DAGAALKII BADAR [Qaybta 1aad]

0
912

Casharka 37aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

DAGAALKII BADAR [Qaybta 1aad]
Waxaan soo marnay inuu Rasuulku SCW muddo hal sano ku dhow uu ciidamo dirayey isagoo rabay inuu qureysh dhaqaaleheeda curyaamiyo oo ka gooyo jidka ganacsigoodu ku xiran yahay maddaama ay xoolihii muslimiinta dheceen, kana soo saareen guryahoodii, maalkoodii iyo ehelkoodii, ayna tahay qureyshi codowga ugu daran islaamka iyo muslimiinta intaasna soo dhibayey. Muslimiinta iyagoo ka jawaabaya falalkaas xun xun ee qureysh waxay ka joojiyeen safaradii u kala socday Shaam iyo Makka oo dhaqaalahoodu ku xirnaa. Qureyshi aad ayey arrintaa uga xumaatay, jidkiina ciriiri ayuu ku noqday ilaa ay ku kalliftay inay maraan badda xeebteeda oo halkaasna looga daba tegey. Waxaa kaloo qureysh ka sii xanaajiyey in Makka duleedkeeda safarradoodii laga ugaarsado.

Haddaba waxaan soo marnay in Rasuulka SCW iyo ciidan u hoggaaminayo ay bishii Jamaadul Uulaa ku bexeen safar ay qureysh ledahay oo Makka ka tegey Shaamna u sii jeeda, hase yeeshee Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu waa soo wayeen safarkaas, dabadeedna waxay dhowrayeen soo noqodkiisa dambe. Labo bilood ka dib markii la is yiri safarkaasi waa soo gaddoomay ayaa Rasuulku SCW wuxuu diray laba nin oo kala ahaa: Dalxa ibnu Cubeydillaah iyo Saciid ibnu Seyd wuxuuna ku yiri “socda oo baadi gooba soona ogaada meesha ay soo maraayaan iyo waqtiga ay ku soo aaddan yihiin”. labadii nin way baxeen dabadeedna waxay gaareen meesha la yiraahdo Xuura, halkaas markay ayaamo joogeen ayaa waxaa soo maray safarkii qureysh oo tijaaro iyo alaab fara badan wada, kana koobnaa kun rati oo ay wadeen 40 nin, uuna madax u ahaa abuu Sufyaan ibnu Xarbi. Si degdeg ah ayay markaa labadii nin u soo noqdeen khabarkii oo dhanna Rasuuka SCW ugu soo gudbiyeen.

Rasuulku SCW wuxuu Madiina ka soo baxay bishii Ramadaan sannadkii 2aad ee hijriga, wuxuuna Madiina madax uga dhigay Cabdullaahi ibnu Ummi Maktuum hase yeeshee markuu marayo Rawxaa’ ayaa (rasuulku scw) direy abaa lubaaba oo ku yiri “Madiina madax ka noqo, Cabdullaahina salaadda ha tujiyo”. Calanka guud ee muslimiinta wuxuu Rasuulku SCW u dhiibay Muscab ibnu Cumayr, wuxuuna Rasuulku SCW ciidanka u qeybiyey labo qaybood: Muhaajiriin iyo Ansaar. Qaybta Muhaajiriinta wuxuu calankooda u dhiibay Cali binu Abii-dhaalib, qaybta Ansaarna Sacad binu Mucaad. Habka duullaanka ciidanka wuxuu Rasuulku SCW u qeybiyey shan qaybood oo waagaas ciidanka loo qaybin jirey: Midig, bidix, horey, gadaal iyo dhexda. Dhinaca midig wuxuu madax uga dhigay Subeyr binu Cawaam, dhinaca bidixna Miqdaad ibnu-Aswad waana labadii nin oo labada faras ka watay ciidanka. Dhinaca gadaale wuxuu madax uga dhigay Qeys ibnu abii Sacsac.

