Soomaalidu isma dhiibayso!

0
1105

بسم الله الرحمن الرحيم

Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.

Taariikhdu waa cibro iyo cashara waaweyn, waa kaydka waanada iyo waaya aragnimada. Dhacdooyinka maanta dhacayaa berri wexey noqdaan taariikh. Taariikhdu cidna ma duudsido, qof walbana wexey diiwaanka u gelisaa wuxuu galo iyo wuxuu gudo, booska uu istaago iyo kaalinta uu qaato Ummaddiisa ama diintiisa ama dalkiisa.

Taariikhdu ha qorto ..Gumaystuhuna ha ogaado, Soomaaliya dad iyo dal, inkastoo maanta baalku qoyanyahay, Qaran jabna ku dhacay, haddana isma dhiibeyso Ilaahay idankiis. Isma dhiibeyso, Gumaysina ogolaanmeyso, duud xammaalna Soomaalidu weligeed noqon meyso.

Minka Gabdhaha Soomaaliyeed ee Muslimaadkaa ma gurin…. mana guri doono Ilaahay idankiis, wuxuuna maalin walba foolanayaa Geesiyaal la mida kuwii ay horay u dhaleen, Sida Maxamed Cabdille Xasan iyo Sh. Bashiir iyo raggii la midka ahaa.

Taariikhdu ha qorto dadka gumeysiga u sacab tuma,. iyo kuwa dalkooda iyo dadkooda iyo sharaftooda in lagu xadgudbo diida. Diiwaanka taariikhda adduunku weligiis waxaan sharaf darro iyo magac xumo ahayn uma qorin kuwa gumaystaha dadkooda iyo dalkooda ku soo hoggaansha, ama gumaystaha u adeega, ama marada huwiya.

Lama sheegin Taariikhda dhaw iyo tan fog, midna, nin dadkiisa iyo dalkiisa cadaw shisheeye kusoo hoggaanshey, dugsadey oo ka doonay inuu kursi ku fariisiyo, oo Ummaddaas dhexdeeda sharaf ku yeeshay, ama magac diineed iyo mid adduunyo ku helay.

Dadka Gumaystaha dhulkooda kusoo horseeda weligood waxaa u dambeeya, dulli iyo sharaf dhac, iyo magac xumo, Sharciga Islaamkana agtiisa wexey ka yihiin kuwa dad ugu liita hadaaney Ilaahay u towbad keenin.

Sayyid Muxamad Cabdille Xasan Allaha u naxariistee, Soomaali kastaa yar iyo weyn wuxuu u yaqaan nin gumeystihii dalka inuu qabsado doonayey la diriray, af iyo gacanna isugu daray. Soomaalida keliya maaha, balse adduunka oo dhan ayaa taariikhda u aqoonsan inuu ahaa halyey, geesiya, oo diintiisa iyo dalkiisa gumaystaha ka difaacanayey. Sidaas darteed ayuu Taariikhda Soomaalida uga jiraa maqaamkaas wanaagsan, gabayadiisuna u yihiin taariikhda Soomaalida kuwa ugu wacan. Waxaa laga yaabaa rag badani iney Sayid Maxamed gabaga uga aqoon badnaayeen, laakiin waxaa gabayada Ina Cabdille Xasan magaca weyn iyo maqaamka siiyey waa qadiyadda ay xambaarsanaayeen, iyo mabda’a diineed ee uu difaacayey. Halka dadkii gumaystaha la safnaa maalintaas, ee horkacayey ay taariikhda baalasha xun uga yaalliin, Soomaaliyina aaney cidnaba ka garanayn sidey taariikhda ugu qiima beeleen.

Sayidku wuxuu taariikhda ku kaydsaday kelimada aan weligood la ilaawi Karin, markii lasaaro miisaanka sharciga iyo sharafta iyo gobanimadana noqonaya, dahabka asalkaa oo kale ama ka qiima badan. Waa ninka yiri kana dhabeeyey – Ilaahay janadii haka waraabiyee – tix aan ka hayo:

  • Diintayda anigaan ku gadan dabaqi naareede,
  • Anaa diidey degel aan la galo daallin ii colahe,
  • Dalka ma lihid anigaa ku iri doora weynaha e,
  • Anaa diidey deeqdiisa ay naari daba taalle,
  • Dahabkii u waday waanigii daadiyee qubaye,
  • Dagaalkiisa anigaw xishoo daalib ku ahaaye,
  • Durdurada Firdawsaad anaa doortayoo rabaye,
  • Anaan labada daarood tan hore dereja moodayne

Soomaalidii u shaqayneysey gumaystaha ee lasoo safatayna wuxuu ku yiri, tuducyo aan ka hayo:

