ABLA-ABLEYNTA AFKA(Classification

0
1089
#Somaliland #Democratization #process: #Political #parties

ABLA-ABLEYNTA AFKA(Classification)
Si aynu uga jawaabo bixino, isweydiimihii hore ee ku saabsanaa af-haaneedka Soomaaliga, bal aynu soo bandhigno abla-ableyntiisa afka, oo ah siyaabihiisa kala duwan ee jiri kara.
Afku wuxuu u kala baxayaa laba FOOC.
1. HADAL(Discourse): Waa afka lagu wada hadlo, ee aan taawo iyo tab adag toona loo cuskanin dhabadsigiisa. Wuxuu isaguba kala leeyahay, jaadad sida hoos ku xusan.
2. HAWRAARTAN(Propositional): Waa afka lagu sheegto wax mudnaan loo yeelayo, ee laga malko koraysiinayo hadalka yaalaaba la maqlo.
———————————————————————————————–
1.HADLANAHA:
1.1- Laqbe(Dialect): Waa dooqaab(Variety Of Language) ka jira degel walba oo beeli ku dhaqan tahay, taasoo ah kala gedisnaan xaga ereyada, oo laqbeyaashu ku kala gedisan yihiin. In kastoo haddana ay badan yihiin, ereyada ay ka siman yihiin laqbeyaashu, maxaayeelay af qudha ayay tirsan yihiin, taasuna waa mid ka muuqanaysa wadaaga ay ereyo wadaagayaan. Kala duwanaanshaha laqbeyaasha waxa la dareemaa, marka la is barbar dhigo, tusaale: – Xaad rabtaa? iyo Maxaad doonaysaa?, waa laba odhaahood oo isku macne ah, waxay se kala yihiin laba laqbe oo af-Soomaali ah, oo ka kala jira laba degel. Marar kale laqbeyaashu waxay ku kala gedisnaadaan xaga JAWAQA(The accent). Sida: -BADHEEDH iyo BAREER.

1.2- Meerane(Colloquial): Waa dooqaab hadaleed ee isagu aan degel keliya ku ekayn. Waxa uu ka dhex samaysmay is-dhex-galka bulshada iyo hadal wadaagooda. Waxa kale oo dooqaabkan lagu magacaabi karaa AF-MAALMEED. Waxa af-dhabtuhu uu adeegsadaa erey walba oo jira, laqbaha uu doono ha ka soo jeedee, si uu ugu haasaawo ama ugu sheekeeyo ama ugu hadlo. Looma kala fiirsado ereyadiisa meeranaha inay yihiin, kuwo qalaad, iyo inay yihiin kuwo sixin, waxa meeranaha laga eegaa uun in lagu kala warqaadan karo, ujeeddadaas ayuu u samaysmaa meeranuhu. Dooqaabada afka, waxa ugu balaadhan meeranaha, waa-na dooqaabka loogu adeegsiga badan yahay. Boqolkiiba sideetan (80%)- Meeranaha ayaa la adeegsadaa marka la is barbardhigo dooqaabyada afku leeyahay. MEERANAHA aan tusaalayaal ka bixiyo,sida uu uga duwan yahay, af-haaneedka aynu u gol-leenahay. Marka ay MEERANE tahay, waxa uu qof dhahaa “Usbuucii hore ayaan xafiiskiisa aaday” ,mid kale wuxuu dhahaa “Wiigii hore ayaan xafiiskiisa tagay”, mid kale wuxuu dhahaa “Sitimaankii hore ayaan xafiiskiisa aaday”, Halkan waxaad ku arkaysaa siyaabo dhacdogal ah, oo la adeegsaday seddex erey oo kala af ah,oo isku macne ah: USBUUC,WIIG,iyo SITIMAAN. Waa-na seddex erey oo af-Soomaaliga meeranihiisa ku jira.Balse marka af-haaneedka la tiigsanayo waxa la dhahayaa “TODOBAADKII hore ayaan xafiiskiisa aaday”. Haddaba MEERANUHU waxa uu ka yara habboonaan hooseeyaa AF-HAANEEDKA.

