Markaan Jannada Galo!

0
906
Markaan Jannada Galo!!
Cabdullaahi Janno
Sheekhii wuxuu sharraxay, oo kala dhigdhigay, oo uu maskaxdeenna ku sawiray Jannada iyo barwaaqada taalla. Meel gees ah waxay ishaydu qabatay oday gar guduudan oo sanduuqii sadaqada safka hore la dul joogo. Anigu waxaan fadhiyay safka dambe. Saa intaan muxaadaradii dhadhansaday ayaan noqday maqane joogo. Codkii sheekha wuu iga sii nuxuusay. Mala-awaal iyo waxay maskaxdaydu gashay inay naawisho wixii aan sameyn lahaa markaan Jannada galo.
Waxaan casumaad ka dalban lahaa Abu Bakar Saddiiq. Markuu i aqbalo waxaan oran lahaa, “Radiyallaahu canka waxaad Xabiibkii Ilaah godkii abeesada uga oodday cagtaada — sallallaahu calayhi wasallam. Oo wallaahiye waan hubaa xanuunka qaniinyada iyo sunta abeesadaba waxaa kaala weynaa farxaddii aad dareentay inaad Suubbanaha ka oodday godka. Naf-hurkaagii iyo hiishaada Islaamka waan kaaga mahad-naqayaa; qaniinyadii uu Ilaah qaniimada kaaga dhigayna waan kuugu faraxsanahay. Gadaashaa waxaan ifka ku arkay Muslimiin culimada inay difaacaan iska daayee af iyo addinba ku maago.”
Intaan sidii hillaacii ku maro dhul kun jeer ka fog masaafada u dhaxeyso Amerika iyo Ustaraaliya ayaan booqasho ugu tegi lahaa Cumar bin Khadhaab. Markii la ii ballaqo irridda qasrigiisa, waxaan salaan iyo duco ka dib oran lahaa, “Radiyallaahu canka xitaa haddii aad saaran tahay sariirtii geerida waxaa kurbo kugu heyey arrimaha Muslimiinta. Waxaad bixisay taladii ahayd in lix asxaabtii Jannada loogu bishaareeyay ahaa ay iska soo dhex doortaan amiirkii hoggaamin lahaa ummadda. Fawdo iyo inuu cadaw Muslimiinta ka dhex faa’iideysto ayaad necbayd.
“Waxaan kaaga hambalyeenayaa in taladaadii lagu tanaaday, oo aynu hoggaan ahaan u helnay Dul-Nuurayn, raliyallaahu canhu. Dhanka kale, gadaashaa waxaan ifka ku arkay hoggaamiyaal Muslimiin ah oo ku qancay in ay taladu ka soo go’do beesha caalamka — qaasatan dhulkii aan ku dhashay oo soo maray hoggaamiyaal talada uga dambeeyo Itoobiya iyo IGAD iyo beesha caalamka kuwaasoo dhammaantood gumeysi dadban geliyay dhulkii Muslimiinta iyagoo adeegsanayo qoriga AMISOM. Muslimkii yiraahdo talada dalka waxaa leh Muslimiinta Soomaaliyeedna waxaaba cadowga koowaad ku noqday Muslim kale oo shisheeye-kalkaal ahaa.”
Anigoo faraxsan ayaan sidii hillaacii ku soo noqon lahaa qasrigii uu Kariimka iska kay siiyay anigoon u qalmin. Waxaan nafta u fasixi lahaa nimcadii iyo baashaalkii dhex yiillay Jannada. Xaaskayga iyo ehelkayga intaan uga sheekeeyo booqashadaydii Abu Bakar iyo Cumar ayaan misana fasax qaadan lahaa.
