GORFEYN: Buuggii “Futuux al-Xabasha”

0
1863

GORFEYN: Buuggii “Futuux al-Xabasha” – W/Q. Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

Halkan waxaan kaga hadlayaa buug waxtarkiisa taariikheed ka sarreeyo qoraal kasta oo kale oo aynnu ilaa maanta af soomaali ku haynno. Waa Futuux al-Xabasha (Qabashadii Xabashida) oo ay soo turjumeen labada nin ee reer Jabbuuti ee la ka la yidhaahdo Maxamed-Riiraash iyo Aadan-Beleloo.

Waa hubaal soomaali wal oo waxbarasho lihi weligii in uu maqlayay ama wax ka arkay buugga magacaas leh. Waxaa kale oo haddana hubaal ah soomaalida buuggaa akhriday in ay aad u yar tahay. Kolka la og yahay aqoonta qoran iyo waxbarashada dugsiyaysan ee geyigeenna ku cusub, ee la og yahay sida looga faro madhan yahay taariikh ummadeed oo la akhristo, gaar ahaan manhajka waxbarashada, waa arrin amakaag leh in aan maanta horteed la xaalayn soo turjumidda iyo daraasaynta Futuux al-Xabasha. Waayo waa qoraalka ugu sugan uguna habaysan ee kaydiyay dhacdooyin sameeyay oo aad u saameeyay hayaanka taariikheed ee bulshada soomaalida iyo bulshooyinka Geeska Afrika guud ahaan. Haddana la ma siin mudnaantii uu lahaa. Oo tolow maxaa dhaamay ee lagaga jeestay?

Futuux al-Xabasha oo uu qoray wadaad Yamaneed oo dhulka socdaal ku yimid, kaas oo la odhan jiray Shihaabadiin Axmed Cabdalqaadir (Carab Faqiih), waa buug inooga warramaya oo ina baraya taariikh aad weyn oo ku saabsan xilli aad u weyn. Waa isbeddello gun iyo baar ah oo diineed, siyaasadeed iyo dhuleed oo Geeska Afrika ka socday qaybtii hore ee qarnigii 16-aad. Waa milaygii uu socday halgankii hoggaamiyihii weynaa ee la odhan jiray Axmed Ibraahin, laguna naanaysi jiray Gurey. Waa hayaan taariikheed oo geeddiyadeeda buuggu goobjoog u ahaa. Waa toddoba sannadood (1529 – 1535) oo aan dharaar keliya faraska heensaha laga dhigin seeftana dhiigga laga bi’in. Toddobadaa sano ayuu Axmed-Gurey gobeeyay bulshooyinkii muslinka ahaa ee Boqortooyada Xabashida ee masiixiga ah u gumaysnaa, oo dib u xoreeyay dhammaan dhulalkii hore looga qaaday muslinka Geeska Afrika. Toddobadaa sano ayuu calanka muslinka hoos keenay idil ahaan dalweynihii Xabashiyeed iyo weliba degaannada deriska la ah qaarkood sida saldanadii Nuubiya (Soodaan). Toddobadaa sano ayuu sanguhu daba jeedlanaa dhagarqabe Xabashida boqor u ahaa oo la odhan jiray Libna Dengal, kaas oo ugu dambayn dhegta dhiigga loo daray. Waxa uu ahaa boqor xagjir ah oo geyiga fasahaadiyay.

Si aan si la mid ah la arag ayuu buuggu u soo gudbiyay taariikhdaa iyo duruufihii ku xeernaa. Waxa uu si wacan u qeexay sababihii colaaddaa keenay oo ahaa gaboodfal iyo xadgudub ay dhiig, dhaqaale, dhaqan iyo dhulba ku lumeen oo Boqortooyada Xabashidu muddo dheer ku haysay muslinka Geeska Afrika. Suldaankii muslinka ee xilligaa, Abuubakar, isaguna maalintaa wuu saaqiday oo in uu colka Xabashiyeed caabbiyo iska daaye qudhiisii ayaa noqday mici dadkiisa qaniinsan. Waxa uu dilay nin aad u ammaannaa oo taladiisa liidata ka hoos baxay kaas oo la odhan jiray Garaad Aboon, ahna ninkii soo shaacsaaray Axmed-Gurey oo weli yaraa. Halkaas ayay ciidankii Garaad Aboon intii ka hadhay oo Axmed-Gurey hormuud u yahay suldaanka kaga fallaagoobeen, una guntadeen muquuninta Xabashida.

