Fadliga Bisha Barakaysan Ee Ramadan

0
1194

Kulanka koobaad iyo maalinta koobaad
1-Fadliga bisha barakaysan ee ramadaan
Waxa mahad oo dhani u sugnaatay allah, kaasoo isagu abuuray makhluuq dhamaantii bilaabayna shay kasta, ogaal iyo aqoonna u leh waxa maqan iyo waxa jooga, Allah kama qarsoona qudhaanjada yar e habeenka madow dul socota salaxa madaw, cilmigiisuna waxa uu gaadhay ogaanshaha shay kast oo dhacay, mid aan dhicin, iyo hadii uu dhici lahaa kaa dhacay siduu u dhici lahaa.
Ilaahay waa abuuray Nabi Aadam waana imtixaamay deeto waa doortay oo waa ka toobad aqbalay, Nabi nuuxbuu diray wuxuu sameeyay dooni amarka ilaahaybay ku socotay, Nabi Ibraahim ayuu ka badbaadiyay dab oo wuxuu ka yeelay mid qabaw oo wuu ka nabad galay, u fiirsada waxa dhacay, sidaasuun u sii wad ilaa aad ka imanaso xabiibkeenii muxamed oo rabi ku sharfay in uu ku soo dajiyo oo uu rasuulniamdiisa soo raaciyo kitaab ay ku sugan tahay cadaymaha xaqqa iyo hanuunku, ilaahaybaan ugu mahadnaqanaa nimcooyinkiisa aan dhamaan ee socda habeen iyo maalinba.
Waxa ammaan iyo nabadgalyo u sugnaatay xabiibkeenii nabi muxamed scw oo ilaahay ka soo saaray magaalada maka, ilaahay ha ammaano isaga iyo saaxiibkiisii godka ee abii bakar ee bilaa shakiga ahaa, sidoo kale cumar kii lagu hanuunin jiray ra’yiga wnaagsan, oo uu nuurka alle wax ku arko, iyo cuthmaan oo ahaa xaaska hablihii rasuulka maaha hadal lagu been fariimayo, iyo nabi muxammed indrkii cali ee cilmigiisu badda ahaa, libaax sooma jeeste ahaa, iyo dhamaan asxaabtiisii iyo ehelkiii kuwaas oo fadligooda iyo wanaagoodu ku faafsan yahay aduunka, nabad galyo korkooga ha ahaato dhammaantood.
Walaalayaal waxaa inna soo hadhaysay oo maalintii koobaad inoo bilaabmay bishii barakada badnayd, xiligii khayrka badnaa, oo Ilaahay sw uu badinayo ajarka iyo abaalka , albaabada khayrka loo furayo mid kasta oo jecel, waa bishii khayraadka iyo barakooyinka, waa bishii wax bixinta iyo isu hibaynta,
{شهر رمصان الذى أنزل فيه القرآن هدى للناس وبينات من الهدى والفرقان}
Rabi wuxuu yidhi { bisha ramadaan waa bishii la soo dajiyay dhexdeeda qur’aanka oo hanuun ugu jiro dadka iyo cadaymo hanuun iyo xaq waaadixin ah}
Bishani waa waa bil naxariis, dambi dhaaf , iyo naar iska xorayn ah, waa bil ay caan baxday fadligeeda iyo wanaageedu, oo axaadiithta ku soo aroortayna gaadhay heer {tawaatur} dad badani soo wariyeen.
Abuu Hurayra rc waxaa uu xabiibkeenii muxammed scw ka soo wariyay in uu yidhi xabiibkeenii { marka ramadaan yimaado albaabada jannada waa la furaa midna lama xidho, albaabada naartan waa la xidhaa midna lagama furo, waana la silsiladeeyaa shayaadiinta iyo jinka kuwooga madaxa adag} buhaari {3103} muslim {1079}
Bishan waxaa albaabada jannada loo furayaa waa fara badnaanta acmaasha wanaagsan iyo jeclaysiinta kuwa shaqaynaya, waxaa albaabada jannada loo xidhayna waa dambiyaha ahlul iimaanka ka soo fulaya oo yar .
Abii hurayra wuxuu xabiibkeenii muxammed ka soo wariyay in uu yidhi { waxaa la siiyay umaddayda shan arimood ramadaanta dhexdeeda oo aan la siin umadihii innaga horeeyay
1- khaluuf- neefta uu qofka sooman dib u soo celiyo waxay ka udgoon badan tahay urta miskiga
2- malaa’igtu waxay dambi dhaaf u waydiisaa ilaa inta la afurayo
3- waxaa ilaahay maalin walba ku qurxiyaa jannadiisa wuxuuna jidhaa waxaa laga yaabaa in adoomahayga wanwanaagsan ay la kulmaan dhibta aduunka deedna ay u samraan xaggayga.
