AWOODDA MU’MIN KA & SAMAYN TEEDA

0
930

W/Q: Shiikh Cabdiraxmaan S. Bashiir, (Af-carabi).

W/T: Cabdiraxmaan Maxamuud Axmed Saalax, (Af-soomaali).

1. Dhabtii Mu’minka awooddiisu waa mid Caqiido iyo Feker, ma se ahan sida kuwo badani u haystaan murqyo la kuuso, sidaasi daraaddeed ayuu Islaamku uga yeelay dhisidda qof dhammays tiran yool aasaas u ah ababinta. Ahaw qof gudaha ka xooggan, ha na noqon kuwa mudnaanta siiya qolof ka sare kaliya ( الإهتمام الديكوري).
2. Awoodda wadammada horumaray ma ahan kaliya midda militari, mana ahan tirada ciiddammada hubaysan ee ay haystaan, taasi waa halbeeg hore, tusaale, wadammada Scandinavian-ka ma ay lahan awwood ciidan oo ay ku maquuniyaan kuwa kale, se waxay leeyihiin feker xooggan, aqoon saraysa iyo adeeg caafimaad oo dhamaystiran.. ahaw adiguna walaalkayga Muslimka ahoow mid feker ahaan u xooggan, aqoon ahaan u horumarsan, caafimaadkiisa na ka shaqeeyya, si aad dhismaha bulshada uga noqotid xubin wanaagsanoo caafimaad qaba.

