Hab-Qoraalka Sheekada Gaaban

0
2383

Hab-Qoraalka Sheekada Gaaban

JAMHUURIYADDA DIMOQRAADIGA SOOMAALIYA

Akademiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta

Sheekada Gaaban

Cabdiraxmaan Cumar Warsame “Feegaar”

Daabacaaddil u horreysay — 1983

Buuggan lama daabaci karo lamana beddeli karo iyadoo aan hay’adda ka mas’uulka ah iyo Qoraha lagala tashan.

Waxaa lagu daabacay Wakaaladda Madbacadda Qaranka

TUSMADA BUUGGA

Mahadnaq
Hordhac
Waa Maxay Suugaantu?
Heerarka Tiraabta
Sheekada Gaaban
Noofalka iyo Sheekada Gaaban
Jaangoynta Sheekada
Xubnaha Sheekada Gaaban
Hagidda Sheekada
Mayd Socda (Sheeko Gaaban)
Sheekooyinka Gaagaaban ee Soomaalida
Erey-Iftiimis
Buug-Kaashi

MAHADNAQ

Waxaan halkaan mahad ballaaran ugu hayaa saaxiibkay Xasan Maxamad Jaamac oo taladiisu ayan qoraalka buuggan ka maqnayn; Axmed Cumar Warsame iyo afadiisa, Sucuuda Saalim Muxsin oo xagga garaacidda buugga aan loogu tegin. Ma halmaasani asxaabtayda kale oo aanan magacyadooda halkaan ku soo koobi karin oo gacan doora ku lahaa talo-bixinta buuggaan.

HORDHAC

Buuggan guud ahaan wuxuu dulmarayaa suugaanta iyo qaybaheeda, dabadeed uga weecanayaa habka qoraalka sheekada gaaban. Wuxuu buuggu si ballaaran u dhex gelayaa xubnaha sheekada gaaban iyo taariikhdii ay soo martay.

Waxaa kaloo buugga ku daabacan sheeko gaaban oo aad u xiiso badan. Sheekadaas oo tilmaan wacan u noqonaysa hab-qoraalka sheekada gaaban, waxay muujinaysaa xubnaha caanka ah ee ay ka asaasmaan qoraallada male-awaalka ahi.

Waxaan filayaa inuusan buuggan ku hungoobi doonin ruuxii dareen suugaameed leh ama qofkii jecel inuu qoraa sheekada gaaban mustaqbalka noqdo.

Qoraha

WAA MAXAY SUUGAANTU?

Inta aynaan ku dhex dhicin heerarka sheekada gaaban, bal waa inaan wax ka niraahnaa jaangooyada guud ee noocyada kala geddisan ee suugaanta. Waa maxay suugaantu? Jawaabta su’aashaasi waxaa ka taagnaa muran iyo dood muddo dheer dhex tiil qorayaasha iyo suugaanyahannada ilaa qarniyaal badan. Qoraa walba ama gabyaa walba wuxuu madaddaaliye ka ahaa qarnigiisa, qarni walbana si u gooni ah ayuu suugaanta u macnayn jiray. Marka, aynana, innagoo wax ku qaybsanayna macnaha uu qarnigeennu suugaanta u hayo, waxaa lagu qeexaa inay tahay: farshaxannimo qoraal oo soo bandhigaysa nooc waaya-aragnimo oo kuu sawiraya nolosha markaa jidha ama mid la soo dhaafay. Waa qoraaga soo-ifbixintiisa waayo-aragnimo run ah ama mid la maleeyey. Haddii si kale loo yiraahdo, suugaantu waa dhigaalka ama kaydka xiisaha faneed ee bani-Aadamka, kaasoo wax ka sheegaya rajooyinkooda, riyooyinkooda, dhibaatooyinkooda, horumarkooda, dibudhacooda iyo wixii la mid ah.

Akhriska suugaanta faa’iidooyin badan baynu ka dheefnaa. Waa marka hore ee, waa madaddaalo dareenkeenna sabaalisa. Waa marka labaad eh, waxaynu xal uga hellaa dhibaatooyin ina soo food saara oo laga yaabo inay haystaan dadka aynu buuggaas suugaameed kula kulmayno oo ku saabsan yahay. Waxay suugaantu ina illowsiin kartaa ama ina ka sii jeedin kartaa fakar mushkilado inaku furraa. Waxay suugaantu ina bartaa dad qafaad, dalal, dhaqammo, caadooyin iyo degaammo kuweenna ka geddisan oo laga yaabo inay akhristaha xiiso geliyaan. Xiisaha suugaameed waa mid waqtiga isla baddala. Waxaa laga yaabaa in xiisaha markaan riwaayadaha loo qabo ay qarni dabadi isbeddesho.

Guud ahaan waxaa suugaanta loo kala qoqobaa labo heerar oo waaweyn — maanso (tix) iyo tiraab.

Tiraabtu waa afka caadiga ah oo hadaleed ama qoraal, kaasoo ka xor ah miisaanka ama ridmada iyo cod-boqorka ay maansadu ku caan baxday. Tiraabtu waxay leedahay hannaan iyo dhismo qoraal. Dhismaha qoraalku wuxuu jaangooyaa ama habeeyaa kala hormarinta fikradaha iyo aaraa’da dulucda qoraalkaas.

Haddaan dhanka kale ka eegno, maansada oo qeexdimo badan leh, waxaa laysku raacsan yahay inay leedahay tilmaamo sugan ee gaar ah oo kala ah: fikrad, sawirasho, dareen-kac, miisaan iyo cod-dheer oo maansadeenna Soomaaliyeed ku caan baxday.

Akhristuhu wuxuu maansada ku raaxaystaa ama uu dhadhansadaa markay dareemayaashiisu u digtoon yihiin inay gabyaaga dareenkiisa wax la qaybsadaan, dulucda fikradda, tixdana fahmaan. Haddii si kale loo yiraahdo, waa inuu akhristuhu dhuuxaa dulucda fikradda u udub-dhexaadka ah; waa inuu arkaa sawirka ama hummaaga uu gabyaagu sawirtay markuu tixdaas curinayey; waa inuu dareemaa shucuurta iyo qamandhacada abwaanka tixdaas; waa inuu cabbiraa miisaanka iyo isu-dheellitirka allanayaasha iyo meerisyada tixdaas.

Si aad loogu darso tilmaamaha kala qoqobay labadaas qaybood ee suugaameed, waxaa loo baahan yahay in si cilmi ah aad looga baaraandego, loona kala dhigdhigo.

HEERARKA TIRAABTA

Noocyo dhawr ah oo kala jira ayaa ku abtirsaday dhanka tiraabta suugaameed. Nooc walba wuxuu leeyahay dhismo gaar ah oo ka sooca kuwa kale ooy isku bahda yihiin. Farqiga ugu weyn oo kala saara jaadadka tiraabeed waxaa keena dhererka dhitada; nooca dhacdada, fagaaraha, dulucda, jilayaasha iyo wixi la mida.

Curinta tiraabtu wey ka sahlan tahay tan maansada waayo wey ka madax bannaan tahay dabarrada ku xiran maansada sida miisaanka iyo cod-boqorka.

Tiraabta suugaameed waxaa loo kala qaybiyaa: riwaayado, mala-awaal iyo jiraal. Mala-awaalka waxaa hoos yimaada noofalka, roomansiga, sheekada gaaban, sheeko-baraleyda, Jiraalka waxaa isna hoos yimaada maqaalka, taariikhda, qof-ka-hadalka iyo sheekooyinka safarka. Waxaan halkaan ku kala saaraynaa noocyadaas tiraabta suugameed ah:

Noofalka: Waa nooc tiraabeed oo mala-awaal, lehna dherer boqol bog ka kaca ilaa intuu gaaro. Noofalku wuxuu sheeko ahaan ku soo bandhigaa waayo-aragnimo ku salaysan nolosha jidha ama nooc kasta oo hab-nololeed ah. Noofalku wuxuu ahaa nooca ugu caansanaa qoraallada tiraabta suugaameed waayo badan, waxaadse mooddaa in waayadan dambe sheekada gaaban laga door biday.

Wuxuu noofalku sheekadiisa ina ku dareensiiyaa afcaal, dhacdooyin, dad, meelo iyo xaalado kala duwan si uu kuugu sawiro hab-nololeed bulsho ama jiraal kale oo dabiici ah. Qisooyinka noofalku waa mala-awaal suurogal ah oo ka afcelinaya hab-nololeedkaas bulsho iyo waayo-aragnimadeeda.

Roomansi: Waa nooc tiraabeed oo dherer ahaan noofalka u dhiganta, soona bandhigta mala-awaal saadaal ah. Waxay dulucda qisadeedu ku salaysan tahay waayo-aragnimo saadaal ama tuhun ah oo aan aadanuhu soo marin. Buugga la yiraahdo “Dagaalkii Labaad ee Adduunmaha” ee uu dhawaan qoray ninka Maraykanka ah ee loogu yeero Joorji H. Smiid ayaa tusaale wacan u ah noocaan tiraabeed. Qoraagaasu wuxuu qoraalkiisa ku soo bandhigayaa waayo-aragnimo tuhun ah ee ay saadaaliyeen culumo xiddigisyahanno ah. Wuxuu buuggaasi ku saabsan yahay dagaal ay adduunkeenna iyo meeraha afaraad ee bah-cadceedeedka loo yaqaan Maaris quruun ku dhaqani ay isaga horyimaadeen.

Sheekada Gaaban: Waa jaad tiraabeed oo mala-awaal ah oo ilaa boqol bog dherer ah gaadha. Sheekada gaabani way ka sahlan tahay noofalka xagga dhismaha. Dhererka iyo dhismaha ka sokow, sheekada gaabani waxay noofalka uga geddisan tahay iyadoo ka hadasha hal mardhac, jilayaasheeduna ay ka kooban yihiin kuwa noocyada kale ooy isku bahda yihiin.

Qof-ka-Hadal: Waa jaad tiraabeed oo ka da’ weyn noocyada kale ee tiraabta. Waxaa Qur’aanka ka buuxa qof-ka-hadallo anbiyadii ku saabsan, waxayse tiraabta noocan ahi si fiican uga bilaabatay carriga Ingiriiska qarnigii 17aad. Qof-ka-hadalka oo aalaaba jiraal ahi, wuxuu ka hadlaa nolol qofeed wuxuuna culayska saaraa ifbaxdimihii ugu xiiso badnaa qofkaas uu ka hadlayo noloshiisa iyo sidii qofkaasi uga samato baxay dhadhaabbadii socodkiisa nololeed ka hor yimid, haddiiba ay jireen. Waxaa qof-ka-hadalka hoos yimaada nooc kale oo tiraabeed ooy isku abtirsadaan oo ‘iskahadal’ loo yaqaan, kaasoo uu qofku isaga hadlayo taariikhdiisii.

Taariikh: Waa tiraab jiraal ah oo qeexaysa xaqaa’iqa dhacdooyin la soo dhaafay. Dhan kale haddaan ka eegno, taariikhdu waa xog kayd ah oo ka hartay waxqabadkii iyo facaayilkii aadanaha.

Socdaal: Waa nooc suugaaneed oo isna qoraallada tiraabta lagu tiriyo, jiraalna ah. Tiraabta noocaan ehi waxay wax ka qortaa safarro, sahammo, dalxiisyo, ama socdaallo ay dad sameeyeen iyo waxay kala kulmeen. Jiraalkaan tiraabeed wuxuu sawiraa dalal, dad,
dhaqammo, degaammo, cimilooyin, caadooyin iyo hab-nololeedyo ka fog kana geddisan kuwa akhristaha.

Riwaayad: Iyana waa jaad tiraabeed oo aan jiraal iyo male-awaal midna ka marnayn, dulucda sheekadeedana ku soo bandhigta jiriibban ama googoosi hadal oo dhex mara jilayaasheeda. Waxay kaga duwan tahay noocyada kale ee tiraabeed iyadoo aan lahayn faallooyin dhaadheer oo uu qoraagu toos u tebinayo. Jilayaasha riwaayadda ayaa dulucdii sheekada codkooda iyo afcaashooda ku soo gudbinaya.

Maqaal: Waa jiraal suugaaneed oo faallo aan dheerayn ka qora bulshada, dhaqankeeda, nolosheeda iyo wixii la xiriira. Maqaalka waxaa loo kala qaybiyaa mid bayrsan iyo mid baahsan.

Maqaalka bayrsani wuxuu ka afceliyaa aragtida iyo fikradaha uu qoraagiisu ka qabo wax uu ku hawlan yahay oo uu wax ka qorayo. Qoraalka maqaalka bayrsan wuxuu qoraagu u cuskadaa sida uu isagu u arko ama wuxuu isagu qof ahaan ka qabo xaaladdaas bulsho oo uu wax ka qorayo.

Maqaalka baahsani si guud oo ka baxsan aragtida gaar oo qof ahaaneed, ayuu uga hadlaa mowduuciisa.

Jaadadkaas tiraabeed oo dhammi waxay leeyihiin habab qoraal oo kala geddisan. Qayb walba waxay leedahay dhismo iyo sharciyo u gaara oo ka soocaya kuwa kale. Farshaxannimo qoraal oo kala duwan ayaa loo kala adeegsadaa. Qaybta inoo ka dihin buuggan waxaan uga hadlaynaa hab-qoraalka sheekada gaaban.

SHEEKADA GAABAN

Taariikhda sheekada gaaban iyo waqtigii ay bilaabatay weli waa wax shaki ku jira, waxayse runtu tahay inay ka soo shaac baxday dhaqammo aan suugaantoodu qorrayn ee afka uun ku ekaa. Sheekooyin qoran oo ku siman ilaa dhalashadii Nebi Ciise ka hor ayaa laga helaa Baybalka Cahdigii Hore. Sidoo kale waxaa sheekooyin waqtigoodu fog yahay laga helaa kutubka jaamaca ah ee Qur’aanka.

