Qalinle

0
1001

Qalinle
Cabdullaahi Janno

Qasaaye wuxuu joogay dukaankii dahabka. Wuxuu bixiyay lacagtii. Katiinad iyo jijimo ayuu gatay. Saa markuu Qasaaye iridda ka baxay ayaa dahablihii laacay teleefankiisii gacanta. Wuxuu farriin qarsoodi ah u diray labo dabley ahayd oo dahabka ka soo dhacda ciddii gadataba. Dablaydu waxay dahablaha u tiqiin Booska.

Qasaaye halkii uu aadi lahaa bannaanka, wuxuu ku leexday suulli ku dhex yaallay suuqa. Wuxuu dhowr jeer xan ku maqlay in jin hubeysan uu dhaco qofkii suuqa dahab ka soo gataba. Saa labo qalin oo gudahoodu marnaa ayuu jeebka kala soo baxay. Katiinaddii iyo jijimihiiba wuxuu ku shubay oo ku qariyay gudaha qoloftii qalimada. Ka dibna inta qalimadii isku aabburay ayuu jeebka shaatiga surtay. Qasaaye waxaa todobaad ka dib u qorsheysnayd inuu aqal galo. Gabarta uu guursan doono wuxuu si dirqi leh uga qaaday gaandhari al-Shabaab ahaa kaasoo gabarta u keeni jiray haddiyado uu yiri wuu soo qaniimaystay.

Daqiiqado ka dib ayuu Qasaaye ka soo baxay suulligii – cagtana saaray waddadii ay fadhiyeen labadii dabley. Dahablihii ayaa dableydii ogeysiiyay waddada uu soo raaci doono. Markuu Qasaaye toban daqiiqo socday ayay ku soo baxeen dableydii. Inta geesaha ka soo galeen ayay kilyaha kaga qabteen biskoolado. Intuu sasay buu isyiri alleylehe jinka la sheegayay waa run. Wuxuu damcay inuu cawdubillaysi ku yureeyo: “Cawdubillaah! Cawdubillaah!” Wax cararayse ma uusan arag.

“Soo dhiib waxaad heysid,” ayuu yiri mid canka jeexnaa.

“Baarakallaahu fiiyka,” ayuu daba dhigay tuuggii labaad oo timo raamo ah lahaa.

Qasaaye wuxuu il yaab leh ku eegay tuuggan duceynaya. Raammoolihii wuxuu gacanta bidix ku sitay kombiyuutar yar oo kuwa dhabta la saarto ah. Wuxuuna duhurkii ka soo xaday gaari hor yaallay masaajid iyadoo salaad lagu jiray. Mana uusan ogeyne waxaa kombiyuutarka ku rakibnaa aalad sheegayso qofka kombiyuutarkaas wato meesha uu hadba joogo. Mana uusan ogeynee waxaa kombiyuutarka lahaa sarkaal sare oo al-Shabaab u qaabilsanaa xiriirinta siyaasiyiinta iyo ganacsatada. Sir culus ayaana kombiyuutarka ku keydsanayd. Mana uusan ogeynee waxaa Raammoolihii ku soo raad joogay oo kombiyuutarka doonayay inay dib u hantaan koox si qaas ah u tababaran oo al-Shabaab aheyd. Ma uusan ogeyne waxaa sidoo kale sarkaalka shabaabka ugaarsanayay calooshood-u-shaqeystayaal Ameerikaan ahaa maadaama uu koombiyuutarkiisa u soo galay raadaarkooda.

Qasaaye oo weli isku maqan ayay dableydii qadaadka ku dhegeen, una turunturreeyeen luuq cidlo ahaa. Kii canka jeexnaa baa biskoolad shafka kaga muday. Isagoo neeftuurayo buu yiri, “Dhaqso! Dhaqso!”

Qasaaye oo weli si u maahsan baa yiri, “Horta idinka cawdubillaysiga idinma karo miyaa?!”

“Adiguba qalbi adkidaa,” ayuu yiri Raammoolihii. “Baarakallaahu fiiykada kuma danqiso miyaa?! Waryaa dhaqso maalka Ilaah inoo daadi.”

“Horta maxaan dhaqsadaa oo igu ogeydeen?” ayuu yiri Qasaaye oo fiigsan.

“Dahabka. Waan kula soconnaa. Keen dahabka,” ayuu yiri Canjeex.

“Dahab?! Yaah?! Anigaa?!” ayuu yiri Qasaaye oo qosol gariir ku dhacay. “Miskiin baan ahay. Xoolo wixii aan lahaa tuugada tahriibka ayaa iga dhacday.”

