Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)?

0
2109

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)?

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)?  Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u  wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha  cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay  ku beegnayd  xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabay goobtii loo yiqiinay Xerodhufta. Xilli ku beegan 1966 ayuu Xasan u wareegay dhanka geerashyada, isagoo ka shaqayn jiray geerashkii ay Xaaji Dool iyo Cabdi Giirshe wada lahaayeen. 1967, ayuu abwaan Xasan ku biiray ciidamadii xoogga dalka Soomaaliya ee Kamaandoosta loo yiqiinay. Wakhti ku beegan 1970 ayuu si rasmi ah ugu biiray kooxdii baamboyda  iyo kooxdii Janan Daa’uud. Intii aanay Soomaaliya burburin abwaan Xasan-Ganey waxa uu ka mid ahaa abwaanada fankoodu siraadan yahay ee aadka loo jeclaa. Dadka fallanqeeya suugaanta abwaan Xasan-Geney waxa ay sheegaan in uu aad ugu xeeldheer yahay dhaqanka iyo deegaanka Soomaalida. Taasna waxa ka markhaati-kacaysa suugaantiisa dahabka ah ee ay dadku aadka ugu raaxaystaan. Abwaan Xasan-Ganey hadda waxa uu ku nool yahay magaalada Hargeysa.

Xigasho: Taariikh nololeedkan kooban waxa aan ka soo xigtay qoraal uu madaxa mareegta www.farshaxan.com, mudane Fu’aad  Sheekh Abuubakar ku baahiyay barta intarnatka ee  http://www.somaliland.org/blog/

Halkan ka akhri qoraalka uu mudane Fu’aad ka qoray abwaanka: http://www.somaliland.org/blog/2009/01/19/maxaad-ka-taqaan-abwaan-xasan-xaaji-cabdilaahi-xasan-ganay/

Heestii ugu horraysay ee uu abwaanku sameeyaa, waxa ay ahayd heesta tidhaa: Caashaqu shafkaygii, hawl yaraan shuq ma u yidhi. Waxa qaadday Sacaada Alaale, oo ahayd xaaskii Ilaahay ha u naxariistee Axmed Nuur Jaango. Waxaana muusiga saaray Axmed Nuur Jaango.

Abwaan Xasan-Ganey waxa uu sameeyay riwaayado badan, kuwaasi oo  raadad badan ku yeeshay  suugaanta iyo nolosha Soomaalida.  Walow aynaan hal qoraal iyo laba toona ku soo koobi karin taariikhda iyo suugaanta abwaan Xasan-Ganey, haddana waxa aan jeclaystay in aan idinla wadaago qaar ka mid ah riwaayadihii iyo heesihii uu abwaanku sameeyay.

Dab jacayl kari waa – 6 April 1974?
Abwaanka riwaayaddan sameeyay: Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan-Ganey)
Xiddigga: Axmed Cali Cigaal
Xiddigta: Aamina Cabdilaahi Xirsi

Fannaaniinta kale ee riwaayaddan ku jiray waxa ka mid ahaa:

Shamis Abokor ( Guduudo Carwo )
Maxamed Cumar Huryo ( IHN)
Ismaaciil Cabdi ( Basbaas )
Xasan Aadan Samatar
Aamina Cabdillaahi Xirsi
Sahra Axmed Jaamac
Maxamed Aadan Dacar
Maxamed Yuusuf
Cabdi Cali Bacalwaan
Cabdalla Raage Taraawiil
Qamar Cabdillaahi Harawo

Heesaha riwaayaddan ku jiray waxa ka mid ahaa:

Laqanyada jacaylka-  Sahra Axmed Jaamac iyo Cabdi Cali  Bacalwaan
Ambabaxaye socodka inaan Eebbe igu qadin—Axmed Cali Cigaal iyo Aamina Cabdillaahi Xirsi
Faraskaagii  laga badi-  Sahra Axmed Jaamac iyo  Cabdi Cali Bacalwaan
Shafka kaalay igu qabo —  Axmed Cali Cigaal iyo Sahra Axmed Jaamac
Caashaqu wadaad ma leh–  Aamina Cabdillaahi Xirsi
Aragtaye maxaad odhan, ma ishaad wax kaga jari: Cabdi Cali Bacalwaan