Sheekooyinku, xiisihii loo qabay dartiis, ayey jiiteen dhugmadii dadka qarni kasta ama bulsho kasta ha ku jireen ee. ilbaxnimada ka hor waxay dadkii hore isugu soo ururi jireen dabshidyada xaafadahooda, waxayna iska marti gelin jireen sheekooyin la xiriira waayo-aragnimadooda maalmeed, ha ahaato sidii midkood ugaar u soo dishey ama sidii midkood libaax ay is-haleeleen uu uga adkaaday. Casrigeennan cusub waxaynu isku maaweelinnaa filimmada, raadiyaha, iyo telefishinnada, kuwaasoo ina tusaya ama inoo sheegaya nooc sheeko, haba ka casrisanaadeen noocyadii hore ee sheeko-tebinta ee.

Jacaylka iyo xiisaha ay bani-Aadamku u qabeen sheeko-tebinta iyo dhegaysigeeda, waxay keentay caanbixiddii sheekada gaaban. Ninkii ugu horreeyay oo qiimaha ay sheekada gaabani leedahay iyo kaalinta ay kaga jirto suugaanta magoogasho sharxaa, wuxuu ahaa qoraa Maraykan ah oo la oran jirey Edgar Alan Boo.

Sheekada gaabani waa nooc tiraabeed oo mala-awaal ah. Waa nooca ugu sahlan suugaanta magoogasho xagga dhismaha iyo dhererkaba. Akhristayaashu sheekada gaaban ayey ka door bidaan noocyada kale ee male-awaalka, waayo wey ka dhib yar tahay xagga fahamka iyo dareen-jiidadkaba. Haddaan sheekada gaaban dhinac dhigno noofalka waxaan dareemaynaa in sawiraaddeedu ka sahlan tahay kana bayaansan tahay tan noofalka. Tirada jilayaasha, dhacdooyinka, degaamada iyo muddooyinka sheekada gaabani wey ka xaddidan yihiin.

Sheekada gaabani waxay dooxdaa dhacdo weyn oo, aalaaba, ay dulucdeedu ku saabsan tahay iska-hor-imaad arbaha sheekada iyo koox kale oo ka dhan ah oo lagu magacaabo xumaanley.

Waxay sheekada gaabani fiiro gaar ah siisaa arbaha sheekada, facaayilkiisa, xiisihiisa, waxayna ku dhammaataa guulaysigiisa ama guuldarradiisa, kamana bixi karto sawirrada dhacdadaas iyo wixii la xiriira. Arbaha sheekada gaabani wuxuu kale oo halkan kula jiri karaa waxyaalo kale oo dahsoon sida dabeecadda, dareenkiisa, dareen kale iyo wixi la mida.

Qoraaga sheekada gaabani uma yeelo arbaha ama qalanjada sheekadiisa tilmaamo ama camallo murgin kara ama dheerayn kara dhismaha sheekada. Ujeeddooyinka qoraaga sheekadu, dherer kastaba ha yeelatee, waa inuu akhristaha tuso, maqashiiyo oo dareensiiyo waayo-aragnimo nololeed oo sheekadu xambaarsan tahay; ha yeeshee waayo-aragnimada sheekada gaabani gudbinaysaa way xaddidan tahay.

Haba ka xaddidnaato xagga jilayaasha iyo tilmaamahooda, dhacdooyinka, macnaha iyo deggaamadaba ee, sheekada gaabani waa qormo dhan oo midaysan oo leh bilow, dhex iyo dhammaad, gudbinaysana macne sugan. Xubin walba oo sheekada ka mid ihi waxay la haysataa xubnaha dhismo ee sheekada intooda kale.

Kaaral Gaarbo oo ahaa nin Maraykan ahi wuxuu sheekooyinka u kala qaybiyey shan jaad oo kala duwan — sheeko fal, sheeko jile, sheeko fagaare, sheeko fikrad, sheeko dareengujis. Sheeko walba oo kuwaas ka mid ahi, waxaa dulucdeedu xoogga saartaa xubinta sheeko oo la xiriirta iyadoo ayan xubnaha kalena ka marnayn ee ay dhammaystir u yihiin. Haddii si kale loo yiraahdo, sheekada gaabani isku si uma danayso xubnaheeda. Waxaa dhacda in mid xubnahaas ka mid ah, ka soo qaad jilaha, ay sheekadu himmad iyo fiiro gaara siiso, kuwa kalena ay dul-mar guud ku samayso iyadoo aan ku dheeraan. Tixgelinta xubineed waxay ku timaaddaa iyadoo qoraalka lagu celceliyo xubintaas ama iyadoo lagu qeexo oraaho xusuus leh oo dareenka akhristaha jiita.

Qoraaga xariifka ahi, xubin kastaba ha tixgeliyee ama ha culaysiyee, wuxuu sheekadiisa u soo bandhigaa si akhristaha xiisihiisa kicisa. Wuxuu khasbadaa oo hoggaan ku qabsadaa xiska ama dhugta iyo dareenka akhristaha. Wuxuu kiciyaa oo dhaqaajiyaa dareenka akhristaha isagoo u adeegsanaya hannaanka iyo dulucda qoraalkiisa. Si uu ujeeddadaas u gaaro, waa inuu qoraagu sheekada ka haqabtiraa ammuuro iyo shakhsiyaad isku liddi ah ama iska soo horjeeda sida naxdin iyo madaddaalo, jacayl iyo naceyb, caro iyo farax, samaanley iyo xumaanley iyo wixi la mida. Qoraa walba tixraac, tabihiisa iyo farshaxannimodiisa qoraal ayay ku xiran tahay dhadhanka iyo xiisada sheekadiisu.

Tixraac: Better Reading Two: Literature p. 339 (USA 1961) ooy qoreen Blair, Gerber iyo Eugene.

NOOFALKA IYO SHEEKADA GAABAN

Noofalka iyo sheekada gaaban oo ah kuwa ugu caansan qormooyinka mala-awaalka ah, waxay wadaagaan tilmaamo dhawr ah, kuwa kalana way ku kala geddisan yihiin; labaduba waxay soo bandhigayaan sheeko mala-awaal ah oo ka afcelinaysa waayo-aragnimo nololeed. Ujeeddada labadaba loo curiyaa waa madaddaalo, tusaalayn, waano, farqiga ugu weyn ee noofalka iyo sheekada gaabani, waxay ka yimaadeen xagga dhererka iyo dhismaha afkaarta qoraalkaas. Dadka qaarkood waxay u haystaan in sheekada gaabani ay tahay noofal la soo koobay oo cufan, ha yeeshee, wax u dhaw ama lagu suurayn karo ma aha. Waayo-aragnimada nololeed oo noofalku soo bandhigayo waa mid baahsan oo leh dhacdooyin iska feer dhalanaya oo isgees orda oo uu akhristuhu ka dhex garan waayo dhacdada salka ah oo raadreebka yeelan doonta iyo kuwa gogol dhigga ah ilaa gabagaba danbe ee qoraalkaas. Dhacdooyinkaas isfeer orda, midiba waxay leedahay xubnaheeda (jilayaal, deggaan, duluc iyo wixi la mida) u gaar ah. Jilayaasha noofalka waxaa loogu yaboohaa tilmaamo ama sifooyin iyo camallo badan oo hoggaamiya kuwaas oo wax ku kordhiya bandhigidda iyo balballaarinta sheekada noofalka.

Haddaan dhanka sheekada gaaban u leexanno, waxay dhugmadeeda ku koobtaa hal ama dhawr jilo oo ku amar-ku-taagleeya dhacdada aan la labayn oo sheekada gaabani soo bandhigto. Waxa jilaha sheekada gaaban laga ilaashadaa tilmaamo badan oo murgin kara socodka dhacdada sheekada.

Hadal iyo dhammaan sheekada gaabani way ka caansan tahay qormooyinka kale ee suugaaneed oo male-awaalka ku abtirsada, taasoo ay keentay sahlanaanta fahamkeeda iyo dhismaheeda.

JAANGOYNTA SHEEKADA

Marka uu qoraa curinayo qormo suugaanta magoogashada ah, horta aad buu uga baaraan degaa dulucdeeda, dabadeedna qormadaas buu kala dhigdhigaa, kala qaybiyaa, Isku xiriiriyaa oo u soo bandhigaa si ay fikrad maangal ah oo macne gudbinaysa u noqoto.
Marka uu injineer doonayo inuu bilaabo dhisme cusub, wuxuu diyaarsadaa shaxan dhismaha uu damacsan yahay suuradiisa leh oo lagu magacaabo daabac-buluug. Shaxankaas ayaa injineerka hoggaamiya oo uu ka fiirsadaa qaabka qolalka iyo qorshaha guud oo uu dhismahaas la damacsan yahay.

Sidaas oo kale, qoraagu wuxuu diyaarsadaa qorshe iyo hoggaan haga markuu qoraalkiisa bilaabayo. Qorshahaas oo uu qormadiisa ugu kala qaybiyo waaxo, cutubyo, curisyo iyo curis-dhalaamo, waxaa lagu magacaabaa jaangoynta sheekada. Jaangoyntaas waxay tiirar adag ama qalfoofba u tahay dhismaha iyo kala hormarinta qoraalka sheekadaas.

Jaangoynta sheekadu waxay u baahan tahay fakar aad ah iyo feejignaan lagu kala meeleeyo afkaarta dulucdeeda. Haddii uu qoraagu bilaabo qoraalkiisa isagoo aan marka hore jaangoynin, wuxuu ku haftaa kala meelaynta afkaarta dulucda sheekadaas ku jirta, taasoo keenta in qoraalkii uu noqdo wax aan dhadhan iyo xiiso toona lahayn.

Tallaabada ugu horreysa ee jaangoynta sheekadu waa weedh sugan oo ku salaysan dulucda qoraalka. Weedhaas ayuu qoraagu u kala jajabiyaa dhacdooyin yar yar oo loo kala hormariyo si suurogal ah. Dhacdooyinkii buu misana u sii kala qaadaa fikradaha ay middood walba ka kooban tahay. Qaybahaas loo kala jejebiyey weedhaas guud, ayaa qoraaga hoggaamiya markuu qoraalkiisa bilaabayo. Qaybahaas waxaa ka dhexeeya xiriir taxan, waxayna go’aamiyaan inta qoraalkaas hordhac noqonaysa iyo inta gabagabo noqonaysa.

Marka uu qoraagu jaangoynayo nooc kasta oo male-awaal ah wuxuu dhibaato kala kulmaa siduu isugu habayn lahaa. Wuxuu haddaba dhibaatadaas furfuriddeeda u adeegsadaa saddex habaynood oo kala jaad ah, kuwaas oo kala ah: Habaynta filka, habaynta meelaynta, iyo habaynta suurogalnimada.

Habaynta filku waxay qoraalkaas u kala hormarisaa siday u kala fil weyn yihiin, siduu u yeesho xiriir macne oo taxan. Dhacdaba tii ay ka hor dhacday bay ka hor qorantaa iyadoo xiriir la leh tii ka horreysay iyo tii ka dambaysayba. Xataa weedhahu waxay u kala hor qormayaan siday u kala fil weyn yihiin. Bal u fiirso curiskaan sida weedhihiisu u kala hormareen:

“Hurdo ayaan iska dareemay, daal-maskaxeed awgiis, waxaan u luuday dhankii qolka hurdada. Geddi cad baan sariirtii isugu kala bixiyey, islamarkiiba khuuraan afka furtay.”

Haddii weedhahaan dhigmadooda laga bilaabo siday u kala danbeeyaan oo weedha u dambeysa qormada laga bilaabo wax macne iyo ujeeddo ah oo ay samaynayaan ma jirto. Haddaba qorshahaas lagu kala hormarinayo ayaa ah habaynta filka. Haddii aan rabo, bilmatal inaan ka hadlo qoys bulsho oo cusub oo dhismaya, waa inaan marka hore wax ka sheegno isbarashadii labada qof jecaylkoodii iyo arooskoodii intaanan u galin ubadkay iska dhaleen iyo waxay noloshoodu ku dambaysay.

Habaynta meelayntu waxay danaysaa xiriirkii meelaha ama degaammada ay dhacdooyinku ka curteen iyo kala durugsanaaanta waqtiyadii ay dheceen. Marka aad doonayso inaad Muqdisho waxay tahay u sheegto qof aan aqoon, kaagama filla inaad tiraahdo, “Waa caasimadda Soomaaliya.” Waa inaad sheegtaa meesha ay dalka kaga taal, waxyaalaha kale oo caanka ah oo u dhaw sida Badweynta Hindiya, iyo magaalooyinka kale oo ku meersan iyo middood walba intay u jirto. Marka aad arrintaas ku hawlan tahay waxaad carrabka ku dhufanaysaa meelo iyo degaamo aan ahayn kaad u dan leedahay hase yeeshee xiriir la leh waxaad macnaynaysay, kuwaasoo wax ku siyaadinaya waxaad doonaysay inaad gudbiso. Waxaa habaynta meelaynta loo adeegsadaa erayo meeleed sida dhaw, fog, xiga, dhexeeya, korreeya, hooseeya iyo wixi la mida. Bal u dhug yeelo curiskaan soo socda siday habaynta meelaynta raad ugu leedahay.

“Jirriiban waa degmo ka tirsan gobolka Mudug. Waxay Gaalkacyo oo ah xarunta gobolkaas u jirtaa fogaan dhan 240 mitir. Degmada waxay nolosheedu ku xiran tahay reer-guuraaga. Degmadaas oo Badda Hindiya u dhaw khayraad badeedka kama faa’iideysato.”

