Taxanaha Casharada Ramadanta

0
1558

5- fadliga akhrinta kitaabka alle

Ilaahaybaa mahad oo dhan iska leh allaha inoogu yeedhay xagiisa, waafajiyayna cidda uu doono sawaabka iyo sida saxsan, inooguna nimceeyay soo dajintka kitaabka qur’aanka ah. Ammaan iyo nabad galyana korkiisa ha ahaato adoonkii iyo ergaygii alle ee nabi muxammed.

Walaalayaal ilaahay wuxuu yidhi

{ليوفيهم أجورهم ويزيدهم من فضله إنه غفور شكور إن الذين يتلون كتاب الله وأقاموا الصلاة وأنفقوا مما رزقناهم سرا وعلانية يرجون تجارة لن تبور 29 ) } kuwa kutaabka alle akhriyaya salaadana oogaya wixii aan siinayna wax ka mida bixinaya kuwaasi waxay rajaynayaan ganacsi aan khasaarayn ilaahayna wuu uoofinayaa abaalladooda una kordhiyo fadligooda Allena waa mid dambi dhaaf badan oo mahadnaqa.

Akhrinta kitaabka ilaahay ee quraanku waa laba nooc

1- akhrin xukmiya :- waxaanay noqonasaa taasi in la rumaysto wuxuu ka waramay quraanku, lana fuliyo axkaamta ku jirta, samaynta amarrada iyo ka dheeraanshaha waxyaabaha la innaga reebay.

2- akhrin kalmad ah :- waa akhrinta kitaabka quraanka ah waxaana ku timi daliilo aad u fara badan o ka warmaya fadliga qofka akhriya quraanka oo dhan ama meelo iyo suurado ka mida .

cuthmaan binu cafaan wuxuu rasuulka ka soo wariyay In u yidhi { خيركم من تعلم القرآن وعلمه } waxa idiinku khayr badan kan quraanka barta ee dadkana siii bara.

Markale wuxuu yidhi xabiibkeenii muxammed { الْمَاهِرُ بِالْقُرْآنِ مَعَ السَّفَرَةِ الْكِرَامِ الْبَرَرَةِ، وَالَّذِي يَقْرَأُ الْقُرْآنَ وَيَتَتَعْتَعُ فِيهِ وَهُوَ عَلَيْهِ شَاقٌّ لَهُ أَجْرَانِ }

Ka xariifka ku ah akhriska quraanku wuxuu la mac yahay malaaigta safiirada ah ee sharafta iyo wanaaga u saaxiibka ah, ka quraanka akhrinaya isaga oo uu ku adag yahayna waxa uu leeyahay laba ajar. Labada ajar midi waa akhriska qur’aanka kan kalena waa dhibta iyo tacabka.

Xabiibkeenii muxammed wuxu yidhi markale (اقرؤوا القرآن فإنه يأتي شفيعاً لأصحابه }

{ akhriya quraanka maxa yeelay wuxuu imanayaa maalinka qiyaame isaga oo u ergaynaya asxaabtiisa }

Markale xabiibkeenu wuxu yidhi { من قرأ حرفا من كتاب الله فله به حسنة، والحسنة بعشر أمثالها، لا أقول: ألم حرف؛ ولكن ألف حرف , ولام حرف، وميم حرف. رواه الترمذي وغيره وصححه الشيخ الألباني. }

{ qofka akhriya xaraf ka mida kitaabka alle wuxu leeyahay wanaag, wanaaguna waa toban jeer, odhan maayo alif laam miim wa xaraf alifku waa xaraf laamkuna waa xaraf miimkuna waa xaraf}

Kama gayoon karno maanta oo dhan fadliga akhriska kitaabka alle, bal se waxaan ku so af meerayaa bishani waa bishii quraan akhriska ee ugu yaraan qofkastaaba ha ka dhigto saaxiibkiisa koobaad ee habeen iyo maalinba kitaabka quraanka ah. Ilaahayna tubta toosan ha innagu hago.

…………………………………………………………………………………………………………………………

6.1- QAYBAHA DADKA EE AXMAATA SOONKA

Waxay mahadoo dhami u sugnaatay allaah scw ku sugay shay kasta xikmadiisa, una dhigay sharci naxariistiisa iyo xikmadiisa ku salaysan , inna faray in aan adeecno baahi aanu inoo baahnayn, ee waa baahi aan innagu isaga u baahannahay, una dambi dhaafa adoon kasta oo u toobad keena, waxaan ilaahay ugu mahad naqanaa si hoose oo sira iyo si muuqata oo kor ah, ammaan iyo nabad galyo korkiisa ha ahaato nabi muxammed isaga iyo asxaabtiisii iyo ehelkiisii iyo cid kasta oo ka dambaysa oo wanaag ku raacda ilaa qiyaamaha.

