Fadliga Iyo Xukunka Soonka Bisha Ramadaan

0
1296

Kulanka 2-3 iyo maalinta Saddexaad
2- Fadliga soonka
Mahad dhamaanteed rabibaa iska leh, allaha u dhibirsan una dabacsan adoomahiisa, allaha qaniga ah ee awooda wax kasta, allaha dulqaadka badan ee deeqsiga ah, waxaan ugu mahadnaqayaa allah swt tilmaamihiisa dhamayska tiran nicmooyinka uu inna siiyay, waxaan qirayaa Illaah xaq lagu caabudaa in aanu jirin Allah mooyaane, kaligii, umana sugnaan cid lagu lamaaneeyo ama la barbar dhigaa, waxa kale oo aan qirayaa in muxammedna yahay adoonkii iyo ergaygii rabi soo diray ee dhamaan jin iyo insi loo diray, Illaahay ha ammaano hana nabad galiyo isaga ehelkiisii, asxaabtiisii, taabiciintii , wanaaga ku raacay iyo cid kasta oo raacday oo dabadood timi.
Walaalayaal waxaad ogaataan in soonku ka mid yahay cibaadooyinka ugu fadliga badan iyo daacaadka rabi loogu dhawaado kuwa ugu waawayn, fadliga iyo wanaaga soonka waxaa ku soo arooray ayaad iyo adaaxiith tilmaamasa wanaagiisa iyo fadligiisa haa ugu sii badnaadaan axaadiithtuye.
Wanaagyada soonka waxaa ka mida
1- ilaahay waa ku faral yeelay soonka dhamaan umadihii innaga horeeyay iyo innagaba {umada nabi muxamed}
sida ilaahay yidhi sw { يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ (183)
{Kuwii iimaanka lahaayow waxaa la idinku faral yeelay soon, sida loogu faral yeelay kuwii idinka horeeyay si aad all uga cabsataan.}
2- soonka sababtiisa ayaa lagu dhaafaa dambiyada oo lagu tirtiraa dunuubta wuxuu soo wariyay abuu hurayra in xabiibkeenii muxammed yidhi {من صام رمضان إيمانا و احتسابا غفرله ما تقدم من ذنبه } bukhaari 38 muslim 760
{ qofka sooma ramadaanta isaga oo rumaysan, ilaahay dartiina u soomaya ajarkana rabigii ka xisaabsanaya waa loo dambi dhaafaa dambigiisii hore }
Markale wuxuu yidhi abuu hurayra isaga oo xabiibkeenii ka soo warinaya
{ الصلوات الخمس والجمعة إلى الجمعة ورمضان إلى رمضان مكفرات لما بينهن إذا اجتمبت الكبائر } muslim
{Salaadaha shanta ah jimce ilaa jimce ramadaan ilaa ramadaan inta u dhaxaysa ayaa lagu tirtiraa dambiaydooda hadii laga dheeraado dambiyada waawayn. }
3- abaal marinta soonku kuma xidhna tiro la garan karo ha yeeshee qofka sooman waxa rabi ugu deeqay abaal iyo ajar bilaa xisaaba.