Meelaynta deegaan sheeko la xiriira (ka soo qaad, sida Jirriiban), oo aan caan ahayn, waxaa lagu caan bixiyaa meelo kale, oo looga aqoon badan yahay. Taas waxaad ka dareemi kartaa curiska sare oo tusaalaha habaynta meelaynta.

Habaynta suuragalnimadu waxay iyana danaysaa kala hormarinta iyo isku dubbarididda fikradda qoraalkaas suugaameed ku jira si ay u noqdaan wax maskaxda u cuntami kara oo aan gadayn maanka iyo fakarka qofka. Bal u fiirso tuducdaan:

“Axmed wuxuu Raxmo oo uu weligiis jeclaa guursaday markii aabbihiis dhashay. Wuxuuna curadkiisii u horreeyay ku curtay intayan hooyadiis qaan gaarin.”

Marka uu akhristuhu dheehdo qormadaan wuxuu isla markiiba dareemayaa iska-hor-imaadka fikradaha oy weedhahaasi xambaarsan yihiin. Sidee baa inanku u guursan karaa aabbihiis oo aan dhalan? Sidee buuse ilmo u yeelan karaa isagoo aan hooyadiis la guursan ama ayan qaangaarin? Taasi waxay ka dhigan tahay oraahdii ahayd, “Dhalaankii waalidkood dhalmada baray!” Fikraddaasi waa midaan maanka aadanaha galayn.

Haddaba si ayan fikradahaas is-diidani uga abuurmin sheekada waxaa loo adeegsadaa habayntaan iyada ah, taas oo doorta xiriirinta fikradda aan isburinaynoo taxan.
Bal markaan waxaad ka baaraan degtaa sida jaangoynta sheekadaan soo socota loogu adeegsaday habaynta aan soo sheegnay, iyo sida jaangoynta qoraalku u tahay dulucdii iyo ujeeddadii sheekadaas oo la soo koobay:

MAYD SOCDA: Sheeko Gaaban

Jaangoynta Sheekada: Sheekadu waxay ku saabsan tahay walwalkii iyo walaacii ay soo mudatay afo Caasho oo goob dagaal looga soo wariyey dhimashadii ninkeeda.
I. Xaaladdii uu qoysku ku sugnaa intaan dhimashadiisa la soo sheegin.

XUBNAHA SHEEKADA GAABAN

Xubnaha sheekada gaabani ama nooc kasta oo qoraal ahiba, waa waaxyaha ama riciraha uu dhismaheedu ka kooban yahay. Xubnahaas oo dhismo ahaan is-garabsadaa waxay sameeyaan bandhig suugaaneed oo midaysan. Waxay xubnahaasi isugu jiraan: Jilayaal, rakib, luuq, luqo, macne, raad-reeb iyo wixi la mida. Waxaan halkaan ku dhex galeynaa kuwa ugu muhimsan lana xiriira sheekada gaaban.

Rakibka: Waa kala habaynta ama rakibaadda fikradaha iyo dhacdooyinka sheekadu isku hawshay. Haddiise si kale loo yiraahdo waa isku gunudka dhacdooyinka si ay sheeko u togato figteeda dabadeedna ugu soo janjeersato gabogabadeeda iyada oo taxaysa afkaar maskaxdayadu u cuntami karta. Figta waa barta noqodka ee ay ka weecato dareenjiidashada qormadaas tiraabeed, halkaasoo uu akhristuhu ka saadaalin karo gabagabada sheekadaas; isla markaas figto waa meesha ugu xiiso badan qormadaas. Xiisaha iyo dhadhanka sheeko waxay ku xiran tahay sare-u-qaadidda figta xagga dhismaha sheekada.

Sheekada gaabani oo nooca ugu sahlan qormooyinka male-awaalka ahi waxay leedahay hab sahlan ooy isu rakibto. Waxaa rakibkeedu ku salaysan yahay halka mar-dhac oo ugu weyn kaasoo ay kaaliyaan dhacdooyinka yaryar, haddiiba ay jiraan. Haddaan si kale u eegno mardhacaasi wuxuu sheekada u yahay lafdhabar, dhacdooyinka kale oo yaryarina waxay u taagan yihiin addimihii sheekada. Ma jiraan dhacdooyin dhinac orda oo la tartama midda weyn sida noofalka, kuwaasao hadday jiri lahaayeen murgin lahaa afkaarta dulucda sheekada. Mardhacaas weyn ayaa qoraaga sheekada gaabani ku soo bandhigaa farshaxan qoraal oo midaysan oo leh bilow, dhex iyo dhammaad suuroobi kara.

Qoraaga hawshiisa xirfadda u lihi wuxuu rakibka qoraalka u habeeyaa si xiiso iyo u-muhasho leh. Wuxuu akhristihiisa ku khasbi karaa inuu u dhug iyo dhaayo lahaado qormadiisa. Wuxuu ku khasbaa inuu akhristuhu, dhacdo walba ama curis walba oo uu akhriyo badidiisa, isweydiiyo su’aasha ah: Maxaa ku xigi doona? Haddii si kale loo yiraahdo, qoraaga culusi wuxuu hawshiisa u soo bandhigaa si qoraalkaasi hoggaan ugu qabsado akhristaha oo curisba kan ku xiga ugu sii dhiibo ilaa uu ka dhammeeyo sheekadaas.

Haddaan u leexanno sheekada Mayd Socda rakibkeedu aad buu u sahlan yahay una cad yahay. Afo saygeedii dagaal loo diray ayaa dhimashadiisa loo soo warinayaa. Waxay mudanaysaa walwalkii, walaacii iyo dhibkii loo yiqiin agoonley dhimashada ninkeedu ku cusub tahay. Siday caadada Soomaaliyeed ahaydba waxay isu diyaarinaysaa in dumaashigeed dumaalo. Rakibka sheekadu markaas ayuu figtiisii ugu sarraysay gaarayaa, sheekada inteeda kale oo ka hadlaysa imaatinkii Xirsi oo dhimashadiisa la haystay iyo isku- burburiddii qoysku waxay noqonaysaa gabagabada rakibka sheekada. Halkaas ayaa xaaladdu caadigeedii hore ugu noqonaysaa.

Jilayaasha: Shakhsiyadda magoogasho waa dadka jilaya ama ay sheekadaasi ku socoto. Waa ciidanka sheekadu ku tiirsan tahay oo aan la’aantood la soo bandhigi karin. Haddii dhan kale laga eego waa dadka haya socodka sheekada oo ay facaayilkooda ku horumarto. Shakhsiyaadkaas loo adeegsaday qormooyinka male-awaalka ah waxaa loo yeelaa qaybna ka qaadanaya bandhigista waayo-aragnimada ay qormadaasi gudbinayso. Dabeecadaha jilaha qormo tiraabeed lagu soo bandhigo waxaa laga dareemi karaa facaayilkiisa, biriirta wajigiisa, hadalkiisa, jecaylkiisa, necaybkiisa iyo wixi la mida. Dabeecaddaasi ama sifooyinkiisa oo dhami waxay inoo muujinayaan shakhsigaasi dad noocuu ka yahay sida tuug, geesi, deeqsi, xaasid, qabiid iyo wixi la mida.

Shakhsiyayntu waa arrin aan looga maarmin curinta suugaanta. Haddii aan dib u dheehanno macnayaasha kala geddisan oo erayga suugaan loo asteeyay waxaan dareymaynaa in macnayaashaasi ay ku wada salaysan yihiin nolosha aadanaha iyo waayo-aragnimadooda, sidaas darteed, shakhsiyayntu waa shay lagama maarmaan u ah curinta suugaanta, mar haddii ay noocyo aadanaha ka mid ah ay u taagan yihiin.

Shakhsiyeynta sheekada gaabani aad bay uga sahlan tahay kuwa qormooyinka dhaadheer ee male-awaalka. Wadnaha sheekada gaabani waa halka ama dhawrka jile oo si fiican uga muuqda dhacdada ama fagaaraha. Hal shakhsi oo madax ah ayaa loo dooraa hoggaaminta sheekada, shakhsiyaadka kale oo yaryarina haddiiba ay jiraan, waxaa loo soo bandhigaa sida ay u caan bixiyaan jilaha hormoodka u ah. Sidoo kale waxaa iyana la soo koobaa dabeecadaha loo yeelayo shakhsiga halyeyga ka ah sheekadaas. Halyeyga sheekada gaaban waxaa lagu soo bandhigaa dabeecad kaliya, taasoo hagta facaayilkiisa iyo himilooyinkiisa. Waa dabeecaddaas midda halyeyga wax jeclaysiisa waxna nebcaysiisa. Sidaan horay u soo sheegnay, sheekada gaaban waxay ku socotaa ama ku horumartaa halyeyga ama ujeeddooyinkiisa iyo xoogag kale oo noqon kara dad, dugaag ama wax dahsoon sida dareen ama dabeecadahaba, iska hor-imaadka ayey sheekada gaabani ugu gurguurataa figteeda dabadeedna guusha xoogaggaas iska soo horjeeda midkood bay sheekadu gabagabadeeda ugu soo guddoontaa.

Qoraaga sheekada gaabani uma madax bannaana inuu siduu rabo sheekadiisa u shakhsiyeeyo, sidoo kale xor uma aha in halyeyga sheekada dabeecadduu rabo siiyo. Shakhsiyeynta sheekada iyo dabeecadaynta halyaygu waxay ku xiran tahay marba nooca waayo-aragnimo oo uu qoraagu rabo inuu sheekadaas ku soo bandhigo. Qoraagu wuxuu sheekadaas u yeelaa dabeecado abaabuli kara dhacdooyin iyo xaalad ku habboon noocaas waayo-aragnimo oo uu soo bandhigayo.

Qoraaga sare wuxuu xirfad fiican u leeyahay siduu akhristayaashiisa u bari lahaa shakhsiyaadka uu abuuray oo qoraalkiisa ku soo bandhigayo. Wuxuu arrintaas u adeegsadaa isagoo u soo guuriya jalbeebsiga shakhsiyaadkaasi, isagoo ka warsheekooda himilooyinkooda iyo waxay damacsanyihiinana, isagoo soo bandhiga ra’yiga ay dadka kale ka haystaan shakhsiyaadkaas.

Shakhsiyeynta sheekada Mayd Socda waxay tusaale fiican u noqon kartaa guud ahaan tan sheekada gaaban. Waxay jilayaasheedu ka koobmaan qalanjada Caasha, saddexdeeda wiil Yuusuf, Cali iyo Mahdi, saaxiibteed Faadumo, dumaashigeed Daahir iyo ninkeeda Xirsi. Sifooyinka ama dabeecadaha loo yeelay qalanjada waa kuwa aan seegganayn ee ku bannaan sheekada. Markii loo soo weriyey dhimashada ninkeeda waxay dareenkeeda ku muujinaysaa walaac, walwal, oohin iyo beerjileec. Uma eka qof laga malaysan karo inay diyaar u tahay inay nolol iyo jecayl la qaybsato nin danbe hadday keedii hore seegtay. Haddana sheekada qaybteeda danbe waxay u muuqanaysaa inay tahay ruux samir dhaw. Dareenkeedii karayey oo uu kiciyey dhimashada ninkeeda hore waxaa shiiqiyey oo illowsiiyey sasabaddii iyo shukaansigii Daahir. Dabeecadahaasi waa kuwo qayb lixaad leh ka qaadanaya horumarka sheekada.

Jile kale oo si aad ah sheekada uga muuqda waa Mahdi oo matalaya sheekada inteeda maadda iyo qosolka leh. Inkasta oo da’diisu yar tahay, haddana jalbeebtiisu aad bay waxtar ugu leedahay sheekada. Waa inan hadal badan oo jecel inuu wax walba ogaado.
Ma jiraan dabeecado kale oo la xusi karo oo lagu soo bandhigayo jilayaasha kale ee sheekada ku jira. Jilayaasha kale oon qayb weyn ka qaadanayn horumarinta sheekada, waxaa kaliya oo loo soo bandhigayaa inay caan bixiyaan halyeyga ama garaad u noqdaan facaayilkiisa.

Deegaanka iyo Muddada: Deegaanka lagu sawiray sheekada ama meeshay sheekadaas ka dhacday ama muddaday dhacdayba waa kuwo bandhigista sheekada qayb weyn ka qaata. Marka dhanka deegaanka loo koco waxaa meesha soo galaya caadooyinkii, dhaqankii iyo hab-bulshadeedkii bulshada meeshaas ku dhaqan. Sidoo kale waxaa iyana soo galaya cimilada, ciidda, dhirta iyo kala-sarraynta dhulka ee deegaankaas. Faallooyinkaas ku saabsan deegaamaynta iyo middaynta sheekada si teel teel ayaa loogu bandhigaa sheekada iyadoo xoog la saarayo meelaha xudunta u ah dhacdooyinka sheekada. Deegaameynta iyo muddaynta sheekadu waxay xoogeeyaan suuragalnimada sheekada. Deegaamaynta waxay kale oo qayb ka qaadataa furfurista dulucda sheekada.

Fagaaraha ay sheekadu ka soo askuntay wuxuu lagama-maaraan u yahay abaabulidda ama qaabinta dhacdooyinka sheekadaa. Tusaalo aan u soo qaadanno sheekooyinka ku saabsan safarka iyo ugaarsiga kuwaasoo kobcidda dhacdooyinkooda ay ku xiran tahay fagaaraha ama deegaanka ay ka aloosmeen.

