SHEEKO GAABAN: ‘Maan ogayn inay sidaas iiga fogaatay!’

0
750

SHEEKO GAABAN: ‘Maan ogayn inay sidaas iiga fogaatay!’ – W/Q. Cabdiraxmaan Nuux

Maan ogayn inay sidaas oo dhan iiga rejo beeshay, maan ogayn inay sidaas oo dhan iiga calool go’day, manaan ogayn waxa helay iyo cidda naga dhex shaqaysay toonna. Naftayda waxaan ku dilay feker iyo su’aalo ku saabsan

tii aan haweenba ka sahansaday. Sidaydii hore iyo si u dhow toona ma ihi. Waan dhuubtay oo waan qallalay. Qof hore ii yaqaannay hadduu iga soo hor baxo maanta ima garan karo. Laakiin wax walba waxaan u haystay sidii aan jeclaan lahaa inay ahaadaan.

Markii iigu horreysay waxaannu isku barannay magaalada Addis Ababa. Waxaannu isku barannay si aan waxba ka duwanayn sida caadiga ah ee ay dadku isku bartaan. Waxay ahayd maalin maalmaha Ilaahay ka mid ah aniga oo la jooga saaxiibkay Shaafi oo aannu fadhinno meherad bunka lagu cabo. Waxaannu ku sheekaysanaynnay jewi deggan. Haa. Markaas wax hawl ah oo kurbo iyo kaar na geliyaa noo ma ay oollin.

Markii aannu bunkii isku waraysannay ayuu Shaafi iga codsaday inaannu isku raacno oo soo booqanno qolo ay qaraabo yihiin. Gurigii gaadhnay. Judhii u horreysayba indhahaygu waxay arkeen oo ku diirsadeen weliba si naxariis iyo kalgacayl laga dareemayo u eegeen gabadh quruxda, qaayaha, iyo qiimaha ay leedahay aad ka dheehan karto aragtideeda oo aad u niyaysanayso xuural-cayn. Salaan iyo barasho ayaannu is dhaafsannay. “Maxaad cabbaysaan; ma qabaw, mise kulayl,” ayay nagu tidhi. Dalbannay wax qabaw. Kaftan googgoos ah is dhaafsannay, ciddii markaa goobta nala joogtay.

Laakiin inantan aan aadka ugu diirsaday ee indhuhu ku doogsadeen haasawaha iyo kaftanka mar mar mooyee inta badan wax hadal ah ku darsan mayso oo waxaad ka dheehan kartaa inay aad u xishoonayso. Marba hoosta ayaan ka jalleecayaa sida ay u dhoolla caddaynayso ee ay marba far yarada dhexda uga qaniinayso. Markii ay booqashadii noo dhammaatay ayaan si dareen ku jiro u idhi: “Aragti danbo xiiso leh walaalo waan sii soconaynayaaye,” iyo “Haye walaalladay” ayay iyadiina noo tidhi si xishood ku jiro. Anna maan aamusine aniga oo fursaddaas ka faa’iidaysanaya ayaan ku xaday “Sideed u aragtaa caawa haddii aynnu asxaabteennu meel ku wada cashaynno?” Ismabay lurine iyaduna waxay noogu warcelisay “Ok walaalo”. Sidaas ayay is-barashadayadu u bilaabantay.

Wixii intaas ka dambeeyay waxaan dareemay cishqi aanan meel uu igaga yimid garanayn. Waxa kale oo aan dareemay kulayl saa’id ah, dhidid, neef tuur iyo garaaca wadnaha oo aad mooddo inuu xawli u shaqaynayo. Waxaan noqday sidii nin maanta oo dhan soo ordayay. Naftu waxay i weydiinaysaa “Sababtu waa maxay?” Laakiin iimay suurtagalin inaan jawaab u helo weydiimaha kashayda sida darandoorriga ah uga soo burqanaya. Waxa kale oo aan hoos u leeyahay “Maansha Allaah qurux badanaa.”

Durba waxa la joogaa wakhtigii ballanta ee aannu cashada isugu iman lahayn. Asxaabtayda cusub ee noloshayda ku soo biiray. Goobtii cashada soo wada gaadhnay, intayadii ballanta lahaydna cidi nagama maqna. Si wacan baannu sheekada iyo juice-kaba (cabbitaannada) u tarantarinnay. Markiiba naftu waxay ii sheegtay inay u heellan tahay, oomman tahay, kalgacal aan la malayn karinna u hayso Huda oo ah inantan Rabbi xishoodka iyo qurxudaba ku mannaystay.