Kama aysan yeelinee way fatasheen. Jeebabka dharkuu xirnaa iyo kabihii uu qabay iyo sigsaantiisaba ka raadsheen. Labadii dabley way quusteen. Waxay Qasaaye fariisiyeen dhulka, kuna amreen inuu derbiga ku nabo barta sujuudda oo uusan gadaal soo eegin. Meel ka yara duruqsan ayay gooni isula faqeen. Waxay waceen dahablihii u ahaa Booska si ay u hubsadaan in Qasaaye lagu qaldamay iyo in kale. Hayeeshee Dahablihii ma uusan qaban teleefanka oo wuxuu ku jiray salaaddii casar. Canjeex wuxuu huruufay taleefankii maadaama uu dabka ka sii dhici rabay. Dableydii waxay daqiiqado yar ka dib ku soo noqdeen Qasaaye.

“Kac,” ayuu yiri Canjeex. “Orod naftaada yar la carar.”

Qasaaye halkii uu bixi lahaa ayuu boorka lawyaha ka jafjaftay. Iyagiina ku soo jeestay. Oo yiri, “Dhallinyaro busaaradeysan ma jecli inaan arko.” Saa intuu jeebka ka soo bixiyay qalinkii dahabka ugu qarsoonaa ayuu u soo taagay, oo yiri: “Hoo qaata qalinkaan – waad ka taajiraysaan.”

Waxaa xanaaq dhif yiri dableydii. Canjeex inta biskooladdii cabbaystay ayuu hoosta ka soo galay Qasaaye oo weli qalinkii soo taagaya. “Waxaagu ma qoriga dhig, qalinka qaad baa? Hiih?! Ma jeesjees baa? Hiih?! Dulliyahow ma adigaa na dhalay markaad wax noo sheegeysid?”

“Weligey daacad uma hadlin maanta ka hor,” ayuu yiri Qasaaye oo biskooladda il ku xadayo. “Qalinka qaata. Qalinkaan waa kii aad ka caano-maali lahaydeen sidii hashii Nebi Saalax.”

“Canjeexow suufigaan nacnacdiisa naga aamusi,” ayuu yiri Raammoolihii.

Qasaaye wuxuu isha ku eegay riishaddii biskooladda – iyo dhaqdhaqaaqa fartii dableyga. Canjeex fartii ayuu riishadda saaray. “Soco waryaa xabbadaha ha naga qasaarin,e. Na dhaaf. Bax maan kugu baryeynaa?!”

Qasaaye qalinkii ayuu jeebka ku celiyay. Saa markuu dhaqaaqay ayaa waxaa soo dhacay teleefankii Canjeex. Waa Dahablihii. Saa Canjeex ayaa misana Qasaaye amray: “Waryaa sug. Sug. Tallaabo ha rogin.” Wuxuu Canjeex u baaqay Raammoolihii si uu u ilaaliyo Qasaaye.

Canjeex inta meel gees ah taleefankii la istaagay ayuu war ku dhuray Dahablihii. Dahablihiina wuxuu Canjeex ku amray inuu u soo diro sawirka qofkii ay hayeen si uu u ogaado nooca qofka ay hayeen. Markuu Canjeex u soo dhaqaaqay inuu sawir ka qaado Qasaaye ayaa teleefankii ka baqtiyay. Canjeex inta xanaaq la ceytamay ayuu Qasaaye qadaadka biskoolad ka saaray isagoo riixayo.

“Xaggee ii riixee?” ayuu ku cataway Qasaaye. “Waan baxaa. Diyaar. Ballan waaye. Bal horta fartaada ha u dhaweyn keebka.”

“Aamus,” ayuu yiri Canjeex. Saa Canjeex oo Raammoolihii la hadlayaa yiri, “Xal kale ma jiro: waa inaan soo tusnaa Booska. Isaga ayaa noo kala caddeyn doono inuu kan yahay iyo in aynu qof kale ku qaladnay.”

Raammoolihii wuxuu kor iyo hoos u eegay Qasaaye. Markaasuu yiri, “Kan waaba qalinle nasiib xun. Qalimo badanaa ma damiin baa?”

