Qarannimo: Rashiid Gadhweyne

0
1961

Maqaal kan ka horreeyey  ayey gebogebodiisu ahayd:  si aynu qarannimo hagaagsan u dhisanno, aynu garanno in aynu dalka, gobol kasta, degmo kasta iyo koob kasta ba wada leenahay’.

Waxaynu na ku khatinnay su’aasha ah  ‘innaga oo ayo ah?’  Waa arrinta aynu qodobkan kaga hadlayno.  Waxaa laga yaabaa ama u badan tahay ba in su’aashan loo arko tu maco daran.  Ma waxaynu is-weydiinaynaa waxa aynu nahay nahay?!  Ha yeeshee is-weydiintu waxay ku socotaa is-ahaanshaheenna siyaasadeed ee ay qarannimo ka unkami karto.

Waa kuma is-ahaanshahaasi?  Ma Reer-Hebel iyo Reer-Hebel baa?  Maya.
Jawaabtu iyada oo kooban waa innaga oo ah muwaadiniin.  Ujeeddadu waa innaga oo dalka ku wada abtirsanayna.  Innaga oo hayb qabiil kala sheeganayna oo midkeenba leeyahay nin Reer-Hebel ah baan ahay, sheegashadeena Soomaaliland waa been ama ugu yaraan nuxur dhab ah ma laha; waayo qabiilku ku ma qabsoomo oo ma cesho xaydaabka Soomaaliland.

Muwaadinku waa lahaaga dalka, dalkana muwaaddinnimo ayaa lagu yeelan karaa; hayb qabiil se sina loogu ma yeelan karo, waayo dal mid ah oo la wada yeeshaa ma jirayo.  Dalku, haddii qabaa’il iyo reero loo kala nisbeeyo, wuu kala googo’ayaa.
Muwaaddinnimadu waa sifo guud ahaan inooga dhaxaysa ama inooga dhaxayn karta oo dalka ina wadaajin karta; magacyada qabaa’ilka iyo reeruhu se inaga ma dhexeeyaan oo waxba ina ma wadaajin karaan; bal wax walba way kala jar-jarayaan oo rufuc iyo rif-rif bay ka dhigayaan; dal magac leh oo midaysanna ma reebayaan.

Waa sababta ay Soomaalidu, waayadii dawaldaha shisheeye dunida kala boobayeen, u weydey magac dal midaysan iyo madax ka dhaxaysa; ee ka dibna sida fudud loogu qabsaday.
Maxaynu ku salaynaa muwaaddinnimadeenna? Yaa muwaadin u noqon kara dalka?  Halkee baynu ka gees-marsan nahay muwaaddinnimada? Waa na kuwee xoogagga ku liddiga ah muwaaddinnimada? Aynu se marka hore weedho kooban ka nidhaano labada erey ee dal iyo muwaadin iyo is-lahaashahooda.
Dalku marka hore, waa dhul ka koombma berri, bad iyo samo cayiman; wuxuu na dal ku noqdaa dad leh oo ay lahaanshihiisa iyo taladiisu ba ku rumoobaan hay’ad awood dawladeed leh oo uu xukunkeedu ka fulo. Haddii dhulku taas waayo, waa dhul aan cidina lahayn oo u furan cid kasta oo xoog  ku qabsan karta.
Muwaadinnimo waa xidhiidh ka dhexeeya qofka iyo dalkiisa(lahaaga dalka), sidaa darteed waa xidhiidhka qofku la leeyahay qaranka iyo dawladda. Lahaanshaha qofka muwaaddinka ahi waxa uu isku muujiyaa ama uu ka muuqdaa xaqa uu qofku u leeyahay in uu dalka meel kasta uu doono, ka dego, ka shaqaysto oo uu dhaqaale ka kasbado; in meeshii uu doono ba baro iyo beyd ka dhigto; iyo in uu ka qayb-galo talada dalka ama guud ahaan dhaqdhaqaaqa nolosha siyaasadeed ee dalkiisa.

