Halbeeg

0
922
#Somaliland #Democratization #process: #Political #parties
Halbeeg
Cabdullaahi Janno
“War kaas aniga laxna kuma aamineen,” ayuu lahaa Oday dhex fadhiyay makhaayad laga shaaheeyo. “Tolku way ku qasaareen.  Cadowgiisa ma yaqaanno.”
Waxaa isla markiiba makhaayadda soo galay nin Saalax la yiraahdo.
“Waa doqonkaan Saalax oo kale,” ayuu yiri Odaygii. “Kanna cadowgiisa ma yaqaanno.”
“Adeer hee?” ayuu la soo booday Saalax oo qoslaya. “ Maxaad galabta igu maagtay?”
“Aabbahaa dhanna kama aadan raacin,” ayuu yiri Odaygii. “Wuu kugu qasaaray.”
Saalax wuxuu dalbay labo koob oo shaah ah.  Midna isaga ayaa loo keenay; kan kalena Odaygii.
“Alleylehe dhanka garashadase waad ka raacday,” ayuu yiri Odaygii oo shaahii afka la aadayo. “Casariyo waan u baahnaa galabta.  Laakiin sida kale wuxuu aabbahaa ahaa nin cadowgiisa yaqaanna, tolkiisana u hiilliyo.”
“Horta adeer Xaqa ayaa hiil u baahan,” ayuu yiri Saalax oo kabanaya shaahii. “Xaqana uunka Ilaah u wada siman—oo lama kala xigo.”
“Bal eega!  Bal eega!” ayuu la soo booday Odaygii. “Soo idinma oran waa doqon?!”
Saalax inta muusooday ayuu sii eegay Odaygii.  Wuxuu Odaygu xirnaa shaati gacmo-dheere ah, macawiis cusub, iyo shaal garabka u saarnaa.
“Adeer galabta bal hal arrin iga yeel,” ayuu yiri Saalax.  “Noloshaada inay isbeddesho la arkee.”
Intuusan Odaygu jawaabin ayuu Saalax jeebka kala soo baxay ookiyaale.
“Adeer, hoo,” ayuu yiri Saalax. “Gasho.”
“War wiilyahow da’ baan ahayee,” ayuu yiri Odaygii, “ma haddaad dooneysaa inuu aragga ii soo noqdo oo aan minyaro afaraad raadsho?”
“Bal horta hoo ookiyalahaan,” ayuu yiri Saalax oo qoslaya. “Waa kii qabyaaladda.”
Odaygii wuxuu indhaha geliyay ookiyaalihii—oo isku toostoosiyay.
“Haye, adeer,” ayuu yiri Saalax oo kabanaya shaahii, “ii sheeg: maxaad aragtaa?”
“Waryaa hee,” ayuu yiri Odaygii, “waryaa hee illeyn Soomaalida oo dhan qabiilkeyga ayay cadow ku tahay? Yay na moodeen? Hub iyo dhaqaale nagu filan waan heysannaa – qurbo-joogtana wixii qaaraan ah iyagaa noogu filan. War bal kanna eega: waa igu hooyo.  Waana igu cadow.  Waa jaajuus – oo siraha qabiilkayga ayuu dusiyaa.  War ninka abti ayaynu u nahayee maxaa nagu diray?  Oo uu nagu colaadiyay?  Bal car yaa kursiga ku fadhiisto aan aheyn jufadeyda!  Bal car waa geelii biyo ka cabo deegaankeenna! Oo kaalay beesha caalamka maxay ula soo raagtay gargaarkii daawada iyo cunnadii?”
Saalax wuxuu Odaygii ka siibay ookiyaalihii qabyaaladda.
“Adeer maxaad dareentay?” ayuu yiri Saalax.
Odaygii wuu neeftuuray.  Dhidid dhibco waaweyn ayaa ku soo istaagay.
“Waxaan laabta ka dareemay ciriiri iyo cabsi iyo cuqdad,” ayuu yiri Odaygii. “Waxaan dareemay naceyb.  Iyo xasad.  Quuriwaa.  Iyo waalli.  Iyo sas.  Iyo shareysiga qabiillada kale.  Waxaan galay xintan hoose iyo xasad.  Waxaan ku faanay qabiil; waxaanse ka xishoon waayay inaan beesha caalamka gacanta u hoorsado.  Waxaan ku faanay geesinnimo; dumar iyo caruurna gacanteyda ayaan ku qaxshay.  Waxaan u dagaallamay kursi; balse Soomaali weyn iska dhaafee qabiilkii aan ka dhashay xitaa uma aan caddaalad falin – waanba sii kala qoqobay.  Shisheeye ayaan sokeystay; sokeeyana shishe mariyay.  Waxaan un dareemay inaan ahay qasaare-u-joog.”
Waxaa muusooday Saalax.  Oo intuu ookiyaalihii hore jeebka ku celiyay ayuu jeeb kale kala soo baxay ookiyaale labaad.
“Bal kanna hoo gasho, adeer,” ayuu yiri Saalax. “Waa ookiyaalihii urur diimeedka.  Iina sheeg: maxaad aragtaa?”
“Xarako hebel waa cadow,” ayuu la soo booday Odaygii. “Sunnadii Nebiga annaga keliya ayaa ku taagan.  Xarako heblaayo waa bidco.  Xarakadaa kalena waa munaafiqiin. Kuwaa kalena waa quraafi.  Dhammaantood waa cadowgii Ilaah.  Waa fitno ku dhex jirto bulshada.  Nebciyaa!  Wallee waa keennii dalka u danbeeyo. Waa inaan dhallinyarada idinku diraa oo aan diin uga dhigaa ka hadalkiinna iyo xantiinna.”
“Haddaba iska bixi ookiyaalaha xarakeysiga,” ayuu yiri Saalax oo laacayo koobkii shaaha. “Maxaadna aragtay?”
