Buugle

0
954

Buugle
Cabdullaahi Janno

Qasaaye oo imtixaankii suugaanta qishayo ayaa waxaa soo dul istaagtay macallimaddiisi suugaanta. Wuu argagaxay. Way u muusootay. Wuxuu is yiri alleylehe tani muusood ka weyn: waa ku digasho. Wuxuu filayay inay warqaddii imtixaanka ka qaaddo oo ay jeexjeexdo. Balse waxay u dhaqaaqday miiskeedi. Waxayna la soo noqotay buuggii weynaa ee ay casharka suugaanta ka dhigi jirtay. Intay buuggii kala furtay ayay dul saartay miiskii Qasaaye. Ardaydii fasalka oo yaabban baa eegay macallimaddii.

“Hoo isticmaal buuggan,” ayay tiri. “Waan ku baasin haddii aad ugu yaraan keentid boqolkiiba siddeetan. Waad dhacaysaa haddii aad keentid boqolkiiba todobaatan iyo sagaal.”

Qasaaye neef ayaa ka soo boodday. Oo dhiirranaaday. Buuggii ayuu soo jiitay isagoo leh: “Wallee inaad nasab tahay, macallimadeey!”

Uma aysan jawaabin. Oo dhabarka ayay u jeedisay. Wuxuu Qasaaye baal rogaba, wuxuu sadar farta la raacaba, wuxuu jawaab guuriyaba, waxaa dhammaaday waqtigii imtixaanka loogu talagalay. Macallimaddii waxay ururisay waraaqihii imtixaanka. Waxayna dul timid Qasaaye oo weli baalasha buuggii si boobsiis ah u rogrogayo. Si aayar ah ayay uga jiidatay buuggii; isagiina si aayar ah ayuu luqunta ula sii raacay buuggii illaa uu kursigii gees gees uga dhacay. Macallimaddii waxay hoos u eegtay isaga oo weli dhulkii yaalla.

Iyadoo ku jeesteenaysa ayay tiri, “Waxay aheyd inaad imtixaanka ka hor dhammeysid ardayda maadaama aan buug ku siiyay.”

Inkastoo uu Qasaaye ahaa labaatan jir, misana sidii ilmo saqiir ah ayuu isku yaryaraaday, oo ciddiyihiisa yaxyax la qaniinay. Inta dhulkii ka kacay ayuu cago-jiid ku fariistay kursigiisii.

“Ogow,” ayay tiri Macallimaddii oo sii dhaqaaqeysaa, “buug waxaa qishi karo qofkii casharka soo akhrin jiray.”

———–

Qasaaye reer iyo caruur ayuu yeeshay. Dhowr sano ayaa ka soo wareegtay maalinkuu ku dhacay imtixaankii suugaanta. Beryahakanse waxaa neynaas looga dhigay magaca Buugle. Looguma bixin arrinkii qishka iyo buuggii foorjada ku noqday. Loogumana bixin jees jees iyo ku digasho. Waxaa loogu bixiyay jaceyl xad dhaaf ah ee uu u qaaday buugta. Dadku qaar waxay lahaayeen Qasaaye wuu khafiifay – oo buugaagta ku khafiifay. Akhris badan iyo ku waashay hadal heynta buugaagta.

Isagoo xaaladdiisu sidaa tahay ayaa aakhirkii Soddohdiisa waxay si qarsoodi ah ugu dacwootay oday iyada guur ka rabay. Wuxuuna odaygu ahaa garsoore maxkamadeed. Waxay soddohdu guurkeeda shuruud uga dhigtay in maxkamaddu ay Qasaaye xukunto. Weliba caadi waxay odayga u sii sheegtay qaabka ay dooneyso in Qasaaye lagu xukumo. Garsoorihiina wuxuu iyada u ballan qaaday in wiilka arrinkiisu iska fududyahay – oo si dhib la’aan ah loo xukumi doono. Kulankaas qarsoodiga ahaa ka dib waxay soddohdii go’aansatay inay diyaarsato gaashaan-buursi iyo inay hesho dhowr qof oo dacwo ku fura Qasaaye. Waxaana maalmo ka dib Qasaaye looga yeeray maxkamaddii – eedna looga dhigay in akhriskiisa badan uu carqalad ku yahay nabadda iyo aayaha qoyskiisa.

————-

Qasaaye wuxuu yimid maxkamaddii. Waxaa dacwad u wada qabay xaaskiisa, soddohdiisa, iyo wadaadkii reerka u tufi jiray tahliisha. Waxaa loogu hor yeeray xaaskiisa – lana weydiiyay waxa ay ku eedeynayso saygeeda.

