Taariikhda Soomaaliyeed iyo Tartanka Qabiilka | Tilmaan Guud

0
1545

Buug: Taariikhda Soomaaliyeed iyo Tartanka Qabiilka | Tilmaan Guud
Buuggan waxaa qoray Dr Cabdisalaam Sheekh Xasan. 2004-tii ayaa markii ugu horraysay la baahiyay. 126 bog oo isaga kala gooshaya waayo aad u kala durugsan ayuu buuggani ka kooban yahay. Illaa xad waa lagu guulaystay in la aruuriyo oo buug kooban laga dhigo.
Qaybta koowaad ee buugga waxa uu qoraagu si guudmar ah uga warramayaa dalka iyo dadka soomaaliyeed. Xagga dadka, waxa uu soo xiganayaa tirakoob ay samaysay hay’adda UNDP sannadkii 2001. Tiro aan sina loogu kalsoonaan karin oo 6.38 milyan ku sheegaysa dadka Soomaaliya ku nool ayuu qoraagu bogga afaraad ku xusayaa. Dadka tirakoobka lagu sameeyay waxa uu u qaybinayaa saddex kooxood oo boqollay ah: 24% reer magaal, 17% xoola dhaqato beeraley iyo 59% reer guuraa ah. Xoolaha Soomaaliya ku nool ayuu sidoo kale buuggu isla cutubkan ku abla-ablaynayaa: 5.5 milyan geel ah, 5 milyan lo’ ah iyo 35.5 ari ah. Baaxadda dhulka Soomaaliya, cimilladiisa, iyo noocyada oogadiisu tahay ayuu si kooban ugu sheekaynayaa buuggu.
Asalka isirka Soomaalida dood ku saabsan ayuu qoraagu bogga lixaad ee buugga ku furayaa. Waa Xaamiyiin, ayaa ku xusan buugga, dhaqan ahaan iyo af ahaan ba salsallaaba ummadaha kala ah: Oramada, Booraanta, Soohada, Beejaha, Cafarta, Raandiilaha iyo Awaaraha. Ummadahani dhammaantood waxa ay ku nool yihiin dalalka dariska la ah Soomaaliya. Wabiyada Oma-Tana ee mara halka ay dalalka Kenya iyo Itoobbiya ku kala rogmadaan ayuu asalka dadka Soomaalida ah u celinayaa. Dhulkaas ayay Soomaalidu ka soo hayaantay, illaa ay badda casi soo celisayna waqooyi bari ayay u socdeen, ayuu buuggu qorayaa. Dhulkaa ay Soomaalidu ku baahday hore ma loo deggenaa? Su’aashaa buuggu kama jawaabayo. Odayo “Carbeed” oo Daarood iyo Sheekh Isxaaq uu ka xusayo ayaa Soomaalida soo dhex galay oo ka guursaday ayuu qabaa buuggu. Halkan marka uu marayo, wax shuqul iyo shaaddo ah qoraagu kama galayo doodaha dul hoganaya arrinkan.
Gumaystihii reer Yurub ka hor maamulladii dhulka Soomaalida ka jiray ayuu, sidoo kale, buuggu wax inaga barayaa. Waxaa xusid mudan, maamulladani wakhtiyo aad u kala durugsan ayay gayiga Soomaalida ka arriminayeen. Tusaale, boqortooyadii Bunti oo hilaadda 1500 oo sanno ka hor ka arrimin jirtay waqooyi illaa waqooyi bari dhulka Soomaalida ayuu buuggu si kooban u dul marayaa. Saldanadii Banaadir, Saldanadii Hobyood, Saldanadii Galadi, Saldanadii Adal, Boqortooyadii Ajuuraan iyo kuwa kaleba wuu ka taariikhaynayaa. Maamulladaasi waxa ay ka marag kacayaan Soomaalidu in ay si walba uga tirsanayd xaddaaradihii saamaynta ku lahaa mandaqadda Geeska Afrika iyo nolosheeda.
Gunaanadka qaybta koobaad ee buugga waxa uu uga warramayaa qaabkii dhulka Soomaalida loo qaybsaday dabayaaqadii qarnigii 19naad. Saamilaydii boobka gaysatay iyo sidii ay dhulka Soomaalida ku soo galeen, qaabkii ay u dhaqmeen, wixii ay ku kala wanaagsanaayeen iyo wixii ay ku kala gunsanaayeen, inahaasi ba waa casharro buugga ku jira. Gumaysi ayaa afka looga dhacay.
Qayb ka mid ah dhaqdhaqaaqyadii gobonnimodoonka ayuu si aad loo koobay ugu warramayaa. Daraawiishtii ina Cabdille Xasan ayuu afar bog wax ka badan u quurayaa. Ururradii siyaasiga ahaa ee afartameeyadii waddaniyadda Soomaalida baraarujiyay; SYL, SNL iyo NUF, iyo waayahoodii ayuu faahfaahinayaa. Doorashooyinkii gobonnimada ka horreeyay ee ay ururradaasi galeen ama qabteen ayuu iyagana xusayaa. Gobonnimadii ayaa la helay.
Qaybta labaad ee buugga waxa uu qoraagu ku qaadaadhigayaa dowladihii rayidka iyo milatiraga kala ahaa ee Soomaaliya isaga kala danbeeyay soddonkii sano ee 1960kii ka danbeeyay. Halkan marka uu qoraagu soo gaaro warkiisu dhaliil ayuu u xuubsiimanayaa. Soddonkaa sanno ee ay Soomaalidu dowladnimada haysatay ama lagu sheegayay inta uu qoraagu ku dhex safrayo goobaha cagaaran ee uu arkayo waa fara-ku-tiris. Xaqiiqada ayaa sidaas ahayd.
