DAL-JIR (SHEEKO GAABAN)

0
977

DAL-JIR (SHEEKO GAABAN)
Qore: Cabdullaahi Janno

“Haye, haye, aynu ismaqalno,” ayuu yiri Macallin Nuur, “waa faaqidaaddii suugaanta.”

Tobankiisii arday waxay la soo baxeen buugtoodii Suugaanta af-Soomaaliga.  Waxa ilbaabka ka soo galay Fu’aad oo neef-tuuraya, dhididkuna ka dareerayay.

“Fu’aadow waqtiga dhowr,” ayuu yiri Macallin Nuur. “Waad soo daahday.”

“Macallin, gabar i jecelaa isbaaro ii dhigatay,” ayuu Fu’aad la soo booday.

Waxaa hal mar wada qoslay fasalkii.

“Saa maxaad isku furatay?” ayuu yiri Macallin Nuur oo dhoollacaddeynaya.

“Sahal lee waaye,” ayuu yiri Fu’aad, “al-dunyaa fil basar, wal-xaawaleey fil af-macaani.”

Macallinkii iyo ardaydiisa hal mar ayay qosol la daateen.  Fu’aadna wuu fadhiistay.

“Haye, labo koox u kala baxa,” ayuu yiri Macallin Nuur. “Hala dhageysto cajalkaan.”

Cajalkii ayuu shiday:
Dal-jir daafaca qaranimo
Xirfadaha loo doortoo
U toog haya digta aafada
Dastuurka ilaashoo
Maatadana daryeeloo
Dadku ku hiirto baan ahay.

Waxaan dabac ka dhawraa
Degdeg aan u fuliyaa
Waajibaadka la ii diro.

Markay doodi dhalatana
Xubin baan la doontaa
Waana daqar cadaawaha
Ka damqinaaya boogaha
Gacalkuna ku diirsado.

Intii uu cajalku socday waxa uu Macallinku miraha heesta ku qorayay sabuuradda.  Markii ay heesta dhammaatay ayuu misana mar labaad ugu soo ceshay si ay u dhuuxaan.  Misana mar saddexaad.

“Sida aad aragtaanba,” ayuu yiri Macallin Nuur, “heestu waxa ay ka kooban tahay saddex beyd.  Waxa aan doonayaa in loo kala dhigdhigo beyd beyd, sadar sadar, iyo erey erey.  Su’aalahan ka dooda oo isla faaqida: heestu magaceed?  Ciddee hadleyso? Maxay heestu idinku boorrineysaa?  Maxayse ka dhiidhiyaysaa?  Maxay heestu inoo ishaartay oo uu cadowgu ka naxayaa?  Labaatan daqiiqo ku dhammeeya.  Wax is-weydiiya, hase buuqina.  Wax is weydiintu waa ilbaxnimo—buuquse waa badownimo.”

Ardaydii waxay galeen aqoon isweydaarsi.  Mar qodob ayay ka doodayeen; marna qodob ku heshiinayeen; mar isku qoslayeen.  Macallin Nuur hadba miis ayuu dul istaagayay.  Oo u kuurgalayay dooddii iyo qodobadii ay ardaydu isla daadihinayeen.  Saacaddii ayuu eegay.

“Haye soo jeesta,” ayuu yiri isagoo sacabada tumaya.

“Macallin hal daqiiqo noogu dar,” ayuu cod meel gees ahi ka soo yiri.

“Saddex ka dhigo, Siciido,” ayuu yiri Macallin Nuur, “kooxdiina ayaana jawaabta billaabaysa.”

Waxaa wada qoslay fasalkii.

Ardaydii in yar ayey qalinka xaashida ku jiidjiideen—soona gunaanadeen falanqeyntooda.

“Haye, Siciido,” ayuu yiri Macallinku, “kooxdiinna maxaad isla gorfeyseen?”