Aamina Cabdillaahi Xirsi

Weligeed adduunyada
Wakhtigaa qof saacida
Midna  waayahaa xidha
Labadaasi waxaan ahayn
Horaa looga waayoo
Waa nin iyo waagii
Aniguna wisiisiga
Waxaan wayda la hayaa
Iigu wacan waxyeellada
Wiishbay la sare tegay
Caashaqu wadaad ma leh
Waalalowna kuma hadho
Waan waana kala tage
Waxba hay dabiibina
Wadka aan is aragnee

Webi bay la sare tegay
Waddadiina ka ambaday
Sida weel dalooshamay
Biyaha  looga wabiyaa
Waanadu i dhaaftaa
Culimada wanaagsani
Camma iyo watiiniyo
Wadduxaati oo idil
Hadday igu wareejaan
Walbahaarku ima dhigo

Caashaqu wadaad ma leh
Waalalowna kuma hadho
Waan waana kala tage
Waxba hay dabiibina
Wadka aan is aragnee

Wahab baa igu yuurura
Waabayda igu maqan
Warrankaa halbowlaha
Waageerka halistiyo
Wadnahayga kala jaray
Intii aanan waalnayn
Imaydaan warraysane
Waaheen naftuu sido
Weli hadday iigu yeedhaan
Ma waxbuu u tarayaa
Caashaqu wadaad ma leh
Waalalowna kuma hadho
Waan waana kala tage
Waxba hay dabiibina
Wadka aan is aragnee

Jinni iyo jacayl – 1975
Abwaanka riwaayaddan sameeyay: Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)
Xiddigga iyo xiddigta: Axmed Cali Cigaal iyo Khadra Daahir Cige
Laxanka: Axmed Cali Cigaal, Siciid Maxamed Xarawo, Saalax Qaasin, Cabdi Cali Bacalwaan.
Muusikada: Hobolada Waaberi

Heesihii riwaayaddan ku jiray waxa ka mid ahaa:
Bada guuxda een gudhin: Axmed  Cali Cigaal iyo Khadra Daahir Cige
Geediga hayaankuba: Axmed Cali  Cigaal iyo Khadra Daahir Cige
Halku dooxa Waaheen, bad waqooyi kaga daro: Axmed Cali Cigaal iyo Khadra Daahir Cige.
Sida moodda galabtii: Sahra Axmed Jaamac
Wadar yahay gar daranaa, wiilku soo indho caddaa: Sahra Axmed Jaamac iyo Cabdi Cali Bacalwaan.

Khadra Daahir Cige

Geediga hayaankuba
Goor gaaban adigoo
Guri waayay laga baxay
Iyo ood aad gurataaba
Iyo ood aad gurataaba
Gabalkiina kuu dhacay
Dhirta geed aan la jarin iyo
Ogoow lama garaacaan
Go’i waaye inuu jiro
Gar Allee dadkuna qaar
Waa sidaa geddaasiye
Mar in aynu  nahay gacal
Marna ahay gayaankaa
Gaar ahaanna caashaqu
Guudkaaga igu furay
Garashada xusuusoo
I sii gacan walaalnimo

Axmed Cali Cigaal

Gudgudaha hillaacuba
Gu’  barwaaqo oo da’ay
Godlan yihiin daruuruhu
Iyo dirir aan gaagixin
Goglan tahay xareeduna
Dhulkaba meel  gawaanoo
Ogoow geedo soo bixin
Go’ i waaye inuu jiroo
Go’ i waaye inuu jiro
Gar Allee dadkuna qaar
Waa sida geddaasiye
Gasariir  ha noqonnine
Mar in aynu nahay gacal
Gasariira ha noqonnine
Mar in aynu nahay gacal
Marna tahay gayaankey
Labadaaba garansani
Kuna guursan maayee
Taasaad niyadda gelin

Khadra Daahir Cige

Marti goorxun socotaba
Gurigaaga oo madhan
Adigoon gasiin hayn
Iyo gaabanow adhi
Iyo gaabanow adhi
Geeluna irmaaneyn
Dadkaba gobol aan la qadin iyo
Ogoow gibil ma daadshaha
Loo gowracaa jira
Ha gafine ujeeddadu
Waa sida geddaydoo
Mar haddaynu nahay gacal
Marna ahay gayaankaa
Gaar ahaanna caashaqu
Guudkaaga igu xiray
Garashada xusuusoo
I sii gacan walaalnimo