Buuggu waxa uu ka la dhigdhigayaa qaabkii halgankaa loo abaabulay, dadyowgii ka qaybqaatay, goobihii lagu dagaallamay oo aad u badnaa, magacyadii halyeyada iyo abbaanduulayaasha dagaallada labada dhinacba, dhulalkii la ka la qabsaday, hantidii nool iyo moodba lahayd ee la saanyaday, khasnadihii Xabashiyeed ee wada ginginnaa sidii looga haagay, iyo kiniisadihii cajabta lahaa ee wada dahabka ka samaysnaa sidii loo galay. Kiniisad walba kolkii dahabkii laga fuqsaday ka dib waa la gubay, baadderiyadii ciidda ka batay ee hoos fadhiyayna waa lagu gubay, ama waa la gawracay, ama iyaga ayaa dabka kiniisadda isku daadiyay jacayl ay u qabaan darteed. Waa dagaallo arxanka laga tegay oo aan waxba la isu la hadhin. In aan la isu tudhin waxaa keenay nactooyada iyo cadaadiska ay Xabashidu muddada aadka u dheer muslinka ku haysay. Goobtii kowaad oo ahayd Shimbirakore (1529) iyo ilaa degmada Waynadaga, oo ah halkii halyey Axmed-Gurey lagu dilay (1543) kuna taalla Harada Taana, waxaa u dhexeeyay tobannaan iyo tobannaan goobood oo badankooda Xabashidu hub iyo ciidan badnayd haddana muslinku ku guulaysteen. Intaas oo dagaal waxaa cududda kowaad ahaa oo jiidda hore taagnaa soomajeestayaal soomaaliyeed.

Sidaas ayay ku dhowaatay xaaladda Geeska Afrika in ay ku xasisho, oo muslinkii dulmanaa dhulka ka taliyaan. Sidaas ayay ku socotay jeer ay soo kordheen laba arrimood oo dheellitirkii lumiyay. Midi waa Oromo aad u badan oo ka soo hayaantay Koonfurta Itoobbiya, kuna soo jabtay dhulkii muslinka ee bariga. Dadkaa doolka ahi muslinkii iyo masiixigii meesha ku loollamayay midna ma ahayn, ha ahaatee sida muuqata waxa ay culays bulsheed iyo cadaadis dhuleed saareen muslinka. Dhacdo kale oo dheellitirkii lumisay waa Yurubta masiixiga ah oo si hagar la’aan ah Xabashida ugu soo gurmatay, gaar ahaan Boordaqiiska. Jabka iyo hoosaynta muslinka Geeska Afrika ilaa maanta
saarani berigaa ayuu sidaa ku soo bilawday. Gumeynta uu masiixiga tirada yar ee Xabashidu muslinka ku hayo iyo taageerada aan ka la reebbanayn ee Reer Galbeedku goortaa ilaa galabta waa tabtii.

Malaha dadka badankoodu aniga ayay iga la mid yihiin aragtida ku saabsan Oromada xilligaa degaankeedu halka uu ahaa. Waxa aan moodayay qoomiyaddaasi in ay soo gaadhsiisnayd dhulka maanta soomaalidu degto laakiin laga riixay. Waxaa se hordhaca buuggan ku xusan qulqul laxaad leh oo ay dadkaasi kaga soo hayaameen koonfurta Itoobbiyada maanta.

Axmed-Gurey halgankiisii iyo guulihiisii dhaxalgalay taariikhayntooda iyo hadalhayntooda goor walba waxaa dhinac socda wayddiinta ah ninkaas hayb ahaan cidda uu ahaa. Wayddiintaasi iyada oo ah mid meesha ku jirta, haddii aynnu soomaali nahay waxa ay inoo sii lee dahay xiise dheeri ah, waayo waxaa inoo caado ah in aynnaan dayn karin ogaanshaha haybta qofka. Taas ayaynnu ninkan iyo taariikhdiisa weligeen ku la dhex jirnay. In uu soomaali ahaa kolka aynnu meel dhiganno ayaynnu reerka uu ka sii ahaa aad isugu sii shuqlinnaa. Runtii se bulshooyinka kale ee Geeska Afrika oo dhami waa ay inna la qabaan sheegashada haybta Axmed-Gurey. Caliterida, Cafarta, Oromada, Amxaarada, Tigreega, iyo xitaa carabtu waxa ay u haystaan in uu iyaga ahaa. Taariikh ahaan se arrintaa weli la ma hubin, la mana hayo xaqiiqo sugan, waayo taariikhyahannada dunida ee arrinta daneeyaa aad ayay ugu ka la qaybsan yihiin.

