Ma Sagal?

0
1050

Ma Sagal?…………… Saddaam Xuseen Carab
“Naa kaalay qumayo yahay kildhiga ii biyee” bay si naxariis daran ugu yeedhay. Sagal yeedhmada Cosob ma ay dhibsan; wax caadi ah bay la noqotay. Lixda
sanno ee ay la noolayd Cosob ayaa noqon kara kuwii ugu xumaa nolosheeda. Lixda kale, mar ay garaad la’ayd iyo mar ay sidan noloshu dhaantay bay ahayd.
Sagal waligeed ma aanay arag nin ay ku tidhaa “Aabbo” si la mid ah sida aanay hooyo dhab ah u helin, marka laga tago Cadar. Sagal inta ay jirto, maalinna qof dabacsan oo gefka aanay lahayn uga garaaba ma ay helin. Quruxdeeda hore qof wal oo jeclaadaa, kolka looga warramo habka ay nolosha ugu soo biirtay buu naceyb qiil la’ u qaadaa. Qofkii ugu tudhida badnaa Sagal ee ay heshaa Cadar Aw Ibraahin bay ahayd. Cadar in kasta oo aanay dhalin Sagal, hooyadeed qof se loogu tilmaami karo bay ahayd.
Waa subax Jimce ah. Waa jeenawari oo dhaxan badan. Cadar waa dadka kallahaadda ku caanka ah. Jiilaal iyo Xagaa waa isugu mid. Inta aanay cadceeddu si wacan u soo bixin, bay suuqa adeegga qoyska u doontaa. Qiyaas afar isgoys bay ka gudubtaa marka ay suuqa u socoto. Afarta midka xaafaddeeda u xiga xashiish badan baa geestiisa waqooyi ka buuxa. Waa guddaafad khashinqub u ah aagga oo dhan. In kasta oo Cadar aysan waligeed bac iyo kartoon midna ku tuurin, haddana dhibka guddaafaddaas kama madhna. Saaka dhaxanta jirta awgeed, cid badan oo ay waddada kula kulantay ma jirin, marka laga tago hal qof.
Qofku ugu horrayn waa uu ooyayey. Oohin taag daran oo dunida aan wax ka ogayn baa ka yeedhaysay. Cadar kolkii dhegeheeda oohintaasi ku soo dhacday dareen bay qaadatay. Hareeraha ayey daymo ku koobtay.   Kartoonka huruudda ah, dillaacsan ee jawaanka dambasku ku jiro ka sokeeya marna ma ay filayn in oohintu ka soo baxaysay. Xaggii guddaafadda ayey u naxdindhaqaaday. Oohintu kolba waa ay soo durkaysa ama Cadar baa ku sii durkaysay. Aakhirkii kartoonka ilmaha mujada ah ee ku dhex silicsan bay Cadar indheheeda ka qaadday. Argaggax iyo yaab bay xubin wal oo jidhka dhaxmoonaya ee Cadar dhaqaaqdaysay. Mar kali ah garaaca wadnaha ee Cadar waxa uu gaadhay heerkii u sarreeyay. Dhiiggii uu xawliga ku tuurayey baa degdeg u diiriyey jidhkeedii dhaxmoonayey. Dhidid bay durba qoyday. Dhidid naxdini dhashay buu ahaa. Dhakhso inta ay u qaadday Ilmihii, ku duubtay shalmaddii ay hagoognayd, bay dib ugula laabatay gurigeeda. Waagaas Sagal ma aanay kasayn sababta iyo gefka ay gashay ee kartoonka qashinka dhexdiisa goortii dhaxanta ahayd loogu riday, waliba loogaga tagay.
2
Baahida jinsi ee naftu waa mid ka mid ah gumeystayaasha ugu waawayn dadka gaar ahaan dhallinyarada. Marar door ah inta ay dabarka goyso baahidaasi ayey qofka  meelo daran kala dhacdaa. Keyse da’aadda labataneeyada ayuu inyar u jiraa in uu ku soo biro. Laba ilaa afar bilood oo kali ah baa uga dhiman. Dhaqdhaqaaq xooggan oo gudihiisa ka aloosan ayuu baryahaa ba la tacaalayey. In uu maamulo ama ka hortago xoogagga kacaanka shahwadda ah ee milikhsanaya,  awood iyo hub ku filan uma aanu haysan. Foodlayda kacday ee gayaankiisa ah, mid inta uu ka xusho in uu la hasaawo ayuu go’aansaday.  Hawlaha nafsadeed ee ku holcayey in arrintaasi dabiib u tahay buu ku niyadsamaa.