  • Waa wada damiin an kasayn debinka hoos yaalle,
  • Waa niman daboolmoo qalbiga daabac kaga yaalle,
  • Dib wixii u dhici waa waxaan dooc ka garanayne,
  • Waa wixi dabbaal degey anoo gaal isoo dilaye,
  • Waa wixi durbaansanahayaan ii dub nixi hayne
  • Dawa kama heshaan Frenji aad daawa dhigataane,
  • Marka hore dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye,
  • Marka xiga dalkuu idinku oran duunyo dhaafsada e,
  • Marka xiga dushuu idinka raran sida dameeraaye,
  • Marka xigana daabaaqadda waa idin dareensiine,

Sidaa darted Soomaali kastaa wuxuu caanaha hooyadiis la nuugey necaybka Gumaysiga, gaar ahaan midka ugu soo dhow ee wax badan isku deyey ee Xabashida. Siyaasi kasta oo miciin bida inuu Soomaali xabashi kusoo hoggaansho oo jaga ku helo, waxaa u dambeeya dulli.

Dadka gumaystaha horbooda, ama dawladuu u dhiso uga shaqeeya, taariikhda waxaa loo geliyaa magacya xun, ummaddaasna agteeda wax sharafa kama mutaystaan. Kuwa u dhinta ama u halgama iney Gumaystaha dalkooda kusoo duula ka hortagaan oo aan isu dhiibinna wexey taariikhdu u qortaa Geesiyaasha wadankaas.

Arrinkaas taariikhda ahi waa mid ay isku waafaqsanyihiin dhammaan Bani aadamka adduunka ku nool gaal iyo muslim. Wadamada adduunka maanta ka dhisan intooda badan wexey leeyihiin taariikh qortay kuwii gumaystaha dalkooda kusoo hoggaanshey ama u adeegey iyo kuwii diidey iney is dhiibaan oo ka hortegey gumaystaha. Weliba ummadaha hadda dadka ka hortaagan iney dhulkooda gumaystaha u diidan, ee ku dhaleecaynaya iney diidaan gumaysiga iyo adoonsiga, wexey ogyihiin inaaney iyaguba -horayna u yeelin -haddana ayan ogolayn in dalkooda gumayste ku soo duulo oo qabsado, dadkiisana rarto ama adoonsado, ama xukuumada midiidina oo isaga u shaqeeya u dhiso.

Gumaystuhu taariikhda sida ku qoran, waaba kala xishood badan yahay. Mid baa xoogaa u hambeeya dadka uu ka adeegsado dalalka uu qabsado, si uu in yar wajiga ugu dhawro, maaha qadarin uu dadka u adeega qadarinayo, laakiin si ay hawsha uu u dhiibto u meel mariyaan.

Gumaystayaasha qaarkoodna waxba uma hambeeyaan kuwa u adeega, dhulkeyna ku jiidaan, Markey ka dhamaystaanna iyagey ugu hor tufaan. Sida mara calala oo ay neceen ayey qashinka ku tuuraan. Soomaali badan oo sida marada uskaktay loo tuuray ayaa badan qaarkoodna weli dhabarku sii muuqdo, kuwa kalena wadadii ayey kusii socdaan, mana dheera – hadaaney Ilaahay u noqon oo Ummaddooda ka xishoon – in mar aan dheerayn sidii mara uskaktay la tuuri doono.

Charles De Gaulle, wuxuu ahaa General Faransiisa. Markii Ciidamada Naaziga ee Jarmalku Faransiiska Qabsaday, oo Dawladdii Faransiisku is dhiibtey, ayuu cararay, wuuna diidey inuu is dhiibo, wuxuuna ingiriiska oo gacan siiyey ka asaasay Muqaawamadii dibadda. De Gaulle markaa ka hor lama aqoon, laakiin wuxuu noqday xorayntii ka dib madaxweynaha Fransiiska, waana ragga dalkaas ugu magac dheer.

Kelimadii uu ka jeediyey idaacadda BBC 18 June 1940 Markii Jarmalku France Qabsaday waxaa ka mid ahaa:

(( Miyaa Kelimadii u dambaysey la yiri?Miyaa Rajo gidiigeed dhamaatay? Miyaa jabku mid aan la dhaafi Karin noqday? Maya..I rumaysta, wax France ka lumay ma jiraan. Dagaalkani kuma eka meelaha nasiibka daran ee dalkeenna. Dagaalkani waa mid adduunka oo dhan ah. Waxaan ugu yeedhayaa dhammaan saraakiisha iyo askarta France ee Ingiriiska jooga ama xaggaas ku haray, haddeey dabkooda haystaan iyo haddaaney haysanba, iney ila soo xidhiidhaan. Wax kasta oo dhaca, dhimbisha muqaawamada France waa inaaney damin, mana dameyso.)). Taariikhda Muqaawamadii France.

