BALLAN KA BIXII YAHUUDDII REER BANII QAYNUQAAC

0
682

Casharka 40aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

BALLAN KA BIXII YAHUUDDII REER BANII QAYNUQAAC
Sida aan soo marnayba Rasuulku SCW markii uu Madiina u soo hijrooday wuxuu heshiis la saxiixday saddexdii qabiilo ee yahuudda ahaa ee la kala oran jirey: Banii Qaynuqaac, Banii Nadiir iyo Banii qureyda. Heshiiskaa waxaa ka mid ahaa in Madiina nabad loogu wada noolaado oo aan la isku xadgudbin. Sidaa darteed Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa oo caan ku ahaa in aysan ballanta ka bixin, haddiise looga baxo ka ficilo qaata, waxa ay siduu ahaa u ilaaliyeen heshiiska, laakiin yahuudda oo weligeedba lagu yaqaannay ballan darro, khiyaamo iyo dhagar, kama aysan suulin sifadoodaas, waxayna intaas muslimiinta u maleegayeen shirqoo iyo dhagar, iyagoo weliba dacaayado ka fidinaya muslimiinta, tashwiishna ku furayey. Waxaana dhagartoodii ka mid ahaa: nin la oran jirey Shaas binu Qays, oo ahaa odey yahuudi ah, ayaa soo maray koox ansaar ah oo meel wada fadhida, markaas ayuu ka carooday wanaagga iyo jacaylka uu islaamku dhexdooda dhigay labadii qabiil (Aws iyo Khasraj) oo muddo dheer cadaawad iyo dagaal ka dhexayn jirey, markaas (ayuu) yiri “jamac baa ku kulmay magaaladaan, Ilaah baan ku dhaartaye la joog nooma ahaanin haddii ay arrin ku kulmaan”, wuxuu markaas la hadlay wiil yar oo yahuudi ahaa oo la socday kuna yiri “u tag nimankaas oo la fariiso, waxaadna xusuusisaa maalintii Bucaath iyo wixii ka horreeyey, una tiri gabayadii ay isu tirin jireen”. Wiilkii meeshii ayuu tegey sidii ayuuna sameeyey. Markaas ayaa raggii meesha joogey sheydaan simbiririxeyey, waxaana qaadday ficiladii qabiilka ilaa ay arrintii ka hadleen oo ka doodeen, isuguna faanee, ayna isu istaageen laba nin oo labada qabiil kala ahaa oo midkood kii kale ku yiri “haddii aad doontaan iyadii (Bucaath) ayaan soo celineynaa”. Dabadeedna labadii kooxoodba way caroodeen, waxayna dheheen “ballan aanu samaysanno”. Ka dibna waala isku hub doontay.

Arrintii ayaa gaadhay Rasuulka SCW, markaas ayuu si degdeg ah u soo baxay isaga oo ay la socdaan koox asxaabtiisa ka mid ah, markuu u yimid raggii isku hub doontay ayuu ku yiri “muslimiiney Allaah, (Allaah), war ma habarwacashadii jaahiligaad (ku dhaqaaqdeen) aniga oo idin dhex jooga, ka dib markuu Allaah idin hanuuniyey oo idin sharfay, idinkana gooyey arrintii jaahiliga, oo idinka koriyey gaalnimo, quluubtiinnana isku soo dumay”. Markaas ayey raggii ogaadeen in uu sheydaan simbiririxiyey oo ay arrintaanu ahayd makrigii (dhagartii) cadowgooda. Ka dibna way ooyeen, waana is mucaanaqeeyeen (marxabeeyeen). Dabadeedna Rasuulka SCW ayey soo raaceen iyagoo Ilaahay ka badbaadiyey fitnadii sheydaankii Shaas binu Qays, oo ka mid ahayd khiddadihii ay yahuuddu muslimiinta la rabeen.

