Af Hiil Waayey

0
947
#Somaliland #Democratization #process: #Political #parties
Af Hiil Waayey
–Cabdullaahi Janno
Magacaygu waa af-Soomaali.  Da’deyda ma aqaan.  Hayeeshee in dhaaxo waan soo joogay.  Afaf qalaad inay igu milmaan waan iska caabbiyay.  Kuwii gumeystahana hangool ayaan isaga qabtay.  Waan xididaystay.  Oo raagay.  Gallad Eebbe dheh.
Rag shisheeye ah baa ii qiray inaan ahay afkii gabayaaga.  Garab ayaan ahay.  Aniguu i adeegsadaa Soomaali walba oo uu haleelay jaceyl ugub ah, ama dhiillo qaran, ama dal-tabyo ba’an, ama dareen dulmi-diidnimo, ama hilowga Suubbanaha.  Waxaa kaloon ahay af hibo leh.  Waxaana iga soo burqado maanso leh murti iyo madadaallo—ama dheh maanso Alle-bari ah ama dheh mid guubaabo ah.  Maanso laga meeriyo gole nabadeyn, ama xaflad aroos, ama fagaaro caleemo-saarid, ama dabbaaldeg qaran.  Ilaah wuxuu igu galladeystay awood aan ku cabbiri karo dhacdo walba iyo abuur walba.
Waxaan ahay af-Soomaali.  Waan is’hubaa.  Xoolo-dhaqatada waraabka shubeysa, beeraleyda la foorarta yaambada, iyo kalluumeystaha xeebta ka jillaabanayaba waxaan ku maaweeliyaa hees hawleed.  Dhallaanka ooyayee daallan waxaan nasiino uga dhigaa hees caruureed.  Ardayda loox-jiidka ah waxaan garaadkooda ku kobciyaa hal-xiraale iyo googaaleysi.  Waxaan ku xujeystaa “Googaa!”  Say yiraahdaan, “Cadalle!”  Saan iraahdaa, “Haddaan hayay.”  Say iyagoo fasirayo ayay yiraahdaan, “Waa hadalka.”  Si aan nafta u baro, waxaan ku googaaleystaa “Guntin macaan geed la fuul.”  Si aan wadnaha u baro, waxaan ku googaaleystaa “Dudun yaree daba baruur.”  Si aan afka iyo ilkaha ku taxan u baro, waxaan ku googaaleystaa “Idan yaroo aleelaale.”  Rag af-Soomaaliga adeegsanayaa ifka uga tegay falsafad maan-daalis ah.  Indheer-garad baa yiri: “Lugo goroyo ma horaadaa mise waa dambeeddo?”  Abwaan kalaa yiri: “Hadduu dabkii dhaxmoodo, maxaa lagu diiriyaa?  Hadday dawo bukooto, maxaa lagu dabiibaa?  Hadduu dufan basaaso, xaggee dux looga doonaa?”  Sida la iigu kala badiyo af ahaan ayaa lagu kala darajo sarreeyaa.  Soomaaligu mid waa aftahan; mid waa af-maal; midna af-miishaar; midna af-garooc.
Cawo iyo ayaan waxaa ii ahaa maalinkuu qarankii Soomaaliyeed si rasmi ah u askumay dhigaalkeyga 1972, laguna sii xijiyay hawshii Olalaha Horumarinta Reer Miyiga.  Wixii intaa ka danbeeyay waan kobcay dhigaal ahaan.  Oo sii xidideystay.  Oo xoogeystay.  Oo xadaarad keydsan yeeshay.  Ma aan ogeynee waxaa igu billowday dayac sokeeye.  Kooxo ayaa igu soo baxay la yiraahdo tiibo talyaani iyo tiibo carabi.  Af-Ingiriisiguna kama xawaaro yareyn.  Geed ayaa beri ku garramay, “Gudineey ima goyseen haddaan badhkay kugu jirin.” Dad Soomaaliyeed baa anigii oo nool afaf kale igu milay.  Waxaan lahaa Nagaad, markaasaa la igu beddelay Sabti.  Waxaan lahaa Suni, markaasaa la igu beddelay Axad.  Waxaan lahaa Sani, markaasaa la igu beddelay Isniin.  Goodaar waxaa lagu beddelay Talaado; Goonyaadna Arbaco; Ugbaadna Khamiis; Hooyaadna Jimce.
