GORFEYN: Buugga ‘Taangiga Tigreega’

0
709

GORFEYN: Buugga ‘Taangiga Tigreega’

– W/Q. Cabdalla Xaaji Cusmaan

Dabayaaqadii bishii Abril ee sannadkan ayaan maalin soo booqday maktabad buugta lagu iibiyo si aan u ogaado haddii buugaag cusub ku soo biireen, bilawgiiba

waxa indhahaygu qabteen buugga magaciisu yahay ‘ Taangiga Tigreega’.Inkastoo buuggu soo baxay 2007dii aniga markan baa iigu horreysay,dabadeed si dhakhso ah baan u iibsaday.Haddaba buugga aan soo akhriyey waa buuggan loogu wan qalay ‘Taangiga Tigreega’oo ka kooban 264bog. Waxa qoray qoraaga la yidhaa Cabdulqaadir Aroma oo Muqdisho deggan.Markaan wada akhriyey bay ila noqotay inaan wax yar ka idhaa buuggan.Warka u weyn ee buuggu sida faahfaahsan uga warramayaa waa dagaalladii ka dhacay gobolka Banaadir sannadkii 2006dii,gaar ahaan colaaddii dhex martay Maxaakiimtii Muqdisho iyo qabqablayaashii dalka u horseeday burburka, dagaallada aan dhammaadka lahayn iyo dawlad la’aanta.Waxa kale oo buuggu ku dheeraanayaa duullaankii ballaadhnaa ee Xabashidu ku qabsatay koonfurta Somalia gaar ahaan gobolka Banaadir bishii Dec.2006dii iyo iska caabintii shacabku kala hortegay gumaysiga Xabashida.

Buuggan ‘Taangiga Tigreega’ intaanad akhrisba ugu dhaqaaqin korkiisa ayaad ka dheehanaysaa farriinta uu xambaarsan yahay.Jaldiga sare ee buugga «coverka» waxa ku sawiran ciidankii Xabashida oo duullaan ah isla markaana wata dabaabado iyo madaafiic waaweyn oo gantaallo ridaya Xamarna soo galay.Waxa hor socda taangi weyn oo halka la hago uu madaxa kala soo jeedo Males Senawi. Taangiga waxa labada koone ka saaran labada nin ee kala ah Cabdillaahi Yuusuf oo ilka caddaynaya gacanta midigna kor ugu haya calanka cadawga Xabashida iyo Cali M. Geeddi oo gacanta midig ku sita samicad aad mooddo inuu shacabka Soomaalida ugu baaqayo inay isku dhiibaan gumaysiga Amxaarada, gacanta bidixna waxa uu kor ugu haya calanka kililka shanaad.Hawada sare waxa ciidanka cadawga ka ilaalinaya dayuuradaha dagaalka ee Maraykanka oo gantaallo kor ka soo daadinaya.Waxa dabaabadaha Xabashidu wataan iyo ciidankooda soo duulay hoostooda daadsan maydka iyo lafihii shicibkii ay xasuuqeen. Waxa kale oo muuqda qulqulka dhiiggii shacabkii Muqdisho lagu gumaaday, dhinaca baddana waxa gantaallo ka qubaya markab aan u maleeyey mid Maraykanku leeyahay.

Dhinaca kale waxa ka soo jeeda ciidamadii iska caabinta oo mintid ah isla markaana waxa safka hore ka muuqda rag ay ka mid yihiin,Xasan Turki, Xasan Daahir Aways iyo qaar kale. Sawirradaasi waxay ka tarjimayaan farriinta uu qoraagu gudbinayo.

Bogga sare ee buugga markaad ka gududto ee aad u gasho akhrinta buugga waxaad la kulmaysaa sooyaal qoraagu ka dhiganayo araar.Sooyaalkaas oo xambaarsan colaad hore oo ka jirtay gobollada dhexe ee dalka Somalia.Waa colaaddii dhex martay Saldanaddii Hobyo ee Cali Keenadiid iyo dadkii gobolka loogu yimid.Waxa kale oo qoraagu soo qaadanayaa colaadda guunka ah ee Gaaladu u hayso ummadda muslimiinta ah iyo sida ay uga gubtaan marka dhegohoodu maqlaan hirgelinta shareecada Islaamka.