Rasuulka SCW iyo ciidankiisii way dhaqaaqeen waxayna qaadeen waddadii Makka aadi jirtey hase yeeshee markay u dhow yihiiin ceelka Badar oo ay marayaan meesha la yiraahdo Rawxa’ ayey dhinaca midig u leexdeen ka dibna way sii socdeen markay u dhow yihiin meesha la yiraahdo Safraa’ ayaa Rasuulku SCW wuxuu ceelkii Badar u diray laba nin oo sahan ah oo la kala oran jirey Basbas ibnu Cumar Aljuhani iyo Cadiyi ibnu Saqbaa Aljuhani, si ay u soo ogaadaan safarkii qureysh iyo meesha uu marayo.

Dhinacii kale ninkii la oran jiray Abuu Sufyaan ibnu Xarbi, oo ahaa ninkii madaxda u ahaa safarkii qureyshee, oo aad u digtoon, ogna waddada uu hayo oo Badar sii martaa ineysan aamin ahayn wuxuu galay wareysi uu wareysanayo cid aala cidduu arko oo uu ku leeyahay “Madiina maxaad wax war aha ka haysaa?”, markaasaa ugu dambeyntii waxaa loo sheegay in Nabi Maxammed SCW iyo asxaabtiisii ka soo baxeen Madiina iyagoo raadinaya safarkiisa. Abuu Sufyaan markuu arrintaas maqlay wuxuu ogaaday inuu halis ku jiro sidaa daraaddeed degdeg ayuu Makka ugu diray qaylo dhaamis, wuxuuna diray nin la oran Damdam ibnu Camar Alqafaari. Abuu Sufyaanna safarkii ayuu ka hormaray oo wuxu tegey ceelkii Badar wuxuuna ugu tegay ceelka nin la oran jirey Majdi ibnu Camar, wuxuuna weydiiyey inuu war ka hayo ciidankii Madiina. Majdi wuxuu yiri “cid aan garan waayo ma aanan arag aan ka ahayn laba nin oo neef geel ah watey oo neefkoodii halkaas arumiyey, ceelkana biyo ka dhaansaday dabadeedna iska tegey.

Abuu Sufyan wuxuu tegey meeshii neefka geela ah la arumiyey markaasuu saaladii neefka qaatey oo burburiyey, wuxuuna ka helay laf timireed markaasuu yiri “Ilaah baan ku dhaartaye waa daaqii Madiina”, dabadeedna intuu si degdeg ah ugu laabtay safarkii ayuu ka leexiyey waddadii oo dhinaca badda mariyey. Ninkii uu u direy Makka oo Damdam la oran jirey isagoo ordaya oo qeylo dhaamis ah ayuu Makka galay, wuxuuna sameeyey calaamooyin lagu yaqaanno qofka dareenka wada oo qamiiskiisii ayuu jeexay, ratiguu fuushanaana sanka ayuu gooyey, reeryadii ratiga saarnaydna dhinaca kale ayuu u wareejiyey, qeylana afkuu ku shubtay isagoo leh “qureysheey dharbaaxo dharbaaxo, xoolihiinnii Abuu Sufyaan waday Maxammed baa asxaabtiisii ku soo bixiyey una malayn maayo inaad gaaraysaan ee gargaar gargaar”.