Qaabduleed, cimilada iyo ciidda fagaarahaas, waxay qayb ka qaadan karaan jaangooyada dhaqanka iyo facaayilka jilayaasha iyo guud ahaan dhacdooyinka sheekadaas. Siiba qaab-duleedka deegaan loogama maarmo furfurista dulucda sheekooyinka ku saabsan dagaalka, fakashada iyo sirdoonka, taas ayaana sal u ah sababta ay qorayaal ama madbacado badni ay buugaagtooda bogga hore ugu soo masawiraan qaabduieedka deggaan ay sheekadu ku salaysan tahay. Mararka qaarkood fagaaaraha ama degaanka sheekadu wuxuu matalaa jile, sida iska-soo-horjeedka halyeyga iyo dabeecadda.
Degaanku wuxuu dhammaystir u noqdaa rakibka sheekada iyo weliba sawiraadda jilayaasha. Wuxuu qoraagu fagaaraha sheekada u qeexi karaa si ka humaag celinaysa dadnimada iyo camalka jilayaasha sheekada. Degaanka uu jiluhu ku soo barbaaray waxay saamayn kartaa camalkiisa, dhaqankiisa, caqiidadiisa iyo himilooyinkiisaba. Akhristuhu sifaalaha degaanka sheekadu ka curtay ayuu ka sii saadaalin karaa jilaha ay barbaarin karto.

Fagaaraha sheekadu waxay kale oo dhaqaajin kartaa dareenka akhristaha. Sawirrada fagaare oo si fiican loo shaqlay ama loo xayeysiiyey waxay xantaxantaynaysaa dareemaha fanka iyo quruxda, kaasoo ay suugaanyahannadu ku magacaabeen dareemaha lixaad. Sidoo kale fagaaraha loo sawiray si hoog ama halisi ku jirto wuxuu kicin karaa dareenka nacaybka ee akhristaha. Bal u fiirso nudaan gaaban:

Qorraxda caarrani waxay si aan naxariis lahayn u kalkalinaysey dhulkii qaawanaa oo coomayey. Maalintaas oo dhan waxay milicdu dubaysey ciiddii, jaballadii, dhirtii, horay u engegtey ilaa ay hawadu isu baddashey hongorre kulayl badan una wirwirtay kor iyo samada bal inay qabow biddo.

Qoyaan biyood waxaa noogu sokaysey daruuraha maylalka badan noo jirey oo iyaba hawada kulul oo ka hoosaysey intay saaqday marba kor u sii guranaysey, samadana ka dhistay qalcado waaweyn ooy uga gaashaantaan hubka cadceeddu la damacsanayd.
Agagaarkayaga dhankii loo eegaba kan kaluu naxariis iyo qabow bidayey.

Qormadaani waxay soo bandhigaysaa degaan halis ah oo uu akhristuhu ishiisa maskaxeed ku sawiranayo cimilada, kulaylka, asqada jyo dhibaatooyinka la xiriira biyo-la’aanta deggaankaas ka taagan. Taasi waxay raad ku reebaysaa dareenka akhristaha, kaasoo isla markaas u naaxay jilaha deegaankaas ku dhaqan, halkaas waxaa ku cad sida uu fagaaruhu ama deegaanku uu sheekada u saameeyo.

Hannaanka Qoraalka: Hannaanka qoraal waa xulashada erayada iyo dhismaha weeraha qoraalkaas. Qoraagu wuxuu xushaa erayadii uu ku soo bandhigi lahaa nooca waayo-aragnimo oo uu gudbinaayo. Wuxuu qoraagu ka jawaabaa weydiimahaan intuusan qoraalkiisa bilaabin: Erayo noocee ah ayaa qoraalkaan u adeegsan doonaa? Ilaa intee ayaan faallooyinka aaraa’da qoraalkaas ku talaxtagi doonaa? Ilaa inteesa ayaan akhristaha fakarkiisa u dhaafi doonaa?” Doorashada hagaha sheekadu waa qayb ka mid ah hannaanka qoraalka. Akhristaha uma dhadhamaan ama kuma raaxaysto xubnaha kale ee qoraalkaas ilaa uu ku qanco hannaanka qoraalkaas.

Qoraa walba wuxuu leeyahay hannaan-qoraal isaga u gaar ah, hannaan-qoraal walbana wuxuu ka hummaag celiyaa camalka iyo dareenka qoraagiisa, sidaas darteed hannaan-qoraalladu waxay u kala geddisan yihiin sida dabeecadaha qorayaashoodu u kala geddisan yihiin.

Qorayaasha qaarkood waxay ku soo bandhigaan waayo-aragnimadooda ay gudbinayaan weedho sahlan oo gaagaaban oo laga dhawray ribbanaan macneed oo qoto dheer. Qorayaal kale waxay dulucda qoraalkooda ku soo gudbiyaan erayo ama weero macne qoto dheer oo falal badan riman. Waxay oraahyadooda isugu jajabiyaan oo misna u farsameeyaan si tiigsan karta ama la tartami karta maansada. Bal dheeho labadaan curis oo soo socda oo dulucdoodu isku mid tahay:

‘‘Waxaan ahayn tirsi kisi ah oon isudheeli tirayn. Hadday sheekada laboba isu togan lahayd midkayo lab ayaan u cid la’ayn. Cali iyo Ismahaan waxay u ekaayeen inay naga qayb bexeen oo hadalkii isla heleen. Sidoo kale waxaa isku saan darsaday Dhooddi iyo Samsan. Aniga iyo Xayir oo midiba kan kale faqdayn ka eegayey, waxaa na soo dhex martay Racwi oo dhan ay isu qaaddo garan la’ayd…”

Bal kan oo la ujeeddo ah, erayadase ka badalanna eeg:

“Lix is-weheshata mid lab baannu dheerayn. Waxay doodi ka taagnayd ninkayagii kalinnimada wehel looga dhigi lahaa. Cali iyo Ismahaan mawjado xoog badan baa gees nooga dhuftay, Dhooddi iyo Samsamna saxiimad dheeraysa ayey ku baqdeen. Waxaa baddu la caaridey aniga iyo Xayir oo Racwi oo dhagax cuskan u baqo tartamayney.”

Qorayaasha labadaan curis oo dulucdoodu isku mid tahay, waxay sawirradooda u kala adeegsadeen hannaanno qoraal oo kala geddisan. Kan hore wuxuu qoraalkiisa u soo bandhigay si toos ah oo ka fog hadallo maldahan iyo weero cuius oo fakarka akhristaha shiila! Haddaan kan kale u leexanno, hadalkiisu waa maldahan yahay. Wuxuu dulucdiisa u soo bandhigay si sarbeeban oo shaki iyo fakar akhristaha u keeni karta.

V. HAGIDDA SHEEKADA

Hagiddu sheekadu waa u-qof-deyidda sawiraadda sheekada. Qofka tebinaya ama akhristaha u soo gudbinaya ayaa ah kan hagaya sheekadaas. Qoraaga ayaa u doora tebiye ama weriye qoraalkiisa. Doorashada tebiye waxay ku xiran tahay hadba nooca dhacdo ama jaadka male-awaal oo sheekadaasi ku qotonto.

Guud ahaan waxaa jira labo nooc oo sheeko-hage. Farqiga ugu weyn oo weriyeyaashi u dhexeeya wuxuu ka yimaadaa xagga naxwaha. Noocyadaasi waxay kala yihiin: Qofka kowaad iyo qofka saddexaad.

Marka xagga naxwaha loo koco Qofka Kowaad waxaa lagu magacaabaa qofka hadalka wata marka labo qofi sheekaysanayso. Ruuxa dhegaystaha ah waxaa, naxwe ahaan, lagu magacaabaa Qofka Labaad. Kuwa ama kan aan labadaas midna ahayn ee laga yaabo in sheekadoodu ku saabsan tahay, waxaa isna lagu magacaabaa Qofka Saddexaad.
Noocyada weriye ee Qofka Kowaad iyo ka Labaad ayaa kiiba labo jaad loo sii kala qaybiyaa. Kulligood waxay isku noqdaan afar nooc oo sheeko-hage: Tebiyaha Qofka Sadeexaad, hagaha uur-ku-baallaha ah ee Qofka Saddexaad, Qoraaga oo Qofka Kowaad jila, iyo Qofka Kowaad oo la maqaarsaaray.

Weriyaha Qofka Saddexaad waxaa la moodaa inuu ka baxsan yahay ama uusan lug ku lahayn soo-bandhigista noocaas suugaaneed. Weriyaha noocaas ah waxaa si fiican looga dareemaa riwaayadaha. Marka aynu riwaayadaha akhriyeyno ama daawanayno ma aragno ama dhegeysanno ruux si toos ah inoo la socodsiiya dhacdooyinka ama inoo ku soo werinaya, waxaanse aragnaa jilayaal kale oo jilaya riwaayaddii. Haddii aad fakarkaaga dib ugu noqotid waxaad garwaaqsanaysaa in qof kaa dadban, ha ahaado qoraageedii, oo aan soo-bandhigistii riwaayadda ka dhex muuqan uu jiro.

Haddaba tebiyaha noocaasi ah oon si toos ah uga muuqan noocaas tiraabeed oo la soo gudbiyey ayaa ku magacaaban tebiyaha Qofka Saddexaad. Bal dheeho qormadaan gaaban oo hoos ku qoran, adoo u dhugmo yeelanaya sida tebiyeheedu u saameey:

“Shahmaad waxay xirrayd dharkii caddaa oo astaanta u ahaa caruusadda. Quraxday u dhalatay bilcaantu habeenkaas siyaadaa u dheerayd. Waxaa dhinac ka xigey Huruuse oo isna qaabkiisii hibada ahaa lebbis bilicsan ku qariyey. Waxaa arooska dhinacyada ka socdey Cali iyo qof dumar ah oo dhallinyaro ahaa, kana socdey dhanka qoyska Abuukar. Afarta qof markay irridka xafladdii ka soo galeen baa waxay ku saseen sharqantii jaanta lays ku darsaday iyo indhaha digtoon oo dadkay meesha ugu yimaadeen ay ku eegayeen. Ruux kastoo dhiirranaan u dhashay uma adkaysan karin indhaha iyo xiska digtoon oo dadka meeshaas isugu yimid ay afartaas qof, siiba Huruuse iyo Shahmaad, ku eegaayeen. Afarta qof iyagoo sidii wax sarqaansan saamaha jiidaya, xishood awgiis ayey fariisteen kuraas dadka ka horreysey oo iyaga loogu talo galay. Sawaxankii badnaa baa nuxuusay, dadkiina, qof walba kursigiisii buu salka kula noqday.”

Waxaad qormadaan ka dareemaysaa kaalintii tebiyaha Qofka Saddexaad uu ku leeyahay male awaalka. Sidaad qormadaan ku aragtid tebiyaha noocaan ahi kama dhex muuqdo dulucdii sheekada, mana kasbayo abuuridda dhacdooyinka. Waxaad moodda in tebiyaha noocan ahi kugu leeyahay: “Anigu sheekada kuma lug lihi ama ima saamayso, ha yeeshee sidii wax u dheceen baan kula socodsiinayaa.”

Waxaa tebiyaha aan kor ku soo sheegnay la bah ah weriye kale oo ka yare duwan. Waxaa hagahaasi, markuu mala-awaalka werinayo, inoo soo gudbiyaa wax uusan arki karln ama maqli karin. Wuxuu wax inoo ka sheegaa siduu jiluhu u fakarayo ama wuxuu jiluhu dareemayo. Waxaad mooddaa inuu awood u leeyahay inuu akhrisan karo waxyaalo dahsoon oo khuseeya jilayaasha mala-awaalkaas la xiriira, sida fakarkooda, dareenkooda, jacaylkooda, nacaybkooda iyo wixii la mid ah. Wariyaha noocaas ah waxaa lagu magacaabaa wariyaha Uur-ku-baallaha ah ee Qofka Saddexaad. Bal ka dhex dhadhanso astaamaha weriyaha noocaas ah curriskaan:

“Xasan intuu kursigii isku dhacdiishey buu inantii wajigeedii daymo ku xaday oo misna gaaddadeedii u dhaafshey markuu arkay in aragga dhaayaheedu ka dadban yihiin. Waxaa ishiisu ku daahday gaaddadeeda oo labo naas oo jaangooyo fiicani ku qotomeen. Wuxuu jeclaystay inuu naasahaas taabasho la gaaro isagoon loogu xumayn. Waxay maskaxdiisu ku hawlanayd siduu u jidaysan lahaa qorshehiisaas iyo halkuu haasaawaha uga bilaabi lahaa inanta oo ku timid ballan ay horay u dhigteen. Inanta oo isaga hadal-fur ka sugaysa, dareentayna inuu iyada daawasho kula maqan yahay ayaa is-maahisey iyadoo iska dhigaysa sidii wax fakaraya oo ka ambaday ujeeddadii ay ballanta ka lahaayeen.”

Haddii aad u dhabbo gashay qormadaan waxaad si fudud u garwaaqsanaysaa in weriyaha curiskaani uu ka afcelinayo fakarkii, dareenkii, iyo qorshihii labada jile oo dulucdu ku saabsan tahay. Haddaba ogaanshaha uu weriyuhu ogaadey waxyaalahaas dahsoon sida fakarka ama sirta jilayaasha, ayuu kula magac baxay uur-ku-baalle ama hibaysane.

Weriye kasta oo isku magacaaba ‘aniga’, markuu nooc suugaaneed inoo soo gudbinayo, waa weriye Qofka Kowaad ah. Haddaba magac-u-yaalka ‘aniga’ wuxuu suugaanta ugu taagnaan karaa labo Qof:

Qoraagii noocaas suugaaneed askumay ama qof kale oo la maqaarsaaray. Marka ay ‘aniga’ qoraaga u taagan tahay, qoraagii ayaa iska dhigaya weriye ka madax bannaan curintii sheekadaas. Wuxuu iska yeelaa ruux soo martay ama toos ay ugu dhacday waayo-aragnimada ay sheekadaasi xambaarsan tahay. Wuxuu akhristaha u rumeeyaa jiraalka ama jiritaanka noocaas suugaameed ee uu werinayo.