1.3- Guraab(Slang): Waa dooqaab aan baahsanayn oo ay wada yeeshaan xayn bulshada ka mid ahi, iyagoo ereyada , u jabaq-dhabanaya si sarbeebeed, ama si ka maldahan dadka intiisa kale. Waxa kale oo lagu magacaabaa AF-SUUQDI. Facii walba waxa oogma Af-guraabeed cusub, kaasoo intaas soo wada kacaantay isla garan karaan. Tusaalayaal haatan jira. Koox dhalinyaro ah oo isu sheegaya qofkii hebel inuu waashay -waxay dheheen “Hebel dhiishkaa(The Dish) dhaqaaqay.”,qaar kaloo qof isku buuqay ka hadlaya,waxay dheheen “Kii hebel ahaa baan arkoo dabaylaha qoraya.”: Waa siyaabahaas sarbeebta u badan guraabku, ee aanuu macne dhaadan karin qofka xayntaas isla taqaan ka baxsan.
1.4-Intiraab(Jargon): Waa dooqaab kale, oo ku dhisnaada tiraabgan(Terminology) ay isla yaqaanaan wadar ama rabac isku hawl ah, ama isku shaqo ah,kuwaasoo ereyadii shaqadooda afsi u gaara ka samaystay,oo kolay ka macne daahnaanaya bulshada guud. Waxa uu si ahaan la sansaan yahay guraabka,oo aynu soo xiganay dooqaabka uu yahay.

FOOCA LABAAD EE AFKA:
2.HAWRAARTAN(Propositional)

Waxa jira laba qaab oo QORNAANLUHU (THE LITERATURE) leeyahay,mid waa Soobaan midna waa Suugaan.

2.1- SOOBAAN (PROSAIC) –>

Soobaanta waxa loo qabatimay ku falanqaynta halrumeeddada iyo wararka kala saabsanaha duwan. Soobaantu waxay u soo daabaxidhan tahay qaab daysan oo wax loo qoro. Kolkaa waxa loo adeegsan karaa, ku qorista buugaagta, wargeysyada, biiralayaasha(Magazines), xogwaannada(Encyclopedias), warbaahinta kale, Filimada,Xaashiyaha, Fadaljeerka(History), Murtimeerka (Philosophy) , Qormonololeedka (Biography), iyo qaababka kale oo wargudashadu(Communication) leedahay.

Soobaantu waxay u kala sii baxaysaa ama ay leedahay HALKARO(features) kala duwan. Waa adeegsiga afka ee ku xulnaaday qoritaanka. Guud ahaan, afka Soobaantu -Waa afka HABBOON (The Formal Language): Waa afka RASMIGA AH(The Official Language): Waa afka HAANEEDKA AH(The Standard Language): Waa afka GOSHIYEED (The Academic Language). Aqoonta afku waxay ku iman kartaa, barasho dadban, oo uu qofku ka barto bulshadiisa, iyo barasho dugsiyeed ama goshiyeed(ACADEMIC STUDY). SOOBAAN: Waa tiraab, waa na ereybixin, daboolaysa hawraartanka afka ee aan isagu tixoodtanka ahayn. Tusaale:- Af-Soomaaliga wax lagu barto haatan, maaha af-maalmeed ku adeegsama bulshada hadalkeeda maalmeed. Waa af ka mudnaan sareeya, laqbeyaasha iyo meeranaha-ba, sidaas darteed qaab afeedkan waxa aan ku magacaabay SOOBAAN, waxaanuu hoos-imanayaa HAWRAARTAN-ka. Si ahaan, waa af-haaneedka aynu u gol-leenahay. Marka Soomaali kastaa uu haaneediyo afkiisa, ee uu ku soo qoraaltamo af ka mudnaan sareeya, ka uu laqbe ahaan u lahaa, ama meerane ahaan soo arkay, waxa sugnaanaya af-haaneed.
Intaba waxaad ka hubsan doontaa marka aad ka bogato halkarada soobaanta iyo sida uu u dirgado hawraartamuhu, ee uu dhamaan dooqaabyada ama afjaadadka jira uu uga soo midho-xulanayo si uu u sugo halkar ka mida, halkarada la dirgado ee afka Soobaaneed.