#          #          #

Qasaaye oo labada dhinac looga jiro ayaa la soo lugeysiiyay nus saac. Intaa ay hadba doc u jiidayeen maskaxdiisa kama marneyn inuu orod kaga baxsado. Hayeeshee wuxuu ku kalsoonaa inaysan dahabka arki doonin – oo ay iskooda u fasixi doonaan. Waxaa aakhirkii Qasaaye la hor keenay illinka bakhaar ballaarnaa. Ilbaabku wuu xirnaa. Canjeex ayaa gargaraacay. Waxaa ka furay Dahablihii. Wuxuuna Dahablihii qooraansaday bannaanka. Markuu isha ku dhuftay Qasaaye ayuu naxdin la yiri, “Oo maxaad kan iigu keenteen? Ma in dadku i bartaan baad rabtaan?!”

“Hadda kuuma jeedo, Boos,” ayuu yiri Canjeex. “Bal waad aragtaayee noo sheeg isaga maa kaa gatay dahabka? Annaga waan ka weynay dahab.”

Intuusan Dahablihii jawaabin ayaa waxaa meel jiiro ah xawli uga soo baxay gaari cabdi bile ahaa oo siigada kicinayo. Askar gafuurka wada duubatay ayaa ka dhakoolay. Qori dhashiike ahna wuu saarnaa. Dhanka bakhaarka ayuu gaarigu ku soo socday – iyo qaasatan kombiyuutarkii uu Raammoole soo xaday. Qasaaye si fiican ayuu u eegay gaarigii shabaabka. Calooshaa is majiirtay markuu arkay gaandharigii uu gabarta ka qaaday oo ku dheggan dhashiikihii. Waa gaandhari caan ku ahaa inuu ku xarragoodo indho-gashi madow. Qasaaye wuxuu isyiri adigaa laguu soo socdaa. Dahablihii ayaa arkay gaarigii soo xiimayay. Af buuxuu ku yiri, “War ordaya bakhaarka iiga hor taga kuwaan soo socdo shar kama dhammaatee.”

Saa Qasaaye oo sidii carsaanyada horay iyo gadaal marba u dhaqdhaqaaqayay iyo Dableydii oo dakano isku ogaa ayaa fakataxda orod jiitay. Hayeeshee waxaa lagu furay baas digniin ah – baas dhulka ka kiciyay ciid iyo quruurux. Saa Qasaaye iyo dableydii oo dheg la qabto laheyn ayaa orod dalaq ku yiri gudihii bakhaarka. Wuxuu Qasaaye ka dul booday fuustooyin uu shidaal ka buuxay, kana dhigtay gabbaad. Shidaalkii baa u soo uray. Wuu naxay, oo durbadiiba u guurguurtay jawaanno bur iyo bariis ahaa oo isku raseysan. Wuxuu hubsaday inay qalimaantii jeebka ugu jireen.

Qolyihii shabaabka ahaa bakhaarka ayay gudaha u soo galeen. Gaandharigii baa hadlay, oo digniin baxshay: “Alaab ay mujaahidiintu leedahay ayaad naga heysataan. Dilkiinna dan inooguma jirto. Na siiya alaabteenna. Nabad ayaad naga helaysaan.” Qasaaye wuxuu iska dhaadhiciyay in loo sarbeebayo inuu ka haro gabartii uu Gaandhariga ka dhacsaday. Shibta ayuu galay – oo isnabay.

Hal daqiiqo ayaa la kala aamusay. Qasaaye ma uusan ogeyn halka ay dableydii ku dhuummaneysay. In yar ka dib baa Raammoolihii u baaqay Canjeex. “Ani midig; adna bidix,” ayuu yiri Raammoolihii. “Xabbadda ugu roonow, baarakallaahu fiiyka.”

Shabaabkii markii ay maqleen codkii Raammoolihii ayay meeshii uu ku dhuummanayay baas ku fureen. Qasaaye gacmaha ayuu madaxa ku datay isagoo dhabbacan. Jawaannadii isku dul rasaysnaa xabbado ayaa goostay, oo bur iyo bariis faniinayo ayaa ku soo dul daadanayay. Qasaaye wuxuu arkooday dariishad meel gees ah ku taallay. Oo dhankeeduu u xammaartay si uu uga baxo. Hayeeshee wuxuu arkay dhowr bambo oo kuwa dadka ka ilmaysiiya ah oo laga soo tuuray dhankii dariishadda. Dib dib ayuu Qasaaye misana u xammaartay oo jawaannadii isku qariyay.

