Gorfayn Buugga Halgankii Tukayaasha

0
1012

 

Dhirta geed malka ah baa jiriyo lama garaacaan e,

Dadna birimagaydaa jiriyo lama guhaadshaan e.

Maalmihii uu gacantayda soo galay buugga Halgankii Tukayaasha waxa geeryootay Harper Lee, oo ahayd qoraa Maraykan ah oo qortay buugga caanbaxay ee ‘To Kill a Mockingbird’. Harper Lee Buuggaa waxa ay qortay horraantii lixdanaadkii oo ay aad u sarraysay

cunsiraydda ku salaysan midabtakoorka dadka madow ee asalkoodii laga soo qafaashay qaaradda Afrika. Qisadu waxay ku dul wareegaysaa nin Afrikaan-Amerikaan ah, oo denbi aan uu gelin lagu maxkamadeynayo. Sababta denbiga dusha looga saaray na, ay tahay oo keliya, in uu ahaa nin madow, ‘bidde’ madowna waxa laga filaa uun ay tahay denbi iyo kharribaad.

Si ka duwan sida buugga Harper Lee, waxa qoraa Soomliyeed, uu faaqiday buug na ka soo saaray mawduuca ciwaanka kor ku xusan. “Halgankii Tukayaasha” ma aha sheeko faneed la allifay; se waa iskuday iyo dabagal looga gol lee yahay in lagu soo gudbiyo taariikhdii madoobayd ee loola dhaqmi jirey dadyowga madow, gaar ahaan sida ‘Carabtu’ u cunsuriyadeyn jirtay, u na baasaysato midabka madow.

Intii aanan bilaabin akhriska buuggan; waxan maleynayey in aan ugu tegi doono dhawr fikradood oo igu soo dhacay markaan ciwaanka akhriyey. Nasiibdarro waan ku hungoobay, malahaygii na waxba kama rumoobin.

Nasiibdarro waan ku hungoobay, malahaygii na waxba kama rumoobin.

Ugu horreyn buuggu ma aha mid si taariikh ahaan loo abbaaray, mana aha mid si cilmibaadhis dhameystiran u daraasaynaya mawduuca addoonsiga ama cunsuriyada; qeexitaano fiican kama bixinayo macne ahaan, iyo eraybixin cilmiyeysan midna; sidoo kale si wanaagsan looma qeexin waxa looga jeedo: ‘Carab’ ma dad baa? maamul siyaasadeed/dawlad, mise waa madhab? buugga gudihiisa na, taasi marba marka ka danbeysaa mugdi bay sii galaysaa. Sidoo kale, ma qeexna midabka ‘Madow’ cidda loola jeedaa ma Afrikaan mise waa dad meelo kale na ku nool? Sidoo kale ma addoon la lee yahay keliyaa laga wadaa? Mise kuwa xor ah oo si alla u diir madoobi na waa soo hoosgelayaan? Mararka qaar ‘carabta lafteeda ayaa madow lagu sifeynayaa.

Sidoo kale naaneysta ciwaanka buugga ee madowga lagu ladhay tukaha; ma cadda goortii ay baxday iyo cidii bixisay toona!

Taarriikh ahaan, buuggu waxba inaga bari maayo xilliga uu bilowday addoonsiga dadka madow ee “Carabtu” addoonsan jirtey iyo sida ay ku tageen berri Carab gaar ahaan Islaamka hortii. Dhinaca kale buugga kuma arag dowrkii ay “Carabtu” iyo Afrikaanka laftiisu ku lahayeen ganacsigii reer Galbeedka Yurub iyo Mareykan ee dadka madow lagaga dhoofin jirey qaaradda Afrika; intii u dhexaysay qarniyadii 15aad-18aad. Buuggu ma soo hadalqaadayo duruufihii dhaqandhaqaale iyo siyaasadeed ee ka jiray dhulka Carabtu degto xilliyaddii ay xawliga ku socdeen ganacsiga Afrikaanka madow; arintaas oo aan filayey in ay wax weyn inaga bari lahayd taariikhda casriga ah ee la xiriirta cunsuriyadda ilaa maanta ka jirta meelo badan oo dunida ah, oo ay ku jirto dhulka Carabtu degto. Sidoo kale buuggu ka warrami maayo casriyadii danbe qarniyadii 19-20aad oo iyaga laftooda aan naawilayey in wuxun laga tilmaami doono.