Arrimo dhawr ah ayaa keenay Axmed-Gurey in isirkiisa iyo haybtiisa la caddayn kari waayo. 1) mar qudha buugga Futuux al-Xabasha lagu ma carrabbaabin qoomiyadda iyo qabiilka uu ahaa, oo xitaa wax taa loo tixraaci karo la inna ma tusin, haba yaraatee. 2) qoraaga buugga oo ahaa nin carbeed oo isir ahaan gobolka ka baxsani sida muuqata ma uu danaynayn in uu qolo gooni ah ugu abtiriyo, ama wuuba ka digtoonaa si aanay taasi halyeygaa qiimigiisa wax ugu dhimin. 3) muslinka Geeska Afrika xilligaas aad ayay isugu dhowaayeen dhanka afka, dhaqanka iyo dareenka diineed intaba, sidaa darteed Axmed-Gurey haybtiisu in ay ismuujiso waa ay ka maarantay. 4) laga bilaabo Saylac ilaa dhulka maanta loo yaqaan Itoobbiya gunteeda muslinkii ku dhaqnaa waa ay iswada dhaleen oo isku milmeen, gaar ahaan dadka ku abtirsada qoysaskii saldanadaha hayay, Axmed-Gurey qudhiisana xididnimadaa baahday waa ay ka muuqataa. Waxyaalahaas oo dhan baa shiiqiyay haybtiisa.

Halgamaagaasi in uu ahaa nin gurran dadyowgii uu ku dhex jiray oo dhami waa ay isla qirsan yihiin, af soomaaligana la ma ka la reebo magaciisa iyo naanaystiisa ”Axmed-Gurey” si loo garto in isaga laga hadlayo. Laakiin qoraaga Carbeed taa adeegsan maayo, buuggiisa oo dhanna mar qudha ayuu ina dareensiinayaa ninkaasi in uu gurranaa, taas oo ah goobtii uu Axmed-Gurey ku soo gaadhay boqorkii Xabashida kaas oo ku gartay seefta uu bidixda ku haysto. Sababta uu carabku ninkaa mar qudha gureynimo ugu sifayn waayay malaha waa weynayn uu u diidayo in uu naanayso, waayo goor walba ammaan iyo maamuus aan laga sheekayn karin ayuu huwinayaa. Taa waxaa saamayn ku leh qiso qofnimada Axmed-Gurey ka baxsan oo uu Shihaabadiin aad u rumaysan yahay. Caadada dadkii hore ayay ka mid ahayd dhacdooyinka taariikheed ee waaweyn iyo halyeyada in la siiyo sifooyin iyo dabeecado dadnimada ka sarreeya si loo hirgeliyo fahan ah in uu ahaa qof xagga Rabbi laga doortay oo la weheliyo. Axmed-Gurey in uu muslinka u soo bixi doono oo Xabashida caabbiyi doono, sida uu qoraagu xusay, waxaa sii sheegay niman awliyo ah oo karaamadooda lagu kalsoonaa, kuwaas oo Berri Carab joogay. Taa darteed qoraagu Axmed-Gurey waxa uu inoo tusayaa qof barakaysan oo guulihiisa isdabajoogga ahi halkaa daarran yihiin.

Yeelkeede, qofnimada Axmed-Gurey inta la innaga baray waxa aynnu ka arkaynnaa in uu ahaa geesi dhab ah oo adkaysi iyo dulqaad badan, aadna u ujeeddo fog. Waxa aynnu ku hubnaa in uu ahaa nin cadawgiisa ku kakan dadkiisana u debecsan. Tobannaan iyo tobannaan goobood oo la isku haleelay, iyo tallaabooyinkii muhiimka ahaa oo dhan saaxiibbadii ayuu ka la tashaday, taladooda ugu habboon ayuuna mar walba raacay. Toddobadaa sannadood laba jeer oo qudha ayuu qaatay go’aan ka duwan taladii ay saraakiishiisu siiyeen.

Shihaabadiin qaabka uu warka u soo tebinayaa waa si dadban, habka hadalkiisu u dhacayaana ma aha ”aniga ayaa idiin warramaya” waa se ”isaga ayaa idiin warramaya”. Mooyi ujeedka uu sidaa u yeelaye, soo tebinta warku u ma dhigna qofka inoo warramayaa in uu yahay isla qoraaga, waa se sidii qof labaad, xitaa marka uu isagu naftiisa toos uga hadlayo. Sidaa darteed qoraagu in kasta oo uu goobaha qaarkood u soo joogay, kuwa kalena dadkii taagnaa ka qoray, labada xaaladood ma ka la cadda. Kol haddii se uu dhulka iyo dhacdooyinka ku dhex jiray taasi tayada taariikheed iyo xogogaalnimadiisa waxba yeeli mayso.