Isla markiiba waxaa qiiqii bambooyinka ku soo dhuuntay calooshood-u-shaqeystayaashii Ameerikaanka ahaa oo sitay qoryo nalal guduudan ka walac walacleynayeen. “Don’t move! Don’t move!” ayay ku qeylinayeen. – Ha dhaqaaqina! Ha dhaqaaqina! Qasaaye wadnahaa afka yimid. Midig shabaabka ayaa ka jiray. Qibladda waxaa ka jiray Ameerikaanka. Bidixdana waxaa kaga aaddanaa dableydii. Nafta ayaa u macaanaatay. Wuxuu soo xasuustay Jiijo iyo arooska uu gali rabay. Saa inta indhaha isku qabtay buu Ilaah beryay: “Allow xuurulcayn ha ka dhigin xaaskayga koowaad.”

Gaandharigii watay shabaabka oo u ordayo meeshuu Raammoolihii ku jiray baa isku soo tuuray jawaanno raseysnaa gadaashood. Mise wuxuu ka soo dul dhacay Qasaaye oo sii jeedo, dhulkana dhabbacan. Qasaaye gadaal ayuu soo jalleecay – afkaa kala tegay. Gaandharigii wuxuu durbadiiba biskoolad ku qabtay Qasaaye. Qasaaye inta gacmaha kor u taagay ayuu indhaha isku qabtay. Ashahaadadiina waa u gembisay. Waxaase ka soo fakaday war kale: “Qaado! Qaado! Waan kuu daayay Jiijo. Bes!” Qasaaye ilba mid ayuu kala furay, mise Gaandharigii maba joogin.

Qasaaye wuxuu u xammaartay gadaal iyo bakhaarkii. Dahablihii wuxuu dableydii ku lahaa, “Inkaar idinku dhacday bal maxaad iga soo doonteen galabta? Bakhaarkaygiina goob dagaal ayaad ka dhigteen.” Canjeex oo qoslayaa yiri, “Wax badso wax beel bay leedahay, Boos. Katiinad dahab ah ayaad ka hunguriyeysay qalinle miskiin ah – adigana bakhaarkaaga ayaa u maqan.” Qasaaye waxaa u caddaatay inuu soo shirqoolay Dahablihii.

“Boos maxaa talo ah?” ayuu yiri Raammoolihii.

“Godkii isaga ahaa aynu ka baxno,” ayuu yiri Dahablihii. “Isaga dhex baxa Ameerikaanka iyo wadaaddada – iyo qalinlahaas idinka caqli badiyay. Kaas bacow ayuu galabta igu noqday.”

Qasaaye wuxuu ku dadaalayay inuusan hadlin si’aan loo bar-tilmaansan. Isaga oo sahan ugu jiro meel uu ka baxsado ayuu isha ku dhuftay Dahablihii iyo labadii dabley oo ka sii dhex dusaayo godkii sirta ahaa. Wuu ka daba xammaartay isagoo xusullada boobsiis ugu siqaya. Wuxuuse ka war helay derbigii bakhaarka oo dhinicii uu isagu ka joogay soo duntay iyo dhuun taangi oo ka soo dhex baxday. Waa ciidankii AMISOM oo loo soo sheegay in ciidan shabaab ah ay xaafadda soo galeen. Waxay isha ku dhufteen Qasaaye oo dhabbacan. Labo ah askartii AMISOM ayaa qoryo ku qabtay. Wuu is dhiibay. Wuxuu af-Ingiriis ku dhahay, “Waqti fiican baad iga soo gaarteeen. Go’doon baan ku jiray.”

“Oo adigu yaad tahay?” ayay weydiiyeen ciidankii AMISOM oo dhakanayo.

“Tarjumaan,” ayuu la soo booday Qasaaye. “Ciidankaas Ameerikaanka ah ayaan u tarjumayay.”

“Mudane, mudane, bal gadaal tag,” ayuu yiri askarigii Yugaandheeska ahaa oo Qasaaye u sagootinayo taangiga gadaashiis. “Ka gabbo xabbadaha illaa iyo intaad kala kulmeysid Ameerikaanka.”

Qasaaye neef ayaa ka soo fuqday. Wuxuu baaray jeebkiisii. Labadii qalin mid baa ka lumay intii uu hadba jiho u xammaaranayay. Ciidankii AMISOM waxay gabbaad ka dhigteen taangigii. Hayeeshee rasaas ma aysan ridin iyagoo doonayay inay hubsadaan meesha ay kala joogeen kuwa shabaabka iyo kuwa Ameerikaanka. Saa Gaandharigii ayaa cod dheer ku yiri, “Kombiyuutarkii waa lala baxsaday. Xeeladda u beddela dib u gurasho. Eryada tuugtaas.”

