Murti iyo Mahadhooyin
(WQ: Amb. Cumar Xaaji Maxamuud “Cumar-Dheere”)
HORDHAC
Ilaahay wuxu innagu mannaystay hidde iyo dhaqan ku salaysan diinteena Islaamka. Waxa dadka Soomaalida ah lagu yiqiin dad suugaantooda iyo dhaqankooda ku haya odhaah uu jiilba jiil ka dhaxlo. Qarnigan u dambeeyey wixii ka horreeyey sabool baa laga ahaa waxbarashada. Mar haddii aan qoraal jirin aqoon la’aan awgeed waxa sugnayd in dadku dusha ka qabtaan sheekooyinka, murtida, mahadhooyinka, maahmaahaha, gabayada, heesaha, ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka iyo sooyaalka taariikheedba. Dedaalkaas loo aayay muddooyinkan dambe meesha wuu ka baxay ama aad buu u yaraaday.
Maskaxdii fayoobayd ee sida la yaabka leh wax walba dusha uga qaban jirtay, waxay raad gadantay waqtiyadii dambe ee magaalo-galku bilaabmay. Waxa taa muujinaya maahmaahda odhanaysa “Rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi.” Waxa kale oo xusid mudan dhibaatooyin fara badan oo laga soo bilaabo gumaysigii dadku soo maray. Dagaalo is-daba-joogga, kuwo dawladeed, kuwo sokeeye, burbur laga dhaxlay maamul-xumo oo dhiciseeyey horumarkii bulshada (dhan ijtimaaci, dhaqaale, aqooneed iyo siyaasadeedba) iyo tacabbir dibadeed oo aan wax lagu qiyaasi karaa jirin ayaa loo aanayn karaa aayo-xumada iyo aqoon-darrada u dambaysay hiddihii iyo dhaqankii ummadda.
Waxaan la qarin karayn ayaan-darrada iyo tamar-darrada ka muuqata aqoonyahankii wax bartay ee isku taxalujin lahaa inuu qoro si aanay u lumin wixii aan ku faani lahayn ama dhaxalka u noqon lahaa jiilalka dambe. In kasta oo muddooyinkan dambe horumar sidii hore dhaama laga muujiyey wax-qorista haddana waxaan muran ku jirin in ay shisheeye aan u dhalan afkeena oo dedaalkooda iyo cilmi-baadhistoodu ay ula gashay innagaga firfircoon yihiin ururinta iyo daabacaadda wixii aan lahayn, taas oo mustaqbalka keeni karta in ardayga Soomaaliyeed uu afkiisa iyo dhaqankiisa ka barto macallin ajaanbib ah. Waxaan u malaynayaa in ay meelaha qaar haddaba ka dhacday.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Caano daatay dabadood la qabay.” Waxa la joogaa wakhtigii aynu u gurman lahayn dhaqankeena iyo sooyaalkeena si wixii aynu hore u ahaan jirnay aanay meesha uga bixin.
Waxan isku dayey in aan intii karaankayga ah ka qayb-qaato kaydinta iyo badbaadinta dhaqankeena iyo hiddaheena qaaliga ah. Buuggan waxan ku soo bandhigayaa qaybo ka mid ah sheekooyinka iyo murtiyaha caan-baxay ee Soomaalida iyo sidii ay ku yimaadeen iyadoo ujeeddada kali ah ee aan ka leeyahay ay tahay in jiilka cusub ku baraarugsanaadaan dhaqankooda, murtidooda iyo sooyaalkooda.
Waxa laga yaabaa in deegaannada kala duwan siyaabo kala duwan looga maqlay sheekooyinkan maadaama wakhtigii ay dhacdooyinkani dhaceen muddo dheeri ka soo wareegtay sugitaankooduna adag yahay. Waan ka cudur-daaranayaa haddii sidii aad u maqashay ay wax iska beddelaan waanan soo dhaweynayaa cid alla ciddii ku soo kordhinaysa toosin ama sixid.