Waxaynu ku soo marnay kulankii sadexaad waajibnimada soonka iyo in markii hore uu soo maray laba amrxaladood deedna ugu dambayntii waajibnimadu sugnaatay deeto dadkii ay noqdeen qaybo oo toban ah marka la eego axkaamta soonka. Bal aynu kuwaa yara dul istaagno.

1- qaybta koobaad :- waa qofka muslimka ah qaan gaadhay ee caqligiisii qaba, ee baradiisii jooga, awood u leh, kana nabad galay waxyaabihii soonka diidayay, qofka noocaas ah waxaa ku waajibay soomida ramadaanta wakhtigeeda, waxaana inna tusaya oo daliil u ah kitaabka quraanka, sunnada rasuulka iyo ijmaaca ummada.

Ilaahay wuxuu yidhi swt { فمن شهد منكم الشهر فليصمه } ‘ ka idinka midka ah ee arka bishu ha soomo, rasuulkuna wuxuu yidhi { إذا رأيتم الهلال فصوموا } ‘ markaad aragtaan bisha sooma’ muslimiintuna waxay ku kulmeen oo isku waafaqeen waajibnimada soomkaa aan soo sheegnay.

Gaalka dushiisa ma aha soom oo kama ansaxayo maxaa yeelay ehelba uma ah, se haduu islaamo bisha dhexdeeda inta u dhiman uunbuu soomaya inta kale waa laga cafiyay.

2- qaybta labaad :- ilmihii yaraa dushiisa soon ma ahaanin ilaa inta uu ka qaangaadhayo, sida xabiibkeena muxammed tilmaamay { رفع القلم عن ثلاث عن النائم حتى يستيقط وعن الصغير حتى يكبر وعن المجنون حتى يفيق } ‘sadex qalinka waa laga kor qaaday(dambi ma laha waxay sameeyaan intay ku jiraan sadexdan xaaladood loo qori maayo) kii hurday ilaa inta uu ka toosayo, kii yaraana ilaa inta uu ka waynaanayo, kii maskaxda ka xanuunsanayayna ilaa inta uu ka bogsanayo” markay sidaa tahay waxaa la gudboon in ay amraan waalidka ama masuulka ilmaha yari hadii uu awoodayo si uu ugu tobabarto, si aanay ugu noqon markuu qaangaadho ku soo boodo, salafkii iyo saxaabadiina sidaasay ahaayeen qaar ula dhaqma ubadkooga marka ay gaajo dareemaan ee ay ooyaana qalabka ciyaarta ayay siin jireen si ay u iloobaan gaajada. In badan oo masuuliyiinta ubadka ahi maanta way moogan yihiin, qaarkoodbaaba odhanay waan u tudhanaa ama waan u naxariisananaa, ha yeshee naxarista dhabta ahi wa tarbiyadda wanaagsan.

Qaan gaadhnimada raggu waxay ku noqotaa sadex mid

b- in biyihii manidu ka yimaadaan ama riyo ha kaga yimaadaan ama si kale, ilaahay wuxuu yidhi {وإذا بلغ الأطفال منكم الحلم فليستئذنو ا كما اسنذن الذين من قبلهم } marka ay ciyaalkiinu gaadhaan qaan gaadh ha idinka dalbadaan idan sidii kuwii idinka horeeyay oo kale. Xabiibkeenuna wuxuu yidhi { غسل اليوم الحمعة واحب على كل محتلم } maydhashada maalinta jumce waa ku waajib qof kasta oo qaan gaadha.

t- in ay timihii halka hoose ka soo baxaan { agagaarka xubinta taranka } waxaa u daliila markii rasuulku weeraray reer banii qurayda ( waa mid ka mida sadexdii qabiilooyin ee yahuudeed ee degana madiina agagaarkeeda) waxa amar uu ku bixiyay in la laayo cid kasta oo biyihii manida isku aragtay ama timihii hoose ka soo baxeen, ciddii aan intaa ahayn waa la iska daayay.

j- dhamaystiranka da’da shan iyo tobanka. waxaa u daliila cabdilaahi binu cumar ayaa wuxuu yidhi maalintii uxud ayaa loo bandhigay rasuulka anniga oo afar iyo toba jira se iima ogolaan(dagaalka). isla xadiith kale ayaa tilmaamaya in u loo bandhigay dagaalkii godka (khandaq) deedna uu u ogolaaday rasuulku isaga oo shan iyo toban jir ah.