Intaa kadib waxa qoraagu gelayaa dulucda farriinta uu xambaarsan yahay buuggan ‘Taangiga Tigreega’oo ah dagaalladii dhex maray qabqablayaashii dalka burburiyey iyo Maxaakiimtii, sannadkii 2006dii.Guushii Maxaakiimta iyo lixdii bilood ee ay dalka maamulaysay samaantoodii iyo maamul xumadoodii.Duullaankii Xabashida ee ay soo hoggaamiyeen kooxdii Imbegaati madaxdana ay ka ahaayeen Cabdillaahi Yuusuf Axmad iyo Cali Maxamad Geeddi.Jabkii maxaakiimta iyo sababihii dheliyey.Qabsashadii gobollada koonfureed gaar ahaan Banaadir.Xasuuqii Xabashidu ka geysatay Muqdisho iyo iska caabintii shacabka Soomaaliyeed.

Qaybahaas iyo qodobbo kale oo aad u faahfaahsan ayuu buuggu xambaarsan yahay.Qoraagu qayb walba markuu ka warramayo waxa uu adeegsanayaa murti,maahmaah, gabayo iyo tix-raac-sooyaal oo la xidhiidha hadba qaybta uu markaa ka hadlayo si uu innoogu duxiyo oo si sahlan aan u liqi karno.Dhinaca suugaanta qoraagu qani buu ku yahay waayo aad buu u adeegsanayaa. Dhacdo kasta oo qoraagu tebinayo milaygeedii iyo meesheedii ayuu si qumman iyadana u soo xiganaya.Habka uu u qoran yahay buuggu iyo sida wacan ee qoraagu innoo soo hor dhigayo farriintiisa baa xiiso gaara u yeelaya buuggan.

Markaad dhammayso akhriska buuggan ‘Taangiga Tigreega’ee aad dib u milicsato sooyaalkii aad soo jibaaxday baad ogaanaysaa inaad heshay diiwaan ay ku kaydsan yihiin fal xumadii uu cadawga Xabashidu ka geystay gobolka Banaadir gaar ahaan xasuuqii shacabka iyo cadaawadda soo jireenka ah ee ay u hayso ummadda Soomaaliyeed.

Waxa kale oo buuggu diiwaan geliyey xubnihii dabadhilifka u ahaa cadawga iyo taageerayaashoodu sida taariikhdoodu baal madaw ugu duugan tahay iyo dadkii ka qayb galay difaaca dalka oo iyagana sooyaalkoodu bog dahaba ugu qoran yahay.

Intaan ogahay waa buuggii koowaad ee si buuxda u diiwaan geliyey ujeeddadii ay lahayd iyo fool xumadii ay Amxaaradu ka geysatay gobolka Banaadir sannadkii 2007dii.

Udambayn, aragtidayda waxaan dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba ku boorrinayaa inay akhrido buuggan loogu wan qalay ‘Taangiga Tigreega’waayo xog badan buu xambaarsan yahay.

Dhaliisha buugga:

Adduunyadan korkeeda cid ku nool oo aan dhaliil lahayn waa la waayey, ku darsoo weliba waxay ku badan tahay cidda wax qabad iyo hawl la timaadda. Qofka Beni Aadanka ahi hadduu meel iska fadhiisto oo uu gacmaha laabto weligii ma gefo, hasa yeeshee waxa lagu dhaliilaa fadhiga iyo wax-qabad la’aantiisa,sidaa baa cidna uga badbaadayn dhaliisha.

Waxaan rabaa dhaliil kooban oo aan ku arkay buuggan inaan wax yar ka idhaa, waa aniga iyo aragtidayda e.