2.1.1- Xaanshi-qorista(Letter Writing): Waa halkarka ugu horeeya Soobaanta. Waxa la qoraa, xaanshiyo kala duwan, sida: -Xaanshi gacal isu dirayo, xaanshi codsiya. Waxa kale oo la qoraa xaanshiyo xafiiseed, oo loo adeegsado af ku tilmaaman RASMI.
2.1.2- Codbaan/Qudbad(Speech): Waa tiraabo loo jeediyo dad ama bulsho dhegaysi u joogta.Qofka Qudbadda ama Codbaanta aad u yaqaan waxa lagu magacaabaa CODKAR. Muddadii af-Soomaaligu qoraalgalay, ee 70-dii, waxa dalkii Soomaaliya, laga qaatay mabda’ii lagu magacaabi jiray HANTIWADAAGGA, kaasoo keenay in xarumo badan laga sameeyo degmooyinka magaala kasta, iyo degmooyinka dalkaba. Waxa aad loo bartay CODBAAN-ta Soomaaliga, oo aad u hirgashay. Dhan kale wacdiga dhaqanka marka aynu eegno, waxa maalin kasta oo Jimce ah, bulshada tukanaysa loo jeediyaa codbaan wacdiya, taasoo ku baxda afka Carabiga, balse lagu gudbadhigo af-Soomaali, markii la doono.
Codbaan = Speech [Codbaan-ta – Codbaanno]
Codbaani = Speech-Deliverer[e.g. Codbaaniga Masjidka]
Codbayn = Speech-delivering [e.g. Codbayntii Madaxweynaha/Madaxwadaha/Waaxhayaha(The Minister/Al-Waziir)]
2.1.3- Curis (Composition): Waa tiraabo la qoro, oo ujeeddo leh, ama dabuub leh, duluc leh, balse aan ku qasbanayn in loo sameeyo tibixqaar(QAAFIYAD), iyo qadan (METRE). Curisku wuu tirsamaa oo tidic tidic (line by line) ayaa loo eegaa oo loo qiimeeyaa. Ka dib waxa la eegaa tuducyadiisa(Its’ paragraphs)-oo la qiimeeyaa. Tuducyadu waa tidicyadii dhowr ama dhowr iyo toban iyo ka sii badan ah, ee isku ujeeddo biya-dhigaya. Kuwaasoo qoraalka lagu kala muujiyo, waxa lagu bilaabaa tuduc kasta habqoraal gooniya.
2.1.4-Curis-sare/Indeex (Essay):
Curiska sare, wuu ka tafa-dheer yahay, curis-horaadka aynu soo xusnay ee arday ama qof qoro. Waxa lagu dheehaa hilqad suugaaneed, oo ah garasho gaarra ama taawo gaarra oo lagu qurxinayo qoraalka.2.1.5- Deexasho (Rhetoric):Waxa aynu soo sheegnay CURIS-SARE, waa xog run ah, kama duwana curiska, balse wuu ka tafa-dheer yahay. Halkan haddaba, waxa aynu qeexaynaa, DEEXASHADA: Waa taawada ku jirta afka adeegsigiisa, siiba marka dadweyne loo waramayo ama wax loo qorayo, la rabo in lagu qanciyo, iyadoo la kaashanayo maangalyada(LOGIC). Deexluhu(The Rhetor) waa aftahan, oo waxa uu sitaa aftahamo uu ku tiraabi karo xogta uu maagan yahay sheegisteeda. Soomaalidu waxay dhahdaa qofka deexlaha ah “Wuu doob-dillaacsaday!”.
Tidicyadan ka mida, maansadan hoos ku qoran, waxa ay tusaale ka bixinaysaa, waxa deexashadu tahay – waa se, mid hab-suugaaneed u tiraaban.

Wayska dagagar jiifee
Deexashuu la soo kacay.

