Hantiilayaasha caydha ah

0
1304

Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.

Ma maqasheen, mase aragteen Hantiilayaasha Caydha ah ee gaajada u dhintay? Haddaydaan hora u maqal waa: Soomaalida dadka la yiraahdo!!!!

Adduunka Socodkiisu waa cibro iyo casharo waaweyn. Soomaaliduna horay ayey u tiri: “Nimaan Dhul Marin Dhaaya Ma leh”.

Adduunka intaan socdaalka ku ahay waxaan wax badan u fiirsadaa, dadku siduu u dhaqmo, u shaqaysto, isu maamulo. Dalalka aan marayo waxaan ka eegaa Dawladnimada, kala dambaynta, wadani nimada, shaqada iyo hawl karnimada, nicmooyinka Rabbi bani aadamka u qaybshey sidey arlada Ilaahay ugala soo baxaan, u adeegsadaan. Dabadeedna waxaan dib u jalleecaa, dadkii iyo dalkii aan ka imi, waxaa ii muuqda sawiro calool xanuun leh, laakiin naxariista Ilaahay kama quusto, waxaan nafta ku maaweeliyaa rajada ah, in Soomaali cusubi iman doonto, facyaal cusubi soo socdaan, kuwa kalena is bedelayaan, waaguna soo bidhaamayo Ilaahay idankiis.

Laakiin waxaan is weydiiyaa, maxaa u sababa Musiibooyinka inna haysta? Xaggee nalooga yimi?

Waxaan isugu jawaabey: Ilaahay cidna ma dulmiyo, ee innagaa nafteenna dulminay.

Sidaa darted waxaan akhristayaasha u soo gudbinayaa, dareenkayga Soomalinimo, oo ku xardhan xisaab iyo (Arqaam), u baahan feker badan iyo u fiirsasha dheer, anoo mar walba naftayda ku cel celinaya: Ilaahay nama dulmin, ee Annagaa Nafteenna dulminnay.

Hordhac

Rabbi Subxaanahu watacaalaa, Bani aadamka idaylkiis wuu karaameeyey, caqli iyo garaad ayuu ku mannaystay, Arladan waasicaa iyo cirka innagu hadoodilan waxa ka hooseeya oo dhan wuxuu u sakhiray Ilma Aadam.

Wuxuu u sakhiray wax cir iyo dhul yaal. Wuxuu u sakhiray Qorraxda, Dayaxa, Xiddigaha, Dabaylaha iyo Hawada, Daruuraha biyaha macaan kusoo hoorsha. Wuxuu u sakhiray, badaha iyo waxa kayd dhex jiifa, Buuraha iyo waxa khayr ku duugan, Ciidda iyo waxa hanti iyo farsamo dhex yaal, Webiyada oo dhulka dhex mara, Xoolaha oo Geel iyo Ari iyo Lo’ isugu jira, Shimbaraha duula iyo Shinida Malabka Samaysa, waa mamlakooyin cajaa ib badan oo Ilaahay u sakhiray Ilma aadam. Beeraha iyo Geedaha iyo Miraha kala noocaa, kuwa la cuno iyo kuwa la daawado qurux darted, iyo kuwa la shito udug iyo manfaco kaleba. Wuxuu gacanta u geliyey oo hayyin uga dhigay xayawaan badan oo aaney loodin kareen, Fardo, Baqal iyo Dameero, iyo kuwa badan oo kale, si ay u rartaan oo ugu guuraan, Samada biyaha kasoo hoora wuxuu ugu soo saaray beero, Zaytuun, Timir, Cinab iyo mira kasta oo ay cunaan.

Waxaas oo khayraad iyo Nicmooyin ah, Ilma aadam ayuu Rabbi ku mannaystay, Arlada iyo deeqdana waa u qaybshey, Wuxuuna inoo sheegay deeqdiisa adduunkan inaaney cidna mamnuuc ka ahayn Muslim iyo Gaal.Waxa keliya uu amray Ilma aadam waa iney Keligiis Caabudaan oo aaney cibaadada cid la wadaajin.

