Taxanaha Casharada Ramadaanta

0
1630

9- Xikmadaha Soonka

Ilaahaybaa mahad oo dhami u sugnaatay allaha maamula habeenada iyo maalmaha, isu bad-badala bilaha iyo sannadada, allaah waa mid ka nasahan xumaan dhammaanted, ammaan iyo nabad galyo korkiisa ha ahaato xabiibkeenii muxammed scw , iyo dhamaan intii wanaaga ku raacday asxaabtiisii iyo ehelkiisii ugu horeeyaan.

Walaalayaal ogaada rabi dhamaanteen ha inoo naxariistee, in rabi ka leeyahay xikmado dhamaystiran oo xeel dheer abuuritaankeena iyo wuxuu inoo sharciyeeyay.

ilaahay waa mid xakiim ku ah aburka iyo sharciyaynta uma abuurin adoomahiisa ciyaar iyo dheel dheel, umana sharciyayn sharciyo dheel dheel ah, iska dhaaf sidaase wuxuu u abuury arin wayn wuxuuna u cadeeyaya jidka toosan, wuxuuna u sharciyeeyay sharciyo markasta oo ay sameeyaan iimaan uga kordhayo oo ay adoonimadoooda ku dhamaystirmaso, ma jirto cibaado ka mida cibaadooyinkiisa ilaa wuxuu ka leeyahay xikmad xeel dheer cidii ogina waa ogtahay cidii aan ogaynina ma oga, ogaansho la,aanteena xikmada rabi u jideeyay daliil uma ah in aanay wax xikmad ah lahayn, waxaabay caddayn kale u tahay sida awoodeenu u yartahay in ay gaadho xikmadaha rabi ka leeyahay arimaha dhacaya. {وما أتيتم من العلم إلا قليلا } “aqoonta waxa la innaga siiyay wax yar”

Ilaahay wuxuu u sahrciyeeyay cibaadooyinka una nidaamyaya mucaamalaadka{ wada noolaanshaha} si uu ugu imtixaamo adoomahiisa oo ay u kala baxaan una kala noqdaan mid isaga caabuda oo adeeca iyo mid hawadiisa raaca oo adeeca.

– xikmadaha waxa ka mida in ilaahay inooga dhigay cibaadooyinka qaar kala duwan si uu rabi ugu kala saaro adoomahiisa qaabilaada iyo raali ahanshaha.

– xikmadaha soonka waxa ka mida in soonku yahay cibaado rabi loogu dhawaado in laga tago waxayabihii la jeclaa ee cunto iyo cabitaan laaha deedna taasi ka dhigto mid daahir ay tahay runnimada iimaankiisu iyo sida adoonnimadiisu u tahay mid adag, oo jacayl iyo rajo waxa agtiisa yaala ku salaysan.

– xikmadah soonka waxaa ka mida in uu sabab u yahay alle ka cabsi sida ilaahay yidhi swt

{ يا أيهاالذين آءمنوا كتب عليكم الصيام كما كتب على الذين من قبلكم لعلكم تتقون }

‘Kuwiii iimaanka lahaayaw waxa la idinku waajibiyay soon sidii kuwii idinka horeeyay si aad rabi uga baqataan’

qofka sooman wuxuu samaynayaa waxyaabihii la faray oo dhan wuxuuna ka tagayaa wixii laga reebay oo dhan waa sida all aka cabsigu.

Xabiibkenuna wuxuu yidhi { من لم يدع قول الزور والعمل به زالجهل فليس لله حاحة من أن يدع طعامه وشرابه } “qofkaan ka tagin hadalka xun iyo ku dhaqankiisa iyo akhlaaqda xun ilaahay wax baahiya uma qabo in uu ka tago cuntada iyo cabitaanka”

– xikmadaha soonka waxaa ka mida in qalbigu u banaanaanayo fikir iyo xus rabi swt maxaa yeelay in jidhku qaato waxyaabah uu jecelyahay waxay keensataa qaflad iyo qalbi adayg iyo in uu xaqqa ka daboolnaado sidaa darteedbaa xabiibkeenu inna faray in aan yaraysano cuntada.

