Gorfayn: Himiladaada Hano

0
995

Gorfayn: Himiladaada Hano

Qofka dhinta wax yar ka dib dhalashadiisa waxaa loo yaqaannaa “saqiir”. Wuu saqiiray ayaa lagu sheekaystaa. Taasi waxa ay ka dhigan tahay in uu qofkaasi yaraan ku go’ay oo uusan fursad u helin wakhti fiican in uu dunidan ku noolaado. Sidaas owgeed, qofka saqiiraayi waxa uu dunida ka tagaa isaga oo aan ogaal iyo himilo yeelan, waayo, labadaas ba in uu yeesho waxaa shardi u ahayd in uu wakhti fiican helo, wakhti fiicanna ma uu helin oo waa ba isaga saqiiray. Wakhti fiican waxaan ku qeexi karnaa markan oo kale wakhti aan ka yarayn dhowr iyo toban sano.

Laakiin qofkii aan dhiman wax yar ka dib dhalashadiisa ee hela wakhti fiican, waxa ay u badan tahay in uu yeesho ogaal iyo himilo. Ogaalku waa xog qof maskaxdiis ku jirta oo ku saabsan “wax” waxyaalaha dunidan yaalla ka mid ah oo la taaban karo ama aan la taaban karin, la arki karo ama aan la arki karin. Himiladuna waa arrin ama xaalad uu qofi jeclaado oo u baahan in uu wakhti, xoog iyo xeel huro, si uu u gaaro.
Qof kasta oo dunida ku nooli himilo ayuu leeyahay. Ha ogaado ama yuusan ogaan e, qof kasta oo wakhti fiican noolaada waxa uu yeeshaa himilo. Xaalad ama wax ayuu jeclaadaa, dabadeedna wuu u halgamaa oo gaaraa ama gaari waayaa, ama uma halgamo oo sidaas ayay ku wax la’aadaa.

Tusaale ahaan, qof sabool ah oo la colloobay nolosha saboolka oo aalaaba xanuun iyo kadeed badan dabadeedna jeclaaday in uu hodan noqdo, hodannimada ayaa himilo u ah. Himiladiisu waa in uu taajiro yacni. Waxaa se dhici karta in qofkaas saboolka ahi uusan naftiisa u qeexin ama weligii toos isu oran: “waa in aan hodan noqdaa”, balse uu iska jeclaaday in uu hodan noqdo. Markaas waxa ay ka dhigan tahay in qofkaasi himilo leeyahay, laakiin kuma baraarugsana, in uusan ku baraarugsanaynna waxa ay dhaxalsiin kartaa in uusan waligii hodan noqon.

Siyaalaha uu qofku ku ogaan karo himilada uu jecel yahay waxaa ka mid ah isaga oo hubiya waxa ama xaaladda maskaxdiisa ku soo noqnoqota ee uu badanaa ka fekero. Haddii uu wiil yari badanaa ka fekero aqoonta diinta islaamka iyo dadka ku talaxtaga, himiladiisu waa in uu mustaqbalka noqdo wadaad aqoonta diinta aan looga dabo dhufan.

Haddii aynnu isla garannay in qof walba uu himilo leeyahay aan ka gudubno. Aan u gudubno ujeeddada qoraalkeenna. Qofka walba oo himilo leh waxaa la gudboon in uu yeesho aqoon ka kooban farsamooyin iyo aragtiyo, taas oo uu u adeegsado gaaritaanka himiladdiisa. Aqoontaas waxaa ka mid ah siyaalaha wakhtiga loo maaraysto, siyaalaha nafta loo xakameeyo, siyaalaha fudud ee arrimaha looga sal gaaro, siyaalaha caqabadaha loo xalliyo, siyaalaha maskaxda iyo indhaha loogu hayo himilada, si aysan u dhumin ama xiisuhu uga idlaan iwm. Aqoontaas waa lagu kasban karaa waayo’aragnimo iyo kufaakac, balse maanta si sidaad ka fudud ayaa loo kasbadaa oo buug badan ayaa laga qoray, khudbado badanna waa laga galay. Buugga Himiladaada Hano aqoontaas ayuu sidaa.

Buuggan ujeeddadiisa waxaa si fudud looga ogaan karaa isla magaciisa. Himiladaada Hano waa buug sidii uu qofi himiladiisa u hanan lahaa ku baraarujinaya ama ku garab galaya. Waa buug oo kooban oo dulucdiisu ku urursan tahay 123 xaashiyood gudahood. Waxa uu soo baxay 2013’kii, haddana Maxamed-Siibed Ismaaciil, qoraaga buugga, waxa uu inoo sheegayaa, ogaalkii, in uu buuggani yahay kii ugu horreeyay ee af Soomaali ku qoran ee aqoonta horumarinta nafta ka hadlay.