Qureysh iyagoo awalba u ciil qabay Nabiga SCW iyo asxaabtiisa ayaa markii ay maqleen qeyladaas si degdeg ah u soo baxeen iyagoo faanaya oo leh “Maxammed iyo asxaabtiisu ma waxay u maleeyeen in safarkani yahay safarkii ibnu Xadrami oo kale, ma jirto arrintaasi, Ilaah baan ku dhaarranaye way ogaan doonaan si aan sidaas ahayn”. Odeyaashii qureysh madaxda u ahaa Abuu Lahab oo keliya ayaa ka haray isaguna wuxuu u haray xanuun, beddelkiisiina wuxuu diray nin uu deyn ku lahaa oo uu u cafiyey, raggii reer makkana ninkaan bixin beddelkiisii ayuu dirayey. Waxaa Makka ka soo baxay ciidan gaaraya 1300 oo nin oo wata 100 faras iyo 600 oo canbuur bireed iyo awr aad u tiro badan. Ammaanduulaha guud ee ciidanka qureysh wuxuu ahaa Abii Jahal, xagga maamulka iyo raashinka waxaa u qaabbilsanaa 9 nin, maalinkii waxay qalan jireen 9 ama 10 geeel ah.

Ciidankaasi waxay soo baxeen iyagoo uu ka muuqdo kibir iyo is qaad qaad iyo is tus tus siduu Allaahba uu ug caddeeyey aayadan:

((HA NOQONNINA KUWII UGA SOO BAXAY GURYAHOODA KIBIR IYO DADKA IN LA IS TUSO, JIDKA ALLENA LA XIRO, ALLAAHNA WIXII AY CAMAL SAMAYNAYEEN WAA MID KOOBAYA)), (Suuratul-Anfaal 47).

Qureysh waxaa intaa u sii dheerayd caro iyo xiqdi ay u qabeen Nabiga SCW iyo asxaabtiisa iyaga oo rabay iney dabar gooyaan.

Waxay Qureyshi u soo dhaqaaqeen dhinaca Badar, markii ay dhaafeen togga la yiraahdo Casafaan oo ay marayaan Juxfa ayaa waxaa u timid waraaq uu soo direy Abuu Sufyaan oo uu ku leeyahay “waxaad u soo baxdeen inaad badbaadisaan safarkiina, Allaahna waa idiin badbaadiyey raggiinnii iyo maalkiinnii ee soo laabta”. Hase yeeshee Abuu Jahal oo ahaa hoggaamiyihii ciidanka wuu diidey warkaas waraaqda ku qornaa wuxuuna yiri “Ilaah baan ku dhaartaye noqon mayn ilaa aan Badar tagno oo aan saddex beri joogno, geelana ku qalanno, cuntadanaku cunno, khamradana ku cabno, haweenkuna noogu heesaan, carabna ay maqasho socodkayaga iyo awooddayada si aan dib dambe naloogu haweysan”. Abii Jahal markuu hadalladaas yiri ayaa waxaa hadlay Akhnas ibnu Sureyq oo madax u ahaa reer banuu Suhra, wuxuuna yiri “haddii uu safarkii nabad galay aan laabanno”, markii laga diideyna ciidankii qabiilkiisa oo 300 gaarayey ayuu la laabtay, markii qureysh jabtayna qabiilkiisu aad ayey uga dambayn jireen, wayna jeclaayeen go’aankiisa. Sidoo kale waxa damcay iney laabtaan laftii uu Rasuulku SCW ka dhashay oo awalba aan dagaal dooneyn ee lagu soo khasbay hase yeeshee Abii Jahal ayaa u diidey oo yiri “kooxdani nama cidlaynayso”.

Dhinaca ciidankii muslimiinta waxaa loo soo gudbiyey in safarkii fakaday, ciidan aad u xoog badan oo Makka ka yimidna uu yimid isla markaasna aan laga fursan doonin in foodda la is daro, sidaa darteed koox ciidankii muslimiinta ka mid ahayd way dhibsatay xaaladdaas adag maxaa yeelay ciidanka muslimiintu hub sidaa ah ma wadan, dagaalna kuma soo talo gelin, Madiinana rag badan bay uga soo tageen, ujeeddada ay u soo baxeenna waxay ahayd iney soo qabtaan safarkaas qureysh. Kooxdaas siday u kahanaysayna Allaah ayaa qur’aanka ku sheegay oo wuxuu yiri:

(( SIDUU RABBIGAA KAAGA BIXIYEY GURIGAAGA XAQNIMO, KOOX MU’MINIINTA KA MID AHI WAA KAHANAYEEN, XAQA AYEYNA KUGULA DOODAYAAN MARKUU CADDAADEY KA DIB, WAABA IYAGOO DHIMASHO LOO WADO OO FIIRINAYA)), (Suuratul-Anfaal 5-6).