Qasaaye oo weli joogo taangigii gadaashiisa ayaa gaagaatin ku dhaqaaqay si’uu uga baxo godkii sirta ahaa. Saa markuu godka ku soo dhawaaday ayaa waxaa biskoolad ku qabtay sarkaalkii Ameerikaanka ahaa. “Hands up!” ayuu yiri. – Gacmaha kor u taag! Qasaaye gacmihii ayuu kor u taagay, oo si boobsiis ah ku yiri, “I’m the interpreter for AMISOM.” – Waxaan ahay tarjumaha AMISOM.

Waxaa xabbado isku hurgufay shabaabtii oo dib-u-garasho ah iyo Ameerikaankii. Shabaabtii oo iriddii bakhaarka u sii baxsaneyso ayaa hal mar waxaa baas kaga soo naxsaday AMISOM.

Qasaaye iyo sarkaalkii Ameerikaanka ahaa weli way isla taagnaayeen. Wuxuu sarkaalkii yiri, “Xabbaddu ha hakatee joog intaadan ku noqon ciidankaaga AMISOM.”

Qasaaye wuu fariistay isagoo isha ku hayo godkii sirta ahaa. Sarkaalkii waxay ishiisu qabatay sanduuqyo xiran oo ay ku qornaayeen af qalaad iyo lambaro taxane ah. Saa buug yar ayuu jeebka tuutihiisa kala soo baxay si’uu u guuriyo fartii ka muuqatay sanduuqyada. Wuxuuna taataabtay jeebkiisii isagoo qalin iska baarayo. Wuu iska waayay. Wuxuuse isha ku dhuftay qalinkii Qasaaye jeebka ugu jiray.

“Can I borrow your pen?” ayuu yiri sarkaalkii Ameerikaanka. – Qalinkaaga wax yar ma ii dhiibi kartaa?

Qasaaye ma uusan dooneyn in dahabka laga arko. Markaasuu la yimid xeelad deg deg ah, lana soo booday, “This is not a pen.” – Kani qalin ma ahan.

Sarkaalkii oo eegayaa yiri, “What is it then?” – Haddaba muxuu yahay?

Qasaaye inta afka u dhaweeyay dhegtii sarkaalka ayuu yiri, “It’s a bomb.” – Kani waa bambo.

Sarkaalkii indhuhuu galka ka bixiyay. Oo inta qeyliyay ayuu bahal haraanti ah ku qaaday shafkii Qasaaye. Saa Qasaaye oo duulaya ayaa ku soo dhacay geeska kale ee luuqa. Wuxuuna arkay sarkaalkii oo biskooladdiisii ku soo shiishaya. Hayeeshee isla markiiba ayaa xabbado wiifto ahaa waxay haleeleen fuustooyinkii shidaalka. Qaraxii fuustooyinka ayaa xigay. Saa olol firir ah ayaa kala dhex galay Qasaaye iyo Sarkaalkii. Jawaannadii isku raseysnaana midba doc ayuu u faniinay.

Wax yar ka dib, hal mar ayay xabbaduhu joogsadeen. Shabaabkii waxay ka faa’iideesteen qaraxii fuustooyinka – oo way baxsadeen. Qasaaye wuu suuxsanaa, oo naqaska ayaa ku dhegay. Dhowr jawaan oo qaraxii la soo duulay ayaa ku habsaday. Bur iyo bariis ayaa wejigiisa iyo madaxiisaba daboolay.

Waxaa timid diyaarad kuwa qummaatiga u kaco ah si ay u daabbusho ciidankii calooshood-u-shaqeystayaasha. Sarkaalkii Ameerikaankana waa la waayay. Kooxdiisii iyo AMISOM ayaa bakhaarkii ka baaray. Yaabkoodee waa ay waayeen hal ruux oo ay wax gaareen. Aakhirkiina AMISOM ayaa dul timid Sarkaalkii oo diyeysan, garabkana ay xabbad ka leeftay oo dhiigayo. Wejigiisa waxaad moodday in boorbaro lagu bilbilay. Waxayna Sarkaalkii u xambaareen dhankii diyaaradda. Misana waxay ka daba geeyeen Qasaaye iyagoo rumeysan inuu ahaa tarjumaanka Ameerikaanka. Diyaaraddii way duushay. Joog hoose ayay ku socotay iyadoo dul mareysay xeebta.