Bilowga ba waxa uu qorauhu ka afeeftay in aan cidna lagu colaadinayn qoraalkan; haddana markaad in yar socot,o waxa soo baxaya sawir kale oo ka duwan afeefta hore. Qaybo badan oo buugga ah na, waxay ka warramayaan arrimo badan oo aan shuqul ku lahyn dadka madow iyo xaaladahoodii nololeed.

Buugga badankiisu waxa uu ku jeedaa dhaleeceyn iyo ceebeyn aan kala reebanayna oo dusha laga saarayo isirka ‘Carabta’ meel ay joogaan iyo goor ay joogaan ba.

Si uu u gudogalo mawduuca, waxa uu qoraagu soo guuriyey dhacdooyin door ah oo dhab iyo dhalanteed ba leh, kuwaasoo la xiriira sida ay “Carabtu” u cunsuriyadeyn jireen midabka madow. Si la inoogu sheego halka uu dubka madoobi kasoo jeedo ama ay inkaartu ka raacday, meel fog ayuu buuggu ka soo bilaabayaa nacaybka sinjiga modow; waxa la soo guurinayaa sheekooyin Israa’iiliyaat ah oo la xiriira ‘Nebi Nuux’ (cs) iyo wiilashiisii, kuwaas oo aan u cuntamin maqaamka nebinimada. Sheekooyinkaa iyo kuwo kale oo buugga ka buuxaa waxay ku dareensiinayaan in qoraalka lagu talaxtegay; marar bada na waxa aad arkaysaa isaga oo mowduucii ka durkay oo meelo kale qalinka iyo maanka u dalxiisgeeyey. Ma aha Aadanaha diirka madow keliya waxa la baasaysanayaa, waxa buuggu soo tebinayaa in wax kasta oo dul madow Carabtu saar ka lahaayeen/leedahay xayawaanka, madow; sida Tukaha, -(Xiddiga buugga), bisada, eyga xitaa duqsida madow in uu astaan shar ah u taagan yahay, ayaa la soo warinayaa. Waxa kale oo qoraagu tilmaamayaa, in “Carabtu” rumaysnaayeen in qofka madoobi laba arrimood mooyaane aan uu wax kale ku wanaagsanayn: dagaalka iyo geeljirenimda. Dagaaladii ay ka qaybqaateen oo dhan dowrka keliya ee ay ku lahaayeen, waxay ahayd muruqooda oo laga faa’iidaysaney bes. Wax kale oo iyaga uga ma cabeyn.

Waxyaabaha la yaabka leh ee buugga ku qoran wax ka mid ah, taariikhdii dheerayd ee Muslimmiinta ee waqtiyada kala duwan soo jirtay oo dhan, in lagu tilmaamo loollan ‘Carbeed’! Tusaale ahaan, marka laga waramayo; dagaaladdii Muslimiinta iyo Qureysh (gaalada) waxa qoraagu u soo tebinayaa dagaaladii “Carabta” ka dhex dhacay — ama labadii garab ee Carbeed — in labadu ba, ay adeegsanayeen dagaalyahanno madow oo laga keenay meelo fogfog. Xoolaha ay Muslimiintu gaalada ka furtaana, waxa loogu yeedhayaa ‘bililiqo’! Meel kale waxa uu ku tilmaamayaa in ‘addoon ugaarsiga’ loo yiqiin ‘Jihaad’.

… dadka dubka ‘madow’ … waxa … ay ku tilmaameen: dad dugul madow, timo adag-filfila, san weyn …

Dhinaca kale dowladihii Islaamka sida tii Khilaafadii Umawiyiinta iyo tii Cabbaasiyiinta waxa lagu tilmaamayaa in ay ahaayeen ‘Imbiraadooriyado ‘Carbeed’ kuwaas oo dadka madow gumaysan jirey. Wixii quruumo ku hoos noolaa oo dhan na, waxa la inoo soo tebinayaa in dhibka ugu badan loo geystay dadka dubka ‘madow’ oo qudha!. Dhinaca kale dhulmareenadii iyo taariikhyahannadii Muslimiinta ahaa ee waqtiyada kala duwan dunida daafeheeda ku safray; dhammaantood waxa lagu tilmaamayaa in ay ahaayeen niman cunsuriyiin ah oo madowga ku sifeeyey tilmaamo aan wanaagsanayn; sida; in ay ku tilmaameen: dad dugul madow, timo adag-filfila, san weyn, oo caadooyin yaab leh, leh.