Axmed Cali Cigaal

Hadalkeenna googaa
Cadalee ha gelinene
Aniguba gantaallahu
Haddii ay ku gaareen
Haddii ay ku gaareen
Gacan baan ku siin lahaa
Galladdiyo nasiibkuna
Ogow gaadmo iyo orod
Midna laguma gaaree
Midna laguma gaaree
Gar Allee dadkuna qaar
Gar Allee dadkuna qaar
Waa sida geddaasuye
Gasariira ha noqonnine
Mar in aynu nahay gacal
Gasariira ha noqonnine
Mar in aynu nahay gacal
Marna tahay gayaankey
Labadaaba garansani
Kuna guursan maayee
Taasaad niyada gelin

Galbeed waa la xorreeyey, Waarsaa gaagixisay— 1978?
Abwaanka riwaayaddan  sameeyay: Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)
Xiddigga: Xasan Aadan Samatar
Xiddigta: Sahra Axmed Jaamac

Riwaayaddan markii hore magaceedu waxa uu ahaa; Galbeedoo la xorreeyay iyo gaafkeenii isku hagaagay. Waxa uu abwaanku riwaayaddan sameeyay 1977, laakiinse dib ayay u yara  dhacday.  Markii dagaalkii Soomaali Galbeed  iyo Itoobiya dhammaadayna, waxa uu abwaanku beddelay magacii hore ee riwaayadda, waxaanu ka dhigay Galbeed waa la xorreeyey, Waarsaa gaagixisay, sidaas ayaanay riwaayaddani si rasmi ah u soo baxday sannadkii  1978.

Heesihii riwaayaddan ku jiray waxa ka mid ahaa:

Sayloo  guyaal badan : Xasan Aadan Samatar iyo Sahra Axmed Jaamac
Maalmaha qalloocaa : Xasan Aadan Samatar
Wuxuu noole daawado daa’uusku waa kow, isagana qab baa dilay, waxa loogu dawgalay nabar aan dawo lahayn: Xasan Aadan Samatar iyo Sahra Axmed Jaamac
Gadhba gadhbaa la tusaa
Masciideed: Amina Cabdillaahi Axmed iyo Barrow
Leeleelka caashaqa: Aamina Cabdillaahi Xirsi iyo Barrow

Xasan Aadan Samater:

Sayloo guyaad badan
Soo baxa kaliishii
Seelseelna loo degay
Sannad geelu badi dhalay
Oo sidigtii Laalays
Nirguhu aanay socod baran
Reeraha sintoodiyo
Kaymo saar leh loo dhigay
Oo igadh mid yari sabo
Maqaar lagu salaaxooy
Saameeshay gaawaha
Oo baarqab soohani
Isagoo ah laba-sabar
Soofeeyey micidoo
Ka sanqadhiyey doobtii
Salaaddiina roorsaday
Ugabkii u saniyoo
Surmo dheer la tiigsaday
Saqdii dhexena roob helay
Subixii bariisada
Sideedaan jalleecada
Saxansaxo udgoon badan
Sanka kuula raacaa

Sahra Axmed Jaamac:

Sange subag idaad iyo
Sumal baridii lagu shubay
Ooy sabada ceelkiyo
Sohdu tahay agtiisoo
Loogu dhaansho sacabada
Oo Sudiyo Howd sare
Seddex guure daaqoo
Weli aan sedyari arag
Oo seeto iyo dabar
Labadaba ka saahiday
Oo salow dagaal iyo
Cidi geyn  saraayaha
Oo sararta naaxdiyo
Timuhu ay isku seexdeen
Oo seyn-gargortiyo
Loo salaaxa guudkoo
Saxarkii ku duuliyo
Looga maydho  siigada
Loo saaro kooraha
Cigalkiina loo suray
Sarajoogga iyo muuq
Sankuneefle kaligaa
Adaa suuraddiisa leh

Xasan Aadan Samater:

Sagal gaaxday roob subax
Seermaweydo soo guday
Waaguna ku sarakacay
Sarajoog nin dhererkii
Cadceedduna la siman tahay
Nuurkuna sagootiyey
Oo waqal sindadab iyo
Guulaamo socotiyo
Kala soocday dhibicii
Oo midab sibaaqiyo
cadaan wada siraatiyo
madoow suul-dhalaal xiga
Seddexdaa miduun yahay
Qof suureeyey kala garan

Oo beel Sanaagiyo
Ku surmiday saraar godan
Saadaalinaysoo
bal halkuu ku simo iyo
Sugayaan inuu helo
Subixii bariisada
Sidoodaan jalleecada
Saxansaxo udgoon badan
Sanka kuula raacaa