“Macallin horta heesta magaceeda waxay noola muuqatay in la dhaho ‘Anaa Waddani’,” ayey tiri Siciido. “Waxa aynu magacaas kala soo baxnay fahanka ah cidda hadleyso—waana qof taxaya wuxuu u qaban lahaa dalkiisa hooyo.  Heestu waxay la hadleysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed.  Waxa ay nagu baraarujineysaa in aynu dalkeenna daacad u noqono, khilaafkana xal loo raadiyo.  Heestu waxay diideysaa in la qiyaamo dalka, in la dayaco danta guud, cadowgana aan laga farxinin.”

Siciido waa ay fariisatay, ardayduna waxa ay eegayaan Macallinkooda—kana sugayeen inuu fal-celis ka bixiyo jawaabahooda.

“Aad baad u mahadsan tahay, Siciido,” ayuu yiri Macallin Nuur. “Si isku duub ahaad heesta u faaqiddeen.  Waxaan aad u jecleystay sida aad magaca ula soo baxdeen: ‘Anaa Waddani’.  Waa magac  macquul ah.  Taa waa wanaagga faaqidaaddiinna.  Dhaliisha haddii aan u gudbo, waxaad ka tagteen in aad daliil kala soo baxdaan miraha heesta—daliil xujo u ah faaqidaaddiinna.  Faaqidaad aan daliil laheyn waa feynuus aan dab laheyn.  Ruuxdaa ka maqan.  Ma aydaan haqab-tirin su’aashii aheyd heesta u kala dhig-dhiga ‘beyd beyd, sadar sadar, erey erey’.  Laakiin waad dadaasheen—guuleysta!”

Macallin Nuur waxa uu isha la raacay fasalka.  Wejiyada ardayda ayuu dhuuxayay.  Fasalku waa shib.  Waxaa caado u ah in uu dib u dhigto ardayda uu ka dareemo kalsooni.  Waxa uu su’aalaha ku hormariyaa ardayda uu ka dareemo in aysan dersiga fahmin.

Fu’aad,” ayuu yiri Macallin Nuur, “noo akhri waxay kooxdaadu isku raacday.”

“Een, kooxdeenna, een,” ayuu yiri Fu’aad, “sidaannaan u faaqidnay heesta: Magaceedu waa ‘Dal-jir’.  Ereyga dal-jir wuxuu salka ku hayaa dhaqanka reer miyiga—sida geel-jire, ari-jire.  Heesta in magaceeda la yiraahdo ‘Dal-jir’ waxaynu kala soo baxnay ereyga ku jiro sadarka ugu horreeyo oo ah cidda hadalka wadata, oo ah cidda ballanka la galeysa Soomaaliya, oo ah cidda xumaha u diiddan Soomaaliya, oo ah cidda samaanta la rabta Soomaaliya.

“Dal-jir inuu yahay cidda hadleyso waxa daliil inoo ah beydka koowaad oo sadar walba lagu arkayo qof inoo sheegaya waxqabadkiisa isagoo ugu danbeyn beydka koowaad ku gunaanadayo inuu yahay dal-jir ‘Dadku ku hiirto’.  Beydka ugu horreeya waxa ku jira dhowr farriin oo laga doonayo Soomaali walba: difaaca qaranka, xirfad tacliin ku saleysan, dhiifoonaan, sharci ilaalin, iyo u dhibrinta muwaaddinka Soomaaliyeed.

“Beydka labaad waxa uu na farayaa in Soomaali walba uu si hagar la’aan ah uga qeyb-qaato horumarka iyo wax-u-qabadka dalkiisa.  Ereyga ‘dabac’ ee ku jira beydka labaad sadarkiisa koowaad waa micno badan yahay.  Mar wuxuu u dhici karaa khiyaano waddan.  Marna qaadashada ama bixinta laaluushka.  Mar kale wuxuu u dhici karaa in waddanka loo soo jiido ceeb, oo cadowgiisa la hoos geeyo.  Mar wuxuu ereygu ‘dabac’ noqon karaa in waddanka uu ku yimaado dib u dhac dhan walba ah—sida uu maantaba yahay.