Daqiiqado ka dib ayuu Qasaaye indhaha kala qaaday iyadoo ay diyaaraddii hawada mareyso. Madaxa iyo mergiyada ayuu tuujiyay isagoo xanuun wejiga la kuduudaya. Wuxuu ku jiifay joodari loo goglay sagxadda. Joodari in yar ka duruqsanna waxaa jiifay oo lagu dhayayay Sarkaalkii garabka ka dhaawacmay. Labadooda weli isma aysan arkin. Waxaana u dhaxeeyay agab militari oo is dul raseysnaa.

Qasaaye markuu si fiican u miyirsaday ayaa mid askartii ka mid ah u keenay biyo qabow. Wuu qurquriyay. Oo misana madaxa isaga shubay. Markii ay naftu ku soo noqotay ayuu jeebabkiisa ka baarbaaray qalinkii dahabka ugu qarsoonaa. Wuu iska waayay. Wuxuu Qasaaye la hadlay askirigii biyaha u keenay: “Ma aragtay qalin aan watay?” Askarigii ayaa yiri, “Haa! Waa kan. Anigaa kuu hayay.” Qasaaye farxad ayaa saaqday.

Sarkaalkii dhaawaca ahaa ayaa maqlay ereyga “qalin” iyo codka Qasaaye. Wuxuu qooraansaday cidda ka hadleysay qalinka. Mise waa Qasaaye oo diyaaraddii saaran. Saa af labadii buu Sarkaalkii yiri, “War qalinka tuura waa bambo,e. Waa bambo. Tuura!! Tuura!!” Hayeeshee dheg jalaq looma siin. Waxaana loo qaatay inuu weli sasan yahay. Maba uusan sugine wuxuu iska soo tuuray helikabtarkii oo badda kor duuleysay. Markuu nabad biyihii badda ku galay ayuu kor eegay iyo diyaaraddii. Wuxuu sugayay inay qaraxdo.

Askarigii qalinka u keenay Qasaaye ayaa yiri, “Hal su’aal ma ku weydiin karaa?”

Qasaaye: “Haa.”

Askarigii: “Horta adiga sidee ku soo raacday ciidankeenna hawsha ka fulinayay bakhaarka?”

Qasaaye waaga ayaa ku beryay. Dhankii daaqadda ayuu sahansaday. Saa Sarkaalkii badda ku jiray ayaa wuxuu arkay nin madow oo helikabtarkii iska soo tuuray. Wuu eegay. Indhahana ka mirigmirigsiiyay. Wallee waa Qasaaye. Wuu firigfirigleeyay Sarkaalkii. Oo baddii ayaa ku yaraatay. Caytan iyo habaarna isku daray. Hadduu si fiican u sii eegay Qasaaye waxaaba ka soo horreeyay oo xawli ku soo dhacayay qalinkii. Sarkaalkii oo quus ah baa qeyliyay: “Diyaaradda oo dhan baad heysatay. Maxaa i kaa daba dhigay?!”

Qasaaye iyo qalinkiisii oo isla socdo ayaa u soo dhawaaday Sarkaalkii. Markuu Sarkaalkii arkay in xaajo meel xun mareyso ayuu miciin biday inuu quuso oo badda hoose isku nabo inta ay bambadu ka qarxeyso. Wuxuu ka war helay qalinkii iyo Qasaaye oo hal mar biyihii ku soo wada dhacay. Meel uu u baxsado ayuu garan waayay Sarkaalkii. Neefta ayuu isku celiyay oo isku nabay badda salkeeda.

Qasaaye inta qalinkii dahabka ugu qarsoonaa gacanta ku dhigay ayuu u dabaashay dhankii xeebta. Si aan looga garan dhallinyaradii meesha ku dabaalaneysay ayuu xooray shaatigiisii iyo surwaalkiisii – wuxuuna la soo haray daba-gaab iyo funaanad garan ahayd. Diyaaraddii inta isa soo gaddoomisay ayay ku soo noqotay bartii uu firigfirigleynayay Sarkaalkii oo duufka iyo calyada isku qasay – indhuhuna xinjir dhiig ah noqdeen. Si aayar ah ayay u qaateen askarigooda. Qasaayena si aayar ah ayuu isugu dhex daray dhallintii xeebta ku dabaalaneysay isagoo qalinkii gacanta midig ku xagsanaya. Hal mar ayuu cirka eegay. Helikabtarkii hawada ayay gashay, una jiheysatay markab u fadhiyay badda.

~Dhammaad~

Qore: Cabdullaahi Janno

Facebook.com/Cabdullaahijanno

Email: Claahijanno@gmail.com

SHARE
Previous articleSawirle
Next articleBuugle