Sahra Axmed Jaamac:

Dhulku saacu wada gaadh
Waanu kala sed roonyee
Meel idaha seel u leh
Riyahana salool u leh
Oo geela saar u leh
Oo dirir sagaariyo
Sagaal gudcurkuna helay
Saga xareedaan
Biyuhuna sunsumayaan
Oo saawasaawiyo
Saxal cudur lahaynoo
Salka looga degay nabad
Oo saraarta dixidiyo
Simantahay dareemadu
Oo sebiga caanihii
Lagu siiyey golihii
Habluhuna sibraar iyo
Dhiilo saabka loo tolay
Sinta bidix ku qaadeen
Subixii bariisada
Sidoodaan jalleecada
Saxansaxo udgoon badan
Sanka kuula raacaa

Dumistii aqalkayga iyo arooskii inankayga— 1978. Riwaayaddan waxa la dhigay habeenkii sannadka cusub ee 1978-ku soo galayay.

Abwaanka sameeyay riwaayaddan: Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Heesihii riwaayaddan ku jiray waxa ka mid ahaa:

Ma ogtahay curyaankaba, cago looma waayine: Xasan Aadan Samar iyo Xaliimo Khaliif Magool
Goronyooy  gabal kuu dhac: Xasan  Aadan Samatar
Waanigan jiciirtee jaaw nabad galyoo: Xaliimo Khaliif Magool
Dadna adaa ugu qurux badan, dumarna waa adoo qudha: Xasan Aadan Samatar iyo Xaliimo Khaliif Magool

Xasan Aadan Samatar:

Cishaduu Ilaahay
Cirka taagay udub li’
Ciiddana ka dhigay gogol
Wabiyada cartamayiyo
Cidhifyada bad kaga xidhay
Iyo buuraahaa culus
Cimrigeed adduunyada
Waxa jiraa col iyo nabad
Caydh iyo nin xoola leh
Iyo laba is caashaqay
Caawana kamay tegin
Caynkaynu ku ogeyn
Adna calafka kuu qoran
Cunaha  seegi maayee
Caashaqa ha baayicin

Xaliimo Khaliif  Cumar (Magool) IHN

Cadad kuu Ilaahay
Caradeenna joojee
Aadan ciidda ka alkumay
Xaawana cadkiisiyo
Feedh calaanta laga dhigay
Cishadaa ma uunneyd
Caawana ma nooshahay
Caqlaa diiday hadalkuu
Carrab dalab la’ sheegee
Ceeryaamo iyo boodh
Ciiro ha isku qarinine
Noloshayda caydh iyo
Cilmi guur aan ku fadhiyin
Ku caar caari maaye
Caashaqa iska ilow

Xasan Aadan Samatar

Xalay taba  caweyskii
Canabay daruuruuhu
Cimidh bay ahaayeen
Caawana lagu ma oga
Wakhtigii ku ciiliyo
Cisigiyo wanaaguna
Way is daba caraabaan
Waxaana kuu caddayn kara
Caamiyaha indhaha liyo
Ma ogtahay curyaankaba
Cago loo ma waayine
Caynkaa waxa loo yidhi
Kuwa cararayee ladan
Inay ku cibro qataan
Caashaqa ha baayicin

Xaliimo Khaliif (Magool)

Bada caarid maalmaha
Cawa daranta fiidkiyo
Caddadaa walaalo ah
Cadceeddii timaadaana
Dadka ruux cadibanoo
Waayuhuu ku ciiriyo
Mid caruusa yaa jiro
Caad iga ma saarnee
Ee cilmiyada ilaahay
Anigoon aan caasiyin
Cabsi ha igu galinine
Adiga oo aan  cuud dhaqan
Caashaqan ku taabtaan
Cudur-daar u yeelee
Ceeb kale miyaan dhigay?

Bidaari sibiqbay kugu gashaa – 1980?

