Hagrashada hablaheena iyo hu’ la’aanta hankeena!

0
839
#Somaliland #Democratization #process: #Political #parties

Sheeko: Hagrashada hablaheena iyo hu’ la’aanta hankeena!
sheekaddii kaalinta Saddexaad ka gashay tartankii sheeko iyo shaahid 2014

W/Q: Nasra Cali Nuux
Waxa ay ahayd hillaadii dabayaaqadii qarnigii tagay. Waxa aanu ahayn qoys ka kooban todoba qof; saddex wiil, saddex gabdhood iyo hooyaday. Alle ha u naxariistee aabahay waxa uu dhintay anaga oo aad u yar yar maanaan lahayn adeer na kafaaalo qaada oo noo gala kaalintii aabahay. Aniga iyo dhammaan carruurtayadu waxa aanu dhigan jirnay dugsiyada ku yaal gobolka gabiley. Maanaan lahayn ilo dhaqaale oo iskuulka naga wada kaafisa dhammaantayo, xitaa kharashaadka kale iyo quutal daruuriga ayaa aad noogu adkaa.
Hooyaday waa Xaddiyo oo waxa ay aad ugu adadagtahay…………
dhaqanka, gaar ahaan dhaqanadii soomaalida, waxa ay ku dhaqmi jirtay caadooyinkii ay lahaayeen dadkii hore, sida waxbarashada oo ay u arki jireen in ay gaar u tahay inamada oo kaliya iyo caadooyin kale oo la mid ah.  Aabahay waxa uu ahaa kii na geeyay iskuulka markii aanu yaryarayn, hooyaday se waa ay diidi jirtay oo waxa ay dooni jirtay in ay inamada oo kaliya wax soo dhigtaan, habluhuna ay aqalka joogaan. Dhimashadii aabahay kadib hooyaday waxa ay go’aansatay in aniga oo ah curadii reerka iyo labadii hablood ee kale ee iga yaryaraa ay naga saarto iskuulka, waxaana ay u daysay kaliya saddexdii wiil. Hooyaday waxa ay ku fikiraysay in inamadu ay anfici doonaan berito marka ay wax bartaan, layaab malaha se oo waxa ay kala sinayd bulshada inteeda kale oo fikirkaa noocaasi ah aaminsanayd.
Go’aankaa ay hooyaday qaadatay kadib, waxa ay ii sheegtay in aan u baqooli doono hargaysa oo aan u tegi doono  habaryartay oo degan halkaas, si aan ula joogo oo aan ugu shaqeeyo iyada oo ka fikiraysa danta iyo baahida taala qoyskayaga. Aniga oo tixgalinaya go’aankii hooyaday ayaa aan ugu jawaab celiyay haye hooyo waan u tagi doonaa insha Allah, lacagta aan soo shaqeeyana waan idiin soo diri doonaa.
******
Amintu waxa ay ahayd aroor hore markii aan kasoo jarmaaday deegaankii aan ku noolaa aniga oo kusoo waajahan magaalada Hargeysa iyo xaafadii habaryartay. Waxa ay ahayd markii iigu horeysay ee aan dhaafo magaalada aan ku noolahay, Waxa aan soo raacay gaadhi weyn oo dhayne ah, waxa aan soo fuulay xaga sare ee gaadhiga, waxa aan soo maray dhul aad u quruxbadan oo leh dhir cagaaran iyo geeddo aad u bilicsan, waxa aan aad ula dhacsanaa quruxda dabiiiciga ah ee uu deegaanadaa Alle ku  manaystay. Mar qudha maan fadhiisan intii aan kusoo jirnay safarka oo kolba jiho ayaan u jeedsanayay, waxa aan la yaabanaa sawaxanka iyo jaadadka kala duwan ee shimbiraha dul hogonaya geedaha dushooda iyo ugaadha kale ee ay ishaydu qabanaysay oo aanan qaar hore u arag. Hargeysa dhaayaha hore umaan saarin oo waxa aan islahaa kolba tuulada aan soo gaadhno waa Hargeysa, sababta oo ah waxaan maqli jiray iyada oo la leeyahay ma foga ee waxa ay jirtaa waxyar. Gaadhigu aad ayaa uu u dheeraynayay oo markiiba waxa uu na keenay magaaladii aanu kusoo jihaysnayn. Istaanka uu gaadhigu ku eegyahay waxa igu sugaysay habaryartay oo ay hooyaday lasoo hadashay intii aan soo socday.