4- waxa la silsiladeeyaa shayaadiinta kuwooga madaxa adag, oo ma gaadhaan waxay gaadhi jireen markii hore ee aan ramadaanta ahayn.
5- waxaa loo dambi dhaafa habenka ramadaanta ugu dambaysa, waa la waydiiyay xabiibkeenii muxammed oo ma habeenka laylatu qadrigaa? markaasuu yidhi xabiibkeenii muxammed, maya lkn qofka shaqeyya waxaa loo oofiyaa wanaagiisa marka uu shaqadiisa dhamaysto. } imaamu axmed
Walaalayaal shantan arimood ilaahay wuxuu u kaydiyay ummadan waanu u gaar yeelay umadaha kale sokodood waanu idinku mannaystay si ay nimcooyinku idiinku dhamaystirmaan, fara badanaa nimcooyinka rabi inna siiyay iyo fadaaisha ummadani leedahay.
Ilaahay wuxuu yidhi { waxaad tihiin umad la soo saaro tii ugu khayrka badnayd, wanaagaad is fartaan, xumaantana waad iska reebtaan, ilaahayna waad rumayseen.
Tilmaanta koobaad { urta afka qofka sooman waa mid ka udgoon badan ilaahy agtiisa urta miskiga}
Khaluuf – waa urta qofka sooman ka soo baxa calooshisa madhan, waa ur dadku dhibsadaan se ilaahay agtiisa ka odgoon badan miskiga, sababtun waa in ay ku timi urtani cibaado iyo daacada rabi swt wax kasta oo ku samaysma cibaadada rabi swt waa mid laga jecel yahay ilaahay agtiisa haba ahaado mid ay dhibsadaan dadkuye.
Tilmaanta labaad malaa’igtu dambi dhaaf ayay u waydiisa ilaa laga afurayo}
Malaaigtu waa makhluuq la karaameeyey ilaahay agtiisa, mana caasiyaan amarka rabi swt, waanay sameeyaan waxa la faro, waana loo idmay in ay dambi dhaaf u waydiiyaan ummadan, gaar ahaan kuwa sooman iyo kuwa cudurdaarka sharciga ah wata.
Tilmaanta sadexaad { ilaahay waa mid ku qurxiya jannadiisa maalin kasta, oo yidhaa waxa laga yaabaa adoomahayga wanaagsan in ay la kulmaan dhib aduun deeda ay u sabraan xaggayga}
Rabi wuxuu ku qurxiyaa jannadiisa maalin walba si uu u jeclaysiiyo adoomahiisa wanaagsan , waxa laga yaaba in adoomaahaa wanaagsani la kulmaan dhib aduunyo deedna u xadhka xidhaan samaynta acmaal wanaagsan oo ay ku gaadhaan guusha aduunyo iyo tan aakhira, iyo gaadhida iyo galida daarta nabad galyada iyo maamuuska ee JANNADA.
Tilmaanta afaraad { waa la xidhxidhaa shayaadiinta kuwooga madaxa adag }
Gaadhi maayaan hadafkooda ah in ay adoomaha rabi ka haleeyaan jidka rabi swt taaasina waa kaalmaynta rabi swt in uu cadawga adoomahiisa ahna cadawgiisa uu xidhay, kaasoo ugu yeedhayay in ay ka mid noqdaan kooxdiisa oo ah asxaabta naarta saciira, sidaa darted ayaad arkasaa in dadku samaynta wanaaga jecel yihiin iyo ka tagista ama yaraynta samaynta xumaanta in ka badan bilaha kale ee 11ka ah.
Tilmaanta shanaad { ilaahay waa u dambi dhaafaa ummada nabi muxamed habeenka ugu dambeeya bisha }
Waxay sameeyeen wax haboonaa in ay sameeyaan oo wanaag ah bishan barakada badan hadday tahay soon, qiyaamu layl ilaahayna waxa uu ku fadilay ama ku maamuusay in uu u oofiya abaaladooda markii ay dhameeyeen, qofka shaqeeya waxa mushqaayada ama abaalkiisa la siiyaa marka uu shaqada hayo dhameeyo.
Khayrka bishan oo badan darted waxaynu samayn doonaa idamka alle maalinba cashar ayaynu qaadan aynu ku wanaajino xidhiidhka rabigeen innaga dhexeeya si aynu u noqono qaar rabigood ku caabuda cilmi, sidoo kale axmaata ramadaanta, soomka zakada, iyo iida sidoo kale arimaha la xidhiidha wanajinta nafta iyo ka faaidaysiga bishan khayrka badan khayrkeeda.
Sharaf iyo qadarin
Ramadaan mubaarak
FG:- Waxaynu soo koobi doona oo turjumi doonaana idamka alle kitaabka مجالس شهر رمصان ee sheekheena ibnu cuthaymiin qoray.
Turjumidii iyo diyaarintii Xamse maxamed cali