Qaybta uu qoraagu cinwaanka uga dhigay‘Mushkiladaha taagan’ oo ka bilawda bogga 247aad,  gaar ahaan qaybaha dambe waxa uu qoraagu si faahfaahsan uga hadlayaa magaalooyinkii la bililiqaystay. Waxa uu ka soo bilaabay 1977kii dagaalkii Soomaali-galbeed in ciidamadii dawladdii Somalia boobeen magaalooyin ay ka mid tahay Jigjiga. Bililiqadii galbeed laga soo helay waxa lagu dhisay buu leeyahay Hargeysa iyo Muqdisho,waxa kale oo uu intaa ku darayaa burburkii iyo bililiqadii ku dhacday Hargeysa 1988kii iyo Muqdisho 1991kii inay ahayd cuquubadii ay hore u galeen. Sannadkii 2006dii gulufkii Xabashidu ku gashay Muqdisho waxa uu dusha ka saarayaa qabaa’ilka dega Garowe iyo Boosaaso oo uu leeyahay xoolihii ay ka bililiqaysteen Banaadir ayaa lagu dhisay Boosaaso iyo Garowe.Waa halkan meesha ay dhaliishu ku jirto. Qoraagu waxa uu si ballaadhan oo weliba ku celcelisa u sheegayaa isagoo u arkaya cadaalad, ilaa la bililiqaysto oo weliba la burburiyo magaalooyinka kala ah Garowe iyo Boosaaso inaan Somalia oo dhan nabadi ka dhalan doonin, weliba waxa uu si aan gabasho lahayn u sheegayaa in imikadan uu jiro abaabul Banaadir iyo koonfur ka socda oo lagu bililiqaysan doono Garowe iyo Boosaaso.

Dhinaca kale qoraagu waxa soo qaadanayaa xadiiska ah furashadii Maka, Nabi Maxamad csws inuu cafis guud u fidiyey kufaartii la dirirtay,taasina ay noqotay tallaabo had iyo jeer lagu daydo.

Haddaba waa midda koowaade arrinta ku saabsan boobkii ka dhacay Soomaaali-galbeed ee qoraagu tilmaamay waxay ku koobnayd shakhsiyaad ee maahayn wax caam ah sida kuwii ka dhacay Hargeysa iyo Muqdisho.
Midda labaad, waxa jirey dad Soomaaliyeed oo dibad iyo gudaba joogay oo u sacabiyey duullaankii Xabashida. Dadkaas oo iyagu weji qabyaaladeed iyo aargoosi ku raacay cadawga soo duulay,arrintaas oo ahayd jaahilnimo,waana waxa maanta Soomaali halkaas dhigay. Qoraaga buuggu aad buu qodobkaa ugu dheeraaday,hasayeeshee dadkaas Soomaaliyeed oo qabiil kasta lahaa waxa uu gooni ula baxay la qolo, weliba reer Puntland gaar ahaan reer Garowe iyo reer Boosaaso ayuu leeyahay waa in lasoo burburiyo dabadeedna la soo bililiqaysto.Qoraagu waa nin ka dheregsan sooyaalka Soomaalida wax badanna ka qoray qabyaaladda iyo biilidu( aanadu) inay yihiin sababaha burburka Somalia, haddana isaga laftiisa ayaa dhiirrinaya wax u muuqda in lakala aarsado. Dhinaca kalena isagoo na xasuusinaya xadiiskii nabi Maxamad csws uu ummaddiisa faray inay is cafiyaan, ayuu haddana ku adkaysanaa inay cadaalad tahay Garowe iyo Boosaaso oo la soo bililiqaysto, taasina waa gef aan gababasho lahayn oo qoraagu ku tallaabsaday.

Waxa habboonayd inuu qoraagu ra’yigaa aad uga fiirsado oo dhinaca wanaagsan uu iska taago,waayo marka la is cafiyo ayaa khayrka, nabadda, is aaminka, wadajirka, dawlad-wadaagga iyo wanaag oo dhan la helaa.

Wax jira Alla og
Ilaah innaga war roon
Waa nabad.

Cabdalla Xaaji Cusmaan

Email: cabdalla_xaaj@yahoo.fr