Yahuudda oo mar walba isku dayeysey in ay qas iyo fitno ka dhex riddo muslimiinta waxay kaloo samayn jireen in qaarkood islaamka qaataan subixii, galabkiina ka baxaan iyagoo ujeeddadoodu tahay in ay muslimiinta ku beeraan shaki, islaamkana laga baxo. Arrintaasna Allaah isagoo tilmaamaya wuxuu yiri:

((WAXAY DHEHEEN KOOX EHELU KITAABKA KA MID AH “RUMEEYA KII LAGU SOO DAJIYEY KUWA (XAQA) RUMEEYEY (QURAANKA) MAALINKA GALINKIISA HORE KUNA KUFRIYA AAKHIRKIISA, WAXAY MUDDAN YIHIIN (HADAAD SAAS SAMAYSAAN) INAY KA NOQDAAN (ISLAAMKEE) (AMA GAALOOBAAN)”. (Suuratu Aali-Cimraan 72).

Sidoo kale waxa ay samayn jireen in ay maciishadda ku ciriirshaan qofka islaamka qaata, oo haddii ay deyn ku leeyihiin way ku dhibi jireen, haddii uu deyn uga baahdana way u diidi jireen, haddii uu deyn ku leeyahayna way u diidi jireen, waxayna ku dhihi jireen “waxaa deyntaada guditaankeedu na saarnaa intii aad diintaadii ku jirtey, haddii aad mar iilatay waxba naguma lihid”.

Arrimahaas iyo kuwo la mid ah ayey yahuuddu samayn jireen intii Badar ka horreysey iyagoo ku hoos gabbanaya heshiiskii Rasuulka SCW, Rasuulka SCW iyo asxaabtiisuna intaas oo dhan waa ay sabraayeen waxa ayna ku dadaalayeen hanuuninta yahuudda iyo in ay xaqa qaadato, waxaa kale oo ay ilaalinayeen heshiiskii ay la galeen yahuudda oo ahaa in Madiina nabad loogu wada noolaado. Yahuuddu markii ay arkeen nasriga iyo guusha Ilaahay uu muslimiinta siiyey dagaalkii Badar waxa ay bilaabeen xiqdi iyo xaasdnimo ay ka xun yihiin guusha muslimiinta. Waxaana saddexdii qabiil ee yahuudda ahaa ugu sii dhib badnaa reer bani Qaynuqaac, oo ahaa nimankii ugu horreeyey ee ballanta buriyey. Reer banuu Qaynuqaac waxay ay degganaayeen gudaha Madiina, waxayna ku dheereeyeen sancada iyo birta oo waxay samayn jireen hubka iyo qalabka dagaalka isla mar ahaantaasna iyaga ayaa saddexdaas qabiil ee yahuudda ah ugu geesisanaa. Ciidankooda dagaalku wuxuu gaarayey ilaa 700 oo nin.

Rasuulku SCW, markii uu arkay xadgudubka iyo qooqa ay yahuuddu waddo siiba reer banuu Qaynuqaac, ayuu yahuuddii oo dhan ku kulmiyey suuqii reer banuu Qaynuqaac oo ku yiri “yahuudeey islaama inta uusan idinku dhicin waxa ku dhacay qureysh”, markaas ayey dheheen “Maxammedow yeysan naftaadu kugu kedinin diliddii aad dishay odeyaashii qureysheed oo ahaa duqow aan dagaalka aqoonin, haddaad annaga nala dagaashana waxa aad ogaanaysaa in aan rag nahay, annaga oo kalena aadan hore ula kulmin”. Allaah isagoo arrintaa tilmaamaya wuxuu yiri:

(( WAXAAD KU TIRAAHDAA (NABIYAW) KUWA GAALOOBAY WAA LA IDINKA QAALIB NOQON, WAXAANA LA IDIN KU KULMIN JAHANNAMO, IYADAANA GOGOL U BAAS LAHAATAY)), (Suuratu Aali-Cimraan 12).