Sidoo kale ganacsatadii sababta u noqday Muslimidda kumanaan dad ah waxa qoraagu ku sifaynayaa in aan ay diin faafineyn ee ay ahaayeen kuwo macaash doon ah. Waxana uu kala mid dhigayaa baaderiyadii kiristaanka ahaa ee gacana buskudka/kimista ku sitay gacanta kalena Baybalka! Arigtyo ha noocan ah oo buuga aad ugu badan waxay kaa duwayaan in aad mararka qaar hilmaanto mawduucii laga hadlayey.

Qaybaha danbe ee buugga waxa uu qoraagu ku soo bandhigayaa kacdoonkii Zinjiga ee ka dhacay magaalada Basra cahdigii dawladii cabbaasiyiinta (255-270H), kaas oo ah qaybta ugu muhumsiin buugga oo dhan waxoogaa na xidhiidh la leh ciwaanka buugga; qisadan caanka ah waxa uu qoraagu macal-asaf u soo gudbinayaa si yaab iyo amkaag badan! oo ka gedisan sida kutubta taariikhdu badankeedu u wariso, dhacdooyinkii kacdoonka. Waxa uu raacayaa qoraalo xagjir ah iyo kuwo dano kale oo siyaasadeed hagayaan.

Ugu horayn waxa uu qoraagu aad isugu dayeyaa in uu inoo tuso in ‘Zinjigu’ ay ka gadoodeen dulmigii lagu hayey oo cadaalad doon ahaayen. Xaqiiqdu se waxay tahay; sida uu qoraaga laftiisu xusayo in uu kacdoonka hogaaminayey nin lagu magcaabo Cali Bin Maxamed, oo isagu aan ahayn ‘Zanji madow’. Waxa uu qoraagu isku deyeyaa in uu u muujiyo in uu ahaa halyey ka na dhigo xaqudirir u dooda inta dulman iyo dadka madow, sidii Martin Luther King oo kale. Cali Bin Maxamed iyo kacdoonkii Zanjiga sida qoraallo badan oo taariikhi ahi tilmaamayaan ujeeddadiisa dhabta ahi; waxay ahayd, in uu u xukunka-khilaafada inqilaabo, isagoo hore ugu fashilamy kacdoono kan ka horeeyey oo aan u hirgelin sida kii uu ka fuliyey Baxreyn. Ninkan oo haybtiisa iyo qoladiisaba dhawr jeer bedbedelay, ugu danbeyntii, waxa uu sheegtay Carab ‘shiici-calawi’ ah, in kasta oo taariikhyahano badani qoreen, in uu haybtiisa ka beensheegay. Dadkii raacay waxay u badnaayeen reer baadiye, kooxo shiico ah, cawaam iyo Zanji badan; waxa uu dadkaa ku duufsaday jacaylka ahlu-beytka, taas oo sida la ogsoonyahay ay shiicadu aad u buunbuuniso. dulmiga uu sheegayeyna waxa uu ula jeeday in taladii (Khilaafada) la maroorsaday. Sida shiicadu ku doodo, ilaa intii ka danbeysay dilkii Cali Binu-Abiidaalib (RA) waxay rumsan yihiin,in la dulmay Taladii/Khilaafada laga maroorsaday! ayna waajib ku tahay in ay dib u soo dhacsadaan.