Ka qayb-galka nolosha siyaasadeed ee dalku-toos iyo dadab ba-  waxa ay yeelan kartaa wejiyo badan; kulammo kala duwan oo uu ka qayb-qaato, af iyo qoraal uu fikraddiisa ku gudibiyo, ururrada iyo goleyaasha hoggaaminta talada dalka haya oo ka mid noqdo, intaasba way yeelan kartaa; waxaase u mudan codkiisa uu ciddii uu doono ku doorto, talada dalka na ugu egmado.

Halkee wax iska dhaafsan yihiin?
Aynu hadda eegno waxa aynu muwaaddinnimadeena ku salaynno. Dastoorka Soomaaliland, qaybtiisa koowaad, qodobkiisa afraad, waxa uu arrintan u dhigayaa sidan:
Qof kasta oo u dhashay kana isirran dadkii degganaa dalka Somaliland 26kii Juun 1960k iyo ka hor, waxa loo aqoonsanayaa muwaadin Somaliland.
Dadkii deggenaa Somaliland 26kii Juun 1960kii iyo ka hor, waa hadal mergi ah oo u baahan in mugdiga laga saaro.  Marka hadalkaas loo celiyo habkii uu xukunkii gumaysigii Ingriis u la dhaqmi jiray raciyaddiisii dalka ku noolayd(waagaas muwaaddiniin lama ahayn ee raciyad gumaysi baa la ahaa), waxaa ka dhadhamaya in hadalka loo la jeedo qabaa’il gaar ah.

Ka isirran oo xagga hore lagaga xidhay baa macnehaas sii ifinaysa.  Taasi waxay ina tusaysaa in nuxurka muwaaddinnimada Somaliland yahay abtirsiin qabiilo.  Adduunka kale na(illeyn waa laga qiyaas-qaataaye) xaqa muwaaddinnimo waa lagu helaa isir, ha yeeshee ma dhaafo labada waalid ama midkood; marka uu ugu fogaado se ma dhaafo seddex fac.  Isir qabiilo cidina ku ma salayso xaqa muwaaddinnimada.
Soomaaliland marka aynu ka hadalayno, macnaha isir qabiilo waxa uu meesha ba ka saarayaa oo uu xaqooda waasiinayaa dad saddex awow iyo ka badan ba, lixdanaadkii qarnigii tegey iyo ka horba, Soomaaliland ku noolaa, sababta oo ah isirrada qabiil ee uu qodobkani, si dadban u tilmaamayo ayaanay ka dhalan.  Qodobkaas dartii haddan ba, dad la wada garanayo ayaa ka maqan Soomaaliland oo xaqii muwaaddinnimo sidaas ku waayey.

Waxaa kale oo uu qodobku meesha ka saarayaa xaqa ku-dhalashada dalka.  Waxaa jira dad dalka Soomaaliland ku dhashay oo ku koray oo wax ku bartay oo ka shaqeeyey oo ku guursaday oo ku tarmay,  oo ha yeeshee “isir qabiil” lagu waasiiyey xaqii muwaaddinnimo.
Odhaah kale oo qodobkaas ku jirtaa waa tan leh u dhashay.  Mar haddii uu Reer-Hebel yahay wuu u dhashay oo waa muwaaddin, xataa haddii uu dal kale iyo dawlad kale ka tirsan yahay oo uu xataa madaxdeeda ka mid yahay, xataa haddii aanu rabin muwaaddinnimada Soomaaliland soo na doonan, waa muwaaddin. Yeelkiisa kaasi; waxba ba kama aan qabo in waqtigan, ilaa si kale wax isu beddelaan, sidaas lagu noqdo muwaaddin Soomaaliland ah.