– xikmadaha soonka waxaa ka mida in qofka hodanka ah ee ilaahay wax siiyay uu ogaado nimcada rabi siiyay ee cunto iyo cabitaanba leh isaga oo rabi in badan oo khalqiga ka mida aanu siin, deeto taasi ayay sabab ugu noqoto in uu hoos u eego fuqarada iyo masaakiinta iyo kuwaan waxba haysan isaga oo kaga dayanaya arintaa xabiibkeenii muxammed oo ahaa marka horeba mid deeqsiya si gaarana ahaa bishan khayrka badan mid gacantiisu furan tahay oo khayrka u dheereeya.

– xikmadaha soonka waxaa ka mida in nafta la maamulo oo la hogaamiyo maadaama ay tahay mid shaydaankii laga xidhan maadaama ay tahay mid maalin oo dhan sooman maadaama ay tahay mid waxyaabihii ay ku xoogaysan lahayd oo dhan laga mamnuucay maadaama albaabadii jannadu furan yihiin, maadaama albaabadii naartuna xidhan yihiin, intaas oo arimoodba waxay keensanayaan in naftu noqoto mid hogaansan, sidaa darted qofka sooman waa fursad uu nafta ku laylyo.

– xikmadaha soonka waxa ka mida in meelihii dhiigu marayay cidhiidhi galo sababtuna waa harraadka iyo gaajada qofku ku sugan yahay, deeto waxa cidhiidhi galiya marinadii shaydaanka deedto waxa halkaa ku buraya ama jabaya shahwadii iyo waxyaabihii naftu jeclayd, ee shaydaankuna sababta ugu noqonayay uguna qurxinayay.

– xikmadaha soonka waxaa ka mida waxa ka ratibmaya ee leh faaidooyin caafimaad oo fara badan cuntada oo la yaraystaa waa caafimaadka koobaad ee jidh ahaaneed ee laga helo soonka, habdhiskii dheef shiidka oo isna wakhti fiican u helaya in uu shaqadiisii qabto iyo qaar kaloo badan .

Maxaa ka wayn xikmadaha ilaahay kana xeel dheer, maxaa uga nafci badan khalqiga iyo hagaajintiisa.

Ilaahaw diintayada na fahamsii, oo nagu hanooni wanaagyada qarsoon ee shareecadaada, noona wanaaji arimahayaga aduun iyo kuwayaga diineedba,dambigayaga dhaaf iyo ka waalidiintayo iyo muslimka oo dhan, ilaahaw naxariistaada noogu naxariiso, amman iyo nabad galyana korkiisa ha ahaato xabiibkeenii iyo ahalkisii iyo asxaabtiisii dhamaantood.

———————————————————————————————–

10 – Aadaabta Soonka ee Waajibka ah

Mahadnaq dhamaanteed rabibaa iska leh allaha ku hooninayay khalqiga akhlaaqda teeda wanaagsan, oo uu u furay albaabada naxariistiiisa ee iftiimiyay quluubta mu’miniinta deedna ay xaqiiqada gaadheen ajarna ay rabigood ka dalbadeen, kuwa ka sii jeestayna uu qluluubtooda ka daboolay daacadiisa deedna uu noqday yaga iyo rabigood dhexdoodu xijaab iyo teed.

Ammaan iyo nabad galyo korkiisa ha ahaato xabiibkeenii muxammed asxaabtiisii ehelkiisii iyo intii wanaag ku raacday.

Walaalayal waxaad ogaataan in soonku uu leeyahay aadaab fara badan oo aanu dhamaystirmayn ilaa yada lala yimaad, waa laba qaybood

b- waa aadaab waajib ah oo ay lagama maarmaaan u tahay qofka sooman in uu ilaaliyo

t- aadaab sunne ah oo u haboon qofka sooman in uu ilaaliyo.

