Faallo Buugga: Al-faaruuq Sannadihii hore, Taariikh Nololeedkii Cumar ibn al-Khaddaab (RC)

0
752

نيدلا يف ههقفي اريخ هب الله دري نم

Faallo Buugga:

Al-faaruuq Sannadihii hore,

Taariikh Nololeedkii Cumar ibn al-Khaddaab (RC)

Siyaabo kala duwan ayaa buug lagu qiimeeyaa; mawduuca iyo maadada uu ka hadlayo, sida la isugu dubariday ee loo soo bandhigay iyo qoraha buugga laftiisa ayaa ka mida ah sababaha buug lagu xusho akhriskiisana lagu doorto.

Buugga aan halkan kaga faalloon doonno ‘Al-Faaruuq Sanadihiisii hore’; waa buug maadaddiisa iyo mawduuciisaba ay habboon tahay in la akhriyo wax badana laga qoro.

Taariikhdii iyo noloshii Cumar bin al-Khaddaab waa cutub ka mid ah cutubyada ugu muhimsan uguna mudan bilawga taariikhdii dheerayd ee Islaamka iyo Muslimiinta. Cumar waa shakhsiyaadkii dhidibada u taagay diinta Islaamka, isla markaana sabab u ahaa in ay diinta islaamku ka gudubto oo u tallowdo qaaradaha badan ee dunida.

Cumar waxa uu ka dhashay isla Qurayshtii uu nebi Muxammed (csw) ka dhashay, jilibka reer bin-Caddiyi ayuu ka dhashay. Waxa uu ku barbaaray nolol aan ka duwanayn tii caadada iyo soo jireenka u ahayd carabtii noolayd xilligii uu kacaamay oo ku beegnayd isla xilligii uu suubanuhu (scw) korayey. Si la mid ah sidii nebi Muxammed (csw) ayaa uu yaraantiisii xoolaha ku raaci jirey waadiyada iyo buuraha ku teedsan magaalada Maka. Waxa uu ku barbaaray nolol adag oo u baahnayd naf hurid iyo samir badan oo jiljileec iyo raaxo ka dheer. Dhinaca kale tolka uu ka dhashay Cumar ee reer bin-Caddiyi waxa ay Quraysh u qaabilsanaayeen dhinaca ergada iyo dhexdhexaadinta. Hawshaa oo uu cumar laftiisu ka qayb qaatay, khibrad iyo waayo aragninmo badana ka kororsaday, taasoo gundhig u noqotay tilmaamihii uu ku caanbaxay; go’aan adag oo aan leexleexan, xaqsoore iyo xaakim caadil ah.

Muuqaal ahaan waxa uu Cumar ahaa nin lud iyo laxaad leh oo aan dhiniciisa dhulka la dhigin. Waxa uu ahaa nin laga haybaysto, hadal cad oo aan runta ka gabban, ad-adaygna lagu sifeeyo. tilmaamahaas oo dhami way isbedeleen markii uu muslimay ee ilaahay qalbigiisa iimaanka geliyey, diintana uu si dhab ah u fahmsiiyey, waxa uu noqday shakhsiyad looga tilmaan qaato xaqa iyo wanaaga islaamka.

Waxa uu islaamay sanadihii hore ee diinta islaamku cusbayd, waxa la wariyaa in islaamnimadiisu ay maalmo yar ka danbeysay islaamiddii saxaabigii weynaa ee Xamza bin- Cabdi Mudalib. Labadooduba waxay ay noqdeen cudud iyo xoog cusub oo ilaahay ku xoojiyey muslimiintii cabsida iyo dhuumashada ku jiray. Maalintaa ka dib taariikhda Cumar bin al-Khaddaab waxay ku lammaantahay oo ku sidkantahay siirada iyo taariikhda islaamka oo xiisaheeda leh. Qaybtii aad is dultaagtaaba waxa kaaga soo baxaya duruus iyo casharo wax ku ool ah.