Wuxu yidhi “degmadayada
Dugsi keliya baa jira
Diric keliya baa dhiga
Dersi baanu baranaa
Dulliga iyo beentiyo
Doqonniimo faankiyo
Qoqobkiyo dirsoociyo
Ducadiyo yaboohdiyo
Inta laga diqoodiyo
Dawersigu ka kow yahay
Digashadu u mudan tahay
Marka qalin daraalaha
Dilla sheega la cuskado
Intixaanka loo dego
Ka dul dhiga jawaabtiyo
Doorkiyo wax-garadkaa
Inta daadataa u badan”

[Hadraawi:Dibadyaal]

2.1.6- Sheeko (Story): Sheekadu waxay ku timaadaa hal-abuur, siiba marka ay tahay, sheeko halaasiya(FICTION). Marka kale, ee qoraalku yahay HAL-RUMEED(FACTUAL), waxa uu qoraa’gu muujiyaa aftahamadiisa, taasoo ah, mid uu u soo laylamay. Waxqorriinka sheekadu, waxa ay ku lug lahaataa, hal-abuur. Waxa jira daabab deexasheed oo lagu dhigo sheekada, kuwaasoo la dhaho “Higillada Waxsheegga = Figures Of Speech” Ama AFMALDAHYO. Higillo-da Afku: Waa hadallo tibaaxo ah oo ku caan-noqday wada-hadalka dadka dhexdiisa, ka dibna sidaas ku ahaaday tibaaxo taalleysan oo sida higil u muuqdo oo kale hadalka kale uga dhex muuqda.Higillada uu sheeka-curiyuhu adeegsadaa way badan yihiin, waxa se aan ka soo xiganaynaa kuwa ugu yaalaaban. Ekeeye/Masasoor(Simile)-Shareere/Masasaar(Metaphor)-Sarbeeb(Idiom). Buunbuunin(Hyperbole)-Yamxeero(Sarcasm)-Qofyasho(Personification). Silansugan(Paradox). Quusin/Kajan(Irony).
2.1.7- Dood (Argument): Waxa uu dooduhu kolay, marka uu doodayo uu xushaa ereyba ereyga uu ka haboon yahay, ee uu doodiisa ku meelmarinayo. Dooddu waa ay gedo badan tahay, waxa jiri karta dood gareed, dood siyaasadeed, dood cilmiyeed, iwm. Waxa se aan halkarka kan u surmeeyay si loo aqoonsanaado inay tahay, waxyaabaha dhisa afka qofka.
2.1.8- Maqaal (Article):Wargeysyada iyo biiraaleyaasha(Magazines), labadaba waxa ku qoraalooba, maqaallo. Guud ahaanba, halkarada soobaanta, ayuu ku hantiyaa qoraa’gu heerarka is-xiga ee wax-qorista. Halkan waxa aan ku soo wada bandhigayaa, halkarada kale ee qoraa’gu hantiyo, marka uu yeesho tabaha iyo taawada wax qorista.
2.1.9- Warbixin (Report): Waxa ay ka mid tahay, halkarada qoraa’gu hantiyo. Waxa warbixin laga diyaariyaa arrin meel ka jirta, oo noqon karta saabsane(mawduuc )walba. Waa xog ka siin bulshada ama dadweynaha loo soo bandhigayo arrin jira.
2.1.10- Faallo (Comment):Waa nuxur faahfaahin
2.1.11- Intifaallo (Debate):Waa aragti hab loo dhiibto.Intifaallooyinku waxay sii faraara-badiyaan aragtiyada dadku kala qabaan, taasoo keenta aragtiyo lagu sii kala durki karo. Waxay liddi u tahay falanqaynta.
2.1.12- Warfaallo (News-Commentary):Faahfaahinta Warka
2.1.13- Baanise (Strong Argument):
2.1.14-Warbaan(Statement):Waa xog-sheeg sugan, ama warsheeg sugan. [STATE = Warbaan]-[STATED=Warbaanay/Warbaanid = Stating]
2.1.15-Aragtiin (Theorem): Waa xog warin lagu tusmaynayo nuxur kasmeed oo la hubiyay.
2.1.16-Falanqe (Discussion):Falanqayntu maaha sida INTIFAALLADA, waxa si rumaad loogu qaadaa-dhigaa arrin jiri kara, waxaanay u badan tahay, inay saabsanaha faraara-tirto oo ay isku soo duubto aragtiyada la kala qabo, gororin iyo gundhigna loo yeesho.
2.1.17-Faaqidaad (Critique):Waxay gashaa, waxqoraal kasta oo bulshada dhex yimaada-Soobaan iyo Suugaan ba. Waa qiimeyn, axadhitaan(assessment), lafagurid, saafitaan, kolka danbe lagu dhaliilayo ama ammaanayo hawsha.-Dhiif iyo Dhood ba laga sheegi karo.
2.1.18-Gorfayn (?)
2.1.19-Dihadhig(Thesis): Waa xog-qoraal uu qoruhu ku soo bandhigayo gumarradii kasmo-baadhistiisa. Waxa soo diyaariya arday jaamacadeed, oo ugu seemanaada inuu ku qalijebiyo. Waxa uu ku gaar yahay THESIS-ku waa xog aan ardaygaas leh hortiis sida uu u yaal, loo soo dhigin, taas awgeed ayaa uu ugu magacaaban yahay DIHADHIG(Wax La Soo Dihday).
2.1.20-Taabadhig(Dissertation):Waa xog-qoraal, uu soo diyaariyo arday ku doonaya inuu ku gaadho heerka ugu sareeya ee waxbarasho jaamacadeed laga gaadho.
2.1.21-Xogjeedis(Lecture): Waa xogo aqoomeed, xogo kasmeed oo la isu soo ururiyay ka dibna loo jeediyo bulsho arday ah,iyadoo si faahfaahsan loogu sii kala tiraabayo. Xogjeedshe=Lecturer.