Qaan gaadhnimada dumarkuna waxay ku ahaanasaa sadexdaa raga oo lagu daray, in ay gabadhu hesho ama uu ka yimaad dhiiga caadadu ( xayd), marka ugu horaysa ee gabadhu hesho dhiiga caadada (xayd) waa marka ugu horayso ee ay qaan gaadho ee awaamirta rabi toos ugu socoto soonkan aan ka waramanaana uu ku waajibayo.

3- qaybta sadexaad :- waa kii caqligiisa wayaya isna soon ku waajibi maayo waxaana u daliila xadiithkii aan hore ka soo tilmaamanay ilaa inta uu ka caqliyaysanayo. Hase yeeshee hadii xaaladaha qaar uu so miyirsanayo xaaladaha qaarna uu ku noqonayo miyir la,aan soonku wuxuu ku waajibayaa xaaladaa uu maanka qabo, se xaalada kale waajib kuma ah.

4- qaybta afaraad :- gabawgii gaadhay heer uu asaasaqo, kala saaridiina ka tagay kaasi soon waajib kuma aha, sidoo kalena in uu cid quudiyaa waajib kuma aha sababtuna waa waajibaadkii sharcigu saaray ayaaba ka dhacay wuxuuna noqday sida ilmaha yar oo kale, ha yeeshee hadii uu mararka qaar kala saarayo wax mararka qaarna aanu kala sarayna wuxuu soonku waajib ku noqonaya xaaladaa uu wax kala saarayo se xaaladda kale waa ka dhacayaa.

5- qaybta shanaad :- kii aan awoodayn soonka ee awood darradiisaasina ay tahay mid joogta ah oo aan la rajaynayn in ay ka suusho, sidii kii waynaaday ama kii xanuunsanayay xanuun aan la rajaynayn in uu ka bogsado kaasi soon waajib kuma aha se badelkiisa wuxuu bixinayaaa in uu maalin walba miskiin quudiyo, si dhex dhexaad ah oo baladkaa uu ku nool yahay looga yaqaan hadii qofku cuno in la odhan karo qofkaasi si fiican ayuu u dhergay.

Walaalayaal sharcigani waa xikmad xagga rabi ka ahaatay waana anxariis uu rabi ugu naxariisanayo adoomahiisa, maxaa yeelay waa sharci ku dhisan fudady iyo naxariis, ilaahayna waxaa uu ku waajibiyay mid kasta oo ka mida mukalfiinta waxa uu awoodayo oo ku munaasaba xaaladiisa si qofkasta u sameeyo isaga oo ku laab qabooba oo ku xasilsan si nafsiyan ah.

Qaybaha dambe waa darsiga darsigan inoo xiga hadii rabi idmo

Rabi tubta toosan ha innagu hago, dambigeena iyo kii waalideenteenba ha dhaafo ramadaantaana wanaaga iyo khayrka ku jira ha inna waafajiyo, acmaasha iyo cibaadoyinkaan qabanaynana rabi ha innaga aqbalo.

……………………………………………………………………………………………………………………..

6.2 qaybaha dadka ee soonka

Ilaahaybaa mahad leh swt allaha ka sareeya cid lala simo ama la barbar dhigo allaha ka daahirka ah dhamaan ceebaha iyo nusqaamaha, allaha ka nasahan ubad iyo awlaad, ammaan iyo nabad galyana korkiisa ha ahaato xabiibkeenii muxamed scw iyo dhamaan asxaabtiisii ehelkii iyo atbaacdiisii intii wanaag ku raacday.

Walaalayaal waxaynu soo qaadanay darsigii kan ka horeeyay shan qaybood oo ka mida qaybaha dadku u kala baxaan maantana waxaynu ka hadli doonaa idamka alle swt qaybo kale oo ka mida qaybaha dadku u qaybsamaan soonka bisha ramadaan.