Waxaan u duuli lahaa dhankaas iyo Khaliifkii shanaad ee Cumar bin Cabdicasiis. Waxaan idan weydiisan lahaa in aan la kulmo guuleystahaas guuleystay. Markuu ii idmo, waxaan oran lahaa, “Raximakallaahu, waxaa i soo gaartay in aad habeen la kulmaysay xisaab-hayihii qasnadda Muslimiinta. Shumac ayaa idiin shidnaa. Markii uu kulankii dhammaaday ayuu ku weydiiyay su’aal aheyd, ‘Reerka ka warran?’ Markaasaad intaadan u jawaabin waxaad afuuftay oo demisay shumacii. Isla markiibana waxaad shidday shumac kale adigoo leh, ‘Bal i sug aan demiyo shumaca dawladda oo aan shito shumac aan anigu leeyahay maadaama aad i weydiisay su’aal quseysa qoyskayga, ahna su’aal ka baxsan tii ummadda iyo dawladda.’ Amiirow Ilaah ha ku karaameeyee waxaan ifka ku soo arkay hoggaamiyaal shumac dawladeed inay u turaan iska daayee waxayba lunsadeen qasnadihii dawladda iyadoo isla markaana ay malyuumaad Muslimiin ah oo gaajeysan ay qaxooti ku noqdeen gudaha iyo dibeddaba.”
Intaan ka soo tago ayaan booqan lahaa weligii ugu fadliga badnaa asxaabta ka dib ee Uways Qarni. Waxaan fasax ka qaadan lahaa la kulankiisa: “Raximakallaahuye markii aad gargaraacday albaabka gurigii Nebiga oo ay Caa’isho ku tiri masjidka ayuu jiraa, adigoo heli karay in aad masjidka ugu tagtid Xabiibkii Ilaah ayaad misana qaddarisay amarkii hooyadaa ee ahaa, ‘Ilbaabka gargaraac, haddii aad Nebiga weysidna isaga soo noqo.’ Markaasaad iska noqotay, oo indhaha ma aadan saarin Nebigii aad soddonka beri u soo lugeysay. Sallallaahu calayhi wasallam. Runtii waxaan ifka ku soo arkay — oo aan aniguba u horreeyo — dhal sahlado waanada iyo talada hooyadood. Waad ina xujeysay — ku dayasho fiicanna inoo noqotay.”
Sidii hillaacii intaan u jaro masaafo uusan dayax-gacmeedku jari karin ayaan booqan lahaa Imaam Maalik. “Raximakallaahu Imaam Maalikow run badneedaa markii aad tiri, ‘Ummaddan kuweeda dambe waxaa sixi karo oo hagi karo keliya un wixii saxay oo hagay kuweedii hore.’ Nasiib-darrose, waxaan ifka u soo joogay Muslimiin ku dhiirraday in ay af-buuxa ku yiraahdaan diidnay in Diinta ay lug ku yeelato dawladda iyo maamulka — iyo Diinta ha la casriyeeyo. Falillaahil xamdu, damacooda ma-dhalays ayuu noqday. Mahadsanid, Imaamow. Ilaah baa naga kaa dhaliyay.”
Waxaan u soo duuli lahaa dhankii Asxaabi Cumayr Ibn Sacad. Maxaad ka taqaan Asxaabigaas?! Waxaan oran lahaa, “Radiyallaahu canka, waxaad adigoo wiil yar ah aad maqashay adeerkaagii qabay hooyadaa oo ereyo qallafsan oo xan ah ka yiri Xabiibkii Ilaah — sallallaahu calayhi wasallam. Inkastood toban jir aheyd, inkastood jeclayd adeerkaa, inkastoo aad sidoo kale necbayd in erey iyo dhib uu soo gaaro guriga hooyadaa, misana mar haddii cidda wax laga sheegay uu noqday Xabiibkii Ilaah waxaad doc iska dhigtay xigaalaysi iyo nin-jeclaysi. Oo waa tii aad adeerkaa si bareer ah ugu tiri Nebiga ayaan u soo sheegayaa duristii aad Nebinnimadiisa durtay. Ka dibna waa tii aad u hiillisay Nebiga oo aad u sheegtay hadal-xumadii ka soo yeeray adeerkaa.
“Markii adeerkaa la weydiiyayna hadalka lagaa soo sheegay ma runbaa waa tuu beeniyay. Ka dibna waa tii aad Cumayrow yaxyax dartii isku yaryaraatay oo la mooday inaad adeerkaa ku been abuuratay. Hayeeshee waa tii Aayaddii Suuratul Tawbah dartaada loo soo dejiyay taasoo xaqiijisay inaad runlow aheyd. Baarakallaah fiiyka waxaad adigoo toban jir ah ina bartay in la ilaaliyo danta guud, oo loo hiilliyo hoggaanka iyo hal-doorka toosan ee ummadda xitaa haddii cidda laga hiillinayo ay yihiin ehel iyo qaraabo sokeeye.