Weriyaha maqaarsaaran oo qofka Kowaad ihi wuxuu sheekada u hadlaa siduu isaga naftiisu qoraagii sheekadaas yahay. Waxaa habboon inaad erayga maqaarsaar maskaxda ku haysid. Wuxuu weriyahaani isu ekaysiiyaa isu dhalan rogga qoraagii sheekada. Waxaa tilmaamaha weriyaha noocaan ah tusaalo wacan u ah kan sheekada Mayd Socda. Caasha oo weriye ka ah sheekadaasi ma aha qoraagii askumay sheekadaas, waxaase loo maqaarsaaray in loo ekaysiiyo.

DHAMMAAD

***

 

MAYD SOCDA
Sheeko Gaaban

Waxay ahayd subax Isniinaad oo cirku qaawan yahay, qorraxduna ay samada qun yar u tafayso. Quraacdii ayaan u qaybshay saddexdaydii wiil Yuusuf, Cali, iyo Mahdi waxaana u tabaabushaysanayey inaan suuqa magaalada aado.

“Aaa, hooyo! Rootigaygii buu iga qaatay.” Mahdi, waa kii ugu yaraaye, ayaa kala qayliyey quraacda korkeeda isagoo afkiisu buuxo.

“Kee?” ayaan weydiiyey anoo aan si fiican uga digtoonayn eedsheegadkiisa, kuna hawlan hagaajin sariiro ay saaka ka soo waabariisteen.

“Ca… Caali! Wuu i xoogayaa! Hooyo!” Mar labaad buu soo cabaaday isagoo oohin hinraagaya.

“Waryaa, Cali! Sii wiilka kaa yar rootigiisa, yaanan kuu soo kicine.” Cali baan ku canaantay. Cali labo sano ayuu Mahdi ka weynaa, wuxuu ahaa caatay ku dheer da’diisa. Xabbad rooti ah buu si caro ku jirto ugu halgaaday walaalkiis Mahdi. Canaan baan u dhaandhaanshay ilaa uu oohin afka labo taako geeyey.

Shaqadaydii baan sii watay anoo saacadda milicsanaya. Waxay gacmaha gooraysatadu tilmaamayeen sagaalkii oo rubi dhiman. Waxaan dareemayey in Faadumo oo aan sugayey ay daahday. “Xaliimo?” Waxaan u qayliyey adeegtadaydii. Qolkii bay degdeg ku soo gashay. Waxaan beegsiinayey shaqo-guridii maalintaas. Qof baa albaabka ka soo digay intaan adeegtada hawsheeda farayey.

“Soo dhaaf,” ayaan ula tannaagoodey shanqartii soo digtay. Faadumo ayaa soo dhacday. Salaan baan isdhaafsannay aniga iyo Faadumo marka ay adeegtadii dibadda u sii baxaysay.

“Ma soo daahay?” Faadumo ayaa si kaftan ku jiro ii weydiisay iyadoo qosol ilkaha daaha ka rogaysa. Faadumo waxay ahayd inan dheer, dhuuban oo qurxoon oo leh weji jaangooyo fiican. Qosolkeeda iyo ilkaheeda qaabsamida u teedsani waxay ahaayeen kuwo bilicdii foolkeeda dheelitiray. Naasaheeda tognaa iyo jirkeeda oo dhani wuxuu ka marag kacayey inannimadeeda iyo dhawrsanaanteeda. Xarig nakaax kuma xirnayn wayse doonanayd.

“Ma aad soo daahin oo keliya aad baadse u soo daahday,” ayaan iri anoo ugu baaqaya inay ku fariisato kursi ii dhawaa.

“Wax war Galbeed ah?” Faadumo ayaa i weydiisey.

“Maya,” ayaa jawaabtaydu ku koobnayd. Waxaan ku hawlanaa is-dhisid, waayo waxay ahayd inaan inanta suuqa Xamar Weyne u raaco. Faadumo su’aasheedii u danbaysay baa maskaxdayda ku soo cusboonaysiisay tegiddii ninkaygii aan jeclaa. Maalintii tegiddiisu ahayd xusuus gaara ayay ii lahayd. Ninkaygu wuxuu lahaa qaab dhismo fiican iyo garbo waaweyn oo madaxiisa culus kor u hinjiya. Araggiisu wuxuu u muuqday inuu yahay nin qab weyn oo kibir badan. Wuxuu ku magacawnaa Xirsi, waxayse saaxiibbadii ugu yeri jireen Maroodi muuqaalkiisa dartii. Wuxuu ahaa sarkaal sare oo ciidanka gobannimo-doonka Soomaali Galbeed ka tirsan. Wuxuu raacay kooxo gurmad ahaa oo lagu xoojinayey Jabhadda Xoraynta Soomaali Galbeed oo xornimadooda ka khasbey taliska Xabashida iyo huwanteeda.

Ambabixisii, Xirsi wuxuu noo soo maray inuu na nabadgalyeeyo, kaddib markuu dhawr habeen nooga dhaxay xerada ciidankiisa. alaab yaryar ayuu kolay ku uruursaday. Dhankayaga ayuu u soo jeestay markuu diyaargaroobay.

“Waqtigii waa la gaaray,” ayuu la soo degdegay, “Anigu waxaan aadayaa dagaalka. Hadal danbe waqti uma hayo. Dukaanluhu masruufkii waa idiin wadayaa. Walaalkay Daahir idin kama dheera haddii lacagtii idin ka go’do. Hadal iyo dhammaantiis aday ku jirtaa sidaad reerka u hanan lahayd intaan maqnahay.”

Madaxa ayaan u ruxay hadal walba oo uu yiraahdo, anoo dareenkii jirka oo dhan dhegaha isugu keenay. Intuu shucuurtii wajigiisa farax ka muujiyey buu igu soo booday, isku kay maray, buu dhunkasho dheg, galow, iyo dhabnaha marba dhinac u dhaafshay, ilaa uu dareen macaani tin ilaa cirib igu duxay. “Laga yaabee inay dhunkashadani tahay tii adduunka isugu keen dambeysay,” buu igala dul gurxamay.

Dareenkii macaanaa oo dhunkashadiisu igu reebtay baa waxaa ii badalay naxdin, “Rabi ha kula jiro,” ayaa afkaygu karay.

Intuu iga go’ay buu kolaygiisii garabka surtay. Qolkii buu ka baxay oo kor u dafay Mahdi oo boonballadiisii debedda ku ciyaaraya. Wiilkiisii buu wejiga dhunkasho kala gaaray dibnaha oo yiri, “Jaaw Aabbo!”

“Baaba, intee aadee?” Mahdi baa su’aaltamay.

“Waxaan soo gubayaa cadawgeenna Axmaaro!” Xirsi baa ku jawaabay isagoo wiilkiisa uqoslaya. Cadawtooyada Xabashida iyo Soomaalida dhex tiil waxay gaarsiisnayd xad ay dhalaanka yaryari garwaaqsan karaan.

Fakar ayaan la ambaday intii uu ilmaha nabadgelyeynayey. Waxaan u walwalsanaa una baqayey nolosha ninkayga. Fikrado isdhaafsan baa maskaxdayda isku jiiray. Awooddaydu ma gaarsiisnayn inaan ninkayga guriga ku reebto oon dagaalka ka baajiyo. Erayadii gurxankiisa u danbeeyey ayaa maskaxdayda ka sii qaylinayey, “Laga yaabee in dhunkashadaani tahay tii isugu keen danbeysay.”

Xirsi, nabadgelyayntiisii ayuu kulligayo gacanta salaan na wada saaray oo ku degdegay fatuurad irridka ku sugeysay. Saamihiisii ayaan indhaha lasii wada raacnay ilaa uu fatuuradda nooga dhuuntay. Aad baan uga walaacsanayn tegiddiisa. “Xagee buu u jeedaa,” baan is-ogaal weydiiyey “malaha qabrigiisii” ayaa isugu mala jawaabay.

“Caasha, xaggee maanta iskala hadlaysaa? Ilama fiicnide.” Faadumo oo hamigayga dareentay baa i weydiisey.

Intaan hawada xoog u jiidey oo mid le’eg uurkujirta ka soo gaaciyey baan, “Waxba abbaayo,” ugu jawaabay anoo fakarkaygii dheeraa halkaa uga haraya. Intaan qarsho barafuun ah laabatooyinkayga sare ku buufiyey baan Faadumo u dhiibay. Suuqa hoose ee magaalada Muqdisho ayaan wax-gadasho u aadnay. Daqiiqad yar ayay nagu qaadatay intaan Jidka Maka AI-Mukarrama ka gaareyney. Socodka shaqaaluhu aad buu u badnaa, marka waxaa daqiiqado door ah naga qaadatay intii aan sugeyney fursad aan jidka dhanka koofureed uga tallaabi lahayn. Jidka qarkiisa ayaan tagsi isu taagnay markii aan ka talawnay. Helitaanka tagsi oon ugu dambaystii ku guulaysanay dhib yar kama aanan soo marin. Jidka hareerihiisa waxaa tubnaa dad badan oo qaaditaan sugayey. Markii tagsi marani na soo ag-joogsada dad badan baa kala hororsanayey, wadayaasha dacwadahooda joogtada ahaydna waxay ka taagnayd waxyeellada daaqadaha tagaasidooda oo dadku ku hardamayey. Abbaartayadu waxay ahayd Xamar Weyne oo aan doonayney inaan alaabo yaryar ka soo iibsanno.

Abbaaraha kow-iyo-tobankii barqanimo ayaan aqalkii ku soo laabannay. Faadumo aqalkeedii bay u kacday kaddib markii aan cabitaan qabow wadnayaasha ku sabnay. Waxaan suuqa kala soo laabtay bilic-dheehyo iyo lebbisyo aan carruurtayda u soo iibshay. Intaas ka sokow, waxaan boombalo cusub u soo gaday Mahdi oon wiilashayda u jeclaa. Daal iyo jilicsanaan ayaan iska dareemay. Sariirtaydii ayaan isku kala baxshay si aan u nafiso, una dhakiyo intaan qadada la gaarin, wax badan ma aanan jiifin markaan garaac albaabka ka yeeraya ku kacay. Albaabkii baan u jawaabay. Dumaashigay, Daahir ayaan iridka kula kulmay. Daahir aalaaba waa nasoo booqan jiray si uu u ogaado waxa aan ku sugannahay.

“Maalin wanaagsan!” Daahir ayaan si farxad leh kula hambaabiray intuusan fursad u helin inuu na salaamo. Nabdaadintiisii buu la gunuunnucay. Wajigiisu waa qayirnaa, dhididna waa ka shuxayey sidii uu cid lasoo dagaalay. “Mindhaa anuu gaf ama khalad igu tirinayaa,” ayaan maleeyey. “Khalad noocee ah? Maya.” Yaab baa iga soo haray, afkayaguna hadal waa kari waayey. Anoo la didsan isbeddelka shucuureed ee wajiga Daahir ayaa isagii ii hor kacay qolka fadhiga. Soofa dheer oo fadhi dabacsan buu salka la helay isagoo aan wali hadal damacsanayn. Dib isu jinbacay oo u keenay cabitaan qabow, Kooka Koola. Intaan sharaabkii miis yar oo kuraasta isfadhi dhawranaysa u dhexeeyey u dhigay baan kursi hortiisa ah salka mutay, anoo wali fajacsan. Daahir wuxuu ku dhaygagsanaa Kookada hor tiil oo xunbaynaysay.

“Daahir, sidee wax u jiraan? Maanta caadi ma ahide?” ayaan ugu dambaystii weydiiyey markuu cabbaar iga aamusnaa.

Intuu indhaha milicsi igu dhiftay oo haddana igala noqday buu jeebka misigta ku aaddanaa masar kala soo baxay oo wajigiisa dhididku shuxayey marba dhinac ugu hiigay. Afkuu hadal u kala qaaday oo inta dibnaha nuuxnuuxiyey misana ka noqday intaan erayna afkiisa ka soo bixin. Waxaan ku sigtay inaan oohin buqdo, markuu ugu dambaystii, warkiisii naxdinta lahaa afka furtay.

“Caasha, aad baan uga xumahay inaan kuu sheego dhimashadii Xirsi, walaalkay oo ku dhintay dagaalkii Jabhadda iyagoo weerar ku qaadaya saldhigyo ciidammada cadawgu lahaa…”

Waan miyir beelay markii erayga dhimasho dhagahayga ku dhacay. Dunidii baa ila wareegocaddaysay. Anoo aan hadalka dhammaystirkiisa sugin baan fadhigii ka booday oo sambabadayda muggooda afka qaylo ku shubtay. Qolkii jiifka ayaan ku cararay anoo dumaashigay oo hadalkii ii wada qolkii ku cidleeyey. Haddii fooli timaaddo gudo-qarsiinyo dhinte, haddii dareen culusi yimidna xishood dumaashinimo dhamaa, sariirtaydii baan isku halgaaday, iyadoo indhahayga ilmadu durdurayso. Qaylada boohintaydu waxay dhiillo galisay deriskii. Dad badan ayaa gurigayga kusoo shamuumayey si ay u ogaadaan waxa qayladayda u saldhig ah. Eraygii dhimashadu wuxuu ku fiday deriskii iyo Hodan oo dhan markiiba.

Daahir markuu xaaladda dersay ayuu weedho waano ah ii soo faray adeegtadii carruurtiina ia aaday aqalkiisii oo Waabari ku yaal. Tab iyo maaro wuu u waayey siduu u sabaalin lahaa dareenkayga kor dhaafay.

Maalintaas iyo habeenkeediiba baroor bay ii ahayd. Waxaa jirkaygii oo dhan qallayl u diidey dhidid iyo illin.

