GORFEYN: INDHADEEQ KU AAWAY

0
1243

GORFEYN: INDHADEEQ KU AAWAY | – Cabdiraxmaan warmooge

Kolka sheeko faneed la qorayo waa wax hawl adag iyo waqtiba u baahan. Waa sida xisaabta Kaalkulaysta oo kale, haddii in yari is dhaafto, waxaaga oo dhan ayaa khaldamaya; waa inaad masaxdaa, hawl cusubna dib u soo bilowdaa. Sida oo kale in aad hibo iyo halabuurnimo u lee dahay qaabka wax qaabeeyo ee loo qurxiyo, adiga oo isticmaalaya farshaxannimo qoraaleed oo qurux iyo haybad leh waa muhiim. Haa, baahida u weyn ee aad ka dareemayso dhallinyarada hadda aadka u qorta sheeko faneedda ayaa ah inay ka maqan tahay hibo-farshaxaneed oo qumman, Eebbe haynoogu deeqee. Qofku waxa uu ka hadlayo, ee uu qorayo ma awoodaa in uu kuu saawiro? Ma ka duwan tahay, oo ma laga garanayaa kumanaanka sheeko ee u badan dhacdooyinka jacaylka ah, ee habeen iyo maalin maqaaxiyaha lagu wadaago? Qoraaga sheekadu ma ku dareensiin karaa waxa dhacay; haddii ay tahay jacay, nacayb, baqdin, fulaynimo, cadho, farxad, niyadjab, geesinimo, dhiiranaan, qoomamo…?
Marmarka qaar ma ku daawadsiin karaa haddii ay dhacdaba, way dhacaysaaye, dareenno argagax iyo foolxumo wata sida; kufsi, macangagnimo, budhcadnimo, geeri, musuqmaasuq, ba’ iyo hoog. Awood halabuurnimo ma u lee yahay inuu ku daawadsiiyo dhacda kasta sida ay u dhacayso, halka ay ka dhacayso, cidda ay ku dhacaysaa waxa ay dareemayso iyo ka samaynayaa sida uu wax u wado, dareenkiisa gudeed iyo muuqiisa duleedba.
Buugga aan akhriyay dharaaro ka hor ee “INDHADEEQ KU AAWAY?” qoraaga qoray ee Ismaaciil Cabdillaahi Ubax ayaa intaasba koobsaday sida ay ila tahay. Way dhici kartaa in dad kale ay dhaliilo kala duwan u soo jeediyaan balse aragtidayda waxa aan qabaa in uu dhammeeyay intii looga baahnaa dhammaanteed. Aniga laftarkaygu in aan meelo saluugo way dhici kartaa, wixii se aan saluugay xagga danbe ayaa aan ku xusayaa.
Sheeko kasta oo la qoro ama la qorayo halka ugu horraysa ee laga qiimeeyaa waa bogga hore; qaabka uu u qoran yahay iyo bar bilowga sheekadu sida ay xiiso kuugu abuurto. Qof kasta oo inaga mid ah waxa uu awoodaa ama sameeyaaba aan idhaahdee inuu buug kasta oo sheeko faneed ah oo uu arko judhaba akhriyo bogga hore. Bogga u horreeyaa haddii uu kugu kallifo in aad su’aalo midhba ha noqotee aad maskadaada weyddiiso, waa u guul qoraaga. Arrinkaas ayaa kugu kallifi kara in aad sii waddo akhriska; ama iibso, ama saaxiibkaa ka soo qaado ama cirka u doono, su’aalahiisu waa kuwa kugu riixa uun in aad buugga doonato, haddii se bogga hore ku eryo waligaa ma raadsan doontid buuggaa, raadsigu ma ka dhow, in aad xusuusato xitaa lagama yaabo.
‘INDHADEEQ KU AAWAY?’ waxa uu judhaba ku billaabmayaa qof tacbaan ah oo kala daadsan xubnaha jidhkiisuna ay wahsi dartii is dhaqaajin kari la’ yihiin. Sababta ka danbaysa awood-darrada, wahsiga iyo sii jeclaysiga gogosha isaga oo hawshii dardargalinta arrimaha xisbiga iyo rumaynta mid kamid ah himilooyinka aabbihii looga fadhiyo maskaxda fayoowina ay sidaa ina farayso ayaa ah wax la yaab leh! Waa jacayl.