… Cali Bin Maxamed … in uu ahaa halyey … sidii Martin Luther King oo kale …

Cali Bin Maxamed oo mararka qaarna sheegtay in uu nebi ahaa waxyaalo badan oo ghariib ah na la iman jirey! Jabhadiisa wax uu ka abaabulay magaalada Basra iyo dhulbeereedka u dhowdhow. Markii uu ku fashilmay in uu rido Khilaafadii, ku na guulaysan waayey riyadii uu ku taamayey, waxa uu bilaabay in uu sameysto maamul goboleed ka madax banaan Khilaafada oo isaga iyo kooxdiisa u gaar ah, aakhirkii isaga iyo kooxdii uu hogaaminayey waa laga adkaaday, ka dib markay geysteen khasaare aad u balaadhan, magaalooyinkii ay ku duuleen oo dhan waxay ka qafasheen dad badan oo dumar iyo caruur u badan. Sida taariikhdu warinayso, meel wal oo ay galeen, way burburiyeen dad iyo duunyo waxay soo gaadheen cagtay mariyeen, waxay dab qabadsiiyiin gebi ahaan magaalada Basra, magaalada Basra keliya waxay gudeheeda ku dileen dad lagu qiyaasay saddex boqol oo kun oo qof.

Sidaas oo ay tahay qoruhu waa ka baydhay in uu ugu yaraan si dhex ah uu u soo tebiyo dhacdadan. Taariikhyahanka weyn Imam Al-dabari 210-310H-(Asalkiisu ma ahayn Carab!) oo dhacdadan xilligeedii ku noolaa magaalada Baghdaad xogta ugu badana ka qoray; wax uu qoragu ku duray xaasidnimo iyo in uu ka xun yahay guulaha ninkaa xaq u dirirka ah. Mar kale waxa uu ku tuhmay in uu ahaa Carab (suni) oo Carabtii (khilaafadii) la saftay. dhacdadan dhammaanteedna waxa uu qoraagu si toos ah uga soo qaatay meelo uu si gaar ah u doortay sida ‘Sharaxa kitaabka Nahj-ul Balaaqa oo uu qoray nin lagu magcaabo Ibnu-Abii Xaddiid’ (Kitaabka Nahjul-Balaagha; waa mid ka mid maraajicda ugu muhiimsan ee Shiicada; isla markaana waa kuwa ugu been abuurka badan!). Sharaxa Ibnu Xaddiid ka bixiyey, Nahjul Balaagha, kama warramo taariikh, waxa aan filayaa in qoraagu halkan ilduufay.

Sida dhabta ah ee taariikhduna qorayso, ujeedada kacdoonka Cali Maxamed ma ahayn in uu dulmiga ka dulqaado, Addoonta madow, nolol sareedo iyo barwaaqona u horseedo, ee waxay ahayd mid uu isagu muraadkiisa ku qumsanayey, dadyowgii uu soo ururiyeyna awrka ayuun abuu ku kacsanyey ee naf kale uma hayn. Waxa kutubta taariikhda dhammantood isku raacsanyihiin in uu ahaa kacdoonkii ugu dheeraa, isla markaana ugu khasaaraha badnaa, dad iyo duunyo intuu galaafay, marka loo eego firqadihii badnaa ee ku kacay khilaafadii Cabbaasiyiinta.

Sida meelo kale oo badan lagu arki karo Cabdisaciid Ismaacill waa uu ku talax tegay mawduuca, iyada oo aanay runtii caddayn sababta uu ilaa xadkaa u socday. Mararka qaar waxad is odhaynaysaa tolow ma arrin shakhsi ah ayaa kalliftay in uu Carabta sidan ula coloobay! (muslimiinta sunniga ah)?

Sida la ogsoonyahay Aadanuhu waxa uu soo maray taariikh dheer oo midabo badan, mar walbana waxa hagayey waxa ay ahaayeen aqoonta iyo garaadka suubban. Maantadan lafteeda waxa la isku raacsanyahay in midabkaad doonto lahow e, haddii aad ka hadho hayaanka nolosha, in aad habaaska cantuugaysid.

Sidoo kale ma aha ‘Carabta’ oo qudha cida wax cunsuriyeysaa. Sida buugga laftiisu tilmaamayo na qowmiyadaha adduunka oo dhami, waa is takooraan; siyaabo kala duwan, haddi ay tahay xag midab, xag feker, mid siyaasadeed, waxa la kala aaminsan yahay; dabaqadaha nolosha, haynta iyo isirka lagu abtirsado, intu ba, waa wejiyo la isku colaadiyo oo dirir iyo loolan joogta ah ka dhex abuura dadyowga dunida ku dhaqan meel ay joogaan ba; sidaas ayay na weligeed iyo waaqeed soo ahayd.