Cajiib! Ma garanayo sida uu safarkani wax uga bedeli doono noloshayda  iyo saamaynta uu igu yeelan doono wakhtiyada dambe, waxa aan ku faraxsanaa se magaalada aan yimid iyo nolosha cusub ee aan wajihi doono, inkasta oo aanay maskaxdayda ka maqnayn duruuftii ay ku sugnaayeen reerkayagu iyo in la iga sugayo adduun oo aanay farxad iyo ciyaari ii oolin. Hadda waxa aan ku sugnaa magaalada dhawr cisho oo waa aan la qabsaday jawigii cusbaa, waxa aan bartay sida loo qabto hawlaha guriga inkasta oo haddana aan la igu aamini jirin dhammaan hawlaha guriga intii aan cusbaa oo dhan.
Waxa aan ahay inan u banbaxday nolol ay dheehantahay khataro badani, waxa aan ahaa inan yar oo caar ah, waxa aan ahay cad bisil haddana duruufta iyo waayaha igu gadaamnaa ayaa ka weynaa dhamaan arrimahaas oo dhan, waxa aan weheshan jiray Samir oo waxa aan  isku  qancin jiray in aan mar uun si fudud uga gudbi doono marxaladaas.
Habaryartay waxa ay ahayd qof aad u qalafsan oo waa ay i dagaali jirtay inta badan, marmarka qaarna waa ay i dili jirtay. Imika sidii aan markii hore ugu hamuum qabay uma ihi oo waa aan ka calool go’ay. Wax aan dhibaatadii ay habaryartay igu haysay dulqaad ku dhaafo ba, waxaan go’aansaday in aan iskaga tago gurrigeeda, oo aan u shaqo tago reeraha kale ee magaalada degan. Goor casar ah ayaan iskaga dhaqaajiyay gurigii aan joogay waxa aan u xoogsi tagay xaafad ay i gaysay inan aanu jaar ahayn oo ahayd qofkii ugu horeeyay ee aan magaalada kala saaxiibo. Waxa aan  ku noolahay nolol cusub oo  guud  ahaanba ka duwan tii hore. Waxa aan ahaa qof ka tirsan qoyskii aan u shaqaynayay, oo aad iiga warhayn jiray, xitaa maalmaha aan xanuunsanayo waxa ay iga qaban jireen hawsha gurriga.
******
Adduunkaa ayaa gelinba nooc ahe, xaafadii aan la joogay waxa ay u guureen dhinacaas iyo Itoobiya, aad ayaa ay u jeclaayeen in aan raaco inkasta oo aanan anigu doonayn in aan ka tago halkii ay hooyaday igu ogayd. Maalmo yar dabadeed waxa aan shaqo la mid ah kuwii hore ka bilaabay mid ka mid xaafadihii Hargeysa oo aan in muddo ah la joogay inkasta oo aan ka tagay iyadana. Noloshaydii waxa ay noqotay in aan ka shaqeeyo gurri ka gurri iyo weel ka weel. Aqoon iyo xirfad kale oo aan ku shaqaysto ma garanayo, maankana maan gashan sida aan uga gudbi doono hawlaha noocan ah oo aad iigu dhib batay, naftaydiina waxa ay noqotay sidii caleemo ay daad iyo dabaylo sitaan oo aan garanayn halka ay ku hadhi doonaan.
******
Waayo ba xusuustiisa lehe, waxa iigu xusuus qadhaadhaa maalmo kooban oo aan u shaqayn jiray qoys ka kooban rag iyo dumar, oo aan dhibsan jiray hab-dhaqankooda ayaa maalin ka mid ah maalmihii aan u shaqaynayay reerkaas aniga oo ku jira madbakha samaynayana cuntadii waxa ii soo galay wiil ka mid ah dhalinyartii xaafada, waxa uu i weydiiyay alaab uu markaas muraad u lahaa, markii aan siiyay alaabtii ayaa uu wiilkii ku kacay fal aanan ka filanayn isaga oo isku dayay in uu i kufsado. Nasiib wanaag waxa aan ku sugnaa wakhtigaas goobtii aan ku karinayay cuntada, waxaana aan gacanta ku hayey mididii aan wax ku karinayay, waxa aan isku deyey in aan naftayda badbaadiyo oo waxa aan ka taagay mididii, kedibna waa uu dhintay.