Abuu hurayra wuxuu soo wariyay in xabiibkeenii muxammed yidhi scw xadiithu qudsi rabigii ka soo warinayo ((عن أبي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ يَقُولُ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ اللَّهُ كُلُّ عَمَلِ ابْنِ آدَمَ لَهُ إِلَّا الصِّيَامَ فَإِنَّهُ لِي وَأَنَا أَجْزِي بِهِ وَالصِّيَامُ جُنَّةٌ وَإِذَا كَانَ يَوْمُ صَوْمِ أَحَدِكُمْ فَلَا يَرْفُثْ وَلَا يَصْخَبْ فَإِنْ سَابَّهُ أَحَدٌ أَوْ قَاتَلَهُ فَلْيَقُلْ إِنِّي امْرُؤٌ صَائِمٌ وَالَّذِي نَفْسُ مُحَمَّدٍ بِيَدِهِ لَخُلُوفُ فَمِ الصَّائِمِ أَطْيَبُ عِنْدَ اللَّهِ مِنْ رِيحِ الْمِسْكِ لِلصَّائِمِ فَرْحَتَانِ يَفْرَحُهُمَا إِذَا أَفْطَرَ فَرِحَ وَإِذَا لَقِيَ رَبَّهُ فَرِحَ بِصَوْمِهِ))
{ rabi wuxuu yidhi shaqo kasta {cibaado} oo adoonku qabto isaga aya iska leh abaalkeeda soomka mooyaane anniga ayaa leh aniga ayaana ku abaal marinaya, soomku wa gaashaan, midkiin maalinta uu sooman yahay yaanu hadal xun ku hadlin, dhacdhacna ka dhicin, hadii qof ku caayo ama kula dagaalamo ku dheh waan soomanahay, waxan ku dhaartay allaha naftaydu gacantiisa ku jirtee urta qofka sooman calooshiisa ka soo baxdaa waa ka udgoon badan tahay urta miskiga, qofka soomanna waxaa u sugnaaday laba farxadood farxad marka uu afuro iyo mid marka uu rabigii la kulmo }
Xadiithkani dhawr dhinac ayuu inaga tusinayaa fadliga iyo wanaaga soonku leeyahay
1- ilaahay ayaa u gaar yeelay naftiisa isaga oo ka doortay acmaashii kale oo dhan, taasina waa sharafat iyo wanaaga uu leeyahay iyo sida ikhlaasku ugu badan yahay.
2- abaal marinta soomku waa ka duwan tahay kuwa kale hadii kuwa kale la libin laabo ilaa todoba boqol oo jeer soonka rabibaaa naftiisa u gaar yeelaya abaal amrintiisa.
3- soonku waa gaashaan qofka ka dhawraya in uu ku dhaco laqwigii iyo dambigii awalba xaaraanta ahaa.
4- khaluuf- urta qofka calooshiisa ka soo baxasa ee samaynaysa ur aan dadku jeclaysanayn in ay ilaahay agtiisa ka udgoon badan tahay urta miskiga oo ah waxyaabah ugu urta wanaagsna aduunka guudkiisa, sababta uu fadligaa u yeeshayna waa midhihii soonka ayuu ka mid yahay taasina waa caddayn kale oo tilmaamasa wanaaga soonka iyo sida uu u yahay mid culus ilaahay agtiisa.
5- qofka sooman waxaa u sugnaaday laba farxadood, mid marka uu afuro ah iyo mid marka uu rabigii la kulmo ah. Wuxuu ku farxayaa waxa rabi ugu nimceeyay ee ah soonkiisii oo si fiican ugu dhamaaday, isaga oo rabi waafajiyay intuu soomana iyo intii kaleba cibaadooyin kale oo badan.
Xadiithkani wuxuu inna siinayaa talo muhiima oo ah hadii cidi ku caydo ama kula dagaalanto wixii aad samayn lahayd oo ah in aanad ku qaabilin waxa lagugu sameeyay wax la mida, sidoo kalena aanad aamusin si aan cidda ku caayasaa ama kula dagaalamasaa u dareemin daciifnimo xagaaga ah si intaaba looga baxo waxaa la inna siiyay talo dhaxal gal ah oo ah in aad tidhaa – waan soomanahay- wa kalmad tilmaamasa in waxa ku xidhayaa in aanu ahayn awood darro ee ay tahay in aad dhawrsanaso soonkaaga oo ah waxa ku xidhaya markaas cayda iyo dagaalku in ay go,aan waan rajaynayaa.
