Maxaa kala haysta!

0
1455
#Somaliland #Democratization #process: #Political #parties

Maxaa kala haysta!

Amal M.M.Kastam

“Bidhaantuna maaha ruux,
Waxaa isu soo bulladay,
Bugaanbugihii wakhtiga,
Badh ka maqan bay la’dahay,
Basaastuna waa qalbiga.”
*****************
“Maxaa dad ku soo lug go’ay,
Maxaa ku hungoobey duul!”
********************
“Allahayow badbaadada,
Iyo baydhka xilashada,
Ha ku xidhin nin beer adag,
Iyo bahalo aan nixin!”
Qoysku waa halka ay ka farcamaan ummadaha kala duwan ee jinsiyadaha iyo diirka kala gaddisan leh, kuna nool adduunyada guudkeeda ee ummadda Soomaliyeedna ka mid tahay, waxaana ka tafiirma jiilal badan oo badela kuwii hore, taasina waxay horseedda inay umad kastaaba sii jirto, balse waxa taas ku lammaan oo barbar socda in qoysas badan burbur ku yimaaddo ama ay kala tagaan hooyooyin iyo aabbayaal wada qaybsan jiray korinta iyo kobaca qoyskooda iyo ubadka Illahay ka dhex beerayey.
Haddaba arrimaha burburka qoysku waa aafo ballaadhan oo haysata bulshada kala duwan ee Soomaaliyeed ee maanta ku nool dunida dacaladeeda, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool waddammada reer Galbeedka ee qaaradda Yurub ka midka tahay, isla markaana furniinku waa xalaasha Alle ugu neceb yahay, haddana ay banaysay diinteenna suubban ee Islaamku, laakiin taa micnaheedu maaha in laynugu dhiiri galinayo ee waa xalka ugu danbeeya haddii mushkiladda qoysku degi waydo.
Kala tagga lammaanuhu maaha shay fudud oo ay ku degdegi karaan maskaxaha iyo caqliga fayow ama ay soo dhawaystaan hooyada iyo aabbaha wanaagsani ee wada dhistay qoyska.
Akhristayaal qalinkeenna maanta waxaynu ku eegaynaa ama diiradda ku saaraynaa mushkiladaha, duruufaha iyo dhibaatooyinka kala duwan ee laga dhaxlo iyo raad reebka furniinku ku reebo ubadka waalidkood kala tageen, isla markaana, murugo, iyo dhibaato noocee ah ayuu kaga tagaa ilmaha hooyadii iyo aabbihii is furaan.
Asma waa inan yar oo dhawr iyo toban jir ah oo kamid ah bulshada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Holland ee qaaradda Yurub (Europe), waqti hore oo ay Inan-yar ahayd waxa kala tagay oo is furay hooyadeed iyo aabbaheed wax ubad ah-na kaligeed ayay dhaleen isla markaana Asma waxa soo barbaarisay oo soo korisay, waayo kastana la soo dabaalatay hooyadeed Canab. Asma hooyadeed iyo aabbaheed waxay isku guursadeen dalka Netherland oo ay qaxoonti ahaan ku soo galeen, kadib muddo yar oo sanado ah Asma aabbahed iyo hooyadeed waxa soo wajahay gurigii ay wada dhisteen khilaaf ba’an oo halakeeyay, kadibna markii danbena dibada u baxay oo ay maqleen bulshadii ay ku dhex noolaayeen.
Canab oo ah hooyada dhashay Asma dhawr jeer oo ay ka duday Sayigeedii kadib la dhex gal, lana heshiisii, laguna soo celi gurigeedii, balse taasi may noqon mid waarta oo dhidibada u sii adkaysa gurigeeda. Inkastoo mushkiladaha iyo khilaafaadka ka dhex qarxa lammaanaha ku wada nool dalkan Holland iyo qaarada Yurub inta badan ay ka duwan tahay khilaafka ka dhex dhaca qoysaska ku wada nool dhulka Soomaalida, dhaqan ahaan waxyaabaha ay ku xaliyaan khilaafaadka odayga iyo islaantiisa soo food saara, isla markaana dhaqanka dalka Holand ka jira markay reerku is qabsadaan waxa guriga laga caydhiyaa aabbaha oo gabadhu waxay isku daydaa inay miciinsato garaacida number ka degdega ah ee police ka waddankan.