Aadaabta waajibka ah ee mudan in uu sameyo qofka sooman waa in uu la yimaad waxyaabihii rabi ku waajibiyay ee cibaadooyinka ah mid ficil ah ama mid hadal ah .

1- ilaalinta salaadaha faralka, waa qodob aad muhiim u ah waajibnimada salaadu maaha wax sahlan, waa tiirka labaad ee islaamka yadaaba ka horaysa soonka oo noqonaya kan afaraad ama shanaad, salaadaa in loo ilaaliyo arkaanteeda waajibaadkeeda iyo wax kasta oo laga rabo qofka salaada tukanaya, goodi daran ayaa ku soo arooray cidda salaada ka tagta, sida rabi ku tilmaamay suuratu Maryam- markii uu ka soo waramay anbiyo badan ayuu ku so af meeray in anbiyadaa iyo dadkaa wanaagsan ay dabadood yimaadeen duul xumi waxyaabihii ugu horeeyay ee ay sameeyeena waxay noqotay salaaad oo ay dayaceen, deeto rabina cadaab ayuu u sugay in ay leeyihiin.

Si gaara waxaa raga ku waajiba in ay salaaad ku ilaaliyaan jamaca oo ka fadli iyo darajo badan kalinimaad in ka badan 27darajo. Fadaaisha iyo wanagyada saladu wuu badan yahay halkanna kuma soo koobi karnee aynu ogaano waajibaadka ugu waawayn ee laga rabo qofka sooman in ay ka mid tahay.

2- in uu ka dheeraado qofku waxyaabah rabi ka xarrimay ama loo diiday oo uu ka dheeraado.

Beenta oo ah dhaqan aad u liita oo rabi iyo rasuulba inoo tilmaameen in aanay wacnayn iyo in ay sabab u noqoto in qofka ku dhaqma naarta galiso

Xanta yadna waa dhaqan xun oo ay waajib tahay in qofka muslimka ahi ka dheeraado gaar ahaan marka uu sooman yahay, in afkiisa si fudud ay ku soo marto, arintaana quraanak ayaa rabi inoogu tusaaleeyey tusaale aad u foolxun taana wuxuu rabi ku tilmaamay suuradda – Al xujaraad.

Namiimada ama isku dirka yadana waa arin kale oo mudan in qofku ka dheeraado soona hoos galasa waxyaabaha rabi inoo diiday, xabiibkena muxamed aya ku tilmaamay in qofka isku diraalaha ahi aanu jannaada galayn, waa waciid iyo goodi aad u daran.

Qishka ama is daba marinta oo la inoo diiday dhamaan nolosheena qaybaheeda kala duwan hadday tahay alaab kala iibsi, adeeg bixin, korooyinka iyo wixi la mida, xabiibkeena aya ku tilmaamay in qofka na qishaa ama na khiyaamaa aanu naga mid ahayn. Innagana wakhtiyada ramadaanta oo ah wakhtiyada ganacsigu aadka u socdo waa muhiim in aan ka dheeraano si gaara dadak dharka iibiyo oo aad looga iibsan doono ciidda darted in ay iska ilaaliyaan.

Heesaha laqwiga ah iyo qalabka loo tumaba waa muhiim in laga dheeraado, sababtuan waxay ka mdi yihiin waxyaabaha xaaraanta ah ee qofka sooman la rabo in uu ka dheeraado si aan soonkiisu u noqon mid ku daciifa dhagaysiga heesahaa xaaraanta ah. Xabiibkenuna waaka tilmaamay in ay ka mid noqon doonto wakhtiyada dunidu gabaabsiga tahay ee aakhiru samaanka qaar xalaashada waxyaabo marka hore xaaraan ka ahaa sida khamriga dharka xariirta ah sinada iyo heesaha.