Ammuun oo qudheeda doonista iyo hilawga ay ina rag u qabtay la qalaamoroganaysay, bay sibiq isku barteen Keyse. Haddii deraasad gundheer labadooda la marin lahaa, qalabka ama qofka daraasaddaas wadaa waxa uu odhan lahaa “Kaliya, xammaasad doob/gashaantinnimo ayaa isu keentay”. Dhab ahaan ma jirin wax intaas ka durugsan oo ka dhaxeeyay. Keyse iyo Ammuun hadallada dabacsan ee ay isu tebin jireen mid ba dhiniciisa dhamacda ka oogan gudohooda ayey ka kala qaboojin jirtay. Xidhiidhkoodu tartiib tartiib buu u salballaadhanayey. Jeer inta la is jibaaxay, dubur hawd laga xulay.
Keyse si uu xidhiidhka Ammuun u ballaadhiyo, caawa casuumad casho buu u fidiyey. In ay ka aqbasho aad buu uga codsaday. Jiroo horraantii ay dabada giijisay, aakhirkii waa ay ka aqbashay. Inta ay si la yaab leh u soo lebbisatay, waa tan hortiisa miiska geesta kale ka soo fadhida. Ha la casheeyo, ha la sheekaysto, hadallo macmacaan ha la is dhaho laakiin waa sidee? Goorma ayuu dareenkooda jinsi durba khadka ka saaray? Maxaa qaaday wiilka? Ammuun sawta cirka iyo dhulka midna garan la’ ka ay joogto? casho ha la isugu yimaaddo ee maxaa kuraasta ka dejiyey. Roogga cawlan ee goglan miyaa la isku ogaa in la iska dul qalaamo rogto? Keyse guriga kolkii uu Ammuun ugu yeedhayey, shirqool miyey ka ahayd in uu meeshan cidlada ah ku casuumo? Iyadu ba sawtan taraaraxday ee ay si walba yeeleen? Dareenka midba gaar u gubayey waa kuwan isku duqeeyay. Xishoodkii iyo xayihii meel uu maray lama yaqaan. Ammuun caawa miyey inannimadeedii biraysay? Mustaqbalkii halkee bay ku tiirisay? Keyse ma noqon karaa mustaqbalkeeda?
Kolkii ay la hiinraag dhammaystay baa miyirkii u soo laabtay. Ammuun waa ay rumaysan wayday waxa ay fashay. Riyo ayey u malaysay. Laakiin Keyse sawkan horteeda surwaalkii ku giijisanaya. Saw kuwan isu calaacalaya ee mid wali ba ka kale hiifayo. Habeenkii, kolkii ay Ammuun guriga ku soo laabatay, indhii ay sariirta la dul tagtay baa waagu ugu beryay.
3
Sagal habeenkaas haddii ay talo ku yeelan lahayd, dhab ahaan ma oggolaateen wixii dhacay. Waayo falka foosha xun ee Keyse iyo Ammuun faleen, waa midka nolosha xun ee silica badan gayeysiiyey. Habeenkaas haddii aanu Keyse casho martiqaadin Ammuun, Sagal ma ay dhalateen. Habeenkaas ilmihii ay qaadday Ammuun, kolkii uu Keyse dafiray, sagaal bilood ka dib ayey go’aansatay in ay iyana iska tuurto. Ha tuurto’e, goor dhaxan badan in ay meel xashiish badan ku tuurto ayey go’aansatay. Ilmaha labadii iska dhalay ba diideen, Cadar aw Ibraahin baa dareenka dadnimo ee ka dhaxeeya aadamaha awgii u qaadday. Inta ay korsatay ilmihii ay guddaafadda ka soo qaadday, bay u bixisay Sagal. Sidan in ay dunida ku timid Sagal ma oga. In se aanay si san u iman dareenkeeda marna kama maqna.