6-qaybta lixaad musaafirka aan u qasdiyin in uu ku bannaysto afurka safarkiisa, hadii uu u qasdiyo in uu afuro xaaraan ayay ka noqonasaa, soonkun waajib ayuu ku noqonayaa, hadii musaafir yahay ka madhan arintaa aan soo sheegnay lababa way u banaantahay in uu soomo iyo in uu iska afuro oo uu wax cuno deedna hadhaw qaleeyo oo dib ka soomo.

waxaana u daliila hadalka ilaahay yidhi { أَيَّامًا مَعْدُودَاتٍ فَمَنْ كَانَ مِنْكُمْ مَرِيضًا أَوْ عَلَى سَفَرٍ فَعِدَّةٌ مِنْ أَيَّامٍ أُخَرَ } waa maalmo kooban kii idinak mid ah ee musaafira ama xanuunsanaya mar kale ha soomo.

Xabiibkeena muxammed ayaa u baxay maalin magaalada maka waa sanadkii la furanayee, wuu soomay markuu gaadhay meesha la yidhaa “kuraac qamiim” dadkiina way soomeen isaga la jirkiisa deeto waxa lagu yidhi wuu ku adkaaday soonkii waxaanay sugayaan waxaad samayso rasuulku wuxuu dalbaday in loo keeno weel biyo ku jiraan waa bacda casar deeto biyihii ayuu cabay dadkoo arkaya, xadithka imaamu muslim ayaa so wariyay.

Qofka safarka ku jira ahdii safarku ku adkaado uma abanaana in ay soomaan, waajib waxa ku ah in ay iska afuraan sida ku sugan xadithka aan hore ka so sheegnay markii dadka uu ku adkaaday ee uu afura ayaa la yidhi qaarbaa sooman rasuulkii allow deedna wuxuu yidhi laba jeer kuwaasi waa kuwa dambaabay.

markale rasuulku wuxuu yidhi sida jaabir soo warinayo in rasuulka oo safar ku jiraa uu arkay nin lagu buuqsan yahay oo loo hadhaynayo deedna wuu waydiiyay waxay yidhaahdeen wuu sooman yahay rasuulku wuxuu yidhi “ ka mid maaha wanaaga saoomka safarku”.

Soonku wuu axkaam badan yahay se waxaan ku soo koobanaa hadii qofka aanu dhib kaga imanayn waa iska soomi karaa se hadii uu dhib kala kulmayo haba yaraatee waxaa waajiba in uu iska afuro, yadoo ay wacan tahay qofku in uu qaato rukhsada rabi siiyay.

7- qaybta todobaad kii xanuunsanayay ee la rajaynayay in uu ka bogsado xanuunka wuxuu leeyahay sadex qaybood.

b- waa qof xanuunsanaya soonku aanu dhib ku ahayn, dhibna aanu ku keenayn, qofkaasi waxaa waajib ku ah in uu soomo maxa yeelay cudur daar ma haysto u banaynaya in uu afuro.

t- waa qof xanuunsanaya oo soonku dhib ku yahay se aanu dhibayn kaasi waa iska afurayaa { ومن كان مريضا أو على صفر فعدة من أيان أخر } in uu soomo waa wax laga fiican yahay isaga oo ay dhib ku tahay maxaa yeelay wuxuu ka baxaya rukhsadii rabi u jideeyay adoomahiisa, naftiisana wuu dhibayaa, xabiibkeena wuxuu yidhi { إن الله يحب أن يؤتى رخصه كما يكره أن يؤتى معصيته } ilaahay wuxuu jecel yahay in loola yimaad rukhsadiisa sida uu u ancayo in loola yimaad macsi.

j- hadii uu soomo soonku wuu dhibayaa kaasi waxaa waajib ku ah in uu afuro oo uu wax iska cuno umana banana in uu soomo, sababta oo ah ilaalinta naftu waa mid rabi inna farya in la ilaaliyo, si gaara cibaadada rabi oo rabi inoo yeelay cudurdaaro aan ahayn wax nafta dhibay oo loo afuro mise waaba wax nafat dhib u gaysanaya taa rabi waa inoo diiday ilaahay wuxu yidhi {لا تقتلو أنفسكم إن الله كان بكم رحيما و } nafiina ha dilina maxaa yeelay rabi wuxu yahay ahaana doonaa mid idiin naxariista, rasuulkuna wuxuu yidhi { إن لنفسك عليك حق } ‘ naftaadu xaqbay kugu leedahay’ xaqa nafta ayay ka mid tahay in aan nafta la dhibin yada oo ay haysato rukhsad rabi siiyay.

