Ku Deeq Buugaag

Salaamu-Calaykum.

Kusoo dhowow Maktabad Mareegeedka Soomaaliga (Online Somali Library)

Ka sakaw raadinta, soo ururinta iyo baadhistaanu ku raad gurayno buugaagta afka-soomaaliga ku qoranee ku kaydsan maktabaddaha iyo mareegaha kala duduwan, Ee aanu isku xilqaanay waa midaanu kasoo bixi doono dhankayaga ahaan. Dhanka akhristayaasha iyo qorayaasha ahaanna si aynu uga wada qayb qaadanno horumarinta akhriska iyo lajaanqaadinta dhiganeheena isbedellada casriga ah ee tiknoolajiyada waxa lagamama maarmaan ah inaad ku deeqdo buugaag.

Qoraa: Maxay tahay faa’idada iigu jirta inaan buugayga ku deeqo oo la geliyo Maktabaddan?

Maamulka Maktabadda: Cidda aad wax u qortay maaddaama oo ay bulshada tahay. Waxa uu buugaagu si fudud ku gaadhi karaa meel aanu dhiganahaaga daabacani gaadhi karin. oo waxa akhrisan doona bulshada Afka Soomaaliga ku hadasha oo dhan meel walba oo ay ka joogaan daafaha caalamka.

Qoraa: Xuquuqda hanti maskaxeedkaygani siday u sugmaysaa oo aad u ilaalinaysaan?

Maamulka Maktabadda: Mahadsanid qoraa. Maktabaddu kaliya waa goob AKHRIS, malaha la degis (Download). Si aanu u sugno xuquuqda hanti maskaxeedkaaga, waanu ka xidhnay.

Waxaynu maanta kaydin karayno, Beri yeynaan u murugoon sababta loo kaydin waayey. Jiilka iman doonaana kaa dhaxli maayo hadalkaad tidhi, waxa uu se kaa dhaxli doonaa heerka horumar ee aad bulshadaada gaadhsiiso iyo dhaxalka qoraaleed ee aad hadba u reebto si ay u daalacdaan.

Waxaad noogusoo hagaajin kartaa waydiimaha, dhiganaha (Buugga), Cilmibaadhisaha iyo qormooyinka cilmiga ahba: (Info@somalilibrary.net)

 

Mahad aan duugoobin.

Maamulka Maktabad Mareegeedka www.somalilibrary.net