DAGAALKII UXUD [Qaybta:3aad]

0
884

Casharka 46aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

DAGAALKII UXUD [Qaybta::: 3aad]

Ku xiiirsan Qaybtii 2aad ee uxud
Ciidankii gaalada waxaa sidii aan soo sheegnayba hoggaamiye guud u ahaa Abuu Sufyaan Ibnu Xarbi, dhinaca midig wuxuu madax uga dhigay Khaalid ibnu Waliid, dhinaca bidixna Cikrama ibnu Abii-Jahal, ciidankii lugtana wuxuu madax uga dhigay Safwaan binu Umaya, ciidankii gammuunleydana Cabdullaahi binu abii Rabbiica. Calanka waxaa u waday jilibka reer Cabdidaar oo qureysh calanka u wadi jirey, firna u lahaa, cidna kulama doodi jirin hase yeeshee Abuu Sufyaan ayaa markan canaantay si ay calanka ugu faro adeygaan oo wuxuu yiri “reer banii Cabdidaaro, calankayaga ayaad waddeen maalinkii Badar, waadna aragteen wixii nagu dhacay, dadkana waxaa lagu jebiyaa calankooda, haddii uu calankaasi dhaco waa dhacayaan, marka ama calankaas nooga qayba ama noo daaya annaga ayaa idinka kaafineynee”. Reer banii Cabdidaar inta ay xanaaqeen oo ficiloodeen ayey dheheen “ma calankayaga ayaannu kuu dhiibnaa?”, waad ogan doontaa berri marka aannu la kulanno waxa aannu samayno”.

Abuu Sufyaan si uu muslimiinta safkooda u kala dhantaalo, wuxuu waraaq u diray Ansaar, warqadda wuxuu ku lahaa “isu kaaya daaya annaga iyo ilma adeerradayo, waan idinka tekeynaaye, dagaalkiinnana ma dooneyno”, hase yeeshee Ansaartii Rasuulka SCW oo ahaa rag uu quluubtooda iiman buuxiyey, si adaga ayey u gu soo jawaabeen, wax uu kahdayna waa maqashiiyeen. Sidoo kale nin la oran jirey waagii hore Abuu Caamiri-Raahib, hase ahaatee uu Rasuulku SCW u bixiyey Abuu Caamir Al-fasiq, oo jaahiligii madax u ahaan jirey Aws, laakiin markuu islaamku yimid oo Aws islaameen, diidey islaamkii lana colleytamay Rasuulka SCW, Madiinana ka cararay oo qureysh u tegey, isla markaana abaabulka dagaalka qayb weyn ka soo qaatay, haddana la socday, qureyshna ugu sheekeeyey “haddii ay qabiilkaygii i arkaan way i soo raacayaan”. Ayaa markii Uxud la isugu yimid wuxuu u dhawaaqay tolkiis oo yiri “reer Abuu Caamir baan ahay”, markaas ayey ku dheheen “Alle wanaag il kuuma saaro faasiqiiyow”, markaas ayuu yiri “Allaa i lehe tolkay belo ayaa ku dhacday gadaashay”.

Halkaas ayuu ku hoogay ninkaas Abuu Caamir Al-Faasiq, waxa ugu badan oo uu ninkaasi Ilaahay diintiisa iyo Rasuulka SCW ula colleytamay waxa ay ahayd isaga oo u arkayey in islaamku xukunkiisii ka qaaday, sideedana qofku hadduu soo maro xukun jaahili ah way adag tahay in uu xaqa u hoggaansamo illaa qof Ilaahay u naraxiistay ma ahane.