Waxaynu ku soo afmeeranaa qormadeenan kooban ee ku saabsan aadaabta waajibka ah ee laga rabo qofka sooman hadal qiima badan oo laga soo wariyo in uu yidhi jaabir rabi raali ha ka ahaadee { markaad soonto ha ka soomo maqalkaaga aragaaga iyo carabkaaguba beenta iyo waxyaabaha xaaraanta ah, ka dheeroow in aad dhibto jaarkaaga, ku sugnoow deganaan iyo xisilooni yaanay isku mid ahaanna maalinta aad sooman tahay iyo maalinta aanad soomanayan.

Rabi tubta toosan ha innagu hanooniyo, raboow diinta noo xifdi, kana jooji xubanahayaga in ay kaa cadhaysiiyaan, noona dambi dhaaf annaga iyo waalidkayo noona naxariiso.

———————————————————————————————–

11- aadaabta soonka ee sunnaha ah

Mahad dhamaanteed waxaa iska leh allah swt inna abuuray innagana dhigar qoor isaga u hogaansan ‘muslimiin’, ammaan iyo nabad galyana korkiisa ha ahaato xabiibkeenii muxammed scw.

Walaalayaaal kulankani waa qaybtii labaad ee ka mida aadaabta soonku uu leeyahay kuwa sunnaha ah wax aka mida

– aadaabta soonka ee sunnaha ah waxa ka mida SUXUUR waa cunida iyo cabida habeenka qaybta ugu dambaysa waxana loogu bixiyaya suxuur wakhtiga ay dhacdo darted, rasuulkuna scw waa inna faray suxuurta oo wuxuu yidhi { تسحروا فإن فى السحور بركة } suxuurta waxa suxuurta ku jira barako iyo khayr badanee.

markala wuxuu yidhi rasuuulkeenu scw {فضل ما بين صيامنا وصيام أهل الكتاب أكلة السحر } fadliga u dhaxeeya innaga iyo kuwii kitaabka la siiyaya { yuhuud iyo nasaaro} waa cunista suxuurta.

Wax lagu suxuurta waxa u wanaagsan timirta oo faaidooyin badan leh, sida xabiibkeena muxammedscw tilmaamay {نعم سحور المؤمن التمر } waxa ugu wanaagsan suxuurta muminka timirta, xattaa hadii uu qofku waayo wax uu ku suxuurto kabosho biyana ha noqotee yaanu ka tagin fadli badanbaa ku soo arooray.

Waxa haboon qofka suxuuranaya in uu niyoodo suxuurtan in uu kaga dayanayo rasuulkeenii muxammed, una samaynayo qaadashada amarkiisa si ay u noqoto cibaado, in uu u niyoodu in uu soonka ugu xoogaysanayo, sida sunnada ku sugan waxa wanaaagsan in dib loo dhigo cunista suxuurta yada oo aad loogu dhawaynayo wakhtiga salaaad subax.

sidaa faaidooyin ayaa ku jira ay ka mid tahay.

b- sunnihii rasuulka oo la racayo

t- ilaalinta salaada subax si aan wakhti badanba ugu dhaxayn aan hurdada oo dadku badanka jecel yihiin dib ugu noqon

j- qaadashada wakhtigaa ee suxuurta waa quraac la soo dadajiyay oo kale sida qofka cunaa uu wada tamar u noqonayo, iyo qaar kaloo badan.

– adaabta soonka ee sunnaha ah waxaa ka mida Dadajinta afurka marka la hubsado in ay cadceedu dhacday taasina laba mid uunbay ku ahaan yada oo la arkay ama in la maleeyo male xoog badan oo tilmaamaya in ay cadceedii dhacayd sida qofka adima oo uu ku kalsoon yahay ama wax la mida. Rasuulkuna wuxuu yidhi { لا يزال الناس بخير ما عجلو الفطر } dadku kamay suulin khayr iyo wanaag inta ay dedajinayaan afurka. Markale wuxuu yidhi rasuulku xadiithka uu rabigii ka soo warinayo { إن أحبكم إلى عبادى أعجلهم قطرا } waxa loogu jecel yahay adoomahayga xaggayga kooga u dhakhsaha badan afurka.