2.2- SUUGAAN(Literary Style)Waa qeybta labaad, ee HAWRAARTAN-ka. Suugaantu waa qeyb soojireen ah, oo af-Soomaaliga ku soo jirtay, intii uu qoraalka yeeshay, iyo intii ka horaysay ee aanuu qornayn. Sida aynu soo sheegnay, waxa markii af-Soomaaligu qoraalka yeeshay la bah noqotay suugaanta, qeybta aynu ku tiraabnay SOOBAAN-ta. Suugaan waa magac lagu soo ogaa in la isku yidhaahdo MURTI-da iyo MAANSOOYIN-ka. Ereyga suugaan, waxa uu ka soo dhawaqrogmay SUGNAAN. Marka la sahan tago ayaa waxa meesha uu daaq wanaagsan ku sugan yahay, la dhihi jiray meeshaasu SUGNAAN bay leedahay, ka dibna ereygii waxa uu u dhawaq-rogtay “Meeshaasu suugaan bay leedahay!”
Qeybaha SUUGAANTA: Marka aan tiraabayo, waxa aan soo xiganayaa, tidic ama MEERIS(VERSE) ka mida gabayga Hadraawi ee Gudgude: [Shan god oo murtidu leedahay iyo gororka suugaanta!]-
2.21- MURTI(Wise-Sayings): Waxa weeye tiraabo tibixqaaran, ama tibixqaarnayn oo la soo xigto. Murtidu waxay ka soo dhex ifbaxdaa qeybta kale ee suugaanta maansooyinka, marar kalana iskood ayaa tiraabaha murtida loo soo dihdaa.Waa tiraabo dhaxalgal ah, oo la soo xig-xigto kolba.
2.21.1-Maahmaah(Proverb):Waxaa xeer ah, in tiraabaha maahmaah magacaabani ay ahaadaan, kuwo af-Soomaali sixin ah(Pure Somali Words):Maxaayeelay, maahmaahdu waxay tahay tiraab xog-rumeed xusaysa.Tusaale:-Togba taagtii buu rogmadaa! Waa tiraab murtiyeed, oo si kasmeed na loo sudi karo,loo hubsan karo, runnimadeeda. Sixinnimada tiraabtu waxay sudaa, hubsiimo ka dhigtaa runnimadeeda. Waxa laga yaabaa, inaan sixinnimada ereygu qodob dhaable sii ahayn, waa suurtagal waxa se ,qodob dhaable ah, in la helo tiraab murtiyeed, oo xogteedu run tahay lana sudi karo. Astaanta kale ee maahmaahi leedahay waxay tahay TIBIXQAARNAANTA(Alliteration), oo qurxisa ama hilqad (Orniment/Literary Device) u ah, tiraabnaanteeda. Sidaas darteed waxa aan maahmaah ahayn “Wadar iyo waaxid yamaa waalan?!” oo waxa ku deelqaaf ah ereyga WAAXID, oo aan af-Soomaali ahayn. Waa ay badan yihiin tiraabaha maahmaah-la-moodka ahi(Pseudo-Proverbs). Waxa la soo badkeeni karaa TIRAAB meexaan leh(AESTHETIC)-Balse murtinimada tiraabtu waxa ay ku xidhan tahay, dhadhansiga, macneysiga iyo xog-dhaadhiga tiraabtaas. Meexaanku waa waxa quruxda u yeela tiraabta la odhaahsado, balse hubso maaha waxa murtida u yeela!. Astaanta kale ee maahmaahi leedahay, waa dheehgalnimada, oo ah tiraab, micnaheedii ay ku soo baxday ka sokow,loo soo xig-xigan karo goobo kale, oo ay u sarbeebnayd ama u laaban tahay.Sidaas darteed, ayaa ay sixinnimadu u tahay qodob ka mida qodobada lagu kala-miirto, murtinimada iyo sugnaanta tiraabta.
2.21.2-Halhays(Adage):
2.21.3-Halqabsi(Parable):
2.21.4-Halkudheg(Slogan):Halkudheg, badanka waxa yeesha ururo, kooxo ama rabac. Waxa tusaale halkudhegeed ahaan kara “Midnimo Iyo Horumar”, “Guul Ama Geeri!”. Si kale, waxa iyaguna halkudheg yeesha maansooyinka, sida heesta ama maanso kalaba. Maansada caanka ah, ee Hadraawi, ee Sirta Nolosha, waxa halkudheg u ah, “Heedhe Sahraay Heedhe!”. Heesuhuna tiraabta ama odhaahda , dhegqabadka leh, ee ku jirta heesta ayaa halkudheg u ahaata.
2.21.5-Halxidhaale(Puzzle):