Sidaas ay tahayna misana waan roonaa.  Qaran baa ii taagnaa.  Aqoonyahan iyo suugaanyahan baa i adeegsanayay. Hidde iyo dhaqan jiray ayaan ku ilaashanaa.  Nabad iyo Soomaali qab-weyn ayaan higsanayay.  Anigoo firfircoon—dhigaal ahaanna jirsaday 18 gu’—balse weli u sii baahnaa turxaan-bixin, ayaa waxaa sanaddii 1991 igu dul dhacday wax ay Soomaalida cusub ugu yeeraan “qabta.”.  Qarankii i kabayay ayaa burburay.  Waana dayacmay.
Ri’ waliba shilinkey is dhigtaa lagu qalaaye, aniga waxaa iigu darnaa dayac ahaan dadkii aan afka u ahaa.  Af-shisheeye ayaa la iga soo sokeysiiyay; anigoo sokeeye ahina shishe la i marsiiyay.  Waxaa badan dhallinyaro ku baratama, isuguna faanto, maahmaahyada af-Ingriiska.  Waxay meelaha la taagan yihiin: “Look before you leap,” balse kuma baraarugsana maahmaahdaas dhiggeeda ee ah: “Intaadan falin ka fiirso.”  Badanaa dhallinyaro ku doodaysa, “Let not the pot call the kettle black,” balse mooggan maahmaahdii aheyd “Maroodi takarta saaran ma arkee midka kale tan saaran buu arkaa.”  Waxay u riyaaqaan “You can take a horse to the river, but you can’t make it drink.”  Waxayse ka dhoohan yihiin “Qoolley qoor-qabasho biyo kuma cabto.”
Barasho horteed ha i nicin.  Anigu waxa aan ku dul-qotomaa suugaan iyo murti xeel-dheer.  Gallad Eebbe weeyaan in ay ii rumowday maahmaahdii aheyd Soomaalidu been way sheegtaa; beense ma maahmaahdo.  Aristotle ayuu ahaa ninkii si cilmiyeysan ugu dooday in markuu cunuggu dhasho ay maskaxda caruurtu tahay tu maran (tabula rasa).  Dhalashada ka dib, waxa ay maskaxda aqoon dhab ah ku heshaa dareemaha iyo wixii uu ilmuhu goob-joog u ahaado xag nolol iyo xag bey’adba.  Waxaa maahmaahyahayga ka mid ah Nimaan dhul marin dhaayo ma leh.  Oo ruuxu wuxuu noqon qof aan laheyn waayo-aragnimo durugsan oo uu cashar ka qaato.  Sidoo kale af-Soomaali ahaan faracayga Benaadiriga ahaa ku maahmaaho Cimrigaaga dheeraaday geel dhalaayaas ku tusaa.
Haddaba ilmihii la soo kulmo neef dhalaya, waxa uu helayaa waayo-aragnimo ku cusub.  Waxa looxa maskaxdiisa ku qormaya ereyo cusub oo mararka qaarkood wata sawir la xiriira ereyada.  Meel neef ku dhalayo ereyada uu cunuggu baran karo waxa ka mid ah fool, mandheer, nirig, wayl, waxar, nayl iyo wixii la mid ah.  Halkaas waxaa cunugga uga billaabmaya cashar baayooloji ah—iyo lakab kaloo diini ah oo la xiriira jiritaanka Eebbaha abuuray uun kala duwan. Hadalkii Aristotle qaadatayaa, maahmaahyadaas qaadatayaa, dhammaanba waxa ay farta ku wada fiiqayaan hababka uu ruuxu ku dhiso garaadkiisa waxaa ka mid ah isaga ama iyada oo la fal-galo ama la fal-gasho nolosha iyo abuurka Guulaha.