Cumar waxa uu ka mid ahaa saxaabadii ugu horaysay ee Madiina u hijrooday. Sida la wariyo markii uu damcay in uu hijroodo, waxa ay ballameen in ay is raacaan si dhuumasho ahna ay ku baxaan laba nin oo kala ahaa ; Hishaam ibnul-Caas iyo Cayaash ibn- Rabiica. Hishaam waa la qabtay oo uma suurta gelin in uu Maka ka baxo waana la ciqaabay ilaa uu diintii ka noqdo. Sanado kadib, isla Cumar ayaa u diray Hishaam aayado ugu baaqaya in towabada laga aqbalayo ee aanu quusan.

Isaga iyo Cayaash ayaa soo ambabaxy markii ay Madiina soo gaadheen ayaa waxa ka daba yimi Abu-Jahal iyo walaalkii Xaarith oo ku raad jooga Cayaash- oo ay xagga hooyo ka walaalo ahaayeen marna ilma adeer ahaayeen-. Cayaash waxa uu ahaa muslimiinta taagta darraa ee Maka lagu dhibi jiray.

Abu-jahal waxa uu degay xeelad uu Cayaash dib Maka ugu soo celiyo. Waxa uu u sheegay in hooyadii dhibaataysnayd, waxa uu ku yidhi: “Hooyadaa waxa ay ku nedertay in aanay kulaylka qorraxda ka hadhsan, madaxeedana aanay shanlo taabsiin ilaa ay ku aragto”! Cumar oo markiiba dareemay shirqoolka ay soo maleegeen ayaa ku yidhi Cayaash: “Wallee waxay doonayaan in ay diintaada kaa fidneeyaan ee is jir; marka kulayka daran ee Maka uu dhibo hooyadaa iyadaa hadhsan doontee, marka maduxu basaaso ee injirto dhibtana iyadaa iska shanlaysan doota e”. Cayaash waxa uu ku jawaabay; waa in aan dhaarta hooyaday oofiyaa, adduun aan Maka ka imina waan soo qaadan doonaa. Cumar ayaa mar kale ku yidhi: “aniga hantidayda badh qaado oo ha raacin nimankaa yaanay diintaada kaa fitnaynine”. Cayaash waa diiday, markii uu goostay in uu raaco, Cumar waxa uu siiyey hashiisii, isagoo kula taliyey in haddii uu ka shakiyo uu iyada ku baxsado, isagoo u raaciyey waa hal dheeraysa oo si wanaagsan loo laylyey. Meel dhexe markii la marayey ayaa Abu-Jahal ku yidhi: “Awrkaygu waa igu adkaaday (ku daalay) ee hasha ma kula koraa?” Markii uu hashii fadhiisiyey ayey intay isugu tageen xidheen, ka dibna Maka geeyeen, sanado badana maxbuus ugu ahaa- ilaa ay diintiisi ka fitneeyeen. Abu -Jahalna gafuurka ayuu kor u taagay isagoo odaayaashii quraysh ugu tookhaya in ay sidaasoo kale u galaan ‘xigtadooda makastada ah ee la duufsaday’. Waxa uu ahaa cadow ilaahay iyo rasuuliisaba ka go’ay oo aan kibirka laga garan Trumpka maraykan.

Sida ka muuqata ciwaanka buugga qaybtani waxa ay ka warramaysaa noloshii hore ee Cumar bin al-Khaddaab. Itii Rasuulku noolaa, Cumar waxa uu Rasuulka (csw) u noqday la taliye iyo saaxiib dhow, waxa u ka qayb qaatay goobihii iyo duulaanadii nebiga dhammaantood. Geeridii nebiga (csw) ka dib waxa uu la shaqeeyey khaliifadii kowaad Abubakar Siddiiq oo uu u ahaa garab iyo gaashaan.

Talooyin badan oo wax ku ool ahna uu siiyey. Isaga ayaa Abubakar u soo jeediyey fikradda ah in qur’aanka hal meel (kitaab) lagu ururiyo. Intii ka danabysay magaca Cumar waxa uu noqday mid caan baxay taariikhduna waariso. Waxa uu noqday mid u taagan caddaalad iyo xaqsoor, isla markaana dunida ku reebay raad aad u weyn.