Maalintii labaad waxay ahayd Talaado xusuus weyn ii lahayd. Daahir wuxuu la soo laabtay carruurtii agoonta ahayd. Dad kaloo badan oo murugaysan ayaa yimid. Alla barigii tacsida ayaa la aloosay. Riyo badan oo tacsida loola niyooday baa gawrac lagu jiiday. Koox wadaaddo ah oo horay loogu hamuun tiray ayaa inta iska soo horjeestay Qur’aan iyo duco u bixinayey ruuxii aakhiro loo oofsaday. Wajiyo murugo huwan oo tiro beelay baa raaskii iska soo dhaamiyey. Qaarkood ilin bay iska hoorinayeen. Tuugsato badan baa iyana aqalkii isweer ka qabtay. Iyagu uma imaan inay murugada nala qaybsadaan waxayse soo doonteen waxay caloosha dhigaan. Malaha waabay ku farxaan inay ka qayb galaan Alla bari tacsiyadeed si ay maalintaas dheregtooda u cunaan, bal murugo ha joogtee. Gurigii wuxuu kanoolaaday dad nooc walba oo bulsho ka mid ah leh. Durbadiiba waxaa dumar murugaysani ii xireen asaydii caddayd.

Ilaa intaan xirnahay dhar baaskaas murugta lihi, waxay ahayd inaan raaco qawaaniin gaara oo dhaqanka ku sal leh. Waa inaanan cunin cunto dufan leh ama aanan dheregtayda quudan, waa inaanan madaxa subkan ama aanan shanlaysan; waa inaanan mayran ama aanan cidiyaha iska jarin. Waxay ahayd inaan sidaas u dhaqmo ilaa inta asaydu ii saaran tahay oo ilaa lixdan casho ku siman.

Dadkii tacsida ka soo qayb galay waxay iga huleeleen markii aaska madoobaaday. Agoontii waxaa la noqday adeerkood Daahir. Xaliimo oo kaliya ayaa gurigii iiga soo hartay. Sariirtii baan geddi cad isugu kala bixiyey anoo wali asaydii ku maran. Ishayda ilmadu kama gurin ilaa intii dhimashada ninkayga guriga la keenay. Illintii indhahayga ka qulqulaysay waxay igu qoysay barkimadii, waxaan marba baroor la soo saro kacayey markaan aniyo carruurtayda ayaan xumada nagu soo fool yeelatay ka sii fakaro. Waxaan soo garwaaqsaday gurxankiisii ugu danbeeyey oo ahaa, “Laga yaabee inay dhunkashadaani tahay tii adduunka isugu keen danbaysay.” Baroor baan la qayliyey ilaa aan dariskii kaga salaliyey saqda dhexe. Waxaan isku dayey inaan dareenkaygii kacsanaa xukumo, waase ka tab waayey. Ninkaygii baan fakar ku raad guray. Waxaan maskaxda ku sawirtay maydkiisii oo ay ku tumanayaan ciidamo weerar ku jira ama ay dul marayaan kaarayaal dagaal iyagoo hilibkiisa u kidfaya xubno aan midina mid ku ool. Wuxuu sawirkii igu sii kordhiyey hinraagii, naxdintii, dhididkii iyo illintii aan u meel waayey, Habeenkaas oo dhan hurdo gama’ ma siin. Sariirta aan ku jiifay waxay ii ahayd foorno, qolkuna wuxuu ii ahaa qabri.
Maalin kuwii hore ka murugo badan ayaa ii dilaacday. Sariirtii baan dul fariistay oo indhaha sacabka ku qalajiyay. Albaabka xaggiisa ayaan u tukubey oo balaqay. Qolkii baan dibadda uga baxay. Qorraxdii arooryo ayaa igu salaantay fallaarihii ifkeeda aan wali qaan gaarin, anna waxaan ugu salaan celiyey illin. Qaanso-roobaadyo yaryar baa indhahayga baalashooda illinta iyo qorraxda ifkeedu ka sameeyeen. Gambar baan ku fariistay anoo culayskii madaxayga gacmo bowdyaha ku dhidbanaa sare ugu haya, hayr marba indhaha soo dhaafayeyna la dagaallamaya. Qolkii baan dib ugu luuday, Sariirtii baan isku tuuray oo baroortii meesheedii ka waday.

Abbaaraha siddeedii iyo rubi war-baaska maalintiisii saddexaad ayaa dadkii bilaabeen inay raaskaygii ku soo qulqulaan. Qolkii aan ku jiray ayey labo-labo iyo saddex-saddex u soo gelayeen. Midkood walba si calool-xumo leh ayuu erayo tacsiyeyn ah afka ugu kala qaadayey, dabadeedna baxayey si uu fursad u siiyo dad tiro beelay oo tacsiyeynta iyo salaanta iila soo kala horanayey. Waxaan ka masayray dadka tacsiyeynta iigu yimid qaarkood dheddig, waxayna ilmo ila soo dhaaftay araggooda, maxaa yeelay iyaga raggoodii wow noolaa. Nolol iyo jecaylba nimankooda ayay la qaybsanayeen. Sidayda oo kale sariirahooda dhinac kama cidloobin. Mana ay mudan kalinimada aniga i soo food saartay. Xataa waxaan ka masayray dumar aan la qabin oo sabaalin iyo ilawsiin iigu yimid, maxaa yeelay sidayda oo kale ma ay ahayn agoonley, mana ay hayn dhibaatada ila soo daristay. Mararka qaarkood waxaa tacsiyeyn iigu imaanayey labo-labo isqaba, waxaana joogistoodu i xusuusinaysay mar waxaan ahaan jiray iyo hadda waxaan ku dambeeyey.

Erayada tacsiyeynta ahaa iyo joogista dadkuba waxay siyaadisay oo kor u sii qaaday walwalkii iyo walaacii i haystay bal dareenkayga oo ay sabaaliyaan daayoo, “Samir yeelo,” waxay ahayd weedh ay ka sinaayeen oo ay hadalladooda ugu wada dambaysiinayeen samir ninkaygiina iima soo celin karo, illintayda ma joojin karo, ayaan is-iri. Waxaa kaliya oo boogahayga baanin kara, dareenkayga kacsanaa damin kara waa waqtiga oo wax walba duugowgooda u sabab ah, hase yeeshee, xataa waqtigu ninkay iima soo noolayn karo.
Maalintaas murugta badnayd waxay ii dhiibtay habeen ka sii daran. Habeenku wuu ii dheeraa oo ii dhib badnaa. Waxaan ku dhex karsamayey sariirtaydii oo dhari dab saaran iiga darnayd. Xaliimo waxay hurdo lur la’ ila ag jiiftay sariir dhinacayga tiil. Habeenku wuxuu u sii gurguuranayey saq dhexe, hurdana wayga soo go’i weyday. Sariirtii baan ka degtay oo nalkii daaray.

Waxaan u saamo qaaday armaajo qolka dhinaciisa tiil. Khaanadaheedii baan mid soo dhuftay waxaanna kasoo dhex dafay masawirkii ninkaygii oo si fiican loo saabiyey, darbiga qolka ayuu surraan jiray, ha yeeshee khaanaddaas ayaan ku qariyey kaddib markii dhimashadii ninkayga la ii soo sheegay. Waxaan ku dhaygagay sawirkii midabaysnaa ee ninkaygii dhintay. Wajiga sawirka ayaan indhaha ku qotomiyey. Wajigiisu wuu qaab samaa, wuxuuna la dabacsanaa qosol yar. Sawirkii baan dhunkaday. Waxay ila noqotay inaan ninkayga dhunkasho nolosha kula qaybsanayo ee ayan wuxu ahayn suuraddiisii. Gafuurkaan cabbaar masawirkii ku camcamiyey waxaana daqiiqadihii ay dibnahaygu warqadda shaqlan dul saarraayeen illaaway calool xumadii iyo urugadii i haysay. Isla markiiba waxaan ogaaday inaan hawada qalcado waaweyn ka dhisayo. Dibnahaygii baan sawirkii kala noqday. Intaan mar labaad warqaddaan hayey miiicsaday baan laabtayda ku camcamshay oo boohin hinraagay, anoo dhibco waaweyn oo hayr ah indhaha ka hoorinaya.

Himishkii baan wajiga ka tiray oo khaanad kale oo armaajada ka mid ah soo jiiday; hoos baan ugu fiirshay indho ay ilmo ka sarrayso, waxaanna illintii ka dhex arkay saraawiil iyo shaarar uu lahaa ninkaygii ‘tagey’ oo inta la feereeyey oo la laalaabay qaadasho u diyaar ah. “Yey qaadasho ka sugayaan?” ayaan maleeyey, “Ninkii xiran lahaa, tuke iyo haad baa hilibkiisii si silic leh u gogtaye.” Dharkii baan soo qaaday oo sagxadda aqalka bilqay. Aalkolo qolkii tiil baan soo qaatay oo ku bilbilay, dabadeedna, xabbad tarraq ah oo holcaysa qabadsiiyey si ayan mar dambe ishaydu u qaban oo aanan ugu xusuusan Xirsi. Shay uu saygaygu lahaan jiray markaan arkaba, wuxuu maskaxdayda ku soo noolayn jiray Xirsigii tegey, wuxuuna danqin jiray boogihii aan dhayayey.

Aah! Noloshu ashqaraar badanaa! Waxay kulmisaa iska hor imaadyo qallafsan oo murugo badan, dhimasho iyo dhalasho, farax iyo urugo, qosol iyo baroor, belo iyo baraare, guur iyo garoobin. Wajiyadaas nololeed oo dhan, kuwoodii dhibaalka lahaa ayaa ii heshiiyey. Aah! Waa maxay nasiibdarro iyo tag-xumo aan u dhashay? Ma waxaa la ii qoray inaan sidaan ku danbeeyo?

Aah, dhimasho! Waxay kala dhantaashaa labo qof oo wada jira jecaylkooduna dheellitiran yahay. Xukunkeedu caddaalad xumaa markay labo isjecel midna disho, kan kalena ifka ay ku baddo nolol malmal macaan kala meel joogta.

Naagi waa inay wax jeclaataa lana jeclaadaa, jeceyl nikaax iyo raas leh. Jacayl waa isha faraxa ee nolosha. Maxay nololi ahaan lahayd, haddii urugo iyo dhibaato mooyee ayan farax iyo fayoobi lahayn? Markaas oo kale dhimashadaa door ah, waxaan gaaray heer aan dhimashada door bido si aan uga raysto walwalka, walaaca, asayda, kalinnimada iyo dhibaalka nololeed oo isugu soo kay qaylo dhaansaday.

Maalmahaygii murugada lahaa midba miday riixday. Booqashada dadka tacsida iigu imaanayey way soo yaraanayeen maalinba maalinta ka danbeysa. Indhahaygu way kari waayeen illin danbe oo ay daadshaan. Wajigaygii wuu dhaday. Hilibkil iyo culayskii barwaaqadu igu rartay wuu iga dhacay, waxaan isu beddelay weyd tabar daran, waayo, weli sidii war-baasku ii soo gaaray afkayga oomati waa lagu holi waayey. Quruxdaan u dhashay qayiran baa u danbeeyey. Daahir mar mar buu booqasho iigu imaan jiray isagoo isku dayaya inuu dhibta iga kala yareeyo oo hadba sabaalin igu dayayey.

Maalin maalmahaas ka mid ah, ayuu Daahir sidii caadadiisu ahayd noo yimid. Qolkii fadhiga ayuu fariistay, markaasuu ii qayliyey anoo qolkaygii jiifa oo fakaraya. Intaan u imid baan kursi hortiisa yiil si xushmo leh salka ula raadsaday. Salaan baan is-dhaafsannay. Kor iyo hoos, tin iyo cirib buu isha ila raacay.

“Waa maxay isbeddelka ku dhacay!” ayaan maleeyey inuu is-weydiinayo. Waxaan in doora aamusiyey aragxumada iyo weydnimada aan kala soo hor jeestay. Intuu xamiiq tirtay buu hadal bilaabay.

“Caasha, marka hore, waxaan jeclahay inaan ku xusuusiyo in qoyskayga oo dhami kula qaybsanayo geerida ina ku timid dhibkeeda. Ma aha adiga kaliya inta Xirsi ka geeriyooday ee isku si baynu u wada sugeynay.” Hadalkii buu sii waday isagoo wajigiisa kaduudaya. “Marka labaad, haddii aynaan soo noqodkiisa filayn, waxaa habboon in reerkii uu ka tegey aynu dumista ka ilaalinno.” Xoogaa buu hadalkii ka hakaday oo kursigii gadaal isugu dhacdiidiyey. Hadalkii buu misana dib ugu laabtay. “Waa labadeenna waxa uu xilkaasi saaran yahay. Mas’uuliyadda garbaheenna ayey dul taallaa. Waxaa jidha carruur xannaano iyo taxaddar u baahan. Adiga laftaadu kama marnid dhawrista ee waad u baahan tahay, marka sidee baad u malaynaysaa inaan reerkaas dumista uga ilaalin karno?”

Intii cabbaar ah ayaan aamusnaa oo su’aashii u waayey jawaabtii ku habboonayd. Milicsi ayaan damcay inaan foolkiisa ku xado, ha yeeshee, durbadiiba dhaayaha ayaan kala boodey markaan arkay indhihiisa oo wajigayga ku qotoma, taasoo isla markaas i illowsiisay erayadii aan isugu soo duway inaan su’aashaas uga jawaabo.

