Taajir Iyo Afartiisa Xaas

0
991
#Somaliland #Democratization #process: #Political #parties

Taajir Iyo Afartiisa Xaas

W/T: A.A.Ibrahim

Waxaa jiray nin taajir ah oo ilaahay maal badan siiyey , wuxuuna lahaa Afar xaas , wuxuu aad u jeclaa xaaskiisa afaraad, wuxuu u xidhi jiray dharka kiisa ugu qaalisan, wuxuuna ula dhaqmi jiray si qadarin ku dheehan tahay, wuuna daryeeli jiray, wax kasta oo wanaagsanna iyada ayuu ugu roonaan jiray.
Xaaskiisa sadexaad iyadana aad ayuu u jeclaa , sababtoo ah waxay ahayd qof ixtiraam badan, wuxuuna jeclaa in uu saaxiibadii hortooda kaga faano wanaageeda , waxay ahayd mid samir badan , wuxuuna u hayey ninka taajirka ahi kalsoooni badan , laakiin wuxuu aad uga cabsan jiray in ay ka tagto oo ay nin kale ka raacdo.
Xaaskiisa labaad iyadana wuu jeclaa , waxayna ahayd qof qadarin iyo ixtiraam u haysay Taajirka , kalsoonina wuu ku qabay, had iyo jeerna dhibaato haday ka hortimaado wuu la tashan jiray oo xageeda ayuu u carari jiray, wayna ka caawin jirtay had iyo jeer dhibaatooyinka la soo gudboonaada si uu uga gudbo.
Xaaskiisa ugu horaysay ee ugu hor guursaday iyada oo ahayd lammaantiisa ugu daacadsan , qayb libaaxna ka qaatay ilaalinta iyo kobcina hantidiisa , iyo shaqooyinkiisa , gurigana aad ugu daryeeli jirtay , sidaas oo ay tahay haddana taajirku muu jeclayn , iyaduse aad iyo aad ayey u jeclayd, hasa yeeshee muu dhaadi jirin, dhugmana uma yeelan jirin jacaylka xad dhaafka ah ee ay u hayso, oo ma uu danayn jirin.
Waxay xaaladdu sidaas ahaataba maalintii danbe ayaa ninkii Taajirka ahaa xanuunsaday , muddo kama soo wareegin xanuunkiisa markii uu ogaaday in aanu ka kicidoonin xanuunkan oo uu la god gali doono, oo uu ay soo dhawaatay geeridii xaqqa ahayd, nin weynina wedkii waa yaqaan.
Ninkii taajirka ahaa wuxuu dib u milicsaday noloshisii iyo barwaaqada uu ku jiray, maalka iyo haweenka ilaahay ku manaystay,wuxuu is weydiiyey laakiin hadaan dhinto saw kaligay noqon maayo, waxaa u soo baxday in kalinnimadaasi ay tahay mid xanuun badan.
Sidaasi daraadeed ayuu wuxuu go’aansaday in uu xaaskiisii afaraad ee uu ugu jeclaa codsi u gudbisto wuxuuna yidhi, waxaad ahayd qofta aan ugu jeclahay xaasaska aan qabo , waxaana kuu daryeelay si aanan kuwa kale ugu dadaalin, haddana waan dhimanayaa , ma i-raaci oo kalinnimada mayga gargaari.
Waxay ugu jawaabtay arrinkaas ma samayn karo , waana waxaan dhici karin in aan ku raaco oo qabriga kula galo , iyada ordaysa ayey qolkii ka baxday , ninkii Taajirka ahaa arrintaasi murugo ayey ku abuurtay , ugamana duwanayn mindi laga taagay wadnaha.
Ninkii Taajirka ahaa oo murugaysan ayaa xaaskisii sadexaad weydiiyey oo ku yidhi, aad ayaan kuu jeclaa waligayba oo intaynu wada joogtay kalgacal gooniya ayaan kuu qabay, haddana waxaan ahay nin geeri diyaar u ah oo sariirta saaran , ma i-raaci oo ma noqon mid xidhiidhkeenii sii xoojisa oo godka mayla gali, Maya ayey jawaab ugu soo horaysiisay , waxayna intaas u raacisay Nolosha dunidu way macaan tahay , nin kale ayaana guursanayaa markaad xijaabatid ee safar wanaagsan saaxiibow.
Ninkii Taajirka ahaa aad ayuu u cadhooday markii uu maqlay jawaabtii xaaskiisa , wuuna qaboobay , oo xubin wali meel ku qalashay, hadalkaasina in la gawracay ugama duwanayn.