Rasuulku SCW markii uu arkay xaaladdu meesha ay marayso iyo wadciga taagan wuxuu arrintii u bandhigay oo la tashaday asxaabtiisii si ay afkaartooda uga dhiibtaan arrintaas cusub. Abuubakar ayaa markaas istaagay oo si fiican u hadlay, ka dib Cumar binu Khadhaab ayaa hadlay oo bartii loo baahnaa taabtay. Miqdaad ibnu Camar ayaa isaguna hadlay oo yiri “Rasuulkii Allow ku soco waxa Rabbi ku tusay, annaguna waan kula jirnaaye. Ilaahay baan ku dhaartaye kugu dhihi mayno hadalkii ay reer banuu Israa’iil Muuse ku yiraahdeen oo kale, kaas oo ahaa “soco adiga iyo Rabbigaa oo dagaallama, annaguna halkan baan sii fadhiyeynaaye”, laakiin waxa aan ku leennahay “soco adiga iyo Rabbigaa oo dagaaallama, annaguna la jirkiinna ayaannu dagaallmaynaaye. Allihii xaq kugu soo saaray baan ku dhaartaye haddii aad nala socotid ilaa aad ku gaartid Barkul-Qamaad, waan kula soconayna oo kula jiraynaa waxa ka sokeeya ilaa aad ka gaartid”.

Rasuulku SCW wuu ku farxay hadalkaas wanaagsan ee ay soo jeediyeen saddexdaas nin ee Muhaajiriin kamid ahaa hase yeeshee wuxuu jeclaystay in uu Ansaarna go’aan kooda wax ka maqlo maxaa yeelay ciidanku Ansaar ayuu u badnaa isla markaasna heshiiskii ay Rasuulka SCW la soo galeen ee Baycatu-Caqabadii 2aad kuma jirin duullaan dibadeed ee wuxuu ahaa difaacid cid kasta oo soo weerarta Nabiga SCW iyo muslimiinta. Rasuulku SCW wuxuu yiri “dadyahow ii ishaara” oo uu ula jeeday hadla oo talo keena. Waxaa markaa fahmay hoggaamiyihii Ansaar calan koodana waday, Sacad binu Mucaad, wuxuu yiri “Rasuulkii Allow waxaa la arkaa in aad annaga (Ansaar) noo jeedid?”, markaas ayuu Rasuulku SCW yiri “haa”. Sacad ayaa yiri “waan ku rumaysan nahay waxaa aannu ka markhaati kacnay in uu xaq yahay waxa aad la timid, waxa aan ku siinnay ballantayadii in aan ku maqalno oo ku adeecno. Ku soco Rasuulkii Allow wixii aad doontid, Allihii xaq kugu soo saaray baan ku dhaartaye haddii aad badda nala aaddo oo aad dabbaalatid waan kula dabaalanaynaa, nin annaga naga mid ahina ka dib dhici maayo, mana kahanayo in aad nala kulansiisid cadowgayaga berri, waan ku sabirnaa dagaalka, waannuna ka run sheegnaa la kulanka, waxaana la arkaa in Allaah uu naga kaa tusiyo wax ay ishaadu ku qabowsato ee ku soco barakada Allaah”.