Abwaanka sameeyay riwaayaddan: Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)
Xiddigga: Xasan Aadan Samatar
Xiddigta:  Aamina Cabdillaahi Xirsi

Heesihii riwaayaddan ku jiray waxa ka mid ahaa:

Gacantu raaxo daranaa: Aamina Cabdillaahi Xirsi
Gahaydhleh
Bidaari sibiqbay kugu gashaa: Xasan Aadan  Samatar iyo Aamina Cabdillaahi Xirsi
Eedaad
Mar bay xooluhu madhaan:  Maxamed Xasan Barrow iyo Shankaroon Axmed Sagal
Daan bari adoo yaal: Aamina Cabdillaahi Xirsi iyo Xasan Aadan Samatar

Heesta Gacantu raaxo daranaa: Aamina Cabdillaahi Xirsi

Galaw taah gu’ madaxii
Goohyoo galaa yimid
Guuguule faal dhigay
Garan waa minkaw baxay
Isna baalashays goo
Anna gocashadiisii
Gef u dhacay ismoodsiis
Waa waxaan galgalashada
Anoo gam’ay gedood ciil
Garta ugu naqaayee
Gurigii jacaylkiyo
Kii godobta keenaan
gogoshiisi ku hurdaa
Go’a yay la huwaday
Gacantu raaxo daranaa
Guudkayga saarani

Golcasta iyo sibir godan
Kala jeedi geeluba
Isna garay habeed gubi
Gondaha inuu ku leeyahay
Waanu galab cadceedsaday

Dhiiggii guntamay iyo
Gujo maqan gunaad oge
Ana nabar i gaadhoo
Gaaroodis diidaa
Garka iga damqanayee

Gurigii jacaylkiyo
Kii godobta keenaan
Gogoshiisi ku hurdaa
Go’a yay la huwaday
Gacantu raaxo daranaa
Guudkayga saarani

Daan bari adoo yaal, cirkoo doollo ka onkaday:  Xasan Aadan Samatar iyo Aamina Cabdillaahi Xirsi

Aamina Cabdillaahi Xirsi

Daan bari adoo yaal
Cirkoo doollo ka onkoday
Beeshoo ah doog raac
Adna awrtii dabar li’i
Intay kaaga dateen
Labaddaadii aar dillay
Dusha waxaad kararatana
Kolay tahay dameer hayn
Reerkii kaa dul-guuriyo
Dariskii wax kagu tara
Markay dani ku haysaad
Dadka kala ogaataa
Anna maanta dabacsani
Nabarka i damqanayana
Daa’in iyo adaa jira
Wax dawayn karaayee
Adigiyo dadnimadaa.

Xasan Aadan Samatar

Adaa Doollo iyo Hawd
Deegaanta taalliyo
Doogga u hawoodee
Ninkaan daaqsin maqaleed
Daruuraha ku hooriyo
Duleedkiisa ka cabbayn
Daraankiisii  oo madhan
Xarragana iskaga tegey
Diiftiyo jacaylkiyo
Diihaalla kaa badan
Waayahana kaa daran
Danta ha ula cabanine
Adigoo aan igu digan
Anna aanan kugu dayan
Nabarrada damqanayaa
Waa dabar waqtigu sido
Deeqdii Allena maqan

Aamina Cabdillaahi Xirsi

Duunyada oo ceel qabad
Daran cuna kaliishii
Doqon silic waraabshiyo
Adoon geesi daafaca
Midna ceelalyo u diran
Xoolohoo daf soo yidhi
Darka kaagii oo tuban
Daan gaslaha waraabshiyo
Kii sii durduurshiyo
Doobkii wax kugu tara
Markay dani ku haysaad
Dadka kala ogaataa

Xasan Aadan Samatar

Kol uu daad-mareenkiyo
Dacda nugulku kuu dhaco
Ama uu dadba u baxo
Oon lama dareertee
Ninka wabi diraaciyo
Durdur maro agtiisee
Biyo uu u doontiyo
Dunquruur ka quustee
Galaan beenyo dari karin
Duunyana warkeed nacay
Waayahana kaa daran
Danta hawla cabanine
Adigoo an igu digan
Anna aanan kugu dayan
Nabarada damqanayaa
Waa dabar wakhtigu sido
Deeqdii Allana maqan

Abwaan Xasan-Ganey, waxa kale uu oo sameeyay heesta ay qaaddo Khadra Daahir Cige ee tidhaa:

Cudurka kaa gala fardaha
Haddii laga gubo dameer
Dawada lama gaadhayoo
Anoon weli kuu gedbixin
Geed dheer bay saaran tahay

Abwaan Xasan-Ganey  mar  la waydiiyay in uu heestan isagu leeyahay iyo in uu leeyahay abwaan Kayd, waxa uu munaasibaddii Stockholm ka dhacday abwaanku dadweynaha u sheegay in uu isagu leeyahay heestan. Waxaanu intaas raaciyay in uu heestan ku daray riwaayad uu sameeyay abwaan Kayd taasi oo magaceeda la odhan jiray; Nin Ilaahay wakiishay, nasiibkiisa ma waayo. Abwaan Xasan-Ganey waxa uu sheegay in aanu wakhtigaasi sheegan karin heestan cadaadista dawladdii waagaas jirtay ku haysay awgeed, sidaasi daraadeedna uu u go’aansaday in uu raaciyo riwaayaddii abwaan Kayd.