“Daahir, xeradii llaahay dhigay ayaa dhigan. Wax samada laga soo qoray cidina ma baajin karto,” ugu danbeystii ayaan ku guulaystay inaan erayadan afkayga ka fasaxo. “Qoyskaan xag Alla ayaa Rabbi uga qoray inuu burburo, markii Rabbi ka qaaday dhegtiisii sare, Xirsi.” Libiqsigii ayey ishaydu illin ka soo maaxatay, xusuusta xun awgeed, la soo tuftay. Hadalkii baan dib u bilaabay markaan cabbaar indhaha iyo ilmada aan u kala maaro waayey aan kala sabaalinayey. “Aniga iyo adiga midna reerkaan baaba’aan loo qoray kama badbaadin karo,” ayaan jawaabteydii ku soo gabagabeeyey.

“Adigu ma diiddan tahay sidii kasta oo suurta gal ah oo aan waajibkaas ina saaran ku gudan karno?” ayuu misana i weydiiyey, isagoo i daymoonaya, ilkihiisana qosol dibnaha dib ugu xaydaya. Waxay ahayd waqtigii iigu horreeyey oon arko isagoo qosol u hogbanaya tan iyo intii geerida la soo sheegay. Samir ayaa durba halmaansiiyey dhimashadii walaalkiisii ku dheeraa oo uu san-ku-neefle oo idil ka jeclaa.

“Maya. Maxaa…? Ma hortaagni ee waxaanan garanayn si hawshaas wax uga suurto geliyaan,” ayaan kula dhiirraday.

Xaliimo ayaa soo gashay iyadoo sharaab dhalaysan sagbo noogu sidda. Kursi yaroo wareegsan bay inta soo dhex dhigtay sharaabkii noo dul saartay. Way naga baxday iyadoo aan afkeeda erayna u kala qaadin. Shibbanaan muddo gaaban baa noo xigtay.

“Run ahaantii dhibaatooyin reerka soo food saaray siyaabo badan baan uga gaashaaman karnaa,” ujeeddadiisii ayuu dooxay. “Sida ugu fiican oo aynu qoyskaan dib ugu dhisi karnaa, waa annagoo cuskanna dhaqankii iyo caadadii aynu lahayn. Taas macnaheedu waa annagoo isticmaalna. Markaa sidee bay arrintaasu kula tahay?”

Sida caadada Soomaalidii ay tahayba haddii nin dhinto, naagtiisii waxaa xaq u leh inuu dumaalo walaalkiisa, si uu u hanto qoyskii agoomoobay, xilkoodana dusha ugu rito. Shaki kuma jiro in waxa Daahir afkiisa la karay oraahdaas ay ahayd dantayada. Wuxuu doonayey inuu xilkiisii guto. Arrinta dhankeedii xumaa kama eegin. Waan hubey in Daahir damaciisu ahaa dantayada ee aan wax kale meesha ku jirin.

Waxaan la aamusay fakarkii iyo rogroggii arrinta Daahir soo jeediyey. ‘‘Guur aan hawaystaa, anoo aan weli dhayin oo baanan boogihii jeceylkeygii rasaasta dubatay!” Suurogal bay ila ahaan weyday. Sidee baan nin ula jiifsan karaa sariirtii aan roonahaygii la oofsaday legdan-jiif xalaal ah kula qaybsan jiray. Haa, iyo maya, midna arrintii waa u doori waayey. Kalmadda dumaaleed, waxay danqisay hurgankii uu samirku daaweynta kula dhibbanaa. Xaaladdu xaq-darro ayey iila muuqatay, damiirkaygu oggol iyo diidmo arrintaas ah ayuu isku hayey. Weydiintii uu Daahir hadalkaas ugu danbeysiiyey saygaygii ayuu maskaxdayda ku soo cusboonaysiiyey. Illintii cabbaar indhuhu xannibeen baa irridda soo jabsatay. Ninkaygii cusbaa ayaan si wacan ugu ag baroortay, anoo wajiga garbasaartii ku qarinaya.

Daahir intuu fadhigii ka soo kacay buu i dul istaagay oo sidii cunug yar garbaha iga xoodaamiyey si dareenkayga karaya uu u sabaaliyo. “Caasha, maxaa dhacay? Ma hadalkaygaa wax kuu dhimay?” ayuu i weydiiyey isagoo luuqda codkiisa hoos u dhigaya. Illin mooyee jawaab wayga waayey. Erayna afkaygu waa kari waayey. “Caasha?” wuu sii hadlay, ‘‘Waan hubaa erayga dumaaleed oon filayey inaad ku diirsato baad dhibsatay. Markaa taladii adaan kuu dhaafayaaye, bal rogrog oo go’aan ka soo gaar.” Wuu iga tagey markaan baroortii joojiyey.

Waxaan maalintaas dhan ku fakarayey ra’yigii Daahir soo jeediyey. Arrinta dumaaleed waxay igu noqotay shiil dabaysan oo wadnaha igaga qotoma, ha yeeshee, dantayda iyo tan carruurtayda ra’yi kaas u dhaama maskaxdayda waa ka soo degi waayey. Daahir aad buu noogu naxariis badnaa xataa intuu Xirsi noolaa oo joogey. Dhibaatooyinkayga wuu la socon jiray intaan geerida la soo werin. Arrinka uu ii soo jeediyey isagu ku danaysan mayn ee taayaduu ku daryeelayey, intaas ka sokow, Daahir wuxuu lahaa afo u lahayd afar carruura.

Guur-bursi uu labo ama dhawr naagood nin nikaax ku kulmiyaa, wuxuu ahaa dhaqan aan Soomaalida ka marnayn. Arrinta aniyo Daahirse wey ka ujeeddo geddisnayd dumar-bursi; taayadu waxay ahayd waddada badbaado ee masiibo dhacday. Markii aan arrintii dhan walba ka eegay, waxaan guddoonsaday inaan saadaasha Daahir raaco. Ra’yigii markii hore ila xumaa wuu ila naxli beelay markii aan si fiican u rogrogay.

Sidii Xirsi oo kale, Daahir wuxuu ahaa nin qaab-dhisme fiican joogna ku darsaday. Midabkiisu wuxuu ahaa maarriin. Laba sano ayuu Xirsi ifka uga soo horreeyey. Wuxuu lahaa tagsi iyo dukaan macdaar ah. Si walba wuu ugu fillaa inuu laba qoys quudiyo, xaaskiisii hore iyo kan dib u dhismi dooney.

“Ilaa xad dhibaatooyinkaan na soo food saaray weheshigiisa waan uga kaban karnaa,” ayaan isku maaweeliyey.

Maalin dambe ayaa Daahir iila yimid saddaxdaydii wiil. Way i wada salaameen. Markii hore wiilashu wey garan waayeen is-beddelka igu dhacay awgiis, waayo, muddo bil ah waan is-moogayn oo adeerkood bay la jireen. Si fiican bay u soo wada naaxeen, aniguse waan sii nuxuusay. Kulligayo waxaan wada fariisannay qolkii nasashada. Yuusuf iyo Cali adeerkood bay dhinac fariisteen. Waxay u ekayd inay murugaysnaayeen. Waxaa ka nixiyey araggayga xumaaday. Mahdi dhabtayda ayuu ku fariistay isagoo ku faraxsan kulankayaga hilowga leh. Aad buu uga yaraa in uu dareemo dhibaatada geerida oo cidda gaadhay.

“Hooyo, maxaad dharka cad u lebbisatay?” Mahdi ayaa i weydiiyey intii aanan fursad u helin intayada kale inaan hadal is-dhaafsanno. Wuxuu dabeecad u lahaa hadal badan iyo u dhabbagelidda wax kasta oo uu la kulmo. Aabbihiisii dhintay buu ku bannaanaa. Araggiisa iyo weydiintiisuba waxay i soo xusuusiyeen aabbihiisii dhintay. Inankii yaraa waxaan ugu jawaabay dhawr dhibcood oo illin ah. “Hooyo! Adeer Daahir wuxuu ii sheegay in Aabbe aakhiro aadey, marka weli ma soo noqday? Goormuu imaanayaa?” ayuu mar labaad i weydiiyey. Su’aalihiisu waxay soo noqod ugu baaqeen sakaraadkii warkii baas oon sii sagootiyayey. Waxaan u hogbaday inaan baroor afka furto, markuu Daahir wiilkii canaantay, aamusiyey, dabadeedna ugu baaqay inuu dhiniciisa fariisto. Illintii baan indhahayga ka angajiyey. Carruurta waxaa ka sii nixiyey xaaladda isbeddeshay. Yuusuf iyo Caliba waxay ku dhowaayeen inay qaylo afka ku shubtaan naxdin awgeed. Mahdi oon la socon eelka dhacay ayaa isna boohin hinraagey markuu wajiyada intayada kale oo wada murugaysan akhriyay.

Daahir ayaa faray inay aqalka debedda uga baxaan. Wuxuu dareenkaygii kacay ku dejiyey erayo tacsiyeyn ah. “Dhimasho waa lama-huraan. Noole walba noloshiisu waa kooban tahay, dabadeedna aakhiro ayuu u jihanayaa,” ayuu yiri, “Innaga qudheennu meeshaasaanu u jeednaa. Jid kale oo inoo furan majiro.” Hadalkii buu in muddo ah sii waday. Shibbanaan dheer ayaa noogu xigtey.

Waan hubey in maalintaas Daahir uu noogu yimid inuu ogaado arrintii uu horey iigu soo jeediyey halkaan ka taaganahay. Wejigiisaan ka akhristay inuu jeclaan lahaa inuu go’aankeyga ogaado, uuse igala sheexayey inuu i weydiiyo. Ugu dambaystii ayaa arrintii dacayga ka furay.

“Waxaan u malaynayaa, inaad iga filayso inaan kuu soo bandhigo arrintii meesha aan ka taagnahay,” anaa iri, “Halkii aad jawaab sugan ka sugaysay, waxaan kugu salaamay khayr iyo baroor, marka raalli iga noqo. Intaas waxaa ii raaca inaan kuu sheego inaanan marna hor istaagayn ra’yi kasta oo aad soo jeediso reerkana ku saabsan ee aan sidaad ugu taliso raalli ugu ahay. Aniga iyo carruurtani waxaan kuu haynaa mahad weyn oo aan la gudi karin. Waxaad noo tartay hadal kuma soo koobi karo.” Hadalkii baan ku soo gabagabeeyey.

“Fulinta waajibaadkaygu ma aha in laygu ammaano.” Hadalkii buu qaybtiisii qaatay isagoo ilkihiisa daaha ka rogaya. “Xilkayga weeye inaan idin dhawro, haddana weli jidkii baan ku joogaa. Calaa kulli xaal, hadda ma doonayo inuu waqti kale inaka lumo. Waxaa nikaaxeennu dhici doonaa markii aad ka soo kabatid diiftaan ku haysa, asaaydana lagaa dajiyo.” Gacantuu jeebkiisa la aaday oo dibadda ka soo dhigay, lacag waraaqa ah oo buundaysan. “Bal intaan bishaan isku fillaysiiya,” ayuu yiri isagoo ii dhiibaya. Carruurtii buu dibadda uga qaylshay. Way soo galeen iyagoo gafuurrada taagaya siday adeerkood u caraysan yihiin. Daahir baa ku amray inay nala fariistaan, wayna fuliyeen.

Hurdo ayaan iska dareemay daal-maskaxeed awgiis. Waxaan u luuday dhankii qolka hurdada. Gaddi cad baan sariirta ugu seexday, isla markiiba khuuraan afka furay. Hurdadii waxay i tustay ninkaygii hore oo nool oo xiran lebbiskii ciidanka. Waan isku tuuray oo isku maray anoo laabtiisa ku ooyaya, waxaa hurdadii iga sasiyey qayladii qarowgeyga. Waa maxay riyo waaliyaad i soo martay? Hadday riyooyinku run cuskan lahaayeen ninkaygii aakhiro ayuu kasoo noqon lahaa, ayaan fakaray. Intaan fariistay ayaan isku dayey inaan is-illowsiiyo walwalkii geerida oo aan bilaabo nolol cusub oo rajooyin dihin xambaarsan. Shukaansiga Daahir ayaa duug ka dhigay qarracankii iyo dhibaatadii geeridu keentay. Shukaansigii wuxuu noloshii iiga furay baal cusub oo rajooyin badan.

Ugu dhawaan shan maalmood ayaa ka harsanaa xuub-siibashadii aan asaayda ku xoori lahaa. Taas dabadeed, waxay ahayd inay daaqad kale oo nololeed ii ballaqanto.

Dareenkaygii jirranaa waxaa baantay rajooyin iyo himilooyin cusub. Waxay u ekayd inaan durba ilaawey dhibaatadii na soo gaadhay. Xusuustaydii xumaatay wax badan ma noolayn. Waqtigu waa daaweeyaha dhibaatada kan ugu fiican. Waqti laba bilood ku siman ayaan ishaydii, qalbigaygii iyo xiskaygii bukey daaweeyey. Miyaynan ku gaabnayn in lagu hilmaamo khasaare sidaas u ballaaran, sida say dhimashadiis? Arrintu si kastaba ha ahaatee, ninkayga cusub baa taas ka mas’uul ahaa. Markuu fakarkii geerida uu ku barxay himilo guur iyo han cusub, waxaan la yaabay siday dumarku u qalbi jilicsan yihiin, u kaadsiinyo daran yihiin, isuna dhiibi og yihiin.

