Xuseen iyo Xusuustii Qaadka

0
827
Xuseen iyo Xusuustii Qaadka
Cabdiraxmaan Cirro
Xuseen waxa uu waxbarashadiisii ka hadhay ka hor inta aanu u gudbin dugsiga dhexe. Taas oo ay sabab u ahayd duruufo qoys ahaaneed iyo dhibaatooyin ka haystay dhanka wax barashada. Kolkii uu ka saaqidayna wuxuu bilaabay balwado iyo in uu magaalada hab xayraannimo ah kaga xamaasho. Haba xamaasho ma xuma, oo hadii uu qoyskiisa wax ku tarayo ama ugu yaraan naftiisa wax ku tarayo. Balse sidaa lidkeeda wuxuu noqday nin balwadiisa daacad ah u ah. Shilinkuu helaba waa kii shiila oo kabadhka saara.
***
Wakhtigu waa kii socdee caawa wuxuu soo fadhiyaa mid ka mid ah majaalistii qaadka. Kolka la qayilaayo wuu kaftan iyo sheeko badnaayee caawa ninna la hadli maayo ee naftiisa ayuu la shawrayaa. Waxaa xusuusta garaadkiisa ku wareegaysa waayihii soo  maray iyo dharaarihii ay dhalinyaranimadii baylihisay. Balse caawa wuxuu gar waaqsaday in uu ka lusho haadaan iyo jar dheer.
Saamaytaa xooggan waxaa ku abuurtay kol uu shalay jaad la’aan ahaa taas oo uu innoo warin doono isaga oo naftiisa la hadlaaya . fakarkiisa iyo gar qaadashadiisa wuxuu ka soo  bilaabay jumcadii lasoo dhaafay kol uu halkan fadhiyey iyo maalintii xigtay . Bal aynu u dayno isagu in uu inoo wariyo waayihiisa jaadka iyo wuxuu ka dhaxlay. Wuxuuna yidhi isaga oo naftiisa la hadlaaya.
“Meeshii ayaad fadhidaa isla halkii haa! waa meeshaad labaatan sano ka hor joogtay dib u dhac mooyee noloshaadu horumar ma leh, waagii hore ayaabad dhalinyaro ahaydee maanta waad sii  duqawdey. Waxaadna taas garataa kolka aad aragto ku kale oo labaatankaa sano halkan kula fadhiyey isaguna inta gaboobay tukubaya oo tallamaya.
Waxay noloshu kuu macaanaataa marka aad majinta iyo midhadh sigaara isla hesho, daanka kolka aad buurtana indhahaad galka kasoo saartaa oo hadba dhan u wareejisaa  ilkahan hareeruhu ka madoobaadeen dhexduna boloshay ayaad qori ku mud mudaa  hadba muraayadda ayaad isku eegtaa marka aad iska argagaxdo ayaad halhaleel jeebka dalaq ugu siisaa .
Noloshaadu waa maalin iyo hurdo habeen iyo mirasho, caawase jadwal murqaankaagii waxbaa ka khaldan. Kii aad xalay la ballantay ee aad waagii hore dugsiga hoose wada dhigan jirteen waa adigii raadiyey balse heli wayday. Telefoonkiisuu kuu qoray ee warqaddii aad ku qoratay ayaad meel ay martay wayday. Waxaad ku cabataa waar heedhee tolow maad maalin qudha qaadka joojisid oo aad lacagtiisa telefoon ku iibsatid. Balse kolkaad lacagtaa hesho ayaad hilmaantaa.
Madax xanuunka ku hayaa ayaad la tacbaan tahay, xummad ayaa ku saaqday, dhiigga ayaa ku kala xidhan, indhahii yar yaraa ee fiiqfiiqnaa ayaa ku casaaday, dibnaha ayaad qaniinaysaa tinta ayaa ku istaagtay, dulqaadkii ayaa kaa dhammaaday. waxaad iminka u lugaynaysaa gurigii yaraa ee aad gali jirtay.
Lugahan dhuudhuuban surwaal jeenis ah ayay ku dhex jiraan, feedhahan qallalanna shaadh madow oo dhabarka ka qoyan ayaad huwisay, cagahan yaryar ee xaadu ku wadhantahayna kabo buudh ah ayaad dhex dhigtay, wajigaagan laga argagaxo ciil baa ka sarreeya, dhafooradana xididdada soo baxay way bood boodayaan. adiga oo dhan ayaa ah wax sida shaydaanka layska naaro.
Tallaabo degdeg ah ayaad dhulka ku mud mudaysaa mooyi meel aad u socotee gurigii xumaa ayaad rabtaa inaad is tuurto.  ‘Oo iminka maxaan ka seexdaa raggii ilaahayba wakaa mid walba jaadkiisii wata oo fadhi tagayee?’ Ayaad tidhi. Misana waxaad isugu garaabaysaa ‘oo maxaan haystaa oon maanta ku qayilaa sawtaa qamarku igu soo dumay maaha?’.