Mushkiladdu waa Caddaalad-darrada geesta kale.  Kan isir qabiil ku yimid waxa la yidhi wuu u dhashay oo waa muwaaddin, xataa haddii uu qaarrad kale ku dhashay; kan dalka ku dhashay ee aan adduunka dal kale ku lahayn na, waxa laga xarrimay xaqii muwaaddinnimo, sababtoo ah Qabaa’ilkii 1960kii iyo ka hor ahaa raciyadda Ingriis ayaanu ku abtirsanaynin.   “Reer-Hebel gebi ahaantood waa muwaaddiniin”, aynu iska ba qaadanno taas.  Qof kasta oo kale se ma noqon karo muwaaddin, caddaalo-darro weyn baa ku jirta.
Waxay ila tahay asaaska uu qodobkani ku salaynayo muwaaddinnimada waa ku qabyaaladda siyaasadeed na xoojinaya, caddaaladda na gees-marsan. Waxaa ila habboon in aan dastoorka dalku muwaaddinka ugu abtirin isir qabiilo.
Muwaaddinku waa kelida qofeed
Muwaaddinku asal ba waa qof. Qofnimadu waa macne guud-mar ah oo ka dhaxeeya dhammaan dadka dalka wadaaga. Guud-mar(waxaan ereygaas ku laqbaynayaa ereyga ingriisiga ah ee abstract  ama ka carabiga ee mujarad) waxaan uga jeedaa sifaha keli ahaanshaha qofeed ee uu qof waliba gooni ugu sifoobo ee ka gooni yeesha qabiil iyo qolo iyo wax la mid ah.

Qofnimadiisa goonida u taagan ayay tahay in lagu saleeyo muwaaddinnimada. Waxa aan ka wadaa kelidiisa qofeed oo aan ku xidhnayn qolo iyo qabiil loogu abtiriyo ayuu muwaaddin ku noqon karaa.

Taas ayaa (haddii loo aqoonsado) suurogelin karta in uu qofku yeesho fikir iyo fal siyaasadeed oo madaxbannaan, halka uu maanta u xidhan yahay koox qabiil.
Muwaaddinku wuxuu leeyahay abtirsiin bulsheed aan ahayn ta qabaa’ilka iyo reeraha.  Muwaaddinka Soomaaliland maanta wuxuu ka tirsan yahay qaybo ama kooxo bulsheed oo jiritaan dhab ah leh, in kasta oo aanay jiritaankoodaas garaad u lahayn oo aanay is-tirsanin.

Tusaale ahaan waa xoolo-dhaqato reer guuraa ah.  Wuxuu na sidaas darteed ka tirsan yahay malaayiin xoolo-dhaqato ah oo dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka ku nool, kuwaas oo wadaaga waayo nololeed, dano iyo dhibaatooyin isku mid ah.  Waxaa ka mid ah beero-falato; ganacsato heerar kala duwan ah; xirfadley iyo kuwo farsamoyaqaannno kala duduwan ah; waxaa ka mid ah kuwo duudkooda ku xammaasha iyo kuwo aad u tiro badan oo shaqa-la,aan magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka tuban.  Waxay u qaybsamaan rag iyo haween, aqoonyahanno wax bartay dhallinyaro, arday da’yaal kala duwan leh iwm.

Intuba waxay leeyihiin dano iyo tabashooyin ay abtirsiintooda bulsheed ku wadaagaan, taas oo noqon lahayd nuxurka qaddiyadda siyaasadeed ee dalka, haddii la heli lahaa hoggaan siyaasadeed oo tabashada dadka cabbira.  Abtirsiintaas bulsheed ayaa ah meesha nuxurka muwaaddinnimadu ku jirto. Taas ayaa soo ifbixin lahayd wacyiga iyo falka waxqabadka firfircoon ee muwaadinka, waa se kaalinta uu ka maqan yahay hoggaamiyehii ku habboonaa- qof iyo xisbi ba- ee dadka u la xidhiidha wejiga abtirsiintooda bulsheed.
Halka aynu ka Gees-marsan nahay muwaaddinnimada.
Soomaaliland, maanta ku ma tilmaamayo in ay ka jirto keli-talintii Siyaad Barre oo kale iyo wax u egi toona, ha yeeshee xorriyaddii qofka muwaaddinka ahi jiritaan muuqda oo nool ma laha.  Maxaa muwaaddinka Soomaaliland u diiday ficil siyaasadeed xor ah oo qumman oo ay qarannimo hagaagsani ku dhismi karto? Jiritaanka siyaasadeed ee qofku wuxuu ku xidhan yahay xorriyada ay bulshadiisu siiso.  Haddii aanu xor ahayn, cod iyo camal siyaasadeed oo dhab ah ma yeelanayo.  Codkiisa iyo falka waxqabadkiisa, labaduba waxay noqonayaan wax aan asaga si xor ah uga soo go’in oo aanu lahayn.