Barqo khamiisaad ayaan baraarugay markaan habeenkii iyo subax horaadkii oo dhan hurdo raaxa leh kusoo qaatay. Waxay ahayd inaan maalintaas guriga nin caddeeya u keeno, waayo, aniga iyo Daahir waxaan isu diyaarinaynay aroos dhakhso leh. Daahir wuxuu hore u soo baddaley sariirihii, maacuunkii iyo alaabtii hore oo ninkaygii dhintay. Wuxuu guryihii ku soo sharraxay guur-dhis casri ah. Maalmahaygii asaayeed dabayaaqo ayay ahaayeen. Waxaan, anoo arrimahaas ku fakaraya rumayna afka ku walaaqaya fariistay fagaagga aqalka. Waxaan u dhego-taagay guux fatuuradeed oo iridkiisa istaagtay. Irridkii ayaan jalleecay, waayo, waxaan filayey imaatinkii Daahir oon ballansanayn. Waxaa irridkii kasoo galay ruux aad u suurad eg ninkaygii dhintay. Wuxuu kaliya oo qofka soo galay ninkaygii kaga geddisnaa timaha dheer oon muddo bir taaban iyo garka cuunka ah oo dhaban ilaa kan kale buuxiyey. Qofku wuxuu lalansanayey boorso weyn. Isagoo qosol aan mawjado lahayn gaws-danbaydka muujinaya ayuu tallaabooyin gaasiran dhankayga u soo qaaday. Fajac ayaa iga soo haray. Indhaha ayaan ka gabad-gabad siiyey si aan u hubiyo aragga indhahayga i tuseen. Isla markiiba af kala qaadkiisii ayaan gartay markuu shan tallaabo ii soo jiray. Xirsi buu ahaa. Fikrado badan baa maskaxdayda isku jiiray. “Waa maxay maydka socdaa?” ayaan isweydiiyey. “Ma qiyaamihii baa dhacay, isagaa dadka lasoo noolayn jiraye? Waxaani ma run baa mise waan riyoonayaa?” Waxaan hubin waayey xaal siduu ahaa. Waxaa i aamusiyey argaggax iyo yaab. Weli waxaan rumaysan la’aa oo ku dhaygagsanaa ruuxa ii soo jiray meel aan gacanta kala gaaro.

“Haye, Caasha?” ayuu ruuxii igu salaamay isagoo ka yara shakisan danayn la’aantayda aanan u digtoonayn soo dhoweyntiisa.

Anoo miyir la’ ayaan inta halhaleel u istaagay isagii isku halgaaday oo sidii geed-saarkii surka isaga maray wajigayga oo xabadkiisa ku tiirsan ayaan la boodey oo dhaayahayga foolkiisa la qoortay, si aan u hubiyo Xirsi oo mar iga dhintan markanse nool. Mawjado baroor ah ayaan qufacay iyadoo indhahaygu ilo biyo ah maaxanayaan. Intuu kor ii dafay oo gacmihiisii ii goglay buu laabta igu qabtay oo qolkii hurdada ila aaday. Sariirtii buu i dul saaray oo harka dhabannadeyda sacabbadiisa uga tiray. Isla markiiba meeshii baan ku suuxay.

Daqiiqadaa dabadeed ayuu xlskii igu soo laabtay. Sariirtuu dhinac kaga fadhiyey markaan indhaha kala qaaday. Fakar, dhaygag iyo fajac ayuu isna markiisa la baxsanaa. Wuxuu isweydiinayey waxaan dabeecadahaa uga dan lahaa oon u soo dhaweyn waayey.

“Caasha, maxaa dhacay?” ayuu isagoo yaabban i weydiiyey. Waxaan ku hadlo ma aqaan. Dibnahaygii ayaa dibaaxiyey. Dhabtiisa ayaan isku tuuray oo surkiisa gacmahayga ku maray. Isna dhunkasho ayuu marba dhinac iila raacay.

“Waa maxay garkaan dheeri?” ayaan iri anoo farax awgiis qosol gariiraya, garkiisana salaaxaya.

“Waa garkii guusha.” Jawaabtiisii go’nayd ayey ahayd. Wali aniguu yaab iyo dhaygag igula maqnaa. Indhihiisii buu inta iga gooyey, aragti ku dhuftay alaabtii cusbayd oo aqalka tiil.
“Waa maxay isbeddelkaani?” ayuu i weydiiyey isa-goo yaab wajiga la kaduudaya.
“Inta aanan su’aashaada ka jawaabin, sidaada ma nooshahay mise mayd socda ayaad tahay?”

Filasho la’aan ayuu gafuurka la taagay. “Naagtu su’aal xumaa!” buu malaha isweydiinayey.
Dhacdadii i soo martay ayaan dabo ilaa daraf uga sheekeeyey. Xaggiisa ayaan milicsaday markaan warkii dhammeeyey isagoo indhihiisu la dhaldhalaalayaan illin iskeed isu idantay.

Shanqar saameed ayaa dhankii albaabka kasoo degtay. Mahdi ayaa soo muuqday, wuxuu indhaha la raacay aabbihiis oo nin qalaad ula ekaaday. Xirsi garkiisa dheer iyo timahiisa batay ayaa Mahdi maan gaday. Xirsi ayaa wiilkii dafay, iyadoo uusan inanku weli ka qalo bixin.

“Aabbo miyaadan i garanayn?” Xirsi ayaa yiri isagoo Mahdi dhabannada midba mar ka dhunkanaya.

Si farxadi ku jirto ayuu Mahdi u yiri, “Aabbo ma aakhiraad ka timid? Adeerkay baa ii sheegay in oo aakhiro aaday.”

“Goobtii dagaalka ayaan ka imid,” Xirsi oo weydiintii inankiisu danqisay ayaa yiri.

“Intee Amxaar dishay?” ayuu haddana ku su’aaltamay.

“Boqollaal!” Xirsi oo ilka caddaynaya ayaa yiri.

“Aniga markii aan weynaado oon askari noqdo, kun-kun waa dilaa,” Mahdi baa ku faanay, “Oo Aabbe aakhiro ma ku noqonaysaa markoo kale?”

“Hadda maya,” buu jawaabtii inanka ugu soo gaabiyey.

Saacad dabadeed, dad badan oo imaatinka ninkayga maqlay baa gurigii ku soo qulqulay. Badankoodu waxay ahaayeen dadkii aan ayaantii hore ka masayray markay tacsiyeynta iigu yimaadeen. Xaaladdii xumaatay caadigeedii bay kusoo noqotay.

SHEEKOOYINKA GAAGAABAN EE SOOMAALIDA

Guud ahaan suugaanta Soomaaliyeed, waxay ahayd mid afka uun ku eg oon qoraal gelin intii ka horreysay qorista Farta Soomaaliga. Taa macnaheedu ma aha inayan Soomaalidu lahayn qaybaha suugaameed ee aan soo sheegnay. Wey lahayd qaybahaa suugaameed, tixdu haba ugu badnaatee.

Xagga mala-awaalka, waxay Soomaalidu hodan ku ahayd sheeko-baraleyda iyo sheekooyin kale oo dhaqameed oo ku aabbe yeelanaya sheekada gaaban.

Sheekooyinkaas, yeyba qornaan, kamase marnayn xubnaha aan u kala qaadnay sheekada gaaban sida rakibka, jilayaasha, degaanka iyo muddada iyo wixi la mida. Hagaha sheekooyinka Soomaaliyeed wuxuu ahaa war-tebiyaha qofka saddexaad. Bal u fiirso sheekadan:

Beri baa habar-dugaag oo dhammi neef xoolo ah soo disheen. Hilibkii neefka bay u soo wada safteen. Libaax oo boqor xayawaanka ahaa ayaa dhurwaa ku amray inuu hilbaha xayawaanka u qaybiyo, isagana u sad-buriyo.

Dhurwaagii isagoo faraxsan ayuu hilibkii kala baray. Si isku kalsooni leh ayuu libaaxii ugu yiri, “Boqorow, hilbaha kala baray. Bar adigaa boqorkayagii ah ee qaado, barka kalena intayada kale oo habar-dugaag ah ayaa qaybsanayna.”

Libaaxii baa qaybtii dhurwaaga ka carooday. Dhurwaagii buu il-xun ku dhugtay oo dharbaaxo dhabanka uga ballaarshay.

Dhurwaagii daan baa jabay, ilina way ka dhacday. Halkii buu isagoo gagabsan ka cararay.
Libaaxii dawaco ayuu u yeertay. Wuxuu ku yiri, “Naa dayoy, adaan qayb caaddila kugu ogaaye, hilbaha inoo qaybi oo sadkaygii ka sooc hilbaha.”

Dawaco iyadoo baqsan bay hilbihii isku taagtay. Libaaxii bay daymootay. Misana waxay milicsatay dhurwaagii oo weli taahaya, madaxana haysta. Hilbihii bay midba mar kor u qaadday oo meel isugu geysay. Goortay hilbihii meel isugu wada ururisay bay libaaxii u tagtay oo ku tiri, “Islow, hilbaha wada qaado adaa qayb u wada helaye.”

Libaaxii baa qosol iyo farax kula qancay qaybtii dawacada. Neefka hilbihiisii oo dhan buu qaatay. Dawacadii buu inta u yeeray ku yiri, “Dayay, yaa qaybtaan caadilka ah ku baray?”

Dawaco intay qososhay bay waxay tiri, “Dhaban dhurwaa dharbaaxadii ku dhacday baa qaybta noocaas ah i bartay.”

Sida sheekadan ka muuqataba, sheeka-baraleyda Soomaalidu waxay xambaarsan yihiin murti iyo maaweelaba. Sheekooyinka noocaas ah waxaa ka baxa hal-qabsiyo, maahmaaho iyo murti kaleba. Maahmaahyada Soomaalidu badankoodu sheekooyin noocaas ah ayey gunta ku hayaan sida: Waraabe nimaan aqoon baa weylo raacsada! Hadal hadduu waxtarayo Dhagaxtuur baa geelisii ku dhacsan lahaa, iyo kuwo kale oo badan.

ERAY-IFTIIMIS

Arbe (Hero): Waa maroodiga weyn ee lab. Halkaan wuxuu ugu macnaysan yahay jilaha dhiifoon ee sheekadaas suugaameed ku xudduman tahay.

Jile (Character): Waa abuur loo doortay tilmaamo dhisi kara ama kobcin kara noocaas mala-awaal oo uu khuseeyo.

Jiraal (Factual Literature): Waa lidka mala-awaal. Waa suugaan aan la soo magoogan sida mala-awaalka, ha yeeshee, run cuskan.

Xumaanley (Villains): Waa shakhsiyaadka u boholo-dumiya arbaha lehna tilmaamo xumaan iyo xeer-dumis ula muuqan kara akhristaha.

Deegaan (Setting): Waa meeshii ama fagaarihii ay dhacdooyinka mala-awaalkaas ku jiraa ka dhaceen.

Dhacdo (Happening/Scene): Waa fal ama falalka xiisaha leh oo tiirar u noqon kara dhismaha noocaas mala-awaal.

Dhito (Content): Macnaheeda qaamuuseed waa dhigaalka caanaha ama wixii kale oo isticmaal dambe loo keydsado. Halkaan macnaha ay ugu jirtaa waa waayo-aragnimada uu buug xambaarsan yahay.

Qaab-Duleed (Topography): Waa kala-sarraynta dhulka ama deegaankay dhacdooyinka ku salaysan sheeko la xiriira ugaarsi, fakasho, dagaal, ama sirdoon ka hana qaadaan.

Raad-Reeb (Atmosphere): Waa saameynta uu nooc mala-awaal ahi uga tago dareenka akhristaha.

Rakib (Plot): Waa dhisidda iyo kala hormarinta aaraa’da noocaas suugaameed ku jira.

Luuq (Tone): Waa siiqadda. Waa gudbinta ama taabsiinta biriirta iyo qamandhacada dareen-gujiska leh ee uu noocaas suugaameed xambaarsan yahay.

Qof-ka-Hadal (Biography): Waa nooc suugaameed oo ku saabsan taariikhdii, hab-nololeedkii iyo if-baxdimihii ugu xiiso badnaa qof gaar ahi.

Curis-Dhallaan: (Sub-Paragraph): Waa curris ama nud gaaban oo ka farcantay curis weyn, ee qormo ku jira.

Mar-Dhac (Incident): Waa dhacdo xiiso badan.

Maqaal Baahsan (Formal Essay): Waa qayb suugaameed oon dherer badan lahayn oo aragti guud oon qof ku koobnayn ka bixiya arrin dhaqan ama mid bulsho.

Maqaal Bayrsan (Personal Essay): Waa qormo suugaameed oo kooban oo aragti qof u gaar ah ku qeexa xaalad bulsho ama dhaqameed.

Mala-Awaal (Fiction): Waa qaybaha suugaameed ee run dhacday ku salaysnayn, ha yeeshee, maan cuskan, suura galna noqon karta.

Habaynta Fileed (Chronological Organization): Waa u kala hormarinta dhacdooyinka siday u kala da’ weyn leeyihiin.

Habaynta Meelaynta (Spatial Organization): Waa xiriirinta deegaamada ay ka dhaceen dhacdooyinka ku jira qoraalkaas iyo kala durugsanaanta waqtiyadii ay dhaceen.

Habaynta Suuragalnimo (Local Organization): Waa u kala hormarinta aaraa’da ku jira qoraalkaas si ayan maangad u noqon oo fakarka akhristayaasha uga hor imaan.

Iska-Hadal (Autobiography): Waa taariikh, hab-nololeed iyo dhacdooyin kale oo xiiso leh oo uu qof iska qoro intuu nool yahay.

Sheeko-Baraley (Fairy Tales): Waa sheekooyin mala-awaal ah oo ku saabsan waxyaalo abuuris dahsoon oo abuuris sare leh sida jinniga, shaydaanka, rooxaanta iyo wixi la mida.

 

BUUG-KAASHI

Cabdullaahi Maxamuud Jimcaale, Abuuridda Qoraalka: Sheekada Gaaban, (Muqdisho 1977)

Gunnar Horn, A Cavalcade of America Writing, (U.S.A. 1961)

Walter Blair (University of Chicago), John Gerber (State University of Iowa) and Eugene (State University of Iowa), Better Reading Two: Literature (U.S.A. 1961)

Robert M. Gorrell, (University of Nevada), Charlton Laird (University of Nevada), Modern English Handbook, (United States of America 1967)

Mahadsanidiin