Jacayl! Waa mid kamid ah dareennada adduunka. Waa mid isagu koobsan kara dareen kasta oo adduunka ka jira ilbidhiqsiyo gudahood. Waa dareen isku xidhi doona qalbiga Faysal oo ah wiilka uu dhalay Kaynaan, musharraxa jagada madaxweynennimo ee xisbiga mucaaradka ah ee Bulsho iyo Indhodeeq oo ah gabadha kaliya ee uu ku indha-kuusho Cali Shaandho, oo ah musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee Aqbal, sida oo kalena ah cadawga koowaad ee Faysal iyo aabbihii Kaynaan.
Su’aasha meesha taalla ayaa ah ‘maxaa isu keenaya carruurta ay dhaleen labada musharrax ee xisbiyada Aqbal iyo Bulsho?’ in kasta oo ay sahlan tahay sida uu isu barayo qoraagu, oo maskaxdu is weyddiinayso ‘maadaama ay ay laba masuul oo sidaa u waaweyn dhaleen maxay isu aqoonsan waayeen judhaba? Sawiradooda iyo magacyadoodu miyuu midna garan waayay?’ Haddana hadalka, haasaawaha iyo kaftanka uu hagayo dareenka hoose ee labada qof midna uusan u warhayn waxa sii fududaynaya isticmaalka aalladaha tignoolajidda ee Faysbuugu kow ka yahay.
Jacayl! Erayga ugu badan ee halkan aynnu ku adeegsan doonno ayaa ah “jacayl”. Maadaama oo qoraaga iyo buuggiisu wax badan inaga barayaan jacaylka. Haa, way innaga barayaan, oo waxa uu inoo sheegayaa in Faysal uu Indhadeeq caashaqayo, iyaduna sidaa si la mid, iyaga oo aan ogeyn inay is jecel yihiin. Jacaylka inuu isu keenayo oo isu soo jiidayo ayuu ina barayaa, balse Faysal Kaynaan uusan judhaba aqoonsanayn inuu jecel yahay, iyaduna sidaas oo kale.
Bogga u horreeya ee buugga kolka ugu horreysaba waxaa inagaga soo boodaya sawirka Indhadeeq iyo Faysal Kaynaan oo isku maran. Ma jecla! Ma jecla haddii aan yidhaa waxa aad is weyddiinaysaa waayahee maxaa ku raray sawirkeeda? Waa su’aal muhiim ah. Gefba haygu noqotee wuu jecel yahay sida aan wax u micnaystay, balse isagaan war isu hayn. Waa sababta uu u diidayo inuu kaco oo shaqo tago. Faysal hurdaddoon ma aha ee waa Indhadeeq-doon.
Waxa aad mooddaa inuu qoraagu is barashada Faysal iyo Indhadeeq ku degdegay faduulba ha igu noqotee. Isla maalintii ugu horraysay ee Faysbuugga ay iska barteen iyo isla maalintii u horraysay ee ay kulmaan ayaa maalin kaliya aheyd, waliba galin kaliya. Waa isla-doonasho Alle. Lama filaan aan la sugayn ayaa se yimi, oo dagaal culus oo faraha aan laysa saarin ayaa goobtii ku dhex maraya nafo isu baahan, oo sabab u noqonaya in aan sannado badan oo danbe aan lays arkin. Sannaduhu ma kuwa yar, waligeed dheh. Haa waligeed in aan dib laysu arkin.
Aabbaha Faysal oo Kaynaan ah, haddii uu ahaa musharraxa madaxweyne ee xisbiga Bulsho, Faysalna yahay qofka xisbiga aabbihii musharraxa ka yahay qofka kala wada way fududdahay sida uu musharrax ku noqon karo Faysal. Waa aabbihii oo beddela, ama xanuunsada oo looga maarmi waayo ama isaga oo dhintaba, ka dib lala jeclaado, waana ta danbe ta u suurtagalinaysa Faysal inuu madaxweyne noqdo mustaqbalka. Himilooyin badan ayuu lee yahay, oo uu fulinayaa. Waxa aan odhan karaa sida iska cadba himilooyinka uu fulinayo isagu ma laha xitaa tan madaxweynenimo ee waa kuwii aabbihii oo uu fulinayo, balse dadka intooda badani waxa ay u haystaan wax uu isagu lee yahay inuu wado ee ma oga inuu adduunka ugu neceb yahay. Sababta ka danbaysa in uu naco kursiga ugu sarreeya dal dhan ayaa ah jacayl dartii. Haa, jacayl dartii, wax kale buugguba ma raacinayo. Waxa uu ina barayaa in jacayl dartii hanti kasta, lacag kasta, xil kasta iyo kursi kasta ilaa ka dalka u sarreeya loo nici karo. Haddiiba ay dad badan maalin kasta naftooda u gooyaan jacayl dartii, ma kursi adduunyo ayay u lumin kari waayeen? Waa maya. Isku daygaas Faysal ayaa samaynaya. Kursiga dalka u sarreeya isaga oo ku fadhiya ayuu mar iyo lababa in ka badan ku fikirayaa in uu jacayl dartii u lumiyo. Waa mid ka mid ah mucjisooyinka jacaylku lee yahay ee qoraaga buuggu ina barayo. Waa cashar, tuf iyo antibaayootik uu Ismaaciil isugu keen darayo si aynnu wax uga barano arrimaha jacaylka.