“Beydka saddexaad waxa uu na farayaa sida xalka lagu gaaro.  Haddii la is fahmi waayo, waa in loo noqdaa dastuurka waddanka ama xeerka dhaqanka—sida ku xusan heesta: ‘Markay doodi dhalatana / Xubin baan la doontaa.’  Sadarradaan waxay ka shidaal-qaadanayaan Aayadda Kariimka ahee Muslimka fareysa in loo noqdo Quraanka iyo Sunnada haddii uu khilaaf yimaado.  Waxaana uu beydkan inoogu bishaareynayaa in cadowgu uu niyad-jabo oo uu ka naxayo markaynu xallino dhibteenna; muwaaddinkuna uu farxayo markaynu xal sokeeye isla helno.  Nasiib-darrose beryahakan waxa batay Soomaali ka gar-naqsanayo sokeeye, una gar-naqsanaya shisheeye.”

Macallin Nuur madaxa ayuu luxay.

“Gabo-gabo,” ayuu yiri Fu’aad, “heesta ‘Dal-jir’ waa hees Soomaali walba ka dooneysa in uu dalkiisa waxqabad u ballan-qaado.  Heestu waa heesaha waddaniga.  Waxayna ina bareysaa siduu qaran ku dhismo, kuna waaro.”

Fu’aad inta neefsaday ayuu eegay kooxdiisa.  Dhidid ayaa dhafoorradiisa ka da’ayay.

“Intaas waa waxaynu isku ogeyn aniga iyo kooxdeyda,” ayuu yiri Fu’aad, “hayeeshee intii aan halkaan taagnaa ayaa waxaa igu dhalatay fikrad cusub.”

“Oo ah?” ayuu yiri Macallin Nuur.

“Fikrad ahaan,” ayuu yiri Fu’aad, “heesta ‘Dal-jir’ waa hees maanta beddeli karta heesta qaranka ee ‘Soomaaliyeey Toosoo’.”

Markuu Fu’aad intaa yiri ayaa waxaa is eegay ardaydii.  Macallinkuna wuu muusooday.

“Sababtu waxay tahay,” ayuu yiri Fu’aad, “heesta ‘Dal-jir’ ayaa waaqaca lagu jiro ku habboon.  Codka ‘Dal-jir’ waa qof hadlaya, oo dalkiisa ballan la galaya.  Heesta ‘Dal-jir’ waxay qodob qodob u carrabaabeysaa waxa laga rabo muwaaddinka Soomaaliyeed.  Dhanka kale, codka ‘Soomaaliyeey Toosoo’ waa mid guud—sidii qof si guud un isaga oranayo, ‘Soomaaliyeey Toosoo’ balse ka gaabiyay inuu si qaas ah u tilmaamo sidii uu muwaaddinku ugu shaqeyn lahaa dalkiisa, dadkiisana u anfici lahaa.  Midda kale, “Soomaaliyeey Toosoo” waa hees qeyla-dhaan aheyd oo xorriyaddii ka hor la allifay.  Sidaa awgeed, heesta ‘Dal-jir’ ayaa maanta ku fiican in laga dhigo heesta qaranka, qaasatan labada beyd ee hore ee ah ballan-qaadka ku aaddan u hiillinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.”

Fu’aad markuu intaa yiri ayuu fadhiistay.

“Guuleysta!” ayuu yiri Macallin Nuur, “waan ku diirsaday faaqidaadiinna, iyo qaasatan sida aad Fu’aadow u soo dhiraandhirisay—uguna dhiirratay—fikraddan quseysa heesta qaranka.”

Fu’aad iyo kooxdiisa farxad ayuu wejigoodu la ifay.

“Yaa wax ka oranaya fikraddaan uu Fu’aad ka dhawaajiyay?” ayuu yiri Macallinkii oo fasalkii eegaya.  Hayeeshee intaysan ardaydu jawaabin ayaa gambaleelkii yeeray, xiisaddiina dhammaatay.

~Dhammaad~

Wixii talo iyo tusaale ah qoraaga ugu dir:
Email: claahijanno@gmail.com
Facebook.com/Qalinmaal