Goobta cashada intaas aannu fadhinno marba waxaan jalleecaya Huda oo aad mooddo inay hadda noqotay nafta nafteedii. Waxaan bilaabay inaan isla shawro oo aan is weydiiyo su’aalo aanan qaarkood jawaab u helayn. Talow sidee ayaad dareenkaaga ugu sheegataa? Imminkaba ma u sheegataa? Billee ku tidhi walaaltinnimo ayaynnu isku barannee ‘maya’? Oo kelmaddaas sidee ayaad ugu adkaysanaysaa? Laakiin hadday ku tidhaahdo ma dhulkaa kula go’aya? Oo billoo naxdinta aad ka naxdo kelmaddaas aad gebigeedaba gashaa? Oo adigu ma wax baad gashaa? Acuudu billaahi mina shaydaani rajiim? Sidaan ugu jiray weydiimo iyo jawaabo ayay saacaddu noqotay goor danbe oo aannu kala hulleelnay.

Shaafi ayaan uga warramay halka xaalkaygu marayo iyo inanta Huda hammuuntaan u qabo, bal se wuxuu igu jawaab celiyay saaxiib waan kula garab taaganahay wax kasta oo aad iiga baahato. Qolkii yaraa ee aan seexan jiray ayaan aniga oo luudaya tegay oo gogoshii iska hagaajistay, isuna diyaariyay inaan seexdo. Judhii aan indhaha is galiyay ba waa tan Huda iyo bishmaheedii macaanaa, cabbaadhyihii cuddoonaa iyo naasihii sidii hoota waran hore u soo taagnaa! Waannu faraxsannahay. Waxaad mooddaa inaannu toddoba bixii ku jirno. Dhabtayda ayay ku fadhidaa. Neecow jacayl ayaa na sidata. Laakiin markii aan indhaha kala qaaday, adaa sheegayaba! Walaa Huda ayaan joogin walaa cid kale ayaan joogin. Waa keligay iyo anigii.

Habeenkaas aniga oo sidii u soo jeeda ayaa waagii galalac yidhi oo qof weliba irsaaqadiisa u kacay oo uu baxay meeshii uu ka raadsan lahaa. Maydhasho ka dib waan soo baxay oo u dhaqaajiyay meheraddii cuntada aan ka cuni jiray. Subaxaas qof waliba oo iga soo hor baxaa wuxu i weydiinayay “miyaad xanuusanysaa” iyo “maya ee ma wax baa iga khaldan?” “haa, sidaadii hore ma tihid”. Wixii intaas ka dambeeyana waxaan uga jawaabaa niyadda oo aan idhaahdaa “inan Huda la yidhaahdo jacaylkeeda ayaa sidaas ii galay”.

Meheraddii ayaan gaadhay. Wixii Ilaahay iiga calfay ayaan kaga quraacday. Isla bartii aniga oo fadhiya ayuu ii yimid Shaafi.

“saaxiib iska warran ma soo nabad toostay”

Intaan ku naxay ayaan idhi “miyaanad Huda ii gaynayn?”

“saaxiib bal is deji,” ayuu yidhi isaga oo igu qanciyay inuu caawa isku kaaya keeno.

Maalintii oo dhan gabbal dhacii qorraxda ayaa igu dheeraaday. Maalinkaas dadka waan iska dhex marmarayay laakiin lamaan joogin oo maskaxdaydu hadba halkay Huda joogto ayay la joogtay. Waxa la gaadhay wakhtigii uu Shaafi aniga iyo Huda isku kaaya keeni lahaa si aan ugu sheegto jacaylka soo-booddada ah ee aan iyada u qabo. Ma garanayo sida ay noqon doonto. Waxaan igu weyn oo keli ah inaan u sheegto oo aan jawaabta helo.

Huda way i hor fadhidaa laakiin humaag ayaan u haystaa. Indhaha ayaan marmaray, saa waa iyadii. Waxaan uga bilaabay sida lay hayo iyo halka layga sii hayo. Waxa kale oo aan ku qanciyay inaan qacdii u horreysay ba caashaqay. Muddo ayay la yaabtay ninkaygan hore u soo fadhiya, muddo kalana waxay ku mashquushay feker xad ka bax ah. Laakiin aakhirkii waxay iga aqbashay codsigaygii. Sidii ayaannu ku kula tagnay, xidhiidhadiina ku kula qorannay.

Waxaan galay nolol cusub oo hor leh. Waxaan la kowsaday dardarta iyo wacdaraha waayo xiise badan. Waxa kale oo aan si aanan garan karin u bilaabay farxad, damaashaad iyo raynrayn. Inta aan saaxiibkay Shaafi uga mahad celiyay hawsha qiimaha badan ee uu iga caawiyay ayaan qolkaygii yaraa iska huluushay.

