofku quraank akhriyo isaga oo wayso qaba.

Intani waa aadaab ka mida aadaabta laga rabo qofka quraanka akhrinaya, qof kasat oo raba akhrinta kitaabka ilaahay ha isku dayo in uu aadaab ka dhigto ilaaliyana, oo uu ajarna ilaahay kaga doono.

Rabi qalbigeena quraanka ha jeclaysiiyo, hana inooga dhigo mid inaga tagsiiyo werwerka iyo murugada, isaga rabi arintaa awoodee, rabaw nooga dhig quraanka saaxiib si uu noogu shafeeca qaado maalinta qiyaame, xujana nooga dhig annaga noo dooda, hana ka dhigin mid na xujeeya annaga.

Nooca labaad ee akhrinta quraanka

Ilaahaybaa mahad leh abaal mariya cidda isaga adeecda ee rajaysa raxmadiisa, ciqaabtiisuna waa mid u daran cidda ka jeedsatay ee rabi swt caasiday, cidda uu rabo ayuu rabi doortaa oo uu soo dhawaystaa, cidda uu doonana waa fogeeyaa cadaaladiisa darted, ammaan iyo nabad galyana korkiisa ha ahaato xabiibkeenii muxammed scw ehelkiisii asxaabtiisii iyo intii wanaag ku raacdayba.

Walaalayaaal waxaan ku soo qaadanay kulankii shanaad in akhrinta quraanku tahay laba mid erayga la akhrinayo, hore Ayaan uga soo hadalnay.

Nooca labaadna waa akhrinta xukunka oo ah in aan rumaysano wararka quraanka, axkaamtiisana raacno, samaynana amarrada quraanku ina siinayo, kana tagno waxyaabaha uu inoo diidayo.

Noocan labaad waa nooca ujeedada quraanka loo soo dajiyay laga leeyahay sida rabi ku tilmaamay suratu SAAD ee uu yidhi { kitaabkan aan kugu soo dajinay waa mid barakaysan, waxaanu kuugu soo dajinayna waa in aayaadkiisa loo fiirfiirsado, kuna waantoobaan dadka caqliga u saaxiibka ahi}

Sidaas ayay ahaayeen dadkii wanaagsanaa qaar quranka barta, rumeeya, ku dhaqmana axkaamtiisa, ku dhaqan ka soo fulay caqiido iyo iimaan degay qalbiga, abu cabduraxmaan as sulami wuxuu yidhi { waxay nooga warameen kuwii quraanka na barayay cuthmaan binu cafaan, cabdulaahi binu mascuud iyo kuwii kale in ay ahaayeen marka ay ka bartaan nabiga 10 aayadood oo quraana, may dhaafi jirin ilaa ay bartaan waxa cilmi iyo camal ku jira, waxay yidhaahdeen waxaanu barannay quraankii cilmi ahaan iyo camal ahaanba ha mar.}

Noocani waa nooca ay ku xidhan tahay guusha iyo nolosha wacan ee yada la,aanteed qofku noolaan karayn nolol fiican oo wacan, waxaana rabi kaga waramayaa aayaadka ugu dambeeya suuratu DAAHA sida sacaadada iyo guusha qofku ugu xidhan tahay qaadashada iyo qabsashada kitaabka qur’aanka ah, iyo sida aanay u halaabayn una lumayn una guuldaraysanayn, sidoo kale ka soo horjeedka cid kasta oo ka jeesataa kitaabka qu’aanka ah abaalkeedu waa in uu nolol cidhidhiya ku noolaado aduunka, aakhirana isaga oo bilaa indho ah la keeno, deedna uu ku dodo in uu indha qabay aduunka rabina u sheego in uu kitaabka qur’aanka ah ka jeedsaday oo uu ka tagay isna in maanta abaalkiisu yahay in sidaa lagaga tago.