Waxa haboon qofkii helaya in uu ku afuro timirta nooceeda loo yaqaan RUDAB, wuxuu rasuulku ahaa mid ku afura salaada ka hor Rudab, haduu waayana timir haduu timir waayaan waxooga biyo ah.

Afurka oo la dadajiyo waxa ku jira faaidooyin dhawra

b- in salaada maqrib loo dhakhsado

t- in la yaraysto cuntada

j- iyo ku dayasho rasuulka lagu dayanayo.

– aadaabta soonka ah ee sunnaha ah waxaa ka mida badinta quraan akhriska dukriga ducada salaada iyo sadaqada, axaadiith badan ayaa ku soo aroortay oo innagu dhiiri galinasa waxaa ka mida.

b- rasuulku wuxuu yidhi scw sadex ducadooda lama celiyo waxa ka mida qofka sooman ilaa inta uu ka afurayo.

t- rasuulku wuxuu ahaa mid dadka ugu deeqsisan si gaara marka bisha ramadaan soo gasho markaas oo uu quraanka la subcin jiray malakul jibriil.

– aadaabta soonka ee sunnaha ah waxaa ka mida in uu qofku soo xaadirsado nimcada soonka ee rabi ugu deeqay sida uu u waafajiyay taasina ay ku dhaliso in uu u mahadnaqo in badan rabigii swt, maxaa yeelay dad badan Ayaan nasiib u helin in ay soomaan oo soonkoodu wanaag iyo khayr ugu dhamaado qaar way dhinteen halka qaar kale bukaan oo sariira ay dul jifaan, qaar kale mashquul ayaa ku furan aanay jaanis u helin in ay ku soomaan ama soonkoodu noqdo mid aadaabtii waajibka ahayd iyo tii sunnaha ahaydba loo ilaaliyay oo loo dhawray, ugu dambayntii halka qaar kale aanu rabiba waafajin yaga oo caafimaad nabad iyo jaaninsba u haysta in ay soomaan.

Dadka sooman waxaa u fiican in ay ka soomaan hawadooda iyo waxa ay nafahu doonayaan maadaama shayaadiintii madaxa adkayd la xidhay, si ay soon fiican u helaan maalinka qiyaamo markale qofka muslimka ka mid maaha dhaqankiisa in uu yidhaa wakhtigaan is dhaafinayaa ama aan isku mashquulinayaa ciyaar daawashadeed ama wax kaba liita sda maanta dhalintu u badan tahay ciyaarista laadhuu dubnad shax ama wax la mida waliba casribaa lagu jiraaye waxa maanta aad u mashquuliyay dhalinteenii laadhudii ama ciyaarihii kale oo looga dhigay qaab ay kaga ciyaari karaan mobilekooga yada oo ay la cyaari karaan qof wadan kale jooga qaab ay wada joogaan oo kale oo hadda ah ‘online’

Ilaahay tubta toosan innagu hago rabi ha inoo anxariisto ha u gargaaro dadka muslimka ah ee maanta meelo badan oo dunida ka mida ku dhibaataysan diintoodana ha fahamsiiyo dulmigana ha ka kor qaado.


