Raad Libaax

0
1067

Raad Libaax

Waayo hore ayaa waxa la yiri boqor ayaa fuulay dusha sare ee kuuddiisa, asagoo daawanaya magaalada ayuu wuxu arkay daar kale dusheeda haweeney saaran oo aan quruxdeeda dhaayo lagu arag, dhegna laga maqal. Adeegayaashiisii ayuu weydiiyey cidda ay tahay haweyneydaasi, waxay u sheegeen in ay u dhaxdo Feyruus oo ka mid ah shaqaalihiisa hoose. Boqorkii oo jacaylkeedu saaqay, jeel badanna u qaaday haweyneydaas ayaa hoos u degay iyo xafiiskiisii, wuxu u yeeray Feyruus oo faray in uu xaashi qaado oo geeyo magaalo hebla, warcelintana ka soo qaado. Waa hagaag boqorkaygow inta yiri ayuu ka soo dhaqaaqay oo aaday dhankii gurigiisa, xaashidii na wuxu geliyey barkinta hoosteeda, fiidkiina u diyaargaroobay jidaalkaas, iskana seexday habeenkaas.
Waagu markuu beryey ayuu sii nabaadiyey reerkiisii una ambabaxay in uu soo fuliyo arrintii uu boqorku faray, kamana warhayn waxa uu boqorku maleegayo. Boqorku markuu ogaaday ambabixii Feyruus ayuu si degdeg ah daartii Feyruus isa sii taagay, albaabkii buu si fudud u garaacay, gudaha ayaa waxa laga yiri:Waa qofma? ‘ Waa boqorkii abbaanka saygaaga’ boqorkii ayaa yiri. Albaabkii bey ka furtay, markuu soo galay oo fariistay ayey waxay tiri:
-Maanta waxa noo yimi boqorkayagii;
-Waa idin soo booqday;
-Ilaah baan ka magangalnay booqashadaan, khayr in uu ku jiro u maleynmaayo;
-Anigu abbaanka saygaaga ayaan ahay, in aad i garaneyso u maleynmaayo!
-Mudanow waa ogahay in aad boqorkayagii tahay ee hore ayaa waxa loo yiri:
Kan na jeclaaday waxad u sheegtaa horta dhagarqabauhu tol ma laha.
Haddii duqsi dalaq kaaga yiraahdo cunno macaan oo aad cuneysay, nafta oo jecel ayaad gacanta kala b00ddaa.
Libaaxyaduna ma cabbaan biyo haddii eydu ka hor raqaan.
Libaax baa hanbo dhurwaa cunay waa wax aan weligeed la maqal.
Anna waxnn ku iri: Boqorow waxad u timi weel uu eygaagu biyo ka raqay?!
Boqorkii oo yaxyax hadalkii naagtu ku riday ayaa kabihiisiina ka cararay oo gurigii degdeg uga baxay.
Feyruus markuu cabbaar sii socday ayuu xusuustay xaashidii uu qaadi lahaa in uu ku soo illaaway barkinta hoosteeda, gurigii ayuu yimi isla jeerkii uu boqorku ka tegay, markuu soo galay wuxu arkay kabihii boqorka u gaar ahaa oo guriga dhexyaal, madaxaa wareegay, wuxu gartay shaqada uu boqorku u diray in ay wax kale ku lammaan yihiin, shibtiisuu galay, cidna waxba uma sheegan, xaashidii buu qaatay oo socdaalkii sii watay, markuu soo noqday oo warcelintii u keenay boqorka ayuu abaalgud wuxu u siiyey boqol diinaar.
Lacagtii ayuu uga soo dukaameeyey marintidiisii oo hadiyado ay haweenku jecelyihiin ugu so0 gaday. Gurigii markuu ku soo noqday, nabaadin ka dib wuxu u sheegay in ay soo booqato reekeeda, waxay weydiisay ‘Oo maxaa dhacay’, wuxu yiri: Boqorka ayaa ina maamuusay oo lacag ina siiyey ee reerkaagna soo tusi. ‘Waa hagaag, si kalgacal leh’ ayey tiri oo isla markiiba guriga reerkeeda aadday. Reerihii aad bey ugu farxeen hadiyadihii tirada badnaa ee ay la timi.
Bil markey reerkeeda la joogtay oo ninkii laga waayey wax war ah, salaantu ba waa sed e, ayaa walaalkeed u yimi Feyruus, wuxu ku yiri : Laba mid soo gal:
1-Inaad noo sheegto sababta aad u dayrisay walaashay?
2-Inaan isu la tagno garsoorka boqorka.
Feyruus ayaa yiri: Haddii aad doontaan taga garsoorkaas, anigu waxay xaq igu lahayd waa siiyey.
Garsoorkii boqorka ayey tageen Feyruusna waa loo yeeray, maalintaas garsooraha waxa ag fadhiyey boqorka oo dhegeysanayey garta dooddeeda. Haweeneyda walaalkeed ayaa yiri:
-Garsooraha garsoorayaashow Allaha ku dhawree, waxan ninkaan ka kireysannay beer derbiyadeedu wada bedqabeen, ceel biyo macaanna uu ku dhexyaal, dhirtu toon wada tahay, hoobaantuna ka wada lulato, mirahoodii buu cunay, derbigeediina dumiyey, ceelkeedii na dhiiqeeyey.
Garsoorihii ayaa weydiiyey Feyruus: Maxaad ka leedahay eeddaas lagugu soo oogay?
-Waa run beertaan waa la igu soo wareejiyey, markii aan dib ugu wareejiyeyna sidii hore mid ka sarreysa ayey ahayd. Feyruus baa yiri.
-Sidii ay beertu ahayd sow laguugu ma soo celin? Garsoorihii baa weydiiyey haweyneyda walaalkeed.
-Haa, ee sababta uu soo celiyey ayaan ka rabnaa,
-Maxaad ka oran lahayd taas? Garsoorihii baa weydiiyey Feyruus.
-Wallaahi mudanow beerta uma celin nac dhankayga ah ee maalin aan beerta imi ayaa waxan ku arkay Raad Libaax, waxan ka baqay in uu dilo, markaas ayaan goostay in aan beertaas iyo ogogteeda la igu arag, anoo xushmeynaya libaaxaas!.
Boqorkii oo kursigiisa ku dangiigsanaa ayaa soo fariistay oo yiri:
-Feyruusow ku noqo beertaada adiga oo aan cidna ka cabsan, iskuna kalsoon oo wallaahi libaaxu waa galay beertaas, wax raad ahna uga ma tegin, noole beerta jooga oo uu taabtay, miraheeda iyo wax kale ba ma jirin, in yar buu joogay asagoo aan dhib geysanna waa ka soo baxay, wallaahi wax u dhigma ma arag beertaada iyo sida ay u xooggan yihiin derbiyadeedu oo u dhawrayaan dhirteeda!
Feyruus wuxu u soo noqday daartiisii, marintadiisiina waa soo ceshaday, garsoorihii iyo cid kalena ma garan dulucda sheekada meesha ka dhacday. Fayruus iyo xaaskiisu liibaan iyo sareedo ayey ku noolaayeen, boqrkuna waa u kordhiyey bilgoosadkiisii.

Tarjumaad: Sheeko Carbeed.

  • Maxamad Cabdullaahi Jaamac