WAXYAABAHA ILAAHEEY XARRIMEY DADKUNA AY FUDUDEYSTEEN IN LA ISKAGA DIGANE AY WAAJIB TAHAY

0
675

WAXYAABAHA ILAAHEEY XARRIMEY DADKUNA AY FUDUDEYSTEEN IN LA ISKAGA DIGANE AY WAAJIB TAHAY.
Buuggaan waxaa qorey nin Syrian ahaa kaasoo ka soo aruuriyey kitaabbo kala duwan magaciisuna waa AL SHIEKH MOXAMED ALMUNAJID. waxaa af Somali u turjumey YUUSUF CABDULCAZIIZ MOXAMED.
Ilaahey subaxanuhu watacala waxyaabaha uu xarrimey ayaga ayaa ah xuduudda ilaaheey, isagoo arinkaa tilmaamaya waxu yiri:
( البقرة ) تِلكَ حُدودُ اللَّهِ فَلا تَعتَدوها ۚ وَمَن يَتَعَدَّ حُدودَ اللَّهِ فَأُولٰئِكَ هُمُ الظّالِمونَ
Waxyaabaha kala ee Eebbe xarrimey waxaa ka mid ah in ilaaheey loo shariik yeelo, shariigga ayaa ugu weyn dhammaan waxyalaaha la xarrimey oo dhan. Waxaa dhici karta in qofka dambi kasta loo dhaafo ilaa shirkiga mooyee, waana lama huraan inuu towbad gooniya yeesho.
( النساء ) إِنَّ اللَّهَ لا يَغفِرُ أَن يُشرَكَ بِهِ وَيَغفِرُ ما دونَ ذٰلِكَ لِمَن يَشاءُ ۚ وَمَن يُشرِك بِاللَّهِ فَقَدِ افتَرىٰ إِثمًا عَظيمًا
Waxaa kale oo ka mid ah waxyaabaha la xarrimey qubuurta oo la caabudo taas oo ay kamid yihiin in dadka awliyada ee geeriyootey ay dadka dantooda u fulinayaan oo ay dadku kurbada ka feydayaan & in la kaalmeysto lana gargaarsado sida in la baryo nabiyadda iyo dadka dhintey oo la karaameeyey lagana baryo shafeeco ayadoo aysan bannaaneyn taasi oo Ilaaheey mooye aan makhluuq la baryin, Alle wuxuu yiri:
( النمل ) أَمَّن يُجيبُ المُضطَرَّ إِذا دَعاهُ وَيَكشِفُ السّوءَ وَيَجعَلُكُم خُلَفاءَ الأَرضِ ۗ أَإِلٰهٌ مَعَ اللَّهِ ۚ قَليلًا ما تَذَكَّرونَ
In la xalaaleysto waxyaabaha uu Ilaaheey xarrimey ama sheey la xarrimay oo la banneysto waa dambi aad u weyn. Nuucyada shirkiga faafey waxaa ka mid ah sixirka, wax sheegyada iyo Quraafeysiga isla jeerkaasina ay kamid yihiin kabaa`irta ugu waaweyn…
In la rumeeyo in xiddiguhu saameyn ku leeyihiin dadka noloshooda iyo falalka dhacaya. Seyd binu Khalid aljuhani baa yiri: ”Nabiga (scw) ayaa nagu tujiyey salaaddii subax xudeybiya, iyada oo habeenkii roob da`ay. Markii uu salaaddii ka soo baxey ayuu yiri:
(هل تدرون ماذا قال ربكم). قالوا: الله ورسوله أعلم، قال: (أصبح من عبادي مؤمن وكافر، فأما من قال: مطرنا بفضل الله ورحمته، فذلك مؤمن بي وكافر بالكوكب، وأما من قال: بنوء كذا وكذا، فذلك كافر بي ومؤمن بالكوكب) أخرجه البخاري
Munafiqiinta & faasuqiinta oo lala fadhiisto oo loo wahel yeelo amaba la waheshado, dadka mu`miniinta waxaa laga mamnuucey ineey la fadhiistaan kuwa shareecadda ilaaheey, diintiisa iyo awliyadiisa ku jeesjeesaya, kuwaas oo aayadaha ilaaheey wax ka sheegaya, haddii xataa qaraabo dhow yihiin ama fadhigoodo xiisa leeyahay, in uu qofka mu`minka ah baadilka ka celiyo oo u nasteexeeyo mooye waa in uusan ka raalli noqon ama ka aamusin, ilaahey wuxuu ka yiri kuwaasi:
( التوبة ) يَحلِفونَ لَكُم لِتَرضَوا عَنهُم ۖ فَإِن تَرضَوا عَنهُم فَإِنَّ اللَّهَ لا يَرضىٰ عَنِ القَومِ الفاسِقينَ
Cunnidda Ribadda waxaa la tilmaamaa in 1 dirham oo riba ah qofkii cuno in Alla weyne agtiisa ay kaga dambi badan tahay 36 jeer qof sineystay oo kale. Ribadu waxey keentay in dadka dhexdooda ay ka dhex abuurmaan mandaqado kala sarreeya, iyada oo xoolihii ay ku soo aruurayaan xoogo dad yar, halka kuwa kalena ay noqonayaan kuwa ceyr ah. Qofkii qaatey, kan bixiyey iyo kan marqaatiga u ah waa la nacladey mana ku xusna quraanka meel loogu naxariisanayo dadka ribada isticmaalo. Ilaaheey qur’aanka kariimka ah waxuu ku sheegay:
( البقرة ) فَإِن لَم تَفعَلوا فَأذَنوا بِحَربٍ مِنَ اللَّهِ وَرَسولِهِ ۖ * يا أَيُّهَا الَّذينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ وَذَروا ما بَقِيَ مِنَ الرِّبا إِن كُنتُم مُؤمِنينَ
عن عبد الله بن مسعود – رضي الله عنه – قال: قال رسول الله – صلى الله عليه وسلم -: (” الربا ثلاثة وسبعون بابا أيسرها مثل إتيان الرجل أمه وإن أربى الربا استطالة الرجل في عرض أخيه بغير حق
Aad buu uga faalloonayaa waxyaabo badan oo sabankaan la joogo aynu fududeysanney, waxaana jeclaan lahaa qofkii awoodo in oo dib u akhriyo. Buuggan waxad ka heli kartaan lifaaqaan, isaga oo ka kooban 121 bog………..!

Lingaxan hoose ka akhriso buugga oo dhamaystiran

http://somalilibrary.net/2016/09/26/waxyaalo-ilaahay-xarimay-dadkuna-fududaysteen/
W/D: Anfac Cabdalle Moxamed

XIGASHO: MADASHADA FAALLADA BUUGGA