Taariikh nolaleedkii Qamaan Bulxan

0
1255
#Somaliland #Democratization #process: #Political #parties

Taariikh nolaleedkii Qamaan Bulxan

Intaanan nolosha guud ee Qamaan Bulxan Yuusuf u gudagelin baan rabaa; inaan hordhac yar hormarsho.
Abwaankii la odhan jiray Raage Ugaas ayaa laga hayaa hadal uu ku kala sifeeyay saddex arrimood oo kala ah.
1. Gabyaa, waa nin wax tiriya, laakiin tirinta mooyee, aan garasho kale u dheerayn.
2. Aftahan ma gabyo, waa nin gabayga la tiriyay dhuuxi kara, gol-duleeladana sheegi kara.
3. Abwaan waa ninka saddexda arrimoodba isku darsaday: tirintii maansada, fahanka maansada iyo hal-adeyg hadalkiisu faafo maanta geedka la joogo.
Cali-Guhaad Cabdille Fiixiye, oo ka mid ah ragga laga tixgeliyo Gobolka Qorraxay, aadna u cimriyey, oon la kulmay dhowr jeer. Cali-Guhaad ayaa Cali Dhuux Aadan kula kulmay Ceelka Dannood 1940dii, halkaas ay ku sheekeysteen. Inkastoo Cali Guhaad sheekadii dhex martay Cali Dhuux uu wax badan iiga sheegay, haddana inta Qamaan quseysa ayaan ka soo tabiyay.
Cali Dhuux wuxuu yidhi, “Nin hadalka caadiga ah iyo gabaygu isagu mid yahay; Qamaan baan arkay, oo intuu geed soo istaago, gabay ku xaajooda; maantoo idil; waligiina gabay uu tiriyey aan dib u soo mareynin, maanso horleh oo cusub inuu sii curiyo mooyee.
Qamaan Bulxan Yuusuf wuxuu ahaa ninka noocaas ah, ee Saddexdaas arrimood ee Raage Ugaas horay u tilmaamay; isku wada darsaday. Ilaahay ayaa ku maneystay oo ku barakeeyay.

Qamaan beeshii uu ku dhex noolaa, nin ka dhex muuqda, ayuu ahaa: samaan iyo colaad, dhac iyo ergo, guur iyo geeriba.
Qamaan wuxuu dhashay 1857dii—Gugii Gobeysane la baxay. Sidaan dhawr nin oo qoyska ah ka dheegtay, kana qiyaas qaatay ragii ay wada gabyeen da’aadooda. Wuxuu ku dhashay tuulada la dhaho Tayin, oo ka mid ah Ceelasha Goglo Seereeya, Qoraxay; Qabridahare ayay 55 Km ka xigtaa Koonfur-bari. Qamaan hooyadii Waxaa la odhan Jiray Xaliimo Maxamed Xasan. Qamaan wuxuu la dhashay oo aad ugu weynaa Abwaan la odhan Jiray Weerar Bulxan, kaas oo dhintay hilaaddii dhowr gu’ ka hor kacdoonkii daraawiishta. Qoyska uu ka soo jeedo abwaanku, qoys aad u gabya, ayey ahaayeen oo Ilaah hoodo u siiyey. Inkastoo la odhan karo, dadkii wakhtigaa ku noolaa carriga galbeed, gabayaanimadu waxay ugu badneyd, sida maanta siyaasiyiinta ugu badan tahay Soomaalida!. Berigii ay socotay Silsiladii Halac-Dheere, Cali Keenadiid oo ahaa Suldaan u talin jiray beesha Majeerteen, ayaa laga hayaa erey ah:
“Dadka galbeedka dega geedka gabayguu daaqaa; cid kaloo la daaqdaana ma jirto”.

Qamaan xilligii uu hanaqaaday, wuxuu la kulmay kacdoomo kala duwan; wakhti kala-guur ah oo beelaha soomaaliyeed soo foodsaaray, gumeystihii madoobaa iyo kii reer yurub oo isu baheystay Soomaalida. Sidaas awgeed ayeynu maansooyinkiisa faraha badan, kala kulmi karraa, wakhtiyo kala duwan iyagoo ka hadlayo iyo kacdoomo kala duwan. Haddey tahay tii Sayidka ama tii Reer Yurub ama tii Ugaas Beeledyada qabaa’ilka ama tii Olol Diinle iwm. Wuxuuna dhintay, Allaha U Naxariistee, hilaaddii 1927dii, qiyaas ahaan, isagoo da’da 60’ka madaxa geliyay. Walow aysan tiro aad u badan u dheerayn—lixdan jirkaas.

Xigasho/Gole-waayeel