Lixdii sanno ee nolosheeda ugu horreeyay, Cadar baa haysay oo ay la noolayd. Cadar hadh iyo habeen waa lagu hiifi jiray ilmaha ay guddaafadaha kala timid. Carruur jin bay korsataa ayaa lagu haaraami jiray. Dumarka xaafadda oo dhami arrintan waa ay ka midaysnaayeen. Tooda ugu dhow baa odhan jirtay ku dar xerada agoomaha. Cadar se dhag jalaq uma ay siin jirin. Inta ay korisay, bay taagteed daryeeshay. “Hooyo” eray aan ahayn ma odhan jirin Sagal. Sagalna barigii hore oo dhan Cadar hooyadeed bay moodi jirtay. Kol ay garaadsatay bay se xaqiiqda oo dhan ogaatay.
Alle ha u naxariisto’e Cadar aw Ibraahin, aroor ayaa loogu soo toosay iyada oo mayd ah. Wadne xanuun aan badnayn oo habeenkii ku soo booday baa malgay oo lagu sababay. Aroortaas nolosha Sagal waxa ay dib ugu labaatay meel ku dhow aroortii ay kartoonka ka dhex ooyaysay. Dayr adag oo gabbood u ahaa baa ka dumay Sagal. Habrihii jaararku maalmo ka dib geeridii Cadar ayey ku guulaysteen in ay caydhsadaan Sagal oo ay ugu yeedhi jireen “Garacadda Cadar”.
4
Hooyo iyo aabbo mid na ma leh. Intii ehel kale ka farcamaysay ee eddo, habaryar, abti, adeer, ilmaadeer iyo ilmaabti lahaa na ma leh. Bulshada ay ku dhex nooshahay islaantii ugu naxariista badnayd xaggeeda, Ilaahii lahaa baa qaatay. Waa kaligeed iyo nolosha oo dhan. Si ay ugu badbaaddo nolosha, go’aan bay ku gaadhay in ay xoogsato. Lix jir karti badan oo kaligeed qof ah bay ahayd. Magaalada markii ay si walba u dhex qaadday, ugu dambayn islaan goblan ah baa loo geeyay si ay u caawiso.
Duqda oo Cosob la dhihi jiray indhaha si wacan wax ugama arki jirin. Waligeed nin ma aanay guursan. Carruur iyo buuq oo dhan waa ay necbayd. Kolkan se Cosob da’ baa ku sandullaysay in ay hesho cid u adeegta. Sagal oo aan iyana ehel ay ku abtirsato lahayn baa nasiibku isu keenay. Sagal meel ay salka dhigato oo duufaannada harqiyey ee kalinnimada kaga gabbato ayaa u darnayd. Waa tan aqalsoomaaliga Cosob soo degtay.
Balaayadu in ay aqalkaaga kuugu timaad, waxa ka daran baa la yidhi in aad aqalkeeda ku doonato. Sagal habar goblan ah oo laga subxaan Allaysto in guri la gashaa nasiibkeeda ayuu ahaa. Habaar joogta ah bay ku haysay. Cay aan kala go’ lahayn bay kol kasta ku cidhiidhyi jirtay qalbiga Sagal ee markiisa hore ba cidhiidhiga ahaa. Nolosha sidan u daran in ay kaligeed ku tahay iyo in lala qabo waa ay ka fikirtay. In ay kaligeeed holacan leeftay bay u badisay. Hablaha yaryar ee da’deeda ah sawta hooyooyinkood u xinneeyaan? Shaqo daaye, basas dhaadheer sawta lagu qaado aroortii ee duhurkii lagu soo celiyo? Laba iyo toban jir sidaada shaqaysata waligaa maxay baad u arki wayday? Cid dhiggaa ah oo hooyo iyo aabbo midna lahayn oo aan mageecada mid labaad ku dari Karin adiga mooyee, halkee bay joogtaa? Bay is waydiin jirtay Sagal.
Habarta goblanka ah baa se cid walba kaga darnayd. Saacad wal ba way hiifi jirtay, habaari jirtay oo hagardaamayn jirtay. “Qumayo” eray aan ahayn ugumay yeedhi jirin, kolka ay dirsanayso. Se, si wal oo ay u xuntahay, dan baa badday oo dabar ugu xidhay. Lix sanno oo sar go’an bay la joogtay oo wax walba u dul qaadatay.