Qofka oo sooman hadii xanuun ku dhaco, xanuunkaasina ku adkaado waxaa u banana in uu iska afuro jiritaanak wax u baneeya oo jiro darted oo ah xanuunka. Hadii xanuunkii hayay uu ka ladnaado maalinta dhexdeeda uma banana in uu soomo sababtun waa wakhtigii soonku uu bilaabmayay oo laga soo gudbay darted .

Hadii uu sugo dhakhtar lagu kalsoon yahay in soonku qofka xanuun u sababayo ama uu u dib dhigayo in uu bogsado soonku kaasi way u banana tahay in uu iska afuro, ilaalin la ilaalinayo caafimaadka ama laga hortagayo xanuun, hadii la rajaynayo In uu ka ladnaado oo dhibtu ka tagto wuu iska sugi inta ay ka tagaso deedna wuu qallayn, hadiise aan la rajaynayn in uu suulo xanuunku xukunka qofkanina wuxuu noqon kii shanaad ee aan ka soow aranay oo ah in uu maalin aksta quudiyo miskiin oo halkii cuntada quudintaasi gasho.

Rabi tubta toosan aha innagu hago acmaasha aaan qabanana rabi ah innaga aqbalo, dambiaydeena iyo kuw awaalidkeenna rabi ha dhaafo .

…………………………………………………………………………………………………………………….

6-3 qaybaha dadka ee soonka iyo axkaamta qallaha

Ilaahaybaa mahad oo dhami u sugnaatay allaha kaliga ah ee wayn, allaha ka sareeyay in ay koobto indhaha dadku ama waxa quluubta dadka ku soo dhaca, ammaan iyo nabad galyana korkiisa ha ahaato xabiikbeenii muxammed iyo asxaabtiisii ehelkiisii iyo intii wanaaga ku raacday.

Walaalayaaal waxaan shalay soo qaadanay todoba qaybood oo ka mida tobanka qaybood ee dadku u qaybsamaan soonkoodu bisha ramadaaan.

8-qaybta sideedaad haweenayda caadada heshay sonku waa ka xaaraan hadii ay soontana ka ,ansixi maayo, waxana u daliila hadalka xabiibkeena muxammed yidhi { ما رأيت من ناقصات عقل ودين أذهب للب الرجل الحازم من إحداكن قلن وما نقصان ديننا وعقلنا يا رسول الله قال أليس شهادة المرأة مثل نصف شهادة الرجل قلن بلى قال فذلك من نقصان عقلها أليس إذا حاضت لم تصل ولم تصم قلن بلى قال فذلك من نقصا }

{maan arag qaar ka diin iyo caqli yara haddana ka bajinaya ninka caqliga badan caqliyadiisa iyo doonistiisa, mid ka midaa waydiisay oo tidhi waa maxay nusqaanta diintayada iyo ta caqliguba? Xabiibkeena waxaa uu yidhi miyaanay ahayn markhaatiga gabadhu mid u dhigma markhaatiga ninka badhkii, waxay yidhaahdeen haa, isna wuxuu yidhi wataa nusqaanta caqligu, haweenaydu marka ay caado hesho {xayd} miyaanay ahayn mid aan soomayn oo aan salaadayn, waxay yidhaahdeen haa, isna wuxuu yidhi wataa nusqaanta diintu.}

Dhiiga caadadu { xaydku } waa dhiig dabiiciya oo ay gabadhu isku aragto maalmo kooban, hadii dhiigaasi gabadhu aragto haba ahaato cadeed dhicii ka hore soonkeedu wuu burayaa maalintaasi soonkeedana waa lagu leeyahay in ay qallayso hadii aanu ahayn soon sune ah, hadii maalin badhtankeed ay isku aragto soonkeedu ansixi maayo in ay sii wadato jiritaanka uu jiro wax soonka diidayaa darted.

Hadii ay haweenaydii caadada lahayd ay ka daahirawdo caadada daqiiqado ka hor wakhtigii fajarka ama salaada subax waxaa ku waajibaya in ay soonto yaanay maydhanba maydhigii waajibka ahaaye. Rasuulku sida caaisha ay soo warinaso wuxuu ahaa mid waabariist oo waagu u soo galo isaga oo jiinaabaysan { aan daahir ahayn} deedna waa iska soomijiray ramadanta.

Dhiiga dhalmada ee loo yaqaan {nifaaska} isna waa la mid dhamaan xaga axkaamta dhiiga aan soo sheegnay ee xaydka.