“Magacayguu hilmaamay,” ayay tiri. “Wuxuu iigu yeeraa hadba magaca buugga uu akhrinayo. Mar wuxuu iigu yeeraa Arbaciin. Mar wuxuu iigu yeeraa Adeegto. Mar wuxuu iigu yeeraa Khaatumo. Mar Hitler. Mar kalena Ummuhaatul Muuminiin. Kaaga daranee markii aan iraahdo cunugta caanaha u sokoree, wuxuu ugu shubaa cusbo saa waa nin buug u kala furan yahaye.”

Soddohdii dhashay gabarta afka ayay maroojisay. Garsoorihii maxkamaddana wuxuu hadba il dabacsan ku xadayay Soddohdii. Markii ay xaaskii Qasaaye fariisatayna waxaa loo yeeray Soddohdii.

Soddohdii ayaa istaagtay, oo markeedana dacwootay: “Anigu weligey guriga gabadheyda si xor ah baan ku tegi jiray, ma garatay? Xilli ii cayiman ma jirin. Subax. Barqo. Duhur. Casar. Maqrib. Cisho. Intaan guriga galo ayaan xilligaan doonana ka soo noqon jiray. Isaga Qasaaye ahina dood kama uusan qabin arrinkaa. Hayeeshee waayadan dambe waa laygu diray. Wuxuuna billaabay inuu i yiraahdo, ‘Buuggu ma oran!’ Dhowr jeerna ereyadaas ii isticmaalay.”

Garsoorihii oo doonayay inuu seeta dheeraysto la hadalkeeda ayaa yiri: “Muxuu ka wadaa ‘Buuggu ma oran’?”

“Ma aqaan,” ayay tiri Soddohdii. “Hayeeshee wuxuu had iyo goor ereyadaas igu yiraahdaa duhurka ka dib, iyo cishaha ka dib. Iyo markaan guriga soo galo oo aan iraahdo, ‘Hooddi! Hooddi! Waa i kan!!’ Halkuu weji furan igu qaabbili lahaa ayuu wuxuu igu yiraahdaa ‘Buuggu ma oran’.”

Garsoorihii wuxuu qalinka ku boobay waraaqo miiska u dul saarnaa, oo misana yiri, “Ma wuxuu kuu soo daliishaday Aayadda xakameynayso in guriga gudaha loo galo xilliyada subaxa hore, duhurka iyo cishaha? Mise wuxuu kuu soo daliishaday Aayadda oraneysa guryaha gargaraaca oo fasax dalbada ka hor intaydaan gelin?”

Soddohdii inta carootay ayay tiri, “Mooji dee! Maxaanse fasax ka qaataa waaba guriga ilmahaygee?!”

Waxaa soddohdii loo ishaaray in ay fariisato. Wadaadkii ayaana loo yeeray.

“Aniga maalin buu ii yimid,” ayuu yiri Wadaadkii. “Wuxuuna iga riday ilkaha.”

Waxaa hal mar naxdin la ashahaatay dadyowgii joogay maxkamadda. Qasaayase qosol ayaa ka soo fakaday. Saa dadweynihii ayaa huruufay Qasaaye, il kululna ku eegeen. Intuu yaxyax la aamusay ayuu dhulka eegay. Xaaskii Qasaaye waxay isha ku dhufatay Garsoorihii oo eegaya hooyadeed. Dareen ayaa galay.

Wadaadkii wuxuu sii watay dacwaddiisa: “Wuxuu Qasaaye ii yimid anigoo gurigiisa Quraan ka akhrinayo. Wuxuu gacanta ku sitay buug ka hadlayo geerida iyo su’aasha qabriga. Markaasuu igu yiri, ‘Sheekhow af-Carabiga ma i bari kartaa?’ Markaasaan farxad la iri, ‘Maasha Allaah!! Ma Diinta ayaad faafinaysaa?’ Suuye, ‘Maya, Sheekhow: balse Munkar iyo Nakiir ayaan qabriga isaga sasabi lahaa.’”

Garsoorihii qosol ayaa isagana markiisa ka soo fakaday. Wadaadkii oo yaabban ayaa eegay Garsoorihii. Saa Garsoorihii inta is gartay ayuu joojiyay qosolka. Meeshii uu qalbigiisu jiray ayuu misana isha ku xaday.

Wadaadkii ayaa sii hadlay: “Markuu Qasaaye sidaas iigu jawaabay ayaan daf iri bakoorad ii dhaweyd, oo aan isagii ceyrsaday anigoo leh, ‘Bidci! Bidci!’ Saa waxaan cagta la helay qub moos ah oo deyrka guriga yiillay. Mar la i dafay ma ogeyn, waxaanse ka war helay anigoo cirka layga soo ganay. Haddii aan dhulka ku soo dhacayna bakooraddii ayaan afka ku dhufsaday. Labo ilig ayaa iga soo faniinay – waxaana arkay iyagoo dhankiisa u sii gadgaddoomayo.”

