Gorfayn: Dal dad waayay iyo Duni damiir beeshay, Soomaaliya dib ma u soo dhalan doontaa?

0
642

Gorfayn buugga “Dal dad waayay iyo Duni damiir beeshay, Soomaaliya dib ma u soo dhalan doontaa?” buugga waxaa qoray Dr. Maxamed Daahir Afrax. Wuxuu soo baxay 2002dii, halkaa daabacaaddii labaad na ay ahayd 2004tii. Buuggu waxa uu ka koobanyahay 245 bog.
Buugga cinwaankiisu yahay “Dal dad waayay iyo Duni damiir beeshay, Soomaaliya dib ma usoo dhalan doontaa?” waa bug ammaan mooyee aan kala kulmin wax dhaliil ah dhammaan dadkii akhriyay. Dhammaan wax garadkii akhriyayna waxa ay isku raaceen in uu ahaa bug kusoo beegmay wakhtigii loo baahnaa. Buuggu waxa uu ka koobanyahay saddex cutub; mid walbaahi na waxa uu yeelanayaan dhawr cutub hoosaad. Cutubka koowaad, qoruhu waxa uu si cad u sheegay in dhibaatada curyaamisay ummaddan Soomaaliyeed ay tahay mid ay iyagu is ku gaysteen. Waxa uu sheegayaa in dadkeedu gabay. Waxa uu tilmaamayaa in waddanku hodan ku yahay waxyaala badan, oo dadyawga ku dhaqan caalamku ay hammuun u qabaan. Waxa uu nasiib xumo ku tilmaamayaa waddanka khayraadkaas lihi in uu dad fahma, iyagu isku anfaca adduunka kalena la wadaaga la waayay. Waxa uu ku tilmaamayaa dhulka Soomaaliyee mid dad waayay [Dal dad waayay]. Waa gar in waddan dhan lagu tilmaamo dal dad waayay ayuu leeyahay qoruhu.
Anigu waxaan aaminsanahay in uu yahay buug noociisa ah kii abid ugu fiicnaa, ee kusoo baxa afka Soomaaliga, waxaana fikraddaas ila qabta, oo iyadu qoraal ahaanna buugga ugu xusan Caasha Xaaji CilmiI(sivil society leader)waxayna tiri:
“Buuggan markaan akhriyay wuxuu isoo jiitay si layaab leh. Wuxuu ii saameeyay si qota dheer, wuxuu xambaarsanyahay macnayaal waawayn. Wuxuu sidaa farriimo culus. Waxaan siin lahaa sifooyin qurxoon. Waxaan ku tilmaami karaa aqoon kororsi taariikheed, suugaaneed, eray bixin afeed iyo wax kasii badan. Waa guubaabo gacal sido gacal usoo guntaday badbaadinta dalkiisa. Waa dhaxal carruurteennu u aayi doonto. Waa buug ka leexday qaabkii hore ee Soomaalida wax looga qori jiray. Soomaalida wax uun baa laga qoran jiray e, waxba looma qori jirin. Buuggan waxaa loo qoray Soomaali. Dadka Soomaaliyeed ayuu toos ula doodayaa. Dhaliilahooda ku baraarujinayaa, talooyin dhaxal gal ahna siinayaa, intaba wuxuu ugu sheegaya afkoodii ay yaqaaneen, sida uu uyaqaan qoraaga buuggani.
Tan kale Afrax waxa uu ka leexday waddadii la cadaystay ee ahayd in wax kastoo laga qorayo arrimaha Soomaalida dhan qabiil uun laga eego, uummaddana loosawiro uun qabiilooyin is cunaya.
Afrax dhibaatada jirta waxa uu ka eegay dhinacyo fara badan, wuxuuna ku eegayaa il cilmiyeed. Wuxuu farta ku fiiqayaa halka uu ku jiro cudurka dhabta ah, isla markaana waxa uu tala cilmiyaysan ku bixinayaa halka ay dawadu jirto.”
Inta aad ku guda jirto akhrinta buuggan, waxa aad la kulmi doontaa cutub hoosaadyo aad ku soo jiitaa. Mar waad murugoon doontaa, mar waad dhoolla caddaynaysaa, mar waad caroon doontaa, mar kalena waad farxi, oo qoruhu rajooyin ayuu kuu sawirayaa.
Cutubyada aan ka yaabay sida gaarka ah na ii soo jiitay waxaa ka mid ah: gayi gablamay! Ummad waalli wadareed qaadday! Magac ba’ay! cutubka koowaad, oo ah cutubka ugu badan buugga qoruhu waxa uu xoogga ku sarayaa, in uu uummaddiisa tuso waxa ay ku khaldanyihiin. In uu u sheego Meesha ay ku socdaan in aan hoog mooyee, aan barwaaqo ka soo socan.
