GUHAAD IYO GOBAAD: haasaawe Jacayl
Durba in ka badan labaatan sanno ayuu qurbaha ku nool yahay, muddada intaa leegna hal mar kuma uusan noqon waddankiisii hooyo. Guhaad, inkasta oo uu yahay nin karti badan oo dantii-yaqaan ah, had iyo jeerna ku fooggan waxbarasho iyo shaqo, haddana asxaabtiisa iyo ehelkiisuba waxa ay ku dhalliilaan sida uu u hilmaamay qoyskiisa iyo qaraabadiisa oo ay araggooda ugu danbaysay bilowgii burburkii dawlladdii kalitaliska ahayd ee Siyaad Barre.
Walow uu si joogto ah ula xidhiidho hooyadii iyo walaalladii, kana war hayo duruuf kasta oo ay ku sugan yihiin, haddana Guhaad waxa uu markasta jecel yahay in uu mar uun indhaha ka soo qaado qoyskiisa. Wakhti kasta oo uu waalidkii la hadlana, waxa ugu horreeya ee ay wayddiiyaan waa laba su’aalood oo uu aad u dhibsado. Waa beer wax dhalay iyo dabeecaddiiye, markasta waxa ay hooyadii su’aashaa goorta ay is arki doonaan iyo xilliga uu guursan doono!. Labadan su’aallood oo uu Guhaad ugu neceb yahay wax ay dhegihiisu maqlaan, ayuu kolba kaga jawaab celiyaa wixii uu ku baxsan karo. Ta koowaad waxa uu marmarsiiyo ka dhigtaa in aanu hayn dhaqaale buuran oo uu faraqabsi ka dhigto, maaddaama uu waddanka in badan ka maqnaa oo uu la kulmi doono ehel iyo asxaab badan oo isaga naf moodi doona. Su’aasha labaad ee guurka oo ay hooyadii mar walba ku celcelisana waxa uu kaga baxaa in uu hadda waxbarasho wado, sidaa daraadeedna uu guursan doono marka uu tacliintiisa dhammeeyo.
Waxa ay sidii ahaataba, Guhaad maalin kheyr leh ayuu bartay Gobaad oo ah gabadh dheg iyo dhaban ba Rabbi ku manaystay. Waxa ay isku barteen goob barakaysan oo bilicsan. Waxa ay ahayd goob qiimo badan oo kulmisay boqollaal Soomaali ah oo farxadda la qaybsanayay lammaane cusub oo nolosha ku mataanoobay. Gobaad waa ay ku cusub tahay qurbaha, arooskanna waa kii ugu horreeyay ee ay tagto intii ay qurbaha timid. Sidaa daraaddeed xiiso gaar ah ayay munaasibaddu u lahayd, waxaanay aad u xiisaynnaysay wajiyada cusub ee ay goobta kula kulantay iyo waliba habka uu u dhaco arooska qurbuhu.
Aqoon hore iskumay lahayn, isbarasho tan caawa uga horraysayna may jirin. Dunidan casriga ah ayaa wax walba dhib yaraysaye, markiiba waxa ay kala qaateen xidhiidhkii. Muddo markii ay kaftan iyo haasaawe dahab ah is waydaarsadeen, sheekadoodii waxa ay dhashay dareen durugsan oo ay udubdhexaad u tahay nolol qoysnimo iyo in ay ku hammiyaan sidii ay u noqon lahaayeen lammaane ku walaalooba nolosha, qaybsadana dhib iyo dheef hadba wixii wakhtigu keeno. Haddii awal sheekadu labadooda uun u dhaxaysay, hadda waa ay ka sii ballaadhatay oo labadii qoys iyo asxaabtiiba waa ay gaadhay. Waxaana loo diyaar garoobay farxaddii arooska iyo dhismihii reerka cusub.
Iyadoo ay halkaa xaajo marayso, ayuun buu mar qudha Guhaad ku war helay in gabadha uu jecel yahay ee Gobaad ay tahay inan reer hore soo martay (Carmal ama Garoob), oo intii aanay qurbaha u soo bixin ba ay wiil gayaankeeda ah kula aqalgashay waddankii hooyo. Sideedaba nolosha waxa sal u ah daacadnimada iyo kalsoonida’e, waxa ay tani Guhaad ku keentay wejigabax iyo in ay meesha ka baxdo kalsoonidii uu Gobaad ku qabay.
Maaddaama Gobaad iyo mudanaheedaa hore markiiba calafkoodii kala dhammaaday, muddada ay wada joogeenna ay ahayd mid kooban, waxa ay doorbidday in aanay cidnaba u sheegin noloshii hore ee ay soo martay, taasina waxa ay keentay in ay Guhaad ka dhaadhiciso in ay tahay gabadh aan waligeed salaan guud mooyaane aan gacan qaadin wax ina-rag sheegta.
Isaga oo Ilaahay ka baryaya in warkaasi been noqdo, waxa uu Guhaad go’aansaday in uu hubiyo xaajadan ku soo korodhay, waxaanu jeclaystay in uu warraysto Gobaad oo ah qalanjo isaga ku dheer. Talow Gobaad maxay ku jawaabi? Wixii se ay u sheegto miyuu ku qanci?
GUHAAD
Geddii ay ku dhalatiyo
Shebbad guudka dabatoo
Gabadhaan ku moodee
Shaw illeen Gobaadeey
Horuu geesi kuu helay.
GOBAAD
Haddii aan garoob ahay
Calafkaa gedmedayoo
Nimaan garasho dheerayn
Ii gee nasiibkuye
Maanigaa dembiga galay?