Xaaskii Labaad ayuu u jeestay wuxuu ku yidhi waxaad ahayd xaaskaygii aan jeclaa oo markasta oo dhibaato ila soo gudboonaato aan xageeda u soo carari jiray lana tashan jiray , aadna waad ii caawin jirtay , garabna waad isiin jirtay, maanta waxaan kaaga baahanay in aad iskay dhinac taagtid , ma noqon mid i raacda oo kalinnimada iiga wehel yeesha adiga oo wanaageenii qadarinaya iyo sidii haboonayd ee aan uu xannaanayn jiray.
Waxay jawaab ugu soo horaysiisay , waan ka xumahay anigu maanta waxba kuuma qaban karo, codsigaagana ma fulin karo iga raali ahow, hasa yeeshee waxay u raacisay, mid kaliya ayaan kuu qaban karaa oo ah wax kaliya ee aan kuu awoodi karo, maydkaagana waan sii raacaya ,qabrigana waan kugu soo hubsanayaa oo waan ku soo aasayaa, Jawaabtaasina waxay ku sii riday niyad jab iyo quus.
Halkaas iyada oo xaal marayo ayaa waxa uu maqlay hadal ka soo yeedhay qof aanu arkayn. oo leh Aniga ayaa ku raacaya gacaliyahaygoow, aduunyadana anaa kaa raacaya ,aniga oo aanan danaynayn halka aad ku danbayn doontid Cadaab iyo Janno, waana kula joogi doonaa waligay.
Hareerihiisa ayuu eegay si uu u arko qofka la hadlaya, mise waa xaaskiisii koowaad oo caatada iyo diifta ka muuqta aad moodid goob gaajo ka dilaacday in ay ku noolayd , ninkii taajirka ahaa oo murugo ka muuqato isaga oo aad uga xun hadaladii ay xaasaskiisii kale ugu jawaabeen ayaa ku yidhi Xaaskiisii koowaad, waxay ahayd in aan hore kuu daryeelo oo aan kuu ilaaliyo markii aan awooda u lahaa.
Runtii dhamaanteen waxaynu qabnaa afar xaas.
Xaaska afaraad waa jidhkeena hilibka iyo lafaha oo si kasta oo aynu cuntada ugu wanaagsan, dharka ugu quruxda badan ugu hibayno, oo aynu aad u daryeelno marka naftu ka baxdo wax qiimo ah oo uu lee yahay ma jirto ciida iyo dirxi ayaa la kala taga.
Xaaska Sadexaad waa lacagta, guryaha iyo guud ahaan hantida , oo marka la dhinto halkeeda looga tago , waxaana qaata dad kale oo kala qaybsada, rag kale ayeyna la hooyataa.
Wehelkaaga labaadna waa , xaaskaaga, caruurtaada iyo saaxaabidaa, oo si kasta oo ay kuu jecel yihiin ama kuugu dhaw yihiin inta la noolyahay , markaad geeriyootidna waxa kaliya ee ugu wanaagsan ee ay kuu qaban karaan waa in ay qabriga kuu galbiyaan ciidana kugu soo rogaan, xabaasha markay kugu hubsadaana dib kaaga soo nqodaan.
Rafiiqeena koowaadna waa nafteena , iyo xidhiidhka aynu la leenahay ilaahay sidaynu u xoojin lahayn, had iyo jeerna waa halka laga gaabiyo , oo qofku inta uu ilaawo cibaadadii iyo xidhiidhkii ilaahay sidii uu u adkayn lahaa, ayaa aduunyo la daba cararaa , xidhiidhka ilaahay iyo cabsida ilaahay oo la xoojiyaa waa waxa kaliya ee qabriga kula galay ee ku raacaya, markaa hadaad ilaahay ka cabsan weydo cibaadana badin weydo camalkaaga oo caato ah oo aan miisaan lahayn ayaa kaa horeeya oo qabriga kula galeya.
Nabigeenuna (NNKH) waxa uu ku yidhi Xadiis عن أنس ـ رضي الله عنه ـ عن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال : ( يتبع الميت ثلاثة : أهله وماله وعمله ؛ فيرجع اثنان ، ويبقى واحد : يرجع أهله وماله ، ويبقى عمله ) متفق عليه
Waa fursadda uu qofkasta haysto inta aan la saarin sariirta ama aanu mawtal qafluhu haleelin in uu naftiisa dib ula xisaabtamo oo wixii khaldan saxo, waayo noloshu waa wax kooban.
Waxaa Turjumay A.A.Ibrahim