Ilma Aadam Mu’min iyo Gaalba wey leeyihiin. Qaar iimaankii iyo khayrkiisii aakhiro loogu yaboohay, tii adduunkana wey ku darsadeen. Qaar Adduunka Keliya ayey ku qanceen oo xoogga isugu geeyeen. Qaar labadaba waa seegeen.

Khayraadka iyo Nicmooyinka aan soo sheegnay ee la siiyey Ilma aadam, qaarkood wixii muuqdana waa cuneen oo cabbeen oo ku raaxaysteen, wixii qarsoonaana waa lasoo bexeen, garweyn iyo badiil inta u qaateen, oo dhididka sayreen, ayey Nicmooyinkii iyo khayraadkii Ilaahay dhinac walba kasoo rogeen, oo sallaxdeen, oo hagaagsadeen, oo si wanaagsan u maamusheen, markaasey dhergeen, oo inta iyagii ka badatay, ayey Ilma aadamkii kale ku sadaqaysteen ama ku addoonsadeen! Luqada warbaahinta waxaa loogu baxshay “Deeq bixiya yaal”. Intii Caajiska ahayd iyagey dhawrayaan!!

Qaarna Nicmooyinkii iyo Khayraadkii Rabbi siiyey, baarka sare intii uga muuqatey ma’ahane wax kale iskumaba lurin, shaqana ma gelin, dhididna ma sayrin, maamulna ma samaysan, nidaamna ma baran, si wax loola soo baxana iskumaba deyin, dabadeedna geedka hoostiisa ayey seexdeen, kuwaa hore ee shaqaystay ee dhididey ayey (gacanta u hoorsadaan) wixii loo soo tuuro ayey ku qamaamaan, dabadeedna waa sheekayaan, oo baashaalaan, ciyaar iyo heesna waa tuntaan. Ogow, wexey ka dhergeen waa shaqa nin kale!! Haddii wax u soo haraan, intooda ugu fir fircoon ee ugu dig digta badan ayaa hoorsata iyagoon waxba hambayn!!Sidaas darted ayaa waxaa agtooda ku badatay waxa Ilma aadam u baxsheen (Corruption) ama (Musuq Maasuq) haddii la sii fasirana noqoneysa (Khiyaamo iyo shaqa la’aan xaaraan ku cun) illeyn meeshu meel la dhidido oo la shaqaysto maahane!

Qaar kalena Khayraadkii iyo Nicmooyinkii Ilaahay waa ku Kufriyeen, maamulkii iyo kala dambayntii muran ayey ku bedesheen, nidaamkii iyo amaanadii khiyaamo iyo fawdo ayey ka doorteen, nabaddii iyo wax wadaagiina dagaal iyo khilaaf ayey ka door bideen, shaqadii iyo dhididkiina (cayr hawl yaraan ku qaado) oo gacanta (deeq bixi yayaasha) u hoorso, ayey ka raaceen, Natiijadiina wexey noqotay, iyagoo Nicmadu hoostooda ceegaagto iney macaluul u baqtiyaan, iyagoo khayrku guryohooda ka buuxo iney (kuwa cayrtaa) gacmaha u hoorsadaan, iyagoo mood iyo noolba buuxa iney bannaanada gaajo ugu baqtiyaan, haadkuna ka dhergo.

Ilaahay Cidna ma dulmiyo.. Aakhiro nin walba iyo camalkiis.. iimaan dhaba iyo camal wanaagsan qofkaan la imaanna aakhiro wax heli mayo.. Laakiin hadal wuxuu hadda ka taagan yahay adduunkan laysku maan dhaafsan yahay ee lagu dirirayo.

Soomaalidu miyaaney horay u oran: Ninkii seexdaa saciis dibi dhalay!

Intaasu waa arar iyo gogol xaar.. aan u imaado Qormadan arrintaan rabey inaan tooshka ku jeediyo, si cadna u iftiinsho..