Muddo yar oo  ilbidhiqsiyo ah waxa  dayaantay  qaylada, waxaana isla oogsatay baroorta, wax isku soo jebay dhamaan deriskii oo qaarba ay wax ku qaylinayaan oo ay leeyihiin “wiilku miyuu dhintay mise waaa dhaawac, aaway gacan ku dhiiglaydii iyo hadalo kale”
Anigu waa aan naxsanahay, oo waa la i canaananayaa, waxaana aan ku suganahay qol ka mid ah guriga. Inyar kadib waxa la ii dhaadhiciyay xagaa iyo xabsiga.
Maan gafin oo ma aan gardaranayn ee waxa ay ahayd dhac iyo boob aan geed loogu soo gaban, oo ileyn adduun iyo maal waad ka samirtaa oo hanti waad saamaxdaaye, sadkii nolosha ayaaa la iga quud dareeyay. Si kasta aha ahaatee aniga ayaa dambiile noqday, maan haysan dhaqaale aan ku qabsado Looyar ii dhiciya xaqayga oo cadeeya dambi la’aantayda. Waxa aan ku xidhnaa xabsigii muddo sannado ah. Lacagtii aan ku shaqaynayay mudadii aan la joogay ayaa iyana aanan helin oo awood uma lihi aan sheegto.
Gebi ahaanba noloshii xoogsiga iyo jaariyadnimo waxa ay igu noqotay mid aad u qalafsan, waxa aan kala kulmay sillic iyo saxariir. Kadib markii la isoo daayayna waxa aan u ban baxay bay’ad ka duwan tii aan markii hore ku noolaa waxaana aan la saaxiibay hablo aan wanaagsanayn. Markii hore waxa aan ahaa qof fiican laakiin waxa is bedelka intaa le’eg iigu wacnaa jeelkii aan ku jiray sannadada.
******
Wixii ka danbeeyay waagaas waxa aan bilaabay in aan dhalan gediyo midabkii uu Illaahay ii dhaliyay oo aan is cadeeyo, waxa aan ahaa dhabeel qurux dhammaanteed uu qaadir ku manaystay haddana taas maan dareensanayn, waxaana aan marsaday midab dooriyayaal aad u badan oo la isku qasay. Aqoon umaan lahayn oo waxa aan ka dheehday hablihii aanu asxaabta noqonay waayadii dambe oo xitaa lacagta lagu soo gadayo iyaga ayaa bixin jiray ana waxaan ahaa qof la nool iyaga oo waxa ay sameeyaan sameysa.  Waa aan is cadeeyey ilaa aan lumiyey midabkaygii quruxda badnaa. Waxa aan noqday sidii xaashi bayaad ah oo buug ku taala oo xiddidadii ku yaalay jidhkayga ayaa banaanka usoo baxay. Waxa dhibaato igu noqotay in aan kul oo dhan u dhawaado haddii uu yahay mid ka imanaya dabka wax aan ku karinayo oo waxa aan ka dheeraan jiray in aan dheri soo dhadhaaro iyo kulka qorraxda oo aan iska ilaalin jiray inta badan.
Isla sannadkaas waxa aan u holaday in aan sheekaysto oo aan furo albaabada haasaawaha, inkasta oo aan aad u yaraa haddana waxa igu baxay uumi oo waxa aan ka dheereeyay raadkaygii. Markale ayaa aan u isku dhiibay inan rag oo sas iyo baqdin aan ka qabay. Wax walba waa la ii qurxiyay oo waxa i haysata aniga aqoon darro, cidda aan la joogana waa dad aan u arkayay in ay iga heer sareeyaan markaas, wax walba oo ay igu yidhaahdaana waa aan yeeli jiray oo ku dhaqmi jiray. Maskaxdaydu waxa ay u gudhay oo u dildilaacaday sidii ceel ay biyihii ka dhammaadeen, waxa aan noqday sidii iniin  yar oo lagu riday ciid oo aan la waraabin kadibna lagaga tegay ingeyg. Waxa aynu ognahay in qofku uu gebi ahaanba xayawaanka kaga duwan yahay caqliga iyo garaadka, labadubana ay yihiin sida rabadhka oo kale oo haddii wax la baro ama wax la geliyo ay kala baxaan oo ay kobcaan. Halka taas cagsigeeda haddii wax san lagu shubi waayo ay isku ururaan ilaa aad ka garanwaydo magacaaga. Subxaanalaah.
