Qoriga u garwaaxshey asagoon sagalkii galin

0
891

Qoriga u garwaaxshey asagoon sagalkii galin
Amina Said Ali

Hoobalow-hoobalow yaa hal maali jirey?
Haleelo geel iyo waryaa hoowdka daaqi jirey?
Har galbeedkii waryaa heerya seexan jirey?
Haruub dheer iyo waryaa caano heensan jirey?
Timo haldhaaleeye haweenkoodu haamo tolay?
Hooh-heey Soomaal waryaa heerohoodu yahay?

Duco

Carradu yaalaaye Eebbow cadceedda gee,
Caadka sare iyo Alloow caalinku uu maqlaa,
Kuwo culuun liiyo Alloow caaqiliin kacaan,
Cawil colaad diid ah carradeena laga helaa.
Guulloow gabanadii dhulkeygii garoor ma dhamo,
Guulloow gaaxdii lo’aad gaawo looma culo,
Guulloow cawskaa u goowsoo caqligu gabaab,
Guuloow gumacaaow garaadoo dugsiga ma galo,
Guudlloow oday baa gariiro qabiil ka gada,
Guulloow asagaa garqaado qabriga ku gura,
Guulloow adigaa go’aan lehee mar qura na garo.
Ducaan ku bilaabe daroor khayrle noo da’daa,
Malaa’igo doorran deyrkeen daafacaan,
Dagaalka iyo diifta duulaanka naga dadbaan ,
Duriyad Soomaali duggaal deero wada dabtaan,
Dableydiyo kii wax dila daalunka ay dabraan.

Saadaalis

Allow ha i dilin dalxiisoow anoon ku degin,
Wixii nakala didiyey doogtii anoon daweyn,
Dagaal wadihii haddii daawadood la helo,
Shacbigu isku duubmo nabaddii dallaayad tahay,
Diiwaanka aan gelino inaan diirka iyo ul nahay,
Dirkii Tigraay iyo Amxaaroo dhan laga danqado,
Deeq waxaan hayno cilmigiina lagu duldhigo,
Dayac tirkaagiyo degaankagu daafac helo,
Alloow ha I dilin dalxiisoow anoon ku degin,
Dunida meeshii u door-roonoon laga dirkicin.
Daaqad bay furantay nabad baa i daawo tiri,
Wadnaha daantiisa dhiiggii dareer biloow,
Daacuunkii igu daahay cudurkiina dabar go’iis,
Ditoorada Yurop dareeraa dib iigu noqon,
Daylooy laxdii waan dirayoo mooskii dibad ku gaday,
Naftu hadday duusho cudurkiina iga dawow.
Mid aan qado heysan mid qaxooti Yurub qotoma,
Midkaa hubka qubayoo noloshiisii laga qaribay,
Oday qamuunyeysan oo qabiilku quud u yahay,
Inteenaas qaran jabtaa qiirada igu rida,
Inagoon isqolyeynin waa in aynu qaran dhisnaa.
Qurbaan joogayoo qorraxdaan qareemiyaa,
Shinbirahaas qaylin tuke waa i qaabilaa,
Gorayadey soo qafaaleen qalbigu u qooq,
Qaxar intaan maray oon dunidoo dhan aan qax galay,
Qayr wuxuu yaalay buulkeygii qada la ‘aan,
Meel aan qaran ahayoo magacaygu qiima galo,
Qudho haddey duusho qabrigeygu saacad qodan,
Meel aan qaboojiyaba loo doonin meyd qarxada.
Hal baa la hanqaaray hilbahiina hogan hayaan,
Habar dugaag iyo intii haaddoo caad hormara,
Amase halaq hililiq laynayoo ciid harsada,
Hilinka webigoo yaxaaskii hobeyda tuman,
Haramcas carrabkii horyaaloo dhurwaa horkacay,
Aniga hindiskeyga hashii hoogtoo hiil ma helin,
Hoosaasin, halxiraaale hambadeeda yaa huqtiran.