2.22-MAANSO(Lyric): Waa hal-abuurka shuban ee suugaanta, waa tiraabo u soo yeedhma tidic tidic ama waa MEERISYO(VERSES) oo ah magaca ku habboon ee loo yaqaano tidic-maanseedka. [Maanso waa meerisyo ka siman QAAFIYADDA iyo QADANKA]. Tidicyadaasu na leeyihiin qadan, ah isu-dheelitirnaanta dhawaabeed(The Syllable). Waxa kale oo tidicyadaasu ka siman yihiin tibixqaar(Alliteration/Qaafiyad), ah tibix laga wada helayo tidic kasta, marka laga reebo maansada BURAANBUR-ka oo iyadu leh mararka qaarkood tidicyo tibixqaarkoodu jaban yahay, waxa se tidicyada Buraanburku ay mar walba leeyihiin qadan aan jabnayn. TUDUC waa wadartii meerisyo ah ee isku ujeeddo biya-dhigaya. Heesaha waxa qaarkood ay dawliilan yihiin tuduc-tuduc- iyo meerisyo hooris u ah, qaarna waa heeso isu furan oo aan tuducaysnayn.
Waxaynu soo tiraabnay: MEERISYO~TUDUCYO sidaas ku ahaada MAANSO.
Maanso hidinteedu waxay raban tahay:
DABUUB[Theme]:Laga maansoodo.
DULUC[Contents]:Waxyaabo ay ka koobnaato.
DAWLIIL[Structure]:Ay u dhisnaato.

2.22.1-Gabay(Poem):

Dabuubtiisa Gabay Waanigii Daayay Calow’e
Dahriga Iyo Beerkaan Ka Jaray Dihashadiisiiye
Waana Dhowr Diraacood Intaan Daaha U Rogaye
Hadba Anoo Ka Durkaa Wax I Danqaabaane!
[Hal TUDUC Oo Ku Jeedafan DABUUB-ta Gabay/Waa 5 MEERIS: Waxa Tiriyay DHEEG]

2.22.2-Guurrow(Constituted Lyric):
2.22.3-Geeraar(Lament):
2.22.4-Buraanbur(Women’s Poetry):
2.22.5-Hees(Song):
2.22.6-Heello(?):
2.22.7-Halaanhal(?):
2.22.8-Shalaad(?):

W/Q: Saciid Cabdillahi Cabdi