Puntland ama Jubbaland ayaa ka Hanti badan Switzerland & Holland!

Nacam kama Hadleyno Dalkii la oran jirey (Jamhuuriyadda Soomaaliya). Taasi waa mid aan waxa khayr iyo nicmo Ilaahay ku mannaystay aan laga sheekayn Karin. Laakiin waxaan usoo qaadanayaa Gobolada ama qaybaha aan tilmaamay, Tusaale ahaan, in mid walbaa iskiis u haysto khayraad iyo Nicmooyin ka badan, waxa ay haystaan Dawladaha Maanta adduunka ugu hodonsan ama ugu hanti badan, laakiin waa hadduu ka shaqaysto oo si nabad iyo ammaano iyo aqooni ku jirto u maamusho. Taasoo u baahan oo keliya: Niyad iyo iimaan iyo shaqo cilmi ku dhisan.

Dalka Switzerland wuxuu ku fadhiyaa dhul baaxaddiisu tahay 41,284 sq.km. Waxaana ku nool dad dhan (7,519,000). Netherland (Holland) wuxuu ku fadhiyaa Dhul dhan 33,883 sq.km. Waxaana ku nool (16 malyan). (Density)ga dadka ama tirade halkii km inta ku hagaagta, Switzerland waa 191 halkii sq.km, meesha Holland uu noqonayo – 493 qof halkii sq. km.

Halka Puntland ay ku fadhido dhul baaxaddiisu tahay 212,510 sq.km. Labadaas wadan ee yuruba ayey Puntland xagga baaxadda saddex laab dhodhoweyneysaa.

Gobolka Bari Keliya ayaa wuxuu ku fadhiyaa 70,000 sq.km oo labada wadan oo laysku daray ku dhow ama la eg. Waa tirakoobkii 1980. Waxaa lagu qiyaasay Puntland dadka ku nool 2,400,000 haddiiba ay dhab noqoto, waxaa halkii sq.km ku aadaya 11.3 qof. Halka Soomaaliya oo dhan marka la eego 13.1/ sq.km ay tahay.

Jubbada Hoose (Kismaayo) ayaa keligeed mid walba 2-daa wadan ee yuruba kana baaxad weyn kana khayraad iyo hanti badan. Jubbada Hoose wexey ku fadhidaa Dhul baaxaddiisu tahay 61,000 sq.km (Waa Holland labadeed ku dhowaad). 1980 qiyaastiisi Dadka Kismaayo Deggan 272,400 Jubbada dhexena 147,800.

Puntland waxaa gacanta ugu jira xeeb iyo bad dherer keedu la egyahay 1600 km. waa kala badh dherarka xeebta Soomaaliya oo dhan oo ah xeebta Afrika ugu dheer 3025 km. Dhulkana waa saddex meelood hal meel 1/3 Soomaaliya oo dhan. Halka Xeebta ay haysato Holland dhererkeedu yahay 451 km oo keliya. Switzerlandina aaney wax xeeb ahba lahayn. Halka Kismaayo ay Leedahay Xeeb ka dheer, Webiga Jubba oo Sannadkii soo Saara biyo gaara 6 Billion (metric ton) Sanadkii, Xoolo iyo duur jog iyo beero nooc walba lehna ay ku dhaqmi karaan.

Shaqada hadaba u imow.. Holland oo Sidaa u baaxad yar , waa wadanka 3aad adduunka xagga dhoofinta waxa la beero. Wexey ku xigtaa USA iyo France. Waxaa wax beerka kasoo gala sanadkii $ 55 billion, wexeyna ka badataa cunadeeda dabadeedna la dhoofiyaa. Balse la yaab, 2/3 (saddex meelood labo) dhirta la beero iyo ubaxa adduunka waxaa dhoofisa Holland Keligeed. 1/4 (rubuc) yaanyada adduunka oo dhan waxaa dhoofisa Holland, waa dhulka Jubbada Hoose ay marna xagga u dhaafaan kuwa didaya oo qoryaha la ordaya, marna xagga u dhaafaan iyagoo miyir daboolan, una jeedin nicmada iyo geedaha iyo khayrka.. Soomaaliya 1990 waxaa la beeray oo keliya 165,000 oo hectaar, oo ah 10% dhul beereedkeeda (Dr. Mohamed Abdi Noor – khayraadka Soomalia).