12- waxyaabaha soonka buriya
Allah swt ayaa mahad oo dhan iska leh inoo yeelay cibaadooyin aan isaga ugu dhawaano samayntooda, inoona cadeeyay cibaadooyinkaasi sida ay ku noqonayan qaar ku sifaysan sifadii uu rabi rabay iyo waxyaabaha buriya hadii adoonku uu la yimaad si uu aqoon ugu sugnaado ilaahaybaa mahad leh saxa ama xaqqa iyo baadilka ama qaladka inoo kala cadeeyay, ammaan iyo nabad galyo korkiisa ha ahaato xabiibkeenii kii ay indhuhu ku doogsanayeen muxammed ibnu cabdullah, ehelkiisii asxaabtiisii iyo intii wanaaga ku raacday ilaa maalinka qiyaame yagan dushooda wanaag ha ahaado.
Walaalayaal ilaahay wuxuu yidhi { فَالْآنَ بَاشِرُوهُنَّ وَابْتَغُوا مَا كَتَبَ اللَّهُ لَكُمْ ۚ وَكُلُوا وَاشْرَبُوا حَتَّىٰ يَتَبَيَّنَ لَكُمُ الْخَيْطُ الْأَبْيَضُ مِنَ الْخَيْطِ الْأَسْوَدِ مِنَ الْفَجْرِ ۖ ثُمَّ أَتِمُّوا الصِّيَامَ إِلَى اللَّيْلِ ۚ وَلَا تُبَاشِرُوهُنَّ وَأَنتُمْ عَاكِفُونَ فِي الْمَسَاجِدِ}
Ilaahay wuxuu yidhi { hadda waad u tagi kartaan ooriyihiina idinka oo doonaya wixii rabi idiin qoray, cuna oo caba ilaa waaga iftiinkiisu ka cadaanayo habeenka madawgiisa oo ah salaada subax inta la gaadhayo, deeto soonka wakhtigaa idiin bilaabma dhameeya ilaa inta habeenka laga gaadhayo.}
Ilaahay aayadan wuxuu ku sheegay usuusha waawayn ee soonka qofka ka burisa nabiguna inta dhiman ayuu axaadiithta ku sheegay
Waxyaabaha soonka buriyaa waa lix
1- GALMADA waxa labada xubnood ee lab iyo dhadiga oo is gaadha walaw yaanay biyaba imanee, arinta tan ahi waa ta ugu wayn uguna adag xagga dambiga qofka xaaskiisa u taga maalin ramadaan isaga oo sooman, soonkiisii wuu burayaa waajib iyo sunne kuu doono haba ahaadee, hadii ay maalin ramadaan dhacdana waxa waajib ku ah in qalaha soonka uu raaciyo kafaara gud la adkeeyay oo ah sidan
b- adoon mumina xorayntii t- hadii uu waayana wuxuu soomayaa laba bilood oo xidhiidh ah maalinna aanay u dhaxayn ilaa kuwo uu cudurdaar sharcigu siiyay sida maalmaha ciida ama xanuun ama safar isaga oo aan u qasdiyayn, hadii uu afuro maalin kaliya bilaa cudur daar dib ayuu ugu soo celinaya haba ahaato maalintii ugu dambeysay. j- hadii uu awoodi waayana wuxuu quudinayaa lixdan miskiin oo uu siinayo quudin ta dhexdhexaadka ah, arinta noocan ahina waxay ka dhacday asxaabi ka mida asxaabtiisii oo u yimi maalin ramadaan deeto rasuulku sidaa aan sheegnay ayuu u kala horaysiiyay.
2- biyaha oo la iskaga keeno ikhtiyaar, qofku in uu dhunkado, ama uu taabto gabadh xaaskiisa ama mid kale ama uu gaacanta uu biyaha iskaga keeno iyo wixii la mida taasina waxay ka mid tahay shahwadii soonku aanu ku ahaanay ilaa laga dheeraado sida xadiithu qudsiga ku timi.
{يدع طعامه وشرابه وشهوته من أجلى } {wuxuu uga tagaya cuntadiisa .
cabidiisa iyo shahwadiisaba anniga dartay}
Dhunkashada iyo taabashada aanay qofka biyuhu kaga imanayn soonka ma buriso, sida xadiithka caaisha ay xabiibkeena ka soo warinaso in rasuulku uu ahaa mid dumarkiisa dhunkada lana mucaamalooda wax aan ka ahayn galmo, isaga oo sooman.