Waxan hordhaca ku gunaanadayaa murtidan Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan-Ganey) oo si la yaab leh u asteeyey qiimaha iyo qaayaha hiddaha iyo dhaqanku u leeyahay ummad kasta. Abwaan Xasan Ganey wuxu hormood u yahay curinta suugaanta hiddaha iyo dhaqanka. Isaga oo marna tusmaynaya marna innagu guubaabinaya wuxu yidhi:
Dhabba waliba ceelkeed
Ummad waliba dhaqankeed
Dhalashana tixraaceed
Dhegtu sheeko doontaye
Dhar maxaan lahaan jiray
Maxaan xoolo dhaqan jiray
Maalintay dhannaantahay
Dhulka yaa u halgami jiray
Geesiga u dhiidhiyey
Yaa dhiigga kicin jiray
Dhinte yaa xogtiisa og
Taariikhda yaa dhiga
Dhidibkeedu waa kuma
Dhug u yeesha maansada
Hiddihiina dhaabane
Murtidiina dhuuxa ah
Suugaanta dhumucda leh
Hibadiina dhaladka ah
Dhaxalkiina weeyee
Dhawrta idinkaa lee
1 CUTUBKA KOOWAAD: MURTI WAAYEEL
1.1 DUCADA IYO ALLE-BARIGA
Wax kasta oo la bilaabayo oo bisinka lagu bilaabo belaayo uma timaaddo. Wuxuu Ilaaheenna macbuudka ahi (SWT) inna faray in aan barino oo aan weydiisanno wax kasta oo saamaynaya ifkeena iyo aakhiradeenaba. Waxay diinteena wanaagsanina inna faraysaa oo Rasuulkeenii udgoonaa (NNKHA) inna soo gaadhsiiyey qiimaha ay ducada iyo Allabariguba xagga Rabbi (SWT) ka joogaan iyo waxtarka aan qiyaasta lahayn ee ay noolaha aadamiga u leeyihiin, si loogaga daydo Nabigeenii Maxamad (NNKHA) ayaa ummadda Islaamku ugu ducaystaan afka Carabiga ee Ilaahay innoogu soo dejiyey Quraanka kariimka ah.
Iyadoo sidaa ay tahay ayaan ogsoonnahay in af kasta oo dunidan aadamuhu kaga hadlaa uu ku yimid iraadada Ilaahay oo qoomiyad walba uu ugu talo galay wax ay isku af gartaan. Sidaa awgeed ayay culimada waaweyni isku raaceen in cid waliba afkeeda hooyo ay ku allabaryi karaan mar haddaanu qofna baryadiisa af kale kaga dhargi karayn. Dhaqanka Soomaaliguna sidiisaba waa mid salka ku haya diinteena, waana mid ducadu ay udub-dhexaad u tahay. Sidaa daraadeed ayaan qormadan kitaabka bilawgiisa ugu talo galay in aan si kooban waxa ugaga taataabto qiimaha ay ducadu u lahayd bulshadeena iyo sidii loogu alla-baryi jiray afkeena hooyo anigoo tusaaleyaal kooban oo Soomaaliyeedna soo qaadan doona.
“Hadalna la kala odhan og, Allena la kala baryi og”
Tusaalaha koowaad waxaynu u soo qaadan karnaa sheekhii caanka ahaa Sheekh Aadan Raamaale, Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee. Waxa la sheegay in uu maalin maalmaha ka mid ah ku yidhi nin ka tirsan culimadii xertiisa ka tirsanayd ee casharka ka raacan jirtay hebelow innoo ducee. Wadaadkii sida innoo caadada ah wuxuu ku bilaabay in uu ku duceeyo af Carabi. Markii uu bilaabay ayuu Sheekh Aadan hakiyey, waxaanu ku yidhi adigoo raali ah afkeena hooyo innoogu ducee, si kuwa aammiin leh oo dhammi ay u fahmaan ducada aad ku ducaynayso.
Carabigu waa afka ay diinteenu ku soo degtay, in lagu ducaysto khayr mooyaane wax cillad ahi kuma jirto. Sidoo kale, wax dhibaato ahi kuma jirto in cid kastaaba afkeeda ay Ilaahay ku barido. Ogsoonowna labada eray ee “duco iyo alla-bari” wax faraq ah oo macnahooda u dhexeeyaa ma jiro. Midina waa Carabi ta kalena waa Soomaali. Sidoo kale ogsoonow sheekh Carab ah iyo Sheekh Soomaali ah wacdiga diiniga ah ee ay kuu soo gudbiyaan in uu isku mid yahay, waxa kaliya ee ay ku kala qiimo badnaan karaana ay tahay saxsanaanta iyo fahanka. Haddii aanad af-Carabiga fahmi karayn wacdi af-Carabi ku baxayaa qiimo kuuma laha. Waxa qiimo kuu leh wacdi ku baxaya af aad fahmayso.
Tusaalihii Sheekh Aadan baynu wali ku jirnaaye, maalin baa nin aroos ahi sheekha ugu tagay maqaamkiisii si culimada halkaa Qur’aanka ku akhrisanaysaa ay ugu duceeyaan. Ninkii wuxu niyadda ku hayey in uu Sheekhu duco dheer oo af-Carabi ah akhrin doono hase ahaatee sheekhii wuxu yidhi “Ilaahow nabad gelyo ayaan ku weydiisanay”. Ninkii ayaa tegey isagoo aan niyad wanaagsanayn oo saluugsan ducada. Wuxuuna hoosta iska yidhi “Muxuu Sheekhu si fiican kuugu ducayn waayey oo uu kuugu ducayn waayey xoolo, ubad iwm – ilayn waxad tahay caruus cusub’e.”