Shan iyo tobankii dumarka ahaa ee la socday ciidanka gaalada iyaguna kaalintooda ayey dagaalka ka qaadanayeen, waxaana dumarkaas hormood u ahaa Hinda bintu Cutba, oo ahayd abuu Sufyaan xaaskiisii. Waxay haweenkaasi dhex marayeen safafka ciidankooda iyagoo heeso iyo buraanburro ay ku guubaabinayaan ciidankooda tirinaya. Waxayna lahaayeen iyagoo la hadlayay nimankii calanka waday ee reer banii Cabdidaar “ilaaliyaashii beledkow xubin walba garaaca”. Sidoo kale ciidankana waxay ku lahaayeen “haddaad qaabbishaan (dagaalantaan) waan idin marxabaynaynaa, gogoshana waan idiin goglaynaa, haddii aad jeesataan waa idin ka tegeynaa, ka tegid aan jacayl ka dambayn”.

Labadii ciidan way isku soo dhawaadeen, dagaalkii ayaana bilowday. Habka uu dagaalku ku bilowday waxa ahayd: Waxaa soo baxay ninkii waday calanka gaalada ee reer banii Cabdidaar, magiciisana la oran jirey Dalxa binu abii Dalxa, ninkaas wuxuu ka mid ahaa raggii ugu geesisanaa fardooleydii qureysheed, muslimiintuna waxay ninkaa ku magacaabeen beerkii kooxda (ciidanka). Ciidankoodii ayuu markaa ka soo dhex baxay ninkaasi isagoo calankoodii wada, wuxuuna dalbay mubaaraso (banbixid), hase yeeshee wax yar ayaa laga hakaday, maxaa yeelay wuxuu ahaa dagaalyahan geesinnimo ku caan baxay. Waxaa markaa ninkaa u soo baxay Subeyr ibnu Cawaam, oo Nabiga SCW eeddadiis ay dhashay. Labadii nin foodda ayey is geliyeen, dabadeedna Subeyr seef ayuu ninkaa uga tuuray rakuubkii uu saarnaa, ciidda ayuuna afka gashaday isaga oo dhaawac ah, Subeyr ayaa ka daba tegey oo si fiican qoorta ugu dheereeyey. Rasuulku SCW markuu arkay sida dhakhsaha ah ee Subeyr ninkaas uga takhalushay ayuu takbiirsaday, Subeyrna wuu ammaanay, wuxuuna yiri “Nabi kasta wuxuu lahaa xawaari (ilaaliye heegan u ah), xawaariyahaygu waa Subeyr”.

Dagaalkii ayaa bilaabmay, wuxuuna intii hore oo dhan dagaalku ku wareegayey calankii gaalada oo ay iska daba qaadayeen ilma banii Cabdidaar. Waxaa markii Dhalxa la diley calankoodii qaaday walaalkiis Cusmaan binu Abii Dhalxa, waxaa ninkaasna si degdeg ah u dilay Xamsa binu Cabdimudhalib. Ka dib waxaa calankoodii qaaday walaalkood Abuu Sacad binu abii Dhalxa hase yeeshee waxaa isna gammuun ku diley Sacad ibnu abii Waqaas, waxaa kale oo la yiraahday Cali binu abii Dhaalib ayaa u soo baxay oo dilay. Saddexdaas walaalaha ah markii ay dhinteen waxaa calankoodii qaaday wiil uu dhalay kii ugu horreeyey oo la oran jirey Musaafac binu Dhalxa binu abii Dhalxa, waxaa isna diley Caasim binu Thaabit. Waxaa markaa calankii qaaday kan la diley walaalkiis, Kulaab binu Dhalxa binu abii Dhalxa, waxaa isna ka takhallusay Subeyr ibnu Cawaam. Waxaa ku xigsaday oo calankii qaaday walaalkood Jalaas binu Dhalxa binu abii Dhalxa, waxaa isna qoorta u dheereeyey Dhalxa ibnu Cubeydillaah, waxaa kaloo la dhahaa waxaa dilay Caasim binu Thaabit.