Masiibadu adduunyada iyadaa u macallin ah – 1983
Abwaanka riwaayaddan sameeyay:  Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Riwaayaddan fannaaniinta ugu cadcaddaa  waxa ka mid ahaa:

Cabdiqaadir Macallin Jubba,  Faadumo Haldhaa, Cadar Kaahin iyo Maxamed Cige Busi, Kinsi Xaaji Aadan iyo Maxamed Carraale.

Heesihii riwaayaddan ku jiray waxa ka mid ahaa:

Hashaan maqasha iska celin, haraatinna kaanay dhalin, jiilaalkii bay hadhaa. Faadumo Haldhaa, Cadar Kaahin, Khadiija Hiiraan iyo Kinsi Xaaji Aadan ( IHN).
Mar buu ku wanaajiyaa, wakhtigu kuu hiiliyaa, walaalkii kaa dhigtaa: Maxamed Carraale

Kinsi Xaaji Aadan ( IHN)

Taariikhdu wax bey hagtaa
Dadkuna wuu haybsadaa
Adduunkuna waa hayaan
Hirdooglaa lagu socdaa
Hoggaankuna waa casriga
Naftaadana lama hagrado
Qayrkaa  ka hadh waa habaar
Heeryadan aad sidatiyo
Heylahan waa laga ilbaxay
Sallaanka aad halabsatide
Ma kuu gacan haadiyaa?
Haneedka ma kuu qabtaa?
Hoobaanta ma kuu guraa?

Cadar Axmed

Habeenoy hebedka geel
Hashaan maqasha iska celin
Haraatina  kaaney dhalin
Markey hiigaan nirguhu
Jilaalkii bey hadhaa
Hambana waa la isku nacay
Higgaadana igu afgaro
Dharaar ba ninkaan ka helo
Habeenkii kuma dhexee
Hantidu wey ii dhan tahay
Xishood hodan baan ka ahay
Xayihii baan soo huwadey
Hablaha Soomaaliyeed

Khadiija Hiiraan

Hayaay waa loo dhintaa
Hagoogtaa waxa lahaa
Kuwii waa heermi jirey
Dharkaa hayruufayana
Sidaan sheekada ku heley
Haddii aanad meelna jirin
Ruuxii kuu hiiliyana
Inaad yeeshaa haboon
Haraaga nin laa tabee
Hurdaay reerkeenii guur
Horseed kuu baaqey iyo
Ku soo heley baan ahee
Ma kuu gacan haadiyaa?
Hoobaanta ma kuu guraa?

Faduma A. Cali  (Haldhaa)

Haldhaa baa la yidhaa
Heensihii baan wali sitaa
Hiddihii la wada yiqiin
Asluubtii hooyadey
Hormuud baan dhaqan u ahay
Inaan hin gashaan jeclahay
Huf iyo been kuma lugo’o
Hirkaa qaawinida dhalay
In lagu hoobtaan ogahay
Haboowdaye waxaan ku idhi
Hugaaga iyo kaan xidhnahay
Labada kee haybad wacan
Hilbona keenee asturan

Halkan waxa kale oo aad ka akhridaa suugaantii ku jirtay riwaayaddii, Masiibadu adduunyada iyadaa u macallin ah – 1983:

Waqtigu wuu sunsumayaa
Midna waa la sugayaa
Soo jire ma noole’e
Qarni waliba wuu socon
Safna wuu ka daba dhalan
Hadba kooda sarakaca
Waxa sahayda uga taga
Kii horee sagootiyey
Dad ka seexda mooyee
Sinjigii awow iyo
Summaddaase noolaan
Maanatana sifaha jira
Sad bursiimo maahee
Garashada saboolki
Waxay sahansanaysaa
Waa saymo iyo hoog
Hiddeheenna suubbane
Dhaqankeenna saxardiid
Murtidiyo sarbeebtiyo
Suugaanta teena ahi
Wey salguuri doontaa
Maahmaahihii sula
Sibiq bay u wada lumi
Saadaal la maqanaha
Siqiirkiinna aan dhalan
Iyagana sadkoodii
Kuma simi karaysaan
Waanad seejineysaan