Xukun talo-maroorsi ah hoostiisa qofku ereygiisa iyo falkiisa midna ma laha, waayo waa wax aan si xor ah uga imannin.  Xoriyadda wax ku xidhiidha oo aan sina uga hadhaynin xisaabta musuuliyada falkiisa xorta ah. Haddii qofka xorriyadda laga qaado, fal lagu dirqiyey ama qowl iyo ficil ba, wixii lagu khasbay Alle ba(swt) ma weydiiyo.
Sida ay ila tahay, waxa jira dhawr mushkiladood oo ku gudban in la arko muwaadin Soomaaliland ah oo si madaxbanaan u guta  kaalintiisa bulsho siyaasadeed. Ta u horraysaa waa dhaqanka weligii ba arkaya wadarta qabiilo ee ka indho iyo dhego ba la’ kelida qofeed ee xorta ah. Dhaqanka xaq, xil iyo waajib ba siinaya kooxda Reer-hebel ee jiritaanka qofka tiraya ee qoloda ku dhex-milaya.

Waa dhaqanka inagu keenaya in kaalintii siyaasadeed ee muwaadinka ay kooxo magac qabiil soo huwaday qaataan. Waa dhaqanka jagooyinkii hoggaaminta qaranka inoogu sawiraya in reero loo kala leeyhay; waa dhaqaanka xaqii codka doorasho ee muwaadinku lahaa ka qaadaya ee qolo Reer-hebel la yidhaa siinaya ee sidaas darteed golayaashii dalka looga talin lahaa ka dhigaya kuwa aan isku duubni dalka iyo ummadda uga wakiil ahayn una egmanayn ee qabaa’il iyo reero kala matalaya.
Waxaynu galab nool ba tv ka daawannaa, aroortiina wargeysyada lagu daabacaa kooxo ah siyaasiyiin qabyaaladeed iyo sheegato madax qabiil oo shir jaraa’id qabanaya oo ku khudbaynaya in Hebel iyo Hebel yihiin murashaxa reerkooda u geleya golaha maxay iyo maxay!  Meeyey muwaaddinkii xorta ahaa? Muwaaddiinkii codkiisa xorta ah qofka uu asagu la doono siin lahaa meeyey?  Waxay u taallaa oo runtu tahay, mar haddii uu reerka ka dhashay, cid kale ma dooran karo.