Holland qoyska 5 Neef oo Lo’ ah lehi waa qoys maal qabeen ah.. Somaliya, qoyska 200 oo neef lehi, isna ma yaqaan suu uga faa iidaysto, maamul barana ma helin, wuu iska daba joogaa, waa jarmaadiyaa oo dheelmiyaa, fiidkiina iyada iyo isagoo daallan ayey meel ku daataan, isna wax kama cuno, iyana ma dhiiqdo!! waa caydh macaluul u dhimanaya, wuxuuna kaalma ($50) ka sugayaa mid qaxootiya oo Holland jooga, ama Hay’ad ayuu wax ka sugayaa. Halka ay Somaaliya haysato in ka badan 37 malyuun oo xoola ah. 2007 waxaa lagu qiyaasay 13.1 milyan oo idaa, 12.7 milyan oo riyo ah, 7 milyan oo geela (Waa adduunka #1 wadanka ugu geel badan) 5.35 milyan oo Lo’ ah. Holland iyo Switzerland iyo midna intaa iyo wax u dhow toona ma haysto, laakiin dadkuna waa shaqeeyaan habeen iyo maalin, wixii la helana si fiican ayaa loo maamushaa. Sidaa darted Dakhliga Qofku Switzerland ( GDP per capita): waa $ 56,000 sanadkii, Netherlandina waa $ 46,000 , halka qofka Soomaaligaana uu yahay dakgligiisu sanadkii qiyaas $ 136 keliya.. Waa Hantiile Gaaja u bakhtinaya, sababtuna waa Jahli, iyo Amaana xumo, iimaan la’aan iyo musuq maasuq.

Si kale haddaanu u dhigno, Gobolka Jubbada Hoose, oo baaxaddiisu tahay, 61,000 sq.km. ama ku dhow 70,000 sq.km (qiyaasta qaarkeed) oo ka weyn Holland iyo Switzerland ayaa Soomaalida oo dhan ku filan. Waayo, Holland oo 33,000 km.sq waxaa ku nool 16 milyan oo dadkeeda ah, ilaa 20 milyan. Halka Dhul beereedka Somalia uu quudin karo 145,000,000 oo ruux. Dadkeenuna aaney ka badnayn 10 ilaa 15 milyan haddii Somali Galbeed iyo NFD lagu daro.

Dhibku xaggee ka socdaa marka?

Maxaa dadka sidaas hodonka u ah, cayr ka dhigay? Maxaa khayraadka intaas la eg ay u arki la’yihiin? Maxaa sababaya, iney Muqdisha xaafadeheeda Baasuuke nafta laysaga Qaado, EU iyo Africa laga dawersado, adduunka lagu yiraahdo Cayr ayaanu nahay ee na caawiya?

Mala Fahmi karaa, Puntland iyo Somaliland iney maalin walba (Idaacadaha) madaxdoodu isugu goodiyaan, oo yidhaahdaan (Afka lama qabtee): Dhulka naga maqan dagaal in lagu ceshado hurimaayo, iyo Taako haddaad iisoo dhowaato dhiig badan ayaa daadanaya, meesha labaduba ay dhulkii ay gacanta ku hayeen ay maara u la’yihiin, dadkiisiina macaluul u dhimanayo, jid iyo biyo iyo cisbitaal iyo iskuulna aanu lahayn!!