GUHAAD
Noloshaa giraanoo
Gefna maad samaynnine
Guri dumay nasiibkii
Hayeeshee Gobaadeey
Sheekadaadan gaarka ah
Guud mar iiga sheekee.
GOBAAD
Waxan ahay garoobiyo
Suxulbuur is gaa-dhoo
Laabtiyo garaaraha
Sida geedka liinta ah
Cabaadhyuhu is gaadheen
Sunnegoys abaaddoo
Godol daysay ma ihiye
Waxan ahay Guhaadoow
Guud-dheer filkaayoo
Nimaan gudan xilkiisii
Calaf waa u geeyoo
Gogol kula cawaysoo
Ku hungowday gego madhan.
GUHAAD
Waad iga gu’ weyntoo
Gabadh yahay da’day iyo
Mana tihid geddaydoo
Guurka raaxadiisiyo
Gogoshiyo dhankeedana
Garaadaad i dheertoo
Inta geed carfoo idil
Uunsiguna u gaar yahay
Saqda dhexe gudoodiga
Goolaaftan laba ruux
Adaa guri udgoon badan
Geesi kula caweeyoo
Gacantiisa midigiyo
Garabkiisa jiifoo
Xabbadkiisa guudkii
Go’ intaad wadaagteen
Ku gam’oo ku seexdoo
Gaagaabsi sheekada
Qosol gaaban iyo hee
Kaftan wacan ku gooyoo
Ka gun gaadhay raaxada
Gebogabada sheekada
Gobaadeey inaadeer
Iskumana galaynee
Gayaankaa ka xulo oday.
GOBAAD
Nin gu yari Guhaadoow
Geed intuu ka booduu
Gees maraa dantiisee
Gobonimada Diintiyo
Sunnahaanad garanine
Guulwadow Rasuulkii (scw)
Isagoon gu’ weynayn
Guurkiisii koowaad
Khadiijoo Guhaadoow
Guyaal badan ka roonayd
Waa tuu la aqal galay
Waa tallaabo gaariyo
Sunne kula gudboonoo
Garna tahay ku dayashadu
Dhanka kale Guhaadoow
Guullihii ku uumaa
Afar dumar ah Guuleed
Kuu banneeyay guurkood
Markuu geelu dhala’iyo
Gu’ danbiyo hadhow baad
Gabadh kale aroosiye
Fulayahow gabbanayaa
Kolba gees ha eegine
Gurbood aan xambaaroo
Aynu gaadhno guushee
Dhali goolkan dahabka ah.
GUHAAD
Guunyo xoolo kama dhaqan
Mana foofsan geel badan
Geeslay ha joogtee
Gammaan qudhana kama naxo
Gudo weyn magaalana
Guri aan u hoydiyo
Gidaar qudha kamaan dhisan
Gaadiidkiyo dhankiisana
Dusha muuqa guudiyo
Guuxiisa mooyee
Shidhka wali umaan galin
Tagsi qudhana maan gadan
Gaadhi iyo warkiisana
Jeebku iima gooyoo
Gambo wayga xaaraan
Jeebkuna Gobaadeey
Nacas buu yahee garo
Meherkiyo gabbaatiga
Maba goyn karaayoo
Giinbaar ma haystee
Maxaan golaha keenaa?
GOBAAD
Ma gabbado halyayguye
Hadda sheekha ii gee
Gurigiyo arooskana
Kugu giijin maayee
Adoon gaadhi raacdayn
Hudheel aad i gaysiyo
Gaaf iyo mushxarad dhaaf
Gogoshiyo sariirtana
Adoon suuq ka soo gadin
Salli gobol ah noo doon
Haddii aanad goynayn
Yaradkiyo gabaatiga
Geel kaama doonoo
Gunno kaama sugayee
Soo geed-fadhiisoo
Aabbo iyo garaaddada
Gacanqaadka sharafta leh
Go’ shaaliyo hangooliyo
Kitaab weyn guddoonsii.
GUHAAD
Kol haddii Gobaadeey
Sheekadiiba geed iyo
Kitaab gaadhay doorkani
Guushii adi ku raacdoo
Nacas baan garaabine
Iga dhalisay gool daran
Gobonimaad samaysee
Inkastoon guddoon idhi
Su’aal gaaban iga hoo
Raas weyn gob-soortoo
Goortii la joogaba
Gurigeedu buuxoo
Inta goorxun socotiyo
Martidiyo gudoodiga
Hilib geedo badan liyo
Gasiin wacan ku soortoo
Wuxuu Guule faray iyo
Samahana gargaartoo
Garabkayga joogtiyo
Geesi-bila ma ii noqon?
GOBAAD
Gabadh wacan ayaan ahay
Gaari aad ku hiratiyo
Raalliya gobaan ahay
Gacal iyo sokeeyiyo
Marwo guurti soortoo
Guunyo kuu dhaqdaan noqon
Gurigiyo dhankiisana
Doqon baan gargaariyo
Gobonimo kasaynine
Dhabeel garasho dheeroo
Guul kuu horseeddiyo
Waxaan noqon Guhaadoow
Gacantaadii midigoo
Giddigood raggoo idil
Gelin baan ku dhaafsiin.
GUHAAD
Inta guudka dabatee
Gayigeenna joogtiyo
Guud ahaan adduunyada
Waxa dumar ku guud nool
Adaa garasho-dheeroo
Taan goobayaad tee
Anniguna Gobaadeey
Calan baan ku guud sudhay.
Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar)
Stockholm, Sweden