Markii ay is raaceen lixdaas nin ee reer banii Cabdidaar oo ahaa saddex walaalo ah iyo midkood saddex uu dhalay, dhammaantoodna ay ku wada dhinteen calankii gaalada, ayaa waxaa calankoodii qaaday nin kale oo reer banii Cabdidaar ah oo la oraj jirey Ardha binu Shuruxbiil, waxaa kaasna diley Cali Abii-dhaalib, waxaa kaloo la yiraahdaa waxaa dilay Xamsa binu Cabdi Mudhalib. Ka dib waxaa calankii u qaaday Shureex binu Qaarid, oo isla reer banii Cabdidaar ah, waxaase insa dilay diley Qasmaan. Calankii waxaa markan u qaaday abuu Seyd Camar binu Cabdimanaaf, waxaa isna diley Qasmaan ayaa diley. Waxaa halkaa ku dhintay 10 nin oo reer banii Cabdidaar ah oo dhammaantood calanka isaga dambeeyey, nin dambe oo reer Cabdidaar ahina kuma harin ciidankii qureysh. Markan waxaa calankii qaaday wiil xabashi ah oo reer Cabdidaar addoon u ahaa, lana oran jirey Sawaab. Wiilkaas oo aad geesinnimo u muujiyey, una dagaallamay ilaa labadiisa gacmood la gooyey, ka dibna qoorta iyo xabadka ku qabsaday calankii si aan calanku dhulka ugu dhicin, isna waa laga takhlusay isagoo leh “Ilaahow ma cudurdaaray”, taas oo uu ula jeedo intii karaankiis ah in uu dadaalay. Wiilkaas markii la dilay, ka dib calankii gaalada dhulka ayuu ku dhacay, qof dambena kor uma uusan qaadin. Inta calankaas lagu dagaallamayey dagaalku dhinacyada kalena waa uu ka socday, muslimiintuna waxay muujiyeen wacdaro ilaa safafki gaaladu kala jajabeen, waxaanu muslimiinta shicaar (halku dheg) u ahayd oo ay ku dhawaaqayeen kalimadda ah AMIT, (dhimo), oo calaamad u ahayd dagaalkaas Uxud.

Ninkii ahaa Abuu Dujaana oo watay seeftii uu Rasuulku SCW siiyey, maradii caseyd ayuu madaxa ku xirtay, ka dibna wuxuu dhexjiirey ciidamadii gaalada ninkii ka horyimaaddana wuu dilayey. Subeyr binu Cawaam ayaa wuxuu yiri “Rasuulka SCW ayaan seefta weydiistay intuusan Abuu Dujaana siin ka hor, markaas ayuu ii diidey, ka dibna Abuu Dujaana yuu siiyey. Markaasaan nafsaddayda iska iri “aniga oo eeddadiis i dhashay, oo weydiistey seefta, ayuu ii diidey oo Abuu Dujaana siiyey, Ilaah baan ku dhaartaye waan fiirin wuxuu sameeyo (Abuu Dujaana)”, markaas ayaan daba kacay. Wuxuu la soo baxay maradii guduudnayd, madaxa ayuuna ku xirtay, Ansaar ayaa markaa tiri “Abuu Dujaana waxa uu la soo baxay maradii dhimashada”, ka dibna wuu baxay oo ciidankii ayuu dhex qaaday. Wuxuu yiri Subeyr oo hadalkiisii wata Abuu Dujaana nin lama uusan kulmayn illaa wuu dilayey. Gaaladana waxaa ku jirey nin aan dhaawac nooga tegin ilaa uu dilo maahane. Ka dib ninkaa iyo Abuu Dujaana ayaa isku dhowaaday, markaas ayaan Alle ka baryey in ay iska hor yimaadaan. Allaahna waa iska hor keenay oo labo seefood ayaa la is dhaafsaday, Abuu Dujaana ayaa markaa intuu seeftii gaalka gaashaanka isaga dhigay, seef kale u daba mariyey oo halkaas ku dilay. Safafkii gaalada ayuu sii dhex jiirey ilaa uu gdaal ka tegey oo uu la kulmay naagtii hormuudka u ahayd hawennkii gaalada, Hinda, isaga oo aan garanayn. Seefta ayuu dusha ka saaray haddana waa ka daayey. Waxaan markaa iri “Alle iyo Rasuulkiisa SCW ayaa wax og”. Wuxuu yiri Abuu Dujaana “waxaan arkay qof dafka aad u guudbaabinaya, markaas ayaa u tegey. Markii aan seeftii kor ugu baacshey ayaan arkay in ay haween tahay, markaas ayaan ka sharfay seefta Rasuulka SCW in aan haween ku dilo”.