Miyaaney cuquuba ahayn Maamulada ay Al shabaab ugu dambeeyeen ee Jubbada Hoose ka talinayey, in agtooda dadku gaaja ugu dhintaan, iyadoo nicmada Rabbi sidaa u ceegaagto? Iney bidix iyo midig marba dhinac u ordaan, hal marna aaney isku deyayn iney khayraadka Rabbi hoos dhigay lasoo baxaan, iyana dhergaan, dhadkuna dhergo, noolaadaan dadkuna noolaado. Balse Afrikada Bari oo dhammi iyaga cunta usoo doonato. Iyadaanba markaa cidiba maamul ku qabsateen.

Waxaa xaqiiqa ah waxa laysku dilayo iney gaajadu qayb weyn ka tahay, xukunkuna saan sheegnay waa wado dad badani u arkaan in gaajada looga bixi karo.. Laakiin haddeey dadku dhergaan, oo shaqaystaan, inta siyaasadda danaysaa wexey noqotaa inta ugu yar.. Waxaana kuugu daliila Bulshooyinka adduunka shaqaysta ee nolosha fiican haystaa, siyaasadda kumaba mashquulaan, xitaa wasiirada makala yaqaanaan.Waayo Jagadu waa meel dadka looga adeego dhab ahaan ee maaha meel loo tacab tago.

Nacam, waa cuquuba Rabbaaniya.. Ilaahay cidna ma dulmiyo. Innagaa nafteenna dulminay..

Ilaahay wuxuu inna dejiyey haddaan Soomaali nahay, oo inagu beeray Arladiisa meelaha ugu fiican. Khayraadkiisa iyo Nicmooyinkiisa uu Arlada dhigayna, wuxuu qayb noo siiyey, inta ugu badan oo ugu fiican. Laakiin wexey innagu seegtay Dulmi dhexdeenna, Xasad, Fawdo , casabiyad, Muran iyo Khilaaf iyo Musuqmaasuq aan layska qaban aqoon.

Sababta ugu weyn ee na haysata marka lasoo koobo, waa ka fogaan shaha Kitaabkii Ilaahay iyo Sunnadii Nebigeenna Calayhi Salaatu wasalaam. Afka ayeynu uga dhownahay, camalkana waa ka fognahay. Waxaana kuugu daliila, Wadaadadeeni diinta ugu dhowaa maanta waxa ay falayaan, ama faraha kula jiraan, iyo Ummaddooda qarracanka ay ku hayaan. Dadkii Qaar waa dhintay, qaar waa dhaawacmay, qaar waa qaxay, qaar baduhuu ku haftay, qaarna ciil iyo urugo ayuu la hagooganyahay. Meelehey gacanta ku hayeen Sanad ka badan, ayaan, koob shaaha cidi ka cabin, xabbad kiniiniyana laga helin, wado lagu shaqaystana aaney cid barin, misana wexey sii raadinayaan oo dhiig u daadinayaan dhul kaloo ay xukumaan. Nin baa yiri: Adeer Timirtii horaba dab loo waa. Kuwaad horay u xukunteenba wax lagama dheefine, ma culays kalaad rabtaan.

Waa cudurka ugu weyn ee na haysta, kaasoo ay ka dhalatay, cudurro xad dhaafa, oo meesha aynu naal na dhigay maanta, waxaana ka mida:

Amaana xumo, Aqoon darro iyo iimaan la’aan: Waa cudurka ugu xun ee ka dhashay ka fogaanta diinta, kaasoo adduun iyo aakhiro lagu seegay. Soomaaliya oo khayrkaas haysata wexey la bugtaa oo la macaluuleysaa, musuq maasuq, lunsashada xoolaha ummadda iyo dalka. Kuwii maamul qabta, ama wadaada ha ahaadaan, ama qab qablayaal ha ahaadaan, Ummaddu (beysteen) ka arki meyso, (Calaf ay jidiinka marisana) kama heleyso. Cid la xisaabtanta iyo cidey u aaba yeelaan oo xisaab tusaanna ma jirto.