Fiicnaan lahaydaa haddii uu qoraagu in yar xurmayn lahaa Diinta Islaamka; si dhab ahna inoogu muujin lahaa dawrkii ay ka qaadaatay ladagaalanka midabtakoorka, cunsuriyadda iyo kalasarreynta Bani’ Aadanka, taas oo aan hubo, in aan qoraagu mooganayn; laakiin uu ogaan u garabmaray. Waxan is lee yahay arrintaasi buugga waa ay bili lahayd, qiimihiisana kor bay u qaadi lahayd, wax badana waa laga istifiidi lahaa.

Taa se waxa uu qoraagu ka doorbiday in aan uu inoo kala saarin marxaladihii ay soo mareen dadyowga Carabta ahi oo uu burush weyn wada mariyey — taariikhdoodii oo dhana uu ka bixiyey sawir madow, mid ka madow tukaha.

Mararka uu qoraagu soo hadalqaado Diinta Islaamka iyo dawrkii ay ka qaadatay addoomaha iyo Maamiiliktii; waxa uu soo gudbinayaa sawiro iska hor iyo daba imanaya; isaga oo aad u dhaleecaynaya fuqahada Islaamka iyo ijtihaadkooda, isla markaana badka keenaya aragtiyo xagjira (shaad) ah si uu u bixiyo aragtiyo is burinaya. Meelo badan oo xasaasi ah na haba yaraatee wax tixgelin ah ma siin. Gunta iyo gebegebada na waxa uu xoojinayaa in aan Diinta Islaamku aan ay waxba ka qaban is addoonsigii, oo sida diimaha kale ay sii xoojisay addoonsiga. Carabtuna ay ku dhiirradeen yasidda dadka madow Islaamka dabadii; arrinkan wax daliil ah u ma keenayo, aan ka ahayn, sheekabaraley jeebkiisa ah.

Xitaa marka uu soo hadalqaadayo mid ka mid ah Xadiisyada Nebi Maxamed (csw) laga soo wariyey ma kala saarayo kuwooda saxda ah ee la cuskan karo iyo kuwa been abuurka iyo sheeka xariirta u eg. Waxa kaliya oo muhim ah in Nebi Maxamed (csw) ‘carab’ ahaa oo tabtii carabta uu wax kasta oo Madow shar ku tilmaamay; sida Eyga madow!. Qodobadani waa kuwa ugu khatarsan ee bugga ku jira. Isla Farriinta uu qoraagu xagga hore kaga afeeftay ayuu gunaandkana ku adkeynayaa, ujeedada buuggu in aanay ahayn, in aan cid gaar ah la colaadinayo. Lakiin taa waxa burinaya 263 bog ee u dhexeeya hordhaca iyo gunaanadka oo sawir kale ka bixinaya, kuwaasoo ujeedaddii buugga ka dhigay weerar xag jir ah oo cid gaar ah lagula dul kufay. Kuwaasoo loo fasiran karo isbedelka fikir ee qoraaga ku dhacay sida uu Ararta buugga ku tilmaamayo, xaalkiisuna wuxu noqday meel aan rabay roob ma igu eryey mawduucii uu qalinka u qaatayna waa hafray taariikh badana waa marin habaabiyey.

Buugga “To Kill a Mockingbird” waxa uu noqday buug aad u caanbaxay oo jiilal badani la dhacaan, ilaa maantadan la jooga na, waxa uu ka mid yahay sheeko suugaaneedda loogu xiisayn badan yahay.

Buugga Harper Lee waxa ku jira sadar soo koobaya dulucda buugga oo dhan, isla markaa na ah baytul-qasiidka sheekada, kaasoo oranaya: ‘Shoot all the bluejays you want, if you can hit ’em, but remember it’s a sin to kill a mockingbird.’ An na aan qoraaga xusuusiyo murti maanseedda Soomaliyeed ee tidhaahda,

  1. Dhirta geed malka ah baa jiriyo lamagaraacaan e,
  2. Dad na birimagaydaa jiriyo lamaguhaadshaan e.
  • Qormo: Gorfayn Buugga Halgankii Tukayaasha
  • W/q Faarax Maxamed
  • Faafin: Gole Wayeel | Maajo 30, 2016 5:42 PM