4- wanaagyada soonka waxaa ka mida in uu qofka samaynaya u ergaynayo maalinta qiyaame, cabdulaahi binu cumar wuxuu ka soo wariyay in xabiibkeenii muxammed scw yidhi { الصبام والقران يشفعان للعبد يوم القيامة يفلول الصبام أى رب منعته الطعام والشهوة فشغعنى فيه ويقول القران منعته النوم باليل فشفعنى فيه {قال فيشفعان
{ soonka iyo quraankuba waa u ergeeyaan adoonka maalinka qiyaame, sonku wuxuu yidhaa rabiyoow waxaan u diiday cunnidii iyo shahwadisii ee ergadayda u aqbal, quraanka hadlaya oo isna odhanaya rabiyaw waxaan u diiday hurdadii habeenkii uu seexan jiray ee ergadayda u aqbal, deedna labadoodaba waa loo aqbalaa.
Ugu dambayntii walaalayaal fadliga iyo wanaaga soonku leeyahay la gaadhi maayo ilaa qofku la yimaad aadabat soonka, oo aan ka warami doono, ee aynu ku dedaalno ilaalinta iyo sugida soonkeena, rabina aan u toobad keeno gaabiska aan samaynayno, ilaahaw soonka noo ilaaali oo nooga yeel mid noo ergeeya, noo dambi dhaaf annaga iyo waalidkayo, iyo dhamaan muslimka oo dhan, ammaan iyo nabad galyo korkiisa ha ahaato xabiibkenii muxammed ehelkiisii iyo asxaabtiisiiba.

3- xukunka soonka bisha ramadaan
Ilaahaybaa mahad oo dhani u sugnaatay, allaha waxa uu bixiyo cid joojisaa aanay jirin, waxa uu joojiyana cid bixin kartaa aanay jirin, in isaga la adeecaa waa shaqo la qabto ta ugu wacan aduunka guudkiisa, waana darajo ay gaadhaan dadka alle ka cabsiga ku sifoobay , waxan ugu mahadnaqayaa rabigeen swt nimcooyinka iyo fadaaisha uu inna siiyay, waxaan qiraya ilaah xaq lagu cabudaa in aanu jirin allah mooyaane, waxa kale oo aan qiraya in muxammedna yahay adoonkii alle iyo ergaygiisiii, kaas oo alle doortay , ammaan iyo nabad galyo korkiisa ha ahaato isaga iyo abuu bakarkii fadliga badan ku dhaafay qayrkii, cumarkii shaydanku wadada uu maro maahee ta kale ka mari jiray, cuthmaan ninkii labada nuur u saaxiibka ahaa ee labadii hablood ee rasuulka guursaday markay mid dhimatay tii kale xigsiisan loo siiyay, cali ninkay nabi muxamed xididka ahaayen ilmaadeerkana ahaayeen, iyo dhammaan asxaabtii kale ee ku kasbaday ammaan iyo wanaag difaaca diintan iyo faafinteedaba, taabiciintuu wanaaga ku raacay iyo kuwii ka dambeeyay intaba korkooga ha ahaato ammaan iyo nabad galyo.
Intaa ka dib
Walaalayaaal Soonku waa mid ka mida tiirarka shanta ah ee diinta islaamku ku taagan tahay, iyo waxyaabaha ay ku dhisan tahay.
ilaahay wuxuu yidhi { يا أيها الذين آمنوا كتب عليكم الصيام كما كتب على الذين من قبلكم لعلكم تتقون }
{kuwii iimaanka laga helayaw waxaa la idinku faral yeelay soon, sidii loogu faral yeelay kwii idinka horeeyay si aad alle uga cabsataan}
Rasuulkuna wuxuu yidhi { عن أبي عبد الرحمن عبد الله بن عمر بن الخطاب رضي الله عنهما قال : سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول
🙂 بني الإسلام على خمس : شهادة أن لا إله إلا الله ، وأن محمدا رسول الله ،وإقام الصلاة ، وإيتاء الزكاة ، وحج البيت ، وصوم رمضان( رواه البخاريومسلم .
Abii cabdiraxmaan cabdulaahi ina cuamr bkhadaab wuxuu yidhi waxaan rasuulka ka amqlay isaga oo leh { islaamka waxaa lagu dhisay shan arimood
1- tawxiidka:- labada kalmadood ee shahaadataynka 2- salaada oo la oogo 3- zakada oo la guto 4- xajka oo la aado 5- bisha ramadaan oo la soomo }.
