Akhriska iyo hoobaanta fikirka

0
352
Akhriska iyo hoobaanta fikirka

Qore :Sh. Cabdiraxmaan Bashiir .
Turjume : Maxamed Xirsi
Akhriska iyo hoobaanta fikirka :
_______________________________
Ma yahay caqligu mid iskii amaan u mudan? mise waxa uu ku amaanan yahay kolba waxa ku jira ? maxaa qur’aanka looga waayey hal aayad oo caqliga sidiisa u amaanaysa halka aynu soo heli karno boqolaal aayadood oo caqliga ku amaanaya kaalintiisa shaqo ?!
dadku gabi ahaan tood goob ay joogaan iyo goor ay noolyihiin ba waa ay ka siman yihiin maadada caqliga (maskaxda ) se waxa farqiga abuura waa adeegsiga wax ku oolka ah ee caqliga , sidaa ayaan u aragnaa bulsho horu marsan oo caqlaani ah marka ay dhaqaaqayso , nidaam iyo qorshena ku socota kolka ay tallaabo qaadayso , sidoo kale aragnaa bulsho kale oo ku nool xeerarka kaynta waayo waxa ay ka tanaasushay caqli iyo nidaamba !
Wali miyey inagu jiraan dad ay la tahay in caqligu lid ku yahay naqliga ( naska diiniga ah ) ?! Hadii ay sidaa tahay maxaa aayado badan oo qur’aanka ahi ugu baaqeen in la shaqo galiyo caqliga si kawnka iyo nusuusta diintaba loo fahmo ?! Kaba kaalay oo maxaa uu qur’aanku u dalbaday in caqliga loo adeegsado sugidda nabinimada Muxamed iyo in lagaga difaaco shubuhaatka ( قل إنما أعظكم بواحدة أن تقوموا لله مثني وفرادي ثم تتفكروا ما بصاحبكم من جنة ) ?!
Iimaanku miyuu lid ku yahay fikirka ?! Fikiraaga (mufakirka) xorta ahi fikirkiisa miyuu ku gaaloobayaa ka dibna jahanamo ku galayaa ; meeshii darnayd , Halka maan gaabka seegay hababkii fikirku meel ku leeyahay dadka iimaanka leh hadhawna reero janno noqonayo ?! Oo jannadu ma rugta doqmahaa , naartuna xarunta kuwa garaadka badan ?! In falsafadda lagu talax tagaa miyey kuu horseedaysaa gaalnimo halka in aad urursato waxa la yidhi baa la yidhi ay kaa dhigayso qof diin iyo aqoon yaqaan oo iimaan leh ?! Maxay muslimiinta maantu , gaar ahaan ku naska xejistaa , uga baqaan caqliga iyo akhriska xorta ah ?! Maxaynu ugu garbo duuban nahay akhriska kutub gaar ah ?! Maxaynu dadka ugu barbaarin weynaa akhriska aqoonta ah , dhexdhexaadka ah , habaysan ee naqdiska (hufid ) leh ?! Maxaa akhrisku uga noqon waayey dalalkeena dhaqan iyo caado nololeed ?!
Islaamka miyaa looga cabsanayaa in uu hor istaago (cadawgiisa ) ?! Oo cadawga islaamku ma waxa uu haystaa hub fikir oo ka awood badan kiisa ?! maxay ku dhacday in aan aragno kala duwanaanshaha (fikir) taariikhda muslimiinta xilligii ay maamuuska lahaayeen iyadoon laga cabsan kala duwanaanshahaas lagana khajilin ?! maantana kala duwanaanshihii aynu ugu aragnaa galbeedka xilligan ay dunida ugu muuqa dheer yihiin ?! maxaan ugu aragnaa soo yaal keena ibn rushdi oo khilaafsan ibn taymiya oo aan u aragnaa ibn rushdi iyo ibn taymiya oo ku khaliaafsan Qasaali manhajkiisa , maxaan ugu aragnaa dugsiga aragtida oo la ollog ah dugsiga raad raaca waxa dadkii hore laga soo gaadhay ?! maxay salafiyiinta maantu uga baqdaan buugta Qasaali ?! Maxay calmaaniyiintu uga baqdaan in ay fikir ku wajahaan islaamiyiinta ?! maxay salafiyiinta iyo ikhwaankuba uga baqdaan caqlaaniyiinta ?! oo maxay intaasiba uga baqdaan afkaarta Dr Daariq Ramadaan ?! oo maxaa looga baqdaa aragtiyaha Dr Cadnaan Ibraahiim ?! Maxaa loo wada kala baqdaa ?! maxay xubnaha kooxda tabliiq ugu nool yihiin dunidooda gaarka ah nolol ka madhan aqoon iyo fikir ?! maxay kali talisyadu u jecel yihiin jahliga una taageeraan dhaqanka jaahilaynta ?!.