Waxa la yidhi markii uu magaalada gaadhay ayuu ninkii damcay in uu dukaan wax ka iibsado. Kadibna askar halkii uu wax ka iibsanayey ag maraysey ayaa amarka Ilaahay ku soo baydhay oo dhab siisay kadibna xabsiga u taxaabtay. Markuu maalin labaadii marayo oo cidina juuq u odhan weyday, ayaa sidii loo baadi goobayey la ogaaday in ninkii arooska ahaa xidhan yahay. Dadkii doonayey in ay xadhiggiisa furdaamiyaana way u suurtogali wayday in loo sii daayo. Askartii xidhayna wax tafaasiil ah oo ku saabsan sababta ay u xidheen ama cidda uu u xidhan yahay way bixin waayeen.
Ninkii maxbuuska ahaa wuxu codsaday in Sheekh Aadan loogu tago lagana codsado in uu ka hawlgalo sidii xabsiga looga sii dayn lahaa. Markii Sheekhii warkii la gaadhsiiyey ayuu markiiba soo dhaqaaqay oo sarkaalkii xerada haystay kala hadlay in ninkaa loo sii daayo. Markii uu soo baxay ayuu ninkii Sheekhii ku yidhi “maalintii dhawayd ducadii aad ii ducaysay waan yara saluugsanaa laakiin xadhigani wuxu i dareensiiyey qiimaha ay nabaddu leedahay.” Sheekhii wuxu yidhi anigu inta badan af-Soomaali baan ku duceeyaa. Sababtuna waxa weeyi in ay dadku fahmaan ducada aan ducaynayo. Nabadduna asalkeedaba waa shay qiimo badan oo ku qotonta xadiiskii Nabigeenii Maxamad (NNKA) uu ummaddiisa uga tegey ee ahaa “Allaahuma bil ammni wal iimaan.” Waxaad halkaa ka garan kartaa in iimaankii laga horraysiiyey nabad-gelyada, oo aan aadamuhu xataa si wanaagsan u cibaadaysan karayn oo aanu iimaankiisu dhammaystirmi karayn haddii aan nabad-gelyo jirin.
Nin Sheekh Yuusuf Ibraahim la odhan jiray, Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo’e, oo waqtigiisii ka mid ahaa culimadii diinta tiirarkeeda ka mid ahayd, , wuxu yidhi ducadu waa saddex:
La hubo oo la hayo
La haybsho oo la helo
La helo oo la waayo.
Sheekh Yuusuf saddexdan wuxu uga jeeday uun in ay noqoto qaab aynu ku xasuusano ducada qiimaheeda iyo cidda laga ducaysto. Wuxuu yidhi:
La hubo oo la hayo: Waa ducada waalidku ilmihiisa ugu duceeyo. Waalidka hooyada iyo aabuhu ha ugu horeeyaane ducadoodu waa duco la aqbalo, waxaana hela ninkii uu Ilaahay waafajiyo ee ka ducaystaa waalidiintiisa. Wuxuu Ilaahay Qura’anka kariimka ah innoogu sheegay in aan ku khasbannahay fulinta wax kasta oo waalidkeen innagu amraan, marka qudha ee waalidka amarkooda aad diidi kartaana ay tahay haddii ay kugu amraan in aad diinta Islaamka ka baxdo.
La haybsho oo la helo: Waa ducada aad kala hadho dadka ehelka kuu ah iyo xigtada inta kuugu soo dhaw. Waxa kale oo la mid ah buu yidhi socotada ka soo fogaatay dad iyo dal waxay garanayeen, masaakiinta oo aad sidoo kale dhergiso iyo cid baahan oo aad iyagana sidaa ka yeesho. Markaa ducadaa waad haybisay oo waad doondoontay in aad hesho, waana ducooyinka Ilaahay addoomihiisa sida fudud uga aqbalo ugana ajiibo.
Sheekh Yuusuf waxa la sheegay in uu ahaa nin martida aad ugu roon. Cad iyo caano wixii uu hayo kalama uu hagran jirin. Marka ay martidu dheregtana wuxu ku odhan jiray:
“Deegaankiinii waad ka soo fogaateen, geeddi dheerna waad soo gasheen, socotadana ducadeedu waa maqbuula ee in Ilaahay muraadkayga sariican ka dhigo iigu duceeya.”
Taasoo kale weeye ducooyinka la haybshay ee la raadceeyey waana kuwa laga helo xagga Rabbi.