Waxaa la og yahay imaam Axmed-Gurey in la dilay sannadkii 1543, buuggani se waxa uu ku eg yahay 1535, dabadeed kollay qof waliba wuu iswayddiinayaa sannadahaa meesha ka maqan wixii dhacay. Qoraagu, Shihaabadiin, gunaanadka waxa uu ku sheegay Futuux al-Xabasha in uu yahay laba qaybood. Tani se waa qaybtii hore laakiin tii labaad nasiibxumo ilaa maanta meelna lagu ma hayo. La mana caddayn karo buuggaa labaad in uu qoray oo uu lumay iyo in ay isaga u suurtoobi wayday in uu qoro. Halkaas ayaa laga heli lahaa oo ay ku qornaan lahayd qisada halganka Axmed-Gurey inteedii dambe. Waxa ugu badan ee taariikhdaas dambe maanta laga hayaa waa waxa ay reebeen Xabashida iyo gaashaanbuurtoodii Yurub uga soo gurmatay.

La ma hayo nuqulkii asalka ahaa ee buugga Futuux al-Xabasha, waxaa se jira dhawr nuqul oo laga dheegay, kuwaas oo sida la sheegayo wax ku ka la duwan. Haddaba Aadan-Beleloo iyo Maxamed-Riiraash turjumaaddan waxa ay u doorteen mid nuqulladaa aan asalka ahayn ka mid ah, kaas oo ay af faransiis ka soo rogeen. Taasi waa iyaga doorashadooda oo ay sababeeyeen. Kol haddii se aynnu nahay umadda ugu horreysa ee taariikhdan leh, aad ayay u habboon tahay waxa masaladaa laga hayo oo dhan in la soo ururiyo oo la soomaaliyeeyo.

Labadaa nin buuggan waxa ay ku soo turjumeen af soomaali aad u tayo wacan, si qurxoon ayayna u habeeyeen, taasna bogaadin ayay ku mudan yihiin. Sideedaba Jabbuuti beryahan waxaa ka belbelaya dab ay ka shideen xarun aqooneed oo ay u bixiyeen Maxadka Afafka Jabbuuti. Waxa ay dhulalka kale ee soomaalida ku dhaamaan dadaalka ay ugu jiraan kobcinta afka iyo xoojinta qoraalladiisa. Dhawr buug oo tayo leh ayay dhowaanahan soo saareen. Tallaabadaa waxa ay xaq u lee yihiin in lagu ammaano. Iyagana waxaa xaq loogu lee yahay in lagu dhaliilo soofdaran habaabinta waxa umadda soomaaliyeed ka dhexeeya, iyaga oo in badan u jaba kelitalisnimada siyaasadeed iyo qabyaalad siyaasadeed oo is’huwan. Buugganna waxaa ku jira gef aad mooddo in ay u badheedheen, wax ugu wacanba.

Sida aynnu xusnay buuggu waa duni dhan oo dhigaysan oo qiimi aad u weyn u leh taariikhda Geeska Afrika guud ahaan, gaar ahaanna bulshooyinka muslinka ah ee carrigaa ku dhaqan. Quruumahaa badan ayay soomaalidu ka mid tahay kolka taariikhdani dhacayso. Haddaba waxaa jira magacyo tolal soomaaliyeed oo buugga ku soo noqnoqonaya. Soomaali iyo shisheeyaba kolka taariikhdaa la xiganayo weligeed, inta aan og ahay, madmadow ama male la ma gelin magacyada tolalka halkaa ku xusan. Ha ahaatee, waa yaabe, labada nin ee buuggan turjumay magaca Habar Magaade oo haybaha meesha ku jira ka mid ah waxa ay u qoreen Habar Maqadi, kaas oo ah sidii uu af carbeedka ugu qorraa ay se ahayd in ay soomaaliyeeyaan, waayo Shihaabadiin dhawaaqa g waxa uu qoray q. Taa ka sokow, turjubaannadu haddiiba ay eraygii u oggolaadeen macnihiisa runta ah ee Magaade waxa ay ku qeexeen magac ay tolal badani wada lee yihiin, taas oo ah wax aan dhaqanka soomaaliyeed la isku la aqoon. La garan maayo labada nin waxa xaskaa jiidhsiiyay ee u diiday in ay magaca qunyar u turjumaan, waxa ay se u badan tahay in ay ka mid tahay uun masiibooyinka maskaxeed ee soomaalida xilligan haysta. Waxaa qurux badnaan lahayd gefkaa in ay daabacaadda dambe ka fiirsadaan.

Turjumaadda qumman ee Futuux al-Xabasha waa buugga kowaad ee ay tahay muslinka Geeska Afrika oo dhami in ay taariikhdooda ka bartaan. Waa buug ay tahay in uu lafdhabar u noqdo maaddada taariikhda ee manhajka dugsiyada. Waa buug ay tahay guryaheenna oo dhan in uu yaallo.

Email: Ibraahinhawd@hotmail.com