Waxay dadweynihii qosol uga daateen kuraastii. Garsoorihiina inta miiska hoostiisa qosolka kula dhuuntay ayuu fixfixleeyay. “Balo ku degtay!” ayuu hoos ka yiri. “Islaantu shiddo badanaa! Maxay dad soo urursatay.” Il-biriqsiyo ka dib ayuu Garsoorihii madaxa la soo baxay isagoo illin iska masaxayo. Wuxuuna miiska la dhacay dubbihii uu midigta ku heystay.

Xaaskii Qasaaye oo hooyadeed hoos ula hadleyso ayaa iyadana tiri, “Hooyooy gar Ilaah bay taqaan,e halkii moos ee aan Qasaaye qadada u dhigay adigaa Wadaadka siiyay—isla Wadaadka ayaana qolofta mooska ku xooray deyrka.”

“Naa heedhe aammu,” ayay tiri Soddohdii. “Ma qubka oo socda ayaa u yimid Wadaadka? Mise Qasaaye ayaa Wadaadka salka ka kiciyay?”

Garsoorihii wuxuu misana dubbihii ku garaacay miiska. Dadweynihii way wada aamuseen.

Soddohdii ayaa qeylisay. “Gar baynu kuugu nimid, Mudane,” ayay tiri. “Adiguna maad iyo maaweelo ayaad naga dhigatay. Xukunka rid waa lagu abaal-marine.”

Garsoorihii wuxuu il kulul ku eegay Qasaaye. “Haye, eedaysane! U malayn maayo inay qaldami karaan saddex qof oo leh xaaskaaga, oo ay ku jirto soddohdaada, oo uu ku jiro wadaadkii reerka. Bal wiilyahow iga dhageyso xukunka.”

Dadweynihii dhegaha ayay u raariciyeen Garsoorihii. Qasaayena horey ayuu u soo hinqaday. Oo xusullada saaray miis hor yaallay.

“Xukunkaagu waa cunaqabatayn lagaa saaro buugta iyo akhriska,” ayuu yiri Garsoorihii. “Yaasiinka iyo al-Kahfi waad akhrisan kartaa. Ama mayeeba dheh Quraanka keliya.” Saa intuu dubbihii ku dhuftay miiska ayuu yiri, “Dacwaddu way xiran tahay. Isla maanta ayayna kuu billaabaneysaa cunaqabataynta.”

Qasaaye inta sare u kacay ayuu si dabacsan u yiri: “Buuggu ma oran, Mudane.”

Dadweynihii waxay soo wada eegeen dhankii Qasaaye. Soddohdiina waxay cod hoose ku tiri, “Buug lagaa raac!!”

Saa waxaa maqashay gabarteeda, oo tiri, “Hooyooy habaarka bal innooga tur yuusan magaciisana hilmaamine.” Soddohdii waxay iska dhigtay qof aan maqal warka, waxayna indhaha ku heysay Qasaaye.

Garsoorihii oo aan jeclaysan hadalkii Qasaaye baa cod handadaad leh ku yiri, “Wiilyahow macnahaa?”

“Mudane, xukunna waad ridday; adigana waad is xujeysay,” ayuu yiri Qasaaye.

Garsoorihii wuxuu eegay oo weliba markaan cabbaar ku dheygagay soddohdii. Misana dhankii Qasaaye ayuu Garsoorihii u jeestay. Saa xaaskii Qasaaye inta dhegta hooyadeed afka saartay ayay tiri, “Hooyooy waan shakiyee odayga ma dan kale ayuu dacwaddan ka leeyahay?! Hadba dhankaaga un ayuu soo jalleecayaa — abaal-marinna waan maqlayay haddaayee.”

“Dan kale?! Ma Garsooraha?” ayay tiri Soddohdii. “Gabaryahay sahwiga ka cawdu billayso.”

Xaaskii Qasaaye way iska aamustay. Qasaayena wuxuu billaabay inuu ka jawaabo su’aaashii Garsooraha: “Mudane, buugga Dastuurka inoo ah ma oggola in uu garsooruhu miiska hoostiisa qosol la galo iyadoo ay dacwad socoto; iyo in uu garsoore xukun rido iyadoo aan la dhageysan doodda dhinaca kale. Garsoorihii sidaa u dhaqmana caaddil ma ahan; oo waxaa Buugga ku xusan in jagada laga xayuubiyo – waana meeshaas halka aad ka xujowday, Mudane.”

Markuu Qasaaye intaa yiri baa Garsoorihii waagu ku beryay. Il-biriqsiyo ayaa la kala aamusnaa. Saa xaaskii Qasaaye oo farxad is celin la’ baa cod sare ku tiri: “Wah! Waah! Waxaasaa caqli kaa ah!” Waxay misana u muusootay saygeeda; isaguna wuxuu u muusooday xaaskiisa. Wadaadkii iyo Soddohdii yaabka yaabkii baa u yimid.