Waano iyo tusaalo

Qarax ka daalnayeeye qoryaha waa in aan qubnaa,
Qaxid ka daalnayeey xeryaha qaaxo iyo qaniin,
Qurbo ka daalnaye nin kale quudkan uu qarraray,
Quwad jirtaan nahaye qayb-qaybin qaran jabkeen,
Qodobkii isticmaarka ku qasaarne qalad ha galin.
Qurux waxaad leedahoo qayrku kuu bataa,
Qaran markaad tahayoo dunidii wax qaybsataan,
Axmaarkan qamaamay qasnaddeena how qayixin,
Qarriidada iyo dhulkeenii ha qaabilsiin,
Quwad Allaan idinku dhaarshee ha qiima lumin,
Yaan qoonka soo koraya taariikhda idinku qorin,
Ciiddii way qaylisaye yaan nabsi idin qaban.
Adaa walaalkiis diloow waagu kugu baryaa,
Adaa cadowgaagu weynaanoo waafi noqon,
Adey kugu wiirsan kuwii wiiqadkeena rabay,
Adaa way eey ku soo waalan weer cad xiran,
Adaa waayuhu ku soo weecin wehel la aan,
Wacdi horeetiyo hilaac beenu kuu wac oran,
Wadku ragguu laayeey adigaa wargeys u diran.
Halyeyadii horee horseedka hal-hays ku yiri,
Aniga hooygeygan heer gara lagama helo,
Aniga hadalkey higaaddeydu waa hal qora,
Aniga hilibkeygu waxa la holo hagar ma galo,
Badahan howleeya iyo hoowdkii Hara-Digeed,
Ama wabiga hala-lacleeynaayee koonfur haba,
Aniga heerkeyga haybteydu waa hal-maal,
Waa halyey geel horahayoo haleela dhaqa,
Waa haween maro hagoogtoo gambada higsada,
Habrada heerkii hagaayoon xornimadi harin.
Nabaddu waa shey la noorshaa la naaxiyaa,
Waa nolol nacabkaagu naafeyn nosqaamiyaa,
Waa nolol kii kaa naxaayaa nalka u shidaa,
Waa nolol nugulkaa naq-daaq neylo kuu dhashaan,
Waa nolol naxwahiyo cilmiga aad nakhtiin heshaa,
Waa nolol nooliga qax iyo naartaan laga nastaa.
Anoo minankayga joogoo la ii martiyo,
Anoo moodka iyo noolkii mayeera rara,
Anoo miigaha mutoo miistay miidda lu’la,
Anoo maandeeq ku maalaya gola mareer,
Anoo magacayga loo yeero maalihii,
Anoo mijliskey midoobeen la ii macsumo,
Ma ogi mooyiye marmaa xaalku naga murgaday
Galool iyo mayrax kuu diiray gogol qorxoon
Guri ducweyn iyo makuu tagay gola dugsoon
Gobanimada doonisteediina waan guntaday
Ginni waxaan haystay dahabkaygii waan u gaday
Ama markii aan go’nay ee diiggu galalac yiri
Qaxooti kuu galay gurboodkiina garab ku raray
Tala midaad gooyso waataan garaysan jiray
Go’aan baan gaaray wiiloow gadii badalay
Guuldaro iyo geeri waan diiday inaan go’naa
Gorofta cayrtiyo waxaan diiday xero gumeed.

Dhulka Soomaaliya

Dhulyahow bilicdaada baan buug ku qorahayaa,
Beenta kuu faaftay xaal baan ka bixin hayaa,
Baadinimadeyda taariikhda barahayaa,
Baddaas Hindiyiyo waxaa bowdka kuugu yaal,
Webi ballaarkooda dunidoo dhaan biili kara,
Dhul aan baraf lahayn buuro lagu qar-qaro,
Berriga xooluhu ku beermaan biciid harsado,
Anna miyaan kugu bakhtiyey taan Ilaah i badin.
Haddaad baadiyaha gaartood bannaan tagtaan,
Gugaa bilicweyne balliyaal ku beegantaan,
Bahdeenaa quruxda beertee hablihii barseyn,
Boqorka iyo daraya muuskii timihii bexeen,
Beyd qorxooniyo kebdihii ay ku baratamaan,
Beled nin joogaa bakheeylee nimcadu bad tahay,
Libaaxo waa boqore aad geela uga baqdaan,
Biciidkiyo goroyadii ay baraarugaan,
Baalaley iyo shinbiri kuu banaan baxaan,
Miyaa baradeena beyd dhaama lagu baryaa,
Baylah weeyee Alloow aan rag kale bud dhigan.