Riwaayad kale waxa ay ahayd in uu Sacad yiri “waxaa la arkaa in aad ka baqdid in Ansaari u aragto in aadan xaq ugu lahayn gargaar guryahooda difaacidooda maahane, waxaanse leeyahay, aniga oo Ansaar u hadlaya “meeshii aad doontid noo hogaaami, ciddii aad doontid xariggeeda xiriiri oo heshiis la samayso, ciddii aad doontid xariggeeda goo, wixii aad doontid maalkayaga ka qaado, wixii aad doontid nasii, waxa aad naga qaadato ayaan ka jecel nahay waxa aad nooga tagtid, amarkayaguna amarkaaga ayuu raacayaa. Ilaah baan ku dhaartaye haddii aad socotid ilaa aad ka gaartid Qamdaan waan kula soconayanaa, Ilaah baan ku dhaartaye haddii aad badda noo bandhigtid oo aad gashid waan kula gelaynaa”.

Rasuulku SCW markii uu hadalladaas iimaanku ka buuxo Sacad ka maqlay wuu ku farxay, waxa ayna ku dhalisay firfircooni, wuxuuna yiri “socda oo bishaaraysta, Allaah SW wuxuu ii ballan qaaday labo arrin midkood in aan ku guuleysanno (Safarka ama dagaalka). Ilaah baan ku dhaartaye waaba aniga oo hadda eegaya meelihii ragga (gaalada) meydkooda la dhig lahaa”. Allaah wuxuu qur’aankiisa ku yiri:

((XUSUUSO MARKUU ALLE IDIIN YABOOHAY IN AY IDIIN SUGNAATAY (AAD KU GUULAYSANAYSAAN) LABADII KOOXOOD (CIIDANKII AMA SAFARKII) MIDDOOD, WAXAADSE JECLAYDEEN IN AY IDIIN AHAATO MIDDA DHIBTA YAR, ALLESE WAXA UU DOONAYAA IN UU XAQA KU SUGO KALIMADDIISA OO GOOYO CIRIBTA GALADA)), (Suuratul-Alfaan 7).

Rasuulku SCW ciidankii wuu ka raray meeshii uu deggenaa oo ahayd Dafraan, wuxuuna u kexeeyey Badar. Markii la marayo meel la yiraahdo Diyah oo Badar qarkeeda ah ayaa ciidanki degey. Rasuulka SCW iyo Abuubakar ayaa ka dib sahay u baxay, markii ay dhexda sii marayaan ayey la kulmeen odey dadkii baadiyahaas degganaa ka mid ah. Rasuulka SCW ayaa su’aal weydiiyey oo ku yiri “maxaad war ka haysaa dhinaca qureysh iyo dhinaca Maxammed SCW iyo asxaabtiisa?” hase yeeshee odeygii wuxuu yiri “idiin warami maayo ilaa aad isku kay sheegtaan”, Rasuulku SCW wuxuu ku yiri “waan isku kaa sheegaynayaa haddii aad noo warrantid”. Odeygii wuxuu markaas yiri “waxaa i soo gaartay in Maxammed iyo asxaabtiisii ay soo baxeen maalinkii noocaas ahaa, haddii uu qofka warkaas ii sheegay run sheegay, maanta halkaas ayey joogaan. Qureyshna waxaa iga soo gaartay in ay soo baxeen maalinkii noocaas ahaa, haddii uu run sheegay qofkii warkan ii soo sheegay, maanta iyaguna halkaas ayey deggan yihiin”. Odeygu wuxuu labada ciidanba ku sheegay goobihii ay kala degeen, markii uu hadalkii dhammaystayna wuxuu weydiiyey arrinkii uu sugayey oo ahayd in ay isku sheegaan cidda ay yihiin. Rasuulku SCW wuu u sarbeebay oo wuxuu yiri “biyo ayaan ka nimid” oo uu ula jeeday biyo ayaa nalaga abuuray, ka dibna way iska dhaqaaqeen isaga iyo Abuubakr, odeygiina wuxuu lahaa “biyehee? ma biyihii Ciraaq?” oo wuxuu u qaatay dhul webi leh sida Ciraaq.

XIGASHO: SOMALI TALK