“Waxaan Cumayr Ibn Sacadow ifka ku soo arkay Muslimiin hal-doorkii ay ummaddu wada laheyd af iyo addin ku dhibay, oo welibana u hiillinayo dhinaca dulmiga iyo sharta. Hay’adihii loo yagleelay in ay ilaashaan danaha Muslimiinta sidaasoo kale mid baa iska maagay oo af iyo qalinba dagaal dulmi ah ku qaaday — dagaal ku salaysan cadaawad shaqsiyeed isagoo iska indho tiray maslaxadda ay hay’addaas u heysay Muslimiinta. Cumayrow hal tusaale waa hay’ad la yiraahdo CAIR oo ilaalin jirtay danaha Muslimiinta Mareykanka. Gaaladii waxaa ka af dheeraaday Muslimiin hormuudkii iyo hay’adihii umadda u adeegayay ku furay dacaayad aan loo meel dayin, oo waxay ku tilmaameen hay’ad argagixiso iyagoo iska dhisayo shisheeye. Cumayrow wixii aad adigoo wiil yar ah fahantay ee ah in loo hiilliyo hal-doorka ummadda oo isla markaana la yureeyo shar-wadaha ayay Muslimiin badan fahmi waayeen.”
Intaan ka xishoodo inaan Asxaabigii waqti badan ka qaato ayaan sidii hillaacii ku soo noqon lahaa qasrigii aan degganaa anigoo sidoo kale is leh bal xaaskii iyo xuurul-cayntii yeysan ku tebin. Sharaab. Hilib shimbiro. Shukulaato. Baashaal. Nimco ayaan nafta ku nasin lahaa. Misana jaceylka raaxada iyo baashaalka waxaa i hilmaansiin lahaa hilow aan u qabay saalixiintii. Fasax ayaan ka qaadan lahaa ehelkaygii Firdawsa. Booqasho cusubna aadi lahaa.
Waxaan soo booqan lahaa Maamo Salaado. “Raximakillaahi, Maamo Salaado. Xamar iyo nabaddii waxaad xaafadda Waaberi maqribkii laamiga dhinaciisa gogli jirtay dermo, deetana waxaad safi jirtay caagag iyo jalmado ay ka buuxeen biyo lagu weyso qaato. Da’ baad aheyd, tabar nafeed iyo mid dhaqaale toona ma aadan laheyn. Sidaas ay tahayna ugu yaraan jameeco gaareyso konton qof oo ay salaaddii maqrib dhexda ugu soo gashay iyo dadkii deriska ahaa ayaad qiblada ku kulmisay. Markaan ifka joogay, saalixiinta aan jeclaa baad ku jirtay.” Saa intaan u muusoodo oo aan macsalaameeyo ayaan anigoo sariirtayda murabbac ugu fadhiyo tartiib tartiib dib dib ugu duuli lahaa.
Radiyallaahu canhu Abu Darr ayaan soo booqan lahaa: “Radiyallaahu canka, waa tii markii aad walaalkaa Mucaawiye u nasteexaysay uu kuu yimid nin ahaa hoggaamiye ciidan kaasoo kugu yiri, ‘Wiilal dagaalyahan ah iyo agabkii ay ku dagaal-geli lahaayeenba anigaa kuu hayee Abu Darrow xaq baad ku taagan tahaye kursiga ka tuur Mucaawiye.’ Markaasaad ugu jawaabtay, ‘Adigaa ka shar badan ee orodow i dhaaf.’ Hadalkaas aad ugu jawaabtay wuu i anfacay intaan ifka joogay — oo waan ka soo hor jeeday kacdoonnada hubeysnaa ee jabhadaha. Waxaanse arkay Muslimiin dhulkii aan u dhashay qaab jabhadeed ula dagaallamay madaxdii. Sidoo kalena dagaal-oogihii u bururo kursi iyo sed-bursiba wuxuu helayay qabiil ugu hiilliyo dulmiga iyo fitnada.”