Bilowgii nolol haasaaweedka wax walba aad ayaa ay u qurux badnaayeen aniguna maba aan aqoonin mustaqbal saadalinta, waxa aan jecelaa in aan wakhti walba maqlo codka qofka aan la sheekaysan jiray mar marka qaarna aad ayaa aan ugu hamuum qabay in aan kulan wada qaadano. Waxyar dabadeed maan ahayn sidii hore oo waxa aan halmar haasaawe  u furay rag dhammaantii oo aan la sheekaystay rag kala duwan, aniga oo habeenba nin la balami jiray. Waxa aan noqday tuke baal cad oo ka tilmaaman kobta aan ku noolahay, dad badana waxa ay igu xaman jireen qof aan hayb lahayn oo meel ay ka timid la garanayn. Marar dhawr ah oo aan isku dayay in aan noqdo qof leh nin xalaal ah ayaa aan ii suurto gelin waayo tab hayoow waa lagaa tab hayaa ayaa aan noqday oo nin waliba muraad in uu iga dhameysto ayaa uu rabay. Calafkana Illaahay ayaa haya ee waa aan iska samri jiray.
******
Nasiib wanaag, dhawr sano kadib waxa aan helay calafkaygii, oo aan isku qanciyey  in uu ahaa kii ugu wanaagsanaa ee munaasibka igu ahaa amintaas. Waxa aan galay  guri xalaal ah, waxa aan aaminay in aan noqday qof guulaystay hal talaabana hore u qaaday. Waxa aan bilaabay waji cusub oo nololeed oo faraxad badani ku dheehantahay, waxa aan la kulmay nolol inbadan aan u hanqal taagayay iyo in aan mar uun noqon doono xaas ku sugan hoy iyadu ay leedahay. Waxa kale oo aan ka raystay hawshii iyo haasawihii madhalayska ahaa.
Noloshaa raaxada leh waxa aan ku jiray muddo laba sanno ah oo agtayda u dhigmaysay labaatan sanno, nasiib darro laakiin may waarin farxadaasi oo ninkaygii ayaa uu si kedis ah ugu yimid xanuun xaga madaxa ah oo noqday qof aan xuskiisu dhamayn ama waashay.
Dawada Illaahay ayaa haya ee waxa aan ku deynay dawo, dabiib iyo duco intuba laakin dhammaantood may noqon kuwo usoo celiya miyirkiisii iyo maankiisii.
Sidii aan ula tacaalayay xanuunka ninkayga oo aan weli la silcayo, ayaa uu ii aniga i hiifay oo uu gaadhey heer uu gacan ii qaado. Mar labaad waxa aan galay nolol aad u adag maxaa yeelay waxa aan hadda ka werwerayaa ilaalinta naftayda, sidaa darteed waxa aan bidhaaminayaa meel aan ka raadiyo badbaado.
******
Millay aad u dheer markii aan kasoo maqnaa ayaa aan u xadhko xidhay dhankii uu iga xigay  gurigii ay ku noolaayeen hooyaday iyo carruurtayadu kaas oo ku yaalay miyiga magaalada gebiley oo ahayd halkii aan kasoo baqoolay ku dhawaad shan iyo toban sanno ka hor. Waxa  aan sii maray isla jidkii aan soo maray, imika wax waliba waa ay isbedeleen, dhulkii maalintii aan soo marayey ee cagaarnaa waxa uu noqoday omos lama degaan ah, aaway sakaaradii  iyo shimbirihii  midabada badnaa, aaway kaymihii jiqda ahaa iyo dhulkii bilicda lahaa, ma dhulkiibaa lama degaankan noqday ayaa aan niyada iska lahaa. Farqiga u dhaxeeya dhulkan aan ka sheekaynayo markii hore ee aan sii maray iyo markan dambe ee aan soo maray waxa uu si dhab ah uga turjumayay marxalada aan ku sugnaa markii hore ee aan inanta yar ee curdinka ah ahaa oo barwaaqo ahayd iyo markan dambe ee aan soo dhamaystay rafaadka iyo dhibaatada oo aan ka duwanayn abaar.