Sidoo kale raggii iyaguna maalintaas wacdaraha muujiyey waxaa ka mid ahaa Xamsa binu Cabdimudhilib, oo aad gaalada u hoojiyey, kuna shahiiday dagaalkaas. Waxaa uu yiri Waxshi binu Xarbi, oo ahaa ninkii Xamsa diley, isagooka sheekeynaya siduu Xamsa u diley “waxaan addoon u ahaa Jubeyr binu Mudhcim, oo adeerkiis Dhuceyma lagu diley Badar. Haddaba markii ay qureysh dagaalka Uxud soo aadeysey ayaa waxa uu igu yiri “haddaad adeerkay u diho Maxammed adeerkiis Xamsa, xor baad tahay”. Ciidankii baan markaas soo raacay, waxaana ahaa nin xabashi ah oo shiishka aad u yaqaanna. Markii dagaalkii Uxud bilowday oo ciidammadii kulmeen waxaan anigu fiirsanayey Xamsa ilaa aan markii dambe ciidanka dhexdiisa ka arkay isagoo oo aad mooddo awr, Ilaah baan ku dhaartaye waan ka baqay in aan aado, sidaa darteed waxa aan isku qariyey geed si uu iigu soo dhowaado. Waxaa iiga hormaray Subaac binu Cabdulcuse, Xamsa ayaa arkay oo ku yiri “kaalay ina buuryagoyseedow” (ninkaas hooyadiis ayaa ciyaalka gudi jirtey). Xamsa hal mar ayuu ku dhuftay seefta Subaac, madixiisii ayaa markaa kala daatay. Ka dib waxa aan diyaarsaday leebkaygii, markii aan si fiican u hubsadayna waan sii daayey, wuxuu markaa uga dhacay gumaarka, wuxuuna ka baxay (leebkii) labada lugood dhexdooda. Dhinacayga ayuu markaa u soo dhaqaaqay hase yeeshee waa miyir doorsoomay waana dhacay. Anigu kalama soo bixin leebkaygii gadaal isaga laabtay oo meel ayaan iska fariistay, cid kalena dan kama aanan lahayn, isagana waaxaan u dilay si la ii xoreeyo. Markaan Makka tegeyna waa la i xoreeyey”. Ugu dambayntii gadaal ayuu Waxshi ka islaamay, wuxuuna ka qayb qaatay jihaadyo badan, wuxuuna diley ninkii nabinnimada sheegtey ee Rasuulku SCW u bixiyey Musaylamatul-kadaab.

Sidoo kale dadkii maalinka aadka u dagaallamay waxaa ka mid ahaa Xandhala ilaa uu ka sigay oo ka dili gaaray hoggaamiyihii ciidanka gaalada Abuu Sufyaan, oo markii uu seeftii kor ugu qaaday oo damcay in uu ku dhufto, ayaa waxaa isagii seef ka gaarsiiyey nin ciidankii gaalada ka mid ahaa oo la oran jirey Shaddaad binu Aswad, halkaas ayuuna Xandhala ku shahiidey, waxaana dhaqay malaa’ig oo waxaa loo bixiyey Qasiilul-Malaa’ika.

XIGASHO: SOMALI TALK