Sahan sheega tigaad iyo
Isagoon haysan tibaax
Tuhun reerka ku guuree
Saqbadhkii ku tiraaba
Hadhkii uu istabi waayiyo
Tabaqluu ka helaa
Adigoonan tabaadin
Baarqab qooqay tiftii
Gaanihii Tabsanaa
Haddii aad u tu¨in waayood
Awrka tiir qabadsiisana
Madidii toban deeqda
Jiilaalkii la toojoo
Tabis baa la yidhaa
Toddobkaa todobkeedana
Tolan maysid hadhuub
Tusaaluhu waxa weeye
Taluu reer ku dhaqmaa
Oo taluu reer ka dhintaa
Waqtigaa marna toosa
Marna yeesha tabaalo
Tu Allaaba timaad
Shaqadaad ka tagtaa
In loo toog hayo weeye
Haddii aad tacabtood
Garan weydo tashiilkana
Waxba kuuguma taal

Togba tooxda guntiisiyo
Taagtiisuu rogmadaa
Waqtigii hadba taagan baad
Salaaddii tukataa
Jeeroo aad tolatood
Tu ka fiican helaysana
Lama tuuro kabtaadoo
Tincadday celisaa
Halkaanad taaban kareynna
Haddaad tiigso tidhaa
Isku taallo horaad iyo
Tagoog baad ka jabtaa

Haddii aanay u heesin
Oo hadaaqsiinin caruurta
Oo horaadkeeda jaqsiinnin
Hidduhu wuu lumi laa
Afkuna muu hirgaleenoo
Oday geed ka hadlaayiyo
Hoobal luuqda ku qaadiyo
Hal-abuur ma jireen.
Haddaanay heegan ahayna
Hanti maan dhaqaneenoo
Subag haamo ka buuxiyo
Caano maynu helneen
Haddii aanay u hiillina
Dadku hoy ma galeene
Hooyo waa noloshiiye
Hareeraa isu tuurkiyo
Afkanaad ku hadlayso
Soddoh looga haboon

Qori baadil kugu ganay
Haddii uu boqnaha tago
Samirkii ka bixin jiray
Waayahan ballaadhiyo
Taariikhdan baga tidhi
Halkay bayr ka leedahay
Bulshadayda weeyaan.
Beri horuu asaageed
Cirka uu u beratamay
Iyana baadi weeyaan
Barashada tacliintiyo
Cilmaa lagu baqoolaye
Jahloow baalla´aantaa

Anaa reer hehel ka badan
Anaa reer hehel ka ba´an
Bunduqa loo iibsadiyo
Billaawaha loo listoow
Waxaad laysaa bahdaa
Balaayo markay dhacdana
Halkoodii kugu bannaan

Heesaha  kale  ee uu abwaanku sameeyay waxa ka mid ah:

1. Allahayoow fogaydee: Khadra Daahir Cige
2. Ninka booli cunay ee been kitaab, baabacada midig baalaha ku jaray: Marwo Cabdi
3. Mujaahid allaystayoow: Sahra Cali Xasan iyo fannaaniintii SNM.
4. Allayleh  ilwaadeey:   Xasan Aadan Samatar iyo Faadumo Haldhaa

Dhanka Nebi-amaanka waxa uu abwaan Xasan-Ganey sameeyay:

1. Yaa kheyral wajuudi: Xasan Aadan Samtar
2.  Rasuulkii bilnaayee: Xasan Aadan Samatar

Afeef:

Intan uun  kuma eeka  suugaanta iyo taariikhda abwaan Xasan-Ganey, oo waa diiwaan miisaan weyn leh oo u baahan in buugaag badan laga qoro. Waxa aan  se  jeclaystay in aan wixii taariikh iyo suugaan  ah ee aan abwaanka ka hayo aan idinla wadaago. Waxaa jira suugaan badan  oo uu abwaanku curiyay sida, heeso, riwaayado, gabayo, maansooyin iyo waliba sheeko-suugaaneedyo xiiso badan. Nasiibdarro maan helin suugaantii abwaanka oo qoran, marka laga reebo buug lagu kaydiyay riwaayaddii Masiibadu adduunyada iyadaa u macallin ah oo aan ka helay maktabadaha dalka Iswiidhan. Buuggan waxa qoray Jaamac Maxamuud Cumar        ( Jaamac-Sweden), sannadkii 1993, waxaana  lagu daabacay waddanka Iswiidhan..