Hadii qofku aanu is hayn karayn oo arimuhu iska raacraacayaaan ka xaaraan ayay nqoonasaa si wax ka wayn looga hortago ama uu xaaraan ugu dhaco.
Qofka hadii biyuhu kaga yimaadaan isaga oo hurda oo uu riyoodo ama maskaxdiisa wax ku soo dhacay ay biyuhu kaga yimaadaan taasi soonkiisa waxba yeeli mayso waxabay ka mdi tahay tan dambe waxyaabaha rabi uu umadiisa ka dhaafay.
3- cuntada iyo cabida waa in cunto la gaadhsiiyo ama cabid caloosha yada oo afka ama sanka laga qaadanayo noocyada cuntada iyo cabidu haba kala duwanaadaane. Waxaana u daliila aayadii aan hore ka soo tilmaanay ee rabi ku yidhi { وَكُلُوا وَاشْرَبُوا حَتَّىٰ يَتَبَيَّنَ لَكُمُ الْخَيْطُ الْأَبْيَضُ مِنَ الْخَيْطِ الْأَسْوَدِ مِنَ الْفَجْرِ ۖ ثُمَّ أَتِمُّوا الصِّيَامَ إِلَى اللَّيْلِ} cuna oo caba ilaa wagu ka baryayo markaas oo cuntada iyo cabidu xaaraan ka noqonaso, sidoo kale sandaarsiga waysada yada in laga dheeraado in aanu qofku ku talax tagin waa taladii rasuulku inna siiyay.
4- wax kasta oo la macnaha ah cunto iyo cabitaan isna waa laba arimood
b- in dhiig lagu shubo qof sooman, taasi waxay u gaalasaa meeshii cuntada oo kale hadiiba qofka lagu shubo isaga oo sooman waa afurayaa oo soonkiisa waa ka burayaa .
t- qaadasahda irbadaha wax quudiya ee qofku uu kaga kaaftoomi karo cuntada iyo cabida, hadii uu qaato waa ku afurayaa yaanay ahaanba cunto iyo cabid xaqiiqa ah ee.
5- mataga oo qofku si u kas ah iskaga keeno,waana in uu iska soo saaro wixii calooshiisa ku jiray ee cunto ama cabid lahaa isaga oo adeegsanaya afka arintaa isaga oo oo rasuulku inoo tilmaamaya wuxuu yidhi { ( مَنْ ذَرَعَهُ الْقَيْءُ – أي : غلبه- فَلَيْسَ عَلَيْهِ قَضَاءٌ ، وَمَنْ اسْتَقَاءَ عَمْدًا فَلْيَقْضِ ) صححه الألباني في صحيح الترمذي .
Wuxu yidhi xabiibkeenu { qofka matag uu ka yimaad ee uu ka xoog roonaado dushiisa ma ahaanin wax qale, qofka iska keena ha qaleeyo.
6- imaanshaha dhiigaga dumarka sida xaydka iyo nifaaska
Rasuulu wuxuu yidhi أليس إذا حاضت لم تصل ولم تصم؟} gabadhu markay ay hesho dhiiga xaydka ama nifaaska miyaanay ahay mid aan soomayn oo aan salaadayn.
Gabadhu marka ay aragto dhiigagaa yada oo sooman walaw haba ahaato mid u dhaw wakhtigii ay afurasee soonkeedaa waa ka burayaa. Hore ayaynu usoo taataabanay tafaasiil inahan ku saabsan.
Qofka waxaa xaaraan ka noqonasa in uu la yimaad arimahan inta awoodiisa ah marka laga reebo kuwa aan isaga kuba xidhnayn sida dhiigaga dumarka oo kale, se kuwa kale ee ku xidhan doorashada waxaa mudan in qofku ka dheeraado si soonkiisii uu u noqdo mid sax ah oo dhamaystiran.
Ilaahay ti ta toosan ah innaga hago bishii durba waa tobankii dhexe oo laba amalmodo aan ka qaadanay ilaahay intii na dhaaftay naga aqbal inta soo socotana cibaadadeeda na waafaji.
Waxa turjumay oo diyaariyay: Xamse Maxamed Cali