Waxaad odhan kartaa yaa u diidaya haddii muwaaddinka aad sheegaysaa uu codkiisa siiyo mid aanay isku qolo ahayn?   Ha yeeshee kan kale ee uu dooran lahaa waa mid aanay waxii uu ku dooran dhex oollin.  Bal waa nin shisheeye u arka oo aan la ba soo xidhiidhaynin.  Waa nin asaguna qoladiisii gaar u soocday oo xero kale gashaday.  Waa nin arrimihii dalka iyo horumarkiisa, iyo danahii bulsheed ee uu ku dooran lahaa, aanay agtiisa ka jirin.  Sidaas darteed, haddii ay tii qabiil ku kala tageen, waa nin aan tu qaran na u la imanin.  Muxuu ku doortaa?!  Wixii muwaaddin lagu noqon lahaa geesna ba ma yaalliin; waa laba xero-qabiil.
Geesta kale na, Mar haddii la yidhi Reer-Hebel baannu nahay oo Hebel baannu dooranaynaa, waxa mar kale meesha ka baxday oo la jiidhay xaqii uu dastuurku siiyey muwaaddinka ee ahaa in uu isu soo taagi karo jagooyinka dalka.  ‘Hebel baa reerku kalkan ka soo sharaxay oo la dooranayaa’; taas ayuu muwaaddinkani na ku waayey xaqiisii siyaasadeed ee ahaa in la doorto; ugu yaraan in uu isu soo taago doorsho.
Waxaad mooddaa madaxda dawladda, ururrada siyaasadeed ama xisbiyada(maanta waa urur beerrina waa xisbi: xikmadi ku ma jirtee), suldaan iyo caaqil iyo afminshaar qabyaaladeed, intu ba in ay u duuban yihiin in aanu qofka Soomaalilaand ku nooli yeelan dareen iyo wacyi Soomaalilannimo; in uu mar kasta isu haysto oo uu xusuusnaado reer-hebelnimodiisa. Mar kasta waxay nooleeyaan xusuus wadareedda reer-hebelnimo. Niman siyaasiyiin iyo madax qabaa’il sheeganaya ayaa shir qabatay oo yidhi waa in aan magaalada Hargeysa laga sharaxin laga na dooranin qof aan u dhalan.  Ilaa xabaalaha dadkii dhintay ayaa la tirsadday oo qabiil lagu sheegtay.  Taasi waxa weeye,  dal inaga dhexeeyaa ma jiro, qof waliba halkii reerkoodu degi jiray ha ku noqdo; muwaaddinnimo ma jiri karto.
Suladaan iyo caaqil, haddii uu kii dhabta ahaa yahay( jinni-boqorka soo dhawaan-baxay ka hadli maayee), waxaa habboon in uu loollanka siyaasadda debedda ka joogsado oo uu codkiisa oo keli ah, maalinta doorashada,  si qarsoodi ah, ugu rido qofka uu la rabo.  Mushkiladdu waa siyaasiga kaalintii uu lahaa gabay ee malaha aan garanaynba.  Waxay ku wacnayd in uu dadka ku garto ku la na xidhiidho is-ahaanshooda bulsheed. Waxay ahayd in uu xool-dhaqatada, beeralayda, farsamo-yaqaanka wastaadka, najaarka iyo kuuliga, macallinka, dhakhtarka, ganacsadaha- ku weyn, ku dhexe iyo ku yarba- cid waliba  waxa ay tahay ku la xidhiidho oo uu baahiyahooda dhabta ah ku saleeeyo yoolalka barnaamijyadiisa siyaasadeed.
Dhaqan siyaasadeed qabyaaladeed, siyaasi dantii maraate ah iyo sheegato madax qabaa’il oo geddi ba kaalin aanay lahayn ku jira, ayaa ku liddi ah in la arko  muwaadin xor ah oo talada dalkiisa masuul ka noqda.
Ugu dambaynta, qoraalkan ujeeddada aan ka leeyahay waa baaq.

Baaqiisu waa in lagu hakado oo si qoto leh loo eego fikradaha aan soo bandhigay.  Ciddii igu raacsan waxaan ugu baaqayaa in aynu is-weydiino sidii aynu muwaaddinka dalka uga xorayn lahayn siyaasadda qabyaaladeed ee uu u af-duuban yahay; sidii uu u dareemi lahaa una arki lahaa is-ahaanshaha kelidiisa qofeed ee xorta ah; sidii uu u garan lahaa lahaansha dalkiisa iyo xilka ka saraan.  Haddii aad igu raacsan tahay arrimahan aan soo bandhigay, waxaan kuugu baaqayaa hawl; haddii aad se si kale wax u aragto, waxa aan jeclahay in aad wax iga maqan igu kordhiso oo aynu kala faa’iidaysanno.
Rashiid Sheekh Cabdillaaahi Xaaji Axmed(Gadhweyne)
September 16, 2012
Email rshid.dalla@gmail.com

Source: http://www.newburco.com/rashiid-gadhweyne-qarannimo/