Qoraalkan kooban , waxa aan diyaariyay mar aannu abwaanka kulan-suugaaneed  ugu qabanay magaalada Stockholm,  ee waddanka Iswiidhan. Kulankan oo ay wada qabteen  labada urur ee kala ah; ururka  Badda Cas iyo ururka qorayaasha Soomaalilaan, ayaa ka dhacay guriga ummadda ee Kista Träff, 26 bishii diisambar sannadkii 2014.

Soomaalidu waxay tidhaahdaa “ Aqalkaaga hortiisana ood baa  la dhigtaa, odhaahdaada horteedna afeef baa la dhigtaa´´.  Akhriste, haddii aad qoraalkan kula kulanto taariikh ama suugaan aan qalday, fadlan ha u qaadan in aan u kas u sameeyay. Waa uun sidii aan xogta ku helay. Wixii qaldan waynu sixi haddii Rabbi idmo. Waxaanan rajaynayaa in qofka qoraalkan hela,  ee wax uu saluugo kala kulma ama talo iyo tusaaleba igu soo biirin karaa  uu ila soo xidhiidhi doono. Ujeeddada aan qoraalkan u qorayna waa sidii aynu u yeelan lahayn kayd iyo dhigaal taariikheed oo bulsho. Waxa waliba qoraalkan igu dhaliyay in aan qoro kadib markii aannu  wax qoraal ah oo abwaanka ku saabsan  waynay, intii aannu ku gudo- jirnay diyaarintii kulan-suugaaneedkii aannu abwaanka ugu qabanay magaalada  Stockholm, ee caasimadda Iswiidhan. Sidaasi daraadeed, waxa aan rajaynayaa in qoraalkani anfici doono dad badan oo siyaabo kala duwan u adeegsan doona.

Haddii uu jiro qof qoraal ku haya suugaanta abwaanka, waxa aan jeclaan lahaa in uu faafiyo, si ay dadku u akhristaan iyo waliba si loogu fududeeyo cid kasta oo wax ka qoraysa suugaanta abwaanka. Waayo, haddii qoraalku ku jiro intarnatka way fududahay in ay cid kastaba hesho. Waxaan kale oo aan ka codsanayaa ciddii wax qoraal ah ku haysa suugaanta abwaanka  in ay si gaar ah iigu soo diraan, iyada oo lagu soo hagaajinayo ciwaankayga hoosta ku qoran.

Wargelin: Mar aan abwaanka waydiiyay bal in uu buug ku kaydiyay suugaantiisa iyo in kale. Waxa uu ii sheegay in hadda gacanta lagu hayo oo uu gebogebo ku dhaw yahay buug laga qoray abwaanka. Waxaanu abwaanku ii sheegay in uu buuggaasi gacanta ku hayo qoraaga weyn ee Cabdiraxmaan Faarax ( Guri-Barwaaqo), oo ah af-aqoon wax ka dhiga jaamacadda Hargeysa. Waxa aan rajaynayaa in buuggaasi dhawaan soo bixi doono.

Xigasho:

Mareegta Farshaxan, buugga Masiibadu adduunyada iyadaa u macallina iyo xog  uu abwaanku i siiyay intii uu Stockholm nala joogay iyo waliba xog wax ku ool ah oo aan ka helay rag dhawr ah oo suugaan-dhaadhi ah. Raggaasi waxa mudan in aan xuso; Axmed Xuseen Ismaaciil oo Sucuudiga jooga, Ilyaas Cabdi Carte oo ku nool dalka Taylan ( Thailand ),  Yuusuf Xaaji Cabdillaahi Xasan  iyo  Sayid Maxamed Yuusuf ( Dhegey )  oo ku nool waddanka Iswiidhan ( Sweden) iyo waliba Cabdillaahi Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), oo ku nool dalka Maraykanka.


Soo-diyaarintii Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar).
Warfidiyeen ka hawlgala  idaacadda caalamiga ah ee Iswiidhan ( Radio Sweden International ), ahna arday wax ka barta jaamacadda Stockholm ( Stockholm University)
Email: xajidalmar@gmail.com
Taariikhda: Axad,  4/janaayo/2015, Stockholm, Sweden.