Safar dheer kadib waxa aan gaadhay gurigayagii waxa aan hooyaday oo aan ogayn in ninkaygii waashay uga waramay sida ay wax u dhaceen, hooyadayna niyada ayaa ay ii dhistay iyada oo igu leh “dhib malah hooyo tani waa nolosha iyo waayeheed, waxaana aad kaga baxaysaa samir iyo dulqaad, hooyo madaama aad saygaagii caafimaad kula joogtay waa in aanad ku nicin cudurka”. Haye iyo hawraarsan ayaa aan ugu hal celiyay.
******
Muddo badan markii aan la joogay hooyaday waxa aan kusoo laabtay gurigaygii aniga oo ay maanka iigu jirto isla markaasna soo guntaday taladii iyo daradaarankii hooyaday. Waxa aan soo guryo noqday xaaladii oo isa sii bedshay iyo ninkaygii oo kasii daray caafimaad ahaan, sidaas darteed kuma aan  guulaysan in aan xaqiijiyo taladii hooyaday. Wakhti kooban kadibna waxa aan reerkoodii ka dalbaday warqadii furniinka waana ay i fasaxeen oo ay iga fureen, dhawr bilood kadibna waaba uu xijaabtay oo waxa u timid geeridii.
Inanimadaydii waa ay daciiftay, walow aanan weli isbadalin hadana Imika waxa aan ahay carmal, ma jiro hoy aan u laabto iyo guri aan galo toona, shaqo aan qabto iyo wax kale oo aan sameeyaana ma jiraan. Fikir badan oo aan iskula shawray kadib waxa aan go’aan ku gaadhay in aan ku noqdo mihnadaydii hore ama shaqadaydii ahayd weel xalista iyo masaxaada aniga oo ka bilaabaya xaafad kale oo ka fog xaafadihii aan beryihii hore kasoo shaqeeyay. Waxa aan dib u bilaabay sannado kale oo rafaad ah, hada wax walib sidii waayo waayo ayay yihiin. Maadaama oo aan ahaa gabadh loo shaqayn jiray iyada oo soo martay guri ay leedahay waxa igu adkaatay in aan u shaqeeyo sidii hore oo waxa aan isku haystay in minankaygii aan joogo, noloshuna aad ayaa ay iigu adagtahay, da’daydu waa ay korodhay, inkasta oo aanan qancin haddana waxa aan dareemayay in ay gebi ahaanba iga soo xidhmeen albaabadii rajada ee noloshu. Waxa kale oo aan dareemayey culays xaga jidhka ah haddana qushi inta aan yidhi ayaa aan niyadayda ilawsiiyaa noloshii macaanka badnayd ee aan ku noolaa intii aan aqalka lahaa.
Beryo kadib waxa soo yara noolaatay rajadaydii oo waxa aan dib u bilaabay haasaawe, ilayn naftu waa nacase waxa aan isku qancinayaa “dhib malaha fursadaasi waxa ay ahayd mid kaa khasaartay bal haddana mid iska nasiibso”. Isla markiiba waxa aanu is baranay wiil ka mid ah dhalintii soo kacaameysay ee aanu isku filka ahayn. Markii aanu waxogaa wada soconay ee uu na dhexmaray xidhiidh wanaagsani waxa aanu ku heshiinay guur uu iga dalbaday isaga, aniguna waan soo dhaweeyey, waayo kaliyaata wax aan danaynayey meel aan kaga diif rogto dhibaatadan shaqaalenimada iyo tacadiyada xuxun ee marmar la igula kacayo, iyada oo aan la ii arkayn qof nool oo nafi ku jirto. Waxa aanu wada galnay aroos kadibna waxa aanu wada bilaabanay nolol cusub oo dhaldhalaal iyo farxadi ka muuqato.