Galabta aqalka ayey hor kambadhuudhaa. Sagal nolosheeda mustaqbalka kama fikirayso. Waqtiga ugu badan waxa ay ka fikirtaa Garacnimadeeda iyo eedda aanay lahayn ee lagu gumeeyo. Maanta isla qodobkaas ayey ka walaacsantahay. Labadii aabbo iyo hooyo u noqon lahaa halka ay jiraan ayey ka warwarsantahay. Sida aanay qalad kasta oo dhacay gacan ugu lahayn bay isu qancinaysaa. Kaligeed oo qudh ah ayey qancisay. In aanay iyadu dambi hal qofna ka gelin waa ay ogtahay. Dambi dad kale geysteen in nolosheeda loo kharribaa in ay gardarro tahay bay dareemaysaa. Waa se kaligeed oo qudh ah cidda intaas ka garaabaysaa.
Mar haddii aanay Sagal ogayn sidii ay Keyse iyo Ammuun nolosha ugu soo kordhiyeen, aanay garanayn masalooyinka nolosha ee horyaal qaacidooyin ay ku furfurto, waa in ay maalinba nolosha ay nooshahay oo kali ah ku koobnaataa. Barri iyo shalay midna wax kama galin. Kaligeed ayaa xil ka saaranyahay, cid kale wax kama galin.
“Naa kaalay qumayo yahay kildhiga ii biyee” bay si naxariis daran ugu yeedhay Cosob. Sagal inta ay kol kali ah fekerkii ka soo laabatay bay u geysay biyihii. Caweyskii bay aqalkoodii iska hulusheen iyada iyo Cosob ba. Gudaha hore Cosob cid aan ahayni jaan ma dhigto. Waa goblan nolosha oo dhan intaa yar ku leh. Sidaa daraaddeed Sagal waxa ay seexataa duddada kadinka xigta ee aqalka.
Saqbadhkii kolkii ay tahay, labadu ba khuurada isu jiibiyeen baa la is helay. Maya’e Sagal la helay. Ninka malaasan ee duddumada le’eg ee  aqalka soo galay muxuu doonayaa? Albaabka aqalka tashtigii ku tiirsanaa buu iska soo riixay. Halkee buu rabaa in uu tago? Ma wax la xado ayaa meesha yaal horta? Maya. Qunyar buu labada lugood isa soo daba dhigay.
Si taxaddar leh buu u dhex istaagay duddada aqalka. Hareeraha inta uu eegay buu faynuuskii yaraa ee geesta ka bidhaamayey afuufay. Wuu damay oo gurigii oo dhami na la damay. Mar kali ah inta uu maro jeebadka kala soo baxay buu afka kaga duubay Sagal oo halkeer kala daadsan. Inta uu luqunjibaadhay, buu diricii yaraa ee ay xidhnayd dib uga feyday. Qaylo ay cid u dirataa ma jirto. Afka marada qadhmuun ee kaga duuban baa naqaska ku dhejisay. Si wacan inta uu isu kala waaxay buu wixii uu u socday Sagal labadeeda lugood ka dhex doonay. Iska caabbin kasta oo ay isku dayday, waxa ciilay xooggiisa iyo taag darradeeda. Qaylo wal oo ay ku dhawaaqi lahaydna waxa aammusiiyey marada lagu afduubay.
Labada qof ee legdemaya gurxankooda ayey Cosob ku baraarugtay. Sagal oo carruurnimo la salelsan bay u malaysay. “Fanto dishay xilligaas bay habeen walba ii taahdaa” intay tidhi ayey mar kale dhagideedii muquuratay. Sagal se ma ay selelsanayn mana ay khuurinayn, dameer feedho wayn baa doonistiisa gumeysatay ku fushanayey.  Kolkii uu ka muraadsaday miskiinta aanu garanayn, buu dib uga kuday albaabkii uu ka soo galay. Sagal oo bartii kala daadsan, inannimadeedii caawa oo ay laba iyo toban jir tahay nin aanay garanayni galaaftay baa waa kale oo madowi u bilawday.