Inkastoo General Charles de Gaulle aan markaas cidi aqoon, haddana hadalkaas taariikhda ah oo uu kasii daayey idaacadda BBC markuu ingiriiska u fakaday oo diidey inuu isu dhiibo Ciidamadii Jarmalka Hitler ee qabsaday France oo dhan, wuxuu noqday bilawgii ay ka amba qaadday Muqaawamadii France ay la gashay Jarmalka kagana xoraysay dalkeeda Gumaysigii Naaziyiintii Hitler.

Dad badan ayaa u go’ay, qaar badanna kaamam ayaa lagu xiray, si ay France u hesho xorriyadeeda. Dadkii Muqaawamada difaaca dalka ka qaybqaatay waxaa loo aqoonsaday geesiyaal wadanku leeyahay. Dadkii Jarmalka dalka kusoo duuley la shaqaystay oo u shaqeeyeyna waxaa loo aqoon sadey dabadhilif aan sharaf iyo wanaag midna ku lahayn dalka France. Taaiikhdana labadaas diiwaan ayey kala galeen. Jeneraalki Charles de Gaulle waa ninka ay France u aqoonsantahay Halyeygeeda koowaad.

Sir Winston Churchill wuxuu ahaa Raiisul wasaaraha Ingiriiska Dagaalkii Labaad adduunka. Markii Jarmalku Magaalada London ee Caasimadda Ingiriiska weerarka ba’an kusoo qaaday, khud badihii shacabka Ingiriiska halkudhegga u noqotay waxaa ka mid ahayd khudbaddii uu jeediyey 4 June 1940, wuxuuna yidhi:

(( Inkastoo qayb badan oo yurub ka mida iyo dalal badan oo da’ weyn oo caan ahi gacanta u galeen xukunka Naaziga, haddana mana is dhiibeyno, mana jabeyno.

Ilaa Meesha ugu dambaysa ayaan soconeynaa, France ayaan dagaalka ka geleynaa,
Waxaan ku dagaalameynaa badaha yar yar iyo kuwa waaweyn,
Waxaan ku dagaalameynaa cirka, anagoo xoog iyo kalsooniyi noo kordheyso,
Waxaan difaaceynaa Jaziiradayada, wax kasta oo ay nagu kalifto,
Waxaan ku dagaalamaynaa xeebaha,
Waxaan ku dagaalameynaa dhulka bannaan,
Waxaan ku dagaalameynaa beeraha iyo jidadka,
Waxaan ku dagaalameynaa buuraha,
Weligeen isma dhiibeynno, Hadiiba ay dhacdo – inkastoo aanan marnaba malaynayn- in Jaziiraddan qayba kamida ama kulligeedba la qabsado, ciidamadayada adduunka iyo badaha gadashooda jooga, ayaa halganka wadaya, ilaa – haddii Rabbi yiraahdo- adduunka cusubi uu xoreeyo adduunkii hore))

Soomaali kasta oo damiirkiisu noolyahay, dadnimana wax uga hareen, wuxuu ogyahay xerada Soomaalida inta lagu jiro si kastaa laysu khilaafaa, oo xukunka loogu tartamaa ama loogu loolamaa, ama siyaasadda loogu beretamaa, laakiin nin damiir lihi marna kuma fekero inuu dalkiisa iyo dadkiisa kusoo hoggaamiyo cadaw shisheeye oo taariikh soo jireen ahi dhex taallo. Marna Soomaali damiir yari ku haray isuma quuro inuu dalkiisa gumaystaha u ogolaado inuu siduu doono ka yeelo, waqtiguu doono galo, wuxuu doono dilo, wuxuu rabana dhaco, siduu rabana ugu xad gudbo.

Soomaali kasta oo damiirkiisu duxayaa, wuxuu ogyahay in dalkiisa iyo dadkiisu sharaf mudan yihiin. Wuxuu ogyahay inaaney cidina xaq u lahayn iney waqtigey doontana soo gasho sidey doontana ka yeesho. Wuxuu ogyahay in dalkiisa iyo ciidiisu xurma leedahay aan lagu xad gudbi Karin. Wuxuu ogyahay khilaafka isaga iyo Soomaaliga kale u dhexeeyaa inuu ka duwan yahay kan shisheeye ee dal iyo dadba doonaya inuu gumaysto.

Somaalidu Ilaahay idankiis isma dhiibeyso, dhib kastoo ku dhaca iyo rafaad kastoo haystana gumaysi weligeed yeelimeyso, dalkeeda iyo ciideedana in maalin walba sidii ladoono loogu xadgudbo weligeed ogolaan meyso, nin walbana taariikhdu waa qoreysaa meesha uu ka istaago, Adduunkuna maanta keliya maaha..Taaariikh ayaa qormeysa, ee adigu meeshaad doonto ka istaag.

Sh. Muxammad Idris Axmed
hayaan@gmail.com

Xuquuqda qoraalka: Daarulculmi.com