FAALLADA BUUGGA: HODONNIMADA AFKEENNA

0
832

BUUGGA HODONNIMADA AFKEENNA
Qoraaga: Cismaan Cabdi-Nuur Xaashi
Buuggani waa buug soo koobaya waxyaalo badan oo aan hore u lahaan jirney, jeerkii aan reer guuraaga ahayn. Waa buug kaa haqab tiraya sidii aad u baran lahayd Afka-Soomaaliga. Sida uu qoraagu xusay waa buug cilmi-baaris ka dhashay. Haddii aad magac, fal, ama sifo aad u taqaannay inta degsiimadiinna ama gobolkiinna laga isticmaalo, buuggani waxa uu kaa kaabayaa in aad sii barato macnayaal kale uu lee yahay. Hodonnimada Afkeennu waxa uu kaa caawin doonaa barashada ereyo waddani ah oo la dhaafsaday kuwo qalaad. Imaanshihii magaaladu waxa uu innaka lumiyey waxyaalo badan, oo dhaqan, diin iyo caado innoo ahaa, waxaynnuna ka dhaxalnay in aan ka tallaabsanno afkii awoowayaasheen ku hadli jireen, waxa aynnuna qaadannay af-hunguri.

MAGACYADA CAQLIQA
Caqli waa Af-Carbeed, waxa aynnu u leennahay magacyo badan, nasiib-darro se aan la isticmaalin. Waxaa ka mid ah; xis, kas (Kasmo, kasid), maag, maan (Tilmaan, Hilmaan), waan (Waan + li’i, waalli), baraad, garaad IKK. Sido kale waxaa kaloo jira magacyo ku dhow caqliga oo Soomaali ah sida; dhimir iyo miyir. Waxaa kale oo qoraagu qabaa anna aan ku raacay magaca Xis in uu yahay eray saleed, waxaa ka sii farcama Xis +Saab. Sida ay haanta reer miyigu caana ku shubtaan u lee dahay saab, ayaa xiskuna lee yahay saab. Waxaa xusid mudan in xisaab asal ahaan ay ahayd xiskaab, balse uu lumay xarafka “K”

MAGACYADA HADALKA
Af, Or, Cod, Lad, Naq, Hal, War, Doow, Weedh, Hadal, Lahaan, Tiraab, Hawraar. Mid kasta waxa aan gelin doonnaa weer/weedh.
1. Af = af-maal, af-tahan IWM. Tusaale; abwaan Salaan Carrabey waa kii lahaa “Afku wuxuu la xoog yahay maqliga xawda kaa jara e.”
2. Or = Oraah, orshe, oriye
3. Cod = codkar, hebel waa codkar.
4. Lad = Ladqabo, Lad haye. Kulammadii geedka ama golaha, in kolka nin warramayo uu hadalka ka guro nin la yiraahdo ‘lad haye’ waxaa xilkiisu yahay in uu hadlaha u jiibiyo isaga oo leh “ Weeye, Koow, Haye”
5. Naq = gar naq ayaa ah gar ku hadal. Way isu naqaanna waa ay wada hadleen, wada murmeen ama waa ay doodeen bay ka dhigan tahay.
6. Hal = Hal karaan, hebel waa hal karaan, waa mid hadalka karti u leh, oo murti iyo aftahannimo ayaa lagu ammaanayaa.
7. War = Dhagax meel dhow buu ku dhacaa, warna meel dheer.
8. Doow = waa af guriga Mayga. Haddii la dhaho Doowgey gorodaase? Micneheedu waa hadalkayga ma garanaysaa?
9. Hadal = Nin hadal badani hooyadii ba cay.

MAGACYADA CADCEEDDA
Cadceedda oo ah midda lagu cabbiro ammin hawleedda ayaa Soomaalidu magacyo door ah lafteeda u kala taqaan. Aroorta kolka ay soo baxdo Libdho ayaa la dhahaa. Hal cabbaar ah kolkay joogto, oo lagu diirsadana magaca Dhalco ayey noqotaa. Barqada kulul Bacad ayaa loogu yeeraa, halka meelaha qaar Milic baa laga yiraahdaa, meelo kalena Cirid ama Ciriid. Duhurkii marka ay bartamaha taagan tahay Qorrax iyo Cadceed bay ahaataa. Gadiidkiina Golcas baa la dhahaa. Gelinka dambe ee dharaareed ee ay sii jeeddo waxaa loogu yeeraa Gabbal.

MAGACYADA JIDKA
1.Jid 2. Tub 3. Daw 3. Gudin 4. Marin 5. Kilin 6. Malko 7. Dhabbo 8. Toore 9. Digdigo 10. Toobiye 11. Haloosi 12. Haad 13. Waddo-gaal. Jidadka baabuurta iyana waxaa u gaar ah; Xagaaf, Jidcadde iyo Laami.
Haddaba markaan eegno marxaladaha iyo magacyada koritaankooda waxa ay kala yihiin sidan soo socota; riyaha ayaa dhala Waxar iyo Orgi, labadani marka ay kobcaan, waxaa la isku dhahaa Ugeyb. Waxarta ayaa u korta magaca Ceesaan, dabeetana noqota Ri’. Orgigu kolka uu weynaado waxaa loogu yeeraa Sogob. Idaha ayaa waxa ay dhalaan Nayl iyo Wan, marka ay kobcaan waxaa la isku dhahaa Baraar. Naysha ayaa u korta magac Sabeen, dabeetana noqota Lax. Wanku marka uu weynaado waxaa la dhahaa Sogob. Lo’du waxa ay dhashaa Weyl iyo Dibi. Kolka ay kobcaan waxaa la yiraahdaa Aalo. Weysha ayaa u sii korta magaca Qaalin, ka gadaalna gaadha magaca Sac. Geela ayaa dhala Nirig iyo Awr(rati). Kolka ay kobcaan waxaa la isku yiraahdaa Aaran. Nirigta ayaa u sii korta magaca Qaalin, dabeetana nqota Hal. Gammaanka dhashooda yar yar waxaa la kala yiraahdaa Booldhay, oo faraska yar ah, hadhowna u kora Darmaan, dabadeedna Geenyo oo dheddig ah iyo Faras oo lab ah. Faraska weyn waxaa la yiraahdaa Senge. Qayl ayaa la dhahaa Dameerka yar, waxa uuna u sii koraa Burris, ka gadaalna Dameer.

Kolka laga hadlayo dareenka xoolaha ayaa loo adeegsadaa magacyo kala geddisan;- hasha kolka awrka dareen u galo waxaa loo yaqaan Abasax. Rida dareenkeedu waa Orgood. Halka laxdana laga yiraahdo Osoolan. Geenyadana waxaa dareenkeeda la dhahaa Beydalan. Galmada xoolaha ayaa lafteedu magacyo u kala leh dadkeenna; wanka waxaa loo yaqaan Tallaabid, Origiga Orgeyn, halka dibiga loogu yeero Oofid, faraska ama dameerkana Kudid. Arigu waxa uu ilmaha uurka ku sitaa 5 bilood. Lo’da iyo gammaankuna min 9 bilood. Geelu waxa uu ku sidaa 12 ama 13 bilood. Kolka arigu gaaro 100 neef waxaa la dhahaa tiro, gelana kadin, lo’dana fadhi. Fardaha ayaa marka ay 20 illaa tiro ka badan noqdaan loogu yeeraa magaca wegen.

Waxaa soo koobay: Cumar Shaafi

XIGASHO: Madasha Faallada Buugga