Qoraagu waxa uu ku doodayaa ayaandarradda Soomalida ka qaaddaya wooddii ay ku xallin lahayd khilaafaadka dhexdeeda ay tahay uun saddex shay, oo kala ah:
Qabiil-ku-burur
Qori-cabud
Kursi-uqooq.
Gadaal ayuu haddana qoruhu kaga darayaa in dhibaatada saddexdaas soo afraysaa ay tahay aafada maan-doori-yaha qaadka. Oo uu sheegayo in ay Soomaalida xaggii la rabay in ay fikir cusub la yimaadaan ay marqaansanyihiin.
Qoraagu wuxuu kaloo kamuujinaya walaac aad u wayn dadka Soomaalida ku matalaya shirka dib u heshiisiinta ee ka socday kiiniya waxa uuna ku calaacalaya erayadii Cabdullaahi Feray:
Kuwii daqarka gaystaan rabnaa in ay daweeyaan e,
Raggi lacagta doorka ka ah ka helay dawlad li’ideenna
Dambigeenni baa madax noqdoo ururro doorteen e.
Gayi Gablamay
Waa cutub hoosaad kamid ah cutubka koowaad, ee buugga. Waxaa aad isoo jiitay tusaale uu qoraagu ku tilmaamay in dhulka Soomaaliyeed gablamay, waxa uu na yiri “in aadan waxba dhalin waxaa kasii xun in aad dhasho habaarqabe hanaqa ku gooya, hantidaadana qaata iyo hoogo doqon ah oo halkii uu habaarqabaha reerka ka qaban lahaa oohin iyo arag xumo kula agyurursada, dadkuna ku maadsadaan.
Habaarqabaha waxa uu ku tilmamayaa dadkii gacanta ku dhigay awoodda dhaqale iyo tan siyaasadeed ee waddanka, dhawr iyo soddonkii sano, ee u danbaysay. Awooddas oo ay si aan xushmad lahayn ugu adeegsadeen dano shakhsi, oo aan waarayn, kuna burburiyeen danihii caamka ahaa. Wiilka doqonka ah wuxuu ku tilmaamyaa shacbiga caadiga ah, oo ku eedaynayo in ay garan waayeen in ay meel ugasoo wada jeestaan hoogaha madaxda u ah, kuna beer laxawsanaya dan reernimo. “dal ba’aw yaa kuleh? Mooji?”
Waydiin Soomaalida dhexdeeda iyo waliba dad ka daneeya arrimaha Soomalidu ba is waydiiyaan ayaa ah. Yaa Soomaalida halkaas dhigay? Dr. Afrax si qurux badan ayuu uga jawaabayaa. Wuxuu kolka hore ba sheegayaa in uusan la qabin ragga yiraahda “Soomaalidu iyada ayaa halkaas is dhigtay.” Waxa uu sheegayaa in aannu simi Karin ilmaha yar, ee aabihiis ladilay, hooyadiis la dilay, la barakiciyay, hantidiisii uu dhaxli lahaa ladhacay ama si kaleba wax loo gaarsiiyay iyo ninkii falkaas foosha xun gaystay. Waxa uu ku doodayaa Dr. Afrax in ummadda mar loo qaybiyo rag iyo dumar, oo ragga ayuu eedda saarayaa. Mar waxaa loo qaybiyaa carruur iyo waayeel, waayeelka ayuu eedda saarayaa markanna. Mar waxaa loo qaybiyaa reer miyi iyo reer magaal, markanna reer magaalka ayuu eedda saarayaa. Intaas oo dhanna markii la isku daro dadka waxa ay u qaybsamaan garwadeen iyo la wadeen. Waa garwdeenka nimanka uu eed oo idil korka uga tuurayo, anna waan la qabaa. Garwadeenka ayuu eedda usii kala badinayaa, oo wuxuu u qaybinayaa saddex nooc:
Garwadeenka siyaasadda
Garwadeenka fikirka
Iyo garwadeenka dhaqaalaha.
Waxa uu qoraagu inoo caddaynayaa sadex qolo in qolo dhibka mas’uul ka tahay, waana qolada siyaasadda. Qolo waxa uu ku eedaynayaa in ay hawl gab noqdeen, kana gaabiyeen shaqadoodii, waana qolada fikirka (tacliinlayda). Qolada saddexaad, ah na qoloda u danbaysa waxa uu qoraagu sheegayaa in ay wax magarad dantood ma yaqaan ah noqdeen, waana qolada dhaqaalaha. Qodobkaan oo faahfaahsan buugga ayaad ugu tageysaa.