Inta ugu badan, afganbigii milateri ee Siyaad Barre hoggaaminayay iyo sidii uu wax yeelay, bilow illaa dhammaad, ayuu ka warramayaa qoraagu. Qaranimadii Soomaaliya ayaa afka ciidda loo darayaa.
Jabhadihii nidaamkii kali-taliska ahaa ku kacay ayuu qoraagu waayahooda wax inaga barayaa. Waa qaybta [cutub] saddexaad ee buugga. Dulmi dulmi kale diiddan in ay ahaayeen ayuu qoraagu si dadban inoo dareensiinayaa. SSDF, SNM, SPM iyo USC, kuwan si gaar ah ayuu isu dultaagayaa qoraagu. Waa kuwii ugu togtogta roonaa. Jabhadda ugu danbaysa, USC, waa jabhadda ugu badan ee qoraagu buuggiisa ku soo celcelinayo. Guud ahaan sidii ay jabhaduhu wax yeeleen ka dib burburkii nidaamkii kali taliska ahaa, waxa ay beeninaysaa ujeeddadii ay jiritaankooda ku macnayn jireen –badbaadinta ummada iyo qarannimadeeda. Tusaale nool ayaa buugga ku xusan. Cali Geeddi Shadoor AUN oo ka tirsanayaa jabhaddii USC ayaa idaacad ka hadlaya. Waxaa muddo bil ku dhow laga joogaa subaxdii uu Siyaad Barre Muqdisho ka baxay. Waxa uu leeyahay: “haddaan nahay ururka USC dadka ku abtirsada, maamulka magaalada Muqdishu waxaan heynay 21maalmood. Maxamed Siyaadna [waxa uu hayay] 21 sano. Run markaan u hadalno 21kii maalmood ee aynnu heynnay dhibaatadaan gaysannay ayaa 10 jeer ka baaxad weyn dhibaataduu geystay Maxamed Siyaad Barre. Haddii aan moodaayo in arrintu sidaas noqoneyso ururka USC ma galeen kama na mid noqdeen.” Qarannimadii Soomaaliya ayaa nafta laga siibayaa.
Shirarkii tirada badnaa, isla jeerkaasna tayada xumaa, “dib-u-heshiisiin” ayaa lagu andacoonayay in ay yihiin. Dadkii shirarkaa isugu iman jirin waxa ay u ekaayeen kuwa ku wiirsanaya bakhtiqa qarannimadii qarannimada Soomaaliya. Shirba kan ka horreeya ayuu fallisayay oo gubayay. Arrimaha caynkaa ah ayuu qoraagu inoo soo gudbinayaa, dabayaaqada qaybtan saddexaad. Shirkii Mbgathi (2002-2004) ayuu qoraagu ka qaybgalay. Waxaa uu halkaa kula kulmay dadka dhoohan oo xanuunkii toban sanno ka hor soo bilowday aan dhaaddanay. Waa sababta qorista buuggan ku dhalisay. Lixdii shir ee ugu agaasinka weynaa ayuu is dultaagayaa.
Soddonkii shir ee inaga tagay siidh ma ay dhalin e
Sanca iyo midkii Qaahiriyo sabada Nayroobi
Iyo Soodaraan eegayiyo, waxay sameeyaan e
Isagoo si xun u taaganoo, meel sisiba jooga
Ninkii ay sinsaaradu heshay, baa lagu sifeeyaaye!
Jaamac Kadiye, 1998.
Xilliga buuggu uu soo baxayo, dowladdii Carta lagu soo dhisay ee Cabdiqaasim Salaad madaxa u ahaa ayaa qayb Xamar ka mid ah seexata. Waxba ma qabato. Rejoxumo iyo quus weyn ayaa wadnaha qofka Soomaaliyeed dhex yuururta. Buuggu waxa uu isku deyayaa in uu toosh tanniiq ah u ifiyo wadnahaa qofka Soomaaliyeed. Dowladnimadii bakhtiday ayuu isku dayayaa in uu bakhti afuufo. Diimuqraadiyadda iyo Soomaalida ayuu ka sheekaynayaa. Isu tanaasulka iyo horumarkii xagga doorashooyinka ahaa ee la sameeyay sagaalkii sanno ee xukunka millateriga ah ka horraysay ayuu ina xasuusinayaa. Ugu danbayn, waxa uu qoraagu itaalkii isku dayayaa in uu talooyin ku biiriyo caqliyadda ku howshoon sidii dowladnimo xasilloon Soomaaliya loogu heli lahaa. Waa cutubka ugu danbeeya ee buugga.
Inta aad buuggan akhriyayso arrimo badan oo la dul cararayo ayaad la kulmaysaa. Mar kale, dhudda labaad ee magaca buugga [Tartanka Qabiilka], qoraagu waxaa muuqata in uu indhaha ka laabtay faafaahinteeda. Xagga higgaada iyo dhismaha qoraalka, buugga si fiican loogu ma hagarbixin.
Gebagabadii, Taariikhda Soomaaliyeed iyo Tartanka Qabiil waa buug aan si weyn ugu talinayno in la akhriyo. Wuu mudan yahay. Waa macallin taariikheed. Waa albaab ay dhallinyaradu ka geli karaan barashada sooyaalka maamul ee Soomaalida guud ahaan, gaar ahaanna Soomaaliya.
Buugga halkan waa laga la degi karaa: http://dspace-roma3.caspur.it/bitstream/2307/4837/1/Taariikhda%20soomaaliyeed%20iyo%20tartanka%20qabiilka.pdf
W/D: Cabduwahaab Cabduqaadir “Saqa”

XIGASHO: MADASHADA FAALLADA BUUGGA