Tusaale kale haddaynu soo qaadano, nin la odhan jiray Kulmiye-Sanjab ayaa beri beeshiisu shir ballaadhan isugu timid. Maalintii ugu horaysay shirweynihii ayay saddex nin oo walaalo ahaa oo la kala odhan jiray Obsiiye Rooble, Alla-Magan Rooble iyo Maxamad Rooble ay shirkii iska daba baaneen oo ay gabbalkii ugu rideen iyadoon cid kale hadal ku qordin siday maalintu u dhammayd. Gabbal-dhicii intaan la kala carraabin ayuu Kulmiye-Sanjab golihii u sheegay in aan ciddina meel kale tegin oo uu isagu martigelinayo dhammaantood. Halkii markii uu raggii xoolo ugu qalay ee hilibkii laga wada dhergay, ayuu Kulmiye golihii ka kacay wuxuuna yidhi raggeenii maanta talada isugu yimid wuxuu gabbalkii ugu dhacay baanihii saddex nin oo tolkeen ah, saddexdaa nin waxaan leeyahay:
“Nin wuu caqli baanayey, ninna wuu amar baanayey, ninna wuu cuqubo baanayey”.
Haddaba anigu waxaan caawa tolkayoow idiinka fadhiyaa idiin baani maayee in aad ii ducaysaan. Waxaanad iigu ducaysaan “Axashaa ma xumaato.” Tolkii halkii bay ugu duceeyeen Kulmiye-Sanjab, raadkii ay reebtayna waa la arkay. Kulmiye ujeeddadiisu waxay ahayd in uu intii madasha ka soo qayb-gashay dareensiiyo shir la isugu yimid oo aan dikriga Ilaahay iyo duco lagu soo qaadin in aanu qiimo lahayn.
La helo oo la waayo: Waa ducada qofku ducaysto amma aad tidhaa hebelow inno ducee, “Taa waana la helaa waana la waayaa.” Waxaana muhiim ah in qof kasta oo ducaysanayaa uu yaqaano shuruudaha uu Ilaahay ducada ku aqbalo iyo kuwa uu ku diido.
Haddii aan halkaa ku dhaafo tilmaantii aan ka bixinayey sida uu dhaqanka Soomaaliga ah ee soo jireenka ahi u qiimayn jiray ducada ilaa haddana u qiimeeyo, waxaan u gudbayaa tusaale ka mid ah siyaabaha ay Soomaalidu u ducaysan jirtay…
Balaayada cudur leh
Ee col leh
Ee caydh leh
Ee cadaabka aakhiro leh
In aan Ilaahay inna badin;
Arrin la’aan iyo
Iimaan la’aan
In aan Ilaahay inna badin;
Xaaraan iyo
Xaq bani-aadmi
In aan Ilaahay inna badin;
Qalbi madow
Qabri madow iyo
Qiyaame madow
In aan Ilaahay inna badin;
Jin iyo Insi
Ee gaal leh
Ee murtedd leh
Ee munaafaq leh
Ee xin leh
Ee xaasid leh
In aan Ilaahay inna badin;
Ishii cawri taqaan iyo
Calooshii kal-xumo taqaan iyo
Carrabkii cunsur yaqaan
In aan Ilaahay inna badin;
Jidka siraad saymahiisa
In aan Ilaahay inna badin;
Maalinta yoomal macsharka
Ilaahay sharkeeda
In uu innaga nabad geliyo;
Saacadda in Ilaahay
Saacatal ijaaba ka yeelo
Carrabkeenana Ismal-Acdam
In Ilaahay ka yeelo;
Wajigeena liilaaf in Alla saaro
Soofka in Alla innoo wanaajo
Sootkana in Alla innoo wanaajo
Suuqa in Alla innoo wanaajo
Sawjadda in Alla innoo wanaajo
Sabyaanta in Alla innoo wanaajo
Samada in Alla innoo wanaajo
Sabada in Alla innoo wanaajo
Calanka iyo ciidda
Dawladda, dadnimada iyo
Diinta wixii u cadow ah
In Alla innoo soo hadeeyo;
Haddaanay hadaysmaynna
In Alla innaga fogeeyo;
Dawladdana xaqa
Alla garansiiyo;
Balaayo hore rooran
Ta dambe reeban
Ta dhulku radeeban
Ta samadu raaran
Hareeruhu riixan
Labada daaroodba
Ilaahay ha innoo hagaajo;
Boggeenna burcad
Alla ha isku mariyo;
Ma dooran naqaanee
Alla ha innoo dooro;
Nabigeennii Maxamad
Naxariis iyo nabad gelyo
Ilaahay ha siiyo
Anbiyadii
Rusushii
Asxaabtii Rasuulka
Awliyadii
Waalidiinteen
Muuminiinta
Muslimiinta
Iyo innagaba
Ilaahay ha innoo naxariisto
Dambigeenana Ilaahay ha dhaafo.
Subxaana Rabbika.
AL FAATAXA.