Qasriga Dolmabahce iyo Hadyaddii Amiirkii Soomaaliyeed

0
869
#Somaliland #Democratization #process: #Political #parties

Qasriga Dolmabahce iyo Hadyaddii Amiirkii Soomaaliyeed

W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale.

Socdaalkaygii saddexaad ee aan Turkiga ku tegay waxa uu maalintaydii labaad (24/2/2018) i mariyay, Qasriga Dolmabahche.  Mahadda waxa leh wiilkayga Farxaan oo igu baraarujiyay daawashada dhismahan yaabka leh.  Waxa dhisay Suldaan Cabdulmajiidkii koowaad ammintii u dhexaysay 1843-1856.    Waxana uu ahaa Xaruntii Madaxtooyada Dawladdii Cismaniyiinta ammintii u dhexaysay  ammintii u dhexaysay  1856-57; 1909-1922kii.

Waxa ku  baxday dhismaha hanti u dhigantay (2013kii) 1.5 Bilyan oo dollar (ama  1500 milyan)  waxana la sheegaa in mashruucaasi cidhiidhi geliyay miisaaniyaddii Imbaraadooriyadda.  Dhismaha dhererkiisu waa ilaa 600 oo mitir, waxana uu ku fadhiyaa baaxad dhuleed 220,000 mitir oo wareeg ah.

Waxa uu xarun iyo hoyba u ahaa lixdii Suldaan ee u dambeeyay Imbaraadooriyaddii Cismaaniyiinta, oo uu soo gebagebeeyay Mustafa Kamaal Ataturk 1922kii.    Ataturk, laftarkiisa, ayaa xarun maamul iyo hoyba ka dhigtay qasrigan; waxana uu ku geeriyooday mid ka mid ah qolalka qasriga 1938kii.

Qaabka handasadeed ee dhismuhu waa uu ka leexday qaabkii lagu yiqiinnay Turkiga, maxaa yeelay waxa uu kulmiyay hannaankii dhisme ee Reer Yurub (kii kalaasiikiga ahaa iyo kii cusubaaba) iyo kii Cismaaniyiinta.  Si la mid ah, marka laga tago injinneerradii  u dhashayTurkiga ee dhisay dhismaha, waxa kale oo ka qayb qaatay farsamoyaqaanno reer Yurub ah.

Waxa la ii sheegay in maalinta keliya ay soo booqdaan dad tiradoodu ku dhowdahay 3,000 oo qof.   Dadka soo booqda oo u badan Turki, waxa iiga muuqatay sida ay ugu han weyn yihiin sooyaalkooda, waxana, iyaga oo kooxkoox u socda, ay daadihinayeen carruurtoodii, iyaga oo ku canqarinaya, mayracinayana taariikhdooda.  Waxa aan dareemay muruqo ka dhalatay kalatagganaanta hodantinnimadooda sooyaal iyo haawashada ama madhnaanta aynnu badnay dugaasheenna.

Weyddiimo kala duwan ayaa maankayga ku soo dhacay:  Horta maxaa sooyaal ah oo  ay dadkaygu wadaagaan, ku heshiis yihiin, isuna tiriyaan?  Miyaan sooyaalreereedyada lagaga kalsooni badnayn middi la wada lahaan lahaa, sidaas awgeedna aan wax danayn ah la siinnin wixii la wada lee yahay?

Waar bal u kaadi ayaa ay i tidhi naftu:  Miyaanay goobta Laas Geel ahayn mid la wada lee yahay oo aynnu ku faanno?  Waxana aan ugu eray celiyay: “Dee sidaas waxa suurtogal ka dhigay iyada oo ciddi naqshadaysay aan reer hebel loo garanaynin!”

Dalxiiskayagii qasirga ayaannu sii wadannay.  Dhegahana waxa iigu jiray warbixin Af Ingiriisi ah oo duuban oo kolba meesha aannu istaagno faahfaahin ka bixinaysay.  Mar keliya, annaga oo jaranjaro kor u qabsannay, ayaa aan warbixintii ku dhex maqlay xog lama filaan iyo yaab igu noqotay:

“…Laambadahaasna waxa dubaaladahooda ku dahaadhan foolmaroodi uu amiir Soomaaliyeed hadyad ahaan ugu fidiyay Suldaanka!”
“Yaa!” ayaan idhi, inta aan ku jeestay Farxaan.  “Aabbo sidaas iyo sidaas ayaa warbixinta ku jirta. Bal inna celi aynnu jaranjarada soo qabsanno mar labaad, dhegtana gasho rikoodhka si aad dhegahaaga ugu maqasho!”

Alleylehe, intaasiba waxoogaa hanweyni ah ayaa ay i gelisay. Mar baan ku dhawaaqi gaadhay “Soomaali baan ahay!”   Ma garan karo Amiirkaas Soomaaliyeed kuu ahaa, mana kala jecli in la aqoonsado iyo in kale, maxaa yeelay cid uun baa reerayn doonta, ka dibna hoos u dhigi doonta; waxa se igu filan in qasrigan yaabka leh ay dadkaygu wax ku darsadeen, si la mid ah sida ay dawlado waaweyni uga qayb qaateen, si ay ugu muujiyaan heersarrayntooda.

Tusaale ahaan, boqoraddii Fiktooriya ee dalka Ingiriiska ka talin jirtay, waxa ay dhismahan ugu deeqday rucub-laambadeedka (chandelier) adduunku ilaa haatan ugu weyn, culayskiisuna dhan yahay afar tan iyo badh, oo leh 750 laambadood, oo laga soo laalaadiyay mid ka mid ah hoolalka qasirga,  laguna iftiimin jiray gudihiisa!  Miyaanu se Qaysarkii Ruushku isna u soo dirin roog lala ashqaraaro oo ka samaysan haragga xayawaanka madaxkutida; si la mid ahna madax kale oo adduunkuna hadyado kale u soo dirin si magacoodu uga muuqdo.   Haa! Anigana Soomaali ahaan waa ii sharaf ah in laambadaha tirada badan dubaaladahooda lagu dahaadhay lafta foolmaroodiga kol haddii ay ka yimaaddeen “Amiir Soomaaliyeed!”

W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale;

aiawaleh@gmail.com