Akhriska xorta ah ee mugga leh waa lama huraanka nolosha :
===================
intii aan ku soo jiray hilinkayga fikir waxan ogaaday in galladdayda ugu weyn ee noloshu iimaanka ka dib tahay rumaysnaanta akhriska , akhriska ayaan kaga baxay mugdiga jaahwareerka , iyada ayaa iga badbaadisay hogagga afkaarta , iyada ayaa iga dhigtayqof iskii u taagan oo aan cid kale ku dhex milmin , kaligay ayaaba noqday arwaax badan oo hal ruux ku jirta si aanan kaalin qudha ugu goobnaan ee dhamaanaan ka faaiidaysto , akhriska ayaan ku ogaaday in aan fikir muqaddas ahi jirin , manhaj dhawrsoonna jirin , qofna dhamays ahayn !waxaan ogaaday in akhrisku yahay lama huraanka nolosha ee dadka fikirka , aqoonta , dacwadda iyo isbadalka raba ! waaba looga baahi badnaan karaa cuntada iyo cabitaanka ; waayo iyagu waa lama huraan jidheed se akhrisku waa lama huraan fikir ; jiritaanka jidheed ayaa cuntada iyo cabidda ka dhigay lama huraan se jiritaanka fikiradeed iyo ilbaxnimo ayaa qasab ka dhigay fahanka nolosha , noloshana lama fahmi karo akhris la’aan !Ma garawsan nahay sirta horumarka reer galbeedka ? ma garawsan nahay sababta reer galbeedku aanay ugu noolay humaag iyo ismoodsiis ?! ma og nahay sababta ay reer galbeedka dhakhso uga soo kabtaan jugta gaadha ?! sirtu waa CAQLIGA ; caqliga reer galbeedku ma aha fadhiid ee waxa uu ku koray akhriska iyo aqoon baadhista , qofka reer galbeedka ahi waxa uu raacaa nidaam marka uu wax akhriyayo, qorayo , baadhayo , niqaashayo iyo markuu soo bandhigayo fikradihiisaba ! dadka reer galbeedku waxa ay yaqaanaan waxa ay akhriyayaan , sida ay u akhriyayaan iyo waliba sababta ay u akhriyayaan ! galbeedka dadku kaliya ma aha suuq oo hammigoodumaaha iibsiga nooca gaadhiga ugu wanaagsan , dharka ugu qaalisan , sida dadkeenana suuqa uguma daataan kolka ay wax yar helaan , waayo nolosha ayaa badankood bartay in ay nolosha u furdaamiyey qaab habaysan iyo manhaj lagu socdo !
Akhrisku waa jid iyo ujeeddo :
=======================
Galbeedka wax baa la akhriyaa lkn akhris uun wax looma akhriyo , muslimiintii horena waxa ay gar waaqsadeen in ay wax akhriyaan laakin akhris uun wax umay akhriyi jirin , galbeedka waxa wax loo akhriyaa ujeeddo sare , waxay garawsan yihiin in bulshada wax akhridaa mudan tahay hogaanka dunida, ujeedadu waa in la gaadho figta ugu sarraysa ( hogaanka ) , waxa dhab ah in dadka ugu saamaynta badan dunida ay yihiin kuwa ugu akhriska badan , sidaas ayaanaynu ahayn kolkaan fahansanayn sirta nolosha !muslimka maantu maxaa uu wax u akhriyi waayey ?! haduu akhriyana buug noocee ah ayuu akhriyaa ?! maxaa keenay in aan aragno maktabado bilic badan se markaad u fiirsato aanay dhex oolin afkaar dhumucleh oo muhiim ahi ?! buugtan maxay ka dheeftaa umaddu ?! ilaa hadda maxaa loo la’yahay cid soo bandhigta aragti ka duwan ta taala ?! maxaa keenay inafkaarteenu isku wada mid noqoto ?! aaway hal abuurkii iyo cusboonaysiintii ?! maxaa looga cabsadaa cusboonaysiinta?! miyaan nolol kasta oo cusubi ka bilaabmin fikir cusub ?! miyayna nabinimadamuxumed ku qotomin in la diido hab nololeedkii duugga ahaa ee bulsho iyo adduun ?! maxaynu ugu dhagnaa fikirka duugga ah xataa hadii uu aragtida bulsho uu maan gal ku yahay se ka madhan daliil iyo caddayn loo hayo ?!caqli ma aha in aan akhris uun wax u akhrino ama waxu barano kaliya barasho oo aan dugsiyada sare , jaamicadaha iyo macaahidda u galno shahaadooyin ! maaha in aan xambaarano magacyo aqooneed oo ka madhan wax soo saar ! waa in aan nolosha dhacan kuyeelanaa , waa in aan ka gudubnaa ururinta aqoonta una gudubnaa kala haadinteeda si aan u dhisno ilbaxnimadeena aqooneeda !