Qoraaga maraykanka ah ee Michael Hart oo aan lagu aqoon islaam iyo muslin jacayl waxa uu buuggiisa caanka ah ee uu ku qiimeeyey boqolkii qof ee ugu saamaynta badnaa taariikhda adduunka ka dhigay Cumar bin al-khaddaab lambarka 52 naad. Dabcan ka kowaad waxa uu ka dhigay nebi Muxammad (csw). Lambarka labaad waxa uu ka dhigay Isxaaq Newton, sababo uu xusayo daraadeed, Nebi Ciise (cs) waxa uu ka dhigay Lambarka saddexaad!.

Michael Hart waxa uu yidhi marka uu Cumar bin al-Khaddaab ka warramayo: “After Muhammad Umar was the principle figure of Islam” (“Muxammad (csw) dabadii Cumar waxa uu ahaa Shakhsiga tiirka u ah Islaamka”).

Waxa la wariyaa in uu Cumar lahaa garab salaax, marar badana waxa uu ra’yigiisu ahaa ka toosan qur’aankuna waafaqo. Waxa kale oo nebiga (csw) laga wariyey in uu yidhi: “Ummad walba waxa ku jiray kuwo Uurkubaalle ah, ummadayda Cumar ayaa ah Uurkubaalle, haddii uu gadaashay nebi jiri lahaa Cumar ayuu noqon lahaa”. Waxa uu dhab ahaan u fahmay ujeedada dhabta ah ee diinta, iyada ayuuna naf iyo maalba u huray. Waxa ku rumoobay xadiithkii nebiga (csw): “qofkii ilaahay khayr la doono diintuu fahamsiiyaa”.

Halkudhigyada laga reebay Cumar bin al-Khaddab ee hirgalay wax ka mid ah: “Waxa aanu nahay dad Alle ku sharfay Islaamka, markii aanu meel kale sharaf ka raadinana, Alle ayaa na dulleynaya” mar kalena waxa laga hayaa in uu yidhi: “Goormaa dadka addoonsateen iyagoo hooyooyinkood xornimo ku dhaleen”.

Buuggan Al-Faaruuq, tafaftir hagaagsan ayaa lagu sameeyey, xagga dhigaalka iyo higgaadda wax khaladaad ah kuma arag, waana horumar wanaagsan oo aan ku bogaadinayo qoraha iyo intii kala shaqaysayba.

Maadaama xogta buugga ku qoran laga soo qaatay ilo kala duwan oo u baahan sugitaan iyo xaqiijin waxa mararaka qaar hakad kaa gelayaa akhriska iyo habraacii sheekada/taariikhda iyo sida loo kala horraysiiyey dhacdooyinka. Ta kale turjumada carabiga oo aan fududayn in mar walba la helo af soomaali ku habboon ama jumlad u dhiganta tii la rabey ayaa iyaduna yar cuslaynaysa akhriska. Arrintaas oo aan is idhi haddii uu qoraagu waqti badan yar gelin lahaa way ka sii fiicnaan lahayd, akhriskana way fududayn lahayd. Intaa marka laga tago waa buug uu u baahanyahay in uu qof waliba akhristo, kana dhigto shakhysiyadda Cumar xiddig iyo halyey uu ku dhaato waqtigan ay yaraadeen tusaalayaal la higsado oo lagu faano. Cumar waxa uu noqon karaa shakhsiyad uu qofkasta oo muslim ahi ku faano.

Markaad sidaa u eegtid damaca iyo dulmiga maanta dunida hadheeyey, ma is tidhaahdaa waxa ay u baahantahay caddaaladii Cumar.

Waxa aynu filaynaa in aynu wax badan ka ogaan doono, hab maamulkii Cumar iyo xukunkiisii caddaaladiisiina si faahfaahsan ugaga bogan doono qaybaha dambe ee noloshiisii sida uu qoruhu inoo ballan qaaday.

W/Q: Faarax. X. Maxamed

Farah Mohamed-Canbaashe

Haddii aanad hore u akhriiyin Buugga Al-faaruuq Sannadihii hore, Taariikh Nololeedkii Cumar ibn al-Khaddaab (RC)Ka akhriso lingaxan hoose;

AL-FAARUUQ SANNADIHII HORE TAARIIKH NOLOLEEDKII CUMAR IBN AL-KHADDAAB