Waqtigu waa curashada sannadka cusub ee 2015-ka, waxa dhammaan la fasaxay Jaamacadaha iyo Iskuullada dalka Holland, qof kastaana wuxuu isu diyaarinayaa dabaal dega sannadka cusub, balse bulshadda muslimka ah ee Soomaalidu ka mid tahay ee ku nool dalkaas, iyagu maaha sannadkoodii, laakiin quraamaha kale ee gaalada weeye, way faraxsan yihiin. Mid walba wuxuu saaxiibkii iyo saaxiibadeed ku leeyahay sannad cusub, sannad cusub.
Asma markay weedhahaas is dhaafsanayaan dhalinyaradda ay isku Dugsiga ama fasalka yihiin, iyadu waa maqane jooge, kamana muuqato farxad oo mar walba xaalado murugo ah ayaa ka muuqda oogada dusha jidhkeeda qofkastana wuu dareemayaa in culays iyo dhibaatooyin haystaan,Balse waxaan go’aaansaday inaan ogaado, una kuur galo daruufaha haysta Inanta Asma madaama aanu ku wada nool nahay dalka Holland, waxaana is weydiinayey Su’aal ahayd, Waa maxay sababta Asma ay kali socodka u tahay ee sababay inay ka dhex baxdo hablaha ay isleeg yihiin ee Isku fasalka ama isku xaafaddaha yihiin ee Soomaalida ah.?
Hase yeeshee waqti kooban ayay igu qaadatay inaan Asma saaxiib dhaw ka dhigto, naxariis ayaan u muujiyey, Asmana qalbi furan ayay igu sooryaysay. Muddo kooban wadda soconay saaxiibo isku shubshubta oo isku dhuun daloola, waayahoodana iska waraysta noqonay, laakiin Asma waxa na dhexmartay sheeko ay ku ladhan tahay xaalad iyo duruufo naxdin leh oo haysta, waxaanay u dhacday sheekadda na dhex-martay sidan:- “Aniga Aabbahay nalama joogo, mana maqlo qof igu leh Aabbo. Hablaha iyo Wiilasha dhigta dugsigayaga Aabbahood ayaa Iskuulka keenna, marka aan maqlo isagoo ku leh Aabbo waxa iga soo daadata Ilmo aan garanayn sabahabaha ay iiga timi, waana murugoodaa.
Waxaan is waydiiyaa adiga Aabbahaa muxuu sida saaxiibadayda aanu iskuulka wada dhigano Aabboyaashood ugu yimaadan ama u soo qaadan muxuu adigana Iskuulka kugu soo qaadi waayey ama kugu iman waayay?. Aniga Hooyadday kaligay ayay I dhashay, waana waydiiyey waxa ku dhacay Aabbahay ee uu guriga u iman waayey, balse hooyaday markaan waydiiyo su’aalahaa la xidhiidha aabbahay way naxdaa, wayna iga aamustaa.
Waxaan ka naxaa marka dhalinyarada aanu is leegnahay igu yidhaahdaan meeyay Aabbahaa, waana kalmad igu abuurtay murugo iyo inaan naco nolosha mararka qaarna waxay igu kaliftaa Inaan iskuulka ka maqnaado, marna waxaan is idhaahdaa ma isaga baxdaa Dugsiga.”Erayadaas murugada xabaarsan iyo qaar kale oo badan waxay ka mid ahaayeen sheekaddii na dhexmartay Asma iyo aniga.
Inkastoo aan isku dayey inaan niyada u dhiso Asma, laakiin intii ay ii sheekaynaysay waxa wajigeeda iyo Indhaheeda ka muuqatay murugo iyo Ilmo isku soo taagtay indhaheeda oo dhabanadeeda qoysay, isla markaana waxay I weydiisay inaan ka caawiyo duruufaha iyo waayaha adag ee ku gadaaman, waxay I weydiisay weedh naxdin leh.” Sidee ayaan u helaa Aabbo iyo Hooyo farxada iyo nolosha adduunyada ila qaybsada oo aan maalinta qalin jabinta sannad dugsiyeedka xafladda ii soo raaca? Anigu hooyo kaliya ayaan leeyahay! Asma waxa cuqdad nafteeda ku beeray kala taga Hooyadeed iyo Aabbaheed, waxaana nolosheeda gubay oo xanuunka badan iyo holaca ku beeray ubadka kale ee aabbahood iyo hooyadood wadda joogaan Iskuulkana ugu yimaadda.