Buugga waxaa ku qoran kow iyo toban qodab, oo sida isla jaldiga hore ee buugga ku xusan, “lama huraan” u ah hanashada himilo oo dhan, xitaa taada akhristow. Haa, xitaa taada, saa sida aan u badinayo qof wakhti fiican soo noolaa ayaad tahay e. Qodobbadu waa ku farsamo ah oo sida furuhu u furo qufulka aad himiladaada ugu hanan kartid. Way kala muhiimsan yihiin, oo qiyaastii waxaa ugu muhiimsan qodobbada kala ah: Garashada Himiladaada, Ninna Maankiisa ma Saluugo iyo Xakamaynta Nafta. Si kooban, waxa uu buuggu xambaarsan yahay aqoonta horumarinta nafta oo maanta dunida aad looga hadal hayo, runtiina aad muhiim u ah.

Dhaqanka Soomaalidu wuu canbaareeyaa in uu qofku naftiisa ama hantidiisa buunbuuniyo ama ammaano haddii aan la quursan. Waxaa ku jirta maahmaah ah: “Nin is faanshay waa ri’ is nuugtay.” Sadarrada ugu horreeya hordhaca buugga waxaa ka muuqda buunbuunin iyo ammaan uu qoraagu ku hurgufayo buuggiisa. Aayar buu oranayaa: “Waxaan kuugu hambalyaynayaa in aad hayso buugga “Himiladaada Hano”. Adiguna isugu hambalyee in aad gacanta ku hayso buug aad ka helayso aqoonta aad u baahan tahay si aad u xaqiijiso himiladaada inta aad nooshahay.”

Qofka Soomaaliga ah ee dhaqankiisa ku dheggen, isla markaana ka daalay siyaasiyiinta maalmaha doorashada is xariifiya ee xilkaska iska wada dhiga ka dibna heecooyinka noqda, waxaa suuragal ah in markii uu akhriyo weedhahaas ugu horreeya hordhaca buugga uu qoraaga u arko ri’ is nuugtay. Laakiin xaqiiqadu waxa ay tahay buunbuunin iyo ammaan ka badan inta uu qoraagu buuggiisa ka yiri in uu dhihi doono marka uu buugga dhammeeyo. Waayo, Maxamed-Siibed wuu ku guulaystay in uu wax fiican si fiican oo af Soomaali fiican ku dhisan uga qoro aqoonta horumarinta nafta.

Buuggu wuxuu hodan ku yahay sharraxaadda ujeeddooyinka. Wuu faahfaahsan yahay oo kala dhigdhigan yahay. Mar kale wuu xiriirsan yahay oo cutubyadiisu si xeeladaysan ayay u kala horreeyaan. Waxaa ku googo’an weedho wada halqabsi ah oo murtidhaadiyo uu qoraagu ka soo xigtay, kuwaas oo meelo ay ku habboon yihiinna uu dhigay.

Dhanka kale, In tusaalayaal la adeegsado iyo in hadalka dhayda laga caddeeyo si ujeeddadiisa dhabta ah loo dhadhansado, waa labo farsamo oo ka maqan inta ugu badan qorayaasha af Soomaaliga wax ku qora. Balse Maxamed-Siibed labadaas farsamo wuu yaqaannaa, si fiican ayuu u adeegsaday, waana dhif in buugga lagu margado ama aan ujeeddada uu qoraagu u socdo la la garan waayo. Balse marmar wuu siibanayaa oo in la fahmo ayaa adkaanaysa.

Bogga 63’aad ee buugga ayay weedhahan soo socdaayi ku qoran yihiin: “In yool uu yahay mid waqti-dhow lagu gaari karo iyo mid waqti-dheer lagu gaari karo kuma xirna muddada ay qaadanayso in yool kaas la gaaro, balse waxay ku xiran tahay waqtiga aad rabto in aad yoolka ku gaarto. Tan macnaheedu waa in yool waqti-dhow iyo waqti-dheer lagu gaari karo aysan ku xirnayn saacad, bil ama sannad”. Erayadani way iska hor imanayaan, lama na fahmi karo. Waa dhaliil aan badnayn oo uu buuggu leeyahay.

Sidoo kale foolxumadii ku gedaamnayd buugta af Soomaaliga ku soo baxda ee ahayd higgaadxumo iyo astaamaynxumo qoraaleed, buuggani kama uu dabaalan. Erayada aadka loo adeegsado aqoonta horumarinta nafta dhexdeeda waxaa ka mid ah erayga “dhiirrigelin”. Inta ugu badan eraygani sidan ayuu qoran yahay buuggan dhexdiisa: “dhiirigelin”. Dhiirri iyo dhiiri way kala duwan yihiin ujeeddo ahaan. Dhiirri waxa ay ka timid dhiirranaan oo baraarugsanaan iyo geesinnimo isku jira ah. Dhiiri, iyana waa ciid qoyan oo badan oo aan culays xajin karin, haddii la saarana la go’da. Baabuurta ayaa la yiraahdaa dhiiri ayay galeen, kolkii ay waddo ciid ah oo roob helayi la go’do.
Buuggan, Himiladaada Hano, qof kasta oo himilo leh wuu ka caawinayaa in uu gaaro himiladiisa oo ku guulaysto. Akhriskiisa iyo ku celcelintiisa ba waan bogaadinayaa.

W/Q: Anfac Cabdalle Muxamed

Madasha Faallada Buugga