Aayo ma leh ummad aan waxba akhriyin :
========================
Dunida reer galbeedka dadku wax bay ku akhriyayaan halka ay wax ku sugayaan , madaarada iyo boostooyinka tareenada , safar iyo daganaanba wax bay akhriyayaan inaguna maqaaxiyaha ayaynu hadal dhaadheer la fadhinaa waayo waxaynu noqonay bulsho afka uun ka nool !Dunida galbeedka madaxdu waxay leeyihiin buugaag suuqa fikirka meel ku leh , lagama waayo faraagarayaashafikirka , waayo in badan ayay wax soo akhriyeen , inagana waxa ina hor fadhida madax aan erayo macno leh ku unki karin af ka mid ah afadka! waxay ka mid tahay cibaarooyinka dunida !Dunida galbeedka haweenaydu ilmaheeda ayay wax u akhridaa goortay jaqsiinayso , markay seexinayso buugta sheekooyinka ayay ku seexisaa inagana wali way u heesaan labada jeerba ; markaas ayuu ilmaha galbeedku noqdaa cilmi baadhe wax akhriya keenuna mid hadal badan oo meelahaas ka dhurma !Dunida reer galbeedka dugsiga ayaa carruurta lagu baraa manhajka akhriska inta ay yar yihiin , waxa la baraa habka akhriska iyo hadafka uga dambeeya se caalamkeenan dhibban dugsiga waxa carruurta yeedhis iyo qaybsiin loogu dhigaa akhriska iyo qoraalka , kaliya waxa loo sheego ayuu qaybaa sidaasayaa ardayga galbeedka loogu diyaariyaa aqoon baadhis keenuna waxa uu soo baxaa isagoo wali caamo ah oo aan bar bilawga aqoonta dhaafin !miyey ubadkeenu iyaga oo heerkaas tartami karaan xilligan adag ee lagu jiro ?!waa muran ma doon in mustaqbalku gabi ahaantii gacanta ugu jiro ciddii wax badan akhriday hadana waxan idiin xaqiijinayaa in sirtu aanay ku jirin inta aad akhrido se tahay nidaamka (manhajka ) aad ku akhrido , waa kas darro in aad casrigan jaan taa rogan wax u akhrido !shaki kuma jiro in muhiimaddu tahay akhriska balaadhan ee mugga leh hadana waa in la isku miisaamo tayada iyo tirada akhriska , manhaj iyo nidaamna hago akhriskaaga , waa muhiin in aad doorato waxa aad akhriyeyso .Waqtiga waa kooban yahay noloshuna waa fursad mar le ah , meelna kuma laha kuwa habayacsan iyo karti laaweyaashu ee ka dheeraw la fadhiisigooda , ha u dhawaan maqaaxiyaha intaad ka maarmi kartaba ; waxa ay kaa dhacaysaa waxa noloshaada ugu qaalisan , si weyn ayaad ugu baahan tahay waqtiga in aad akhris galiso , dhabtii ag tayda muhiin ayaad ka tahay laakin sii ahaan maysid adoon waxba akhriyin , in badan ayaan u soo joogay dad caqli badan se si sahlan nolosha uga baxay ; hawada nafta ayay isu dhiibeen ! aad ayaad ugu baahi qabtaa in aad akhrido afkaarta tii mac iyo macno leh , iska jir in waqti qaali ah kaaga lumo hadal madhan ( و الذين هم عن اللغو معرضون ) !Qur’aanku waxa uu ina faray akhriska (افرأ و ربك الأكرم) , waa gartii Dr Cabdikariim Bakkaar kolkuu yidhi ” ummaddii akhriska ayaan imika waxba akhriyin “! , run ayuu sheegay Mooshi Danian kolkuu yidhi ” carabtu dad wax akhriya ma aha ” ! wali waxba ma akhrino inaga iyo duniduna waxaynu nahay kaaf iyo kala dheeri ee ma laga waantoobayaa nacasnimadan ?! ooma laga toobad keenayaa daad xoornimada fikirkeenan ?! jiilkan cusub ma leeyahay go’aan qaadasho dhiig cusub galisa dhallinta si fikirkeenu ugusoo noqdo kaalintiisii nolol abuurka ee akhriska ku dhisnayd ?! waan rajaynayaa !!!