Halkaygii ayaan ka sii watay hawshaydii waxaanan utagay Asma hooyadeed oo la yidhaahdo Canab, iguna taqaanay inanteeda Asma inaanu saaxiibo nahay dhawr jeerna anaga oo wada socona gurigeeda ayaanu ugu nimi. Canab waxay kaligeed dhex fadhiday qolka fadhiga ee gurigeeda. Is bariidin iyo is xaal waraysi markii aan mudo ku dhex jirnay waxaan marwalba is waydiinayay halkaan iyada ka gali lahaa si aan wax uga waydiiyo xaalada Asma xanuunka daran ku abuuray iyo Asma aabbaheed wixii kala dhantaalay reerkeeda. Canab waa hooyo furfuran oo sheeko badan meeshuna waa qurbe oo waa la isku jecelyahay, laakin anigu waxaan markiiba u soo qadimay Su’aal ahayd. Canab horta Asma aabbaheed meeyay, muu dhintay.? Waxay iigu jawaabtay sidan: “Hooyo Amal igadaa arrintaas… Hooyo maxaa dhacay?”
Canab oo u muuqatay inay dhibsanayso, kana saartay xasuusta qalbigeeda waxay ku jawaabtay sidan:- “Hooyo ma dhiman, dhimashana ma dhaamo, laakin magaalada ayuu dhinac kaga jiraa, mana jecli inaan maqlo. “, Weedhaasi wuxuu ahaa hadalkii na dhex maray hooyo Canab oo aad uga naxday ugana murugootay sheekada aan ku soo hadal qaaday ee sannado hore ku dhacay nafteeda. Canab markiiba waxay gashay xasuuso iyo waaayo hore una holatay inay sii wado hadalka waxaanay tidhi,” Hooyo inan yar baad tahay, maantana waxaan kuu sheegayaa hadal iyo talo aniga i hoos martay markii aan ahaa inan shabad ah, sidaada oo kale aduunyadu ii cusbayd, markay Islaamaha waa weyn ee dariska ahayn ama Hooyaday saaxiibka ahaayeen talooyin ii soo jeediyaan ama waalidkayba waxba kama soo qaadi jirin ee waayahay ayaaan ku dhaafi jiray waqtiga ayaa Iiga dhigaayey dhalanteed.
Horta Ina rag waxa la yidhaahdo muuqaalka waa ka wada rag markay surwaalka iyo shaadhka gashan yihiin, laakiin waxa jira Nin aan shaadhkiisa iyo surwaalka uu gashan yahay waxba uga hoosayn, laakiin adigu Nin ayaad u haysataa Marka aad Inanta yar tahay ee raga aad la haasawayso ama la sheekaysanaysid Nin walba waxa uu isaga kaa dhigayaa qof xaruuriya oo wanaagsan, hadal macaan iyo naxariis badan, balse waxaan ku sheegayaa waxaas oo dhan waxba kama jiraan oo hal bacaad lagu lisay weeye.
Ninka iyo gabadhiisu waxay is baranayaan oo kaliya marka ay gogol kuwada seexdaan, laakiin waa inaad ka fiirsdataa inta aad ceel dheer, boholaha iyo silsilado isku xidhan oo meel laga baxaa ama laga noqdaa aanay jirin inta aad ku dhicin.
Had iyo jeer Inantu markay dhalinyaradda tahay ee ragga haasaawayaan waxa soo mara inay doorashadu iskaga khaldanto oo ay ku dhacdo kan raac…kan ka joog …haddana kan ayaa wacan…haddana kan kale ayaa malaa dhaama kuwii kale iyo waxyaabo kala duwan oo ay kala kulmayso raga sheeko wadaaga yihiin mid walbaabbana ruux wannaagsan oo in yar oo masuuliyad-daro ama ceeb ah lahayn ayuu iskaga kaa dhigayaa, laakiin waa inaad qiimayn ku samaysaa, iyadoo calafka iyo qadarka Alle meesha uu ka maqnayn, haddana xilliga aad Inanta tahay waxaad dhex taagan tahay laba gebi oo aad mid un ku dhacayso ama ha xumaado ama ha samaado.