Maskaxdaadan intaas oo malaayiin gigabaayt ah wax kale kama shanqadhayaan aan ka ahayn qaad, ‘oo ma cilmi kale ayaan leeyahay?” ayaad is waydiinaysaa!!
Waa 2:00 duhurnimo waa xilligii ay muqayiliintu isku afgarteen in uu yahay xilliga ugu fiican ee jaadka loo fadhiisto, ogoobay waana xiliga ugu kulul ee xitaa aanay cirka shimbiri duulin . waa xilliga aadmiga Ilaahay nasto oo ay aqalladooda galaan.  Waa ammin cawro ah oo xitaa qofka aad dan wayn ka leedahay aanad wici karayn. Adigase waxay kula tahay wakhtiga ugu fiican waa marka aad dareentid noloshaadan baylahda ah in ay boos ku leedahay dunida.
Ayaamaha Ilaahay way kala duwan yihiin, ba’ iyo badhaadhe ayey leeyihiin adigase waa isugu kaa mid haddii aad majintaa iyo midhadhkaa aad hesho maantase sidii in uu qiyaamahaagu kacay ayaad murugaysantahay.
Waxaad timid gurigii dhebi aad wadatey ayaad albaabka kula hoobatay, ‘naga fura najaasyahay maxay horta  duhurka u xidhaan albaabka.’ Ciyaal bannaanka hurdaa sasay, hooyadii dhashaa inkaar kugula soo boodday albaabkana kaa fag siisay. Xishoodku wuxuu kuu jiraa inta uu cirku kuu jiro, ixtiraamku wuxuu kaa fogyahay inta bari iyo bogox kala fog yihiine cay iyo canaan ayaad afka u furtay . Intay yaxyaxday ayay kaa carartay. Adna inta aad qolkaagii yaraa ee jiingadda ahaa dhabigii ku riixday oo aad ku furtay ayaad madaxa la gashay.
Neefbaa kasoo boodday hooyadii, ilmihii ayay bannaankii ka guratay oo qolkii ay kulaylka uga  soo carartay ayay iyaduna gashay. Waxaad dhigatay dharkii aad wadatay mise dhar kuuma ahee waa tuute! Furaashkii dhexda u godnaa ee hareerahana ka dhamaaday ayaad ku eegtay albaabkii furnaa oo aad damacday inaad seexato.
Hadba dhan ayaad isku rogrogtaa hurdo kuuma aysanba ahayne ciil ayuu maduxu kula xanuunayaa, maankaaga waxaan geedo cagaaran ahayn kuma sawirna dibnahaaga waxaan cay iyo inkaar ahayn kama soo baxaan kolkaad ku daashana habaar ayaad hoobisaa, oo yaad habaari? Dee cid alla ciddii aad aragto dadkii aad wax kasoo wayday ayaad higgaadisaa.
Eebbe kala fogaate xadhigiisiina furtoo fogaysee horta goormaa salaad kuugu dambaysay? Mooyi. Dee malahayga berigii aan yaraa. May…may… istaaqfurullah. Wallaahi waanigiii jimcihii dhowayd midkii aan shaxaadayey lasoo tukadaydee. Waar jimcuhu waa salaad nin weyn! Haa oo miyaanad arag in xawaaladaha, shirkadaha iyo goobaha ganacsiga la xidho? Hayaaay, waar waa salaad taajir, ayaad isugu jawaabtaa.
Waxaa maankaaga ku wareegaya lacag. Kumana anfacdo haddii ay kaligeed meel taallo ee waxay ku badisaa marka aad meel jaad la hesho, qorshaha aad duhurkii u soo toostaa waa qayil waxa aad subaxdii u seexataa bal maad nasisid naftan aad ku soshay saamalaylka ee aad ku dubtay soojeedka.
Wax waalan baa galab seexdee qaadiradii ayaa kugu laba qaraxday. Riyo dubaabkii wakaa isugu kaa yimid. Waa adigaa qarow iyo qaraaruf afkaa taagey.
Habeenkii goor ay tahay 9:00 ayaad soo toostay waxa aadna toos usoo abbaartay isla xaafaddaada bannaankeeda kuwo fadhiya oo aan waxba ku dhaamin balse caawa malaa adigu waxaad u aragtaa in ay kaa ayaan wacanyihiin maadaama ay caawa saamalaylkooda haystaan!
Adiga oo weji duuduuban oo cadho xag Rabbi ahi ku saaran tahay ayaad kasoo dul dhacday raggii iyaga ahaa. Kolley salaani ma jirtee intaad iska soo kaduudsatay oo gogoshii dacal kaga fadhiisatay ayaad ku tidhi ‘waar ii dhiib haashkaa’, kolkii aad labo tiiro jiiddey ayuu naqaskii kaasoo boodey bilawdayna in aad u warranto.