Abu Darr intaan macsalaameeyo ayaan waxaan soo booqan lahaa Imaam Nawawi: “Raximakallaahu, Imaam Nawawiyow waxaan kaaga mahad-naqayaa fiqi aad qortay oo intaan ifka joogay ii fududeeyay nolosha guurka — fiqigii aad tiri, ‘Ninku wuxuu xaaskiisa ku leeyahay labo xuquuq: kow, in markuu damac hayo aysan diidin cudurdaar la’aan; iyo, labo, in gurigiisa aysan keenin qof uusan raalli ka aheyn.’
“Imaamow jazaak Allaah kheyranee waxaan ifka u soo joogay Muslimiin xaasaskoodii saaray culeys ka badan labadii qodob ee aad sheegtay. Waxay dhegahaygu maqli jireen rag leh, ‘Tu calalada ii dhaqdo ayaan googoobi!” ama ‘Tu cunnada ii kariso ayaan raadin!’ Rag kalena waxayba xaasas ku dhaawici jireen hawl uusanba xaq ugu laheyn. Imaamow dad badan haddii ay ogaan lahaayeen labadaas qodob ee aad fiqiga ku qortay iyo in ujeedka guurku ka weyn yahay jiko-gelis iyo dhar-dhaqis, waxaa la heli lahaa bulsho Muslim ah oo adduunka hoggaamiso.”
Imaam Nawawi intaan ka soo tago baan soo booqan lahaa Muxammad Cali. “Raximakallaahuye waxaa iga cajabiyay in adigoo labaatan jir ah, oo madow ah, oo misana Muslim ah, oo xaalad cunsurnimo ku nool, in aad diidday in magacaaga Muxammad lagu qoro dhulka. Waxaadna sidaas u yeeshay tixgelin iyo jaceyl aad u qabtay Xabiibkii Ilaah — sallallaahu calayhi wasallam. Intaan ifka joogay waxaan jeclaan jiray in geesinnimadaas oo kale ay muujiyaan dhallinyaro badan oo diinta Islaamka ku dhashay. Halkii ay ku faani lahaayeen magacooda Muxammad qaar badan ayaaba kalsooni-darro awgeed magacoodii u soo gaabiyay Moe. Waad ina xujeysay ee baarakallaah.”
Waxaan ku soo noqon lahaa qasrigeyga iyo ehelkayga. Intii Ilaah qaddaro intaan waqti la qaato ayaan misana dareemi lahaa hilow cusub iyo tebista dadkii wanaagsanaa. Waxaan u bixi lahaa booqasho cusub iyo dhankii Datooreeso Xaawo Dhiblaawe. “Raximakillaah, masaakiin badan oo dagaal iyo faqri isugu darsameen ayaad u furtay xarun lagu daweeyo, lagu xannaaneeyo, lagu nafaqeeyo. Hooyooyin badan iyo caruur ay barakiciyeen dagaal-ooge iyo khawaarij ayaad beerka soo gashatay. Oo kaaga daranee niman sheegtay inay matalaan Xabiibkii Ilaah — sallallaahu calayhi wasallam — ayaa kugu soo duulay oo xaruntii iyo cisbitaalkaagaba kaa qabsaday. Naftaadiina halis geliyay. Waad sabirtay. Adkeysatay. Oo sii wadatay u adeegistii masaakiinta ay dagaalladu aafeeyeen. Xaddiiskii waxaad ku sifowday uu Suubanuhu yiri, ‘Dadka waxaa ugu fiican kooda dadka anfaco.’ Datooreesooy maanta waan kuugu faraxsanahay inuu Ilaah barwaaqadan iyo derejooyinkan Jannada Firdowso kuugu abaal guday. Hambalyo!”