Anigu Ninka aan u dhalay Asma waxaanu is guursanay aniga oo 19 jir ah, balse hooyo dhibaatooyinku way badnaayeen muddo yar ayuu buuqayagii iyo is qabsigayagii uu ku bilaabmay oo markii uu dami waayeyna waraaqdii ayuu isiiyey, markaa wuxuu ahaa danayste iyo ku meel gaadh, wayna badan yihiin raga aan garanayn milgaha Aabbaha, masuuliyadda ubadkiisa, xaqa ooridiisa wax iska dhal mooyee arrin kale ahayn. Waxaan hadh iyo habeen ka ilmeeyaa oo aan ka seexan karin su’aal aan ka jawaabi kari la’ahay maanta, mana ogayn markii hore, laakiin Inantayda Asma marka ay I waydiiso ee ay igu tidhaahdo Hooyo meeyay Aabbahay? Muxuu noogu iman waayey? Runtii waxaan wayaa jawaab aan ku qanciyo ilaa maanta, waana dhibaatada nakala haysata aniga iyo Inantayda Asma. Markaa waxaan leeyahay labada Waalid ee maanta isu leh ubadka ha ku degdegina furniinka haddii kale mar kale ayaad garan doontaan marka carruurtaadu Su’aal aad ka jawaabi kari waydo ku weydiiyaan, waxaana inta kuu hadhay kuu danbayn doona inaad ciil danbarsato fartana dhexda ka qaniinto. Waana taa hooyo aniga iyo Asma na kala haysata ee ka digtoonaw. Hooyo waxa la yidhi Ninkii Abeeso dilee ubadkeeda rabaystaa dib ayuu u qomameeyaa.”
Hadalkaasi iyo qaar kale oo ay ku duugnayd murugo iyo ciil ay Canab ka dhaxashay ninkii Alle calafka iskugu daray ayay ila wadaagtay waqtigii aan la joogay, xaalada nolosheeduna waa mid mugdi wayn ku jirta, mana garanayso hadallada ay ku qancin lahayd inanteeda Asma ee raadinaysa aabbaheed iyo hooyadeed oo uu kala tuuray waayaha adduun, isla markaana jidkaas Asma Hooyadeed iyo Aabbaheed raaceen wuxuu Asma u horseeday iftiinka nolosha qoyskooda oo madoobaaday, laanbadii ifaysay ee guriga oo bakhtiday, gudcur dam ahna uu ka dhigay is furkii Hooyodeed iyo Aabbaheed, isla markaana Asma ma garanayso meesha ay joogto waxaana ka soo burqanaya weedho naxdin leh.
Asma Waxay isku aragtaa qof noloshu wax micno ah u lahayn, waxa gabi ahaan tirtirmay hiigsiga mustaqbalkeeda iyo inay la tartanto ama la jaan qaado dhalinyarada hablaha kale ee ay isku lodka yihiin, mana jirto mustaqbal kale oo ay rajaynayso waxayna taasi ku beertay cuqdad waxaanay isku aragtaa mid ku guul daraysatay mustaqbalkeedii waayaha aduunka, taasoo ay iisheegtay inay aaminsan tahay in qoyskoodu kala dhiman yahay oo ay iyadana u tahay murugo iyo waayo ciil badan maalin iyo habeen-ba horyaala oo aanay jirin jid kale oo iftiimaaya.
Asma iyo hooyadeed waxa kala haysta dhibaato cakiran, balse Asma waxay doonaysaa mawduuca kala eryay aabbaheed iyo hooyadeed. Hooyadeedna waxa haysata dhibaato kale oo lid ku ah taas Asma oo ah siday inanteeda uga qancin lahayd su’aashaas. Bal eeg Maxaa Kala Haysta, laakiin qalinku wuxuu leeyahay Allaw is fahansii.
Geba-gebadii waxaan ku soo gunaanadayaa maqaalkayga Su’aalahan oo aan uga tegay Bulshada Soomaaliyeed daruufaha iyo caqabadaha hor-yaala ee ku xeeran.
1. Maxaa sababa burburka qoyska iyo khilaaafka?
2. Maxaa keenay maanta in furniinku ka fududaado ama ka bato kii hore ee ummadda Soomaalida?
3. Yaa u sabab ah inta badan burburka qoyska dumarka iyo raga Soomaalida?
4. Ma waxa khaldanaa qaabka lammaanaha Soomaaliyeed ee is qaba u bilaabeen nolosha?
5. Wakhtiga ninku yahay dhalinyarada, inantuna ay tahay gashaantida ee doonayaan inay guursadaan ama sheekadu u socoto qaab noocee ah ayay doonayaan inay u wada nooladaan?
6. Aqoon intee leeg ayay u leeyihiin guurka iyo faa’iidadiisa?
7. Sidee lammaanaha wada nool mid-ba midka kale uga farxin karaa ama u tusi-karaa dhan-dhanka guurku leeyahay?
8. Waa maxay shuruudadaha looga baahan yahay lammaanaha si ay uga badbaadaan khilaaf soo kala dhexgala labadooda?
9. Maxay ku kala duwan yihiin hasaawihii hore ee wiilashii iyo hablihii Soomaalida iyo innamada iyo hablaha sannadkan aynu ku jirno ee 2015-ka?

Amal Maxamed Maxamuud Kastan
Email: amalkastan@hotmail.com