Ibnu cabbaas wuxuu yidhi rc { Nabigu wuxuu ka khudabdeeyay xajkii wadaac “sagootiska” deeto wuxuu yidhi shaydaan waa ka quustay in dhulkiina lagu caabudo, ha yeeshee wuxuu raali ka noqday in wixii intaa ka sokeeya lagu adeeco oo ah acmaashiina kuwaad yaraysataan ee ka digtoonaada, anuu waxaan idinkaga tagay dhexdiina wax hadii aad qabsataan aydaan dabaday lunteen waligiin, kitaabka alle iyo sunnaha nabigiisa”.

Ibnu mascuud rc ayaa wuxuu yidhi Qur’aanku waa mid kuu ergaynaya ama kaa ergaynaya, hadii midkiin uu ka dhigto hortiisa imam iyo mid hogaamiya jannada ayuu ku hogaaminayaa, hadii uu ka dhigo gadaashiisa naartuu ku hogaaminayaa.

Kii Qur’aanku uu ku doodayoow sided u rajaynaysaa in uu kuu noqdo kii kugu doodayay in u noqdo kii kuu ergaynayay? Waxa halaagsamay ka uu noqday kii u ergaynayay kii ku doodayay maalin la faaidayo.

Adoomihii allow kani waa kitaabkii ilaahay ee dhexdiina lagu akhriyayay, aanad maqlaseen, waa Qur’aankii hadii lagu soo dajin lahaa buur aad arki lahaydeen yadoo khushuuc darted la dildilaacasa, sidaa la jirkeeda ma lhin dhego wax maqla, indho ku ooya quraanka, iyo qalbi ku khushuuca, ma lihin qaadasahda amarrada quraanka, mana rajayno in uu inoo shafeeco qaado, quluubteenii way ka madhantay alle ka cabsi, waxay noqotay meel kharaaba oo danbiyadii isa saarmeen waxay badi ka qabaan, waxna arki mayso waxna maqli mayso, imisa dusheena aayaad Qur’aana lagu akhriyaa.

quluubteeniina sidaa dhagaxaanta oo kale ay noqotay ama ay kaba adkaatay, imisa bilood oo ramadaan ayaa isku keen badalay nafaheenana wax buurani aanu iska badalin, halkeen ka taagannahay dadka marka dariiqa rabi loogu yeedho ajiiba, marka aayaadka rabi lagu akhriyana qulubtoodu ay dabacdo ee ay baqato, quluubtooduna ay hesho macaansi cibaado? Kuwaasi waa kuwi rabi u nimceeyayxaqiisiibay garteen, deedna rabi wuxuu u doortay ku in ay ka duwanaadaan kuwa kale.

Ibnu mascuud ayaa yidhi { waxa u haboon qofka quraanka alle akhriya in habeenkiisu ka duwanaado, marka dadku hurdaan, maalintiina marka dadku afurayaan, oohintiisuna marka dadku qoslayaan, xalaal cunkiisuna marka dadku isku dhexdaraan arimaha, aamusnidiisuna marka dadku dhex galaan maalaayacniga, khushuucdiisuna marka dadku quluuntoodu baxdo, murugadiisuna marka dadku faraxsan yihiin.

Walaalayaal quraanka ha la akhriyo inta fursada la haysto, xuduudiisana ha la dhawro, hana laga ilaaliyo in laga gaabiyo laguna talax tago, hana la ogaado in quraanku yahay mid inoo markhaati furaya ama innagu markhaati furaya allaha boqorka ah agtiisa.

Ilaahaw nagu arzaaq akhrinta kitaabkaaga habeen iyo maalinba akhrinta dhabta ah, nagana yeel kuwa ku gaadha guusha iyo sacaadada, ilaahaw nagu arzaaq ilaalinta lafdigiisa iyo macnihiisa, ilaalinta xuduudiisa iyo xurmadiisa iyo fulinta axkaabtiisa, dambigayaga iyo kan waalidkayo iyo dhamaan muslimkana noo dhaaf yaa rabbal caalamiin.  Aamiin aamiin


Waxa turjumay oo diyaariyay Xamse Maxamed Cali