Intii aan buugga akhriyayay marmar ayaa jirtay aan caajis ku yara dareemayay akhrintiisa. Arrinkaa waxaa sabab u ahaa buugga oo inta badan aan idhaahdo ‘dhammaad ilaa bilow” ku soo celcelinaya dareenka laba shaqsi oo qudha; waa Faysal iyo Indhadeeq. Kun jeer in ka badan ayaan la murugooday Faysal, oo la fikiray, oo la qoslay, oo la ooyay, oo la qoomamooday ilaa aan sii qiyaastay marmarkii danbe waxa dhici doona marka danbe. Waxa ay odhan doonto iyo sida uu dareemi doono. Taa waxaa u sabab ah doorkii saaxiibbada ama isaga ha noqdaan saaxiibbadii ama iyada ba e, doorkii waalidka, isku soo wada duub oo, doorarka oo dhinacyo kale noola kacaya si aan ugu madaddaaloonno ayaan tebay.
Aabbaha Indhadeeq oo ah Cali Shaandho ayaad mooddaa inay sheekadu aad u tebayso. Waa qofka liddi ku noqonaya xadhkaha xuubka caaro ka itaalka yar ee jacaylku isugu xidhay Faysal iyo Indhadeeq. Waa qofka isku dayaya mar kasta inuu jaro, wuuba jarayaaye, haddana hal kama odhano. Iyagu ayuun baa cadow ka dhiganaya, ee Cali shaandho inuu booska sheekada yahay hadal ayuun baan ku haynnaa, aan ka maqalnay Faysal. Filin booska dhabta ah ee laba is jecel kala gaynaya oo haddana weedh aan odhanayn, ficilba iska daaye, miyaan la tabayn? Inuu wax sameeyo inuu ogaado ayaa ka horreysa ee horta ma ogaanayaa waxa soconaya? Waa maya.
Qof kasta oo inaga mid ahi waxa uu jecel yahay sida wanaagsan inay wax ku dhammaadaan, balse qoraha ayaa taa hore u soo jaangooya. Buug haddii ay noqoto iyo haddii ay filin noqotaba cidda curisay ayaa go’aan ka soo gaadhay; waa haddii aysan ahayn sheeko hore u dhacday oo natiijadeeda la ogaa sida: Cilmi-Boodhari oo kale.
Sheekada “INDHADEEQ KU AAWAY” akhriste kastaa sida uu jecel yahay way khilaafaysaa. Haa, bilcaksi ayay uga hor imanaysaa. Dhammaadka kolka ay sheekadu ku tidhaahdo ‘Faysal wuu waayay Indhadeeq oo nolol la’aanteed ah ayuu aqbalay’ waad u qaadan waayaysaa. Balse sida fudud ee isaguba (Faysal) uu biyo la’aanta ugu liqay erayga “yartaadii waa la soo doonayaa!” ayaad adiguna haddii aad akhristaha tahay u liqi doontaa adiga oo aan ku mergan. Qoraaga ayaa fududeeyay oo ka soo shaqeeyay in aynnu sidaa fudud i liqno.
Sheekadu sida ay u macaan badan tahay iyo sida ay xagga danbe wadna gariirka uga tahay ayaa kadiso ah. Waa lama filaan uu inoogu talagalay qoraaga buuggu. Ugu danbayn ama gabagabadiiba aan idhaahdee waan uga mahadnaqayaa qoraaga buugga qaabka quruxda badan ee uu u tebiyay sheekada, waqtiga uu galiyay iyo sida uu isagu hawlay farshaxannimadeedda. Higgaadda iyo qaab-qoraalkaba isaga ayaa iiga aqoon badan Ismaaciil, dabadeed badaheeda aniguna ma gelin.
***
Sifaha Buugga:
Magaca buugga: INDHADEEQ KU AAWAY.
Qoraaga buugga: Ismaaciil Cabdillaahi Ubax.
Tirada bogagga: 202.
Daabacaaddii: 2015.

Haddii aanad hore u akhriyin buugga INDHADEEQ KU AAWAY. ka akhriso lingaxan hoose. Ku dhufo https://somalilibrary.net/2017/04/02/indhodeeq-ku-aaway/