Wax hamuum iyo xiiso la isku hayo inta hore marka dambe wax kastaa waxa ay iskugu soo biyo shubtaan xaqiiqada. Wiilkii waxa kasoo if baxay dhaqano badan oo aan ka muuqan wakhtigii aan ku guddo jirnay haasaawaha iyo isbarashadayadii hore. Farxadii iyo dhalanteedkii waxa ay u muuqdaan qaar soo af-jarmaya, wax walibana waxa uu yeeshay wejigiisii saxda ahaa. Waxa aan naftayda ku qanciyey in aan samro oo aan la yimaado dulqaad, waayo waxa ceeb ahayd bulshada dhexdeeda gabadh aroosad ah oo durba cabanaysa. Muddo haddi aan sidaas ku jiray ayaa wax walba sii adkaadeen oo ay ka sii dareen wax reyn-reyn ahna aan waayay. Ninkaygii waxa uu noqday mid aan kacayn maalin oo dhan, habeenka oo dhana waxa uu kusoo jeeda qaad iyo maandooriye, waxaana uu iskaga tegay shaqadii isaga oo ka doortay in uu fadhiyo marfashyada lagu qaylo. Xaalka aanu ku suganahay waa mid aad u liita, arrimihii reerkuna waa ay sii adkaanayeen marba marka ka dambaysa ilaa uu awoodi kari waayey in uu bixiyo kiradii aqalka wixii aan quudanaynana hadalkeedaba daa. Habeenada qaar sidii gabadh aan la qabin ayaa aan guriga seexdaa kaligay, kuma haysto gasiin iyo gacal kale toona, taasi waxa ay sababtay in aniga oo da’daas ah aan go’aansaday in aan marlabaad dalbado furniin. Isaga oo qayrul masuul ahaana waa uu soo dhaweeyay oo waxa uu i siiyay warqadii, inkasta oo go’aankaasi aan u arkayay mid sax ah haddana waxa aan ka werwersanaa waxa aan wajihi doono.
Waxa aan soo dhex maray magaalada hargeysa aniga oo qaadaya heesta ay ku luuqayso fanaanada Aamina Cabdilaahi ee tidhaa “……wakhtigaa nin saacida nina waayahaa xidha labadaasi waxaan ahayn hore looga waayo waa nin iyo waagii”, Waa aan murugaysnaa oo aan niyad jabsanaa, waana aan isla hadlayay sidii qof waalan, waxa aan dhibsanayey dadka i agmarayay, waxa wejigeyga ka muuqatay murugo badan, indhahayguna waa ay goteen waxaana ka qubanaysa ilin, waxa aan ooyayay habeenno, waxa aan ka rajo dhigay adduunyada, waxaana aan isku arkayay hadana qof ay iska soo xidheen dhammaan albaabadii mustaqbalku, waxa aan ku guul daraystay imtixaankii nolosha, waxa aan ruugayaa dibnaha oo farta ayaa aan dhexda ka qaniinsanahay, waan aayo beelay oo eedaaday, waxa aan is leeyahay aheey ah may beri shalayto may noqon.
Waxa aan u gaambinayay sidii xuur wadkeedii loo soo sheegay, waxa aan socdaa socod cagtaa dhabo darran ah oo aan jiho lahayn, wax iga muuqata diihaal, daranyo iyo darxumo dhammaanteed, dadku iima kala sokeeyaan oo ma arko mid aan ku diirsado oo aan debnahayga u furo uurkaygana u dooxo, ama aan is yidhaa ka marti talo ama tusaale.
******
Da’daydu gu’ba gu’ga xiga waa ay sii siyaadaysaa, imika ma aqaano waxa aan qaban doono iyo cidda aan u tegi doono midna. Dadku waxa ay ii yaqanaan qumayo dumisa reerka ay gashaba. Halka aan joogsadaba waa la i hiifi jiray habaar iyo hagardaamo ayaa wehel la iiga dhigi jiray. Sumcad iyo qofnimo aan ku dhex leeyahay bulshada midna ma jirto. Waxa la igala mid dhigay xayawaanka, ma garanayo waxa aan gaystay  iyo halka la iga raacay toona. Qoys waxba iiguma filna ehel iyo asxaab kalena hadalkoodab daa. Waxa aan kolba dib u xasuustaa maalintii aan kasoo  ambabaxayay gurigayagii iyo tuuladii aan ku noolaa ee caanka ku ahayd iskuulka oo meelo fog fog looga iman jiray. Waxa aan xusuustay waxbarashadii iyo maanta heerka aan gaadhi lahaa haddi aan maalintii la iga saari lahayn ama aan sii wadan lahaa iskuulka,waxa aan xisaabiyay inta wakhti iga luntay iyo heerka ay marayaan hablihii aan isku faslaka ahaan jirnay. Waxa kolba igu soo mirkacaysa sida aan u waayey noloshaydii aasaasiga ahayd. Bulshada soomaaliyeed oo ahayd ta aan ka dhashay waxa ay ku jirtay waagaas casri jaahiliya oo haweenka xaqooda la aaso, waxa ay ahaayeen dad samaha iyo wanaaga dhibsada oo jecel tacadiga. Hadda wadamada aanu jaarka nahay waxa ay la kowsadeen saman adduunku dayaxa iyo xidigaha soo taabtay, jahligii iyo qabyaaladii naafaysayna tiir lagu xidhay oo la toogtay. Hub iyo tignoolajiyad casri ah ayaa laga haqab belay, imika ubadka dugsiyada loo diro waxa lagu ababiyaa iimaanka, adkaarta, sama falka waalidka, hanashada naftooda iyo waajibaadka dalkooda, halka bulshadii aan ka yimid ay weli u damsanyihiin dhammaan tiriigyadii noloshu, dood iyo dagaal adagna ku waajahda cida shamaca u shida, waxa ay ahaayeen bulsho tixgalisa kala saraynta, waxa ay ahayd ummad ku faanta anagaa reer hebel ah iyo anagaa idinka laandheeraysan oo aan u aabo yeelin agoonta,hablahana kala dagaalama aqoonta oo aflagaado ayaa ay ku dili jireen tii dugsiga aada oo waxa ay u yiqaaneen aafo iyo in ay inantu soo baaba’ayso. Waxa aan is wediin jirey tolow ilaa goorma ayaa ay sidan sii ahaan doontaa dadkani, yaase jabin doona dabaradan birta ah ee ku xidhan dadkayaga.