Odaygii oo neeftuuraya ayaa iska bixiyay ookiyaalihii urur-diimeedka.
“Waxaan arkay wadaaddadii,” ayuu yiri Odaygii, “oo kooxo kooxo isku xulafeysanaya.  Oo is-neceb.  Is-haruufaya.  Is-habaaraya.  Is-xasdaya.  Midba midka kale jabkiisa ku farxaya.  Shirqool isku maleegaya.  Kursi iyo maamulna u tartamayo.  Oo intaas la baxayo magacyo ururo diimeed—oo misana sii kala jabaya, oo muxaadarooyin eed ah midba midka kale u duubayo.  Kaaga daranee far-isku-fiiqooda fitno ayaa ka dhalatay – Islaamkana hiil uma noqon.  Shacabkii Muslimka ahaa ee Soomaaliyeedna way sii kala fogeeyeen – qaasatan dhallinyaradii oo ay ka hor istaageen inay isku yimaadaan si ay uga tashadaan aayahooda xitaa haddii fiqiga lagu kala aragti duwan yahay.”
“Maxaad dareentay?” ayuu yiri Saalax oo koobkii shaaha dul saarayo miiska.
“Jah-wareer,” ayuu yiri Odaygii, “iyo niyad-jab.  Dhalasho waa lagu kala tegi karaa—laakiin haddii Towxiidka laysku walaaleysan waayo xaggee ka danbeyso ayay Soomaalidu isku walaaleysan kartaa?!  Goormayse xarako gooni u yeelatay Islaamkii waasaca ahaa?  Islaamkii dulqaadka badnaa?  Islaamkii fiirada dheeraa?  Islaamkii nasteexada ahaa?”
“Bal ookiyaalahan saddexaadna gasho,” ayuu yiri Saalax. “Waa ookiyaalihii Islaamka.”
Odaygii wuxuu indhaha geliyay ookiyaalihii.  Markaanse wuu aamusay.  Oo cabbaar shibta galay.  Illin ayaa ka soo fakatay.
“Adeer maad hadashid?” ayuu yiri Saalax. “Maxaad la aamustay?”
“Adeer afkii baa juuqda gabay,” ayuu yiri Odaygii oo illinta iska masaxayo.  “Waxaan ku hadlo ma aqaan.”
“Keliya un noo sheeg maxaad aragtay?” ayuu yiri Saalax.
“Waxaa ii muuqday salafkii,” ayuu yiri Odaygii. “Iyo ehlu kheyrkii.  Oo kala qowmiyad iyo luuqado ah.  Balse iskaashanaya.  Kuna walaaloobay keliya mabda’a Towxiidka.  Fikirkoodu waa badbaadinta bin’aadnimada.  Hadalkoodu waa tasbiix iyo tahliil.  Salaantoodu waa duco iyo bishaaro.  Sadaqadoodu waa sir iyo qarsoodi.  Qalbigoodu waa dhalo nadiif ah oo aan saxar madow saarneyn.  Qabyaalad ma’aysan aqoon.  Xasad laguma arag.  Xintan qabiil way iskala weynaayeen.  Kursi iyo maamul way ku xajiimoon jireen.
“Maxaa salafka taa u sii dheeraa?  Weligeed shacab dartood uma uusan barakicin.  Weligeed shacab dartooda cadow uma qabsan.  Weligeed dhallinyaro dartood diinta ugama fitnoobin.  Hantiilahooda iyo danyartooda, caalimkooda iyo caamadooda, cirroolahooda iyo da’yartooduba waxay qof qof u ahaayeen dawlad dhammeystiran – kuna mideysnaayeen in samaha loo hiiliyo; shartana la yareeyo.  Dhaqankoodu wuxuu ahaa cafiska iyo ceeb-asturka.  Hadafkoodu wuxuu ahaa raalli-gelinta Ilaah.  Welwelkoodu wuxuu ahaa inay Maalinta Qiyaamaha waayaan Shafeecadii Xabiibka Ilaah.”
“Sallallaahu calayhi wasallam,” ayuu yiri Saalax oo muusoonaya. “Haddaba maxaad dareentay?”
“Allaahu Akbar!” ayuu yiri Odaygii oo ay indhihiisu illintu wada qoysay. “Waxaan dareemay wax aanan ebed dareemin: qalbi waasac ah.  Farxad.  Xasillooni.  Kalsooni.  Ilbaxnimo.  Wanaag.  Yaqiin.  Qanac.  Hodantanimo.  Zuhdi.  Fudeyd ruuxi ah.  Maasha Allaah.  Lagama sheekeyn karo.  Adeerow bal maxaa nimcadaas naga qadiyay Soomaali ahaan?!”
Saalax inta fuuqasaday shaahii koobka ku haray ayuu sare u kacay.
“Sagaal bilood ayaa lagu wada dhashay,” ayuu yiri Saalax. “Waxaase lagu kala tegay waa nooca arag ee aad nolosha ku eegto.”
Odaygii oo qushuucsan ayaa wuxuu indhihiisa ku masaxay shaalkii garabka u saarnaa.
“Noloshu way gaaban tahay,” ayuu yiri Saalax, “Soomaalida ayayna u taallaa inay iska saxdo halbeegga ay nolosha ku cabbireyso.”
Waxaa uu Saalax aaday miiskii lacag-hayaha.  Oo bixiyay lacagtii shaaha.  Wuxuu u sii dhaqaaqay dhankii iridda.  Odaygii wuxuu sii eegayay Saalax illaa uu ka libdhay.
~Dhammaad~
Email: claahijanno@gmail.com
Facebook.com/Cabdullaahijanno
SHARE
Previous articleBuugle
Next articleAf Hiil Waayey