Bal eeg, horaan waxaan u iri Labaatan jir intuu geed ka booduu talo ka boodaa.  Go’aankiisa waxa ka dhalan karo si durugsan ugama sii fikiro labaatan jirku.  Waxaa jiro farac sayniska ka mid ah oo la yiraahdo neuroscience, qaabilsanna maskaxda iyo siday u shaqeyso.  Goor aan fogeyn ayaa neuroscience waxa uu baaritaan ku ogaaday in caqliga dhallinyartu uusan si fiican u buuxsamin illaa intay gu’ ahaan ka gaarayaan 23 jir—gaar ahaan maskaxda qeybteeda la xiriirto go’aan qaadashada iyo garashada cirib-danbeedka uu go’aankaasi leeyahay.  Waa qeybta maskaxda ee saynis ahaan loogu yeero frontal lobe.  Jeclaan lahaayaa in aqoonyahanka ka dhashay Soomaalida, iguna hadlo, ay il gooni ah u yeeshaan murtida xeel-dheer iyo duruusta ku keydsan maahmaahyahayga.
Xasuuso: magacaygu waa af-Soomaali.  Uma dhutiyo af-garoocnimo.  Hodan ayaan ahay.  Soomaaligii doono ha igu caasiyo, oo af qalaad ha iga doorto.  Ninkii doono ha ku hadaaqo ereygadilemma—dad baa ii jooga isticmaalaya mid ka qoto dheer oo af-Soomaali ah: lafta jecli, ludda jecli.  Ninkii doono ha yiraahdo first thing first—dad baa ii jooga oranaya Oodo dhacameed siday u kala sarreeyaan baa loo kala guraa, ama Canjeero siday u kala koreysaa loo kala qaadaa.  Ciddii doonto ha la soo shir-tagto A bird in the hand is worth two in the bush—waxaa igu hadlo kuwo oranaya:Miro geed saaran kuwa guntaada ku jiro looma daadiyo.  Ciddii doonto ha ku wardiso Birds of the same feather flock together—kuwaa ku faana maahmaahda Shinbirba shinbirkiisuu la duulaa.  Soomaaligii hela wuxuusan filaneyn farxad awgeed hadduu doono qoraalkiisa cinwaan ha uga dhigo ereyada manna from heaven—dad baa ii jooga iyagoo dhaqankooda ku faanaya ku hal-qabsado dhacdadii ninkii cag maroodi ka cabay.  Soomaaligii doono ha ku weyraxo isticmaalka ereyada Domino Effect—kuwo ayaa ii jooga qab Soomaalinimo leh, oo soo hal-qabsanaya halaq-mareentii Cigaal Shiidaad.
Waayuhuba ha igu cuslaadeen af-Soomaali ahaanee saansaantu ma xuma.  Rajo iyo dhiirranaan ayaan dareemayaa.  Maahmaahyahayga waxaa ka mid ah Wixii rag u kaco Rabbina u aqbalo waa rumoobaan.  Waxaan ku diirsadaa dadaalka ka socdo Somaliland—iyo qaasatan dhallinyarada aasaastay rugaha suugaanta iyo naadiyada akhriska kuwaasoo faafiyo, fallanqeeyo, faa’iidana ka miirto suugaanta Soomaaliyeed.  Waxaan kaloon ku diirsadaa carwada sannadlaha ah ee Bandhigga Hargaysa ee Buugaagta Caalamiga ah.  Waxaa kaloo reyreyn ii ah Bandhigga Muqdisho ee Buugaagta Caalamiga oo sanaddan 2015 billaabanayo.  Haba tabar yaraadeenee iyana waxaa yididiillo ii ah dadaalka qurbe-joogta Soomaaliyeed ay ugu hiillinayaan suugaanta iyo hal-abuurka Soomaaliyeed.  Hiil qaran haddii aan waayay burburkii 1991 ka dib, waxaan beryahakan dareemayaa saxansaxo dib u soo noolaansho—iyo in aan noqdo af keydiyo tagtada, timaaddana lagu oddoroso.