Intaas waan isla hadlayaa. Waan hadrayaa, waanan hugmayaa. Hammi ayaan hadh iyo habeenba ku jiraa. Ma dhab baa, ma dheel baa? Ma run baa? Ma riyaa? Mooyi wax ay tahay. Kolleyba waa wax aanan wax badan ka garanayn. Waxaan xaqiiqsaday in wax waliba inay saxdii yihiin.

Waxa na dhex maray jacayl aanad malayn karin. Waxaannu u dhaqannay sidii lammaane is jecel u dhaqmi jireen. Waan ku faraxsanaa, iyaduna way igu faraxsanayd. Waxaannu farxad iyo raynrayn ku jirnaba Huda waxa loogu busahaareeyay inuu safaaradda u yaallo fiisihii ay London ugu duuli lahayd. Arrintaas markaan maqlay waan ku farxay, kumanaan farxin. Waan ka naxay waanan ku naxay. Waxaa na dhex maray khilaaf aan buurnayn, isfahan la’aan iyo arrimo kale.

Iyada oo aanan muddo war iyo wacaal iska hayn ayaan qorshaystay inaan waddankii ku noqdo iyadana aanan u sheegin. Waxaan u diyaar garoobay safarkaygii aan dalkii hooyo ugu ambabaxayay. Alle mahaddii si nabad ah ayaan ku gaadhay. Huda weli waxay joogtaa Addis Ababa laakiin warkayga ma hayso. Waxay u diyaar garoobaysaa safarkeeda.

Naf wax jecel Allaa dhibaye, waxaan damcay inaan gacalisadaydii waco oo aan kala war qaadanno.

“Hello”

“Haa, Hello”

“Saw Huda maaha waa xaajigiiye”

“Haa xaggeed joogtaa meel walba waan kaa raadiyee”

“Waxaan joogaa waddankii. Si kedis ah ayaan ku baxay waanan soo laabanayaa sida ugu dhakhsaha badan ee goorma ayaad baxaysaa?”

Waxa igaga soo baxay filan waa, qalbi jab iyo wax aan dhagahaygu yeelayn.

“meel kasta waan ka raadiyay, waan ku waayay, reerkayaguna go’aan waxay ku gaadheen in inaabtigay la i siiyo, maadaama aan dhoofayo, arrintaas hawsheediina waa lagu jiraa ee sidaas u ogow” ayay hadal dheer iigu soo gebagebaysay.

Wax alla iyo wax aan sameeyo ayaan garan waayay. Habeenkaas murugo, welwel, walbahaar iyo walaac ayaan joogi kari waayay. Muddo ka dib waxaan maqlay inay dhooftay Huda. Niyadda ayaan uga duceeyay. Ma garanayo meel aan kala xidhiidho, waxaan se calool xumo u hayaa ninkaas doonaya inuu Huda ku nafiso.

Lix bilood ayaa laga joogaa tagitaankeedii. Galab casar ah ayaan galay internet-ka si aan ula xidhiidho asxaabtayda oo aan u eegto in wax farriin ahi ii yaallaan iyo in kale. Hal farriin ayaa i taalla. Waan furay waanan akhriyay. Si aan caadi ahayn ayaan ugu farxay. Jewigii aan ku jiray mid ka beddelan ayaan galay. Cidda farriinta ii soo dirtay cid kale maaha ee waa Huda oo aan ku daalay sidii aan ku heli lahaa meesha ay ku sugan tahay iyo sidii aan ula xidhiidhi lahaa labadaba. Farriinta waxa la socda Number-kaaga halkan iigu soo dir si aan kuula so xidhiidho.  Si dhakhso ah ayaan u diray.

Si nabdoon ayay farriintaydii u gaadhay Huda. Waannu wada xidhiidhnay, waxaanannu ka sheekaysannay wixii na kala fogeeyay. Waxaan iska waraysannay arrinkii ahaa in la siinayo inaabtigeed. Waxay ii sheegtay in aanay arrintaasi weli suurto galin. Aad baan ugu farxay warkaas. Waxaannu ballan iyo axdi ku galnay xabaal mooye inaan wax kale na kala qarinnin. Jacaylkayagii sii abaadayay ayaannu dib dambaska uga afuufnay. Sida aannu u wada hadlaynno ayuu subax kasta waagu baryaa. Laakiin wax aannu farxad, iyo raynrayn ku jirna ba taas kuma aannu waarin.

Jacayl xaasid ma waayee waxa laygu diray gacalisdaydii. Way igu hinaastay oo loogu sheekeeyay cid kale ayuu ku xidhan yahay ee adiga dan kaama laha. Ilaahayow nin aan waxba ogayn ha cadaabin. Aniga oo faraxsan ayaan wacay nafta nafteedii. Laakiin markaan wacayay maan kala garanayn in la igu diray, inay ii cadhaysan tahay iyo in qalbigii isaga oo igu faraxsan aan ogaa la beddeshay.