Nasiib daro anigu waxa aan ka mid ahaa dhalintii la kulantay wakhtigaa ee uu adduunku ku maadoobaa (aan hablaha waxbarshada lagula dadaalayn), ee laga dayacay waxbarashadoodii dabeeto la lumiyey aayahoodii mustaqbal.
Waxaas oo caqabad ah ee noloshadayda soo waajahay waxa qayb  libaax ka qaadatay  ama ay ka soo unkantay  fikradii ahayd in  waxbarashada habluhu ay tahay bilaa faa’iido, wakhti lumis iyo khasaare oo dugsiga laga hor istaago gabdhaha, taasi oo aniguna i saamaysay oo iga dhigtay guri joog. Saacaddo badan ayaa aan naftayda la faqay waxa aan dooxay oo diirka ka qaaday nabaro aan dawoobeyn iyo boogo aan loo helayn dhaymo toona, waxa aan ka fikiray sidii aan u noolaan lahaa, waxa aan raadiyey dariiqo aan ku noolaan karo, ha ahaato shaqo ama weji kale oo nololeede, Waxa aan codsaday shaqo laakiin waxa la i waydiiyey maxaad taqaanaa, balse nasiib darro taasi ma ay dhicin waayo waxaan ahay qof madhan oo aan waxba lasoo barin.
******
Ugu dambayntii waxa aan xasuustay qowlkii alle ee ahaa “ha ka quusanina naxariista Alle” ilayn bini-aadam hami kama dhamaadee waxa aan is dareensiiyay in aan gaadhi karo weji cusub oo nololeed, waxa aan aan ku noqday shaqadaydii hore ee aan iiga baahnayn aqoonta iyo shahaadada toona.
Kuma lihi bulshada dhexdeed wax saaxiib ah haba yaraatee waayo dadka kii aan is yidhaa lahadalba waa uu iga cararaa, sidii aan ahay bahal dad cun ah, halka aan istaagana waxa la igu lahaa waatan tii inkaarta qabtay ee ho’ga ku riday reerkeedii, reerka ay gashaana aanuu guulaysan jirin.
Miyaanay lahayn beer naxa oo naxariista? Miyaanay lahayn jiidh damqanaya? Miyaanay lahayn dareen  ay kaga dhiidhiyaan dulmiga? Miyaanay mid mid dhaama lahayn? Miyay dugsi ii diraan oo alif waa darajee eray ay i baraan? Miyay mar uun jahliga iga xoreeyaan si Alle naarta uga xoreeyo. Maxay ku ilaaween odhahdii ahayd “qofka gabadh wax baraa waa qof ummad ama mujtamac wax baray”. Ereyadaasi waxa ay ahaayeen kuwo aan ku calaacalay aakhirkii.

Ma garanayo wax kale oo aan gaystay ee la igu galayo, waxa aan ogaaday in dhibaatada I haysata oo dhan ay sabab u tahay aqoon la’aani, waxba la ima barin maan helin daryeelkii aasaasiga ahaa, wixii saxda ahaana la iima sheegin. Ma anaa waalan mise cadan ayaa laga heesayaaa.

W/Q: Nasra Cali Nuux