Garsoorihii wuxuu il dhibsasho leh ku eegay xaaskii Qasaaye. Wuxuu dubbihii la dhacay miiska isagoo amraya in ay aamusto. Waxaana meeshaas Garsoorihii uga bidhaantay xeelad uu ku badbaadiyo jagadiisa. Qaasatan wuxuu ka cabsi qabay xukun ay ku qaaddo Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka. Saa isaga oo iska dhigayo ruux sharciga ilaalinayo ayuu si caro leh u yiri, “Horta xaasku waxay jebisay maamuuska maxkamadda. Marna iyadaa dacwad ah; marna waxay taageero u tahay eedaysanihii. Maamuus-xumadaas ayaana dacwaddiina galaafatay. Oo way xiran tahay dacwaddu! Dhaqsada maxkamadda ii banneeya.” Dubbihii ayuuna miiska ku dhuftay.

Soddohdii iyo wadaadkiiba fadhiga ayay ka kaceen. Soddohdii inta soo ag istaagtay kursigii garsooraha ayay cod hoose ku tiri, “Ninkow sidaas ayaad abaal-marintii ku seegtay.” Garsoorihii wuxuu damcay inuu sasabo; hayeeshee iyadoo socodka boobaysa ayay u dhaqaaqday iriddii maxkamadda. Wadaadkiina waa ka daba baxay. Qasaaye iyo xaaskiisa ayaa isku soo haray.

Dadweynihii maxkamadda joogay waxay la safteen Qasaaye. Waxayna si wada jir ah u yiraahdeen: “Nin yar oo nin weyn dilay ma aragteen?! Nin yar oo nin weyn dilay ma aragteen?!”

Garsoorihii wuxuu toban jeer iyo dheeraadba xanaaq la garaacay miiska. Dhagse jalaq looma siin. Qasaaye iyo xaaskiisana waa ay isla sii jaan-qaadeen iyagoo farxad la ilka caddeynayay. Intii ay iridda u sii socdeen ayaa xaaskiisa tiri, “Garsooraha waad ka guulaysatay – laakiin taas macnaheedu ma ahan inaad ka badbaadday maxkamaddayda. Raalli kama aan ihi magacyadan aad iigu yeertid. Raallina kama ihi inay ku dhibsato hooyaday.”

Qasaaye intuusan xaaskiisa u jawaabin ayaa waxaa iriddii maxkamadda ku salaantay macallimaddiisii suugaanta.

“Waa tan macallimadda buugaagta i jeclaysiisay,” ayuu yiri isagoo xaaskiisa barayo macallimaddiisii hore.

Xaaskii Qasaaye intay salaantay macallimaddii ayay isla markiiba bannaanka u sii baxday. Waxayna raadisay hooyadeed iyo Wadaadkii.

Qasaaye wuxuu macallimaddiisii ku yiri, “Horta imtixaankii aan shan sano ka hor ku dhacay wuxuu iga dhigay akhriste aan buugga dhigin. Markaasuu garsoorahan damcay inuu maanta iga laabo buuggii aad ii furtay.  Kulahaa cunaqabatayn! Ma ka heshay? Hahaha!!”

Hal mar ayay Macallimaddii cod xanaaq leh ku tiri: “Horta maxaad u dhahdaa ‘Buuggu ma oran’? Soo ma aragtid in oraahdaasi ay ummadda kugu dirtay?”

Qasaaye jawaabta umaba uusan fekerin. Oo inta muusooday buu yiri, “Nin buug qaaday xil qaad. Marka ma anigaa buugga ka been sheegi karo?”

Macallimaddii oo isaga huruufaysaa tiri, “Waryaa waa adiga u hanjabayo garsoorahee soo ma ogid inuu aabbahay yahay?!”

Qasaaye hadalkii baa ku dhegay. Wuu aamusay. Wuxuuna dareemay in maxkamad rasmi ah markaas la saaray. Misana wuu muusooday. Oo sidii qof foorjo ka fuqday inta u il-jebshay macallimaddiisii ayuu yiri, “Hadda ayaadba sheekada dhadhan u yeeshay!” Iriddii ayuuna ka baxay isagoo rucleynaya.

Markuu bannaanka yimid ayuu wuxuu sheedda ka arkay xaaskiisii. Waxay ku sii socotay geed ay hoos fadhiyeen hooyadeed iyo Wadaadkii. Saa Qasaaye inta rucleeyay ayuu u qeyliyay xaaskiisa: “Hooy! Hooy! Dastuureey! Bal i sug.”

~Dhammaad~

Qore: Cabdullaahi Janno

Email: Claahijanno@gmail.com

Facebook.com/Cabdullaahijanno

SHARE
Previous articleQalinle
Next articleHalbeeg