Waxay iiga bilowday hadallo aan ka sii xusuusto haddaan kaa fogaado adaa iska kay fogeeyay iyo hees aan iyadana ka sii xusuusto:

“Saw dookha nacaskii,

Rejo naawil ima odhan”

Markii dhegahaygu maqleen intaa waxa waran aan arkayo la iga taagay wadnaha oo isla markiiba farxaddii murugo isku beddeshay. Waxa ii dumay gabbal baas. Ma garan karo saacaddaas aan wada hadlaynno halka wax iska beddeleen iyo sababta keentay hadalladan aan naxariista lahayn. Waxaan bilaabay calaacal, maslaxaad, dejin, iyo inaan waxba ka jirin hadalladan ay i leedahay ee lagu yidhi. Waxa kale oo aan ugu daray hees aan ka sii xusuusto:

“Hayga filan xumaatee,

Ila fahan u jeedada”.

Qof meeli u caddahay meeli ka madaw. Sidii ayay ku adkaysatay. Sidii ayay kaga dhabaysay.

“Dhego awdan miyay,

Odayayntu gashaa?!”

“Cabdiraxmaan waad ogtahay oo shaki kaaga ma jiro inan ku jecelahay. Wakhtigu inuu cajiib yahay habeen qudha kumaan seexan inaynnu sidaas oo dhan u kala fogaan doonno. Waxaan ahay qof maskax iyo dareen leh, waxna arka, waxna maqla, waxna uriya. Waxaas oo dhan ma waxaad u samaynaysaa kala fogaanshaha aynnu kala fognahay? Kalsoonidii aan kuu hayayna adaa gacantaada ku baabi’iyay” ayay si xanaaq badani ka muuqdo oo aad mooddo inay Teleefankaba ka soo dhex baxayso ii tidhi.

Mar walba waxaan isku dayaa inaan qalbigeeda sidii aan ku bartay iyo sidii aan aqaannay ka dhigto. Marka aan is idhaahdo hadda ayaad meel wacan marinaysaa ayaa dadka xumaha iyo jacayl xaasidka ka shaqeeyaa wixii aan muddooyinkaas oo dhan soo dhisayay kala tuuraan oo ay dib iigu celinayan halkii aan ka soo bilaabay. Garan maayo waxaan ka haysto, waxaan ku sameeyay iyo waxa aan ka galay ee ay jacaylkayga u kala daadinayaan. Waxay naftu dareensan tahay in cid aniga iyo Huda naga ag dhow naga dhex shaqaynayso oo weliba farriin khaldan iga gudbinayso.

Ilaa hadda kumaan guulaysan inaan helo cidda nagu dhex jirta. Waxay ii diideen jiif iyo joog. Habeen ma seexdo oo sida aan su’aalo isku weydiinayo ayaa waagu ii baryaa, maalinna daa hadalkeeda. Magaaladii waan ka diiqadooday, waan shuufay oo waan karhay. Asxaabtii kama ag wareego, mana jeclaysto inaan ar-arko. Xataa ka si aan ku talogal lahayn iiga soo hor baxa salaanta kama qaado. Haddaan ka qaadana waxaan ka qaadaa aniga oo jidh diidaya.

Waxaan noqday keli socod. Hadh iyo habeen waxaan ku fekerayaa inaan magaaladan aan joogo ka tago. Aniga oo dhako-faarkaas iskaga jira ayaa la ii qorsheeyay in waxbarasho jaamacadeed la iigu diro Kampala. Aad ayaan ugu farxay, maadaama aan ka fogaanayo dadkii jacayl xaasidka ahaa. Mar iyo marar kalana waxaan nafta ku qanciyay in wax is beddeli doonaan oo haweenaydaan dunida ugu jeclaa ii soo laaban doonto. Sidii ayaan Kampala ku imid, waxaanan damcay inaan u sheego inaan Kampala tagay. Waxaan wacay nambarkii Teleefanka ee aan kala xidhiidhi jiray. Nasiib darro ma aan helin, sidii ayaanan weli u raadinayaa, uguna raad joogaa. Miyay dhimatay mise way nooshahay? Miyaa la guursaday oo inaabtigeed ayaa ku nefisay? Miyay ii soo socotaa oo aniga ayaabay i baafinaysaa? Mooyi! Idinku is weydiiya halka ay ku danbaysay!

FIIRO GAAR AH: SHEEKADANI WAA DHAB EE MA AHA MALE-AWAAL.

Cabdiraxmaan Nuux

Email: kaarshe343@hotmail.com
Xigasho: Mareegta Weedhsan