Abwaan Cabdi Gorod

0
912
#Somaliland #Democratization #process: #Political #parties

Abwaan Cabdi Gorod.

Cabdi Gorod wuxuu ku dhashay kuna barbaaray, inta u dhaxaysa Doollo iyo Qorraxey, dhulkaas ciidda loo yaqaanno.

Cabdi Gorod wuxuu noolaa hilaaddii amaba wakhtigii udhaxeeyay 1915-kii ilaa iyo 1996-dii.
Cabdi Gorod Allaha u naxariistee, wuxuu dhintay isagoo madaxa la galay 80-ka.
Wuxuu ahaa gabayaa aad loo qaddariyo, tolkii uu la joogay iyo kuwii deriskiisa ahaaba.

Abwaanku noloshiisu waxay ku xidhneyd dhaqashada geela iyo meesiyada kale ee nolosha reer guuraaga Soomaaliyeedi ku tiirsantahay.

Qoraal la,aanta iyo xilkas la,aanta uruurinta suugaanta, ayaa sababtay inay lumaan gabayadiisi qaaliga ahaa isagiyo ragii kale ee la heerka iyo wakhtigaba ahaa.

Abwaanka waxaa na soo gaadhay in uu qabay laba dumar ah, oo midna uu yaraantiisii ku guursaday midna waayo dambe guursaday, balse carruurtiisu intay dhannaayeen kuma dambaabi karno.

Abwaanku waxaa la sheegay in uu imbadan ina layaal (Inan la yaal) ku raagay, mid ka mid ah reerihii uu ka xila-qabay. Reerka xididka ah marka uu ninku la yaallana, aad buu naftiisa ugu xoog sheegtaa, wuxuuna muujiyaa ninku dabeecad uusan la hayn, ragga qaar baaba ceebooba oo dhawrsan waaya. Abwaanku se wuxuu ahaa nin aad sharaftiisa u ilaashada, inkasta oo uu ahaa nin caan ah oo gabyaa ah, dhawr jeer waxyaabo qullayn ah wuu la kulmay balse waayo aragnimo iyo gobannimo ayuu ku maslaxayay. Sida aan wada ognahayna, soomaalidu waxay ahayd dad wada gob ah oo iyaduna aad u tix-dhawrta ninka ina la yaalka ah.
Dhulka uu markaas ku noolaa ee Wardheer iyo nawaaxigeeda, waxaa magaalo safar u ahayd magaalada Berbera ee magaalo xeebeedka ah.

Waxaa la sheegay in magaaladaasi uu safar ku tagay, kaddibna uu arkay Mallay ceesh laga dhiganayo oo la cunayo. Markaas ayuu qaadan waayay oo mooday in haatan sidi looga soo dardarayay mulicii iyo abeesooyinkii cunitaankoodii la billaabay, yaab iyo waxay la noqotay wax ku cusub. Kolley, xifaalayn iyo maadna wuu ugu gabyay. Adigu nin wuxuu ahaa Allahaw naxariistee, aad u murti badnaa.

Hal-haysyo caan ah baa laga haystaa wali oo maanta la isticmaalo.

Sida:

—Nin adduunyo joogow maxaa aragti kuu laaban

Waxa murti iyo maahaah isku dhafan, oo waayo aragnimo ku suntan.
—Dariiqadaad maqlaysaanba waa dawlad gooniya’e

Wuxuu ina barayaa in dariiqooyinka iyo dawladdu in ay isku dhismo iyo qaab yihiin, xagga kala dambaynta iyo xagga is qaddarinta, qaddiyadda iyo wax wada dhawrashada.

—Dib maxay ka noqon waa adduun dooshay kii hore’e.

Waa murti ina tusaysa, is baddelka casriga.

—Qosli maayo jeeroon ka baxo quudha aadamiye

Waa wax ina tusaysa in aysan fiicnayn, quudhsiga ay dadku isku maquuninayaan.

—Gablan talo adduunyoy maxaa tu walba loo joogay.

Hadal waayeel oo murti ah.

—Soomaali maa loo warramo siiyahay magane.

Wuxuu sheegayaa soomaalida maalin ay joogtaba, in ay war mooge tahay, wuxuuna durraabanayaa in loo warramo.

XIGASHO: DHUGASHO