Ma ogtahay adduunka hay’adda baarta Musuqmaasuq la’aanta (Transparency) sanadkii 2007, Soomaliya wexey liiska uga jirtaa halka ugu dambeysa. Buundada ugu sarraysa e Ha’yaddu wax ku qiimayso waa 10. Somaliya wexey heshay 2 keliya Lambarka 179. Meesha ugu sarreysana # 1 waxaa ku looltamayey Finland, Denmark, iyo New Zealand oo mid walbaa helay 9.4.

Sow ceeb iyo ciqaab maaha in Dawladaha Islaamka ugu waaweyn ay (Musuq maasuq) la ciir ciirayaan? Sidee Ilaahay guul u siiyaa! Sucuudi # 79, 3.4, Masar # 105, 2.9, iyo wax lamida, innagana warkeenaba daa, Halka Singapore oo 700 sq.km ka yar (dhul ahaan) ay # 2 kula tartameyso Sweden 9.3. Haddii Asbaabtii halaagga aan ku jirno sideen dhibka uga bexeynaa? Sidee ducadeenna loo ajiibaa?

Markii la yiraahdo, Dawlad ayaa la dhisayaa! Siyaasad baa la gelayaa! Jagooyin ayaa la qaybinayaa! Waxaa markiiba ku yaaca, waxa tuug iyo mafia carrada jooga, kuwa wexey (liqaan) waayey oo afkooda wax u doonaya (iyo in yar oo xilkasa oo is leh wax hagaaji). Inta ugu badan, Kuwii Amaanada lahaa oo dhami dib ayey u gurtaan. Kii shaqada yiqiin oo dhammi gadaal ayuu istaagaa.. Wuxuu sugayaa in loo yeero, sidii diinta iyo dhaqankuba ahaa. Cid wax kala saarta iyo qaab wax loo kala hufaana ma jiro. Waa halla jabo marka.

Mid kasta oo meel loo dhiibaa, in yar oo Ilaahay u naxariistay mooyaane, wuxuu toshaa (jawaanna waaweyn) oo uu ka gurto hanti wixii gacantiisa soo mara, iyo wuxuu aruursan karo waqtiga yar ee uu joogo, Waxaana tolkiis iyo isaguba isugu sheekeyaan: War waa fursad yare ka faaiidayso, oo wax tabco..

Oday Soomaliya oo mudug ka yimi ayaa waxaa la yidhi xajkii ayaa la aadayaa, ixraamka marka la xirtana dharkoo dhan waa la bixinayaa. Markuu ixraamkii xirtay ayuu toorreydiisiina xirtay. Markaasaa la yiri: Toorreeyda (Billaawaha) adeer iska dhig lama ogola. Markasuu yidhi: Meesha ma waan rag isugu imaanayn!!Sow dagaal ma dhici karo! Ilaahay amarkiis wexey kusoo aaday ba la yiri sanadkii 1987 markii shiicada Iiraan ay mindiyaha lasoo galeen xaramka oo dagaalka xumi dhacay. Odaygii ayaa yiri: Intee baan idin lahaa meesha rag baa isugu imaanaya!!

Oday kale oo burca ka yimina (Reer Muduga iyo Reer Burco raali ha ahaadaan xifaaltankaa qabta e) markuu kacbada soo galay oo dawaafka bilaabay isaga iyo odayaal saaxiibadiis ah, ayaa waxaa jiidhay Turki iyo Nigerian, sidii silsiladdii isugu xidhan, markaasuu inta dhawaaqay, oo qoladii la socotey jilibkoodi hoose sheegay ayuu yidhi: War reer Hebelooow, Ragga aan Iska Celinno maanta, Sanadka Dambe ayeynu soo Xajin Doonaaye!!

Haatan kii meel qabsadaa wuxuu leeyahay, sida badan, war gooshka dambaan hagaagi doonaaye, horta aan wax tabcanno..Isna Damiir celiya ma leh, dadkuna yurr iskama dhahaan, dabadeedna dal iyo dadba wuu galaaftaa.