5
Dhibaatooyinka shakhsi kolka aad wehel haysato, culaysku waa uu khafiifaa. Kalinnimada, si ka soo horjeedda, mushkiladuhu waa ay ku labanlaabmaan qofka. Subaxii balaayadu heshay Sagal, cid aan nafteeda ahayn waxba uma ay sheegin. Haddii ay u sheegi lahayd, Cosob bay u sheegi lahayd. Cosob na in ay sii caydo oo sii habaarto mooyee wax kale kama suuroobaan. Sidaa daraaddeed dhib wal oo soo gaadhay nafteeda bay ku koobtay.
Lix bilood ka dib habeenkii madoobaa ee Sagal guriga Cosob lagu kufsaday baa la gaadhay. Bilo  kale oo nolosheeda culays badan iyo cadaadis kula soo biiray bay ahaayeen. Habeen kali ah in uur lagu yeesho, cashar ay dhibkaas ka baratay buu runtii ahaa. Keyse iyo Ammuuntii iska dhalay ba ma habeen ka badan bay is heleen? Maalin ba maalinta ka dambaysa caloosha soo kuusmaysay walaac iyo naxdin bay ku soo kordhinaysay Sagal.
Dunida sannadada kooban ee ay joogtay ciil iyo cuqdad wax aan ahayn ma ay arag. Dadku in aanu isku dad ahayn bay ku fekertay. Qiimeheeda dadnimo cidda liidday bay se garan la’dahay. Bulsho dhan maxaa looga waayey cid miskiintaadan yar u dabca, u diirnaxa oo ilbidhiqsi kaliya la dareenta xanuunka? Adiga oo noloshaada maarayn kari la’, qof kale oo sidaada summad la’ in aad soo kordhisaa ma suurogalbaa? Marna suuro gal ma aha ayey isku qancisay.
Aayo ka tashiga mustaqbal ee qofku sidiisa ba waxa uu ku xidhanyahay qofka laftiisa. Go’aan wal oo uu qofku qaato, sooyaalkiisa iyo xaaladda uu ku suganyahay labadu ba si bay lug ugu yeeshaan. Sagal in ay nafteeda u taliso, wali ba kaligeed u taliso ayaa hortaal. Intaa ka gadaal, ilmaha caloosheeda ka kuusan in ay u meel daydo ayaa iyana la gudboon. Habeenno dhowr ah soo jeed baa waagu ugu baryey si ay qaraar kama dambays ah u gaadho. Habeennadaas oo dhan hal go’aan oo kali ah baa u soo baxayey. Ma ay jeclayn, xalka se ay haysay baa kaas ahaa. Dhibaato intaas adiga kuugu filan. Kollay geeridu mar bay dhaantaa nolosha bay isku qancinaysay.
Cosob laba cisho ma ay arag inantii la joogtay. Meel ay jaan iyo cidhib dhigtay lama garanayo. Cidda kali ah ee tabtay waa Cosob. Si kale kuma ay tabin ee waysadii cid u biyeysa ayey wayday. Dan kale oo lagaa lahaa ma jirin Sagal.
Geedka dheer ee mirmirida ah qofka ka soo deldelan ee maydka ah baa dadkii ku waabariisteen. Shalmadda qofka luqunta ugu suryaysan baa ku guntanayd laanta ugu dhumucda wayn geedka. Jirkaanka huruudda ah ee hoosteeda yaallay waxa loo malaynayaa ay in iska hoosqaadday kolkii ay shalmadda qoorta ku hubsatay. Meydka ruuxa dumar ah ee uurka leh ee deldelan cid wali ba runtii waa ay ka naxday. Dadkii aagga oo dhan baa isugu yimid. Dumarro badan waa ay baroorteen. Kuwo kale go’yaal bay la soo yaaceen ay ku dedaan. Rag kale oo badan inta ay baabuur shidaal ku shubteen bay dawladda soo wargeliyeen. Aad iyo aad baa looga xumaaday geerida foosha xun ee Sagal iyo ilmeheeda ay caloosha ku sidday saaka.
Meydku se waxa uu u egaa in uu leeyahay “ Waxba ha ii ooyina. Shalay intaas in ka yar haddii aad i tari lahaydeen, maanta sidan foosha xun nolosha xun ugama aan baxeen”.

W/Q: Saddaam Xuseen Carab