Intaan soo duulo anigoo sariirtii saaran baan booqasho ugu iman lahaa Calayhi Salaam, Nebi Ibraahim. Markii la ii fasaxo, waan salaami lahaa. “Calayka salaam, Khaliilu Raxmaan, waxaan kaaga mahad-naqayaa ducadaadii aad tiri, ‘Eebbow u soo bixi Rasuul iyaga ka mid ah oo u akhriyo aayaadkaaga, barana Kitaabka iyo Sunnada, oo sidoo kale nadiifiyo Adigaa Adkaade Fal-same ahee.’ Alxamdulillaah! Nebi Ibraahinow ducadaadii waa loo aayay oo waxaynu ku helnay Nebi Muxammad — sallallaahu calayhi wasallam.”
Inta anigoo hilow qabo soo duulo ayaan fasax ka qaadan la kulanka Xabiibkii Ilaah. Waan ogahay hadalka wuu igu dhegi lahaa. Burjigiisa iyo karaamadiisaba waxay ii diidi lahaayeen inaan bishamaha nuuxnuuxiyo. Farxadna illintu way iiga soo daadan laheyd. Saa anigoo hoos eegayaan oran lahaa, “Sallallaahu Calayka Wa Sallaam, Xabiibkii Allow! Maxaad noo turtay! Maxaad nala nacday jahli iyo faqri! Maxaad nala jeclaatay kheyr oo dhan! Maxaad naga dhigtay ummad il-bax ah oo aad ina bartay maamulka iyo nidaam lagu kala dambeeyo! Maxaad tarbiyaysay asxaab sidii xiddigihii u iftiimayo! Maxaad ina bartay Alle Weyne Turis iyo Naxariis badan! Siyaasadda adduunku waxay noqotay mid u kala xagliso qolada bidixda iyo qolada midigta — adiguse waxaad inoo keentay Quraan nagu sifeeyay inaynu nahay qolada dhexda ee caaddilka ah!! Fiicanaa sifadaas! Han-weynaa sifadaas! Yool fogaa sifadaas! Alxamdulillaah!
“Waxaan Xabiibkii Allow si qaas ah kaaga mahdinayaa habeenkii Israa wal Micraaj inaad ina xasuusatay, oo Kulankii aad Eebbe Weyne la kulantay aad boos naga siisay adigoo yiri, ‘Wacalaa cibaadillaahi saalixiin.’ Ereyadaas oo ay soo hoos galayaan saalixiin noolaa xilligaagii iyo kuwo aan dhalanba. Xitaa haddii aad maqaamkii u sarreeyay gaartay oo aad Eebbe la kulmaysay ma aadan hilmaamin inaad nagu ag xusto Alle Weyne. Fiicanidaa! Caqli badneedaa! Qalbi fiyoobidaa! Waxaad aheyd ehlu Janno dunida nala joogay! Hilow iyo jaceyl ayaana anigu kuu qabay weligey — aanba nusqaan batee!”
Anigoo baxsan, oo muxaadaradii sheekha niyad ahaanba ka maqan, oo Jannooyinkii Ilaah hadba ku soo booqanayo dadkii wanaagsanaa ayaa waxaan ku sasay jugjugta odaygii sanduuqa sadaqada la wareegayay. Wuxuu lahaa, ‘Sadaqadii masjidka ku rida! Baarakallaah! Ku rida!’ Qalbigaan iska iri odayga kheyr Allaha siiyee muxuu riyada iiga qasay.
Sheekhiina wuxuu soo gabagabeeyay muxaadaradii uu Jannada iyo nicmadeeda kaga hadlayay. Duco ayuu billaabay, ismana aan ogaynee jameecadii meesha fadhisay anigaa ugu cod dheeraa aamiinta, oo waan jiidjiidayay aamiinta sidii aamiinta Faatixada markii salaadda lagu jiro. Welibana farxad ayaan la muusoonayay anigoo indhaha ku hayo saqafkii masjidka.
Sheekhii wuxuu misana ku dardaarmay in loo shaqeysto Jannada. Wuxuuna muxaadaradii ku xiray su’aal dhanna dhiirro-gelin ah, dhanna digniin — su’aal uu ka soo daliishaday Quraanka Kariimka: “Qof walba oo ka mid ah ma wuxuu damci in uu galo Jannada nimcada badan?”
~ Dhammaad ~
Qore: Cabdullaahi Janno
Email: Claahijanno@gmail.com