Dadka muslimiinta ahi waxay isku waafaqeen {ijmaaceen} waajibnimada soonka bisha ramadaan, isku waafaqid go’an oo daruuri ah, qofka diida waajibnimada soonka bisha ramadaan waa ku gaaloobayaa, waa laga toobad dalbi hadii uu toobad keeno waa laga aqbali hadii kale gaalnimo murtad ah ayaa loo dilayaa, la maydhi maayo la kafmi maayo, laguna tukan maayo loona ducayn maayo, waana la iska aasi si aan maydkiisu dadka u dhibin.
Soonka waxaa la waajibiyay sanadkii labaad ee hijrada, rasuulku wuxuu sidaa ku soomay sagaal sanadood , waajibnimada soonkuna waxay soo martay laba marxaladood.
1- marxalada koobaad kala doorasho la kala dooranayo in uu qofku wax cuno iyo in uu soomo, yada oo qofka soomaa ka fadli badan yahay kan kale.
2- marxalada labaadna waajibnimada soonka doorasho la,aan.
Waxaa laga soo wariyay salamata binul akwac in markii ay soo degtay aayada rabi uu leeyahay (وَعَلَى الَّذِينَ يُطِيقُونَهٌ فِدْيَةٌ طَعَامُ مِسْكِينٍ) waxay ahayd marka qofku uu rabo in uu iska afuro wuxuu samayn jiray in uu fidyo bixiyo, ilaa ay ka soo degtay aayadda ka dambaysay (فَمَنْ شَهِدَ مِنْكُمُ الشَّهْرَ فَلْيَصُمْهُ) ilaahay waxaa uu ku waajibiyay soomka doorasho la,aan, soonkuna ma waajibayo ilaa la sugo soo galitaanka bisha ramadaan, lamana soomi karo ka hor maalin ama laba maalmood soo galitaanka bisha Ramadaan { لا يتقدمن أحدكم رمضان بصوم يوم أو يومين إلا أن يكون رجل كان يصوم صومه فليصم ذلك اليوم }
{Midkiina yaanu ka hor marin maalin ama laba maalmood bisha ramadaan ilaa qof soomi jiray soon kaasi ha iska wato.}
Waxaa lagu xukumayaa soo galitaanka bisha ramadaan laba arimood
1- aragtida bisha hadalka ilaahay yidhi { فَمَنْ شَهِدَ مِنْكُمُ الشَّهْرَ فَلْيَصُمْهُ } qofka idinka midka ah ee arka bisha ha soomo.
rasuulkuna wuxuu yidhi { إذا رأيتم الهلال فصوموا} markaad bisha aragtaan sooma,
looma shardiyo in qofkastaaba naftiisa u arko ee hadii uu arko qof lagu kalsoon yahay bishii waa ku waajibayaa soonku dhamaan dadkoo dhan.
2- Waxaa kale oo lagu xukumayaa soo galitaanka bisha ramadaan hadii la arki waayo bisha in la dhamays tiro sodonka shacbaan, wuxu yidhi xabiibkeenii muxammed { صوموا لرؤيته وأفطروا لرؤيته فإن غُم عليكم الشهر فعدوا ثلاثين } bukhaari
{ku sooma aragti kuna afura aragti, hadii ay idinka qorsoonto ama aad arki waydaan bisha dhamaystira sodonka bisha shacbaa}
Axaadtihtaasi waxay inoo caddaysay in aan bisha ramadaan la soomayn ilaa la arko bisha ama la dhamaystiro sodonka shacbaan, lana soomi maayo maalintaa sodonaad maadaama ay tahay maalin shaki, sida xabiibkeenii muxammed tilmaamay { من صام اليوم الذي يشك فيه فقد عصى أبا القاسم } tirmidi
qofka sooma maalinta laga shakisan yahay waxaa uu caasiyay abl qaasim.
Turjumidii iyo diyaarintii Xamse maxamed cali