Inta uusan halkaas ka gudbin qorahu, qola ayuu ku ammanayaa buugiisa, waana abwaannada. Haa oo abwaannadu way u qalmaan ammaan iyo kabadanba, wakhtigaas iyo haddaba. Waxa uu sheegayaa in ay ahaayeen qolada buuxisay booskii ay banneeyeen tacliinlaydu.
Waxa uu ina xasuusinayaa kaalinta ay qaateen abwaannadu, isaga oo soo qadanaya erayadooda.
Habeen iyo dharaar, hadalladaan dhisnaa
Hilinka toosan baan barbaarta u hor galla
Taariikhda hiddeheennan habeeska katirnaa
Hannaankii aan kusoo dhaqmaynay baan u hiillinnaa
Hurdadaan gu’yaal ka haayirnaa
Naftayadaan hurnaa
Ma hagranne wan u hawl galla
Murtidaan hurinnaa kala hufnaa
Haqabtirnaa u handanna
Dadwaynahaan hanuuninnaa, haasaawinna, danta u hagnaa.
Xasan Shiikh Muumin.
“Anuun baa u damqanayee dheguhu uma daloolaan e.”
Timacadde.
“kama daalo khayr ka sheeg, dadkuna igama qaataan e.” Abshir Bacaadle.
Marka uu qoruhu halkaas ka gudbo waxaa uu sheegayaa in isha labaad, ee dhibaatada Soomaaliyeed ay tahay gacan shisheeye. Gacma shisheeye oo dhawr ah ayuu soo qaadanayaa. Wuxuu keenayaa tusaalayaal nool, oo ka fog wax la is kayiri. Wuxuu ina tusinayaa halka uu caalamka ka taaganyahy Soomaalida iyo dib-u-dhiskeeda. Qodobkaan oo uu qoruhu sifiican u faaqiday waaxd kaga bogan kartaa buugga.
Gabgabada buugga qoraagu waxa uu ka jawaabaya waydiintii ahayd “Soomaaliya dib ma u dhalan doontaa?” waxa uu ka jaawabayaa HAA iyo MAYA. Haa haddii is beddel lala yimaado. Isbeddel nin nin bedelay ah, marabo qoraagu e, waxa uu tilmaamayaa is bedel bulsho. Waxa uu ku talinayaa in loo baahanyahay in la helo xisbi isbeddel, oo kaduula laba aragtiyood, midda koowaad, waa in uu ahaadaa mid loo dhanyahay. Midda labaad na waa in uu ahaadaa mid qaran doon ah, uusanna ahaan mid kursi doon ah.
Dr. Afrax aad ayuu u mahadsanyahy, waxa uuse la hadlay ummad aan wali u diyaarsanayn in ay wax maqlaan, in ay wax qaataan ha joogtee. Qoraagu dood ayuu furayaa, waxa uuna usoo bandhigayaa tacliinlayda, dooddiise lagama hoos qaadin. 2002dii oo ah kolkii koowaad, ee buuggani soobaxay Soomaalidu wakhti yar ayay burbursanyd. Maanta waxaynu waddadii haynnaa mudda ku dhaw soddon sano, wali na uma nugulin in aynnu ka baxno dhibaatada.

DHALIILAHA
sida aan xagga sare ku xusay buuggani dhaliilo badan maleh, wax kastoo la qabtaase ma dhaliil la’a.
buuggu maadaama uu Af-Soomaali ku qoranyahay wax ay ahayd in uu raaco alif-beetada Soomaaliga(B.T.J), waxa uuse raacay tan Ingiriiska(A.B.C.)
buuggu kolka uu ka hadlayo dibindaabayada shisheeye waxa aad mooddaa in uu dhinac u janjeero. Waxa uu awoodda saarayaa dhanka reer galbeedka iyo waddamada jaarka (Itoobiya iyo Kiiniya) halkaas waxaan ka dareemayaa ka gaabin dhinicii Carabta, oo waxaad moodda in uu qoraagu leeyahay carabtu gacan kuma laha aarrimaha Soomaalida laakiin si cad oo waliba foolxun ayay waddama badan oo carab ahi Soomaalida u dibin daabyeeyeen, sida uu qoraaga qudhiisu maaqaalla uu waaya danbe qoray ku caddaynayo.

W/Q: Fadli Bashiir Diiriye.
Gmail: xaatim9922@gmail.com

XIGASHO: Madasha Faallada Buugga