Ka dib Rasuulku SCW wuu qariyey caradiisii, wayna u sabreen isaga iyo asxaabtiisuba, laakiin arrintaasi waxa ay reer banuu Qaynuqaac u siyaadisay dulmi, qooq iyo in ay qasaan magaaladii Madiina.

Ibnu Hishaam wuxuu ka weriyey Abii cawn in haweeney carab ah ay la soo gashay badeeco suuqi reer banii Qaynuqaac, waxayna ag fariisatay nin wax u sancaynayey. Yahuuddii waxay isku dayeen in ay haweentaa wejiga ka feydaan, iyaduna way diiddey, markaas ayaa mid ka mid ahaa (Yahuuda) maradeeda dacalkeeda ku xiray dhabarkeeda iyada oo aan ogeyn. Markii ay istaagtay ayey cawradeedii feydantay, qosol ayey iyagiina la daateen, haweentii waa ay qaylisay. Waxaa arrintii ka xanaaqay nin muslim ah wuxuuna dilay yahuudigii ficilkan sameeyey, yahuuddiina waxay dileen ninkii muslimka ahaa, ka dib muslimiintii way isu habarwacdeen.

Rasuulku SCW wuxuu la soo baxay ciidankiisii, Madiinana wuxuu madax uga dhigay Abaa Lubaaba binu Cabdi-mundir, calanka guud ee muslimiintana wuxuu u dhiibey Xamsa ibnu Cabdimudhalib.

Maalin Sabti ah oo bisha Shawaal ay kala bar ahayd, sannadkii 2aad ee hijriga, ayuu Rasuulku SCW ciidankiisii kexeeyey ilaa uu ka gaaray degaankii reer banuu Qaynuqaac.

Markii ay reer banuu Qaynuqaac arkeen Rasuulka SCW iyo ciidankiisa, waxay galeen dhufeysyadoodii. Rasuulka SCW iyo ciidankiisiina way isku hareereeyeen. Markii 15 beri lagu hareeraysnaa oo la dul degganaa, noloshiina ciriiri ku noqotay, quluubtoodiina uu Ilaahay argagax ku ridey, ayey is dhiibeen.

Ka dib isagoo Rasuulku SCW doonaya in uu reerkaas abaalkooda marsiiyo, ayaa waxaa istaagay Cabdullaahi ibnu Ubay ibnu Salool, oo munaafaqii aan ka soo hadalnay ahaa, wuxuuna Rasuulka SCW ku ilxaaxiyey in uu nimankaas iska daayo, wuxuuna yiri “Maxammed hagaaji gargaarayaasheda” waayo qabiilkiisa Khasraj iyo binu Qaynuqaac ayaa xulufo ahaa jirey islaamka ka hor. Rasuulku SCW wuu ka jeedsaday hase yeeshee Cabdullaahi arrintii wuu ku soo celceliyey, wuxuuna gacanta geliyey canbuur bireedka Rasuula SCW jeebkiisa. Rasuulku SCW intuu aad u carooday oo wejigiisii madoobaaday ayuu yiri “i sii daa, war hooggaagee i sii daa” hase ahaatee munaafaqaasi waa diidey oo arrintiisii buu ku adkaystay isagoo oranaya “ma jirto Ilaah baan ku dhaartaye ku sii dayn maayo ilaa aad wanaajisid xulafadeyda, Afar boqol oo seefle iyo Sadex boqol oo canbuur biredle ah oo weligood iga difaaci jiray guduud iyo madow (carab iyo cajam), miyaad maanta hal mar layneysaa. Ilaah baan ku dhaartaye waxa aan ka baqayaa halaag”. Ka dib Rasuulku SCW wuu u sii daayey laakiin wuxuu amray in ay Madiina ka guuraan. Markaas waxa ay u guureen dhinaca Shaam in kasta oo qaar kamid ahaa ay khaybar u guureen, maalkoodiina waxa la wareegay muslimiinta. Qaniimadii waxaa madax looga dhigay Maxammed binu Maslama.

XIGASHO: SOMALI TALK