Waxa ku waajibaya labada qofba waa gabadha caadada heshay ee soomkaa ka tagtay iyo gabadha dhashay dhiigii nifaaska heshayee in marka ay cudur daarkaa sharciga ah ka baxaan ay dib ka soomaan maalmihii sonka ee lagu lahaa.

9- qaybta sagaalaad waa gabadhii ilmaha naaska nuujinasay ama uurka lahayd ee nafteeda ama ta waladkeda u baqatay way iska afurasaa sida uu tilmaamayo xadiithka anas soo warinayo

(إن الله وضع الصوم عن الحامل والمرضع )

{Ilaahay waxa uu ka dhaafay soonka qofka musaafirka ah gabadha uurka leh iyo gabadha naaska nuujinasa} waxaana ku waajibaya gabadha in ay dib ka soo qallayso maalmihii dhaafay ee ka tagay inta ay cudurdaarka ku jirtay marka ay u fududaato ee cudurdaarkii sharciga ahaa meesha ka baxo.

10- waa qofkii u baahday in uu u afuro si uu dhib cid kale haysatay uga dulqaado sida in uu badbaadiyo qof bani aadam ah dhiigiisu dhawran yahay in uu ku haftay biyo, ama dab ku dhex jiro, ama guri ku soo dul dumay ama wax la mida isaga oo sooman aanay suurta gal u ahayn in uu badbaadiyo ilaa uu ka afurayo taasi way u banaanaysaa, waxaabay ku noqonasaa waajib in uu afuro si uu soo badbaadiyo, maxaa yeelay badbaadinta naftaa macsuumka ahi waa waajib waxa uu waajibku ku dhamaystirmayana waa waajib.

Waxaana u daliila xadiithkii rasulku ugu sheegayay asxaabtiisi markii ay jihaadka galayeen in uu u baahan yahay jihaadku awood sidaa darted ay iska afuraan, imaamu muslim ayaa soo wariyay.

Mid kasta oo ay u banaantahay in uu afuro sababtiisuna tahay mid ka mida kuwaa tobanka ah ee aan soo qaadanay lagu diidi maayo hadii uu sheegto in uu iska afurayo hadii sababtiisu tahay mid muuqata sida xanuun ama qofkii waynaaday ama musaafirka ahaa, hadii se ay tahay sabab qarsoon waxa fiican in uu afurkiisuna qarsoonaado sida haweenaydii caadada lahayd oo kale iyo qofkii qofka kale soo badbaadiyay. Sababat sidaa loo samaynayaana waa si aanay u kadsoomin kuwa juhalada ahi oo aanay u moodin in cudurdaar la,aan wax la iska cuni karo bisha ramadaan dhexdeeeda.

Mid kasta oo ka mida qaybahaa aan soo tilmaanay ee wax qalaynayaa waxa ay qalaynayaan oo kaliya intii maalmood ee ay cududrdaarka haysteen oo kaliya hadii bisha oo dhan uu cudurdaar u haystay wuu qalaynayaa bisha oo dhan hadi wax intaa ka yar uu u haystayna sidoo kale.

Sida ugu wanaagsan qaluhuna waa in loo dhakhsado marka ugu horaysa ee ay qofka u fududaato, umana banaaana qofku in uu dib u dhigo dayntii lagu lahaa ilaa laga gaadhayo ramadaanta dambe taasi waxay ku keenasaa culays kana mid maaha xikmadaha loo jideeyay in qofku uu qaleeyo in culays sidaas oo kale ahi uu fuulo adoonka.

Qofa dhinta isaga oo soon lagu leeyahay waa laa mid uun

b- qof soonkii dib dhigey se cudurdaarkii wali jiro kaasi laguma laha wax qale ah oo ehelkiisu ay ka soomaan

t- waa kii cudurdar haystay se markii cudurdaarkii uu ka baxay wakhtigii dhimashadiisu timi isaga oo soomin waajibkii lagu lahaa kaa waxa ka soomaya ehelkiisa kuwa ugu dhaw gaar ahaan kuwa xaqqa u leh dhaxalkiisa, hadii aanay jirin cid ka soonta oo uu ka tagay aduun aduunkaa ayaa inta maalmood ee aanu soomin laga quudinaya maalin kasta miskiin.

Ilaahaw dambigayaga noo dhaaf iyo ka waaldiiintayo acmaasha iyo cibaadooyinkana naga aqbal.

Waxa turjumay oo diyaariyay Xamse Maxamed Cali