Cay iyo naclad waxaan ahayn dibnahaaga kama soo degayaan waxaadna ku hoobinaysaa kii maanta kula ballamay! Oo maxaad u caayi ma adaa ballankii ka baxay mise isaga? ‘Mayee, wallahi anigaa warqaddii tuuray’, ayaad isugu jawaabaysaa misana halkii ayaad caaydii kasii bilaabaysaa, iyagan ku dhageysanayaana kuma qabanayaane waa kuwan dhagaha kuu raaricinaaya.
Intaad geed dubaabkii ka qaadatay ayaad hareertooda fadhiisatay raamsigiina bilowday. Sheekadiinnu qiimo ma leh, wada tashigiinnu waa caawa iyo murqaanka oo berri geedkaa ma gaadho. Wuxuu ku wareegi kaliya waa qiimaha uu qaadku agtiina ku leeyahay. ‘Waar dee nin aan qaad cunin waa wadaad aan Quraan baran’ waa maahmaahyo-dilaha aad halkayska u leedahay. Iyaguna jiibta ayey kugu saacidaan. Way kaa hoorinayaan oo waliba intay is eegaan ayey yidhaahdaan ‘waar dee Xuseen waa xikmaawi’. Ku kalaa soo boodi ‘alla waar dee wuu u dhashay’ ayuu odhan. Kaliya adna waa inta aad ku raaxaysatee waadigaa is cajibiyey.
Maalmuhu way socdaan, habeennaduna way is gurayaan. Waxaad baarka la sii galeysaa sano afartanaad, welina kii reer dhaqday ma tihid, malahayga haddaan beenta iska dhawro tii jaadwalaha ahayd ee aad waagii is dugsan jirteen ayaa kuugu dhowayd . Malahayga iyana raganimo la’aan bay kaa tirsatay illeen nin qaad cuna iyo naagi meel ma wada galaane.
Jaadkii maad dayn. Weli waad soo raamsanaysaa. Oo ma cid ayaad wax ka maqashaa. Kii damca in uu wax kuu sheegana adiga oo indhaha galka kasoo saaraya farahana soo fiiqfiiqaya ayaad ugu jawaabtaa ‘waaryaa aniga haanbaag baa iga taal isku gubatadan.’
Maalinba dabin kale ayaad lugta dalaq ku siinaysaa adigoo war mooge ah. Haddii xishood jiro adiga laabtaada kuma hadhin in quraanjo le’eg. Wejigaagu yaxyaxi maayo, damiirkaaguna danqasho wuu ka tagay oo hadba waxaad hortaagan tahay ku dhalinyaranimadii aad isku dugsi ahaydeen oo maanta aqoonyahan ama ganacsade ah, adna majinta dhabarka kuugu mudan iyo midha sigaarka ah ee dhagta dusheeda kuu saaran wax aan ahayn ma haysid.
Ta ka daran ayaa ah habraha jaadka ee maalin walba suuqa dhexdiisa shaadhka kugu dheggan iyagoo leh ‘naa shalay buu majin iga qaatay’ ayay tu kalena soo boodi oo shaadhka dhinaciisa kale ku qabsani ‘naa bil horuu marduuf iga qaatay’, adna maxbuus madluun ah ayaad tahee hadba afkooda ayaad eegtaa oo inta dhaar Kitaabka xaf ku siiso ‘iga wallee berry baan keeni’. Yaase ku aaminaaya waligaaba saasay habari shaadhka kuu haysaniye?
Kolka ay kusii daayaan ee uu Eebbe meel kale kaaga jeediyana waalidkii dhalay iyo warasadooda intaad caydid ayaad adiga oo nacladaaya kabahaagii ka daydayataa goobta, oo wajigaagii ma lihide malaha kartoonba madaxa kuugu jira!  Intaad is toos-toosiso ayaad si nin sharaf leh madashaas uga tagtaa oo tu kale ka daynsataa intaad Kitaab isku jiiddo ‘berri ayaan keeni’ ayaad tidhaahdaa. Oo ma dhaartaa agtaada qiimo ka leh, ‘waar u miis maalinbaa lagu jaadaa dhaare berrina tu kalaa lagu furdaanshaaye’, ayaad niyadda ka tidhaahdaa.
Wadiiqadii maalin kuu furantaba maalinta xigta waa mid is qafisha. Waxaa si toos ah kaaga hortimid magaaladii. Oo maxay magaaladu kaa galabsatay? Adigaa been iyo khiyaamo ku idleeyey xooleheedi! Buulashii habrahaad gubtaye, ma weji baa kuu yaal? Allaylehe waa runtaa, oo adigaa is xidhee dee nin buu Eebbe kaa dhigee is fur.
Imisaad sidaa ahaan nin jaad cunow? ilaa goorma ayey gaaridii kuu dhaxday iyo caruurtu kaa daba ooyi? Goormuu kuu soo noqon dareenka iinsaaniga ah, Islaamiga ah? Raganimada iyo wax garashadan kaa guurtay goormay kuu soo noqon? Allaylehe tasho oo naftaada iyo Aakhiradaada u tudh.”