Dad baa wexey leeyihiin waxaad is bar bar dhigeysaa waxaan lays bar bar dhigi Karin. Xaggeey joogtaa Switzerland ama Holland Dalal yuruba oo horumaray oo adduun liqay, oo dadkoodu wax bartay, (literacy)gu yahay 100% meesha soomaaliya 24% keliya wax akhrin karaan waxna qori karaan. Is bar bar dhigid cadaalada maaha.

Dhinac waa sax. Oo wax yaabahaas iyo ka badanba waa jiraan. Laakiin waxaan oga gol leeyahay inaan xamaasaddeena wadani nimo kiciyo, inaan dadnimadeena boorka ka jafno, inaan Caqliga Ilaahay nasiiyey isticmaalno, inaan ficiltan u galno sideynu Ummadeena iyo Dalkeena meesha uga qaadi lahayn.

Ineynu gacanta Caydh ka ahaanno waxaa ka daran ineynu maskaxda caydh ka ahaanno, oo u malaynno horumarka iyo hodon nimadu wax samada kasoo dhaca iney tahay, oo aan dhidid iyo fikir iyo rag bilaaba oo horseeda lahayn.

Nacam Horumarkaa riyada ah, si gaaban oo aan la filayn ayaa lagu gaari karaa, haddii daacadnimo iyo dadaal lala yimaado, Rabbina la tala saarto. Is bedelku wuxuu ku iman karaa Sanad iyo labo iyo saddex. Cumar Bin Cabdul Casiis, 2 sano ayuu Dawladdii Islaamka oo dhan is bedel ku sameeyey, heer sadaqa wax qaata la waayo. Cabdiraxmaan Bin Mucaawiyah Sannad wax ka yar ayuu Ummad xadaara leh ku bilaabay inuu ku taago Andalus. Muxammad Bin Cabdilwahaab iyo Muxamad Bin Sucuud Dirciya Tuula la yidhaahdo ayey ka bilaabeen, markii ay Tusaale noqotay ayey Jaziiradda Carabta oo dhan qabsadeen.

Is bedelka Ummaduhu dhinacya kala duwan ayuu ka yimaadaa.. Xagga Xoogga waa ka yimaadaa.. Xagga Waxbarashada waa ka yimaadaa. Xagga Nidaamka iyo Ammaanka waa ka yimaadaa.. Xagga Adeegga iyo Hufnaanta lagu soo raaco waa ka yimaadaa. Xagga dhaqaalaha waa ka yimaadaa.. Is bedelka iyo horumarka iyo xoogga Ummadi yeelataa hal dhinac oo qudha kama yimaado oo ah (Xukunka) ama (Siyaasadda). Qorma gaara ayaanna arinkaa kaga faalloon doonaa inshallaah..

Haddii la helo dad daacad ah, aqoonna leh, amaano iyo caddaalad wax ku maamula, Ujeedadoodu tahay dadkooda iyo dalkoodu inuu wax noqdo, durbadiiba waa la dareemi karaa. Dadkuna waa dhergi lahaa. Arrintu maaha mid sixir iyo facyaal badan u baahan, ee waa amaano iyo aqoon iyo maamul.

Nebi yusuf Calayhi salaam 15 sano (plan) ah qorshe ayuu ku caddeeyey fasiraaddii riyadii boqorka, wuxuuna tibaaxay in looga gudbi karo maamul Amaano iyo Aqoon leh, labadana wuu sheegtay (قال اجعلني على خزائن الأرض إني حفيظ عليم) Sidaas ayuuna maser dhibkii kaga gudbiyey Ilaahay fadligiis.

Waa ineynu helnaa Amaano aan wax lagu lunsan, iyo Aqoon wax lagu maamulo oo Ummad lagu Hoggaansho. Haddii aan labadaas la helin, mindhaa gaajada iyo dhibka waqti dhow lagama boxo. Ilaahow Caqliga iyo Iimaanka hanaga qaadin…Aamiin..

Sh. Maxamed Idris
hayaan@gmail.com