3. Awooddu waxa ay ku jirtaa jirka dhamayska ah awood tayo iyo tiro ba, ee kuma jirto hurdo badan, kumana jirto waqtiyada raaxaysiga oo la badsado, oo kuma ay jirto cunto badan, hase ahaattee awooddu waxa ay ku jirtaa socod joogto ah, nasasho maalinle ah, kala duwidda noocca wax qabad iyo waxa aad cunaysid oo aad xoogga saartid tayadiisa iyo tiradiisa ba.. ahaw walaalkayoow, akhris badane, firfircooni iyo socod badan, jecelna fanka nasashada.
4. Awooddu waxa ay ku jirtaa nolosha reernimo/xaasnimo ee guulaysattay, iyo ku raaxaysiga nolosha qoys, iyo la noolaashaha noocyo kamid ah dhaqammada sarsareeye ee la dhaqanka ilmaha iyo labada waalid. Ahaw mudanahayga Muslinka ahaw mid ku dhex nool degaan reernimo oo fayyow, fannaanna ku noqo ku raaxaysiga noloshaas reernimo, noloshaas ayay raaxo-nafsadeed oo xeel dheer dhex ahaatay e.
5. Awooddu waxay dhex ahaattay dacwdda iyo ka shaqaynta feker aad rumeysantahay, nololi na ma jirto feker la’aan, feker na ma jiro la falgelid la’aan, qofka aanan marka feker lahayn awood ma lahan, waana sida uu Qur’aanku ku tilmaamay ” كأنهم خشب مسندة”.
Haddaba ahaw gacalle mid feker la nool, si aad awood uga heshid, hana ka yeelin fekradda mid aan boos ku lahayn waaqicaaga/noloshaada, dadkana ku dhex nooloow adiga oo ahaanaya mid gaar noqday, hana ka wada fogaan dhamaantood, waa taas e awoodda (dhexgal gaar ahaanshiyo la jiro e).
6. Awooddu waxay ku jirtaa wax bixinta, iyo ku la noolaanasha awooddaas (waxbixinta) dadka. Dadka waxaa kamid ah, mid wax qaatta oo aan waxba bixin, iyo mid wax bixiyya aan se waxba qaadan, iyo mid wax bixiya waxna qaatta iyo mid aanan waxba qaadan waxna aan bixin.. Ganacsatadu badanaa wax bay bixiyyaan waxna way qaattaan, se ragga fekerka iyo dacwadda wax ayay bixiyaan se wax ma qaattaan, waana masalo xiriir la leh taariikhdii Nabiyadii iyo Risaalooyinka.. ee ka mid ahaw walaalkayyoow inta badan kuwa wax bixiya xisaab la’aan, ha na ka sugin dadka abaal marin, waayo badanaa dadka taariikhda sameeya/gala waa kuwa wax u bixiya xisaab la’aan, waa na middaas awooddu. Miyaysan kamid ahayn hadalladiisii ugu dambeeyay Cumar Almukhtar -dhimashadiisa ka hor, mid arrinkaasi ku tusinaya (wax bixin aan abaalgud laga sugin) marka uu yiri: “ISMA DHIIBNO, WAAN GUULAYSANNAA AMA WAANU DHIMANNAA.”
Waxay ahaattay taasi halbeegga awoodeed ee dadka WAAWEYN.
7. Awooddu waa abuuridda xiriirrada, iyo unkidda xiriirro tayo leh oo kala duwan, ee awooddu ma ahan ka dididda inaad dadka waajahdid, ha noqon walaal mid xirxiran, kalinnimo na haka raadin farxadda, taasi waa waddada kuwa ku fashilma abuuridda xiriirrada dheelliga tiran e, hana isku dayin inaad dadka u laba-wajiilaysid, se fannaan ku noqo kasbashada saaxiibbada iyo ka cayrinta beertaada cawaska xun, is kuna day in aad yeelatid dareen aad saaxiib ka uga aqoinsatid cadawga, laakin se ha dareensiin natiijada.
8. Awooddu waxa ay ku jirtaa ruuxda iyo dhisidda naf isku xiran isna haysatta, iyo helitaanka waxyaalo ruuxi ah oo ruuxda kor u qaadayya, gudaha na ka yimaadda, ee awooddu ma ahan qofku inta shay uu haysto, oo waxa la helayyaa mid kun baabuur haysta, iyo kun guri hase ahaattee gudaha ka kala dhantaalan oo daciif ka ah.. waxa aan dhawaan arkay nin miisaan culus (maamuus leh) bulshada ku dhex leh hantida uu haysto oo badan awgeed, hase yeeshee u ooyyay sidii ilmihii markii ay xaaskiisa is khilaafeen, ma uusan awoodin xataa in uu khilaafkoodaas si kalgacal leh u dhammeeyyo.. sababtoo ah noocaan oo kale ma awwoodo nolosha in uu waajaho asaga oo ay shakhsiyaddiisu tahay mid is haysata oo xooggan.. waxaa kale oo jira mid aan quutul yamigiisa helin, laakin dadka dhexdooda awwood shakhsiyadeed ku dhex leh, sababtoo ah gudaha ayuu ka xooggan yahay.
Ahoow walaalkayyoow mid Rabbiga Samada & Dhulka leh ku xiran, awooddana Alle ka qaado Alle ayay awoodi u sugnaatay e, ashyaa’da na (walxaha) ha u arkin inay ayagu yihiin kuwa awoodda bixiya, u se arag in ay yihiin waddooyin ee aysan ahayn yoolal (haddii la helo awood la helayyo).
9. Awooddu waxa ay ku jirtaa aragga mustaqbalka, ee kuma ay jirto la noolaanshaha xanuunnadii tagtada (shalay). Dad ka in badan oo kamid ah waxay maagaan/eedeeyaan waqtiga, sooyaal kana way ka sheegtaan, laakin se kama faa’iidaystaan awoodda naftooda dhex ahaattay. Ku dhex noolaanshaha xanuunnada dhexooda waa dacfi iyo tabar-darri, ka sheekaynta tagtada na waa masuuliyad ka cararnimo, ha ahaan walaalkayga Muslimka ahoow dhibbane la nool, sheekooyinka looga wariyay adaygga waqtiga, annaga ayaa ka awwood badan e adayggaas.. oo waxa aan leennahay awood aan taariikhda ku sameyn karno, ahaw mustaqbal sameeye adigoo adeegsanaya walxaha ku horyaal, ee ha raadraadin yididiillo uun e sameyso muqtabalkaaga.
10. Awooddu waxa ay dhex ahaattay degganaanta nafsadeed, iyo caafimaadkeeda dheelliga tiran, ee awooddu ma aysan dhex ahaan ku muujjinta farxad been ah dadka hortooda, iyo waxa maantay loo yaqaan “farxadda beenta ah”, waxaa jira mid dadka hortooda ku muujiya farxaddiisa beenta ah asagoo ageegsanaya dhoolla-cadayn weyn iyo la haashiyaha walxo cusub, Galbeedkana waxaa jira madarasad dhan oo baarta sababta farxadda beenta ah, waxaana la ogaaday kuwa ugu badan ee is dila (naftooda dila) in ay yihiin kuwaas (muujisanaya farxad beeneed ka).. farxadi ma jirto degganaan nafsadeed iyo mid caafimaad oo dheellitiran la’aantood, iska jir degganaanta beenta ah, iyo farxad-nafsadeed ka beenta ah.
Haddaba sidaas awgeed ayay awoodda dhabta ahi uga bilaabataa gudaha, ee ma ahan muuqaal dibadda kaliya ah.
Rasuulka NNKH run ayuu sheegay -warkiisa oo dhan waa run e- markii uu yiri:
“المؤمن القوي خير وأحب إلي الله من المؤمن الضعيف ، وفي كل خير .”
W/T: Cabdiraxmaan Maxamuud Axmed Saalax, (Af-soomaali).